audio
stringlengths 90
93
| transcript
stringlengths 37
96
|
|---|---|
adkaanaya nin rag ahna ay jileec iyo liidnimo ku tahay
|
|
in uu gaajoodo harraado daalo luloodo ama debecsanaado waxaas oo
|
|
dhan ayay isla yaqaanneen kana sheekaysan jireen wuxuuse xidhiidhkoodu isbeddelay
|
|
markii arrintani soo baxday maalin raage iyo leyla oo qolka
|
|
akhriska wada jooga ayay wayddiisay su aal uu la yaabay raage
|
|
weligaa qof ma dishay maxaad ii wayddiinaysaa adigu ma qof
|
|
baad dishay waxaan u malaynayaa reer miyigu waa wada gacankudhiigle
|
|
ayay haddana tidhi maxaad ku keentay qofka qof dila weligii
|
|
gacantiisa dhiiggu ka ma go o xataa haddii uu saabuunta dunida
|
|
oo dhan badda la tago oo ku faroxasho ayay tidhi
|
|
waxba ka ma uu fahmin waxa ay ay doonaysay in
|
|
ay ka hadasho wuu yaqaannay gacankudhiigle in uu yahay qof
|
|
qof dilay laakiin dhab ahaan in uu gacanta dhiig aan
|
|
weligii ka go ayn ku lee yahay ma uu moodayn iyada
|
|
ka horna ma maqal laakiin waxaa laga yaabaa in ay
|
|
sidaas tahay mana uu doonayn leyli in ay doqon mooddo
|
|
ama ka il hesho sidaas darteed wuu ku raacay in
|
|
uu og yahay laakiin maxay ku keentay su aashaas ayuu mar
|
|
kale wayddiiyay wax ayna tidhi haddii aan qof gacankudhiigle ah
|
|
kuu sheego ma ii ballan qaadaysaa in aadan weligaa cid
|
|
u sheegayn haa ee sheeg abbahaa iyo hooyadaa ku dhaaro
|
|
ma naag baan ahay marka aan aabbahay iyo hooyaday ku
|
|
dhaaranayo haddaba wax kale ku dhaaro tol iyo taagba aan
|
|
waayo haddii aan cid u sheego dhaartiisa waa ay ku
|
|
qososhay waayo weligeed hore u ma ay arag qof waxaas
|
|
ku dhaarta waxa ay se ugu jawaabtay qofkaasi waa negeeye
|
|
negeeye haa habeen isaga iyo aabbahay oo daaradda isku waraysanaya
|
|
aniguna aan ganjeelada taagan ahay oo aanay moodayn in aan
|
|
maqlayo ayuu u sheegay tuuladii uu ka yimid nin
|
|
ayuu ku soo dilay sababtaas ayuuna inoogu yimid imikana wuxuu
|
|
ka baqayaa in ay dawladdu ogaato markii uu raage arrinta
|
|
u dhabbo galay wuu rumaystay in kasta oo aanu hadal
|
|
cad ahayn mar ayuu qudhiisu maqlay rooble iyo qarad oo
|
|
wax sidaas u eg hadalhaya wuu ogaa miyiga in la
|
|
isku dilo wuxuuna ka fekeray bal in uu garto qof
|
|
uu yaqaan oo qof dilay laakiin ma xasuusan ilaa markii
|
|
uu garaadsaday aabbihii wuxuu ku arki jiray bunduq aanu marnaba
|
|
dhigin laakiin u malayn maayo in uu cid aan faroole
|
|
ahayn ku dilay haa waa ay jirteay aabbihii in uu
|
|
dilay faroole oo ahaa nacab mudnaa in la dilo waayo
|
|
isaguba wuxuu ahaa dilaa aan beer qoyan bariin fekerkaasi wuxuu
|
|
raage xasuusiyay taxanihii sheekada uu aabbihii ku dilay laayaankii caanka
|
|
ahaa ee ku magaca dheeraa faroole isaga oo aad u
|
|
yar ayuu bartay sababta aabbihiisa dhutiya loogu naanaysay micilibaax ee
|
|
sida ay caadadu tahay aan loogu naanaysin laangadhe ama jiis
|
|
micilibaax oo intii aanay naanaystu u bixin magaciisu ahaa xirsi
|
|
isaga oo kuray ah iyo aabbihii oo markaa da dhexaad
|
|
ahaa ayaa wada socdaalay goor ay ahayd casargaab gaajo xumina
|
|
hayso oo ay marayaan gerigo an laba beelood oo ka la
|
|
fog u dhexeeya ayuu odaygii sagaaro waranka daray dab ayuu
|
|
oogay si uu hilibka ugu solo intii ay dhamacdu caddaanaysay
|
|
