text stringlengths 136 26.8k | id stringlengths 36 36 | token_count int64 17 4.16k |
|---|---|---|
Israa'iil oo weerar xooggan ku qaadday Suuriya iyo gantaallo la sheegay in israa'iil lagu tuuray
Milateriga Israa'iil ayaa ku dhawaaqay in ay duqaymo la beegsadeen "hubka taliska Suuriya ee koonfurta dalkaasi", halka kooxda la socodka xuquuqul insaanka ee Suuriya ay sheegtay in duqeymahaasi ay ku soo beegmayaan iyadoo duqeymo xooggan ay ka dhaceen hawada Suuriya.
Kooxda la socodka xuquuqul insaanka ee Suuriya ayaa intaa ku daray in qaraxyo xooggan laga maqlay magaalada Quneitra iyo Darcaa ee koonfurta Suuriya taasoo ka dhalatay duqeymaha diyaaradaha Israa'iil.
Waxay xustay in la bartilmaameedsaday guutada 175-aad ee u dhow magaalada Izra, agagaarka Tal al-Mal ee waqooyiga Daraca, iyo Tal al-Shaar oo u dhow Quneitra. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay.
Kormeerayaasha ayaa intaa ku daray in duullaanka Israa'iil uu jawaab u ahaa laba madfac oo laga soo riday Suuriya kuna sii jeeday Israa'iil.
Dhankooda, milatariga Israa,iil ayaa xaqiijiyay in diyaaradahoodu ay "ku garaaceen hubka taliska Suuriya ee koonfurta dalkaasi," iyaga oo sheegay in maamulka Suuriya uu mas'uul ka yahay waxa ay ku tilmaameen "xaaladda taagan".
Warku waxa uu intaa ku daray in maamulka Suuriya uu ay sii ahaan doonaan kuwa la kulma cawaaqib xumada ka dhalan karta ilaa inta dhaqdhaqaaqyada cadawtinimada ahi ay ka sii socdaan dhulkooda.
Ciidanka Israa'iil ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in labo gantaal oo laga soo riday Suuriya kuna soo jeeday Israa'iil ay ku dhaceen goobo bannaan oo ku yaalla buuraha Golan Heights.
Dhinaca kale, warbaahinta Israa'iil ayaa sheegtay in labada gantaal laga soo riday gobolka Daraca ee koonfurta Suuriya, laguna soo ganay Israa'iil, iyadoo xustay in qalabka digniinaha lagu rakibay buuraha Golan Heights.
Warbaahinta Carabta ayaa faafisay bayaan ay soo saareen koox isku magacawday "Guutooyinka Shuhadada Mohammed Deif," oo iyagu sheegtay mas'uuliyadda soo rididda labada gantaal.
Wasiirka Difaaca Israa'iil Yisrael Katz ayaa mas'uuliyadda dusha ka saaray madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharaa, wuxuuna yiri, "Waxaanu madaxweynaha Suuriya si toos ah mas'uul uga yahay khatar kasta ama dab kasta oo ka dhan ah dawladda Israa'iil, jawaab buuxdana dhawaan ay ka bixin donaan.
Dalka Suuriya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa "si adag" u cambaareysay duqeymaha Israa'iil ay ku hayso tuulooyinka iyo magaalooyinka gobolka Darca, taasoo keentay "khasaare naf iyo maalba leh," sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Suuriya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xustay in xiisadda sii "kordhaysa ay ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida Suuriya waxayna kordhinaysaa xiisadda gobolka xilli loo baahanyahay xal nabadeed."
Wasaaraddu waxay caddaysay "in aan weli la xaqiijin sax ahaanta wararka la isla dhex marayo ee ku saabsan duqeymaha lala beegsaday dhinaca Israa'iil," iyadoo ku eedaysay "dhinacyo badan" inay doonayaan inay khalkhal geliyaan gobolka si ay " u gaaraan danahooda gaarka ah".
Wasaaraddu waxay xaqiijisay, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah, in Suuriya aysan lahayn khatarna ku noqon doonin cid kasta oo gobolka ah, iyo in mudnaanta koowaad ee koonfurta Suuriya ay tahay in la kordhiyo awoodda dawladda iyo soo afjarida joogitaanka hubka ka baxsan xarumaha rasmiga ah, si loo xaqiijiyo ammaanka iyo xasilloonida dhammaan muwaadiniinta.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday beesha caalamka inay dhabarka u ridato mas'uuliyadda ka saaran joojinta weerarradan iyo inay taageerto dadaallada lagu doonayo in lagu soo celiyo ammaanka iyo xasilloonida Suuriya iyo gobolka.
Tan iyo billowgii sanadkan, hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegtay in Israa'iil ay bartilmaameedsatay dhulka Suuriya 57 jeer, oo ay ku jiraan 48 weerar oo xagga cirka ah iyo sagaal hawlgal oo dhulka ah.
Duqeymahan ayaa sababay burbur ku dhowaad 86 bartilmaameed, oo ay ku jiraan bakhaarrada hubka iyo rasaasta, iyo gaadiidka, sida uu sheegay kormeerayaasha. | 01baa6bc-d84e-423e-bd53-c8fd2579793f | 592 |
10-ka dal ee Afrika ee soo maray afgambiyo milatari oo guulaystay
Afrika ayaa kaalinta 1-aad kaga jirta liiska qaaradaha ay sida aadka ah uga dhacaan afgambiyadii tan iyo 1950-kii.
Ku dhowaad 7 ka mid ah 10 afgambi ee caalamka ka dhaca waxay ka dhacaan qaaradda Afrika, sida ay muujinayaan xog isku-duwan oo ka yimid cilmi-baareyaasha Maraykanka Jonathan Powell iyo Clayton Thyne, oo ku takhasusay afgambiyada iyo kala-guurka siyaasadeed.
Tan iyo sanadkii 2000, saddex-meelood laba meel afgambiyadii guulaystay ee Afrika ka dhacay waxay ka dhaceen wadamadii uu horey u gumeysan jiray Faransiiska.
Guud ahaan, 45 dal oo Afrikaan ah ayaa soo maray ugu yaraan hal isku day oo xukunka looga tuurayo madaxdii xukuka haysay.
1. Burkina Faso (8 afgembi oo guulaystay)
Burkina Faso, oo muddo dheer loo tirin jiray shaybaar siyaasadeed, wuxuu soo maray 10 afgambi oo ay ku jiraan laba dhacay sanadkii 2022.
Kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah kuwii dhacay 1966, 1980, 1982, 1983, 1987, 2015, iyo labadii afgambi ee 2022 oo ay awoodda ku yimaadeen Paul-Henri Damiba kadibna Kaptan Ibraahim Traoré.
Haddii uu jiro afgambi ku haray xusuusta dadka oo dhan, waa kii dhacay Oktoobar 15, 1987. Intii lagu jiray kii loogu yeeri jiray "Khamiis Madow", dagaallo xooggan ayaa ka qarxay Qasriga Madaxtooyada iyadoo ay isku dhaceen fallaagada iyo ciidammada daacadda u ah dowladda.
Blaise Compaoré, oo khilaaf kala dhexeeyay Thomas Sankara oo ku saabsan sida loo hoggaamiyo "kacaanka," ayaa awoodda qabsaday afgambigan dhimashada badan sababay. Sankara, aabbaha "kacaanka" Burkino, ayaa lagu dilay isaga iyo 12 ka mid ah asxaabtiisa.
31-kii Oktoobar 2014, Blaise Compaoré waxaa xilka looga tuuray mudaaharaadyo waddooyinka ka dhacay isaga oo doonayay inuu beddelo Dastuurka si uu awoodda ugu sii joogo.
2. Sierra Leone (7 afgambi oo guulaystay)
Sierra Leone waxay leedahay taariikh siyaasadeed oo ay calaamad u yihiin faragelinno milatari oo soo noqnoqday, kuwaas oo badanaa ka dhasha loollanka xisbiyada iyo kala-qaybsanaanta gudaha ciidanka.
Tan iyo xornimada, afgambiyadu waxay ahaayeen natiijo ka dhalata hammi siyaasadeed iyo sidoo kale fashillo ka jira dhismaha dowladnimada.
March 21, 1967 – waxay ciidamada xilka ka tuureen Overthrow Siaka Stevens
Siaka Stevens (APC), oo dhawaan la doortay, waxaa afgambi ku riday koox saraakiil ah oo uu hoggaaminayey Brigadier David Lansana. Ciidanka ayaa sheegay inay doonayeen inay ka hortagaan khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay murannadii doorashada.
Afgambigaan ugu horreeyay wuxuu dalka geliyey xilli shaki iyo hubanti la'aan weyn, wuxuuna calaamad u noqday gelitaanka ciidanka ee siyaasadda xisbiyada.
25-kii May 1997 – Afgambi uu sameeyey Johnny Paul Koroma iyo AFRC
Bilooyin yar ka dib doorashadii 1996, kuwa guuldareystay, oo ka niyad jabay markii SLPP ay awoodda qabatay, waxay taageereen afgambi ay abaabulay Johnny Paul Koroma iyo AFRC (Golaha Kacaanka Ciidamada Hubeysan).
Koroma wuxuu afgambi ku riday Madaxweynaha Ahmad Tejan Kabbah wuxuuna isbahaysi la galay kacdoonka RUF.
Afgambigaan lixaad wuxuu ka mid ahaa kuwa ugu rabshadaha badan taariikhda dalka, wuxuuna Freetown geliyey bilaha kacsanaanta iyo fowdada.
Tan iyo 1997, dalka ma soo marin wax afgambi ah. Afar doorasho qaran ayaa dhacay tan iyo 1997, iyadoo labo xil wareejin oo nabdoon ay jireen (2007, 2018), taasoo xoojisay sharcinimada habka doorashada.
3. Uganda (7 afgambi oo guulaystay)
Uganda waxay soo martay dhowr afgambi oo caan ah, oo ay ku jiray kii Milton Obote sameeyey 1966 kaasoo soo afjaray boqortooyada iyo federaalka.
Tan waxaa xigay afgambigii milatari ee 1971 oo uu sameeyey Idi Amin Dada, kaasoo afgambiyay Obote una sameeyey dowlad kali-talis ah oo arxan daran, taasoo la afgambiyay 1979 intii lagu jiray dagaalkii Uganda-Tanzania.
Xasilooni-darradu waxay sii socotay markii la sameeyey afgambigii 1985 ee markale afgambiyay Obote, ugu dambeyntiina Yoweri Museveni ayaa awoodda qabtay 1986 kadib dagaal sokeeye, ilaa haddana xilka haya.
4. Mauritania (6 afgembi oo guulaystay)
Mauritania waxay soo martay 6 afgambi milatari oo guulaystay tan iyo 1978. Marka laga soo tago kuwaas, waxaa jiray dhowr isku day oo fashilmay, mararka qaar si aad u rabshad badan, laakiin aan lagu darin kuwa guulaystay sida ku cad qeexitaanka cilmiyeed (Powell & Thyne, 2011).
Kii kowaad wuxuu dhacay, Luulyo 10, 1978: Dhamaadkii taliskii Moktar Ould Daddah
Afgambigii ugu horreeyay waxaa hoggaamiyey Colonel Mustafa Ould Salek, Taliyaha Guud, oo hogaaminaya koox saraakiil niyad-jabsan.
Dawladnimadii Daddah, oo talada haysay tan iyo xornimada, ayaa la afgambiyay. Colonel Salek wuxuu aasaasay saraakiil milatari, oo loo yaqaan Guddiga Milatari ee Soo-kabashada Qaranka (CMRN).
Kii ugu dambeeyay, 6-da Agoosto 2008: Afgambiga Madaxweynaha la doortay Sidi Mohamed Ould Cheikh Abdallahi.
In ka yar laba sano ka dib markii dib loo soo celiyey xukunka rayidka, ciidanku mar kale ayaa awoodda qabsaday. Janaraal Abdel Aziz, oo ahaa madaxii hore ee ilaalada madaxtooyada isla markaana shaqada laga eryay , ayaa abaabulay afgambiga Madaxweynaha la doortay, Sidi Ould Cheikh Abdallahi.
Hoggaamiyeyaasha afgambiga ayaa sheegay inay tallaabada qaadeen "si ay u badbaadiyaan Dastuurka" ka dib markii la eryay. Guddiga Sare ee Qaranka ayaa markaas qabsaday awoodda. Ould Abdel Aziz ayaa kadib abaabulay doorasho madaxweynaha, taasoo uu ku guulaystay 2009.
5. Suudaan (6 afgembi oo guulaysta)
Suudaan waxay haysaa rikoodhka qaaradda ee isku dayada afgambiyada, iyadoo la diiwaangeliyey 17 tan iyo 1952, kuwaas oo 6 ka mid ah ay guulaysteen.
Mid kasta oo ka mid ah afgembiyadan wuxuu sababay xaalad jahwareer qoto dheer leh (dagaallo gudaha ah, burbur dhaqaale, khilaafaad xisbiyo, wuxuuna ka qayb qaatay samaynta nidaam ciidamado ay si joogta ah talada ugu dhex jiraan.
Laga soo bilaabo 1958-kii, ciidanku si joogto ah ayay halkaas u soo faragelinayeen, ilaa heer ay joojiyaan ku dhawaad isku day kasta oo ku saabsan isbeddel dimoqraadi ah.
Sannadkii 2019-kii, Madaxweyne Cumar Al-Bashiir oo sannado badan soo hayay talada dalkaas, ayaa xilka laga tuuray kaddib muddo bilo ah oo ay socdeen dibadbaxyo. Bashiir laftiisu waxa uu xukunka kula wareegay afgambi milatari sannadkii 1989kii.
Afgambigii 25-kii Oktoobar 2021 wuxuu sii dheereeyey dhaqankii maamul ee ay talada ku lahaayeen janaraallada, kuwaasoo hadda u kala jabay islamarkana Sudan ku dagaalamaya.
6. Burundi (5 afgembi oo guulaystay)
Tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay Belgium 1962, Burundi waxaa ruxay taxane afgambi oo badanaa la xiriira xiisadaha qowmiyadeed ee u dhexeeya Hutu iyo Tutsi, iyo sidoo kale loollanka awoodda ee gudaha ciidanka.
Burundi, oo ah dal yar oo Bariga Afrika ku yaal kana xuduudaha Rwanda, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, ayaa soo maray shan afgambi oo guulaystay tan iyo 1965, mid kastaana wuxuu muujinayaa dhibaatada dhisidda dowlad deggan iyadoo ay jiraan kala-qaybsanaan qowmiyadeed oo qoto dheer iyo ciidammo awood badan.
Inqilaab kasta waxa weheliya, rabshado isir, iyo dhibaatooyin bulsho oo saameeyay dadweynaha. Inqilaabyada soo noqnoqday waxay sidoo kale curyaamiyeen horumarka dhaqaalaha waxayna xaddideen xoojinta hay'adaha dimuqraadiga ah ee xooggan.
7. Mali (5 afgembi oo guulaystay)
Tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay Faransiiska 1960, Mali waxaa calaamad u noqday dhibaatooyin siyaasadeed oo soo noqnoqda, iyadoo taxane afgambi milatari ay si qoto dheer u qaabeeyeen taariikhdeeda casriga ah.
19-kii November 1968, dowladdii Modibo Keita waxaa afgambi ku riday saraakiil dhallinyaro ah, oo uu hoggaaminayey Kaboole Moussa Traoré, kadib markii ay ka dhasheen dareenka shacabka.
Kadib markii la caburiyey mudaaharaad ay ku dhinteen dhowr iyo toban qof, kaboole hore oo noqday janaraal ayaa la afgambiyay 26-kii Maarso 1991 iyada oo ay fuliyay Korneel Amadou Toumani Touré.
22-kii Maarso 2012: Kaptan Amadou Sanogo ayaa afgambi ku riday Madaxweynaha Amadou Toumani Touré, laba bilood ka hor dhamaadka muddadii labaad ee xilkiisa. Mali waxay markaas ku jirtay xaalad amni oo xun oo la xiriirta kacdoonka Tuareg ee waqooyiga dalka iyo ballaarinta kooxdi Islaamiga ah ee Ansar Dine. Afgambigaan ayaa abuuray marnaan sharciyeed oo degdeg ah kaasoo sababay qalalaasaha Mali iyo qabsashada waqooyiga ee kooxaha hubeysan.
Ogosto 18, 2020: Ibrahim Boubacar Keita waa la afgambiyay
Colonel Assimi Goïta, oo ay taageerayaan saraakiil kale, ayaa xukunka la wareegay, waxaana xilka ka tuuray Madaxweyne IBK cadaadis dadweyne iyo xaalado amni iyo mid dhaqaale oo sii xumaanaya. Inqilaabkaasi waxa uu dhidibada u taagay dawlad milatari oo ku meel gaar ah.
21-kii May 2021: Assimi Goita ayaa afgambi ku riday dowladda ku meel gaarka ah ee uu ka qayb qaatay in la dhiso, wuxuuna qabsaday xukunka dowladda. Tani waa afgambigiisii labaad wax ka yar hal sano gudaheed. Labadan afgambi ayaa muujinaya xasillooni-darro joogto ah iyo dhibaatada ku jirta soo celinta kala-guur dimoqraadi Mali.
8. Niger (5 afgembi oo guulaystay)
Niger waxay soo martay shan afgambi oo waaweyn tan iyo 1974, mid kastaana wuxuu la xiriiray isku-darka dhibaato siyaasadeed, mudaaharaad dadweyne iyo cadaadis milatari.
April 15, 1974: Inqilaabkii ugu horreeyay: Lieutenant-Colonel Seyni Kountché ayaa afgambiyay madaxweyne Hamani Diori, oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo wax ka qabasha la'aan ku abaartii 1973-kii. Kountché waxa uu dhidibada u taagay nidaam milatari oo kali talis ah kaas oo socday ilaa dabayaaqadii 1987kii.
Janaayo 27, 1999: Inqilaab iyo dilkii Mainassara: Kadib dilkii Janaraal Ibrahim Baré Maïnassara, guddi milatari oo uu hoggaaminayey Daouda Malam Wanké ayaa qabsaday awoodda. Afgambigaan wuxuu fursad u abuuray dib ugu laabashada dimuqraadiyadda, iyadoo doorasho la qabtay dabayaaqadii sannadkaas.
July 26, 2023: Afgambi ka dhan ah Maxamed Bazoum
Madaxweynaha la doortay Mohamed Bazoum waxaa afgambi ku riday Janaraal Abdourahamane Tchiani, oo ahaa madaxa ilaalada madaxtooyada. Afgambigaan wuxuu ka dhacay xilli ay sii kordhayeen dhibaatooyin amni oo ka dhashay weerarada jihaadiyiinta iyo xiisadaha bulshada, wuxuuna calaamad u noqday afgambigii shanaad ee milatari ee guuleysta ee Niger tan iyo xornimada.
9. Nigeria (5 afgembi oo guulaystay)
Tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1960, Nigeria waxay soo martay shan afgambi milatari.
Intii u dhexeysay 1966 iyo 1999, dalka waxaa si joogto ah u maamulayay nidaam milatari, marka laga reebo muddo gaaban oo dib loogu laabtay dimuqraadiyadda xilligii Jamhuuriyadda Labaad (1979-1983).
Afgambigii ugu horreeyay wuxuu dhacay 15-kii Janaayo 1966. Kaboole-Kolonel Chukwuma Kaduna Nzeogwu iyo koox saraakiil ah ayaa abaabulay afgambigii ugu horreeyay ee milatari ee Nigeria.
Afgambigii ugu dambeeyay wuxuu dhacay 1993, mana jiro isku day kale oo weyn oo ka dhacay xilligii Jamhuuriyadda Afaraad, taasoo dib u soo celisay siyaasadda xisbiyada badan 1999.
10. Guinea-Bissau (4 afgembi oo guulaystay)
Guinea-Bissau , oo ah dal yar oo Galbeedka Afrika ku yaal, waxay weli si qoto dheer ugu calaamadeysan yahay xasillooni-darro siyaasadeed tan iyo xornimadeeda. Afar afgambi oo guulaystay ayaa ka dhacay taariikhdeeda, taasoo xaqiijinaysa doorka dhexe ee afgambiyada ee ku saabsan sida awoodda loo isticmaalo.
Afar afgambi oo guulaystay waxay qayb ka yihiin 16 isku day afgambi iyo dagaal sokeeye oo weyn tan iyo xornimada. Taariikhda siyaasadeed ee Guinea-Bissau waxay muujinaysaa in faragelinta milatari ay weli tahay aalad dhexe oo awoodda lagu haysto, taasoo wiiqaysa dadaallada loogu jiro dimuqraadiyadda iyo horumarka.
Afgambigii cusub ee November 2025 wuxuu na xusuusinayaa in, inkastoo ay jireen xilliyo deganaan ah, xasillooni-darradu ay si qoto dheer ugu xiran tahay dalka.
Waa maxay Inqilaab?
Inqilaab waxaa lagu qeexi karaa inuu yahay mid sharci darro ah oo cad, oo ay wataan ciidan ama saraakiil kale oo rayid ah, si ay xukunka uga tuuraan cidda haysa.
Daraasad ay sameeyeen laba cilmi-baare oo Maraykan ah, Jonathan Powell iyo Clayton Thyne, ayaa lagu ogaaday in ka badan 200 oo isku day ah oo Afrika gudaheeda ah tan iyo 1950-yadii. Qiyaastii kala barna waxay ahaayeen kuwo lagu guulaystay.
Wadamo badan oo ku yaala Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ayaa waxaa ka dhacay dhowr afgembi oo guuleystay. Ku dhawaad kala bar 17-ka waddan ee soo maray ugu yaraan afar afgambi oo guulaystay waxay ku yaalliin Galbeedka Afrika.
Saddex meelood meel oo kaliya dalalka Afrika, gaar ahaan Bariga iyo Koonfurta Afrika, ayaan weligood la kulmin afgembi guulaystay.
Muddadii u dhaxaysay 2020 ilaa 2023 waxa la arkay afgambiyo dib uga soo cusboonaadey Afrika. Si ka duwan 1960-kii ilaa 1980-meeyadii, hoggaamiyeyaasha afgambiga cusub waxay ku tiirsan yihiin caannimada bulshada, gaar ahaan gobolka Saaxil, halkaas oo ay ciidamadu ku andacoonayaan inay ka jawaabayaan ammaan-darrada iyo musuqmaasuqa. Caqabadda ku wajahan saamaynta shisheeye ayaa iyaduna noqotay dood soo noqnoqonaysa. | da850b3c-dfd7-4284-9497-3176847fc4fc | 1,919 |
Qofkii afaraad ee afar kelyood leh dunida oo dhan oo laga helay Soomaaliya
Dadka leh kelyaha dheeraadka ah inta badan kuma baraarugsanaa ilaa ay la soo deristo xaalad caafimaad taas oo ku qasabta in ay dhakhtarka booqdaan, iyagoo aan ka warheyn heybadda dheeraadka ah ee uu ilaahay siiyay, waxayse ogaadaan marka lagu sameeyo baaritaan, oo ay ka warhelaan oo kaliya ka dib baarista ultrasound-ka ama qalliin ka dib.
Dadka leh kelyaha dheeraadka ah ee laga diiwaan geliyay adduunka oo dhan ayaa ah kaliya saddex ruux iyada oo qofkii afaraad haatan laga helay gudaha Soomaaliya.
Wiil da’yar oo dhakhaatiirtu ay ka gaabsadeen shaacinta magaciisa ayaa noqday bukaan baaritaan dheer ka dib la ogaaday in uu leeyahay afar kelyood.
Isbitaalka tababarrada iyo cilmi baarista Somali Turkish ee horay loogu yaqiinnay Digfeer, ayaa waxaa booqday bukaankan isaga oo ka cabanaya xanuun uu ka dareemayo killidiisa bidix, waxana dhakhaatiirtu ay amreen in baaritaan lagu sameeyo taas oo lagu ogaaday in uu bukaanku leeyahay afar killiyood iyo in dhinaca uu ka cabanayo uu dhagax kaga jiro.
Dr Cabdikariin Xuseen Maxamed Gabayre, dhakhtarka daaweynta iyo qalliimada xanuunnada kaadi mareenka & taranka ragga oo ah dhakhtarka qalliinka ku sameeyay bukaanka ayaa BBC-da u sheegay qaabka ay xaaladdan ugu baraarugeen.
“Bukaanka oo soo booqday isbitaalka ayaa baaritaan kadib lagu ogaaday xaaladdan, waxa ay noqotay mid la yaab leh maadama adduunka oo dhan lagu ogaa saddex qof oo kaliya isla markaana uu noqonayo qofkii afaraad, intaas kadibna waxa aan u howlgalnay qaabka ugu wanaagsan ee loo geli karo daryeelka iyo daweynta bukaankan maadaama uu yahay ruux ka duwan dadka kale”.
Bukaanka ayaa sidoo kale lagu sameeyay qalliinka xanuunkii uu ka cabanayay maadaama killidiisa bidix laga helay dhagax ku raagay.
“Bukaanka waxa aan la tacaalnay xaaladdii uu isbitaalka u yimid waxa lagu sameeyay qalliin, maadama uu yahay bukaan leh xaalad ka duwan tan caadiga ah, qalliinkiisa iyo daweyntiisaba wey ka duwanaayeen kuwa caadiga ah, waliba waxa aan qoyskiisa kula dar daarannay in ay si gaar ah ula socdaan”, ayuu yiri Dr Gabayre oo qalliinka ku sameeyay.
Bukaanka oo la sheegay in uu dareemayay xanuun badan ayaa baaritaanka ka dib dhakhaatiirtu waxa ay go’aamiyeen in lagu sameeyo qalliin deg deg ah, waxaana lagu sameeyay qaab ‘leysar’ ah ama toos loo tooganayo dhagaxa iyadoo markii lagu guuleystay uu bukaanku dib ugu laabtay hoygiisii.
Faa’iido mase faa’iido darro afarta kelyood
Bukaanka ayaa in muddo ah la xanuunsanayay dhagaxa killida kaga beermay iyada oo dhakhaatiirtu ay sheegeen in biyaha wasakhda ah ee la cabo iyo cunista hilibka guduudan, iyo waxyaabo kale oo badan ay sababaan dhagaxaanta kelyaha ku beerma.
Bukaankan leh afarta killiyood leh ayaa kelyihiisu waxa ay yihiin kuwo caafimaad qaba oo si caadi ah u wada shaqeynaya, waxaa muuqata in labada killiyood ee dhinaca midig ay kala madax bannaan yihiin, halka labada killiyood ee dhinaca bidix ay qayb isaga dheggan yihiin.
Killiyaha oo inta badan ay ku soo dhacaan waxyaabaha la cabo iyo wasakhda ka dhalataba waxa ay u nugul yihiin, in uu dhagax ku beermo taasoo dhakhaatiirta bukaankan ay ku micneeyeen in uu u nugul yahay dhagxaanta marka loo eego dadka caadiga ah ee leh labada killiyood.
“M ahan saameyn ama dhibaato gaar ah in bukaankan uu leeyahay afar killiyood laakiin waxa ay u nugul yihiin killiyihiisa xanunnada la xiriira dhagxaanta, maadaama afar killiyood uu leeyahay waxa uu xanuunka ka dareemi karaa fartaba maadaama dadka caadiga ah labada xanuunaan, taas oo noqon karta in xanuunkiisa uu ka bato sida caadiga ah”, ayuu yiri Dr Gabayre.
Tayo ahaan maka duwan yahay dadka leh labada kelyood
Bukaanka oo ku dhashay xaaladdan afarta kelyood ayaa la’is weydiinayaa tayada kelyihiisa iyo haddii uu ka faa’iido badan yahay dadka leh labada killiyood.
Dhakhaatiirtu waxa ay sheegayaan in tayada afartiisa kelli ay la mid tahay qof leh labo killiyood isla markaana aysan jirin faa,iido ka badan dadka caadiga ah, haddii ay noqoto waxqabad iyo shaqo.
Waxa kale oo xusid mudan in haddii laga saaro labo ka mid ah killiyihiisa ay la mid tahay in qof leh labo killiyood laga saaray middaas oo la micno ah nusqaan ku imaanyesa.
Dhakhaatiirta ayaa ehelka bukaanka kula taliyay la socosho iyo daryeel gaar ah, sidoo kale waxa ay sheegeen in mar kasta oo loo baahdo daweyn caafimaad uu u baahan yahay daryeel ka duwan midka caadiga ah maadaama uu ku ku jiro xaalad ka duwan tan dadka kale. | 4dccf8f5-a914-4c3e-88a2-a7f65f267fc0 | 717 |
Taariikhda Prof Jawaari: mid ka mida dadkii ugu waqti dheeraa ee la soo shaqeeyey dowlad Soomaaliyeed oo geeriyooday
Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Prof Maxamed Cismaan Jawaari sida uu BBCda u xaqiijiyey wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac.
Eheladiisa ayaa BBCda u sheegay in uu si caadi howlahiisa u watay galinkii hore balse si kadis uu u geeriyoday.
Prof, Jawaari ayaa door weyn ku lahaa dibu dhiska Soomaaliya, waana mid ka mida ah dadkii waqtiga dheer ku soo jiray dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka tacsiyey geeridiisa ayaa ku tilmaamay inuu Prof Jawaari, ahaa mid taariikhda dalka ku leh horumarin iyo dhismaha haya’addaha dowladnimadda.
Sidaas oo kale madaxdii hore e dalka ayaa ka tacsiyeyey geeridiisa.
‘‘Wuxuu ahaa nin dowladeed, nin qaran ,wuxuu ahaa raasumaal adag oo ka baxay Soomaali oo dhan. Waxaa u ahaa qof ay adag tahay in laga dhex helo Soomaalida dhanka siyaasadda“ ayuu yiri Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame oo BBCda la hadlay.
Kaalintii Jawaari ee dowladnimada Soomaaliya
Waxaa la rumaysan yahay in Prof Maxamed Cismaan Jawaari, uu ka mid yahay dadka waqtiga ugu dheer u soo shaqeeyey dowladihii soo maray Soomaliga laga soo bilaabo dowladii lixdankii.
Sida uu BBC-da u sheegay Xuseen Sheekh Maxamuud, Prof Jawaari wuxuu ahaa tiir adag u ahaa dowladnimadda casrigaa ee Soomaaliya.
Prof. Maxamed Sheekh Osmaan Jawaari, ayaa dowladinada u soo shaqa bilaabay isagoo da’a yar.
Waa kuma Maxamed Sheekh Osman Jawaari
Allaha u raxmadee Prof. Maxamed Sheekh Cismaan, waxaa uu ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, waxaase uu ku koray yaraantiisii degmada Buur Hakaba sida horraan BBC-da ugu sheegay Siciid Maxamed Caddow oo in muddo ah u ahaa xoghayntii shaqsiga ah. Wuxuu cilmiga sharciga kaga bartay jaamacadii ummada Soomaaliyeed.
Intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Gaadiidka dhulka iyo cirka iyo Wasaarads Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Sanadihii 1973-1979-kii, waxa uu agaasime guud iyo ku xigeen agaasime guud ka soo noqday Wasaaraddii Shaqada iyo arrimaha bulshada.
Markii danbena alaha u naxariistee Prof. Jawaari, wuxuu wasiir ka soo noqday wasaaraddaha gaadiidka, shaqada iyo shaqaalaha ee dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.
Proff Maxamed Cismaan Jawaari , waxa uu ka mid ahaa golihii Shacabka ee dowladii militariga ahayd.
Markii dalku galay burburka, allaha u raxmadee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaa uu tagay dalka Norwey oo muddo ku noolaa.
Dalka Norwey, waxaa uu ka soo shaqeeyey horumarinta iyo waxbarashada.
Xilliyadii ay bilowdeen shirarkii wada hadalada dowlad dhiskii Soomaaliya, ayuu ka mid ahaa dadkii ku soo laabtay dalka si qayb ugu noqdo yagleelida dowlad Soomaaliyeed sida uu BBC-da u sheegay Xuseen Sheekh Maxamuud.
Wuxuu guddoomiye u noqday guddigii madaxa bannaanaa ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay ee hadda dalku haysto isagoo muddo dheerna u ahaa guddiyada dastuurka la taliye sare.
Sanadkii 2012-kii ayuu Prof Jawaari, noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen.
Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley.
Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxwyene Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waayadii danbe wuxuu si gooniya xoogga u saari jiray muxaadarooyin uu kula hadli jiray dhalinyarada ku jirta jaamacada dalka isagoo hoga tusaalayn jiray in ay dhexda u xirtaan horumarinta dalkooda.
Dadka yaqaanyey waxay sheegeen inuu ahaa aqoonyahay ku xeeldheer dhanka afka iyo dhaqanka Soomaalida. Wuxuu si buuxda ugu hadli jiray luuqdaha Soomaaliga, Talyaaniga, Ingiriiska, Carabiga iyo Norweyjiyanka.
Sanadkii 2022-kii ayaa ciwaano dad ku leeyihiin baraha bulshada iyo xarumo warbaahineed faafiyeen inuu geeriyooday guddoomiyihi hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cinwaan Jawaari.
Balse mar danbe ayaa ehelkiisu beeniyeen warkaasi.
Alaha u raxmadee Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhintay da’da 79 sano jir.
Wuxuu ifka uga tagay sagaal owlaad ah, shan gabdhood iyo afar wiil. | 7ee016c0-d428-4fa6-af03-9458cd7efdff | 660 |
Maxaynu ka ognahay geeddi socodka doorashooyinka Somaliland ee 60-ka maalmood ka hareen
Waxa ka socda Somaliland u diyaargarowgii u dambeeyey ee doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda, oo labadii sanno ee u dambeeyey qabashadooda muran ka taagnaa.
Doorashadan loo ballansan yahay oo 13-ka November ee sannadkan 2024-ka, oo muddo lixdan maalmood ahi ka hadhsan yihiin, oo noqonaysa tii siddeedaad ee ka dhacaysa Somaliland tan iyo intii ay ku dhawaaqday in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale 33 sanno ka hor.
Xalkii odayaasha ee dhabbaha u xaadhay geeddiga doorasho
Doorashooyinkan Somaliland, oo ay hadheeyeen khilaafyo culus oo dhaliyey muddaharaadyo dhiig ku daatay sida arrintii ka dhacday Gacan Libaax ee markii dambe la xalliyey, ayaa xudunta khilaafkoodu ahaa muddo kordhin laba sano ah oo Guurtidu u sameeyeen Madaxweyne Biixi, taas oo Mucaaradku si weyn u diideen.
Sidoo kale kala horraynta labadan doorasho ee Madaxtooyada iyo Ururrada ayaa iyana laba mowqif oo kala fog ay ka taagnaayeen Mucaaradka oo iyagu doonayey in la soo horreysiiyo Doorashada Madaxtooyada iyo Xukuumadda oo doonaysay in la soo horreysiiyo ta Ururrada.
