audio
stringlengths 90
93
| transcript
stringlengths 37
96
|
|---|---|
sheegayayna wuxuu filayay isaguna in uu si la eg ugu farxo
|
|
laakiin wuxuu ku jawaabay dhiillo ha ka bixina weligood ma
|
|
dhiillo ayay ku jirayaan danayn la aanta danta xigaalka ee rooble
|
|
yarka waa ay kaga xanaajisay wuuna fahmi waayay wuxuu u
|
|
arkay fulaynimo bakhaylnimo tol nacayb iyo dhiigdarro kuwaas oo dhammaan
|
|
wada ah sifooyin aan nin sharaf iyo dadnimo ilaashanaya ku
|
|
habboonayn dabeecadda adeerkii wuxuu dhinac dhigay tii aabbihii waxaana u
|
|
soo baxay laba qof oo si walba u ka la
|
|
duwan sida uu uga xumaaday adeernimada rooble si la eg ayuu
|
|
ugu farxay aabbenimada mici libaax dhacdadaasi waxay ahayd tii ugu
|
|
horreysay kuwo badan oo raage ogaysiiyay ka la faquuqnaanta rooble
|
|
iyo tolka si uu shakhsiyadda adeerkii u fahmo wuxuu xasuusta
|
|
ka baadi goobay wax uu ka maqlay intii aanu u
|
|
iman laakiin ma uu xasuusan wax macno leh oo aan
|
|
ahayn hadal uu mar aabbihii ka maqlay kaas oo ahaa
|
|
rooble wuxuu igu yidhi ninkaa raage aan dad ka dhigo
|
|
oo meel ka soo saaro ee dhakhso iigu keen moodi
|
|
maayo qofku haddii aanu iskuul dhigan in uu dad noqon
|
|
karo xasuustaa yar wuxuu ka dhex helay xaqiiqo ah adeerkii
|
|
tacliinta in uu u arko dadnimada isla markaa doonayo isaga
|
|
in uu dad ka dhigo in kasta oo uu xaqiiqsaday
|
|
reerku in ay naxariis badan yihiin haddana aad ayuu ugu
|
|
hiloobay noloshii furfurnayd ee qoyskooda wuxuuna aad ugu hiloobay cayaartii
|
|
iyo kaftankii walaalihii laakiin qunyar qunyar ayuu u la qabsaday
|
|
una jeclaystay qoyska iyo magaalada qunyar qunyar ayuu u dareemay
|
|
in uu ka raystay noloshii qallafsanayd ee miyiga ina adeertii
|
|
leyla ayay si gaar ah isu fahmeen qudheedu ma ay
|
|
hadal badnayn waxa ay se u hadli jirtaey si nooc
|
|
kale ah oo ka duwan sidii hablihii yaryaraa ee uu
|
|
miyiga kaga yimid waxay ku hadli jirtay erayo waaweyn mararka
|
|
qaarkoodna wuxuuba moodi jiray in ay aad uga da weyn
|
|
tahay wuxuuna ku xasuusan jiray hooyadii tusaale ahaan si filanwaa
|
|
leh ayay ugu amri jirtay orod qubayso dharka iska
|
|
beddel halkan miyigii ha moodin iyo wax la mid ah
|
|
qallafsanaanta reer miyinimada darteed in kasta oo ay u taag
|
|
wayday waxay isku hawshay in ay indho iyo dhego u
|
|
noqoto si ay maskaxda uga qabsato waxa ay se ugu
|
|
yaab badnayd maalintii ay iyaga oo keligood guriga jooga wayddiisay
|
|
ma taqaan sida ay dadku isu uureeyaan wuu yaxyaxay laakiin
|
|
isaga oo iska ilaalinaya in ay ka ilhesho ayuu ugu
|
|
jawaabay haa waa sidee ayay sii wayddiisay adigu haddii aad
|
|
taqaan waa sidee markii ay aragtay in uu khajilay ayay
|
|
si islaweyni leh u tidhi inan fiican baad tahay waxaad
|
|
se tahay geeljire markaas waxaan kuu sheegayaa wax cilmi ah
|
|
waxaa isku darsama shahwada ragga iyo ugaxda dumarka dabadeed waxaa
|
|
ka abuurma ilmo waa isla sida ay xooluhu isu rimiyaan
|
|
hadalkeeda inta hore wax badan ka ma uu fahmin inta
|
|
dambe ayuu se tixraacay wuxuuna ku jikaaray dadka iyo xooluhu
|
|
ma isku mid baa haa xataa geela dadka iyo xooluhu
|
|
isku mid ma aha waxaas yaa kugu yidhi ayuu wayddiiyay
|
|
isaga oo mar la yaabban marna libta u diiddan daaradda