isaguna ku mashquulsan yahay qalista sagaarada ayay cilcillaw noqotay libaax
|
|
ayaa kambalka hiinraag kaga dhuftay waxayna la noqotay in aan
|
|
socod dambe u egayn ee ay caawa halkan ku baryaan
|
|
yarkii ayuu u sheegay in uu geedka ay hoos joogeen
|
|
koro xirsina sidii ayuu yeelay isaga oo geedka saaran oo
|
|
hilibka aabbihii solayo gaajada darteed dusha ka daawanaya kana fekeraya
|
|
marka uu bislaado sida uu u cantuugi doono ayuu mar
|
|
keliya ku war helay sawaxan cirka isku shareeray iyo siigo
|
|
ilayskii sii gamaarayay ee qorraxda qarisay wuxuu arkay odaygii oo
|
|
laba libaax la legdamaya waxay ahaayeen aar iyo gool odayga
|
|
ku kediyay oo ma haleelin in uu warankii oo hoostiisa
|
|
yaallay qaato waxaana hub u noqotay toorraydii gacanta ugu jirtay
|
|
ee uu hilibka ku qalayay mar iyo laba markii uu
|
|
ableydii labadii libaax midba mar ku wareemay ayay si buuxda
|
|
u muquuniyeen aarkii ayaa gaaddada gashaday dhuuntana ka cantuugay kii
|
|
kalena bawdada ayuu qaniinyo ka buuxsaday ilaa odaygii far dhaqaaqda
|
|
laga waayay yarku waxaas oo dhan geedka dushiisa ayuu ka
|
|
la socday si la mid ah sidii uu sagaarada la
|
|
qalayo uga arkayay ka la duwanaantu waxay ahayd dareenkiisa mar
|
|
hunguroonayay ee rajada qabay marna argaggaxsanaa ee quusta ahaa hiilka
|
|
keliya ee uu aabbihii u fidin markii uu raage arrinta
|
|
u dhabbo galay wuu rumaystay in kasta oo aanu hadal
|
|
cad ahayn mar ayuu qudhiisu maqlay rooble iyo qarad oo
|
|
wax sidaas u eg hadalhaya wuu ogaa miyiga in la
|
|
isku dilo wuxuuna ka fekeray bal in uu garto qof
|
|
uu yaqaan oo qof dilay laakiin ma xasuusan ilaa markii
|
|
uu garaadsaday aabbihii wuxuu ku arki jiray bunduq aanu marnaba
|
|
dhigin laakiin u malayn maayo in uu cid aan faroole
|
|
ahayn ku dilay haa waa ay jirteay aabbihii in uu
|
|
dilay faroole oo ahaa nacab mudnaa in la dilo waayo
|
|
isaguba wuxuu ahaa dilaa aan beer qoyan bariin fekerkaasi wuxuu
|
|
raage xasuusiyay taxanihii sheekada uu aabbihii ku dilay laayaankii caanka
|
|
ahaa ee ku magaca dheeraa faroole isaga oo aad u
|
|
yar ayuu bartay sababta aabbihiisa dhutiya loogu naanaysay micilibaax ee
|
|
sida ay caadadu tahay aan loogu naanaysin laangadhe ama jiis
|
|
micilibaax oo intii aanay naanaystu u bixin magaciisu ahaa xirsi
|
|
isaga oo kuray ah iyo aabbihii oo markaa da dhexaad
|
|
ahaa ayaa wada socdaalay goor ay ahayd casargaab gaajo xumina
|
|
hayso oo ay marayaan gerigo an laba beelood oo ka la
|
|
fog u dhexeeya ayuu odaygii sagaaro waranka daray dab ayuu
|
|
oogay si uu hilibka ugu solo intii ay dhamacdu caddaanaysay
|
|
isaguna ku mashquulsan yahay qalista sagaarada ayay cilcillaw noqotay libaax
|
|
ayaa kambalka hiinraag kaga dhuftay waxayna la noqotay in aan
|
|
socod dambe u egayn ee ay caawa halkan ku baryaan
|
|
yarkii ayuu u sheegay in uu geedka ay hoos joogeen
|
|
koro xirsina sidii ayuu yeelay isaga oo geedka saaran oo
|
|
hilibka aabbihii solayo gaajada darteed dusha ka daawanaya kana fekeraya
|
|
marka uu bislaado sida uu u cantuugi doono ayuu mar
|
|
keliya ku war helay sawaxan cirka isku shareeray iyo siigo
|
Subsets and Splits
No community queries yet
The top public SQL queries from the community will appear here once available.