Xal ay soo saareen odayaal dhaqan oo is-xilqaamay, ayaa khilaafkaas muddada laba sano soo jiitamayey ku soo afjarmay in labada doorasho hal mar la wada qabto, soo jeedintaas oo dhinacyadu aqbaleen, dhabbahana u xaadhay qabashada doorashadan la filayo 13 Nofembar.
Tallaabooyinka guddiga doorashooyinka iyo sida ay meesha uga saareen shakigii ahaa 'dib u dhac' kale
Guddiga doorashooyinka, ayaa qaaday tallaabooyin dhawr ah oo dhinaca qabashada doorashooyinka loo qaaday, kuwaas oo ah in ay soo saaraan liiska kama dambaysta ah ee Xisbiyada iyo Ururrada ka qayb galaya doorashada isku sidkan ee Ururrada iyo Xisbiyada, kuwaas oo tiradoodu gaadhayso toban.
Saddex Xisbi oo kala ah Kulmiye, Waddani, UCID iyo toddoba Urur oo kala ah Barwaaqo, Kaah, Talo Wadaag, Rejo, Hilaac, Horseed iyo Shacabka.
Waxa kale oo Guddida doorashooyinku si rasmi ah maanta u guddoonsiiyey shahaadada murrashaxnimo, murrashaxiinta jagada Madaxweyne iyo kuxigeen ee saddexda Xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID.
Tallaabooyinkan ayaa fududeynaya in meesha uu ka baxo walaac muddooyinkii u dambeeyey laga qabay in ay dib u dhac kale uu ku iman karo doorashooyinka Somaliland.
Maxay yihiin qodobbada udub dhexaad ka u ah loollanka doorashooyinkan
Inkasta oo aanu ololaha doorashooyinku bilaaban, haddana isu soo baxyo ay samaynayaan Mucaaradka iyo Muxaafidku, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka socday Magaalooyinka Somaliland, halkaas oo madaxda Xisbiyadaas ugu soo bandhigayeen taageerayaashooda barnaamijyada siyaasadeed ee ay doonayaan in lagu doorto.
Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, oo ah labada Xisbi ee loollanka weyn dhex maray doorashadii madaxtnimada ee 2017-kii, doorashada soo socotana la filayo in mar kale ay ku loollamaan, ayaa soo bandhigay barnaamij-siyaasadeedyo ay doonayaan in loogu codeeyo.
Cumar Siciid, oo ah bare culuunta Siyaasadda ka dhiga Jaamacaddaha Hargeysa oo u warramay BBC-da, ayaa sheegaya in qodobada udub dhexaad u noqon kara doorashooyinka ay ka mid yihiin aqoonsiga oo Xisbiga Kulmiye uu siinayo mudnaanta koowaad, halka uu Xisbiga Waddani uu ku ololaynayo midaynta shacabka Somaliland iyo gaadhista xuduudaha.
“Haddii aynu eegno Kulmiye barnaamijka uu soo bandhigay waxa uu mudnaanta siinayaa aqoonsiga Somaliland, isaga oo ku ololaynaya is fahamkii Somaliland iyo Itoobiya, uu dhawaan aqoonsi keeni doono iyo qodob kale oo ah difaaca Somaliland” ayuu yidhi Cumar Siciid.
Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxa uu qodobka ugu weyn ee uu ku ololaynayo uu ka dhigtay xaaladaha gobollada Bariga Somaliland iyo qorshaha uu u hayo Magaalada Laascaanood oo wixii ka dambeeyey bishii August ee 2023-ka uu ka talinayey Maamulka SSC-Khaatumo.
“Waddani Barnmaanij siyaasadeedkiisa waxa ugu weyn oo uu ku soo bandhigay dib u habaynta Ciidamada Qaranka iyo inuu midayn doono shacabka Somaliland, xuduudda Somalilandna ku gaadhi doon hab nabad ah" ayuusii raaciyey hadalkiisa Cumar Siciid.
Maxay doorashooyinkan kaga duwan yihiin kuwii Somaliland ka dhici jiray
Doorashadan la filayo in ay Somaliland ka dhacdo ayaa noqonaysa tii siddeedaad ee ka dhacda Somaliland tan iyo 2002-dii, markaas oo hannaanka Xisbiyada badan ka hano qaadeen deegaannadeeda.
Doorashadan ayaa ah mid dhawr qodob kaga duwan doorashooyinkii hore marka loo eego, sida uu qabo Cabdinaasir Axmed Aadan, oo ah falanqeeye siyaasaddeed oo Hargeysa ku sugan.
“Doorashada waxa ay kaga duwan tahay kuwii hore, codeeyuhu wuxuu yeelanayaa laba cod oo uu mid madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen ku dooranayo, midna ku dooranayo ururka uu ugu codaynayo inuu ka mid noqonayo sadexda xisbi ee jiri doona tobanka sano ee soo socda.”
Dadkan isu diiwaan geliyey in ay doorashadan codkooda dhiibtaan, ayaa ka badnaan doonta kuwii doorashooyinkii hore.
“Dhinaca kale oo codeeyayaal gaadhaya 1,22,228 iska diwaan geliyeen 1,232 goobood ayaanay suuro gelayn inay goobaha qaar ka dhacayn iyadoo uu saamayn ku yeeshay dagaalkii Laascaanood ka dhacay” ayuu intaas raaciyey Cabdinaasir Axmed, oo la hadlayey BBC-da.
Waxyaabaha ku cusub doorashooyinka waxa kale oo ka mid ah - oo markii u horreysay la isticmaalayaa - in dadka codaynaya lagu hubiyo nidaamka hubinta indhaha, si looga fogaado in codbixiyeyaashu aanay ku codayn kaadhadh aanay lahayn, inkasta oo deegaannada oo dhan qalabkaas aan la wada dhigi doonin.
Arrintan oo muddo khilaaf ka taagnaa ayey Xisbiyada iyo Komishanku ku heshiiyeen bishii hore.
“Komishanka doorashooyinka iyo dhammaan Madaxda Xisbiyada iyo Ururradu waxay ku heshiiyeen in qalabka hubinta indhaha ee codbixiyeyaasha la dhigo lixda magaalo ee waaweyn ee Somaliland” Sidan waxa lagu sheegay war ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland
Maxaa xigi doona gudbinta soo saarista murrashaxiinta, Xisbiyada iyo Ururrada ka qayb galaya doorashooyinka
Sida uu BBC u sheegay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, waxa ay si rasmi ah u bilaabeen hawlaha qabashada doorashada, ka dib muddo ay soo wadeen u diyaar garow.
"Iminka waxa si rasmi ah u billowday hawlaha doorashooyinka, waxaanu u bixi doonnaa goobaha sanaaduuqda la dhigayo, si aanu u soo qiimayno, waxa la dhaariyey oo gobollada iyo degmooyinka u kala baxaya hawl wadeennada ka shaqaynaya goobaha cod-bixinta” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka.
Ammaanka goobaha loo qorshaynayo sanaaduuqda cod-bixinta ayuu sheegay guddoomiyuhu in ay iyaga qiimayn doonaan, iyaga oo kaashanaya hay’adaha ammaanka iyo daneeyayaasha doorashooyinka.
Ololaha doorashada ayaa la filayaa inuu bilowdo bisha soo socota ee Oktoobar, waxaanu socon doonaa ilaa horaanta bisha November.
Maalinta loo dareeri doono goobaha cod-bixinta ayaa ku mudaysan 13 bisha Nofembar ee sannadkan 2024-ka, waxaana la filayaa in doorashooyinkan isku sidkan ay ka loollan iyo xamaasad badnaan kuwii hore u dhici jiray. | ed30dd77-58ec-4bfa-8dc0-55c1d78336ef | 1,022 |
Khadar Bashiir: Waa kuma orodyahanka Soomaaliya uga qeyb galay tartanka orodka?
Orodyahanka Khadar Bashiir, ayaa shalay kaga qeyb galay dalka Hungary, magaalada xarunta u ah ee Budapest orodka Marathonk-ka.
Tartankan ayaa ahaa afar wareeg, oo wareeggiiba uu ahaa 10km, halka 2km ay ahayd mid gaar ah.
Orodyahanka, ayaa markii uu jaray masaafo gaareysa illaa iyo 27km, waxaa soo gaarey dhaawac, dhanka sinta ah, taasoo keentay inuu ka baxo tartanka orodka, sida uu u sheegay BBC-da guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya, Faarax Cali Macalin, .
Khadar Bashiir, ayaa ku orday 21km masaafo gaareysa, oo la yiraahdo half Marathon muddo gaareysa hal saac iyo lix daqiiqo, halka ciyaartooyda kale ay ku sameeyeen inta u dhaxeysa hal saac iyo lix daqiiqo, iyo hal saac, shan daqiiqo, iyo ilbiriqsiyo.
Faarax ayaa tilmaamay in inkastoo uu dadaalay orod yahan Khadar Bashiir, haddana ay u suura gali weysay inuu dhammeysto orodka.
Guddoomiye Faarax, ayaa ku nuux nuux sadey iney muhiim ahayd orod yahan Khadar Bashiir, mar haddii uu dhaawacmay inuu ka baxo ciyaarta.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay Faarax in haddii isagoo dhaawac ah uu sii wado orodka Khadar Bashiir, ay ku keeni karto mustaqbalka dhibaato ka weyn middii uu maanta la kulmay.
Sidoo kale, orodka waxaa dhammeysan waayey ku dhawaad labaatan orod yahan, oo iyana ka baxay orodka kahor inta aanu dhammaan.
Jawiga magaalada Budapest, ayaa maanta waxay ahayd mid aad u kulul.
Waa kuma Khadar?
Orodyahan Khadar Bashiir, ayaa muddo dheer kusoo dhex jiray ciyaaraha orodka, sida Marathon-ka, iyo half Marathon-ka.
Ciyaaryahankan, ayaa orodkiisu wuxuu ku salaysnaa waqti mucayina.
Orodyahan Khadar Bashiir, ayaa kamid ahaa 83 ciyaar yahan oo xul ah, oo maanta ku tartamaysay orodka magaalada Budapest.
Khadar Bashiir, ayaa kusoo jiray orodka in ka badan toban sano, isagoo tababarka ku qaata dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.
Kolkii hore, Khadar Bashiir, ayaa ku ordi jiray magaca Soomaaliyeed, maadaama uu yahay ciyaar yahan si xirfadeysan u orda.
Laakiin labo sano kahor, ayuu si rasmi ah ugu biiray xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha xiriirkani Faarax Cali Macalin.
Khadar Bashiir Yuusuf, ayaa dhashay sanadkii 1997-dii.
Waxaa sidoo kale jiray ciyaar yahano kale oo Soomaali ah, oo u ordayey dalalka kale sida Holland, Canada, America iyo hey’adda UNHCR, sida orod yahan u ordayey dalka Holland, oo la yiraahdo orodyahan Cabdulraxmaan Aadan Nageeye.
Orodyahan Khadar Bashiir inuu ku biiro xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, ayaa mas’uuliyaddeeda waxaa lahaa orod yahanka kale ee Soomaaliyeed, Cabdulraxmaan Nageeye, kaasoo ku qalqaaliyey orodyahan Khadar Bashiir, inuu ku biiro xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, sida uu guddoomiye Faarax sheegay.
Tartankan, ayaa wuxuu noqonayaa kii saddexaad oo uu orod yahan Khadar Bashiir Soomaaliya ku matalo oroddada caalamiga ah. | cb059ac3-7337-4612-ae4c-76c7e5d1af9f | 440 |
Gabar gashay qallin ay rabtay in lagu dheerayo balse ku soo idlaay fashil iyo in ay dacweyso dhaqtarkeedii
Elaine Fu waxaa lugaheeda ku yaalla calaamado midabkoodu xigo buluug mugdi ah, kuwaas oo ah xusuustii qalliin ay isku dheereyn leheed balse six un ku dhamaaday.
Sanadkii 2016 kii ayaa gabadhaan 49 jir ah waxay gashay ilaa shan qalliin, iyo saddex jeer oo lafaheeda la jabiyay. Dhammaan qalliimadaas oo ay lacag xoog leh ku bixisay ayaa waxay ku dambeysay in ay dacwad maxkamadeed ka gudbiso dhaqtarkii qalay iyada.
Balse kiiska dacwadda ee u dhaxeeyay iyada iyo dhatarka ayaa waxa uu is afgarasho ku soo dhamaaday bishii July.
Intii ay ku jirtay hawsha daawaynta kadib markii ay qalliinka gashay, ayaa waxaa bir af-dhuubani ka gashay lafta dheer ee luga, iyada oo sidoo kale caabuq ka galay aaggaas.
Dhaqtarkii iyada dawaynayay ayaa waxa uu marar kala duwan iska fogeeyay in uu wax dhibaato u geysanaya gabadhaas uu sank u sameyn intii uu gacanta ku hayay daawaynteeda. Isaga oo sheegay in dhibaatooyinka ku dhacay gabadha ay iyadu sabab u ahayd.
‘Waxaan rabay in saddex enji igu darsoonto’
Elaine waxay muddo hore tagtay xarun caafimaad oo ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska, taas oo sameysa qalliimada dadka lagu dheereeyo, balse si ay wax uga ogaato shaqadooda.
Ninka goobta ka shaqaynayay oo ah kuwa dadka u juciya jirka, oo yaqaana sida xaruntu u shaqayso ayay la kulantay, waxa uuna u tilmaamay dhaqtar lagu magacaabo Guichet Nail.
Elaine ayaa waxay tiri: “Waan farxay sababtoo ah waxaan ogaaday in aniga oo jooga London la ii sameyn karo qalliinkaan. Sidoo kalana aan isla halkaan ku bogsan karo.”
“Dr. Guichet si cad ayuu iigu dharraxay waxyaabaha ka dhalan kara qalliinkaan. Waxa uu ii sheegay in ay dhaawac u gaysan karto neerfayaasha, xididada dhiigga, iyo lafaha oo is dhaafa.” ayay tiri.
“Waxaan sameeyay baaritaan farabadan, dhaqtar aad qaali u ahna wuu ahaa kan aaday. Sidaas daraadeed waxaan I gashay rajo badan. Riyadeydu waxay eheed in saddex inji uun igu darsoonto.
Waxay gashay qalliin ay uga baxday ilaa $50,000 oo doolarka Maraykanka ah, halkaas ayayna ka bilaabay riyadii dheeraanshaha Elaine.
Medical facilities for leg lengthening are relatively uncommon. But this medical
Inkasta oo aysna adduunka sidaas ugu badnayn xarumaha caafimaad ee sameeya qalliimada nuucaan ah, ayaa hadana waxaa laga helaa isbitaalada waawayn ee gaarka loo leeyahay.
Qalliinkaan ayaa ah mid la jarayo hilibka bowdada, kadibna lafta dheer ee bowdada ayaa la jabiyaa, waxaana la dhex galiyaa cad bir ah.
Muddo kadib ayaa waxaa lafi ku sameysantaa intii u dhaxeysay labada lafood ee la jabiyay oo markii horaba aad u yarayd.
Markii ay ad isku qabsadaan labada lafood, ayaa waxaa mar kale la jabiyaa bowdada, waxaana la galiyaa bir kale, si laf kale ugu kortay meesha laga jabayay laftii asalka eheed ee bowdada.
Qalliinkaan ayaa ah mid shaqo dheer qatarba wata.
Elaine waxay sheegtay in ay aad xiiso ugu qabtay qalliinka oo iyada oo aan dareeminba uu bilowday, balse waxay sheegtay in muddo 90 daqiiqo ah kadib ay dhex gashay xanuun aan caadi ahayn, maadaama qalliinkaan uu yahay mid la jaro jirka, lafahana la jabinayo.
‘Laf dhabarta oo qalloocatay’
Markii la joogay laba bilood, lugteeda midig waxaa ku darsoontay 7 cm. Laakiin wax badan ayaa iska badlaay sidii caadig ahayd. Labada lugood ayaa kala gaabtay, taas ayaana sababtay in laf dhabartu ay qalloocanto gabadha.
Muddo lix todobaad ah kadib ayaa waxaa la baaray lafaheeda, waxaana la ogaaday in lugta midig lafaha ku jiray aysna koraynin.
Elaine ayaa markaas waxay go’aansatay in ay gasho qalliin kale oo ay u aadeyso Talyaaniga. Bishii Aprill ee sanadkii 2017 dii, ayaa dhaqaatiirtu waxay bilaabeen qalliin, iyaga oo dhuux ku shubay gudaha lafta bowdada ee Elaine, si ay u korto laftu.
Eliane waxay maxkamad la aaday dhaqtarkii qalliinka ku sameeyay markii hore, balse isagu waxa uu sheegay in wax qalad ah oo qalliinka la xariira uusan ku sameynin Elaine ee iyadu aysan raacin dhamaan talooyinkii uu siiyay qof fidinta jirka ku taqaqusay. Warkaas oo ay Elaine been ku tilmaantay.
Balse ugu dambeyntii bishii July ayaa kiiska gabadhaani waxa uu ku soo dhamaaday in dhaqtarku uu siiyo Elaine lacag badan. | bc041eba-1156-415f-b58b-a9135438e418 | 681 |
Trump oo sii kordhinaya ugaarsiga soo galootiga, isagoo uga digay gobollada in aysan faragelin samayn
Maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa faray dacwad oogayaasha inay baaritaan ku sameeyaan saraakiisha ka dhaga adayga dadaalka lagu xoojinayo ka hortagga socdaalka muhaajiriinta, ayadoo uu maamulku sii kordhinayo ugaarsiga uu Trump bilaabay isla maalintii uu xafiiska la wareegay.
Qoraal ay aragtay wakaaladda Reuters, ayuu ku xigeenka xeerilaaliyaha guud ee ku-meel-gaarka ah, Emil Bove wuxuu u sheegay shaqaalaha waaxda cadaaladda iyo maamullada maxalliga in ay khasab ku tahay in ay iskaashi ka sameeyaan ugaarsiga, ayadoo dacwad oogayaasha federaalkana "ay baaritaan ku samayn doonaan wixii arrin ah ee ku lug yeesha si xun u dhaqmid, ayadoo sharciga lala tiigsan doono".
Waaxda cadaaladda waxay kaloo loollan kala hortagi doontaa shuruucda cakiraya dadaalladaas, sida uu Bove qoray.
Siyaasaddan ayaa la soo saaray ayadoo maamulka xisbiga Jamhuuriga uu isu diyaarinayo sidii uu u dardar galin lahaa ilaalaynta dadka sida sharci darrada ku soo gala Maraykanka, taasoo keeni karta inay isku dhacaan ayaga iyo saraakiisha magaalooyin ay ka mid yihiin New York iyo Chicago, kuwaasoo xadiday iskaashiga ay ka samaynayaan dadaalladaas.
Qoraalkan ayaa hoosta ka xarriiqaya sida ay waaxda cadaaladda ee Trump iskugu dayeyso inay u taageerto ajendaha socdaalka, ayadoo balaarinaysa dacdawadaha ka shisheeya soo galootiga ama kuwa shaqaaleysiiya iyo saraakiisha magaalooyinka iyo gobollada.
Tani waa talaabadii ugu dambaysay ee talaabooyin fulineed oo uu Trump qaaday si uu uga hortago soo galootiga sharci darrada ah, taasoo uu sheegay inay tahay muhiimadiisa 1aad.
Muddo xileedkiisii hore ee 2017 – 2021, in badan oo ka mid ah saraakiisha xisbiga Dimoqaraadiga ayaa diiday inay iskaashi ka sameeyaan dadaalkii uu doonayey inu ku dhaqangeliyo qorshihiisa, ayadoo qaarna ayba wacad ku maren inay iska dhega tiri doonaan.
"Waxaan ognahay in aysan ahayn in aan ka qayb qaadanno hawlo lagu joojinayo socdaalka" ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee California ee ka tirsan xisbiga Dimoqaraadiga Rob Bonta oo la hadlayey TVga CNN.
Laakin diidmo xisbiga ka imaanaysa markan ma aha caqabad weyn. Aqalka wakiillada ayaa Arbacadii 46 xubnood oo xisbiga Dimoqraadiga ka tirsan – taasoo ah 5 meelood oo meel tiradooda – waxay ku biireen 217-ka xubnood ee xisbiga Jamhuuriga si loo ansixiyo sharci dhigaya in soo galootiga sharci darrada ku jooga dalka lagu hayo xarumo tarxiil, haddii lagu eedeeyo xatooyo.
Sharciga waxaa durbaba ansixiyey aqalka senetka, ayadoo taageero looga helay dimoqaraadiga, waxaana iminka la sugayaa in madaxweyne Trump uu sharci rasmi ah ka dhigo.
"Dadka Ameerikaanka ah waxay doonayaan in aan wax ka qabanno xuduudda, waxayna ila tahay in uu culays na saaran yahay aynaan dhihi karin dib uma celinayno dambiileyaasha" ayuu yiri Tom Souzzi oo ah qunyar socod dimoqaraadiga ka tirsan oo sharciga u codeeyey.
Trump wuxuu soo saaray xayiraad caam ah oo la xiriirta magangalyo doonka, wuxuuna qaaday talaabooyin uu ku xayirayo muwaadinnimada carruurta ku dhalata ciidda Maraykanka. Sarkaal Maraykan ah ayaa Arbacadii sheegay in milateriga uu diri doono 1000 askari oo dheeraad ah oo loo dirayo xuduudda Mexico iyo Maraykanka, ayadoo la raacayo Amarka Trump.
Gobollada iyo saraakiisha diida ama is hortaaga xoojinta la dagaallanka soo galootiga ayaa waxaa laga yaabaa inay wajahaan eedeymo ah inay jabiyeen shuruucda federaalka ee ka dhanka ah in la khiyaano Maraykanka, ama in hoy la siiyo soo galooti si sharci darro ah ku soo galay Maraykanka, sida lagu xusay qoraalka waaxda cadaaladda.
Waxaa kaloo lagu xusay qoraalka in dacwad oogayaasha doorbida in aysan dambiyo ciqaabeed soo oogin looga baahnaan doono inay sharraxaan sababaha ay sidaa u doonayaan.
Sahan laga qaaday dadka qaangaarka ah oo la sameeyey 20 – 21 Janaayo ayaa lagu ogaaday in 58% dadkii jawaabaha bixiyey ay ku raacsanaayeen Maraykanka in "aad loo dhimo tirada muhaajiriinta la oggol yahay inay magangalyo ka codsadaan xuduudda" halka 22% aysan ku raacsanayn.
Qiyaastii ilaa 11 malyan oo muhaajiriin ah ayaa sharci darro ama sharci KMG ah ku jooga Maraykanka tan iyo 2022. | 7eaedb20-643e-4bb1-aaac-3b4ed9820723 | 634 |
Maraykanka iyo Iiraan oo mar kale la filayo in ay ka wada hadlaan 'heshiis nukliyeerka ah'
Mareykanka iyo Iiraan ayaa Sabtida yeelan doona "wadahadallo toos ah" oo ku saabsan heshiis suuragal ah oo kuu aaddan nukliyeerka, sida uu sheegay Donald Trump.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sidoo kale xaqiijiyay kulanka, isaga oo sheegay in wadahadalladu ay noqon doonaan kuwo "aan toos ahayn" balse ay noqon karaan "fursad iyo imtixaan labadaba".
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in wadahadallada Washington iyo Tehran ay noqon doonaan "kuwo heer sare ah" isla markaana uga digay Iiraan in ay u noqon doonto "maalin aad u xun" haddii aan heshiis la gaadhin.
Bishii hore, Trump wuxuu kor u qaaday suurtagalnimada weerar militari oo ka dhan ah Iiraan kadib markii hogaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, si cad u diiday dalabka wadahadallo toos ah.
Trump ayaa shaaciyay wadahadalladaas, kadib kulan uu Aqalka Cad kula qaatay ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, oo isna horey u muujiyay suuragalnimada weerar ka dhan ah Iiraan si loo joojiyo in ay hub nukliyeer ah hesho.
Isagoo ka hadlayay xafiiskiisa Oval Office, Trump ayaa sheegay: "Waxaan leenahay kulan aad u weyn Sabtida [Iiraan], waxaana si toos ah ula macaamilaynaa iyaga… Waxaa laga yaabaa in heshiis la gaadho, taas oo noqon lahayd mid aad u fiican."
Trump wuxuu sidoo kale sheegay in Iiraan ay wajihi doonto "khatar weyn" haddii wadahadalladaasi guulaysan waayaan, isagoo raaciyay: "Iiraan ma yeelan karto hub nukliyeer ah, haddii wadahadalladu fashilmaan, runtii waxaan aaminsanahay inay noqon doonto maalin aad ugu xun Iiraan."
Madaxweynuhu faahfaahin dheeraad ah kama bixin wadahadallada, sida heerka ay marayaan ama mas'uuliyiinta ku lugta leh.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa xaqiijiyay in Washington iyo Tehran ay ku kulmi doonaan Cumaan 12ka Abriil.
Abbas Araqchi, wasiirka arrimaha dibedda Iran ayaa ku qoray barta X: "Waa fursad iyo imtixaan labadaba. Kubaddu hadda waxay la taallaa garoonka Mareykanka."
Bishii Maarso, Trump wuxuu waraaq u mariyay hogaamiyaha Iiraan isagoo adeegsanaya wakiil ka socda Isutagga Imaaraadka Carabta, wuxuuna ku muujiyay diyaar u ahaanshihiisa inuu wadahadal la furo.
Dalabkaas Iiraan way diidday, inkasta oo hoggaankeeda uu muujiyay diyaar u ahaansho in la galo wadahadallo la xidhiidha heshiis suuragal ah oo lala gaadho Mareykanka iyada oo loo marayo dhinac saddexaad.
Xakameynta awoodda Iiraan ee dhismaha hubka nukliyeerka ah waxay muddo tobanaan sano ah ahayd ujeeddo siyaasadeed oo weyn oo ay ku haminayaan Mareykanka iyo xulafadiisa.
Sanadkii 2015, madaxweynihii waqtigaas Barack Obama wuxuu la galay heshiis Iiraan kaas oo dhigaya in Iiraan ay xaddido hawlaheeda nukliyeerka ah, una oggolaato kormeerayaal caalami ah inay galaan dalka si loo xaqiijiyo in xarumahaasi loo adeegsanayo ujeeddooyin rayid ah oo aan lagu samayn hub.
Sidaa darteed, Iiraan waxaa la siin lahaa ka-dhaafid cunaqabateynta dhaqaale ee si weyn u dhaawacday dhaqaalaha dalkaasi.
Heshiiskaas waxaa sidoo kale saxiixay Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Boqortooyada Midowday (UK).
Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 2016, Trump ayaa si lama filaan ah Mareykanka uga saaray heshiiskii, isagoo aad u dhaliilayay intii uu ku jiray ololihiisii ugu horreeyay ee madaxweynenimo.
Sannadihii xigay, Iiraan waxay si tartiib tartiib ah u jebinaysay shuruudihii heshiiska.
Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ayaa digniin ka bixisay in Tehran ay urursatay kayd balladhan oo uranium ah oo la kobciyay, taas oo loo adeegsan karo samaynta hub nukliyeer ah.
Bishihii la soo dhaafay, Trump wuxuu si isdaba joog ah u soo jeediyay in la galo heshiis cusub oo lala gaadho Iiraan, isagoo isla markaasna ku hanjabay tallaabo militari haddii aan la gaadhin heshiis.
Israa'iil waxay u aragtaa in laga hortago in Iiraan yeelato hub nukliyeer ah inuu yahay arrin muhiim u ah ammaankeeda mustaqbalka fog.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in Israa'iil ay tixgelisay in ay weerarto xarumaha wax-soo-saarka nukliyeerka ee Iiraan bilihii u dambeeyay.
Sanadkii hore, Israa'iil waxay sheegtay inay beegsatay xarun nukliyeer ah oo Iiraan leedahay, si aargudasho ah, kaddib weerar gantaallo ah oo Iiraan horey u qaaday.
Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad, Netanyahu ayaa sheegay: "Annaga iyo Mareykanku waxaan ka mideysanahay yoolka ah in Iiraan aanay waligeed helin hub nukliyeer ah."
"Haddii arrintaas si diblomaasiyadeed lagu xallin karo, si dhamaystiran, sida looga xaliyay Liibiya, waxaan u arkaa in ay taasi tahay arrin wanaagsan." | f3c24198-a00a-4ebe-90da-3b0166c7d7e1 | 687 |
Loolanka ay wadamadu ugu jiraan Soomaaliya xilli la shaaciyay waqtiga shidaalka la qodi doono
Ciyaaro jaan iyo jiibleh ayaa lagu qaabilayaa markay sidaas ciida faraha u dhigeenba caasimadda Soomaaliya - wafdi ka socda Boqortooyada Sucuudiga kuwaas oo daahfuraya mashaariic cusub oo gargaar ah kuwaas oo dowladda sacuudigu ku xoojinayso xiriirkedda Soomaaliya.
Waloow heshiishkan yahay mid loogu deeqaayo buugaag carruuro iskuuleey ah iyo ceelal biyoodyo xoolahu ka cabaan, haddana qaar saraakiisha Soomaalida kamid ahi waxay qabaan in waxtarka Sacuudigu intaas ka bato, oo uu dhanka amaankana Soomaaliya ka caawiyo.
Soomaaliya waxaa ragaadiyay dagaalo ay kula jirto sannado badan koox islaam sheegad ah. “Soomaaliya waxay ku jirtaa geedi dowlad dhis ah” ayuu u sheegay AFP Cabdifataax Maxamed oo ah agaasimaha qorsheynta iyo siyaasadda ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya intii lagu guda jiray booqashadii halka maalin ahayd.
"Waxaan ka dhiseynaa ciidamadeenna qalabka, si aan amnigeenna u sugno, waxaan dib u dhiseynaa dhaqaalaheena. Markaa arrintaa, (Sacuudigu) wax badan ayuu qaban karaa."
Sannadkii la soo dhaafay, iyada oo loo marayo shirar si heersare ah loo agaasimay iyo mashaariic bini'aadantinimo, mas'uuliyiinta Sucuudigu waxay si joogto ah u muujiyeen rabitaan ah in ay "wax badan ka qabtaan" gobolka Geeska Afrika ee Badda Cas.
Arrintaan ku’aadan dalalka dhaca badda cas ayaa si weyn u muuqatay, kadib jawaabtii ay Riyaad ka bixisay dagaalkii sokeeye ee ka qarxay Suudaan, kaas oo ay ciidamadeeda badda u direen maraakiib dagaal si ay u badbaadiyaan dadka rayidka ah ee qaxaya, xilli diblumaasiin ay u fadhiyeen Jedah kulan wadahadal nabadeed.
"Waxaa jira ciyaar [lamidda] tan bisadda iyo jiirka oo u dhaxeysa Imaaraatka iyo Sacuudiga [oo ka socota] gobolka hadda," ayuu yiri Cameron Hudson oo ka tirsan xarunta istaraatiijiyadda iyo daraasaadka caalamiga ah ee Washington. “Waxay ka faa’iidaysanayaan xiriirkooda wadamadaan gobolka ku yaala ayuu sii raaciyay.
Saraakiil ka tirsan Hay’adda gargaarka ee Sacuudiga (KS relief) ayaa Soomaaliya yimid xilli walaac xoogan laga muujinaayo farogelinta shisheeyaha, gaar ahaan Imaaraadka.
1 dii Bisha Janaayo, Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqay ee Somaliland ayaa heshiish dhigaya in ay Ethiopia siiyaan saldhig ciidan oo 20KM ah oo xeebta ku yaala muddo 50 sanno ah, iyagana ay noqon doonaan dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madaxbanaan la gashay dawladda Itoobiya. Taas oo si daran uga cadhaysiisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xidhiidhka dhow ee Imaaraadku la leeyahay labada dhinac ee Ethiopia iyo Somaliland ayaa sii huriyay tuhunka laga qabo Imaraadku in uu kul lugleeyahya heshiishkan, balse AFP oo codsatay arrinkaan in ay waxka dhahdo kama jawaabin Imaaraadku.
Cumar Maxamuud oo ah khabiir sare oo ka tirsan Hay’adda Xasadaraha Adduunka ee Bariga Afrika, ayaa sheegay in uusan aaminsanayn in Imaaraadku wax ka wado heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, maadaama oo uu tartan dhibaatoleh u keeni karo Dekedda Berbera ee Somaliland oo ay maamusho shirkadda DP-world ee Dubai. Laakiin, balse waxuu sheegay in xiisadda kacday in ay fursado u abuurtay wadamo dibadda ah sida, Sacuudiga, Turkiga iyo Masar.
Loolanka jiitamaayay muddaba ee wadamada khaliijka u dhexeeyay ee ku aadan arrimaha Soomaaliyana ayaa u muuqda in uu gaadhay figtii ugu sareysay, Sacuudiga, Imaraadka, iyo Qatar ayana u muuqataa midiba midka kale in uu doonayo in uu kaga saamayn bato Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa siyaasadeedu tahay mid dhexdhexaad ah oo cadaawad muuqata midnaba aan la lahayn.
Shidaalka lagasoo saaraayo Soomaaliya
Isla Bishan Febraayo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa warreysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shidaalkii ugu horeeyay ee laga qodi doono gudaha Soomaaliya, dhawaan waxaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saamaynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristiisu.
Soomaaliya ayaa leh keyd shidaal oo badan walise dalka lagama soo saarin.
Arrimahaan gobolka kadhacaya iyo isku dayada ay wada dowladda Soomaaliya ayaana noqonaya kuwo Soomaaliya dhex dabaalsiinaya mowjaddo siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba ah.
Wasiirka Batroolku wuxuu xaqiijiyey in xilligan la joogo ay diyaar yihiin in la qodo illaa 7 xirmo oo ku kala yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaliya, ku waas oo ku kala yaala Galmudug (3 xirmo), Koonfur Galbeed (2 xirmo) iyo Jubaland (2), kuwaas oo sida qorshuhu yahay lagu talo jiro in laga soo saaro shidaal la doonayo in mustaqbalka la dhoofiyo. Kudhawaaqista soo saarista Shidaalka Soomaaliya iyo loolanka siyaasadeed wadamadu ugu jiraan ka faa’iidaysiga kheyraadka dalka ee xilligaan ayaana ah arrimo mudan in la darso.
Heshiiska Difaac ee Turkiga
Kadib heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Somaliland guud ahaanba waxaa muuqata siyaasadii arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ay xagal wareegtay go’aanno waaweyna dowladda Soomaaliya ay qaaday.
Soomaaliya waxay heshiis difaac la gashay dowladda Turkiga oo illaalin doonta xeebaha Soomaaliya muddo 10 sanno ah, ciidamada badda ee Turkiga ayaana gaafwareegi doona xeebaha Soomaaliya iyagoo sidoo kale tababari doono ciidamo badeed oo Soomaaliya leedahay. Wasiirka qoraal uu bartiisa X soo dhigayna waxuu ku yidhi isagoo ka hadlaayay heshiishka “Ama buur ahoow, ama buur ku tiirsanoow” | 2d2c6353-2618-4715-aa4d-0949124122ba | 813 |
Sidee Israa'iil ula wareegtay dhulka Falastiin, xageese ka yimaadeen markii hore?
