transcription stringlengths 37 96 | audio audioduration (s) 3.24 9.05 | speaker_id int64 1 1 |
|---|---|---|
sheegayayna wuxuu filayay isaguna in uu si la eg ugu farxo | 1 | |
laakiin wuxuu ku jawaabay dhiillo ha ka bixina weligood ma | 1 | |
dhiillo ayay ku jirayaan danayn la aanta danta xigaalka ee rooble | 1 | |
yarka waa ay kaga xanaajisay wuuna fahmi waayay wuxuu u | 1 | |
arkay fulaynimo bakhaylnimo tol nacayb iyo dhiigdarro kuwaas oo dhammaan | 1 | |
wada ah sifooyin aan nin sharaf iyo dadnimo ilaashanaya ku | 1 | |
habboonayn dabeecadda adeerkii wuxuu dhinac dhigay tii aabbihii waxaana u | 1 | |
soo baxay laba qof oo si walba u ka la | 1 | |
duwan sida uu uga xumaaday adeernimada rooble si la eg ayuu | 1 | |
ugu farxay aabbenimada mici libaax dhacdadaasi waxay ahayd tii ugu | 1 | |
horreysay kuwo badan oo raage ogaysiiyay ka la faquuqnaanta rooble | 1 | |
iyo tolka si uu shakhsiyadda adeerkii u fahmo wuxuu xasuusta | 1 | |
ka baadi goobay wax uu ka maqlay intii aanu u | 1 | |
iman laakiin ma uu xasuusan wax macno leh oo aan | 1 | |
ahayn hadal uu mar aabbihii ka maqlay kaas oo ahaa | 1 | |
rooble wuxuu igu yidhi ninkaa raage aan dad ka dhigo | 1 | |
oo meel ka soo saaro ee dhakhso iigu keen moodi | 1 | |
maayo qofku haddii aanu iskuul dhigan in uu dad noqon | 1 | |
karo xasuustaa yar wuxuu ka dhex helay xaqiiqo ah adeerkii | 1 | |
tacliinta in uu u arko dadnimada isla markaa doonayo isaga | 1 | |
in uu dad ka dhigo in kasta oo uu xaqiiqsaday | 1 | |
reerku in ay naxariis badan yihiin haddana aad ayuu ugu | 1 | |
hiloobay noloshii furfurnayd ee qoyskooda wuxuuna aad ugu hiloobay cayaartii | 1 | |
iyo kaftankii walaalihii laakiin qunyar qunyar ayuu u la qabsaday | 1 | |
una jeclaystay qoyska iyo magaalada qunyar qunyar ayuu u dareemay | 1 | |
in uu ka raystay noloshii qallafsanayd ee miyiga ina adeertii | 1 | |
leyla ayay si gaar ah isu fahmeen qudheedu ma ay | 1 | |
hadal badnayn waxa ay se u hadli jirtaey si nooc | 1 | |
kale ah oo ka duwan sidii hablihii yaryaraa ee uu | 1 | |
miyiga kaga yimid waxay ku hadli jirtay erayo waaweyn mararka | 1 | |
qaarkoodna wuxuuba moodi jiray in ay aad uga da weyn | 1 | |
tahay wuxuuna ku xasuusan jiray hooyadii tusaale ahaan si filanwaa | 1 | |
leh ayay ugu amri jirtay orod qubayso dharka iska | 1 | |
beddel halkan miyigii ha moodin iyo wax la mid ah | 1 | |
qallafsanaanta reer miyinimada darteed in kasta oo ay u taag | 1 | |
wayday waxay isku hawshay in ay indho iyo dhego u | 1 | |
noqoto si ay maskaxda uga qabsato waxa ay se ugu | 1 | |
yaab badnayd maalintii ay iyaga oo keligood guriga jooga wayddiisay | 1 | |
ma taqaan sida ay dadku isu uureeyaan wuu yaxyaxay laakiin | 1 | |
isaga oo iska ilaalinaya in ay ka ilhesho ayuu ugu | 1 | |
jawaabay haa waa sidee ayay sii wayddiisay adigu haddii aad | 1 | |
taqaan waa sidee markii ay aragtay in uu khajilay ayay | 1 | |
si islaweyni leh u tidhi inan fiican baad tahay waxaad | 1 | |
se tahay geeljire markaas waxaan kuu sheegayaa wax cilmi ah | 1 | |
waxaa isku darsama shahwada ragga iyo ugaxda dumarka dabadeed waxaa | 1 | |
ka abuurma ilmo waa isla sida ay xooluhu isu rimiyaan | 1 | |
hadalkeeda inta hore wax badan ka ma uu fahmin inta | 1 | |
dambe ayuu se tixraacay wuxuuna ku jikaaray dadka iyo xooluhu | 1 | |
ma isku mid baa haa xataa geela dadka iyo xooluhu | 1 | |
isku mid ma aha waxaas yaa kugu yidhi ayuu wayddiiyay | 1 | |