|
|
ayay joogeenee iyada oo aan u jawaabin inta ay gudaha
|
|
gashay ayay mid ka mid ah buugta hooyadeed la soo
|
|
orodday wax uu ahaa buug caafimaad oo leh sawirro waxayna
|
|
soo rogtay bogag ay ku sawiran yihiin xubnaha taranka dadku
|
|
si degganaan iyo isku kalsooni leh ayay bilaw ilaa dhammaad
|
|
ugu sharraxday sida ay xubnahaasi u abuuran yihiin iyo sida
|
|
ay u koraan sida ay isu galaan iyo sida ay
|
|
isu tarmiyaan waxay u egayd macallimad xariifad ah laakiin isagu
|
|
khajilaad ayuu la dhididay maalin kale iyada oo qolkeeda wiil
|
|
isaga la eg sariirta la galgalanaysa ayuu arkay dabadeed inta uu
|
|
inankii debedda u eryay iyadana ku canaantay mar dambe haddii
|
|
aan agtiisa kugu arko waan ku garaacayaa iyaduna waxay isu
|
|
difaacday si uu qaadan waayay iyada oo tidhi waanu isjecel
|
|
nahay ee adiga maxaa kaa galay dhaqanka miyiga ninku ina
|
|
adeertii difaaca sharafteeda mas uul ayuu ka yahay sidaas darteed raage
|
|
xil aan ka aabbaheed ka yarayn ayuu leyla iska saaray
|
|
laakiin dhaqan yaab leh oo uu ku wareeray ayuu qoyska
|
|
ugu yimid rooble qudhiisu dhawr jeer ayuu islaantiisa raage iyo
|
|
leyla hortooda ku dhunkaday kuna xoodaamiyay taas oo ahayd
|
|
caado raage indhihiisa ku cusub filinkii ugu horreeyay ee uu
|
|
galay oo ahaa filin caddaan ah ayuu dhaqankaas mar kale
|
|
ku arkay wuxuuna maleeyay in ay tahay halka uu adeerkii
|
|
caadadaa ka keenay wuxuu ka fekeray reerka uu u yimid
|
|
hodan iyo sabool mid ay yihiin xaaladdooda dhaqaale mar wuxuu
|
|
dhinac dhigay aabbihiisa geela badan mar kalena qoysas deriska ah
|
|
uu noloshooda wax ka arkay laakiin waa ay ku adkaatay
|
|
in uu xukumo marka uu eego baabuur la aanta odayga iyo
|
|
dahab la aanta islaanta ee uu qoysaska deriska ah qaarkood ku
|
|
arkay isla markaana eego xoolo la aanta gaadhsiisan in ay xataa
|
|
caanaha soo iibsadaan waxay la noqotaa in ay yihiin foqoro
|
|
laakiin haddana marka uu arko guriga ay deggan yihiin ee
|
|
meesha ugu fiican hodan kaga yaal buugaagta armaajada weyn ku
|
|
teedsan ee weliba intaa la soo kordhinayo cuntada guriga laga
|
|
cuno ee aad uga fiican tii miyiga jimce walba sida
|
|
ay qoyska oo dhami shineemo u galaan iyo sida ay
|
|
mararka qaarkood odayga iyo islaantiisu ruwaayad u aadaan markaas malihiisu
|
|
wuxuu u bataa in uu la nool yahay reer ladan
|
|
guriga marka ganjeelada laga soo galo albaabka waxaa ka soo
|
|
horraysa daarad aan sidaas u weynayn laakiin nadiif ah oo
|
|
geed weyn oo mirimiri ahi ka dhex qotomo shanta qol
|
|
ee uu ka kooban yahay ka ugu shisheeya waxaa leh
|
|
odayga iyo islaanta ka bidix ka xiga waxaa leh leyla
|
|
mid keeda ka soo horjeeda waxaa la dejiyay raage ka
|
|
ugu sokeeya ee kijada ku xigaa waa ka fadhiga mid
|
|
shanaad oo kijada ka soo hor jeedaana waa ka akhriska
|
|
rooble waa nin tacliinta iyo wax akhriska aad u jecel
|
|
ingiriiska ayuu jaamacad kaga soo baxay dabadeed shaqo uu markaas
|
|
ku faraxsanaa wasaaradda waxbarashada ka helay dhaqanka wax akhris badnaanta
|
|
ah oo uu qoysku ka siman yahay isaga ayaa hormuud
|
Subsets and Splits
No community queries yet
The top public SQL queries from the community will appear here once available.