Kadib weerarkii Xmaas ay ku qqaday israa'iil 7 October ayaa dad badanh oo da'yar ah is weydiinayaan sida Israa'iil ku qabsatay Falastiin.
Fahamka adhacdooyinka taariikhiga ah ee horseeday xaaladda hadda jirta ayaa ah mid muhiim si aad u fahanto sida ay ku dhisantay Israa'iil.
Asalka colaadda ayaa ah mid dib loogu celiyo sanadkii 1948 dii oo ay barakaceen Falastiiniyiin badan.
Sidee ayay Israel Ku qabsatay inta badan dulka Falastiin?
Ingiriisku waxa uu la wareegay gacan ku haynta dhulka loo yaqaan Falastiin ka dib markii taliyihii qaybtaas bariga dhexe ka talinayey ee Boqortooyadii Cusmaaniyiinta lagu jabiyey dagaalkii koowaad ee aduunka.
Dhulkaas waxaa deggenaa Yuhuud laga tiro badan yahay iyo Carabta oo u badanna, iyo weliba qowmiyado kale oo yaryar.
Xiisada labada shacab ayaa kor u kacday markii beesha caalamku ay UK siisay hawsha ah in Falastiin laga sameeyo "guri qaran" oo loogu talagalay dadka Yuhuuda ah.
Tani waxay ka timid Bayaankii Balfour ee 1917, ballanqaad uu u sameeyay Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee xilligaas Arthur Balfour bulshada Yuhuudda ee Britain.
Bayaanka waxaa lagu qeexay amarkii Ingiriiska ee Falastiin waxaana taageeray Ururkii markaas cusub ee Qaramada Midoobay - oo horudhac u ahaa Qaramada Midoobay ee hadda jirta.
Yuhuuda ayaa Falastiin u arkayay dhul ay awoowayaashood la hayeen, laakiin Carabta Falastiiniyiinta ayaa iyaguna sheegta dhulkaas oo ka soo horjeestay tallaabadaas.
Intii u dhaxaysay 1920-kii iyo 1940-meeyadii, waxaa kordhay tirada dadka Yuhuudda ah ee halkaas imaanaya, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay ka carareen cadaadiskii Yurub, gaar ahaan xasuuqii Nazi-ga ee dagaalkii labaad ee Adduunka.
Waxaa sidoo kale kordhay rabshadaha u dhexeeya Yuhuuda iyo Carabta, iyo gumeysiga Ingiriiska.
Sannadkii 1947-kii, Qaramada Midoobay waxay u codaysay in Falastiin loo kala qaybiyo Yuhuud iyo Carab, iyadoo Qudus ay noqotay magaalo caalami ah.
Qorshahaas oo ay aqbaleen madaxda Yuhuuda balse waxaa diiday dhinaca Carabta ilaa hadana aan ogolaan.
Sidee yuhuudu ugu baahday dhulkii kale ee Falastiin?
Markii gumeystihii Ingiriiska uu ka dhamaaday dalka Falastiin dhamaadkii 1940-meeyadii, waxaa cirka isku sii shareeray xiisada u dhaxeysa Yuhuuda iyo Carabta, taasoo keentay dagaal dhex mara dowladda cusub ee Israa’iil iyo dalalka deriska la ah ee Carabta bishii May 1948.
Dadka Yuhuudda ah ma ay lahayn waddan ay iyagu leeyihiin. Wadamada reer Yurub raali kama ahayn in ay dhulkooda uga tanaasulaan qadiyadda Yuhuuda awgeed.
Aabihii Israa'iil ee David Ben-Gurion ayaa ku dhawaaqay Dawladda casriga ah ee Israa'iil 14-kii Maajo 1948-kii, isaga oo u sameeyay meel ammaan ah oo loogu talagalay Yuhuudda ka soo cararaya cadaadiska ka soo wajahayay dhulalkii ay ku noolaayeen.
Falastiiniyiintu waxay abuuritaanka Israa’iil kutilmaameen 'Nakba', ama masiibo.
Dagaaladii dhexmaray Israa'iil iyo wadamada kale ee Carabta ayaa ciidanka Masar ku qabsadeen dhul ciriiri ah oo ku yaal Gaza, taas oo keentay inay saddex jibaarmaan dadka gobolka waxayna gaareen ilaa 200,000. Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa magangalyo u doontay Qaza ka dib markii ay guryahoodi ka soo barakaceen.
Dagaalkii xigay, ilaa 700,000 oo falastiiniyiin ah oo kala bar ahaa dadkii Carabta ahaa ee ay Ingiriisku gumaysanayeen ee kunoolaa Falastiin, ayaa ka qaxay ama laga saaray guryahoodii, kuwaas oo u cararay meelo ka mida ah dalalka Jordan, Lubnaan iyo Suuriya iyo sidoo kale Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus.
Halkaas ayuu ka bilowday dhulbalaarsigii koobaad.
Dhacdooyinkii xigay
1.Dagaalkii iyo qabsashadii milatari ee Israa'iil 1967
Dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, Israa'iil waxay qabsatay marinka Gaza. Kadib dagaal taariikhda galay oo dhexmaray iyo Masar oo socday muddo todobaad ah.
Ciidamada Israa’iil ayaa u haray Qaza si ay u maamulaan dhulkaasi ayna u ilaashadaan.
Tirakoobka ay Israel sameysay ee sanadkaas ayaa dadka Gaza ku nool ku qiyaasay 394,000, iyadoo ku dhawaad 60% ay yihiin qaxooti.
2.Kacdoonkii Falastiin ee ugu horeeyay iyo Samaynta Xamaas 1987
Bishii Disembar 1987, Falastiiniyiintu waxay bilaabeen intifada (kacdoon), ka dib shil baabuur oo ay ku lug lahaayeen baabuur ciidamada Israel ay wateen iyo shaqaale falastiiniyiin ah oo ku sugnaa xerada qaxootiga ee Jabalya ee Gaza.
Intifada ayaa horseeday mudaaharaadyo dhagax-tuur ah iyo shaqo joojin. Muddadaas, ururka Ikhwaanul Muslimiin ee fadhigoodu yahay Masar ayaa lagu eedeeyay inay abuureen garab hubeysan oo la yiraahdo Xamaas, taasoo ujeeddadeedu ahayd inay Israa’iil burburiso oo ay xukun Islaami ah ka dhisto.
3.Heshiiskii Oslo iyo madaxbanaanida Falastiin 1993
Sannadkii 1993-kii, Israa’iil iyo Falastiiniyiintu waxay saxiixeen Heshiiskii Oslo, oo ahaa heshiis nabadeed oo muhiim ah oo aasaasay maamulka Falastiiniyiinta.
Heshiisku wuxuu oggolaaday in si xaddidan Falastiin ay u maamusho Gaza iyo Jericho oo ah Daanta Galbeed. Yaasir Carafaat ayaa ku laabtay Gaza ka dib tobanaan sano oo uu dibad joog ahaa.
Si kastaba ha ahaatee, geeddi-socodkii Oslo uma horseedin dowladnimo sidii markii hore la filayey, sababo la sheegay inay la xiriiraan khilaafyo iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin deegaan balaarsiga Israa’iil iyo dhaliilaha Falastiiniyiinta loo jeediyo ee musuqmaasuqa.
4.Kacdoonkii labaad ee Falastiin 2000
Kacdoonkii labaad ee Falastiin wuxuu bilowday 2000, taasoo sii xumeysay xiriirka Israel iyo Falastiin.
Muddadaas waxaa la arkay weeraro is qarxin ah, weerarro toogasho ah oo ay gaysteen Falastiiniyiinta, iyo jawaabaha militariga Israa’iil sida duqaymo, burburin, iyo bandow.
Garoonka caalamiga ah ee Qaza oo astaan u ahaa rajada Falastiiniyiinta ee madax banaanida dhaqaalaha ayay Israel u burburisay sababo amni.
5.Go'doominta bilaabatay 2006
Sannadkii 2006, Xamaas ayaa guul lama filaan ah ka gaartay doorashadii baarlamaanka ee Falastiin, ka dibna waxay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta Gaza, iyagoo afgambiyey ciidamadii daacadda u ahaa madaxweyne Maxamuud Cabaas.
Wadamo badan ayaa Xamaas u arkayey urur Argagixiso waxayna hoos u dhigeen gargaarkii ay siin jireen Falastiiniyiintii ku sugnaa dhulka ay Xamaas maamusho.
Waxaa la sheegay inay leeyihiin garab milatari oo ka kooban ku dhawaad 40,000 oo dagaalyahan, Xamaas waxay hadda u shaqeysaa sidii ciidan yar-yar waxayna ku faantaa inay leedahay barnaamijyo tababar oo gaar ah, oo ay ku jiraan amniga internetka iyo cutubka ciidamada badda.
Israa'iil iyo bariga Afrika
Sanadkii 1903, ninkii loogu magac daray aabihii Zahyuuniyadda, Theodor Herzl, ayaa u soo jeediyay gumaystihii Ingiriiska ee Bariga Africa inay dhul siiyaan dadka Yuhuudda ah.
Barnaamijka loogu magacdaray “Uganda scheme,” ayuu soo jeediyay kaas oo lagu codsanayay in dadka Yuhuudda dhul laga siiyo waddanka haatan loo yaqaano Kenya, inkasta oo magaca barnaamijkaas uu ahaa Uganda waxaa loola jeeday kenya sida ay qoreen taariikhyahanadu.
Dhanka kale Israel iyo Uganda waxaa dhexmaray xiriir balaaran oo dhinacyo kala duwan ah kaas o soo bilowday 1950 meeyadii inkasta oo Uganda ay xornimadeeda heshay sanadkiii 1962 sii.
Israa'iil waxay ka caawisay Uganda arimo ka mid yihiin wax beerashada iyo dhanka milatariga, sidoo kale shirkado laga leeyahay Israa'iil ayaa ka shaqo bilaabay gudaha Uganda, halka ardey Ugandes ah ay wax ka baran jireen gudaha israa'iil. Dhanka kale gudaha Uganda waxaa ku sugnaa dad badan oo Yuhuud ah.
Balse waxay wax walba is badaleen markii talada qabsaday madaxweynihii hore ee dalkaas Idid Amin sanadkii 1972 sii ayaa wax walba is badaleen. Wuxuu dalka ka musaafuriyay guud ahaan Israa;iiliyiintii joogtay.
Idi ayaa la sheegaa inuu Israa’iil taageero milatari balsa markii ay ka dhaga adeygeen uu ujeestay dhinaca Libya.
Wuxuu markaas kadib ka eryay dalkiisa 500 oo Israa'iiliyiin ah, wuxuuna jaray xiriirkii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa Israa'iil 1972.
Hadalo lagu tilmaamay naceyb ah oo ka dhan ah Israel ayuu marar kala duwan jeediyay isagoo sidoo kale muujiyay sida uu ula dhacsan yahay waxa loogu magacdaray "Xalka ugu dambeeya" ee uu Hitler ku dilay in ka badan 6 milyan oo dadka Yahuuda ah.
Taliskii Amin waxa uu sidoo kale bartilmaameedsaday Yuhuuda ku nool Uganda, isaga oo xiray macbadyo, waxa kale oo uu u geystay garaacis iyo xarig. | c20ee4e1-96e3-48f0-966f-d216cf5b982a | 1,233 |
Xildhibaanka kamid noqday boqolaalkii shacabka ahaa ee ku xanibmay garoonka diyaaradha iyo wixii uu arkay
Muuqaalada saaka laga soo duubay garoonka diyaaradha Muqdisho ayaa muujinaya jahwareerka ka taagan garoonka diyaaradha ee magaaladda Muqdisho. Boqolaal ruux oo shacab ah oo doonayay inay u dhoofaan gobolada dalka ayaa ku xaniban gudaha garoonka.
Mid kamid ah dadkaas aya aah xildhibaan Cali Siciid Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo BBC da u sheegay in uu dhawr saacadood ku xaniban yahay qaybta lagu sugo duulimaadka.
"Saaka aroortii hal saac iyo bar ayaan imid garoonka diyaaradha, markaan imid ayaa nalgu yiri, 'war maanta diyaarad in ay jireyso iyo in kale lama oga'...ilaa iyo hadeertaan oo ay mareyso tobankii iyo 11 daqiiqo wax akhbaar ma hayno," ayuu BBC da u sheegay xildhibaan Fiqi oo ku sugnaa qaybta ay gaarka ah ee ay ka baxaan madaxda ee ku taalla garoonka Aadan Cabdulle.
Maalintii labaad ayaa waxaa hakad ku jira duulimaadyada gudaha ee ka bixi jiray garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, kaddib markii shirkaddaha diyaaraddaha iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadu, isku khilaafeen lacago dheeraada oo lagu soo rogay dadka ka dhoofaya garoonka.
Maamulka Ururka Diyaaraddaha ayaa sheegay in lagu soo rogay qof kasta oo ka dhoofaya garoonka Aadan Cabdulle ee ku socda gobollada wadanka lacag dhan $9, iyagoo maraya nidaam cusub oo ay dajisay shirkad gaar loo leeyahay oo ay ruqsad ay siisay wasaaradda duulista hawada.
Shirkadduhu waxay sheegeen in ay culeys wayn ku tahay dadka diyaaradahooda raacaya, lacagta dheeraadka ah ee la saaray.
Xildhibaan Fiqi ayaa hadalkiisa raaciyay in ilaa iyo haatan aan dadweynaha ku xaniban garoonka ee isagu uu ku mid yahay aan loo sheegin wax xog ah oo ku saabsan in duulimaadyada aan sugayaan la fasixi doono iyo in kale.
XIldhibaan Cabdiraxmaan Cabshakuur oo ka mid ah siyaasiyiin ka hadlay xaalka cakiran ee ka taagan garoonka diyaardaha ee Muqdisho ayaa dawladda ku booriyay in ay aan dhayalsan dhibaatada ay la kulmayaan shacabka ku xaniban garoonka diyaaradha.
"waxaan u soo jeedinayaa guddiga gaadiidka ee labada aqal ee baarlamaanka in ay arrinkan dedeg u soo farageliyaan", ayuu ku yiri war uu ku soo daabacay bartiisa Facebook.
Shalay ayaa sidoo kale galinkii hore waxaa hakad galay duulimaadyada aadi jiray gobolada dalka, balse galinkii dambe ayay baxeen duulimaadyada qaar.
Muxuu salka ku hayaa khilaafku?
War ay soo saareen Midowga Shirkadaha Diyaaradaha ee Soomaaliya dhawaan ayay ku sheegeen in wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ay ku amartay "in aan xogta rakaabka diyaaradaha (Manifest) kushubno system wasiiraddu noogu sheegtay inuu yahay mid amni".
Balse waxay sheegeen in ay dib ka ogaadeen in uu yahay "[Nidaam] ay leedahay shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Hornlink"
Waxay sheegeen in sidoo kale uu nidaamka dalbanayo alacag sagaal doolar ah in shirkaduhu ka bixiyaan tikid kasta oo ay jaraan, arrintaas oo ay sheegeen in ay sare u qaadeyso qiimaha tkidhada caqabadna ay ku noqoneyso iyaga iyo macaamiishoodaba.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Soomaaliya ayaan la xiriirnay si aan wax uga waydiino dhamaan cabashooyinkaan. Balse nooma aysan suuragalin inaan helno. Sidoo kale ma jiro war rasmi ah oo ay soo saartay wasaaraddu.
Balse ra'iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi barre oo maanta gaaray garoonka diyaaradaha ayaa ku amray wasaaradda iyo maamulka garoonkaba in ay fasaxaab=n dhamaan duulimaadyada xaniban.
Shirkadaha ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in nidaamkan cusub uu yahya mid amni oo faa'iido leh. | 3204b502-03cb-49b0-9c9b-f4d5d726c840 | 553 |
Saameynta codadka muslimiinta ay Soomaalidu kamid tahay ay ku yeelan karaan doorashada Ingiriiska
Iyada oo doorashada guud ee dalka UK ay dhici doonto toddobaadka danbe maalinta khamiista ee 4ta July, ayaan qormadan ku eegi doonaa saamaynta ay codadka Muslimiinta iyo Carabtu ku yeelan karaan natiijada doorashada Ingiriiska?
Siyaasigii caanka ahaa ee Ingiriiska, Winston Churchill, ayaa qoray sannadihii 1920-aadkii, isaga oo uu ku tilmaamay in Boqortooyadii Ingiriisku ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee Muslimiinta caalamka.
Hadda oo laga joogo , in ka badan boqol sano ka dib khudbaddii Churchill, dadka daneeya doorashada UK ayaa raba in ay ogaadaan inta ay le'eg tahay saameynta cod-bixiyayaasha Muslimiinta iyo Carabtu ay ku yeelan karaan natiijada doorashada guud ee la qorsheeyay 4ta July .
Doorashadan ayaa ku soo beegantay xilli uu dagaal ka socdo gobol fog oo uu beri xukumi jiray Ingriisku, xilligaas oo Churchill uu ku faani jiray baaxadda Boqortooyada Ingiriiska.
Ololaha dagaal ee Israa’iil ay hadda ka waddo Qaza waxa uu kala qaybiyay ra’yiga shacabka Britain, waxaana daliil u ah dibadbaxyo ka dhacay waddooyinka dalkaas iyo dibadbaxyo ka dhacay dhowr jaamacadood.
Laakiin dagaalka Gaza saameyn dhab ah ma ku yeelan doonaa natiijada doorashada? Muslimiinta Britishka ah iyo muwaadiniinta asal ahaan ka soo jeeda Carabta, ma samayn karaan isbeddel?
Jawaabaha su’aalahan ayaa u muuqda kuwo isku-dhex-jira maadaama dagaalka Qasa uu walaac ku keenay muslimiin badan oo British ah iyo muwaadiniin asal ahaan kasoo jeeda dalalka Carabta, iyo sidoo kale dadka British-ka ah ee kala duwan qowmiyad ahaan iyo diin ahaanba.
Shaqaalaha iyo Gobolada.
Erayga "Xalaal" wuxuu ka muuqdaa meelo badan oo ah dukaamada cuntada iyo makhaayadaha London; Makhaayado badan ayaa lagu sameeyaa cunto waafaqsan xeerarka shareecada Islaamka, taas oo u muuqata mid macquul ah, maadaama caasimadda Ingiriiska ay martigeliso dalxiisayaal iyo dad badan oo soo booqdo oo ka imaanaya dalalka Islaamka.
Sida lagasoo xigtay diiwaanka xogta rasmiga ah, tirada Muslimiinta dalka ku nool guud ahaan waxa ay ku dhow yihiin afar milyan oo qof, oo u dhiganta 6.5% tirada guud ee dadka Britain, balse waxa laga yaabaa in boqolkiiba boqol ay kororto, gaar ahaan marka la eego celceliska da’da Muslimiinta ee dalkaasi.
Xaafadda Tooting ee koonfurta London, calanka Falastiin ayaa lagu dhejiyay daaqadaha maqaayado badan oo ay leeyihiin Pakistan iyo Bangladesh.
Gudaha mid ka mid ah makhaayadahaas, Shaakir (oo doorbiday in aan magaciisa oo dhameystiran la sheegin), oo soo galooti Pakistani ah, ayaa casho cunayay isaga oo si xamaasad leh uga hadlayay dagaalka Gaza, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in ay caddahay in "dhammaan xisbiyada Ingiriiska ay u xaglinayaan dhanka Israa'iil," sida uu sheegay.
Shaker, oo maamula shirkad nadiifisa guryaha, ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu u codeeyo musharax kasta oo madax-bannaan oo u damqanaya dadka Gaza. Waxay u muuqataa in taasi aanay ahayn ra’yi kaligiis u gaar ah.
Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil 7-dii October 2023, iyo dagaalkii xigay ee Israa’iil ay ku qaadday Marinka Gaza, waxa warbaahinta Britain ay aad u hadal haysay carrada Muslimiinta Britain ay ka muujiyeen falcelinta siyaasiyiinta Britain, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha Ingiriiska.
Xisbiga Labour-ka, oo dadka qaar ay tilmaamayaan ra'yi ururinta uu sameeyay sida - wargeyskaThe Economist iyo mid kale uu daabacay wargeyska kale ee Financial Times - ayaa muujinaya inuu ka horeeyo xisbiga talada haya ee Conservative Party.
Xisbiga mucaaradka ah ayaa inta badan lagu tiriyaa xisbiga ay ugu jecel yihiin Muslimiin badan oo British ah, sida ka muuqata ra'yi ururin ay samaysay hay'adda Survision Foundation, ka dib codsi ka yimid ururka Muslim League ee xisbiga shaqaalaha, kaas oo tilmaamayay in 86 Muslimiin ah ay sheegeen inay u coddeeyeen xisbiga shaqaalaha doorashadii guud ee 2019.
Laakiin afar sano ka dib, qayb ka mid ah Muslimiinta Britain ayaa dhaleeceeyay mawqifka hogaamiyaha xisbiga Labour-ka, Keir Starmer, bilowgii dagaalka, iyo hadalkiisii ku saabsan "xaqa Israel u leedahay inay is difaacdo si kasta oo macquul ah.
Hoggaamiyaha Labour-ku waxa kale oo uu ugu baaqay xildhibaanada xisbigiisa in ay ka fogaadaan in ay u codeeyaan mooshin ka socday Aqalka Baarlamaanka ee ku baaqayey xabbad-joojin bishii November ee la soo dhaafay, ka hor inta aanu ka noqon bilo kadib si uu ugu baaqo xabbad-joojin iyo in la taageero bilowga geeddi-socod nabadeed oo lagu xallinayo collaadda Falastiiniyiinta iyo Israa'iil.
Laakiin taasi ma waxa ay kadhigantahay in codbixiyeyaal badan oo Muslimiin ah ay ka tanaasulayaan taageeradii ay u hayeen Xisbiga Shaqaalaha ee Labour-ka doorashada soo socota?
"Codka Muslimiinta"
Ra’yi ururin la sameeyay ayaa muujineysa in tirada Muslimiinta ee doonaya in ay u codeeyaan xisbiga shaqaalaha ay yihiin ku dhawaad 60 boqolkiiba, halka Muslimiinta doonaya in ay u codeeyaan xisbiga talada ahaya ee Conservative aysan ka badnayn 12 boqolkiiba.
Waxaa hadda Baarlamaanka UK ka mid ah 3 xildhibaan oo muslimiin ah oo matalaya xisbiga Muxaafidka ah ee Conservative. Waxaa laga yaabaa in siyaasiga ugu caansan ee Muxaafidka ee asal ahaan kasoo jeedo Muslimiinta uu yahay Nadhim Zahawi, kaas oo asal ahaan ka soo jeeda Ciraaq, kaas oo jagooyin dhowar ka soo qabtay dawladihii Conservative-ka ee isdaba jooga ahaa, xlkaas oo uu ku jiro Wasiirka Waxbarashada.
Su’aasha ah cododka Muslimiinta iyo Carbata saameyn intee le’eg ayeey ku yeelan karaan guulaha la filayo in xisbiyadu ka gaaraan doorashooyinka soo socda ayaan si sax ah looga jawaabi Karin ilaa natiijada cod bixinta lagu dhawaaqo. | d6440c45-2364-47b0-aec6-c0cab6d3b8a0 | 862 |
Israa'iil oo hubeynaysa beelaha ka soo horjeeda Xamaas ee Qasa ku nool
Raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in Israa'iil ay hub siinayso beelo ku sugan Qasa kuwaas oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan Xamaas.
Hadalka Netanyahu ayaa yimid kaddib markii warbaahinta Israa'iil ay soo xigatay ilo dhinaca difaaca ah oo sheegayay in Netanyahu uu oggolaaday in hub la siiyo koox gaar ah oo ku sugan koonfurta Qasa.
Siyaasiyiin Israa'iiliyiin ah oo dhowr ah ayaa ku eedeeyay Netanyahu inuu khatar gelinayo ammaanka Israa'iil.
"Maxaa ka khaldan arrintan?" ayuu yiri Netanyahu muuqaal kooban oo uu soo dhigay bartiisa X. Wuxuuna sii raaciyay: "Kaliya waxay badbaadineysaa nolosha askarta Israa'iil", isagoo intaa ku daray – "Faafinta arrintani waxay kaliya caawineysaa Xamaas."
Waxa uu raysal wasaaraha Israa'iil warkiisu daba socdaa warbixinno sheegaya in Israa'iil, isaga oggolaanshihiisa, ay hub siineyso beel ku sugan Qasa oo uu hoggaamiyo nin lagu magacaabo Yasser Abu Shabab.
Kooxdan, oo ay qaar u arkaan inay tahay maleeshiyo ama koox dambiilayaal ah, ayaa isu soo bandhigtay inay tahay xoog mucaarad ku ah Xamaas.
Waxay sheegtay in ujeedkeedu yahay inay ilaaliyaan gaadiidka gargaar sida ee galaaya Qasa, balse dadka dhaliila waxay leeyihiin waxay sameyneysaa wax arrintaa ka soo horjeeda oo ah in ay dhac iyo bililiqo ku heyso gargaar kasta oo Qasa gala.
Arrinta kooxdaan ku saabsan ayaa laga yaabaa in Benjamin Netanyahu uu iska indhatiro, balse waxay yeellan kartaa suurtagalnimo ah in ay uu wajaho fadeexado siyaasadeed oo culus.
Ilo amni oo Israa'iili ah ayaa horey ugu xaqiijiyay warbaahinta maxalliga ah in eedeymaha uu soo jeediyay siyaasiga mucaaradka ah Avigdor Lieberman ay sax yihiin.
Lieberman, oo ah madaxa xisbiga Yisrael Beiteinu, ayaa u sheegay telefishinka dadweynaha ee Kan in Netanyahu uu kaligiis oggolaaday in hub loo wareejiyo beesha ninka la yiraahdo Abu Shabab.
"Dowladda Israa'iil waxay hub siinaysaa koox dambiilayaal ah oo la xiriirta kooxda Daacish," ayuu yiri Lieberman.
"Intii aan ogahay, tani ma aysan marin ansixinta golaha wasiirrada," ayuu raaciyay.
Ilo amni ayaa markaas kadib u xaqiijiyay in Israa'iil ay hub siisay beesha Abu Shabab.
Beeshan ayaa ka howlgasha Rafah, meel hoos timaadda gacanta milateriga Israa'iil.
Si kastaba, Yasser Abu Shabab ayaa si cad ugu beeniyay baraha bulshada in Israa'iil ay hub siisay kooxdiisa.
"Hubkayagu waa mid fudud, duug ah, waxaana helnay annaga oo taageero ka helayna dadkayaga," ayuu yiri.
Ilo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyada Abu Shabab ay noqdeen arrin dhibaato ah, oo warbixino la bahaiyay ayaa sheegay in garabka hubeysan ee Xamaas uu bilaabay dilal qorsheysan oo lala beegsanayo xubnaha beeshaas.
Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay "ku howlan tahay inay Xamaas ku jebiso siyaabo kala duwan oo ku saleysan talooyinka madaxda hey'adaha amniga."
Dhaleeceyn xooggan ayaa kasoo yeertay Yair Golan, hoggaamiyaha xisbiga Dimoqraadiga ee Knesset-ka.
Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada sida X ayuu ku yiri: "Netanyahu wuxuu khatar ku ah amniga qaranka Israa'iil. Halkii uu ka keenilahaa heshiis… oo uu kusoo celin lahaa la haystayaasha isla markaana uu u keenilahaa amni muwaadiniinta Israa'iil, wuxuu ka abuurayaa Qasa mushkilad cusub oo mar kasta qarxi karta." | f98f6754-552c-46ac-b200-d3d63361aa36 | 502 |
Maalintii uu Mullah Cumar jabiyay astaanta geela ee hadiyad ahaanta loo siiyay
Dalka Shiinaha ayaa todobaadkii aanu soo dhaafnay noqday waddankii ugu horreeyay ee safiir u soo magacaabay Kabul kadib markii Taliban ay la wareegtay awoodda Afqaanistaan.
Ma jiro dal weli si rasmi ah u aqoonsaday maamulka Taliban ee ka jira Afgaanistaan, halka Shiinuhu uu sheegay in magacaabista safiirka Kabul ay tahay arrin caadi ah, islamaarkana Shiinahana uu doonayo inuu sii wado wadahadalka iyo iskaashiga Afghanistan.
Waa xusid mudan in 20-kii sano ee ciidamada Mareykanka ay ku sugnaayeen Afgaanistaan, uusan Shiinuhu waligiis taageero milateri siin Taliban, taasoo muujineysa in Shiinuhu uusan daneyneynin xiisadda milateri ee reer galbeedka uu la galo.
Si kastaba ha ahaatee, xilli Maraykanka iyo dalalka xulafada ah ay dardargaliyeen wadahadal nabadeed oo lala yeesho Taliban, Shiinaha ayaa isna waddaasi raacay.
Wafdi heer sare ah oo ka socda Taliban ayaa booqday Shiinaha horraantii 2017-kii, iyadoo ka hor wakiilo ka socda Shiinaha ay dhowr jeer la kulmeen Taliban.
Booqashada kale ee muhiimka ah ee wakiillada siyaasadeed ee Taliban ay ku tageen Shiinaha waxay ahayd Luulyo 2021, markaasi oo Mareykanka uu ku dhowaa in uu gabi ahaanba kala baxo ciidamadiisa Afgaanistaan.
Mowqifka rasmiga ah ee Shiinaha ayaa markaas ahaa inuu doonayo inuu dhexdhexaadiyo dhinacyada isku haya si gobolka xasilooni loogu soo dabalo.
Dhab ahaantii, dhowr toddobaad ka dib kulankaan, Taliban waxay la wareegtay gacan ku haynta Afgaanistaan, Shiinaha ayaa ka mid ahaa wadamada xiriirka la leh Taliban.
Xilli waddamo badan oo reer galbeed ah ay albaabada u laabeen safaaradahooda magaalada Kabul, ayaa Shiinaha waxa uu albaabada u sii furayay safaaradiisa. Joogitaanka safaaradda Shiinaha ee Kabul waxay calaamad u ahayd isbeddelka siyaasadda dalkaas ee ku aaddan Taliban.
Waxaa xusid mudan in Shiinuhu uu xiray safaaraddii uu ku lahaa Afgaanistaan markii ugu horaysay ee Taliban ay qabsato magaalada Kabul 1996-kii,waxaana ay dib u soo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed kadib markii ay dawladii Maraykanka taageerayeen ay la wareegtay talada dalka Afganistan sanadkii 2002.
Xukuumadii hore ee Afqaanistaan waxa ay xiriir aad u dhaw la lahayd Shiinaha.
Sannadkii 2014-kii, Janan Musazai, oo ah safiirka Afgaanistaan u fadhiya Beijing, ayaa sheegay in "Shiinuhu uu diyaar u yahay inuu tababaro askarta Afgaanistaan."
Si kastaba ha ahaatee, taariikhda xiriirka Shiinaha iyo Taliban ayaa ah muddo soo jiray waxaana uu soo bilaabmay markii ugu horeysay ee ay kooxdan dalkaasi la wareegeen.
Goorma ayuu bilaabay xiriirka diblumaasiyadeed ee Shiinaha iyo Taliban?
Sannadkii 1999-kii, wafdigii ugu horreeyay ee diblumaasiyadeed oo Shiinees ah ayaa loo diray Pakistan si ay ula kulmaan hoggaamiyeyaasha Taliban, bishii Nofeembar 2000, safiirka Shiinaha ee Pakistan ayaa hoggaaminaya wafdi u tagay Kandahar si uu ula kulmo Mullah Muhammad Omar, hoggaamiyihii iyo aasaasihii Taliban.
Mullah Abdul Salam Zaeef, oo markaas ahaa safiirka Taliban ee Islamabad, ayaa ka sheegay kulankaan inuu ahaa diblomaasigii ugu horeeyay ee aan Muslim ahayn oo la kulmo Mullah Muhammad Omar.
Waqtigaas, Shiinuhu wuxuu ka walaacsanaa taageerada Taliban ee Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Bariga Turkestan (koox hubaysan oo ka soo horjeeda Shiinaha) iyo joogitaanka xubnahooda ee Afgaanistaan.
Waqtigaas, falanqeeye iyo sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Taliban, Waahid Mujaddad, wuxuu ku qoray buugiisa 'Afghanistan iyo shanta sano ee Taliban': 'Wefti ka socda Shiinaha ayaa yimid Kabul oo u dhoofay Qandahaar. Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ay Taalibaan si ba’an u dhaleeceeyeen beesha caalamka oo ay ku eedeeyeen inay burburiyeen taallooyinkii Buddha.
Madaxa weftiga Shiinaha oo kulanka la yeeshay Mullah Muxamed Cumar, ayaa waxa uu la furay sanduuq, waxa aanu la soo baxay taallo geel ah oo ka samaysan foorno, ka dibna waxaa uu u jeestay Mullah Cumar oo uu ku yiri, Taalladan waxa aan kuu siiyay hadiyad ahaan . " Waxaanse u soo bandhigayaa rajo ah in xiriirka dalalkeenu uu mar kale ku soo noqdo sidii uu ahaan jiray.
Sida uu sheegay Mujaadadi: Mullah Cumar waxa uu ku sugnaa xaalad adag, wax uu sameeyo-na wuu garan waayay. Turjubaanka goobta joogay oo isaga laftiisu arday ah, ayaa Mullah Omar afka Pashto ugu sheegay in martida ay aad uga caroon doonaan haddii aanu aqbalin hadiyadda.
Mullah Cumar ayaa si degdeg ah u guddoomay taaladaasi waxaa uuna si degdeg ah u saaray miiska sidii qof loo dhiibay wax kulul.
Markii uu shirku dhamaaday oo waftigii Shiinuhu ka baxeen, ayaa waxaa uu Mulla Cumar soo qaaday taalladii oo uu dhulka ku dhuftay isla markaana jajabiyay.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in weerar ay Mareykanka la beegsadeen saldhigyo Al-Qaacida sanadkii 1998-dii gobolka Khost, ay taalibaan haraadiga qeybo ka mid ah gantaallada Mareykanka siiyeen Shiinaha, taasoo Taliban ay ilaa hadda beeniso.
Shiinuhu waxa uu hore kaalintiisa uga qaatay in uu tababaro mujaahidiinta Afgaanistaan, isaga oo keenay Kalashnikov iyo gantaalada difaaca Shiinaha ee ka dhanka ah duullaanka Soofiyeetka ee Afgaanistaan, laakin waxaa yaab leh in aanu weli sii wadin taageerada uu siiyo kooxaha jihaad doonka ah ee Afgaanistaan. Taas beddelkeeda, Iran, Pakistan iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa sii waday taageeradooda.
Afgaanistaan, dagaalyahanada kooxda ayaa aad ugu dhawaa al-Qaacida. Sannadkii 2010-kii, warbaahinta Pakistan waxay sheegtay in la dilay hoggaamiyihii Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Turkestan Bari, Cabdul Xaq.
Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in xiriirka Shiinaha iyo Taliban uu si weyn u bilowday cabsi laga qabo koox hubeysan oo ka soo horjeeda Shiinaha oo ku sugan Bariga Turkestan. | 59bcfc1b-6b7b-4427-a8c7-13a3f6d7dbfa | 856 |
Maxaa ka jira in Israa'iil ay asaastay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas?
Wararka ku saabsan in dhaqdhaqaaqa Xamaas uu ahaa mashruuc Israa'iil ay horey u abuurtay ayaa baraha bulshada iyo warbahintaba la wareejinayay - tan iyo markii ay kooxda ay weerareen Israa'iil 7 October . Hadaba maxaa ka run ah sheekadaasi?
Xubno badan oo Xamaas ka tirsan ayaa diiday oo beeniyay sheegashadaas si la mid ah saraakiisha sarsare ee Israa’iil. Balse warkani waxaa mar si cad u sheegay madaxweynihii hore ee Masar, Xusni Mubaarak.
Sidoo kale, Senetarka Jamhuuriga ee Congress-ka Maraykanka ayaa isna mar soo hadal qaaday arrintan waxaana sidoo kale lagala hadlay saraakiisha amniga gudaha ee Israel,ee Shin Bet.
Akhwaan Muslimiinta
Halganka dheer ee Xamaas waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa bartamihii 1940-aadkii ee dhulka falastiiniyiinta, markaas oo laamihii ugu horreeyay ee ururka Ikhwaanul Muslimiin laga aasaasay Gaza, Qudus iyo magaalooyin kale.
Ka dib dagaalkii Carabta iyo Israa'iil ee 1967, dhallinyaradii Ikhwaanul Muslimiin kuma qanacsanayn hoggaamiyeyaashooda diinta iyo siyaasadda.
Dukumentiyada ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa muujinaya in xarakadu ay aad diiradda u saarto dhanka waxbarashada, dhaqanka, bulshada iyo ruuxiga ah, balse aysan ku mashquulin dhaqdhaqaaqyo ciidan.
Afhayeenka Xamaas
Afhayeenkii ugu horeeyay ee dhaq dhaqaaqa Xamaas Ibraahim Ghosheh ayaa buuggiisa “The Red Minaret,” ku sheegay in su’aalo badan ay iska weydiinayeen dhalinyarada ururka Ikhwaanul Muslimiin.
"Sababtoo ah ma aysan soo bandhigin xal cad oo ku saabsan mustaqbalka falastiin, mana aysan ku baaqayn in la bilaabo dhaqdhaqaaqa jihaad doonka ah ee Islaamka," ayuu qoray.
Tani ayaa sababtay in dhalinyaradii Ikhwaanka - oo doonayay inay la dagaalamaan Israa'iil - ay samaystaan koox iyaga u gaar ah oo ka tirsan kooxda. Waxa ay qorsheeyeen in ay is hubeeyaan iyaga oo aan madaxda Ikhwaanka ogayn.
Waxaa heshiis lala galay dhaqdhaqaaqa Fatxu - oo uu sannado badan hoggaaminayey Yaasir Carafaad - si loo tababaro xubnaha Ikhwaanka.
Go’aanka lagu bilaabay ururka Xamaas ayaa yimid kadib markii ururka Ikhwaanul Muslimiin uu soo maray caqabado waaweyn – oo ay ku jiraan xubno badan oo ka goostay.
Ma Israa'iil ayaa abuurtay Xamas si ay Fatax ugula dagalanto?
Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee muujiyay shakiga arrintan ku saabsan.
Mubarak ayaa ka soo muuqday cajalad muuqaal ah isagoo askar hadal u jeedinayay tobanaan sano ka hor, "Israa'iil waxay u abuurtay Xamaas inay ka shaqeyso ka hortagga Ururka Xoreynta Falastiin (PLO).
Ron Paul, oo mar u tartamay madaxtinimada Maraykanka 1988-kii, wuxuu baarlamaanka ka sheegay 2009, "Haddii aad taariikhda dib u raacdo, waxaad ogaan doontaa in Israa'iil ay dhiirigelisay oo ay gacan ka geysatay abuuritaanka Xamaas, ujeeddaduna tahay in laga hortago Yaasir Carafaat."
Hassan Asfour, wasiir hore iyo ergadii Falastiiniyiinta ee wadahadalka Oslo 1993, ayaa u sheegay telefishinka BBC 2023, "Xamas waxaa lagu bilaabay heshiis ay wada gaareen qaar ka mid ah dalalka Carabta iyo Israel -taasi oo ahayd mashruuc Maraykan uu watay oo lagu beddelayo PLO."
Ma israa'iil ayaa maalgalisay Xamaas?
Sannadkii 1981-kii, New York Times waxa ay daabacday waraysi uu wargeysku la yeeshay guddoomiyihii ciidammada Israa’iil ee wakhtigaas, Yitzhak Segev, isaga oo yiri, “Dadka Islaamka xagjirka ah waxa ay helaan qayb mucaawino ah oo Israa’iil ay siiso, dawladda Israa’iil waxa ay i u qoondeysay miisaaniyad dawladda militariga-na taageero ayya ka bixisaa masaajidda.”
Wuxuu yiri: "Lacagtan waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo xoogagga la tartamaya dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiin (PLO)."
Wareysi ay dhawaan daabacday Hay’adda Isreal Broadcasting Corporation, Yaakov Perry, oo horay uga tirsanaan jiray Shin Bet, ayaa yiri: “Waxaan ahaa madaxa ururka intii u dhaxeysay 1988 ilaa 1995, waxaan goob joog u ahaa kor u kaca dhaqdhaqaaqa Xamaas.
"waxaan xusuustaa in qiimeynteena ay ahayd. - Tani waa koox bulsho oo keliya, ka shaqeynta bixinta baahiyaha dadka, laakiin dad badan oo Israa'iil ah ayaa ku eedeeyay Shin Bet inay taageerto dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Hamas oo ay ugu beddesho PLO, laakiin taasi run maaha." ayuu intaa ku daray.
Aasaasaha Xamaas, Sheekh Axmed Yaasiin ayaa sheegay in Israa’iil ay bixisay mushaaraad si ay isugu dayaan in ay nolosha caadiga ah ku soo celiyaan dadka ka dib markii ay qabsatay Gaza.
“Waxa aan shaqadayda macalinimo ku qaadan jiray 240 Lira oo Israa’iil ah bishii, 40 lirana waxa aan ku qaadan jiray shaqadii muxadarooyiinka ee masjidka”. ayuu yiri.
Cilmi baare ka tirsan machadka Truman ee jaamacadda Hebrew ee magaalada Jersulam, horena uga tirsanaan jiray sirdoonka Israa’iil sannadihii 1970-meeyadii, Roni Shaked ayaa BBC-da u sheegay, “Israa’iil weligeed ma maalgeliso Islaamiyiinta, waxay siisay shatiyo ay ku shaqeeyaan hay’ado, balse ma aysan bixin dhaqaale”.
Roni Shaked waxa uu yiri "Taasi waxa laga yaabaa in ay u sahashay Ikhwaanul Muslimiinka (Xamas ka hor) in ay koraan, laakiin Israa'iil markii horeba ma aysan taageerin dhaqdhaqaaqooda aan rabshadaha wadan"
Qorayaasha Israa’iil ee Ehud Yaari iyo Zeev Schiff waxay buuggooda Intifada ee 1990 ku yiraahdeen, “Israa’iil waxay isku khiyaantay awoodda ay ku maamusho Muslimiinta xagjirka ah, waxayna u adeegsatay inay wiiqdo saameynta Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Falastiin.
La dagalanka Israa'iil
Isbeddel weyn oo ku yimid xeeladaha Ikhwaanul Muslimiinka ee ka dhanka ah Israa'iil ayaa dhacay 1983. Shir ka dhacay Jordan, waxay go'aansadeen "in loo ogolaado xubnahooda ku sugan Daanta Galbeed iyo Gaza inay abaabulaan hawlgallo millatari," sida uu qabo afhayeenkii ugu horreeyay ee Xamaas, Ibrahim Ghosheh.
Sanad ka dib, Israa’iil waxay xirtay dhammaan ciidamadii ka socday Gaza, oo uu hoggaaminayay Axmed Yaasiin, waxayna gurigiisa ka heshay 80 hub noocyo kala duwan ah.
Hase yeeshee Yaasiin ayaa la sii daayey dhawr bilood ka dib sannadkii 1985-kii, taas oo qayb ka ahayd heshiis ballaaran oo lagu sii daayey saddex askari oo Israa’iili ah.
Axmed-yaasiin waxa uu dib u bilaabay doorkii hogaamineed ee dhaq-dhaqaaqa ciidamada muddo sanad ah kadib markii la sii daayey.
Xamaas ma waxaa abuurtay Israa'iil?
Israa'iil ma aysan abuurin Xamaas, laakiin dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka iyo colaadda Falastiin iyo Israa'iil ayaa ah sababta ugu weyn ee abuuritaanka Xamaas.
Waxaa laga yaabaa in wax laga wadahadlo in Israa’iil ay indhaha ka qarsatay dhaq-dhaqaaqa intii ay dhidibada u taagneyd, mise waxaa dhici karta in Israa’iil ay isku daydo in ay Xamaas u adeegsato danaheeda inta ay sii kordhayaan oo ay xoog ku yeelanayaan Falastiiniyiinta. | b0c267cf-efda-4809-bce6-57128f0beb1c | 993 |
Maxaa lagu heystaa fannaanka caanka ah ee Diddy oo gurigiisa laga helay caagag badan oo saliidda carruurta ah?
Fannaanka caanka ku ah heesaha Hip-hop ee Sean "Diddy" Combs ayaa haatan ku jira xabsi heer federaal dalkaasi Mareykanka waxaana loo heystaa eedeymo la xiriira wax is dama marin iyo xad-gudubyo galmo.
Xiriddiisa toddobaadkii lasoo dhaafay ee magaalada New York ayaa imaaneysa iyadoo dacwado dhowr ah laga gudbiyay oo ku saabsan tacaddi galmo iyo kuwo jir ahaaneed, qaarkood ayaa loo heystaa inuu galay sanadihii 1990meeyadii.
Dacwoodaha 11aad ahna qofkii ugu dambeeyay, Thalia Graves, ayaa sheegtay in Combs iyo ilaaladiisa ay dhulka ku jiideen ayna kufsadeen sanadkii 2001, ayna duubeen dhacdada.
Fannaanka ayaa beeniyay eedeymahaas.
Muxuu ku saabsan yahay kiiskiisa dembi?
Combs, oo 54 jir ah, ayaa Isniintii 16 September lagu xiray hoteel ku yaalla New York isagoo loo heysto eedeymo ah ka been sheegid ganacsi, tacaddi galmo oo xoog ah iyo ka ganacsiga jirka.
Dacwad-oogayaasha heer federaal ee Mareykanka ayaa ku eedeeyay inuu "sameeyay ganacsi dembi ah" halkaasoo uu "tacaddi ugu geystay, ugu hanjabay, haween iyo qaar kale oo u dhowna uu ku qasbay inay u fuliyaan damaciisa galmo, dhowraan sumcaddiisa, ayna qariyaan dhaqankiisa".
Waxay sheegeen in Combs uu isticmaali jiray daroogo, sameynayay rabshado uuna adeegsaday magaciisa inuu "ku dhagro haweenka dhibbaneyaasha ah" inay sameeyaan falal galmo oo anshax-darro ah.
Waxay sidoo kale sheegeen inay guryaha Combs ee ku yaalla Miami iyo Los Angeles bishii March ka heleen qoryo, rasaas iyo in ka badan 1,000 caag oo saliido ah.
Dacwad-oogayaasha ayaa la sheegay inay xiriir la sameeyeen dhowr marqaati oo isaga lasoo shaqeeyay iyo qaar ka mid ah dadka haatan dacweeyay, waxaana laga yaabaa inay jiri karaan eedeymo dheeraad ah.
Fannaankan ayaa beeniyay eedeymaha loo heysto, qareenkiisa ayaana weriyeyaasha u sheegay inuu yahay dagaal-yahan aan ka baqeynin eedeymaha.
Combs ayaa haatan lagu hayaan xabsiga Metropolitan Detention Center oo ku yaalla Brooklyn, oo ah xabsi heer federaal oo lagu eedeeyay rabshad iyo inay ka jirto daryeel-xumo dhanka maxaabiista ah.
Xabsigan wuxuu leeyahay qeyb ammaankeeda aad loo adkeeyay oo loogu talo-galay maxaabiista gaarka ah, warbaahinta Mareykanka ayaana sheegay in Diddy uu qolka la wadaagayo ninka loo heysto wax is daba marin lacagta cryptocurrency-ga ah ee Sam Bankman-Fried.
Kooxdiisa sharciga ayaa doonaya in damaanad lagu sii daayo sababo la xiriira xaaladaha aan wanaagsaneyn ee xabsiga, balse dacwad-oogayaasha ayaa ku doodaya in laga yaabo inuu dalka ka baxsado, iyo in Combs labo jeer loo diiday in damaanad lagu sii daayo.
Haddii lagu helo dembiga, wuxuu wajihi karaa xabsi 15 sano ilaa xabsi daa'in.
Saaxiibta Combs ee mar ay kala maqnaan jireen marna isku soo laaban jireen ee, Cassie Ventura, ayaa markii ugu horreysay soo qarxisay ninkan sheegtay inuu yahay "wiilka xun noloshiisoo dhan".
Dacwad ay bishii November gudbisay, gabadhan iyadana fannaanka ah dharkana xayeysiisa waxay ku sheegtay inuu in ka badan 10 sano ku hayay tacaddiyo, rabshad iyo tacaddi galmo.
Combs ayaa mar walba beenin jiray eedeymaha. Maalin kadib markii eedeymaha la geeyay maxkamadda, ayay labadoodu sheegeen inay ka heshiiyeen wixii dhacay.
Balse bishii May, telefishinka CNN ayaa helay muuqaal ay kaarimada qarsoon duubtay oo muujinaya fannaanka oo tacaddi jireed u geysanaya Ms Ventura sanadkii 2016.
Combs ayaa ugu dambeyn qirtay dhacdadaas kadib muuqaal uu soo dhigay bartiisa Instagram labo maalmood kadib, isagoo sheegay inuu "aad uga xumaaday" wixii uu sameeyay. | fe6bd626-c81a-496e-9acd-eef349d171f9 | 545 |
Diinlaawaha qoray buugga 'Aayadaha Sheydaanka' oo ka hadlay weerarkii isha looga riday
Salman Rushdie, oo ah qoraa caan ah, ayaa dhawaan ka hadlay xaaladiisa caafimaad ka dib markii la tooriyeeyay iyo dacwadda weli ku socota ninkii weerarka geystay. Waxa uu sheegay in uu jir ahaan “ fiicanyahay”, inkasta oo uu wali kasoo bogsanayo dhaawicii isha tirtay.
Qoraagan reer Hindiya ee heysta dhalashada Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa bishii Agoosto ee sanadkii hore lagu weeraray bandhig ka dhacayay New York, isaga oo masraxa lagu tooriyeeyay ilaa 10 jeer. Waxaa weeraray qof Muslim ah oo ka carreysan buug uu horey u qoray Salmaan Rushdi oo Qur'aanka ku tilmaamay Aayadaha Sheydaanka. Buugaas ayaa ka xanaajiyay muslimiinta dunida oo dhigay dibadbaxyo waa weyn oo magaalooyin badan gilgilay.
Salmaan Rushdi oo ah Muslim hore oo diinta ka baxay ayaa la dhigay New York ku yaal oo uu maalmo ku jiray, isaga oo ay ku xiran yihiin aalada caawiyaha hawo-mareenka. Weerarka toorey ee lagu qaaday ayaa sababay dhaawac kasoo gaaray beerka, oo hal il oo aragga ahna ka lumay, isaga oo gacan naafo ka noqday kadib markii waxyeelo soo gaareen neerfaha gacanta.
Qoraaga abaalmarinta badan ku guuleystay ayaa yiri "jirka bini'aadamka wuxuu leeyahay awood la yaab leh oo uu ku bogsado. Sidaas darteed waxaan nasiib u yeeshay inaan fiicnaado".
Buugga uu qoray Salman Rushdie
Qoraaga ayaa hanjabaad dil ah ka helay Iran sannadihii 1980-aadkii ka dib markii la daabacay buuggiisa Aayadaha Shaydaanka. Hogaamiyihii Iran ee wakhtigaas Ayatullah Ruhollah Khomeini ayaa soo saaray fatwo - ama wareegto diini ah - oo ku baaqeysa in la dilo Salmaan wuxuuna madaxiisa dul dhigay lacag dhan $3m (£2.5m). Sidaa darteed, Salmaan ayaa waxaa uu ku qasbanaaday inuu dhuumaaleysto wixii markaas ka dambeeyay, wuxuuna u baahday ilaalo hubeysan sababo la xiriira tirada hanjabaadaha dilka ah ee soo gaarayay.
Rushdie wuxuu faafiyay aragti ku aaddan diinta iyo siyaasadeynteeda, isaga oo buugiisa Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la kala saaro caqiidada shakhsi ahaaneed iyo ku takri-falkeeda qorshayaasha siyaasadeed. Buugga aayadaha Shaydaanka ee loogu gefay Nebi Muxamed iyo tixraaceeda diinta sida ay qabaan muslimiintu waxaana laga mamnuucay dalal badan oo Muslimiin ah, oo ay ku jirto Iran.
Ninka loo haysto in uu weerary Rushdie
Ninka lagu eedeeyay in uu tooreeyay Rushdie oo lagu magacaabo Hadi Matar, ayaa lagu soo oogay dacwad isku day dil. Waxuu na uu qirtay in aanu wax danbi ah gelin, hada waxaa lagu hayaa xabsi Mareykanka ku yaal. Salmaan ayaa muujiyay dareeno kala duwan oo ku saabsan hadii uu ka qeybgalaya maxkamadeynta ninkan iyo in kale, taas oo ku xiran haddii eedaysanuhu beddelo qirashadiisa dembiga.
Rushdie ayaa daaha ka qaaday inuu hadda qorayo buug ku saabsan dhacdadii mindida lagu weeraray si ay uga caawiso inuu la qabsado wixii dhacay. Wuxuu qiray inay tahay hawl adag, balse ay muhiim tahay in uu horay sii wato xirfaddiisa qoraalka. Waxa uu BBC-da u sheegay in Mareykanka uu ka shaqeeyo ammaanka waqtiyo gaar ah iyo in UK ay weli sugto amaanka "sida waayihii wanaagsanaa".
Waa kumaa Salman Rushdie?
Salmaan waxa uu sheegay in dunidu si weyn isu beddeshay tan iyo markii la daabacay buugiisa “Aayadaha Shaydaanka’’ 1988-kii. "Waa inaad kala saartaa caqiidada gaarka ah ee dadka, taas oo aysan wax na galay aysan jirin, runtii, iyo siyaasadaynta diin kasta ... Ameerika hadda, waxaa jira nooc diinta masiixiga ah oo xaqjir ah, kaas oo mas'uul ka ah qayb aad u weyn oo ka soo horjeeda Roe iyo Wade, doodda ilmo soo rididda.’’
"Anigu ma ihi qof diin leh, weligay maan ahayn, oo waxaan ka imid qoys aan diinta si gaar ah u adkeyn wax culeys ahna majirin...Ma ahan wax ay naftayda u baahantahay laakiin haddii ay jiraan dad u baahan, taasi waa wax iyaga khuseeya, ilaa ay noqoto mid la siyaasadeeyo,’’ ayuu yiri.
Salman Rushdie waxa uu ku dhashay Bombay oo hadda loo yaqaan Mumbai - laba bilood ka hor xornimada Hindiya ee ay ka qaadatay Ingiriiska. Markii uu jiray 14, waxaa loo diray England halkaas wax barashao u aaday, ka dib wuxuu shahaado sharaf taariikhda ah ku qaatay kulliyadda caanka ah ee Cambridge.
Waxa uu qaatay dhalasho Ingiriis ah, waxa uu na ka baxay Muslimnimada. Waxa uu si kooban u ahaa jilaa ka dibna waxaa uu noqday qoraa buugaagta. Salmaan oo oo 76 jir ah ayaa shan jeer guursaday, wuxuuna ubadkiisa labaad ugu magacdaray qoraaga u dhashay dalka Czech. | d64ad706-9e99-4bf9-9df9-bc6bbf003d1a | 717 |
Aaden Ducaale oo ka hadlay bar-tilmaameedsiga Soomaalida Kenya
Wasiirka gaashaandhigga ee magacaaban ee waddanka Kenya, Aaden Barre Ducaale, ayaa mar kale soo jiitay indhaha warbaahinta iyo dadka ku wada-xiriira baraha bulshada, ka dib markii uu guddiga baarlamaanka ee xaqiijiya dadka xilalka loo soo magacaabay ka hor sheegay sida uu ula yaabban yahay bar-tilmaameedsiga lagu hayo bulshada Soomaalida ah ee dalkaas.
Xildhibaanka magaalada Gaarisa ayaa ku taliyay in Soomaalida oo uu sheegay in si gaar ah loo eegto ay tahay in meesha laga saaro oo loola dhaqmo sida bulshooyinka kale ee Kenya.
“Waxaa jira aragtiyo laga qabo Soomaalida dalkan. Dowladdan waxa ay bulshooyinka oo dhan ka dhigi doontaa kuwo siman, waxayna meesha ka saari doontaa in si goonni ah loo bar-tilmaameedsado Soomaalida Kenya,” ayuu yiri Aaden Barre Ducaale.
Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in bulshada Soomaalida ay dunida oo dhan joogaan oo weliba qaar xilal ka hayaan dalal kala duwan, isagoo ku adkaystay in markii laga soo tago asalka halka ay Soomaalida ka soo jeedaan, haddana ay yihiin dad daacad u ah dalka ay muwaadinnimadiisa haystaan.
“Soomaalida ma deggena oo kaliya, Jabuuti iyo Soomaaliya, balse meel walba ayay joogaan. Soomaalida Kongareeska Mareykanka ayay dad ku leeyihiin. Sidoo kale waxaa jira wasiir ka tirsan dowladda Canada,” ayuu yiri Aaden Ducaale.
"Soomaalidu waxa ay daacad u yihiin dalalka ay muwaadiniinta u yihiin. Marka waxaad iila dhaqantaa inaan ahay Soomaali Kenyan sida aad ula dhaqantid bulshooyinka kale," ayuu carrabka ku adkeeyay.
Dhacdooyin hore oo ku saabsan Aaden Ducaale
Horraantii bishii Oktoobar ee sanadkii 2019, ayuu xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo markaas ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka Kenya gaashaanka u daruuray sheegashada ah inuu haysto labo dhalasho, midda Kenya iyo tan Soomaaliya.
Arrintaas ayaa soo baxday kaddib markii golaha anshaxa iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ay billaabeen baaritaan ku aaddan eedo ah in dhowr sarkaal ay haystaan labo dhalasho.
Hase yeeshee, Aaden Barre Ducaale ayaa sheegay in “ay iska caddahay oo bulshada ay ogtahay inaan ku faano inaan ahay muwaadin Kenyan ah. Ma haysto labo dhalasho, weligayna dal kale dhalasho kama qaadan, abidna ma samaynayo,” ayuu yiri.
Wasiirka gaashaandhigga ee magacaaban ee Kenya ayaa inta badan ka hadli jiray arrimaha sida tooska ah u taabanaya bulshada Soomaalida ah ee Kenya, isagoo dhowr jeer oo hore dhaleeceeyay falal uu sheegay in lagu bar-tilmaameedsado Soomaalida dalka.
Sanadkii 2018 ayay aheyd markii uu gaashaanka u daruuray warar sheegayay in inta badan Soomaalida ay ku jiraan ganacsiyo sharci-darro ah, markaas oo uu ku dooday in diinta Islaamka aanay oggoleyn in dhaqaale laga sameeyo waxyaabaha sharci-darrada ah.
“Sida dadka kale, Soomaalida Kenya waxa ay xor u yihiin inay gudaha dalka ka sameystaan ganacsiga ay doonayaan, marka waa in aanan si gaar ah loo bar-tilmaameedsan,” ayuu yiri.
“Soomaalida Kenya waxa ay guusha uga gaareen ganacsiga ayaa ah in ay howlkar yihiin. Waxaa qasab ah in la joojiyo, bulshadeenna lagu bar-tilmaameedsanayo borobogaandada baahsan,” ayuu ku sii daray. | 758f151c-8411-49ac-a899-3bd471c966dc | 475 |
Akshay Kumar: Jilaa nolosha ka soo bilaabay adeege makhaayadeed kana gaaray heerka ugu sarreeya jilidda filimada
Akshay Kumar wuxuu ahaa weligii qof ka run sheega noloshiisa sida hoose ku soo bilaabatay. Wuxuu ka soo bilaabay adeege (kabalyeeri) makhaayadeed oo aan heli jirin lacagta ay dadku siiyaan adeegayaasha (tip), wuxuu soo maray macallin dadka bara sida la isku difaaco, ilaa uu ka gaaray heerka jilayaasha Bollywood ugu magaca dheer ay ka gaareen dhanka jilidda aflaamta.
Laakin ma uusan illoobin halkii hoose ee uu nolosha ka soo billaabay iyo halgankii uu soo maray.
Wuxuu iskuulka isaga haray markii uu bilaabay dugsiga sare. Aabihii ayuu weydiistay inu doonayo inuu barto sida la isku difaaco (martial arts). Hore ayuu iskuulka ugu soo bartay dagaalka Karate iyo feer-haraati (taekwondo) oo uu ka gaaray ilaa iyo heer uu ka qaato suunka madow.
Aabihii ayaa uruuriyey lacag uu markii dambe ugu dhoofiyey Thailand si uu u soo barto sida la isku difaaco. Shan sano ayuu dalkaas ku noolaa isagoo bartay Feerka Thai-ga. Isla xilligaas ayuu noqday cunto kariye iyo adeege Kabalyeeri makhaayad ka shaqeeya.
Shaqooyinkii ugu horreeyey ee uu qabto waxaa ka mid ahaa inuu nalka u qaadi jiray nin sawirqaade ah. Marki dambe wuxuu noqday sawir qaade, waxaana dadkii uu sawirrada ka qaaday ka mid ah Govinda oo ah jilaa weyn.
“Waxaan sawirro ka qaaday jilayaal badan. Waxaan sawiray Govinda, ilaa iyo maanta markii uu arko wuu i soo eegaa, wuxuuna yiraahdaa ‘beta tu hero kyun nahi ban jaataa, hero lagta hai tu’ (wiilkaygiiyow, maxaad u noqon weyday geesi, geesi ayaad u eg tahay), anna waxaan hoosta ‘iska dhihi jiray kyun mazaak kar rahe ho’ (maxaad u kaftamaysaa)” ayuu yiri Akshay.
Markii dambe isaga iyo Govinda waxay isugu yimaadeen jilidda aflaamta, waxayna isla jileen filimka Bhagam bhag ee soo baxay 2006.
Sannadkii 2007 ayaa ahaa markii ugu horreysay ee uu guusha weyn ka gaaray xagga aflaamta. Wuxuu wax ka jilay filim uu jilaaga 1aad ka ahaa Rishi Kapoor oo la oran jiray Namastey London, waxaana kaalintii uu filimkaas ku lahaa ay u suurto gelisay in loo magacaabo abaal marinta Filmfare.
Wuxuu aad ugu caan baxay ficillada aadka u khatarta badan ee ku jira aflaamta u jilayo
Aflaamta kaliya kuma koobna ee wuxuu dadka baraa sida la isu difaaco. Gaar ahaan dumarka si bilaash ah ayuu ku baraa difaaca, wuxuuna magaalada Mumbai ku tababaray ilaa 4000 oo gabdhood.
2004 wuxuu soo bandhigay taxane TVga laga sii daayey oo la yiraahdo seven deadly arts with Akshay Kumar. Taxanahaas waxaa ku jiray todoba nooc oo ah dagaallada la isku difaac sida Shaolin Kung fu, Karate, taekwondo, aikido, Muay Thai, kalarippayattu iyo capoeira.
Wuxuu aad u dhiirri galiyaa in dadku jimicsi sameeyaan isagoo jecel dabaasha iyo ciyaarta kubadda kolayga, wuxuuna aad ugu adag yahay inuu helo nasiino ku filan oo ah inuu 8 saacadood oo hurdo ah helo maalin kasta. Aroor kastana wuxuu isku dayaa inuu wakhti u helo orod ruclayn ah iyo Yoga.
2001 ayuu guursaday Twinkle Khanna oo uu dhalay Rajesh Khanna oo caan ku ah jilidda aflaamta Hindiya, waana aabbe dhalay wiil iyo gabar.
Akshay Kumar Wuxuu aad u taageeraa hay’adaha aan dawliga ahayn iyo mashaariicda lagu taageerayo dadka taagta daran oo boqolaal kun oo doollar uu ku bixiyey. | 962d5f1f-8eb8-4af6-a87a-b96732250395 | 532 |
Kumuu ahaa Janaraal Moorgan oo Nairobi ku geeriyooday?
Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ayaa goor- dhaweyd ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la sheegay inuu ku xanuunsanaa muddooyinkii dambe, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.
Wuxuu janaraalku taariikh dheer ku lahaa Ciidanka Xoogga Soomaaliya. Wuxuu la taliye amni haddeer u ahaa Puntland oo uu qayb weyn ka ahaa dagaalka lagula jiro Daacish, sida uu wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Janaraal Moorgan ayaa mar uu labo sano kahor wareysi siiyay warbaahinta wuxuu ku sheegay inuu dhashay sanadkii 1949, waxbarashada dugsiga hoose iyo dhexe ayuu kusoo qaatay iskuulkii Xaaji Mire ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Wuxuu wareysiga ku sheegay in kadib aabbihiis uu u diray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku dhammeystay waxbarashada isagoo dhigtay dugsigii la oran jiray "Allaahida".
Janaraalka ayaa kadib ku biiray ciidamada milatariga. Sanadkii 1967 wuxuu ka mid noqday saraakiil ay Soomaaliya tababar ciidannimo ugu dirtay dalka Ruushka, wuxuuna dalka ku laabtay sanadkii 1970-kii.
Shaqadii ugu horreysay ayuu ka bilaabay madaxtooyadii xilligaas, isagoo ka mid ahaa ciidamada ilaalada madaxweynaha, wuxuuna ciidankaas ka tirsanaa muddo toddoba sano ah.
Sidoo kale wuxuu tababarro kusoo qaatay dalka Mareykanka. Kadib wuxuu xilal sare kasoo qabtay dowladdii xilligaas ee Maxamed Siyaad Barre, sida isagoo noqday wasiirka gaashaandhigga iyo kan howlaha guud.
Janaraal Moorgan, wuxuu ahaa wasiirkii ugu dambeeyey ee gaashaandhigga, kahor inta aan dowladdii xilligaas xukunka laga tuurin sanadkii 1991.
Maxamed Xaaji Ingiriis oo cilmiga taariikhda ka bartay Jaamacadda Oxford, isla markaana haatan cilmi baare ka ah Akadeemiyadda Hoggaaminta Afrika ee Jaamacadda King's College London ayaa BBC-da u sheegay in Janaraal Moorgan uu xilal muhiim ah kasoo qabtay Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in janaraalka uu horaantii 1970-meeyadii uu guursaday gabar uu dhalay madaxweynihii xilligaas Maxamed Siyaad Barre, "halkaas ayayna dallacaaddiisa degdegga ah kasoo bilaabatay," ayuu yiri.
Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa intaa ku daray in janaraalku uu u badnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Cummaan iyo muddooyinkii ugu dambeeyay oo uu ku noolaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
"Waxaa janaraalka lagu xusuusan doonaa wixii ka dhacay gobollada Waqooyi." Ayuu yiri.
Moorgan ayaa soo ahaa taliyihii qeybta 26-aad ee halka markaas loo yaqaannay gobollada Waqooyi, haatanna ah Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland.
Wuxuu ka mid ahaa janaraalku saraakiishii militeriga Soomaaliya ee ay dad badani ku eedeeyaan inay berigaas halkaas ka geysteen xad-gudubyo xagga xuquuqda aadanaha ah oo la sheegay inay ka dhaceen.
Sidoo kale janaraalka ayaa qeyb ka ahaa hardan ka socday magaalada Kismaayo, iyadoo sanadkii 2004 uu Guddiga Fududeynta Shirka Soomaalida ee IGAD ee ka dhacayay Kenya, laguna heshiisiinayay Soomaalida ay cunaqabateyn kusoo rogeen isaga, sababo la xiriira ficillo ay sheegeen inuu ku lug lahaa.
Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa magaalada Garowe, halkaas oo uu la taliye amni uga ahaa maamulka Puntland.
Kaalintii Jeneral Morgan ee xadgudubyadii ka dhacay Hargeysa
Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi oo loo yaqaano Morgan waxay hay'adaha xuquuqda aadanaha u dooda ilaa hadda ugu yeeraan "qalaagii Hargeysa" ama "kawaanlihii Hargeysa". Waxay ku eedeyn jireen inuu ka dambeeyey kiisas ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo dabayaaqada sideetameeyadii ka dhacay magaalada Hargeysa.
Hay'adda Amnesty international ayaa warbixin ay kaga hadlaysay tacaddiyo ka dhacay waqooyi galbeed Soomaaliya (Jamhuuriyadda gooni isu taagga ku dhawaaqday ee Somaliland) ku sheegtay in xukuumaddii kacaanku ay mas'uul ka ahayd "xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan wax ku dhow xasuuq ay ciidanku ka gaysteen waqooyi galbeed, ayadoo taana ay keentay in Hargaysa la bam gareeyo 1998; Jirdil abaabulan oo loo gaystay maxaabiistii siyaasadda u xirnaa oo nabadsugiddu ay gaysatay, xarig bilaa maxkamad ah, iyo xabsi dheer oo loo gaystay maxaabiista loo xiro waxa ay aaminsan yihiin".
Morgan wuxuu xilligaas ahaa taliyaha qaybta 26aad ee gobolladii waqooyiga Soomaaliya, waana xilligii ay ciidanku ku lug yeesheen gaboodfallo dhashay markii ay jabhadda SNM ka hor timid dawladdii Siyaad barre.
Mike Thomson oo BBC ka tirsanaan jiray ayaa 2002 jeneraal Morgan kala sheekeystay tilmaanta loo nisbeeyey wuxuuna u sheegay in kaliya uu weligii wax dilay isagoo naftiisa difaacaya oo qura. "Xaqiiqdii waxaan ahay hadda nabad ooge, marka loo eego waxa la iigu yeero ee ah dagaal ooge" ayuu yiri.
Waraysi uu hore u siiyay BBC waxa uu ku sheegay in masuuliyadda wixii ka dhacay gobolada Waqooyi ay leeyihiin dowladda Itoobiya iyo madaxda SNM, isaga oo sheegay in Itoobiya ay soo hubeysay oo ay jabhadaas u soo dirtay inay weeraraan Burco iyo Hargeysa. Waxa uu sheegay in ciidamada waajib ka saarnaa difaaca dalkooda, oo ay tahay in aan laga filan inay gacmaha taagaan oo ay is-dhiibaan.