isaga oo mar la yaabban marna libta u diiddan daaradda | 1 | |
ayay joogeenee iyada oo aan u jawaabin inta ay gudaha | 1 | |
gashay ayay mid ka mid ah buugta hooyadeed la soo | 1 | |
orodday wax uu ahaa buug caafimaad oo leh sawirro waxayna | 1 | |
soo rogtay bogag ay ku sawiran yihiin xubnaha taranka dadku | 1 | |
si degganaan iyo isku kalsooni leh ayay bilaw ilaa dhammaad | 1 | |
ugu sharraxday sida ay xubnahaasi u abuuran yihiin iyo sida | 1 | |
ay u koraan sida ay isu galaan iyo sida ay | 1 | |
isu tarmiyaan waxay u egayd macallimad xariifad ah laakiin isagu | 1 | |
khajilaad ayuu la dhididay maalin kale iyada oo qolkeeda wiil | 1 | |
isaga la eg sariirta la galgalanaysa ayuu arkay dabadeed inta uu | 1 | |
inankii debedda u eryay iyadana ku canaantay mar dambe haddii | 1 | |
aan agtiisa kugu arko waan ku garaacayaa iyaduna waxay isu | 1 | |
difaacday si uu qaadan waayay iyada oo tidhi waanu isjecel | 1 | |
nahay ee adiga maxaa kaa galay dhaqanka miyiga ninku ina | 1 | |
adeertii difaaca sharafteeda mas uul ayuu ka yahay sidaas darteed raage | 1 | |
xil aan ka aabbaheed ka yarayn ayuu leyla iska saaray | 1 | |
laakiin dhaqan yaab leh oo uu ku wareeray ayuu qoyska | 1 | |
ugu yimid rooble qudhiisu dhawr jeer ayuu islaantiisa raage iyo | 1 | |
leyla hortooda ku dhunkaday kuna xoodaamiyay taas oo ahayd | 1 | |
caado raage indhihiisa ku cusub filinkii ugu horreeyay ee uu | 1 | |
galay oo ahaa filin caddaan ah ayuu dhaqankaas mar kale | 1 | |
ku arkay wuxuuna maleeyay in ay tahay halka uu adeerkii | 1 | |
caadadaa ka keenay wuxuu ka fekeray reerka uu u yimid | 1 | |
hodan iyo sabool mid ay yihiin xaaladdooda dhaqaale mar wuxuu | 1 | |
dhinac dhigay aabbihiisa geela badan mar kalena qoysas deriska ah | 1 | |
uu noloshooda wax ka arkay laakiin waa ay ku adkaatay | 1 | |
in uu xukumo marka uu eego baabuur la aanta odayga iyo | 1 | |
dahab la aanta islaanta ee uu qoysaska deriska ah qaarkood ku | 1 | |
arkay isla markaana eego xoolo la aanta gaadhsiisan in ay xataa | 1 | |
caanaha soo iibsadaan waxay la noqotaa in ay yihiin foqoro | 1 | |
laakiin haddana marka uu arko guriga ay deggan yihiin ee | 1 | |
meesha ugu fiican hodan kaga yaal buugaagta armaajada weyn ku | 1 | |
teedsan ee weliba intaa la soo kordhinayo cuntada guriga laga | 1 | |
cuno ee aad uga fiican tii miyiga jimce walba sida | 1 | |
ay qoyska oo dhami shineemo u galaan iyo sida ay | 1 | |
mararka qaarkood odayga iyo islaantiisu ruwaayad u aadaan markaas malihiisu | 1 | |
wuxuu u bataa in uu la nool yahay reer ladan | 1 | |
guriga marka ganjeelada laga soo galo albaabka waxaa ka soo | 1 | |
horraysa daarad aan sidaas u weynayn laakiin nadiif ah oo | 1 | |
geed weyn oo mirimiri ahi ka dhex qotomo shanta qol | 1 | |
ee uu ka kooban yahay ka ugu shisheeya waxaa leh | 1 | |
odayga iyo islaanta ka bidix ka xiga waxaa leh leyla | 1 | |
mid keeda ka soo horjeeda waxaa la dejiyay raage ka | 1 | |
ugu sokeeya ee kijada ku xigaa waa ka fadhiga mid | 1 | |
shanaad oo kijada ka soo hor jeedaana waa ka akhriska | 1 | |
rooble waa nin tacliinta iyo wax akhriska aad u jecel | 1 | |
ingiriiska ayuu jaamacad kaga soo baxay dabadeed shaqo uu markaas | 1 | |
ku faraxsanaa wasaaradda waxbarashada ka helay dhaqanka wax akhris badnaanta | 1 | |
ah oo uu qoysku ka siman yahay isaga ayaa hormuud | 1 |
End of preview. Expand in Data Studio
README.md exists but content is empty.
- Downloads last month
- 5