Wax-ka-beddel: Warbixintan waxaa lagu sameeyay wax ka bedel, iyada oo lagu soo kordhiyay xog la xiriirta duqeymihii Hargeysa iyo kaalinta uu ku lahaa Jeneraal Morgan, iyo weliba wixii uu isagu ka yiri eedeymahaas. | 52867db7-cd63-47a1-adfa-0f7eca31f567 | 786 |
Waa kuma wiilka uu dhalay mid ka mid ah aasaasayaasha Xamaas ee jaajuuska u ah Israa'iil
Wiil uu dhalay Sheekh Xasan Yuusuf oo ka mid ahaa aasaasayaashii Xamaas, kaasoo ka soo goostay kooxda, si basaasnimo ahna ugu shaqaynayey sirdoonka Israel ayaa uga digay ameerikaanka iyo sunida inteeda kale sida aabihii iyo ciidankiisu ay u doonayaan inay uga guulaystaan dadka reer Israa’iil, ayna shareecada ugu soorogaan dunida.
Muscab Xasan Yuusuf oo lo yaqaanno ‘amiirki cagaarnaa’ ayaa u jaajuusayey Israa’iil intii u dhaxaysay 1997 ilaa 2000, xogta uu bixiyeyna waxay noqotay mid ka hortagta is qarxin iyo weerarro kale.
Waraysiyo is xigxigay oo warbaahinta Maraykanku ay la yeesheen ayuu kaga digay in aabihii iyo Xamaas aan marnaba la qancin karin haddii lasiiyo dhulka Falastiin oo kaliya, ayna u dagaallamayaan dagaal dimeed oo iyaga xaggooda aan dhamaad lahayn.
“Waa dhaqdhaqaaq diimeed, waana waxa uu qof kasta ka cabsanayo inuu yiraahdo. Xamaas haddii ay ahaan lahayd daqdhaqaaq siyaasadeed, waan qancin lahayn hankooda siyaasaded,laakinse Xamaas waa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aan rumaysnayn xudduud siyaasadeed. Waxay doonayaan in ay dhisaan dawlad islaami ah oo ay ka dhisaan burburka dawladda Israa’iil.
Wuxuu intaa ku daray “Waxay doonayaan inay burburiyaan dawladda iyo dadka Israa’iil. Waxay doonayaan inay dilaan qof kasta oo taageera Israa’iil, ka dibna ay abuuraan dawlad islaami ah”.
Telefishanka CNN wuxuu u sheegay "Tani ma aha dhamaadka, waayo hankoodu waa inay dunida oo dhan wada gaaraan. Waxay doonayaan inay aakhiritaanka dhisaan dawlad islaami ah”.
Wuxuu intaa ku daray inay dagaal ku qaadaan Israa’iil dhowrkii sanaba mar “marka ay lacag doonayaan”.
“Dagaalkan Israa’iil ma aysan bilaabin. Xamaas ayaa billowday, waa dhiig lacag lagu raadinayo“ ayuu yiri. “Waa in aan banaanka soo dhignaa waxa ay yihiin. “Ma aha dhaqdhaqaaq qaran“ ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Muscab oo difaacaya jaajuusnimadiisa wuxuu intaa ku daray in loo baahan yahay in la aado “maska madaxiisa“ oo yaalla buu yiri Dooxa, Beyrut iyo meel kasta oo ay joogaan "madaxa halaga jaro dabadu ha dhimatee“ ayuu yiri.
Aabaha dhalay ninkaas wuxu ka mid ahaa 60 hogaamiye oo tdobaadkii hore la soo xiray ka dib markii weerar lagu qaaday daanta galbeed.
Muscab Xasan Yuusuf wuxuu ku dhashay 5tii Maajo ee sannadkii 1978-kii Ramallah oo 10 KM u jirta Quddus. Hay’adda sirdoonka gudaha Israa’iil ee Shin Bet waxay u aragtaa isha ugu qiimaha badan. Waxaa la aaminsan yahay in dhowr goor oo la xiray ka dib ay is fahmeen isaga iyo sirdoonka Israa’iil.
Wuxuu gacan ka gaystay in laga hortago tiro weerarro dilal ah, isagoo sidoo kalena kashifay unugyo xamaas ka tirsan. Wuxuu kaloo Israa’iil ka caawiyey inay ugaarsadaan mintidiinta oo xitaa ay soo xiraan aabihii, Sheekh Xasan Yuusuf
1999 ayuu ka baxay diinta islaamka isagoo qaatay diinta masiixiga. Wuxuu ka soo tagey daanta galbeed sannadkii 2007, wuxuuna u soo guuray Maraykanka. Magaalada San Diego ayuu muddo ku noolaa.
Aabbaha dhalay ninkaas oo ka mid ah raggii wax ka aaaasay ururka Xamaas wuxuu ka mid yahay dadka aad u fog marka laga hadlayo qaddiyadda Falastiin. Sheekh Xasan Yuusuf oo ila qabashiida ahaa maas’uuliyiinta Xamaas ee daanta Galbeed wuxuu ka mid ahaa dadaka aaminsan inaan Israa’iil wax wadahadal ah lala yeelan.
Waxaa kaloo loo arkaa inuu ka mid yahay "hogaamiyeyaasha ruuxiga ah ee Xamaas“.
Shiikhu wuxuu dayriyey wiilkiisa Muscab wuxuuna u arkay inuu dhabarka ka jabiyey qaddiyadda Falastiin, laakinse dad badan oo Maraykan iyo Israa’iiliyiin ah waxay u arkaan Muscab inuu geesi yahay. | ea15c739-6c00-435c-912c-f586c745866e | 556 |
Maxaa ku dhacay cayaartoyda Nigeria ee Libya uga qeyb-geli lahaa koobka Afcon?
Kooxda Qaranka Nigeria (Super Eagles) ayaa dib ugu laabtay dalkooda kadib 16 saacadood oo xaalad adag ay la kulmeen, taasoo keentay in kooxdu ay ku xannibmaan garoon ku yaalla Libya muddo saacado ah kahor inta uusan furmin tartan muhiim ah oo ka tirsan Koobka Qaramada Afrika.
Kooxda Super Eagles ayaa lagu waday in Axaddii ay tagaan magaalada Benghazi balse diyaaraddooda ayaa loo weeciyay Al Abraq, oo ilaa 230km (143 meyl) ka fog halkii ay u socdeen.
Sarkaal ka tirsan Naadiga Kubadda Cagta Nigeria (NFF) ayaa BBC Sport Africa u sheegay inay la kulmeen xaalad adag iyagoo lagu xiray gudaha dhismaha garoonka kadib markii ay qorsheysteen inay baxaan.
Kabtan William Troost-Ekong ayaa sheegay in kooxda ay go’aansatay inaysan tartanka ka qeybgelin wuxuuna dowladda dalkiisa ugu baaqay "inay soo farageliso oo ay badbaadiso".
Wasiirka horumarinta cayaaraha Nigeria sanatar John Owan Enoh ayaa sheegay in walaacooda ugu weyn uu ahaa in kooxdu ay nabad kusoo laabato.
Naadiga Kubadda Cagta Libya (LFF) ayaa sheegay inay "aad uga walaaceen" wararka sheegaya xaaladda ay la kulmeen cayaartoyda Nigeria balse waxay beeniyay warka ah in la khiyaamay.
"Waxaan u heynaa xushmadda ugu sarreysa dhiggeenna Nigeria waxaana dooneynaa inaan u xaqiijinno in weecinta duullimaadkooda uusan ahayn ku talo-gal," ayuu yiri naadiga.
Xiriirka kubadda cagta Afrika (Caf) ayaa xiriir la sameeyay wakiillada Libya iyo Nigeria kadib markii kooxda Super Eagles ay ku xannibmeen garoonka iyagoo xaalad adag wajahay.
War uu soo saaray Caf ayaa intaa ku daray in xaaladda loo gudbiyay guddiga anshaxa si baaritaan loogu sameeyo tallaabana looga qaado.
Habeen aan la mahdin oo lagu qaatay 'xabsi' gudaha garoonka
Madaxa warbaahinta NFF Promise Efoghe ayaa sheegay in wax sabab ah aan lagu sheegin go’aanka diyaaraddooda loogu weeciyay Al Abraq.
"Ma jiro qof ka socday FA-ga Libya oo sabab ka bixiyay amaba caddeyn keenay," ayuu yiri.
"Libyaanka wax dadaal ah kuma bixin inay gacan ka geystaan. Markii NFF ay isku dayday inay qorshe kale sameyso, waxaa nalagu xiray gudaha garoonka.
"Waa sida inaan ku jirno xabsi ku dhex yaalla garoonka."
Weerar-yahanka Nigeria Victor Boniface ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in kooxda aan la siin cunto, wi-fi ama meel ay seexdaan, isla markaana akoonka Super Eagles ee X lasoo dhigay sawirrada cayaartoyda oo isku kala bixiyay kuraasta garoonka.
Naadiga LFF ayaa dhankooda sheegay in xaaladaha noocan ah dhici karaan sababo la xiriira dhanka baratakoolka hawada, baaritaan ammaan amaba caqabado dhanka farsamada ah, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in is afgaranwaaga "lagu xallin karo is afgarad iyo niyad-wanaag".
Libya oo beenisay inay khiyaano meesha ku jirtay
Arrintan ayaa daba socota cabashada Libya ee la sheegay in si aan habbooneyn loola dhaqmay markii ay dhowaan booqdeen Nigeria.
Saraakiisha Libya ayaa sheegay in cayaartoyda dib loogu celiyay Port Harcourt isla markaana waxay ku eedeeyeen dhiggooda Nigeria inaysan siin bas ay ku tagaan magaalada Uyo oo ku qaadaneysay safar 130km ah, taasoo keentay inay saacado xannibmaan.
Arrintaas ayaa waxaa beeniyay NFF.
Troost-Ekong ayaa sida loola dhaqmay cayaartoyda Nigeria ku tilmaamay "cayaar maskaxeed".
Safarka Al Abraq ilaa Benghazi ayaa qaadan lahaa in ka badan saddex iyo bar saacadood marka waddada lagu safro, balse Troost-Ekong ayaa sheegay in cayaartoydu aysan dooneyn inay safar noocaas ah galaan sababo xaaladda ammaanka ee Libya ah.
Dalkaas ayaa u kala qeysan labo maamul - mid xukuma gobolka bari, oo Benghazi ay ka mid tahay, iyo kan kale oo xukuma galbeedka oo ay ku jirto caasimadda Tripoli. Labada dowladood ayaa midba sheegta inay yihiin maamulka saxda ah. | fca529d4-1d69-4399-ad45-6c5df10543bc | 581 |
Saamiya: Sheekada orodyahannaddii Soomaaliyeed ee riyadeedii ay geeridu soo afjartay
Ku dhawaad labo iyo toban sano ka hor ayay ahayd markii uu baahay warkii naxdinta lahaa ee ku aaddanaa in mid ka mid ah orodyahannadii Olombikada Soomaaliya ay badda ku dhimatay iyada oo tahriibe ah.
Saamiya Yuusuf Cumar ayaa isku deyeysay in ay ka gudubto dalka Liibiya iyada oo ku sii aaddanayd dalka Talyaaniga bishii April ee Sannadkii 2012 xilligaas oo doontii ay saarnayd ay qallibantay, sida ay baahiyeen warbaahinta Talyaanigu.
Saamiya ayaa dhammaysatay tartanki Olombikada ee Beijing 200 mitir iyada oo aan weligeed helin tababar rasmi ah.
Inkasta oo tartankaas ay ku dhammaysatay kaalinta ugu danbaysa, sidaa oo kalena ay sekenno ka danbaysay tartamayaashii kale xilligas weriyihii BBC ee Rome Alan Johnstone waxa uu ku qeexay in ay ‘wax weyn’ ahayd ka qaybgalkeeda tartankani.
Dadkii ka soo qaybgalay tartankaasina waxa ay u soo dhaweeyeen si ballaadhan iyada oo heshay sacab ka badan kii ay heleen kuwii ku guulaystay kaalimaha hore.
Waxa ay ku soo barbaartay, sidaa oo kalena ku tababaratay magaalada Muqdisho, xilli ay wejahaysay dagaal, gaajo, iyo waayo kale oo adag oo ka mid ahaa in aanay haysan qalabkii tartanka iyo sida oo kale in dumarka loo arkayey in aanay ciyaaraha noocan ah ka qayb geli karin.
Sida lagu sheegay qoraal ay Saamiya ka qortay warbaahinta Al-Jazeera, waxay la kulantay hanjabaad dil iyo caga-juglayn markii ay Soomaaliya ku soo laabatay ciyaarihii Olombikada ee 2008-dii ka dib, iyadoo maleeshiyada Islaamiga ah ee Al-Shabaab ay waagaa ka talinayeen qaybaha ugu badan dalka oo ay qayb caasimadda ka mid ahi ku jirtey.
'Ma illaawi doonno”
Bishii Oktoobar 2010, Orodyahanad Saamiya ayaa la sheegay inay u guurtay Itoobiya iyadoo raadinaysa tababare caawiya si ay ugu sii diyaar garawdo oo ugu sii tababarto Olombikadii London ee 2012.
Intii u dhaxaysay sannadkaas illaa illaa iyo markii laga war helay dhimashadeeda ma cadda sidii tababarkaas iyo nolosheedii kale ay ugu suuragashay.
Sida laga soo xigtay Al-Jazeera, ma jirin wax dammaanad qaad ah oo ku saabsan in la aqbali doono in ay ku tababarto garoonka Addis Ababa – waxayna ku xidhnayd xilligaas waqtigeeda orod iyo ogolaanshaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Itoobiya.
Warar ay baahiyeen warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegay qorshaheedii tahriibeed ee ay u dhimatay inuu ahaa in ay rejaynaysay gaadhitaanka Yurub si ay halkaas uga hesho tababare ka caawin kara in ay gaadho ciyaaraha Olombikada ee London.
Walaasheed Hodan oo ku nool dalka Finland, ayaa barnaamijka Newsday ee BBC-da u sheegtay waagaas in Saamiya ay ka tagtay Addis Ababa oo ay markii hore u safartay Suudaan, ka dibna sii martay Liibiya ka hor intii aanay dhiman.
"Waxa ay soo gaadhay Liibiya 2011 September, xilligaas oo aannaan dhawr bilood wax hadal ah ka maqlin, waxay ku dhex lunsanayd saxaraha Liibiya halkaas oo dhawr jeer lagu xidhay.” ayey Hodan sheegtay.
"Ka dib waxay go'aansatay inay doon ka soo raacdo halkaas, waxaana ku nidhi ha samaynin sidaas, hooyadayna waxay isku dayday inay ka joojiso safarkaas, laakiin Saamiya aad ayay uga go'anayd, waxayna waydiisatay hooyadayo cafis, hooyadayna way oggolaatay, kaddib waxa ay raacday doontii markii danbe ay ku dhimatay.”
Hooda ayaa sheegtay in qoyska ay maqleen geerida qaar ka mid ah dadka ku safrayay isla doonidaas, markii ay sii raadiyeenna ay ka war heleen in inantoodiina ay ka mid tahay dadka ku dhintay.
Warka naxdinta leh ee Samia ayaa soo shaac baxay markii Orodyahankii hore ee Olombikada Soomaaliyeed ee Cabdi Bile uu shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho.
Waxa uu xusay Mo Farah oo ah Orodyahanka Soomaaliyeed ee u guuray Boqortooyada Ingiriiska isagoo 12 jir ah, isla markaana ku guuleystay Olombikada sannadkii 2012, waa bilo ka bacdi markii ay dhimatay.
"Waan ku faraxsanahay Mo, sharaf ayay noo tahay," ayuu yidhi. “Laakiin ma iloobi doono Saamiya”
Hal mar ayaa warbaahinta adduunka ay qabsatay sheekada Saamiya, waxa laga qoray buugaag iyo suurragalnimada in laga jilo aflaam. Waxay noqotay dhacdo naxdin leh oo tusaale u ah safar nololeed oo ay ku raadinaysay rumaynta riyadeedii oo geeri ku danbeeyey. | f94f1846-5a95-49f3-ab73-35615ed9db08 | 655 |
Yuutuuberka adduunka ugu caansan oo gaadhay rikoodh cusub
MrBeast ayaa kala wareegay macaamiisha ugu badan barta T-Series oo ah kanaalka ugu weyn YouTube, kaddib muddo uu ka dhex socday dagaal dhanka macaamiisha ahi.
Bartan ku caanka muusigga Hindida ee T-Series, oo soo gelisa hordhaca aflaamta iyo muuqaallada muusiga, ayaa haystay rikoodhka kanaalka ugu weyn YouTube muddo shan sano ah, ka hor inta aan laga qaadin axaddii.
MrBeast, oo magaciisa dhabta ah yahay Jimmy Donaldson, ayaa hore u ahaa marki shakhsi ama qof tahay qofka ugu badan ee ay raacaan dadku ugu badan barta Youtube.
Laakiin 26-jirkan ayaa hadda taariikh ku sameeyay masraxaas xogta la isku weydaarsado isaga oo u muuqda mid aan ay adag tahay in si fudud lagu gaadhaa, xilli uu haysto 269 milyan oo macaamiil ah, isagoo meesha ka saaray T-Series.
Mr Beast ayaana barta Twitter-kiisa ku soo qoray farriin u dhignayd in “ugu danbayn uu aarsaday”.
Ninkan oo bartaas soo geliyey ku dhawaad 800 oo muuqaal, kuwaas oo ku saabsan booqashada meelo qaali ah, bixinta hadyado qaali ah, iyo sheekada ku saabsan “in la aasay isaga oo nool”.
T-Series ayaa kala wareegtay rikoodhkan yuutuuberka Swediska ah ee loo yaqaan Felix Kjellberg oo bartaas caankaga ah PewDiePie. Ninkan ayaana waagaas soo qaaday hees uu ku sheegay “in shirkad weyn oo heesaha samaysaa ay kala wareegtay rikoodhkiisii”
Waa kuma ninkani?
Jimmy Donaldson, oo aad loogu yaqaan Mr Beast, waa YouTuber muuqaaladiisa ka sameeya waxyaabo badan oo yaab leh.
Qaar ka mid ah fiidiyowyadiisa waa kuwo aad khatar u ah laakiin ugu yaraan 30 milyan oo qof ayaa daawata halkii muuqaalba. Qaarkood xitaa waxay gaareen100 milyan.
Waxaana ka mid ahaa Mr Beast markii uu isku dhex aasay sanduuqa la geliyo godka qabriga muddo 50 saacadood ah waxaana uu khibradaasi u duubay 57 milyan oo taageereyaal ah oo uu ku leeyahay Youtube-ka.
Waxa uu in ka badan laba maalmood ku jiray qabriga. 'Mr Beast' 50 saacadood ayuu isagoo nool ku qaatay sanduuqa ka dib markii nolosha lagu aasay.
Kaamiro ayaa la geliyey gudaha naxashka waxaana 12-daqiiqo oo keliya isku dayga la soo galiyay Youtube-ka.
MrBeast ayaa daawadayaashiisa u sheegay khibradiisa wuxuuna qirtay inuu kaadida isku celinayay. Sidoo kale waxa uu si joogto ah ula xiriirayay asxaabtiisa goobta joogtay.
Waayo-aragnimadu ma ahayn mid sahlan maadaama uu bilaabay inuu dareemo xanuun iyo cabsi maalin ka dib.
"Dhabarka ayaa i xanuunaya, waxaana bilaabay inaan dareemo cabsi xooggan, caajis iyo madax xanuun. Sidoo kale ur ayaan dareemay," Muqaalka MrBeast ayaa sidaas laga maqlay.
Mr Jimmy waxa kale uu leeyahay dhowr kanaal oo ay ku xidhan yihiin tobanaan milyan oo macaamiil ah oo ay ku jiraan mid samafal ah iyo mid lagu soo gudbiyo muuqaallada ciyaaraha.
Ma cadda cadadkaa dhabta ah ee uu kanaaladan kale ka sameeyo, balse Donaldson ayaa waxaa uu caan ku noqday qorshihiisa ganacsi ee ah in uu dib ugu celiyo kanaalkiisa dhaqaalaha kasoo gala, waxaana soo saarista qaar kamid ah muuqaallada uu sameeyo ee uu soo geliyo Youtub-kiisa uu ku bixiyaa lacago malaayiin dollar ah. Waxa uu ku sheegay wareysi lala yeeshay bishii June in uu dib ugu maalgeliyo Kanaalkiisa "dinaar kasta oo aan sameeyo waxaan dib ugu celiya Youtub-ka ". Ayuu yidhi.
Muuqaalka Squid Game In Real Life ayaa ah kan ugu daawashada badan muuqaallada ku jira kanaalkiisa waxaana daawaday 472 milyan oo ruux, waxaana dib u habeeyay shirkadda Netflix, taas oo sababtay in uu ku guuleysto $ 456,000 oo abaalmarin ah.
Marka laga yimaado muuqaallada, Donaldson wuxuu caan ku yahay samafalka, iyo sidoo kale bandhigyada ganacsiga.
Waxa uu leeyahay hay'ad samafal oo shati leh oo u shaqaysa sidii bangi cunto si ay u quudiso bulshooyinka Maraykanka ee saboolka ah, waxaana uu sidoo kale uruuriyay tobanaan milyan oo dollar si wax looga qabto isbadalka cimiladda.
Waxa uu sidoo kale bilaabay noocyo kala duwan oo ah cuntada fudud, ganacsigiisa kale ee cuntada fudud ee Feastables, ayaa uu ku sheegay in si joogto ah looga iibin doono gudaha UK. | c8c3c2f5-c07d-4356-8a9a-1bb966a04775 | 646 |
War hor leh oo ka soo kordhay burcad-badeedda Soomaalida ee afduubatay markabkii Bangladesh
Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Bangladesh, burcad-badeedda Soomaalida ee afduubtay markabka dalkaas laga leeyahay ee MV Abdullah ayna saarnaayeen 23 shaqaale ah ayaa maanta xiriir la soo sameeyay milkiilayaasha markabka kadib muddo sagaal maalmood ah.
Mizanul Islam, oo ah la taliyaha warbaahinta ee Kooxda KSRM, ayaa yiri: "Burcad-badeedda ayaa duhurnimadan nala soo xiriiray balse waxba ma aysan dalban."
"Waxaan ka hadalnay shaqaalaha iyo markabka guud ahaan. Haatan waxaa abuurmay hannaan wada-xaajood. Waxaan rajeyneynaa in xal la gaari doono. Waxay nagu wargeliyeen in dhammaan dhaqaalaha ay bad-qabaan. Lama jirdili doono, iyo inay nala soo xiriiri doonaan," ayuu intaa ku daray.
Sida ay daabaceen warbaahinta Bangladesha, qoysaska shaqaalaha saaran markabkan lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya ayaa walaacsanaa iyaga oo dowladooda ku cadaadinayay in si degdeg ah loo soo badbaadiyo dadkeeda.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Puntland oo dhowaan BBC-da lahadlay ayaa sheegay in ay ka warqabaan in markabku kusoo wajahanyahay xeebaha Puntland qorshena ka leeyahiin.
“Annagu howlgal rasmi ah oo aanu kula wareegayno gaadiidka iyagana aanu ku xidhayno kuna marinayno shuruucda [ayaan leenahay]. Marka annaga istiraatijiyaddayaddu waxaa weeye in ayna xeebahayagu noqonin bahalo galeen lala yimaado gaadiidka badaha lagusoo afduubto ayaa naga go’an”
Shirkadda markabka iskaleh ayaa sheegtay in ay dedaalo badan samaysay sidii ay kusoo badbaadin lahaayeen shaqaalaha markabka, iyagoo kaashanaya saaxiibadda caalamiga ah ee maraakiibtoodu badaha ka howlgalaan, waxay sheegeen in ilaa maanta xidhiidh toos ah ayna la yeelan shaqaalaha markabka.
Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in qoyaysaska shaqaalaha markabka saaran ay talaadadii isa soo dhoobeen xafiiska shirkaddu ku leedahay gudaha magaalada Chittagong ee dalka Bangladesh.
Markabkii ugu danbeeyay ee laga leeyahay dalkaan Bangladesh ee lagu afduubto xebaha Soomaaliya waxuu ahaa sanadkii 2010 kii, kaas oo lacag culus oo madax furasho ah markii laga bixiyay lahaystayaasha lasii daayay 100 maalmood kadib.
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Bangladesh Xasan Maxmuud oo saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in ay isku dayayaan in ay la xidhiidhaan budhcadda, iyaga oo adeegsanaya gacan labaad.
Wuxuu sidoo kale sheegay in hay’addaha sirdoonka dalka arrinta aad uga shaqaynayaan isagoo xusay in Ra’iisul Waaraha dalku aad uga walaacsanyahay dhacdada.
Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalkaas ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in ay la xidhiidheen dowlado dhowr ah si ay u badbaadiyaan markabka iyo shaqaalaha saaranba.
Markabkaan la afduubtay ayaa la sameeyay sanadkii 2016-kii waxaana markiisii koobaad loo bixiyay ‘Golden Hawk’ kadib markuu ku biiray maraakiibta shirkadda SR Shipping, sanadkii teggay ayaana loo bixiyay magaca ‘MV Abdullah’.
Markabkan hadda la afduubtay, ayaa waxaa saaraa sida la sheegay dhuxul waxaana markabka lagu magacaabaa MV Abdullah.
Warbaahinta Bangladesh ayaana sheegtay in ay saaraayeen 23 qof oo dhammaantood u dhashay dalka Bangladesh.
Afduubka markabkaan ayaana imaanaya xilli maraakiibta maraysa Gacanka Cadan ay sidoo kale weeraro joogto ah kala kulmaya weerar joogto ah Xuutiyiinta Yemen.
Arrintaan ayaa waxay sii shidaalinaysaa cabsida laga qabo dib-u-dhalashada budhcad badeeda ee badweynta Hindiya.
Budhcad badeeda ayaa xeebaha Soomaaliya Khalkhal ku galiyay maraakiibtii maraysay horaantii 2008-da iyadoon, balse howlgalo balaadhan oo ay siwadajir ah u sameeyeen dowladaha reer galbeedka ayaa hoos u dhigay weeraran iyadoo 2014-kii lagu guuleystay in budhcad badeeda howlgaladooda iyo dhaqdhaqaaqooda la joojiyo, kadib maraakiib badan oo ay afduubteen malaayiin lacag ahna ka qaadeen.
Bishii December labo dhacdo ayaa lagasoo wariyay xeebaha Soomaaliya. Mid waxuu la xidhiidhay markab ganacsi oo ay ku weerareen meel u dhow magaalada xeebta magaalada Eyl ee gobolka Bari. Midka kalena waxuu ahaa markab sitay calanka dalka Malta kaas oo isna la afduubtay una dhaqaaqay ugu danbayn xeebta Soomaaliya.
Biyaha Soomaaliya ayaa lagu arkay sare u kac budhcad badeedda sanadkii 2011-kii Hay’adda Qaramada Midoobay ayaana sheegtay in 160 weerar oo maraakiibta lagu qaaday la diiwaangeliyay. Weerada ayaase hoos u dhacay kadib markii howlgalo ciidamada Maraykanka iyo kuwa xulafadiisa ah ay yimaadeen biyaha Soomaaliya. | 816e3465-bb6d-4fc6-a352-09563f9db9c1 | 625 |
Maxakamadda ICC ma soo xiri kartaa Putin?
Garsoorayaal ka tirsan maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa daba yaaqadii maalinnimada Jumcaha soo saaray warqadda xarigga, taasoo ku wajahan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo koomishankiisa u qaabilsan xuquuqda carruurtaMaria Lvova-Belova .
Bayaan ay soo saartay maxakamadda ICC ayay ku sheegtay in looga shakisan yahay dambiya dagaal oo ah in caruur si sharci darro looga tarxiilo Ukraine lana geeyo Ruushka.
Waxaa jira sababo macquul ah oo lagu aamino in Madaxweyne Putin uu qaadayo mas'uuliyadda dambiyada shakhsi ahaaneed ee masaafurintan, ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo intaa lagu daray in lagu eedeeyay inay dhacday tan iyo markii uu bilaabay duullaanka buuxa ee Ukraine bishii Febraayo ee sanadkii la soo dhaafay.
ICC masoo xiri kartaa Putin?
Maxakamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC waxaa loo aasaasay in ay dacwad ku soo oogto oo ay cadaaladda horkeento kuwa mas'uulka ka ah dambiyada ugu xun - xasuuqa, dambiyada ka dhanka ah aadanaha, iyo dembiyada dagaalka. Maxkamaddu waxay leedahay xukun caalami ah.
Waa maxkamadda ugu dambaysay, oo soo faragelisa oo keliya marka masuuliyiinta qaranku aanay dacwayn karin ama aanay doonayn inay dacweeyaan qofka dambiilaha ah.
ICC ma laha awood ay ku xirto tuhmanayaasha, waxayna awood u leedahay oo kaliya inay galangal ku yeelato wadamada saxiixay heshiiska lagu dhisay maxkamada, oo loo yaqaan Rome Statute.
Ruushku kama mid aha saxiixayaasha heshiiskan - sidaas darteed Vladimir Putin ama Maria Lvova-Belova midkoodna lama dhiibi doono, dabcan Putin waa madaxweynaha Ruushka.
ICC waxay ku tiirsan tahay waddamada caalamka si ay gacan uga geystaan soo qabashada iyo u wareejinta tuhmanayaasha xarunta maxkamadda ee Hague.
Ruushka ayaa ku celceliyay in aanay aqoonsanayn maxkamaddan, wax micno ahna aanay ugu fadhinin warqaddan ay soo saartay iyada oo Hogaamiyihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev oo aad ugu fogaaday inuu is barbar dhigo waaranka lagu xirayo Vladimir Putin iyo "xaashida musqusha". Isaga oo ula jeeda in anay la qiima dhaamin warqadda saxarada la iskaga tiro.
Ninkan oo madaxweyne ka soo noqday Ruushka intii u dhaxaysay qaar ka mid ah xilliyadii Putin, ka dibna muddo dheer soo hayay xilka ra'iisul wasaaraha, ayaa si weyn u hadal hayay oo taageersanaa dagaalka Ukraine.
Cumar Al-Bashiir
Maxkamaddan ayaa sannadkii 2009-kii warqaddan oo kale u jartay madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al-Bashiir taas oo ay ku guul darreysatay in la soo xiro sababaha aan kor kusoo xusnay awgood. Warqadda xabsiga ee Al-Bashiir oo dhowr jeer la cusboonaysiiyay ayaan waxab soo kordhin. Waxaa lagu qiyaasaa intii u dhaxaysay 2009 illaa 2016 inuu galay in ka badan 70 safar oo uu ku kala tagay 22 dal kuwaas oo badankood ahaa kuwa aan saxiixin heshiiska.
Balse waxaa sidoo kale ka mid ah dalalkan, waddanka Kenya oo isaga qudhiisa dacwado ay kaga socdeen maxakmaddan qaar ka mid ah hogaamiyeyaashiisa, wuxuuna dalkani iska dhaga tiray dalabka ah in Al-Bashiir lasoo qabto isaga oo si nabdoon uga laabtay.Al bashiir ayaa sidoo kale sannadkii 2017 booqday dalka Ethiopia wuxuuna kulan la qaatay raysal wasaarihii xilligaas ee Itoobiya Hailemariam Desalegn.
Jonathan Leader Maynard, oo jaamacadda King's College ee London bare ka ah siyaasadda caalamiga ah, ayaa sheegay in tani ay tahay "wax aan macquul aheyn in mustaqbalka dhow ay welwel ah ku abuurtu Putin.”
"ICC waxay ku tiirsan tahay iskaashiga dawladaha si ay si dhab ah u xiraan dadka, dawladda Ruushkuna ma aha mid iskaashi ka sameynaysa arrintan - sidoo kale maaha mid saxiixday heshiiskii Rome ee lagu abuuray ICC," ayuu raaciyay.
Balse waxay dhibaatooyin u abuuri doontaa mustaqbalka Putin wixii hadda ka dambeeya. Ayuu yiri. | 785bda0d-3477-4920-a4e1-f9ca95dee670 | 573 |
Maxay yihiin diyaaradaha ay Jabuuti soo iibsaneyso ee qaban doona hawlgallada gaarka ah?
Dawladda Jabuuti ayaa waxa ay soo iibsaneysaa laba diyaaradood oo noocoodu yahay Cessna Grand Caravan EX, kuwaas oo loo isticmaalo hawlgallada gaarka ah.
Qandaraaska lagu iibiyay diyaaradahaan ayaa waxaa la siiyay shirkadda Textron Aviation ee laga leeyahay dalka Maraykanka, waxaana bixiyay qandaraaska Ciidamada Maraykanka qaybtooda bixinta qandaraasyada.
Warka la xiriira heshiiskaan ayaa waxaa baahiyay shirkadda Textron Aviation 13 kii bishaan aan ku jirno ee Maarso.
"Labadan diyaaradood ee Cessna Grand Caravan EX, waxaa labadoodaba loo adeegsan doonaa howlgalada gaarka ah ee sirdoonka, dabagalka, iyo sahanka qalabaysan si loo xaqiijiyo madax banaanida xuduuda ee dalka Djibouti," ayuu yiri Bob Gibbs, madaxweyne ku xigeenka, iibka gaarka ah ee shirkaddaTextron.
Heshiiska lagu iibinayo diyaradahaan ayaa la sheegay in uu yahay mid aan xad lahayn oo socon doona muddo shan sandood ah, kaas oo dhigaya in ilaa lacag $100 milyan oo doolar ah wax lagu kala iibsan karo.
Sida ay sheegtay shirkadda soo saarta diyaaradaan, wadamada iibsada ayaa u isticmaala diyaarada in ay ku ilaaliyaan xuduudahooda iyaga oo ka faa'iiedeysanaya qalabka ku xiran.
Jabuuti ayaa haatan la kulmeysa xaalad aan xasilooneyn oo ka jirta gobolka, iyada oo kooxda Xuutiyiintu ay halis muuqata ku noqtotay gacanka badda ee muhiimka ah ee mara Jabuuti.
Kooxda ayaa horay u bartilmaameedsatay maraakiib maraysay badda cas, kuwaas qaarkood ay ku dhufteen gantaalo ay soo tuureen.
Maraykanka ayaa saldhig milatari oo wayn ku leh dalka Jabuuti, halkaas oo ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah ciidamadiisa ugu xoogan ee Afrika.
Maxay tahay diyaarada Cessna Grand Caravan EX?
Diyaaradan oo uu soo saaro Maraykanka ayaa ka mid ah kuwa loo adeegsado sirdoonka, dabagalka, iyo sahanka,taas dalal badan aduunka ay ciidamadoodu adeegsadaaan.
Qiimaha diyaaradan ayaa ku xiran nuuca iyo sanadka la soo saaay. Kuwii la soo saaray sanadihii 2019-kii iyo 2023-dii ayaa jooga qiimo u dhaxeeya 2.3milyan ilaa 2.6 milyan oo dollar.
Waxay ku duuli kartaa jooga hawada ilaa 25 kun oo fiit iyadoo diyaaradan ay leedahay hal matoor.
Mareykanka ayaa diyaaradaha Caravan siiyay dalal badan oo Afrikaan ah si ay ugu adeegsadaa howlaha sirdoonka, ilaalinta iyo sahminta.
Bishii Maarso ciidamada cirka ee Tunuusiya ayaa helay diyaaradan Cessna Grand Caravan EX.
Sidaas oo kale dalka Rwanda ayaa ka mida dalalka helay diyaaradahan iyadoo dawladda Maraykanku ay hore deeq ahaan ugu siisay 14 diyaaradood oo Grand Caravan EX ah.
Diyaaradan Cessna Caravan waa mid dookheedu sareeyo marka la joogo dalalka Afrrika iyo caalamka laakiin Maraykanka waxay uga deeqaan gargaar militari ahaan wadamada caalamka qaarkood.
Dalalka Cameroon, Chad, Niger, Mali, Mauritania, Kenya iyo Uganda ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee hore u haystay diyaaradahan kuwaas oo la howlgala ciidamada Maraykanka ee howlgalka Afirka.
Awooda Ciidamada Cirka ee Jabuuti
Dalka Jabuuti oo dhaca geeska Afrika iyo gacanka cadmeed ayaa ciidamadeeda cirka asaastay sanado uun markii ay xoriyadooda ka qaadatay dalka Faransiska sanadkii 1977-dii
Ciidamada Cirka ee Jabuuti waxay ku qalabaysan yihiin ilaa toban diyaaradood oo ay ku jiraan laba nooc oo ah MA60, Cessna 208 Caravan, laba nooc oo ah Let L-410 Turbolet VIP transports, shan diyaaradood oo nooca SA365Ns, Eurocopter AS355, Harbin Z9, Mil Mi-8 iyo laba Mil-Mi- 24 diyaaradood oo Helicopter ah
Dalalka UK, Faransiiska, Ruushka, Maraykanka, Shiinaha iyo Turkey ayaa farsameeya diyaaradaha ay ku qalabsan yihiin ciidanka cirka ee Jabuti kuwaas oo ka howlgala mandaqa xasaasi ah.
Si kastaba ha noqotee, u dhawaanshaheeda gobolka Bariga Dhexe, meesha ay ku taal oo ah marinka Bab-ül Mandeb, iyo muhiimada ay u leedahay waddooyinka marinka tamarta ayaa dalkan ka dhigay meel muhiim ah oo soo jiidata indhaha dowladaha waaweyn ee caalamka.
Juqraafi ahaan Jabuuti waxay ku taalla meel laga maamuli karo marinka badda cas iyo badweynta Hindiya; waxa kale oo ay isku xirtaa badda Aasiya-Pacific, Gacanka Faaris, iyo gobolka Geeska Afrika.
Waxaa sidoo kale lagu qeexi karaa in jabuuti ay ku taal albaabka laga galo badda cas, taas oo u oggolaanaysa inay noqoto marinka Waqooyiga Afrika iyo gobollada Bariga Dhexe. | 6f9dbaf8-bfb7-4657-8dfe-6f2251c367f8 | 650 |
Maxay tahay Tignoolajiyadda cusub ee dumarka ka caawinaysa xanuunka caadada?
Markii ugu horeysay ee Paula Fischer ay akhrisay wax ku saabsan waxyaalaha lagama maarmaanka ah ee la xidhan karo, kuwaas oo ka caawinaya in ay yareeyaan xanuunka caadada, 33-jirkan ayaa sheegtay inay markaas "aad ugu faraxsanayd tijaabadan cusub ee ay gelayso".
Sida haween badan, ay dareemaan muddadaas waxay la kulmaan raaxo-darro aad u daran inta lagu jiro xilliga caadada, waxayna rajaynaysay inay hesho xal kale oo xanuun baabi'iye ah, kaas oo sida ay sheegtay caawiyay kaliya dhowr saacadood.
Paula, oo ku nool Budapest, Hungary, ayaa tidhi: "Inta badan waxaa igu dhaca xanuun daran inta lagu guda jiro xilliga caadada, taas oo keentay in aanan ka kici karin sariirta si aan u qabto shaqadaydii maalinlaha ahayd". "Tani waxay saamaysay wax walba – hadday tahay niyad, dhiirrigelin, awoodd iyo hadday tahay wax qabad."
Iyada oo xaalkaas ku sugan laba sano ka hor, waxay ku aragtay ogeysiis baraha bulshada ah kaas oo ka yimid urur Hungarian oo la yidhaahdo Alpha Femtech, oo waydiisanaysa tabaruceyaal si ay uga caawiyaan baadhitaanka iyo horumarinta tijaabada dhar cusub oo ujeedadiisu tahay in lagu yareeyo xanuunka caadada.
Codsadayaashu waxay ahayd inay dhamaystiraan sahan ku saabsan xaalka ay marto caadadu, ka dibna dhakhtar ku takhasusay caafimaadka haweenka ayaa dadkii soo codsaday ka xulatay kuwii ku habboonaa barnaamijkan. Paula waxa ay ka mid ahayd kuwa la doortay.
Dharkan gaarka ah ee ka soo baxay tijaabadaas, oo loo yaqaan Artemis, ayaa diyaar u noqon doona in laga iibsado gudaha UK iyo Midowga Yurub markii ugu horeysay dabayaaqada sanadkan.
Si aad awood ugu yeelato labiskan gaarka ah ee loogu talagalay haweenka, isticmaaluhu wuxuu xidhanayaa dhar ay ku dhex jiraan qalab tignoolajiyadeed oo qofka u ogolaanaya in moobilka uu kala socda marba halka wax marayaan, qalabka dharka ku xidhan ayaana leh Bluetooth ku xidhamaya app qofka ugu jira moobilka.
Paula waxa ay sheegtay in markii ugu horreysay ay xidhatay dharka jidhka inta lagu jiro tijaabada caadadeeda ay ahayd "khibrad gabi ahaanba ka duwan wixii hore", iyada oo aan wax xanuun ah dareemin. Waxay ku dartay in alaabta loogu talagalay jidhka, oo ka samaysan isku dhafka dhogorta merino iyo fiilooyin macmal ah ay "raaxo badan tahay ... sida oo kalena fiicantahay in la xidho".
Saamaynta kaliya ee ay sheegtay in ay leedahay ayaa ah in caadadu ay ka culus tahay sidii caadiga ahayd. "Waxaan u malaynayaa inay sabab u tahay saamaynta nasinta muruqa." | 86971a1e-bd0f-471e-ba06-b3d5e74a4551 | 399 |
Matcha: Faa'iidada caafimaad ee shaaha cagaaran
Haddii aadan baraha bulshada ku arag sawirka qof haya koob shaaha midabka cagaaran leh – waxaad malaha u baahan tahay inaad (refresh) ku sameyso.
Shaaha aan ka hadleynaa? Waa matcha.
Laga soo bilaabo TikTok ilaa Instagram, dadka caanka ah ayaa gacan ka geystay inay sare u qaadaan cabitaankan, taasoo keentay in jiilka da'da yar ee Gen Z ay maqaayadaha safaf dhaadheer u galaan si ay u tijaabiyaan.
Balse matcha ma aha wax cusub. Isagoo aad uga baxa Japan, shaahan cagaaran waa mid qarniyo jira, dhaqanka Jabaaneeskana taariikh xeeldheer ku leh waxaana inta badan laga cabaa xafladaha dalkaas. Sanadihii dambe, waa la casriyeeyay, waxaana laga sameeyaa shaah kulul iyo mid qabow oo baraf lagu daray intaba, macmacaanka iyo xitaa waxyaabaha la isku qurxiyo.
Matcha waa nooc ka mid ah shaaha cagaaran oo laga sameeyo caleemo gaar ah oo ka baxa dhirta Camellia sinensis. Si ka duwan shaaha cagaaran ee caadiga ah, oo laga sameeyo caleenta budada ah iyo tan baakadda shaaha lagu dhex rido, matcha oo si daqiiq ah loo shiiday ayaa lagu dhex walaaqaa biyo kulul amaba cano.
"Shaaha cagaaran waxaa si fiican loogu dersay faa'iidooyinkiisa caafimaad, matcha-na waa uun nooc aad u adag, balse daraasado badan ayaa loo baahan yahay in laga sameeyo faa'iidooyinkeeda badan," ayay tiri Miranda Galati, oo ku takhasustay cunnada kuna sugan Canada.
Balse matcha miyey inoogu fiican tahay sida ay baraha bulshada inooga dhigayaa?
Faa'iidooyinka caafimaad ee matcha
Matcha wuxuu qani ku yahay antioxidants - maaddooyinka kaa caawiya inay jirkaaga ka ilaaliyaan dhaawaca unugyada waxayna hoos u dhigaan khatarta cudurrada daba dheeraada.
Daraasad ay daabaceen saynisyahanno ka socda Jaamacadda Konkuk ee magaalada Seoul ayaa lagu sheegay in matcha ay ku jirto ilaa 10 jeer in ka badan antioxidants marka loo eego shaaha cagaaran ee caadiga ah.
Shaaha cagaaran iyo matcha ayaa aad isugu dhow, shaaha cagaaran waxa uu kordhiyaa dhimista miisaanka sababtuna waa heerka sare ee antioxidants. Daraasaduhu waxay muujinayaan shaaha cagaaran inuu kaa caawiyo kordhinta dheef-shiid kiimikaadkaaga iyo gubashada baruurta, taasoo ay gacan ka geysato heerarka sare ee kafeynta ku jirta.
Qaadashada caadiga ah ee matcha latte (hal qaaddo oo ah budada matcha) ayaa ka kooban qiyaastii 38-176mg oo kafeyn ah. Tani waa kafeyn ka yar koob kafeega caadiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, Galati ayaa sheegaysa in matcha loo maleynayo in ay leedahay 'saamayn xasiloon' oo ka badan qaxwada sababtoo ah waxa ku jira L-theanine.
"Aashitada amino-ga ee matcha waxaa laga yaabaa inay faa'iido u leedahay habdhiska dareenka, ka caawinta dhimista walbahaarka, fududaynta walwalka iyo yaraynta hurdo la'aanta," ayay tiri.
Daraasadaha qaarkood waxay ku xireen qaar ka mid ah waxyaabaha ay ka kooban tahay matcha - oo ay ku jiraan antioxidants iyo qaybaha kale sida chlorophyll, kafeyn iyo L-theanine - oo leh horumarinta shaqada maskaxda.
Kafeyn waxaa lagu yaqaannaa inuu ka shaqeeyo habdhiska dhexe ee neerfayaasha, kordhinta dheef-shiid kiimikaadka maskaxda oo dhan, iyo sidoo kale kor u qaadista feejignaanta iyo xusuustaada.
Cilmi-baaris ay samaysay Jaamacadda Shizuoka ee Japan waxay soo jeedinaysaa in matcha laga yaabo inay leedahay faa'iidooyinka garashada.
Daraasadda, oo lagu daabacay Maktabadda Qaranka ee Daawada, waxay ku lug lahayd 12 kaqeybgalayaasha waayeelka ah - laba rag ah iyo toban dumar ah - kuwaas oo cunayay labo garaam oo budada shaaha cagaaran ah maalin kasta muddo laba bilood ah. Natiijooyinku waxay muujiyeen calaamadaha shaqada maskaxda oo soo hagaagtay.
Balse dhammaan ma wada fiicna
Si la mid ah dhammaanba waxyaabaha kale ee kafeynta laga helo, waxaa fiican in matcha si dhexdhexaad ah loo isticmaalo.
Matcha waxaa ku jira kafeyn ka badan shaaha cagaaran iyadoo qaadashada kafeyn badan ay saameyn taban kugu yeelan karto sida isku buuq, hurdo la.aan iyo wadno-garaac badan.
Kafeyn wuxuu kordhiyaa soo jeedkaaga, kaas oo loo arki karo faa'iido. Si kastaba, qaadashada xaddi badan ayaa sababi karta in jirku sii daayo adrenaline oo ah hoormoon si ku meel gaar ah u kordhiya tamarta balse sidoo kale horseedi kara inaad dareento isku buuq.
Xaddiga ugu badan ee kafeynta lagula taliyo dadka qaan-gaarka ah waa 400mg, taas oo micnaheedu yahay inaadan cabin wax ka badan hal amaba labo koob oo matcha ah maalintii.
Kuwa xasaasiyadda ku qaba kafeynta, matcha ayaa laga yaabaa inay u fiican tahay maaddaama ay ku jirto kafeyn ka yar kafeyga, iyadoo sidoo kale L-theanine-ta ku jirta ay gacan ka geysato yareynta in jirku nuugo kafeynta.
Waa maxay 'matcha-da wasakhda ah'?
Uma xuma sida magaceeda u muuqdo. Match-ada wasakhda ah waa espresso lagu daray caano iyo matcha la isku laaqay.
Balse marka laga soo tago dhadhanka is beddelaya, tan ma kafeyn badan oo ku jirta hal koob baa?
Iyadoo match-ada wasakhda ah ay isku darsatay soo jeedka laga qaado kafeynta iyo degganaanta laga helo matcha, khubarrada nafaqada ayaa sheegaya in isku darkooda ay weli sare u qaadi karaan soo jeedkaaga. Si kastaba, waxay ku doodayaan inay taasi dhanka u wanaagsan u arkaan.
Si la mid ah cabidda matcha latte khubarrada nafaqada waxay ku talinayaan in keliya hal koob maalintii laga cabo.
Fiiro ku aaddan tayada
Iyadoo matcha ay sanadihii dambe caan noqotay, in ka badan match-ada ka baxda Japan ayaa dunida loo dhoofiyaa.
Wararka qaar ayaa xitaa saadaaliyay in dalabka kordhay uu horseedi karo gabaabsiga matcha ee labadaba gudaha Japan iyo adduunka.
Iyagoo ka jawaabayay dalabka sii kordhaya ee matcha, shirkadaha shaaha ee Japan ee kala ah Ippodo Tea iyo Marukyu Koyamaen ayaa ku dhawaaqay markii ugu horreysay inay xaddidayaan iibka matcha.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Beeraha Japan, dalkaas ayaa soo saaray 4,176 oo tan oo matcha ah sanadkii 2023 – taas oo saddex jeer ka badan intii ay dhoofisay sanadkii 2010.
Balse matcha ayaa noqoneysa mid dunida caan ka ah, sidoo kalena waxaa badanaya noocyadeeda kala duwan dhanka tayada.
Qaarkood waxaa lagu daray sokor iyo dhadhan amaba wax lagu macaaneeyo, taas oo hoos u dhigeysa faa'iidadeeda caafimaad. | d4f9b257-1130-464c-b9e6-488178ab01f3 | 956 |
Gobol kamid ah Canada oo Soomaalida siiyay todobaad u gooni ah oo ay xusaan dhaqankooda
Downlad gobaleedka Alberta ayaa ku dhawaaqday in 25-ka June ilaa 1-da Luulyo loo aqoonsan doono toddobaadka Dhaqanka Somalida ee Alberta.
Wasiirka Socdaalka iyo arrimaha jinsiyadaha Alberta Maxamed Yaasiin ayaa saxiixay aqoonsiga toddobaadkan isagoo ku daray shin tiriska dowladda.
Inkastoo Somalida gobalkaas sanad walba dabaal dagyo ku aadan xoriyadda Soomaaliya dhigi jireen haddana waa markii ugu horraysay oo dowlad gobaleedka Alberta ay si toos ah u aqoonsato una dhaqan galiso todobaadka Somalida.
Soomaalida ayaa si gaar ah u xusa maalmahan iyada oo ay ku beegantahay maalmaha xorriyadda ee Soomaalida.
26-ka Juun ayaa Soomaalidu xustaa markii xoriyada laga qaatay qayb ka mid ah gumaystaha.
27-ka June ayaa iyana la xusaa maalintii Jabuuti ay xornimada ka qaadatay Faransiiska iyada oo maalinta ugu dambeysa ee 1-da Luulyana la xuso markii Soomaaliya ay xornimada ka qaadatay gumeystihii Talyaaniga isla markaan aay mudoobeen gobollada waqoyi iyo Koonfur.
Wasiirka socdaalka iyo arrimaha jinsiyadaha dowlad gobaleedka Alberta, Maxamed Yaasiin ayaa ku dhawaqay aqoonsiga maalmahan isaga oo yiri, “Sanad waliba waxa aan u dabaal degi doonnaa maalmahan 26-ka Juun ilaa 1-da luuliyo ee aan u aqoonsannay toddobaadka Soomaalida, waana aqoon sannay waxana ku faraxsannahay in aan maalmahan weyn aqoonsannay waana toddobaad muhiim ah”.
Soomaalida Alberta laftoodu waxa ay si weyn usoo dhaweeyeen maalmahan iyo sida dowladda gobolku u aqoonsatay iyaga oo markii horeba u dabaal degi jiray.
Fowsiya Xirsi Cabdi oo ka mid ahayd kasoo qayb galayaasha munaasibaddii looga dhawaaqay toddobaadka Soomaalida sidoo kalana ka mid ah dadka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa BBC-da u sheegtay sida ay usoo dhaweynayaan aqoonsigan caalamiga ah.
“Runtii Soomaalidu aad bey ugu farxeen arintan dareenkeenna lagama sheekeyn karo, toddobaadkan oo dhan dowladdu anaga ayey noo aqoonsatay waana mid aan in badan sugeynay”.
“Soomaalida kaliya maaha ee xitaa waa maalmihii loo dabbaal degi jiray maalinta Canada, tanina waxa ay muujineysaa muhiimadda ay Soomaalidu ku leedahay gobolkan, dowladduna waxa ay noo oggolaatay toddobaadkan mana aha wax sahlan oo waxa ay muujineysaa in aan nahay dad la tix geliyo”, ayey hadalkeeda sii raacisay Fowsiyo Xirsi.
Kulan looga hadlayay todobaadkan cusub ee Soomaalida loo asteeyay ayaa waxaa soo agaasimay dowlada gobaleedka Alberta, waxayna isugu keeneen masuuliyiin ka socda dawladooda, sida wasiiro, xildhibaano.
Dadka Soomaalida ah ee kulankaas soo xaadiray ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaankii ugu horray oo Somali ah oo laga soo doorto gobalka Alberta - Sharif Xaji oo ka socday xisbiga ahaana - oo ka tirsan xibiga NDP ee dalkaas.
Sidoo kale waxaa yimid kulankaas Soomaali badan oo degan magaalada oo aad ugu faraxsanaa in ay maqlaan todobaadka cusub ee uu maamulka gobolkoodu ku dhawaaqay ee iyaga goonida u noqonaya.
Alberta waa gobalka labaad ay ugu badanyihiin Somalida Canada waxaana wasiirka Socdaalku ku sheegay in ka badan 60,000 oo qof, inkastoo qaar ka mid ah Somalidu ay aaminsanyihiin in tirada Somalida gobalkaas ay ka badanyihiin intaas.
Muxuu yahay xuska maalinta Canada?
Maalinta Canada, oo hore loogu yiqiin maalinta gobanimada, waa maalinta qaranka Canada, waxaa loo dabbaal degaa sannad-guuradii Isbaheysiga Canada oo dhacay Luulyo 1 deedii, 1867-dii, iyadoo la ansixiyay Sharciga Waqooyiga Ameerika ee Ingiriiska isla sanadkaas, waa markii ay midoobeen United Canadas, Nova Scotia, iyo New Brunswick, oo ay noqdeen hal maamul.
Asal ahaan waxaa loo yaqaan Maalinta Dominion.
Dabaaldegga maalinta Canada ayaa ka dhaca waddanka oo dhan, iyo sidoo kale meelo kala duwan oo adduunka ah looga soo qaybgalo.
Canada hadda waxay u dabbaaldegaysaa sanadguuradii 157-aad, waxaana guud ahaan dalkaasi laga dareemayaa u diyaar garowga munaasibado waaweyn.
Dalka Canada oo ah mid aad u dalbanayay soo galootiga waayahaan dambe, ayaa ka mid ah wadamo dhawr ah oo dad Soomaali ihi xilal ka qabteen.
Axmed Xuseyn oo ah wasiirkooda hormarinta caalamiga ah ee haatan, horayna u soo noqda wasiirka soogalootiga iyo qaxootiga ayaa ah Soomaaliga ugu caansan ee xil siyaasadeed ka qabtay dalkaas ilaa iyo haatanna haya. | 43b04815-a44d-4c63-9d73-21b140d1802e | 637 |
Ma la hakin karaa gabowga? 8 arrimood oo muhiim ah in aad ogaato
Saynisyahanadu waxay magacaabeen sideed cabbir oo gabowga hoos u dhigi kara ilaa lix sano.
Talaabooyinkan waxaa ka mida helidda hurdo caafimaad leh iyo jimicsi joogto ah, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah inuu gaabiyo xawaaraha gabowga ee bayloojiga jirka.
Ilaalinta miisaanka jirka, sonkorta, dhiigga, kolestaroolka, iyo dhiig karka ayaa ah kuwo u baahan inaad la socoto adigoo ilaalinaya hurdada caafimaadka leh, nidaamka cuntada iyo samaynta dhaqdhaaq jireed oo joogto ah.
Cabitaan la’aanta sigaarka waxay sidoo kale hoos u dhigi kartaa geeddi socodka gabowga ilaa lix sano sida ay sheegeen khubarada Maraykanka
Daraasad la sameeyay ayaa soo jeedinaysa in marka la raaco tillaabooyinkan ay kor u qaadayso caafimaadka wadnaha, taas oo iyaduna hoos u dhigi karta xawaaraha gabowga noolaha ilaa lix sano.
Natiijooyinkan oo ku salaysan xogta in ka badan 6,500 oo qaan-gaar ah oo celcelis ahaan da'doodu tahay 47, ayaa lagu soo bandhigay Shirarka Kalfadhiyada Sayniska ee Maraykanka (AHA) ee Philadelphia.
Cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen in dadka caafimaadka wadnaha ugu wanaagsani ay ahaayeen ilaa lix sano jir bayoloji ahaan.
"Natiijooyinkani waxay naga caawinayaan inaan fahamno xiriirka ka dhexeeya da'da taariikhiga ah iyo da'da noolaha iyo sida raacitaanka caadooyinka qaab nololeedka caafimaadka leh ay nooga caawin karaan inaan sii noolaano" ayuu yiri Donald Lloyd-Jones oo ah gudoomiyaha kooxda Caafimaadka AHA
Waxaa uu inta ku daray in qof kasta uu rabo inuu noolaado waqti dheer, haddana ka sii muhiinsane waxaa la rabaa inaan ku noolaano caafimaad dheer kuna raaxaysan karno nolol tayo leh waa kuwo u baahan taxadar dheeriya.
Life Essential 8 waxay qeexday in caafimaadka wadnaha lagu salaynayo afar hab nololeeed oo wax badali kara iyo afar calaamadood oo caafimaad ahaan loo baddeli karo.
Si loo cabbiro sida uu qofku ula falgalo deegaanka ama baylooji ahaan, da'da cilmi-baarayaashu waxay hubiyeen dheef-shiid, shaqada xubnaha iyo bararka.
Dardargelinta da'da waa faraqa u dhexeeya da'da noolaha iyo da'da dhabta ah taas oo leh qiimayaal sare oo muujinaya gabowga noolaha.
Marka la xisaabiyo arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo tirakoobka, cilmi-baarayaashu waxay yiraahdeen haysashada dhibcaha ugu sarreeya ee Nolosha Aasaasiga ah oo macnaheedu yahay inaad leedahay caafimaad wanaagsan oo wadnaha iyo xididdada, waxay la xiriirtay da'da noolaha ee qiyaastii lix sano ka yar.
Qoraaga daraasadda Nour Makarem oo ah kaaliye macallin oo ku takhasustay cudurrada faafa ee machadka Mailman ee jaamacada Columbia qaybta xarunta dhexe ee dawada ee New York ayaa sheegay inay ogaadeen in caafimaadka wadnaha oo sarreeya uu la xiriiro gabowga bayoolojiga ee hoos u dhaca sida lagu cabbiray da'da phenotypic.
Daraasadda ayaa muujisay in celceliska kuwa wadnadoohu wanaagsan yahay ay ahaayeen da’doodu 41
Daraaasadda ayaa muujinaysa in da’da dhabta ee qofka wadnihiisu wanaagsan yahay tusaale ahaan isagoo jira 41 sano ay celceliska da’da bayloojiga muujinayso 36 sano jir.
Sidoo kale dadka caafimaadka wadnaha iyo xididadiisu ay liitaan waxaa lagu qiyaasay in da’dooda dhabta oo celcelis ahaan maraysa 53 ay dhanka baylooji ahaan da’doodu gaarto 57 sano jir.
"U hoggaansanaanta weyn ee dhammaan mitirka Aasaasiga ah ee Nolosha 8 iyo hagaajinta caafimaadka wadnahaaga waxay hoos u dhigi kartaa habka gabowga ee jirkaaga waxayna leedahay faa'iidooyin badan oo hoos u dhigaya" ayey tiri Makarem.
Siddeedda cabbir ee caafimaad ee uu sheegay Ururka Wadnaha ee Mareykanka
1.Cunidda cunto caafimaad leh.
2. Noqo qof firfircoon.
3. Joojinta sigaar cabidda.
4.Helida hurdo caafimaad leh.
5. Ilaalinta Miisaanka caafimaadkaga.
6. Xakamaynta kolestaroolka.
7. La socoshada sonkorta dhiiga.
8. Ilaalinta iyo la socodka dhiig karka.
Taalaabooyinka ayaa ah kuwa ay daraasaduhu muujiyeen in la joogteeyo si loo helo caafimaad wanaagsan. | c8fd2da5-92fb-40b0-b899-bd75d0fe4e2b | 583 |
Dhegeyso: Maxaa sannadkan lagu soo bandhigay bandhigga buugaagta Garowe
Dhegeyso: Maxaa sannadkan lagu soo bandhigay bandhigga buugaagta Garowe
Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaa maalintii saddexaad ka socda carwada bandhigga buugaagta , kaas oo galay sanadkii saddexaad.
Waxaa bandhigaas sanadkan arrimaha ku cusub kamid ah waxyaabaha laga dhaxlay nidaamka federaaliga iyo doodo la xiriira bugaagtii sanadihii u dambeeyay soo baxay.
Haddaba faahfaahinta waxyaabaha lagu soo bandhigay carwada Garowe sanadkan, ayaan ka wareysannay, Maxamed Axmed Dalmar Agaasimaha Bandhiga Buugaagta ee Puntland, waxa uu warramay Aadan Maxamed Cabdi (Saalamiin). | 10483377-561d-4288-a3d0-fc385f5c6421 | 88 |
Ninka ugu taajirsan dunida muxuu ka yiri hadalladii muranka dhaliyey ee Ilhaan Cumar?
Ilhaan Cumar oo 27-kii bishii dhamaatay hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tiri hadal muran wayn dhaliyay.
“Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan,” ayaa kamid ahayd khudbad jeedisay Ilahaan.
Hadalkeeda ka dib waxaa bilowda mawjado falcelin ah oo qaar badani kasoo baxayaan dad saameyn ku leh Maraykanka iyo siyaasaddiisa.
Elon Musk – ninka ugu taajirsan adduunka isla markaana Maraykan ah balse asal ahaan kasoo jeeda Koonfur Afrika ayaa ka mid ah isaga oo calaamadda layaabka uga felceliyay muqaalka khudbadda.
Balse muuqaalo hore oo ay Ilhaan khudbado kalo duwan jeedineysay, kuwaas oo dib loogu soo celiyay baraha bulshada ayuu ka dhiibtay fikir.
Qaybta falcelin ee mid kamid ah muuqaaladaas ayuu Elon Musk ku qoray: “Maraykanka ama dal kale. Mid dooro”.
Qoraal kale wuxuu ku leeyahay isaga oo ka fal celinaya hadalkeeda oo afka Ingiriiska lagu turjumay, “uma eka in ay daacad u tahay Maraykanka”.
Hadallada Ilhaan Cumar eeku saabsan khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kiciyey mawjado weerarro dhanka afka ah oo iyada ka dhan ah. Brasaabkii hore ee Florida, Ronald Dion DeSantis ayaa kamid ah dad dalbaday 'in laga ceyriyo Maraykanka'.
DeSantis wuxuu kasoo jeedaa xisbiga Jamhuuriga oo ay siyaasadda dalkaas ku legdamaan kan Dimuqraadiga oo ay Ilhaan ka tirsan tahay.
Hadallada hore oo ay Ilhaan ka sheegtay meelo fagaare ah, ayaa sidoo kale lasoo turjumay isla markaana qayb ka noqday hubka loo adeegsanayo iyada.
Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa waxaa ka mid ah hadallada lagu haysto mid ay sheegayso in Maraykanku uu sameynayo "waxa aan angu dhano oo kaliya" sida ay ku dhex tiri khudbada.
“Dawladda Maraykanku waxay ka qabanaysaa wixii annaga aan dhahno dawladda Maraykanka waxaas ka qabo” ayey tiri Ilhaan oo kusii dartay, “ kalsoonidaas waa inaan isku qabno haddii aan Soomaali nahay”.
"Soomaaliya waa gurigeenna, Soomaaliya wadnaheenna ayey ku nooshahay, maalin kasta ayaan ka fikirnaa Soomaaliya” waa jumlo kale oo baahday balse aan muuqaalkan ka mid ahayn.
Hadalladan ayey dadka iyada dhaliila u arkaan kuwo muujinaya in aysan Maraykanka daacad u ahayn taas badalkeedana ay Soomaaliya daacad u tahay.
Tom Emmer waa siyaasi kale oo ka tirsan baarlamaanka Maraykanka ahna Guddoomiyaha Aqlabiyadda Aqalka Wakiilada ee Maraykanka, wuxuu asna ka yiri Ilhaan: "Hadalka naxdinta leh ee Ilhaan, ee ay Soomaalinimada hormarinayso waxay dharbaaxo wejiga kaga dhacday ku tahay dadka reer Minnesota ee loo doortay in ay u adeegto, waxayna xadgudub toos ah ku tahay dhaartii xafiiska. Waa ina y is casishaa iyadoo ceebaysan”.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Ilhaan oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee Congress-ka loo doorto, ayaa ka hadashay arrinta la xirriirta khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo sheegtay in “Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”.
Muuqaalkeeda oo lasoo dhigay barta X ayaa waxaa daawaday malaayiin qof, waxaana aad loo hadal hayaa qayb kamid ah hadalkeeda oo ah: “Soomaali ahaan, mar baan ka daba tegi doonnaa dhulalka naga maqan.”
Ilhaan ayaa jawaab ay arrintaas uga bixisay barteeda X waxay ku tiri “Keliya maaha mid hal dhinac ah balse gebi ahaanba waa mid ujeeddada ka baxsan,” ayay tiri iyada oo ka hadlaysa falcelinta laga bixiyay hadalkeeda.
Si kastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horyasay ee ay Ilhaan Cumar qabsato ciwaanada wararka iyo baraha bulshada ee Maraykanka iyada oo soo ahayd xildhibaan uu mar walba muran kala dhexeeyo xubnaha xisbiga Jamhuuriga.
Sannadkii 2020 Ilhaan Cumar iyo madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump ayaa hadallo kulkulul isu mariyey hawada. Donald Trump wuxuu markaas sheegay in Ilhaan ay tahay qof musuq-maasuq badan isla markaana warbixinadeeda uu la socday muddo labo sano ah.
"Maxaa ka khaldan Ilhaan Cumar? waxaan rajeynayaa in hawshan uu soo faragelin doono Xeer ilaaliyaha guud, Waxaan aqrinayay warbixinnadeeda muddo labo sano ah oo ku saabsan sida ay u musuqmaasuq badan tahay , Miyad rumaysanaysaan? Sidaas weliba ayay inoogu sheegeysaa sida dal loo maamulo? Waa maxay waxa ay samaysay qofkii ay reer Minnesota doorteen, maxaa baas ee idin ka khaldan dadyahow" waa hadalladii Donald Trump ee waagaas isaga oo dhaliilayey warbixin ay soo saartay.
Sannadkii tagat mar ay booqatay Masaajidka Al-Raxma ee magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, oo dab la qabadsiiyey dabaqiisa ugu sareeya, iyadoo la xiray ninkii falkaasi ka dambeyay kaasi oo sidoo kale horey isugu dayeyey masaajid kale in uu gubo, ayey Ilhaan sheegtay "in sidii uu Donald Trump u yimidba nacaybka Islaamku kordhay". | b839709c-8cd4-4f1a-8fe2-c57019119169 | 807 |
Maxay yihiin tallaabooyinka Mareykanka soo saaray ee ka dhanka ah Tahriibayaasha Soomaalidu ka midka yihiin?
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar madaxwayne oo looga gol leeyahay in lagu xakameeyo tirada muhaajiriinta magangelyo doonka ah ee ka soo gudbaya xuduudda u dhexeysa Maraykanka iyo Mexico.
Waxay arrintani ku soo beegmeysaa xilli dalka Mareykanka dhawaan lagu wado in ay ka dhacdo doorashada madaxwaynanimada.
Amarkan ayaa ka hor-joogsanaya dadka muhaajiriinta ah ee sida sharci-darrada ah uga soo gudba xuduudda koonfureed inay dalbadaan magangelyo.
Madaxwayne Biden ayaa farta ku fiiqay in tallaabooyiinkani ay socon doonaan illaa tirada sida sharci-darrada ah uga soo gudbaysa xuduudaha Maraykanku ay gaarto heer aad u hooseeya oo si sahlan loo maamuli karo.
Maraykanku waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday tallaabooyiin cusub oo looga gol leeyahay in lagu dardargeliyo kiisaska magangalya doonka iyo in la yareeyo cadaadiska saaran maxkamadaha socdaalka ee Maraykanka.
Mr Biden ayaa amarkan madaxwayne ku dhawaaqay xilli uu kulan la qaadanayay barasaabyada magaalooyinka xuduuda ku yaalla. Wuxuu yiri "tallaabadani waxay naga caawin doontaa inaan gacanta ku dhigno xaaladda xuduudeena".
Qaar ka mid ah dadka u ololeeya socdaalka ayaa durba dhaleeceeyay tallaabooyiinka cusub ee ku saabsan magangalya doonka.
"Waa nasiib darro in siyaasaddu ay hagto marka laga hadlayo arrimaha socdaalka ," ayuu yiri Jennie Murray, madaxweynaha iyo Madasha Socdaalka Qaranka.
Khudbadiisa, madaxweyne Biden wuxuu ku dhaleeceeyay Jamhuuriga inaysan ansixin dib-u-habaynta socdaalka laba-geesoodka ah horaantii sanadkan - wuxuuna ka codsaday dadka dhaleeceynaya tallaabadan cusub inay "samir yeeshaan".
In ka badan 6.4 milyan oo muhaajiriin ah ayaa la joojiyay in ay si sharci darro ah ugu gudbaan Mareykanka intii uu jiray maamulkii Joe Biden.
Maalaayiintan qof ee ka gudbaya xadka Mexico waxaa ka mid ah Soomaali badan oo qaarkood galay gudaha Mareykanka qaar kalana ay weli ku sugan yihiin xadka ama gudaha laatiin America.
Imaanshaha soogalootiga ayaa hoos u dhacay sanadkan, inkastoo khubaradu aaminsan yihiin in isbeddelku aanu u badnayn inuu sii socdo.
Qaar ka mid ah dadka u ololeeya arrintan iyo xildhibaano ka soo jeeda xisbiga dimuqraadi ayaa shir jaraa'id oo ay qabteen waxay ku dhaleeceeyeen go'aanka Mr Biden.
Pramila Jayapal, ayaa sheegtay in ay "aad uga niyad jabtay" amarkan oo ay ugu yeertay "tallaabo jihada qaldan loo qaaday".
Tallaabooyinka lagu dhawaaqay Talaadadii waxaa ka mid ah adeegsiga sharci 1952 u ogolaanaya in la xaddido soo gelitaanka dadka magangalya doonka ah ee Mareykanka imaanaya.
Sharciga, oo loo yaqaan 212 (f), ayaa u oggolaanaya madaxweynaha Mareykanka inuu "hakin karo soo gelitaanka" ajaanibta haddii imaanshahooda ay "wax u dhimeyso danaha" dalka.
Isla xeerkan ayaa maamulka Trump u adeegsaday in uu mamnuuco dadka ka soo galaya dalal u badnaa oo Muslimiin iyo in laga mamnuuco muhaajiriinta magangelyo doonka ah haddii la qabto in ay si sharci darro ah ugu gudbaan Mareykanka.
Xayiraadaha ayaa dhaqan galaysa marka celceliska todobada maalmood ddaka soo galaya ay gaaraan 2,500, waxa sidaasi Warbaahinta u sheegay saraakiisha Mareykanka .
Qiyaastii 1,500 magangalyo-doon ah ayaa mara habka magangalya doonka rasmiga ah maalin kasta, ka dib marka ay samaystaan balamo iyagoo isticmaalaya abka Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha (CBP) ee loo yaqaan CBP One.
Saraakiisha maamulka ayaa sheegaya in isbedelada ay u badan tahay in ay la kulmaan caqabado dhanka sharciga ah oo ay kala kulmaan dadka u dooda socdaalka ama gobolada uu hogaamiyaan jamhuurigu.
Maamulka madaxwayne Biden ayaa qorsheynaya inuu ka difaaco siyaasadahan cusub maxkamada dalkaasi.
Dhanka kale, xisbiga Jamhuuriga, ayaa dhaleeceeyay qorshaha xuduudaha ee Biden oo ay ku tilmaameen khiyaano la dhigay sannad doorasho.
Waxay ku doodayaan in sharciyada looga soogalootiga ay horay-ba u jireen laakiin aanu si sax ah u fulin madaxweynaha Dimuqraadiga ah. | 9fe5fa67-3b83-463a-8d3b-b2277ca98d75 | 588 |
Ragga oo la sheegay in ay iska naaxaan kolka ay guursadaan - daraasad
Cilmi-baadhis cusub ayaa soo jeedisay in guurku uu saddex jibaaro halista cayilka ama buurnida xad-dhaafka ah ee ragga.
Khubaradu waxay ogaadeen in halista cayilku ay koordho labadaba ragga iyo dumarkaba, marka ay guursadaan, balse ragga ay si gaar ah u saameyso.
Cilmi-baadhayaashu waxay heleen in guurka uu kordhiyo halista ah in qofka uu fuulo miisaan dheeraada ah, gaar ahaa ragga 62 boqolkiiba, halka dumarku ay halis ugu jiraan 39 boqolkiiba marka la barbardhigo kuwa aan guursan.
Si kastaba ha ahaatee, ragga guursaday waxay saddex jibbaar iyo bar (3.2) ka badan yihiin kuwa aan guursan marka la eego halista buurnida, halka dumarka guursaday aysan wax xidhiidh ah la lahayn cayilka marka loo eego dumarka aan guursan.
Cilmi-baarayaashu waxay soo jeediyeen in tani ay la xiriiri karto kala duwanaanta dhaqanka iyo sida bulshada uga aragti duwan tahay cayilka ragga iyo dumarka.
Sidoo kale, daraasadda waxay muujisay in da'da sii kororta ay labadaba ragga iyo dumarka u kordhiso halista cayilka.
Cilmi-baaristan, oo lagu sameeyay lammaane ku nool Poland, waxaa lagu soo bandhigi doonaa shirweynaha Yurub ee Cayilka, kaas oo ka dhici doona Spain bisha May.
Daraasadda waxaa hoggaaminaysay Dr. Alicja Cicha-Mikolajczyk oo ka tirsan Machadka Qaranka ee Wadnaha, Warsaw, Poland.
Xogta cilmi-baadhistan waxaa laga qaaday 2,405 qof oo ka qeyb galay sahaminta Multi-centre National Population Health Examination Survey.
Dadkii ka qaybgalay cilmi-baadhistan waxay celcelis ahaan da'doodu ahayd 50 sano, waxaana 35.3 boqolkiiba ay lahaayeen miisaan caadi ah, 38.3 boqolkiiba waxay ahaayeen kuwa miisaan culus leh, halka 26.4 boqolkiiba ay ahaayeen dad cayilan.
Dadka waxaa la weydiiyay su'aalo la xidhiidhaa aqoontooda caafimaad, xaaladooda niyadda sida diiqadda, iyo taageerada bulshada (tusaale, inta jeer ee ay la xidhiidhaan qoysaskooda, saaxiibadooda, iyo qaraabadooda).
Qiyaastii 55 boqolkiiba dadka la baaray waxay lahaayeen aqoon caafimaad oo ku filan iyo taageero bulsho oo dhexdhexaad ah (50 boqolkiiba), halka 15 boqolkiiba ay sheegeen in ay la tacaalayaan diiqad.
Cilmi-baaristu waxay muujisay in sanad kasta oo qofku sii weynaado ay kordhiso halista miisaan culus ee ragga 3 boqolkiiba, halka dumarku ay 4 boqolkiiba tahay. Sidoo kale, sanad kasta oo da'du kororto, ragga halista cayilka waxay kor u kacdaa 4 boqolkiiba, halka dumarku ay 6 boqolkiiba tahay.
Dumarka, helitaanka aqoon caafimaad oo aan ku filnayn waxay kordhisay halista cayilka 43 boqolkiiba, halka dadka la ildaran ugu yaraan heerka hoose ee diiqadda ay halista cayilka labo jibaarantay.
Kooxda cilmi-baarayaasha waxay ku soo gabagabeeyeen:
"Da'da iyo heerka guurka waxay saameyn aan la dafiri karin ku leeyihiin halista cayilka xilliga qaangaadhka, iyadoo aan loo eegin jinsiga.
Dhanka kale, aqoon la'aanta caafimaad iyo ugu yaraan heerka hoose ee diiqadda waxay si gaar ah ula xidhiidhaan cayilka dumarka.
Waxay natiijadayadu muujinaysaa in faafinta aqoonta caafimaadka iyo dhiirrigelinta caafimaadka nolosha oo dhan ay yareyn karto dhibaatooyinka la xidhiidha heerarka sii kordhaya ee cayilka." | 2dd7f76a-999a-4d97-8d57-cc09fddd10e6 | 467 |
Abiy oo laga cabsi qabo inuu dagaal afaraad ka bilaabo Badda Soomaaliya marta
Dalka Itoobiya ayaa si weyn looga hadal hayaa dagaal cusub, kaasoo noqon doona kii afaraad ee uu qaado Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo muddo shan sano ah xafiiska jooga.
Abaabulka ciidan iyo soo iibsashada hub ayaa loo arkaa in qeyb ka tahay damaca Abiy uu ku doonayo helitaanka dakad ku taalla Badda Cas.
Abiy Axmed oo sanadkii 2019-kii ku guuleeystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, taas oo uu ku muteysatay soo afjariddii dagaalkii Itoobiya ay kula jirtay waddanka ay dariska yihiin ee Eritrea.
Bartilmaameedka ugu weyn ee Itoobiya ayaa ah dekedda Casab ee Badda Cas ee Eritrea, taas oo ka mid ahayd Itoobiya ka hor xorrnimadii Eritrea in ka badan 30 sano ka hor.
Tan iyo sanadkii 1998-kii dagaalkii Itoobiya iyo Ereteriya kadib, xiligaas oo la xiray xudduudka labada dal u dhaxeeya, dekadda Casab waxay ahayd mid daxalaysatay oo aan la isticmaalin, halka ganacsiga Itoobiya uu u wareegay dalka ay jaarka yihiin ee Jabuuti.
Dad badan oo Itoobiyaan ah iyo kuwa dalalka dariska ah ayaa u arka hadal dhawaan kasoo baxaya ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed in uu ahaa hanjabaad iyo in uu doonayo inuu awoodd isticmaalo si Itoobiya ay dakad u hesho.
Abiy Axmed oo dhawaan la hadlay ciidamo ka tirsan kuwa qalabka sida ee Itoobiya ayaa si cad u beeniyay inuu doonayo inuu ku duulo Eritrea, waxaana uu yir "Itoobiya waligeed kuma soo duulin dal kale, mustaqbalkana ma sameyn doonto."
Waxa uu sidoo kale ku baaqay wadahadal iyo shir-madaxeed degdeg ah oo ay yeeshaan urur goboleedka IGAD, oo ay ku mideysan yihiin siddeed waddan oo ku yaal waqooyi-bari Afrika.
Bishii Luulyo, Abiy wuxuu si cad u soo bandhigay arrinta ku saabsan helitaanka Itoobiya ee badda.
Waxaa uu sheegay in Itoobiya ay tahay dalka ugu dadka badan adduunka ee aan lahayn wax bad ah, ayna ku nool yihiin 125 milyan oo qof.
Helitaanka badda ayuu Abiy Axmed tilmaamay in ay ahayd mudnaanta koowaad ee boqorratooyadii Itoobiya, gaar ahaan Xayle Salaase oo xukumayay 1930 ilaa 1974kii.
Isaga oo soo xiganaya Janaraal caan ah, Qarnigii 19-aad, waxaa uu Abiy sheegay in Badda Cas ay tahay xuduudda dabiiciga ah ee Itoobiya
Qaar ka mid dadka Itoobiya ayaa hadalka ra’iisul wasaraaha u arka mid uu taageero siyaasadeed kaga raadinayo gudaha waddankiisa
Waxaa uu baaq u diray siyaasiyiinta kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada oo u ololeeya Itoobiya oo ah hal dal oo awood badan.
Qowmiyadda Amxaarada iyo Abiya ayaa siyaasadda ahaan kala fogaaday markii uu sanad ka hor heshiisa nabadeed la gaaray jabhadda TPLF ee waqooyiga Itoobiya, kaddib dagaal sokeeye oo uu dhiig badan ku daatay.
Bishii April ayuu bilaabay hawlgal milatari oo uu hub ka dhigis ugu samaynayo maleeshiyaadka Axmaarada, kuwaas oo ka barbar dagaallamaya ciidanka Itoobiya dagaalkii kooxda TPLF.
Abiy ma dakadda uu awoodda ku qabsaday ayuu rabaa inuu dhaxal ahaan dalkiisa uga tago?
Hadalka Abiy ayaa waxaa kale oo lagu macneeyay in uu qeyb ka yahay qorshe uu doonayo, kaas oo ah in dhaxal ahaan uu uga tago dakadda Itoobiya, uuna awoodda isticmaalo, hadii wadahadal uu guul darraysto.
Biyo xireenka Itoobiya ee wabiga Niil ee loogu talagalay inuu dhaliyo koronto ku filan itoobiya, ayna u dhoofin karto waddamada deriska ah ayaa ka mid ah waxyabaha uu hirgaliyay inta uu xafiiska joogay balse muranka badan abuuray.
Tartanka hubka ee gobalka iyo suurgalnimada dagaalka dhaca
Dalalka deriska la ah Itoobiya ayaa ku gacan sayray hadalka Ra'iisul wasaaraha Itoobiya. waxaana ka mid ah dalalka walaaca ka muujiayay Jabuuti, Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Soomaaliya iyo Kenya.
Ciidanka Itoobiya ayaa saddexdii dagaal ee ugu dambeeyay ee ay galeen ku guuldarrestay, waxaana kii koowaad oo ah kii ay kaga soo horjeedeen Ciidanka Xoraynta Oromada, oo aan welina dhammaanin.
Dagaalkii labaad waxaa ciidanka Itoobiya ay ku wajaheen Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayada oo markii danbe hal sano ka hor xabad joojin lagu dhammeeyay.
Ciidanka Itoobiya waxaa la sheegay in dagaalkii TPLF ay kaga dhinteen askar u dhaxeeysa 260,000 ilaa 520,000 oo askari halka 374,000 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dagaalka saddexaad ee ay galeen ciidanka Itoobiya waa kan hadda socada ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Axmaarada kaas oo bilaawday bishii April, askar badan ayaa dowladda looga dilay howagalkaas.
Wararka qaar ayaa sheegayaan in Eritrea ay hubaynayso maleeshiyaadka Amxaarada ee loo yaqaanno Fano.
Suurta-galinimada ah inay dagaal Itoobiya ku qaaddo dalalka dariska la ah, ayaa abuuri kara xasilooni darro gobalka ah, iyadoo uu biloowday loollan cusub oo dhanka hubka ah, Itoobiya ayaa soo iibsatay hub badan, sidoo kale Ereteriya iyo Jabuuti ayay u badan tahay inay ku dayan doonaan, xaaladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa in ay kasiii dari karto . | 8ad68899-69d0-4f50-bf21-a4194b25062f | 767 |
Kaniini laga yaabo inaad in badan isticmaashay oo la sheegay inuu rajo u yahay bukaannada kansarka
Xanuun-baabi'iyahan aan qaaliga ahayn ee aspirin maka hortagi karaa faafitaanka cudurrada sida kansarka? Saynisyahannada ayaa ogaaday arrintaas.
Tijaabooyin ay saynisyahanno ku sameeyeen xayawaanno ayaa lagu ogaaday in aspirin uu kordhiyo awoodda difaaca jirka ee la dagaallanka cudurka.
Koox baarayaal ka tirsan University of Cambridge dalka UK ayaa sheegay in daah ka qaadidda arrintan ee xiisaha leh isla markaana la fileyn ay rajooyin cusub u bidhaamin karto bukaannada kansarka si ay mustaqbalka dhaqaatiirtu ugu qoraan aspirin, balse weli ma iman xilliga la qaadi lahaa tallaabadan, dhaqaatiirta ayaana kula talinaya bukaannada inaysan isticmaalin kaniiniga aspirin haddii uusan dhaqtar u qorin.
Waa in maanka lagu hayaa in isticmaalka joogtada ah ee aspirin lala xiriiriyo khatarro, sidaa darteed tijaabooyinka saynisyahannada ayaa weli lagu go'aaminayaa noocyada bukaannada aadka uga faa'iidi doona kaniinigan.
Kansarka
Dad badan, marka ay maqlaan ereyga kansarka, waxay la xiriiriyaan cudur halis ah oo cawaaqib xun leh.
Laakin laga soo bilaabo 70-meeyadii, heerka badbaadada ee xanuunkan ayaa kordhay sababo la xirira ogaanshaha cudurka ee xilli hore sidaa darteed waa la daweyn karaa ka hor inta uusan aad jirka kale ugu faafin.
Dhibaatadu waxay tahay inta badan, sababtoo ah ma rabno inaan dhibno dhakhtarka ama ma siinno muhiimad ku filan, waxaan iska indhatiraa calaamadaha qaar oo muhiim u ah ogaanshaha hore.
Dhibatada ugu weyn waxay ka timaaddaa marka uu qofka iska indha tiro ama uu ka wahsado inuu booqdo dhakhtarka
Inta badan dadka qaba kansarka mar uun baa miisaankooda hoos u dhacaya.
Markaad miisaan lumiso sabab la'aan, waxaa loo yaqaanaa miisaan lumis aan la sharraxin.
Miisaanka oo is dhima 5 kiilogaram ama ka badan ee aan la sharraxin waxay noqon kartaa calaamadda ugu horreysa ee kansarka.
Calaamadan ayaa waxaa badanaa lagu arkaa dadka uu haleelo kansarka ku dhaca beeryarada, caloosha, hunguriga, ama sambabada.
Aspirin ayaa meesha ka saara saameynta ay unugyada kansarka ku yeelanayaan difaaca jirka.
Kaniinigan ayaa loo maleynayaa inuu si wanaagsan wax uga tarayo noocyada kansar ee goor hore la ogaado, waxaana la isticmaali karaa kadib daaweynta, sida qalliinka, si difaaca jirka looga caawiyo inay fahmaan unugyada kansarka ee laga yaabo inay goor hore jirka kale ku faafeen.
Ma waxaa lagu taliyaan aspirin in kansarka lagu daweeyo?
Su'aasha caadi ahaan maskaxda qof walba oo kansar la xanuunsanaya kusoo dhaceysa ayaa ah: Xaalkeyga maka gudbay mid aspirin uu wax ka tarayo?
"Haddii uu ku hayo kansar, ha ku cararin farmashiga si aad usoo iibsato aspirin," ayuu yiri Mangesh Thorat, oo ah dhaqtar qalliin iyo baare dhanka kansarka oo a tirsan Queen Mary University of London. "Balse si dhab ah uga feker inaad ka qeyb gasho tijaabooyinka caafimaad ee socda iyo kuwa mustaqbalka si loo go'aansado waxtarka aspirin."
Wuxuu intaa raaciyay in iyadoo daraasaddu ay shaaca ka qaadday qeyn aan hore loo ogey oo ku saabsan sida uu u shaqeeyo aspirinka, haddana ay jiraan su'aalo badan oo jawaab u baahan.
Aspirin ayaa dhiig-bax saa'id ah ku keeni kara jirka, oo uu ka mid yahay xanuunka faaligga, marka faa'iidooyinka waa in mar walba lala miisaamaa khataraha ka dhalan kara.
Sidoo kale lama oga in aspirin uu saameeyo dhammaanba noocyada kansarka amaba qaar ka mid ah uun. Waxaa intaa dheer, baaritaankan weli waxaa lagu hayaa xayawaannada, iyadoona saynidyahannadu ay rajo ka qabaan in natiijadan loo adeegsan karo bani'aadamka, waxay u baahan tahay xaqiijin iyo baaritaan dheeraad ah.
Saynisyahannada ayaa ogaaday faa'iidada aspirin-ka ee daaweynta kansarka, faahfaahinta ayaa lagu daabacay joornaalka sayniska ee Nature, si aan ku talogal ahayn, iyadoo saynisyahannadu aysan markaa baaritaan ku sameyneyn aspirin-ka.
Koox baarayaal ka tirsan Jaamacadda Cambridge ayaa baarayay sida difaaca jirku ula dagaallamo kansarka marka ay ku faafayaan jirka oo dhan.
Baarayaasha ayaa adeegsaday jiir hidde ahaan la farsameeyay waxayna ogaadeen inuu wax ka tarayo. | 055d8bd9-8411-4423-ba16-2b3a73c0805a | 622 |
Maxaad ka taqaanaa qaraarka 1701 ee Israa'iil iyo Qaramada Midoobay doonayaan in loo noqdo?
Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Israel Katz ayaa warqad u diray madaxweynaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo ka codsaday in uu cambaareeyo wax uu ku tilmaamay “weerarrada baaxadoodu wayn tahay” oo ay dhawaan ururka Xisbullah ee Lubnaan ku qaadeen Israa’iil, isaga oo ku baaqay, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal, dhaqangelinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1701.
Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada inay dib ugu laabtaan hirgelinta Qaraarka tirsigiisu yahay 1701, isla markaana ay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka si loo soo celiyo xasilloonida.
Ciidamada Qaramada Midoobay ee ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan (UNIFIL) ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si buuxda loogu heshiiyo hirgelinta qaraarka 1701, kaas oo "hadda aad uga muhiimsan sidii hore si la isula arko waxna looga qabto arimaha asaasiga ah ee iskahorimaadka sababay iyo in la hubiyo xasillooni waarta," sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahiyeen hawlgalku.
Warkaan ayaa ku soo aadaya maalin kadib markii ay kormeerayaashu ku tilmaameen waxa ka dhacaya Lubnaan in uu yahay weerarkii ugu dhimasho badnaa tan iyo bishii October, waxaana ku nafwaayay ugu yaraan 490 qof oo ay ku jiraan daraasiin haween iyo carruur ah, halka in ka badan 1,600 oo kalena lagu dhaawacay.
Si kastaba ha ahaatee, soo noqoshada hadalka ku saabsan Qaraarka 1701 ee dhinacyadaan ma ahan mid cusub, ee wuxuu socday tan iyo markii uu dillaacay dagaalka Gaza 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore. Haddaba waa maxay qaraarkan?
Muxu yahay qaraarka 1701, muxuuse muhiim u yahay?
Bishii Agoosto 2006, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay Qaraar tirsigiisu yahay 1701, kaasoo ku baaqaya in gebi ahaanba la joojiyo colaadda Lubnaan, lana soo afjaro dagaalkii labaad ee u dhaxeeyay Israa’iil iyo Lubnaan, kaasoo socday 34 maalmood waqtigaas.
Qaraarka Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Xisbullah in ay si deg deg ah u joojiso weerarrada ka dhanka ah Israa’iil, isla markaana ay si deg deg ah u joojiyaan dhammaan howlgallada militari, ayna kala baxaan dhammaan ciidamadooda ku sugan koonfurta Lubnaan.
Qaraarka tirsigiisu yahay 1701 waxa kale oo uu ugu baaqay dawladda Lubnaan in ay ciidamadeeda hubaysan geyso koonfurta iyada oo la kaashanaysa ciidamada UNIFIL, islamarkaana la hubinayo bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Khadka buluugga ah (xadka kala qaybiya Lubnaan iyo Israa’iil).
Qaraarkan ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo aag u dhexeeya Khadka Buluugga ah iyo Wabiga Litani ee koonfurta Lubnaan, kaas oo ka caagan qalab ciidan iyo ciidan hubaysan intaba, marka laga reebo kuwa ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Lubnaan iyo ciidamada UNIFIL.
Waxa uu sidoo kale ku baaqay qaraarku in la dhaqangaliyo qodobbada heshiiskii la magac baxay Taif iyo go’aamadii ka soo baxay qaraarada kala ah 1559 iyo 1680, oo ay ku jiraan hub ka dhigista dhammaan kooxaha hubeysan ee Lubnaan iyo meesha laga saaro ciidamada aan u dhalan Lubnaan marka laga reebo kuwa ay ruqsadda siisay dowladda Lubnaan.
Waxaa jira dad badan oo aaminsan in qaraarka tirsigiisu yahay 1701 uu gacan ka geystay abuuritaanka xasilloonida Lubnaan muddo 17 sano ah, laga soo bilaabo dhamaadkii dagaalkii labaad ee u dhexeeyay Israa'iil iyo Lubnaan 2006, ilaa uu dillaacay dagaalka Gaza ee todobadii Oktoobar.
Si ka duwan xaaladda dagaalka Gaza, qaabka qorshaha xabbad-joojinta dagaalka Lubnaan ayaa ah mid horeyba jiray oo ku qotoma Qaraarka 1701, sida ay qorayso majaladda Ingiriiska The Economist.
The Economist ayaa waxay ay qortay in qaraarka 1701 uu dhab ahaantii yahay mid dalbanaya in Xisbullaah ay ciidamada kala baxdo wuqooyiga wabiga Litani, iyada oo ka fogaaneysa xuduuda Israa’iil ilaa 30 km.
Balse hugaamiye kooxda, Xassan Nasrallah, ayaa waxa uu marar badan ku soo celceliyay in ururku uusan hakin doonin gantaalaha uu ganayo dhinac Israa’iil, inta ay Israa’iil ka joojineyso dagaalka Qasa, sida uu isagu sheegay. | 42679065-5b17-487e-a7aa-c8f10e245844 | 636 |
Wax ka ogow filim Soomaaliyeed oo gudaha dalka lagu sameeyey oo dhawaan ku guulaystay abaalmarin caalami ah
Waddanka Tanzania ayaa dhawaan waxaa abaalmarin lagu guddoonsiiyey filim Soomaali ah oo ah nooca musalsalka loo yaqaanno ee taxanaha ah.
Filimka oo la magac baxay "Shabakadda" ayaa ku guulaystay abaalmarin la yiraahdo Chairman's award, taasoo lagu bixiyey bandhigga 28aad ee caalamiga ah ee filimada ee Zanzibar International film Festival ee lagu qabtay dalka Tanzania.
Filimka waxaa qayb ahaan hagayeyVictor Gatonye, waxaana soo saaray C/qaadir Sheekh Maxamed (Caato Shaacir) oo ah filim sameeye iyo filim soo saare ka tirsan Masrax Production oo ah shirkad filimada samaysa, oo sida uu caato sheegay hore u samaysay filimaan laga daawaday gudaha dalka.
Laba filim oo kale oo lagu sameeyey Ruushka iyo Jamaica ayaa iyagana abaalmarintan la siiyey sida uu BBC u sheegay Caato.
"Waxay ahayd abaalmarintii ugu horreysay ee la bixiyo, annagana filanwaa ayey nagu noqotay oo waan malaysan weynay. Filimkeenna waxaa laga fiirsaday meelo badan oo ay ka mid yihiin Hoteello iyo tiyaatarro ku yaalla Zanzibar" ayuu ku sheegay Caato Shaacir waraysi uu BBC siiyey.
BBC waxay kaloo weydiisay bal inuu sharraxo filimkan sheekadiisa iyo farriinta uu xambaarsan yahay. "Filimka Shabakadda wuxuu ku saabsan ayahay koox Shabakad ah oo isku xiran oo ilaa meel sare gaarsiisan, kana ganacsata kelyaha dadka, carruurta yaryar, tahriibinta dadka, waana filim ah nooca 'Thriller' oo ah aflaamta xiisaha leh" ayuu yiri soo saaraha filimka.
Ujeedada ay ka leeyihiin samaynta filimkan ayuu ku tilmaamay inay isugu jirto madadaalo iyo wacyigelin waxa ka dhacaya bulshada dhexdeeda.
Wuxuu kaloo ka hadlay waxa ay uga dhigan tahay in filim ay soo saartay shirkadooda Masrax Production, Soomaalina ay sameeyeen uu abaalmarin caalami ah ku guulaysto.
"Waxaan rabnaa in aan beddelno sawirka khaldan ee Soomaaliya laga haysto oo aan dadka tusno in Soomaaliya ay tahay dal soo kabsaday oo horumar samaynaya, dadkuna yihiin dad nabadda jecel oo doonaya in ay dalkooda dhistaan. Waxaan kaloo rabnay in aan soo nooleyno filim samaynta Soomaaliya. Dalka waxaa ku yaallay wakaaladda filimada, wuxuuna lahaa Shineemooyin".
Labada qaybood ee hadda lagu soo bandhigay xaflada filimada caalamiga ah ee Zanzibar waxaa hagayey agaasime Kenyan ah oo la yiraahdo Victor Gotanye, halka labada qaybood ee musalsalkaas ka dhiman ay samayn doonaan filim sameeyeyaal Soomaali ah, sida u sheegay Caato Shaacir.
Labada filim ee kale ee ay abaalmarinta chairman's award ku wada guulaysteen ayaa kala ah The house of Raising hope oo ay samaysay Anna Veilert, iyo Believe oo uu sameeyey JP Williams.
Bandhiga Filimada Caalamiga ah ee Zanzibar (ZIFF) waa bandhigga ugu weyn filimada ee Bariga Afrika oo loogu talagalay soo bandhigga filimada, muusiga iyo muuqaalada bulshada. Sannad kasta ZIFF waxay tartansiisaa in ka badan 100 filim oo lagu sameeyo Afrika, Bariga Dhexe, Yurub, Latin America, USA iyo Asia iyadoo mudnaanta siinaysa filimada Afrika iyo Afrikaanka oo ay ku jiraan Qurba-joogta Afrika.
Bandhiga waxaa ka soo qayb gala in ka badan 45000 oo qof 9-ka maalmood ee xafladda ay ka socoto ee Stonetown oo keliya. Stonetown waa magaalo qadiimi ah oo ku taalla gobolka Zanzibar ee dalka Tanzania, waxayna xafladdan soo jiidataa kumanaan dalxiiseyaal ah.
Filimka 'Shabakadda' waxaa jilayaasha ugu muhiimsan ee ku jira ka mid ah Xuseen Cilmi Cali (Otte Dheere) oo hore tiro filimaan ah uga soo noqday jilaa.
Waxaa kaloo filimkan oo laga fiirsan karo App-ka Nasiye ka mid ah dadka jilaya Nimco Heybe, Faa'isa Xuseen Bashiir (Samara Queen), Yuusuf Mahad (Yuusuf Islaam), Maryam Mimi, Cali C/Qaadir Abaabala, Baaba-isku tasho, Safa Adam, Safa ukunta iyo jilayaal kale oo ah dhalinyaro bulshada dhexdeedana saameyn ku leh iyo fanaanka Dayax Dal-nuurshe oo kaalin soo muuqasho ah ku leh filimka. | 86e33960-0b33-4067-825b-43f5377fa5e8 | 596 |
Wax ka ogow jeelka 'injirta iyo nadaafad-xumada' lagu sheegay ee uu dhowaan iska dhiibi doono Trump
Maalmaha soo socda, Donald Trump ayaa isku dhiibi doona booliiska gobolka Georgia. Waxaa lagu wadaa inay saacado kooban qaadayo muddada uu la joogaayo waaxda caddaaladda dembiyada - halka dadka kale ay intooda badan aysan sidaa u nasiib badneyn.
Maamulka gobolka ayaa maanta ku dhawaaqay in Mr Trump iyo 18-ka kale ayaa la "la filayaa" inay iska diwaan geliyaan Xabsiga Fulton County ee Atlanta kahor inta uusan tgain maxkamadda, inkastoo maamulku ka digay inay "xaaladuhu is beddeli karaan".
Wuxuu Trump ku qasban yahay inuu 25 August iska xaadiriyo maxkamadda si uu u wajaho eedeymaha ah inuu isku dayay inuu isdaba mariyo naiijada doorashadii 2020 ee gobolka ka dhacday.
Pat Labat, oo ka tirsan maamulka gobolka ayaa sheegay in saraakiishu ay raaci doonaan shuruucda caadiga ah marka ay la dhaqmayaan Mr Trump.
Balse khubarrada ayaa sheegaya inaan loola macaamili doonin sida dadka kale ee xabsiyada adag ku xirnaada muddo toddobaadyo ah, bilooyin amaba xitaa sanado iyagoo sugaya maxkamadeyn.
Dalka Mareykanka, dadka dacwadaha lagu soo oogo waxay ku sugaan xabsiyada haddii lasoo xiro, iyagoo sugaya maxkamadeyn, amaba inay muddo kooban jeelka ku jiraan. Xabsiyada waa halka ay dembiilayaashu ku qaataan waqti dheer kaddib marka xukunku ku dhaco.
Boqollaal qof ayaa in ka badan 90 maalmood lagu hayaa Jeelka Fulton County sababtoo ah weli si rasmi ah looma xukumin amaba ma awoodaan inay damaanad bannaanka ku joogaan, sida laga soo xigtay warbixinta September 2022 ay soo saareen midowga American Civil Liberties Union (ACLU).
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in 117 qof ay xabsiga ku sii sugayaan ilaa laga xukminayo in ka badan sanad.
Xaalado 'aad u adag'
Waxaa la dhisay sanadkii 1985 si loogu xiro ilaa 1,300 maxaabiis, wuxuuse Fulton County Jail sanadihii lasoo dhaafay hoy u ahaa ilaa 3,000 oo qof.
Jeelkan ayaa waxaa ka jira "xaalado nadaafad-darro ah" oo horseeday inuu ka dillaaco xanuunka safmarka ah Covid-19, injir gashay maxaabiista iyo waxyaabo kale, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Xarunta Koofureed ee Xuquuqda Aadanaha. Waxaa warbixinta lagu sheegay in maxaabiistu ay aad macluul u heysay ayna qaarkood xanuunsanaayeen.
Xaaladahaan aadka u daran ayaa sababay dhimasho.
Toddobaadkii la soo dhaafay, nin 34 jir ah ayaa ku suuxay xarun caafimaad oo gudaha xabsiga ku taalla, halkaasoo uu ku jirya tan iyo sanadkii 2019.
Wuu soo roonaaday, balse haddana isbitaalka ayuu ku geeriyooday sida laga soo xigtay xafiiska maamulka degmada.
Wuxuu ahaa qofkii lixaad ee sanadkan ku dhinta gudaha xabsiga.
Noni Battiste-Kosoko waxay ahayd 19 jir markii ay ku geeriyootay Jeelka Fulton County bishii July, iyadoo loo soo xiray dembiyo xoogaa fudud.
Xarunta Atlanta ee dadka lagu xiro ayaa lagu arkay iyadoo miyir daboolan.
Qoyskeeda ayaan weli loo sheegin sababta geerideeda, sida uu BBC-da u sheegay qareenka qoyska.
Arrin isa soo tareysa
Markii la dhisay sanadihii 1980-meeyadii, jeelkan wuxuu ahaa mid astaan u ah gobolka, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha gobolka balse haatan ma aha.
Wuxuu sheegay in jeelku u baahan yahay in la dumiyo dibna loo dhiso, qarashkana ay bixiyaan dadka magaalada.
Maamulka magaalada ayaa sidoo kale qirsan xaaladaha adag ee ka jira dhismahan ee kasii daraya. Wuxuuna maamulku codsaday adduun dhan $1.7bn si dib loogu dhiso.
"Waxaa jirtay in in badan laga hadlay nadiifintiisa," ayay tiri Ms McClure oo ka tirsan ACLU. | 6b6d7479-a404-40d6-b6b6-f6e46dad678f | 547 |
Sida wiilkan Falastiiniga ah loogu dhibaateeyay Sacuudiga isaga oo doonaya in uu soo xajiyo
Suleymaan Al-Shaacir oo ah nin dhalinyaro ah oo reer Falastiin ah isla markaana haysta Baasaboorka Masar, ayaa fadhiya mid ka mid ah Xafiisyada Guddiga Xajka iyo Cumrada ee dalka Sucuudiga, waxaana la soo deristay murugo iyo naxdin kala duwan, sida uu ogaaday.
Saacado ka hor ayuu dhibane u noqday fadeexad ay ku kacday mid ka mid ah shirkadaha xajka ee “beenta” ah ee bixiya ruqsadaha xajka.
Wax ka yar toddobaad ka hor ayuu Al-shaacir gaaray dalka Sacuudiga gaar ahaan magaalada Maka, isagoo ka yimid Masar, isla markaana sitay dal ku galka Sacuudiga.
Kadib markii uu soo galay Boqortooyada, wuxuu la xiriiray mid ka mid ah shirkadihii ku dhawaaqay xirmooyinka xajka ee qiimaha "kadib soo jiidashada" baraha bulshada, isagoo rajeynaya inuu helo ogolaansho u saamaxeysa inuu soo guto xajka.
Waxa uu sheegay in uu ku dhacay dabinka xayaysiis “majaro habaabin ah” oo lagu baahiyay baraha bulshada oo ay leedahay shirkad sheegtay in ay fadhigeedu yahay Imaaraadka.
“Waxaan siiyay (Shirkadda) 6,000 Dirham (oo u dhiganta in ka badan $1,600) si’aan u helo ruqsad aan xajka kusoo guto, dhab ahaantii waxay ii soo direen sharci iyo koodh Elektarooniga ah (oo loo yaqaanno Barcode) oo xajka ah, laakiin waxaan ogaaday in lay khiyaaneeyey sababtoo ah dhammaan waraaqaha waabeen abuur."
Al-Shaacir ayaan sanadkan gudan karin waajibaadka xajka, waxaana sidoo kale uu waayay lacagtii uu siiyay shirkadda oo uu sheegay in wakiilladooda ay hadda ka fogaadeen inay la xiriiraan.
"Waxaan dareemayaa murugo sababtoo ah waxaa la igu sameeyay khiyaano sababtay in aan lacagtaydii iyo xajkayga labadaba ku waayo."
Sacad Al-Qurashi waxa uu la-taliye u yahay Guddiga Xajka iyo Cumrada ee heer Qaran, kaas oo u xilsaaran la socodka shirkadaha dalxiiska ee gudaha Boqortooyada Sucuudiga iyo hubinta saxnaanta bayaannada laga soo saaray Xajka. Waxa uu BBC-da u sheegay in dad badan oo Al-Shaacir oo kale ah aysan ogaanin in ay ku dhaceen wax is-daba-marin ilaa ay ka imaanayaan xarunta guddiga, si ay u dhamaystiraan howlaha Xajka oo ay u helaan caddaymo ay qaataan. Waxay ku tusinaysaa inay yihiin xujay caadi ah.
“Markii ay kuwa fasaxa Xajka sita noogu yimaaddaan sharcigii la soo saaray iyo koodhka, waxaan ogaanay inay dhamaantood been abuur yihiin oo waraaqihii iyo kaadhadhkii aqoonsiga ee shirkado been abuur ahi u soo direen ay khaldan yihiin.
Arintan ayaa qofka laga hor istaagayaa in uu xajka soo guto,kadib markii ay ka luntay lacag badan oo uu shirkadahan ku wareejiyay”.
Al-Qurashi, oo ka tirsan guddiga xiriirka la leh Golaha Rugaha Sacuudiga, ayaa tilmaamay in ay jiraan kooxo badan oo burcad ah oo si gaar ah uga howlgala Masar, Suuriya iyo Ciraaq xilligan, isagoo ku macneeyay in uu arkay ugu yaraan saddex howlgal oo khiyaano ah hal toddobaad gudaheed.
Al-Shaacir oo fadhiya xafiiska guddiga Xajka iyo Cumrada ee heer qaran, isagoo ka rejo beelay gudashada waajibaadka xajka in kasta oo uu Sacuudiga joogo, wuxuu BBC-da u sheegay in uu ku khaldamay lacag uu ku wareejiyay shirkad aan lagu kalsoonaan karin haddii. Waxa kale oo uu ku taliyaa in aan lacag lagu wareejin shakhsiyaad ama wakiillo shirkado dibadda ah. Habab aan rasmi ahayn ayaa loo isticmaali karaa bixinta oggolaanshaha Xajka.
Cabdul Wahaab oo asal ahaan ka soo jeeda Pakistan ayaa BBC u sheegay in uu dagaal dheer la galay shirkad u ballan qaaday wax aan la heli karin, ka hor inta uusan awoodin in uu soo ceshado 7,000 oo Pound (oo u dhiganta $9,000) oo uu ku wareejiyay isagoo ah Hormarin bixinta xirmada Xajka oo ay bixiso mid ka mid ah shirkadaha. Xajka iyo Cumrada Ingiriiska.
Taasi waxay ahayd 2020-kii. Waqtigaas, nidaamka rasmiga ah ee xirmooyinka xajka uma baahneyn buuxin iyada oo loo marayo madasha "Nusk", taas oo mas'uuliyiinta Sucuudigu ay sameeyeen 2022-kii. Si ay u noqoto goobta kaliya ee rasmiga ah ee dijitaalka ah ee bixinta ogolaanshaha Xajka ee xujaajta Yurub, Mareykanka, iyo Australia.
Sida laga soo xigtay tirakoobka rasmiga ah ee Sacuudiga, tirada xujeyda sanadkii hore waxay kor u dhaaftay hal milyan iyo sideed boqol oo kun oo xujey ah, waxaana boqolkiba xujeyda dibadaha ay gaareen 90% guud ahaan xujeyda, taasoo tirada ka dhigeysa in ka badan hal milyan iyo lix boqol oo kun oo xujey ah.
Marka loo eego qiyaasaha Goluhu, 3% kaliya ee tirada guud ee dadka lagu sameeyay howlgallada been abuurka ah ayaa soo gudbiya warbixino rasmi ah, taasoo muujineysa in celceliska da'da xujeyda ee ugu nugul howlahan ay tahay 42 sano. | 58aeafe9-9253-4864-9fc6-d33c30d51db1 | 732 |
Madaxtooyada Soomaaliya oo ka jawaabtay eedeymihii "Afgembi" ee loo jeediyay
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabatay eedaymihii uu u jeediyay Ra''iisul wasaare Rooble oo ahaa inuu madaxweynahu isku dayay af-gambi ka dhan ah xukuumadda.
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta,ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi,ayaa ku eedeyay Ra''iisul wasaaraha inuu ku fashilmay doorashadii loo igmaday uuna qaatay go'aanno u gaar ah .
"Warkaas ma aha, war sal iyo raad leh, waa la yaqaanaa macnaha uu leeyahay ereyga afgembi.. Ra'iisul Wasaaraha waxaa loo diray doorasho muddo 14 bilood ah ayuu arrintaa waday, waana ku guuldareystay" ayuu yiri Cabdirashiid.
Waraqad xalay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu Ra'isal wasaaraha uu soo galay tuhun musuqmaasuq iyo ku takrifal dhul dan guud ah.
"Awooddiisii waa la hakiyay, shaqo ka joojin baa lagu sameeyay, markaa afgembi taasi ma aha" ayuu yiri agaasimaha madaxtooyada.
Wuxuu u warramay weriyaha BBC-da Faadumo Taxadar Yuusuf. | 2ee7f527-7396-4184-8731-803f1309cbda | 147 |
Waligaa ma is weydiisay sababta aynaan sariirta uga dhicin markaan hurudno?
Xitaa haddii aad ka mid tahay kuwa sariirta jabiya hurdo weynan darteed illaa subaxa laga gaaro, qof waliba wuu ogyahay in maskaxda iyo jidhkuba firfircoon yihiin marka aan jiifno.
Marka aan hurudno ma riyoonno oo kali ah ee waynu khuurinnaa, waynu sheekaynaa, waan qosolnaa, waynu qaylinaynaa, waan is gedinaa, waan is duuduubnaa, oo waan is kala bixinnaa—xataa mararka qaar gacanbaan tuurnaa waynuna haraatanna.
Dhammaan waxyaabahaasi waxay dhacaan innaga oo weli hurudna marka aan soo kacno warna ka haynin wixii dhacay.
Balse haddii aad ku seexato sariir yar oo aad duurka dhigatay oo ballaceedu ka yaryahay 65cm ama aad ku seexato sariirta arooska ee 200 cm, waxa ay u badan tahay in aad ka soo dul kacdo halkii aad seexatay, si walba oo aad u daallanayd.
Haddaba maxeynaan sariirta uga dhicin?
"Waa arrin cajiib ah sababtoo ah waxaan u maleynaa in marka aan seexanno aynu gebi ahaanba ka go'no agagaarkeenna, laakiin maya: haddii qof kuu dhow uu qayliyo, waad soo toosaysaa," ayuu Russell Foster, oo ah bare sare oo ka tirsan Jaamacadda Oxford ee UK, u sharraxay barnaamijka Crowd Science ee BBC. .
“Inta aan jiifno jirkeennu wuxuu xogta ku aruurinayaa xog qaadayaasha” oo loo yaqaan Receptors waana qayb ka mid ah maqaarka sare oo qaada xogaha sida qabowga, kuleylka iwm.
Saas darteed haddii aad hurda culus ku jirto ogow waxaa jira qayb kamida dareemadaada oo aan ayagu seexanba.
“Waa sida dareenka lixaad oo kale. Waxaa lagu yaqaan sida dareenka lixaad in aanay kobocsanayn marka aad yar tahay – waa saas darteed sababta carruurta qaar ay uga dhacaan sariirta – balse marka aan soo weynaanayno wuu soo wanaagsanaadaa.”
Saas darteed marka “dareemadu inagama tagaan” marka aan hurdada dhacno, khaasatan hurdada aan soo kacno innaga oo aan miyir daboolnayn – ama aan dhinacu ina bararsanayn.
Dareenka lixaad?
Dhaqamada caanka ah qaarkood, dareenka lixaad waa aragti dheeraad ah oo la xiriira dareenka sida odoroska oo kale ama ogaanshaha aad shey ogaato shanta dareen qaade la’aantood (aragga, maqalka, taabashada, urka iyo dhadhanka), si kale waxaa loo yaqaan awoodda lagula xiriiro caalamka ruuxda.
Balse culumada sayniska oouu ka mid yahay Foster waxay ula jeedaan dareenka lixaad wax ka yar duwan taas.
Waxay saynisyahannadu u yaqaannaan ‘proprioception’, waxayna khubarradu ogaadeen awooddan wax ka badan qarni ka hore.
Balse waxa aan si qeexan loo aqoon ilaa lagasoo gaaro siddeetan sano ka hore ayaa ah intee in la eg ayaan ku tiirsannahay awooddan.
Ma doonaysaa inaad si toos ah u aragto awooddan?
Xir indhahaaga kadibna caaradda fartaada midig ee suulka ku xigta ku taabo suxulkaaga bidix.
Sow ma fududa? Haddaba seed u samaysay ileen ma aragtide?
Si aad ku ogaatayba waxaad ogayd halka ay fartaadu jirto iyo waliba dhinaca uu suxulkaaga bidix jiro.
Sidoo kale waxaad tilmaan ka bixin kartaa dhammaan qaab dhismeedka jirkaaga adiga oo aan arkin.
Haddaba tani waa ‘proprioception’: oo ah ogaansho aynu leenahay oo ah ka war haynta meesha xubin walba oo jidhkeenna ka mid ah ay ku talo/jirto.
Tijaabadan kale samee adiga oo fartaada murdisada ee gacantaada bidix ama mid ku taabanaya caaradda hore ee sankaaga, balse indhaha isku qabo marka hore, sida sawirka hoose ka muuqata.
Waxay awooddani ku suurta gashay xiriirka baaqyada ay maskaxda u dirayaan dareen qabtayaashaada murqaha, seedaha, maqaarka iyo kala goysyada jidhkeenna ku sugan, kuwaas oo maskaxda ku war galinaya dheerarka muruqa iyo kala bixitaankiisa, wareegga isgoysyada, isbaddelka xubinka iyo kala jiidanka maqaarka.
Waxuu inoo suurta galinayaa inaan ogaanno dhanka ay xubnaheennu u socdaan, iyo inaan ka war hayno marxaladda jidhka iyo isu dheelli tirnaanta.
Tusaale; waa dareenka kuu sahlaya inaad is qabato marka aad turanturooto ama kufto. Inkastoo uu jiro nidaam kale oo is xakameynta jidhka door muhiim ah ka ciyaara.
Kasoo qaad inaan indhaha kaa xiray ka dibna aan si tartiib ah horay kuu liiciyey.
Waxaad isla markiiba dareemaysaa in booska jirkaaga ee cuf-isjiidadka dhulka uu is badalay.
Tan waxaa sababa nidaamka dareeraha 'vestibular-ka' ee ku jira dhegta gudaheeda, kaas oo naga caawiya ilaalinta dheelitirka.
Laakiin kuwani runtii waxba inagama caawiyaan inaynaan sariirta ka dhicin, maaddaama ay daboolmayaan markaan seexanno.
Aan dib ugu laabanno (Proprioception)-kii, anagoo soo xiganayna maqaal lagu daabacay barta wararka akadeemiyada ee The Conversation.
"(Proprioception) waa qayb muhiim ah oo ka mid ah 'nidaamka meelaynta caalamiga ah', kaas oo lagama maarmaan u ah nolol maalmeedkeena sababtoo ah waxaan u baahanahay inaan ogaanno meesha aan ku jirno si aan u guurno/dhaqaaqno" ayaa lagu yiri qayb ka mid ah maqaalka, oo ay qoreen afar aqoonyahan.
"Proprioception-ku waxuu inoo oggolaadaa inaan go'aaminno booska, xawaaraha iyo jihada qayb kasta oo jirkeenna kamid ah, haddii aan aragno iyo hadii walbaba, sidaas darteed wuxuu u oggolaadaa maskaxda inay hagto dhaqdhaqaaqyadeenna."
Awooddan awgeed, marka aan seexanno, waxaan u dhaqaaqi karnaa si xor ah, balse innaga oo aan ka gudbin xadka sariirta. | f75ba50c-63b3-49b9-8619-fb32321dc197 | 792 |
Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho
Hadal heyn xoogan ayaa ka dhalatay kadib markii culimadii joogay Masjid ku yaalla deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedkaMuqdisho ay diideen in salaada Janaasada ay ku tukadaan mayd la Keenay Masjidka.
Sheekh Nuur Cali Jaamac oo kamid ah culimada masjidkaas oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka hadlay sababta loogu tukan waayay marxuumka ee dib looga celiyay masaajidka.
Waxaa uu sheegay in Maasidka oo ah mid weyn maalin walba la keeno meyd, isla markaana ay aaminsan yihiin in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad wada islaam ah, sidaas daraadeedna aysan iyagu dadka weydiin in qofka la keenay uu yahay islaam ama gaal, waa sida uu hadalka sheekhu u dhigay.
"Dhammaan dadka Soomaaliyeed asalkooda waa dad Muslimiin ah, qofkii isaga ka baxay Islaamka isaga ayay u taallaa” ayuu yiri Sheekh Nuur Cali Jaamac.
Sheekh Nuur Cali Jaamac oo ka mid ah culimada Masjidka Waalidayn ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkii wax ka waday marxuumka ay sheegeen in 'uusan tukan jirin salaadda', kadibna culimada ay ka sii xaqiijiyeen wiil uu dhalay marxuumka, sidaasna loogu tukan waayay maydka la geeyay masjidka.
Intaas kadib ayuu sheegay Sheekh Nuur Cali Jaamac in culimadii masaajidka joogtay ay go'aansadeen" in aysan ku tukan marka uu dhinto qof isaga oo nool oo caafimaad qaba salaadda diiday".
Culimada cilmiga fiqiga waxay isku raaceen in xukunka salaadda janaasada uu yahay mid Faradul kifaayo ah oo haddii muslimiinta qaar ka mid ah ay gutaan laga dhaafayo inta soo hartay, hadiise la waayo cidda qabta la wada danbaabayo sida uu BBC-da u sheegay Sheekh Shariif Cabdullahi Shariif Shariif xasan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku sugan magagaalada Nairobi ee dalka kenya.
Shariif Cabdullahi Shariif Shariif xasan Waxaa uu sheegay in qofka aan salaadda daa'imin waxyaabo badan laga fiiranayo oo aan la iska diidayn in lagu tukado salaadda janaasada ah.
"Qofka Taariku salaadka ah culimada islaamka labo ayay u kala qaadaan, in uu yahay qof salaadda uga tagay isaga oo diidan in ay waajib ku tahay iyo in uu yahay qof wahsi iyo culeys ay u gaysay, marka hadii uu yahay qof diidan in salaaddu waajib ku tahay kaas laguma tukanayo" ayuu yir Shariif Cabdullahi Shariif Xasan .
"Laakin hadii qofku salaadda wahsi iyo culeys uga tagto waa lagu tukan karaa waana qof muslim ah oo caasi ah" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Shariif Cabdullahi waxaa uu sheegay in ay jiraan dad badan oo wahss iyo culeys uga tagto salaada, ayna qabaan culimada islaamka intooda badan in aan lagu xukmin karin sida dadka aan muslimka aheyn oo kale.
"Culimada islaamka oo dhan waxaa ay isku raacsan yihiin hadii qofka salaada uga tago wahsi in aan lagu xukminaynin gaalnimo" ayuu yiri Shariif Cabdullahi.
Culimada islaamka ayuu sheegay in ay qabaan hadii qof muslim ah uu dhinto oo aan lagu tukan salaada jaansada uu danbi uu ka dhalanayo.
"Wax kasta oo danbi ah Allah wuu dhaafa oo aan ka ahayn shirkiga marka haddii qofku ahlu imaan ahaa in allah u dhaafo ayaa laga yaaba, marka waa lagu tukanayaa".
Dhacdadan shalay ka dhacday duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Tabeellaha Sheekh Ibraahim ayaa ah mid naadir ah,kuna cusub magaalada Muqdisho, iyadoo dad badan ay si weyn ugu hadal hayaan baraha bulshada ay ku xariirto. | 8b55420b-b04e-4f2f-9bc3-4188c0a8b92f | 539 |
"Nin jaad cuna gabar lama siinayo" amarrada ka dhanka ah khaatka ee laga soo saaray deegaankan Soomaalidu degto
Deegaanka Sala ee Ismaamulka Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa toddobaadkan soo saaray amarro ka dhan ah khaatka, sida cunista iyo ka ganacsigiisa.
Amarrada oo ay soo saareen guddiga odayaasha deegaanka oo ay warbaahinta la wadaageen ayaa lagu sheegay "in aan khaat lagu dhex gadi karin magaalada dhexdeeda, lagu dhex cuni karin, in nin khaat cuna aan gabar lagu dari karin sidoo kalena aan janaaso lagu tukaneyn".
"In ninka jaadka cuna aan janaaso lagu tukaneyn waxaan kala jeednaa, kuwa aan salaadda tukan oo sida diinta qabto lagu fulinayo. Qofka jaadka cuna ee salaadda tukada isaga kuma jiro, waa la waaninayaa," ayuu BBC-da u sheegay Aadan Daahiye Qoriyow oo odayaasha deegaanka ka mid ah.
Odayaasha oo shir jaraa'id qabtay kuna dhawaaqay amarradan ayaa sheegay in khaatku uu dhibaato badan ku hayay deegaankooda, gaar ahaanna dhalinyarada iyo ardayda iskuullada dhigata.
"Waxaan dhammaan dadka deegaanka Sala isku raacnay in la fuliyo amarradan, qofkii fuin waayana uu muteysanayo ciqaab ay ka mid tahay in bulshada laga dhex saarayo," ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha ka hadlay shirka jaraa'id.
Aadan Daahiye ayaa sheegay in kahor inta aysan amarka soo saarin ay sameeyeen wacyigelin ballaaran oo ku aaddan khaatka, taas oo ay haatan ku guuleysteen.
"Ilaa afar bilood ayaan wadnay wacyi-gelinta. Waxaa jiray afar dumar ah iyo hal nin oo magaalada jaad ku iibin jiray, markaan kala hadalnay way naga oggolaadeen oo hadda ganacsiyo kale ayay furteen," ayuu intaa raaciyay.
Wuxuu BBC-da u sheegay in sababta ku kalliftay amarradan ka dhanka ah khaatka ee deegaanka ay tahay dhalinyarada ay ka midka yihiin kuwa iskuullada dhigta oo isticmaalayay khaatka, sida uu sheegay.
"Waxaa nagu kallifay ardaydii oo khaatka baratay, kaniiniga daroogada cuneysa iyo haweenkii oo kasoo cabanaya raggooda jaadka cuna oo aan biileynin," ayuu yiri Aadan.
Amarkan ayaa sidoo kale quseeya waxyaabaha kale ee daroogo ahaanta loo isticmaal sida xashiishka iyo tubaakada.
Ma aha keliya deegaankan meelaha mamnuucay jaadka, balse sanadkii lasoo dhaafay barasaabyada saddex gobol oo Kenya ka tirsan ayaa mamnuucay ka ganacsiga khaarka iyo isticmaalkiisa, gaar ahaanna nooca loo yaqaanno maguka.
Barasaabyada Mombasa, Kilifi iyo Taita Taveta ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo khaatka, taas oo caro ka dhalisay deegaannada kale ee khaatku ka baxo ee Kenya.
Mamnuucidda ayay ku sababeeyeen saameynta xun ee uu leeyahay, gaar ahaanna uu ku leeyahay dhalinyarada.
Hase yeeshee, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa laalay amarradaas, isagoo sheegay in khaatka nooca maguka uu ka ganacsigiisa sharci yahay sidaa darteedna aysan ahayn in la mamnuuco.
Muguka, waa nooc khaatka ka mid ah oo rakhiis ah, aad saameyn u leh isla markaana ah mid lala qabsado, waxaana aad looga isticmaalaa deegaannada xeebaha iyo kuwa gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Barasaabka Mombasa Abdulswamad Shariff Nassir ayaa marka ay amarka manuucidda soo saareen sanadkii hore sheegay in in ka badan kala bar dadka ku jiray xarunta dhaqan-celinta Mombasa ay ahaayeen kuwo isticmaali jiray khaatka maguka.
Saameynta khaatka uu leeyahay
Labada maaddo ee ku jirta khaatka ayaa dardar-geliya maskaxda iyo jirka qofka, waana maaddooyin xoogaa ka awood yar tan amphetamine oo iyadana ah daroogo.
Khaatka ayaa dadka ka dhiga kuwo hadal badan balse sidoo kale wuxuu sababaa hurdo la'aan iyo jahwareer muddo gaaban jira.
Dadka cuna oo saacado fadhiya ayaa wuxuu siiyaa dareen degganaan ah, sida ay sheegeen dadka qaar.
Daroogada khaatka ayaa laga yaabaa in dadka qaba xaaladaha maskaxda ay uga sii darto isla markaana ku keento dareen isku buuqsanaan iyo qallafsanaan ah.
Sidoo kale khaatka ayaa caabuq ku keeni kara afka waxyeellana gaarsiin kara ilkaha, waxaana jira walaac laga qabo inuu muddada dheer sababi karo khatarta kansarka afka. | 4cc108f1-d760-4787-ad7f-0af6d811df78 | 605 |
Qaababka xiisaha leh ee geela looga dhaqdo magaalooyinka Somaliland
Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa markii ugu horreysay lagu qabtay xuska Maalinta Geela Adduunka oo sannadkasta la xuso bisha June 22-keeda, iyada oo loo asteeyey maalintan in la isku wacyi geliyo in kor loo qaado ogaalka dadweynaha ee muhiimadda geela iyo kaalinta xayawaankani kaga jiro nolosha aadanaha.
Xuskan oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaa ka qayb galay dadka geelleyda ah iyo ganacsato ku hawlan sidii ay u maal gashan lahaayeen dhaqashada geela, waxaana lagaga hadlay caqabadaha kala duwan ee haysta dhaqada geela waqtigan iyo sidii loo heli lahaa hannaan ka duwan kii hore ee geela loo dhaqan jiray.
Xuskan waxa kale oo lagu soo bandhigay hab cusub oo muddooyinkii u dambeeyey laga hirgeliyey magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, kaas oo ah in magaalooyinkaas laga hirgeliyo xerooyin lagu dhaqo geela oo halkaas lagu siiyo calafka iyo biyaha, taas oo meesha ka saaray geelihii lagu raaci jiray dhulka miyiga ah, oo caanahooda marka magaalooyinka la keenayo waqti qaadan jirtay.
Maxay ahaayeen caqabadaha haysta geel dhaqashada ee la soo bandhigay?
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaannada Xoolaha Somaliland Axmed Cismaan Jaamac, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in caqabaduhu ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada ayna yihiin khataraha ugu waaweyn ee ay wajahayaan geela wakhtigan.
Waxa uu sheegay in xuskan maalinta geela ay tahay in la isku wacyi geliyo sidii caqabadahaas haysta geela looga wada hadli lahaa xalna loogu raadin lahaa, "geelu wuxuu wajahayaa khatarta weyn oo caalami ah oo ka imanaysa isbeddelka cimilada, taas oo saamayn ku yeelatay dhaqashadiisa. Waxaa kale oo iyadu caqabad kale ah qaabkii hore ee geela loo dhaqan jiray oo isaguna ah mid arrimaha isbeddelka cimiladu saameeyeen" ayuu yidhi agaasimaha.
Waxa uu intaasi sii raaciyey, "caqabadaha kale waxa ka mid ah calafkii ay xooluhu cunayeen oo yaraaday, saamaynta magaaleynta sii kordhaysa iyo geelii oo sii yaraanaya, madaama geela dhaqashadiisu hawl badan u baahan tahay".
Faa'iidooyinka dhaqashada geela ee magaalooyinka loo soo raray
Inkasta oo geela waqtigii hore lagu dhaqan jiray miyiga iyo meelaha ka fog magaalooyinka waaweyn, haddana waxa sii kordhaya muddooyinkii u dambeeyey geela lagu dhaqo magaalooyinka Somaliland, iyada oo dadka magaalooyinka ku nool inta ay geel soo iibsadaan ku dhaqdaan xerooyin laga sameeyey duleedka ama gudaha magaalooyinka Somaliland.
Xoghayaha Guud ee Ururka Geel-jire oo ah urur ay ku midaysan yihiin dadka geel ku dhaqda magaalooyinka, Faysal Maxamed Xasan, waxa uu u sheegay BBC-da in dadka magaalooyinku fursad u arkeen in dhaqashada geela loo soo dhaweeyo magaalooyinka ay muhiim u tahay in la ilaaliyo dabar go'a ku iman kara geela.
"Markii dadkii reer miyiga ahaa magaalooyinka soo galeen ayey dadkii reer-magaalka ahaa fursad u arkeen in ay geela ku dhaqdaan magaalooyinka, taasi waxay keentay in dadkii dareemaan faa'iidooyinka geelu leeyahay iyo hashii iska sii dhimanaysay in la xannaaneeyo oo socodkii ay soconayeen geela laga dhigo, mid la xareeyo oo xerooyin gaar ah loo sameeyo, si looga faa'iidayso caanahooda."
Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ahaa dadka geelayda ah ee ka qayb galay xuskan, ayaa sheegay in geelu muhiim u yahay nolosha bulshada Soomaalida ah. "Aniga geelaygu wuxuu gaadhayaa afar kun iyo dhawr boqol oo jooga gobollo kala duwan, waxaynu ognahay in waqtiyo badan oo dhibaatooyin ku dhaceen Soomaalida in ay ku baxsadeen geela iyo xoolaha nool. Maanta marka la eego haddii sida la saadaalinayo colaado dhacaan oo badeecadihii dibedda ka imanayey istaagaan, waxa keliya ee aynu haysanno waa geela iyo xoolaha nool".
Boqor Buur madow, waxa uu xusay in geela lagu dhaqdo magaalooyinku ay fursado u abuureen dad badan, isla markaana ilaaliyeen in dhaqashadii geelu meesha ka baxdo. "Dadka reer magaalka ah ee geela dhaqday, waxay soo nooleeyeen in dhaqashadii geela dib loo jeclaado, in ay shaqo abuur sameeyaan." Ayuu yidhi Boqor Buurmadow.
Maxaynu ka ognahay geela ay dadka reer-guuraaga ihi ka kireeyaan dadka magaalada?
Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Cismaan oo ka mid ah dadka geela ku dhaqda duleedka magaalada Burco, waxa uu sheegay in dadka magaalooyinka ku dhaqda geela ay qaarkood geel ka soo kiraystaan dadka reer miyiga ah, isla markaana ay kula heshiiyaan dhaqaale la siiyo dadka geela leh, si loo keeno magaalooyinka oo halkaas loogu dhaqdo, caanahoodana magaalooyinka loogu iib keeno.
"Si aanu dadkii reer-miyiga ahaa u dhiirri-gelinno, waxaanu samaynay in dadka reer-miyiga ah ka soo kaxaysanno geelooda oo aanu ka kiraysano, ka dibna aanu keenno magaalooyinka, si halkaas xerooyin lagu dhaqo oo caws iyo biyo lagu siiyo. Lacagta aanu kaga kiraysanayno waanu ka heshiinnaa oo tusaale ahaan marka ay hashu irmaantay caanaha laga liso boqolkiiba konton, isaga qaata, inta kalena annaga".
Cabdiraxmaan Ibraahim Yaasiin oo ka mid ah dadka xuskan ka qayb galay ayaa sheegay in isbeddel weyn ku yimid hannaankii hore ee geel raacatada Soomaalida, oo imika loo beddelay geel dhaqasho magaalooyinka ah.
"Waxaan ka mid ahaa raggii u horreeyey ee keenay fikirka ah in geela lagu dhaqo magaalooyinka, waxaana u samaynay waxyaabo badan oo dhaqashadooda fududaynaysa oo ah in xerooyin uga samayno duleedka magaalooyinka, halkaas caws iyo biyo u dhigno halkaas lagu xanaaneeyo." Ayuu yishi. | be84d8b7-6818-47d8-8993-d5f0b1ca7c30 | 828 |
Meyd loo maleynayo in uu yahay xildhibaan muddo la la’aa oo la keenay Wajeer
Meyd loo maleynayo in uu yahay xildhibaan muddo la la’aa oo laga soo doorto deegaanka Della ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Wajeer.
Shalay ayaa la geeyay qof meyd ah loo maleyanyo in uu yahay xidlihbaan Yuusuf Xuseen Axmed oo laga soo doorto golaha deegaanka Della oo hoos yimaada deegaanka Ceeldhaas ee ismaamulka Wajeer.
Laamaha amniga ayaa haro ku taal duleedka magaalada ka soo qaaday meyd sida ay BBC-da u sheegeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka.
Magaalada Wajeer waxaa gaaray siyaasiyiin laga soo doorto gobolka. Aadan Keynaan Wehliye oo ka mid ah xildhibaan ayaa BBC-da u sheegay in meydka isbitaalka la keenay aan la xaqiijin karin in uu yahay xildhibaanka iyo in kale.
“Habeen hore ayaa la sheegay in qof meyd ah lagu soo tuuray isbitaalka Wajeer, qofka meydka ah waa qof jirkiisa la burburiyay oo si bani’aadanimada ka baxsan loo galay, dadka ayaa iska dhaadhacsiiyay in uu yahay xildhibaankii la la’aa”.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in meydka isbitaalka la keenay aan si fiican loo aqoonsan karin qofka saxda ah uu yahay. Sida la sheegay meydka isbitaalka la keenay waxaa lagu shubay "aashito".
“Jirkiisa waxaa lagu suubiyay wax aysan xitaa aheyn in xoolaha ay ku dhacaan, hadii aan kaaga sheekeeyo waa mid muddo dheer igu qaadaneyso oo aan ku habooneyn in ay qof bani’aadan ah ku dhacdo” ayuu yiri xildhibaan Aadan Keynaan oo intaas ku daray.
“Waxa kaliya oo aan kuu sheegi karo waa in daraad galab lagu soo tuuray qeybta meydka isbitaalka, anaga waxaan u haysanaa in qeyb laamaha amniga ka mid ah ay keeneen”.
Xildhibaanka laga soo doorto Della muddo dheer ayaa la la’aa, waxaa la tuhunsanaa in la afduubtay.
'Baaritaan ayaa ku socda'
Waxaa socda baaris lagu sameynayo qofka saxda ah uu yahay meydka isbitaalka la keenay si loo ogaado shaqsiga uu yahay.
Dadka deegaanka ayaa ka buuxsamay qeybta meydka ee isbitaalka si ay u aqoonsadaan meydka sida la sheegay aan la aqoonsan karin dhaawacyada soo gaaray darteed.
“Maanta waxaan la keenay dhakhaatiir, baaritaan dheer ayey sameeyeen, waxaan sugeynaa ilaa inta jawaabta ka soo baxeyso, ma jiraan wax kale oo aan ka hadalno”
Xildhibaan Aadan Keynaan ayaa sheegay in baaris ka kooban saddex qeybood ay socoto oo kala ah mid ay wadaan qoyska, tan dowladda iyo mid kale. Jawaabta ayaa laga yabaa in ay waqti qaadato.
Meydka ayaa la sheegay in aan la aasi doonin ilaa inta ay ka soo baxeyso natiijada baarista dhakhaatiirta meydka ay wadaan.
Xiisad iyo carro ayaa ka taagan Wajeer oo la xiriirta xildhibaanka la la’ayahy mudada 40-ka maalmood.
“Dadweynaha xumaato weyn ayey u arkeen... nin madax ayaa maqan, xiisad badan ayey keentay”
Ma cada cidda ka dambeysay kiiska xildhibaanka oo la sheegay in markii hore la afduubtay. Booliska weli wax war ah kama soo saarin xildhibaankan mudada la la’yahay iyo cidda saxda uu yahay meydka la keenay isbitaalka.
Aggaasimaha waaxda dacwad oogista iyo aggaasimaha dambi baarista ayaa lagu amray in ay ilaaliyaan markhaatiyaasha muhiimka ah ilaa inta laga cadeynayo kiiska.
Maxkamadda sare ayaa ku amartay hay’adaha ay quseyso in ay keenaan wixii ugu dambeeyay halka uu marayo baarista.
Qareenada xildhibaan Yuusuf ayaa ku tilmaamay in baarista ay ku jirto habacsanaan. Booliska waxay ku eedeeyeen cagajiid. | 5f19737d-2230-4cc7-ac5f-1ceb2888d4a5 | 538 |
Waa kuma Maahir Al-Assad, ninkii lagu naaneysi jiray kawaanlihii Daraa ee la dhashay Bashaar Al-Assad
Wasaaradda arrimaha gudaha Ciraaq ayaa beenisay in Mahir al-Assad oo ay walaalo yihiin madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suuriya Bashaar Al-Asad uu ku sugan yahay gudaha dhulka Ciraaq.
War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenkooda oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee Ciraaq, wasaaraddu waxay ugu baaqday warbaahinta inay "si sax ah u muujiyaan oo ay ka digtoonaadaan gudbinta wararka aan laga helin ilaha rasmiga ah," iyadoo ku nuuxnuuxsatay in waxa lagu faafiyay baraha bulshada ee ku saabsan joogitaanka Mahir al-Assad ee Ciraaq uu ahaa war aan "sax ahayn".
Tan iyo markii uu burburay nidaamka Bashaar Al-Asad todobaadkii hore, isla markaana ay madaxweynaha xilka ka tagay iyo qoyskiisa ay tageen magaalada Moscow, ayaa waxaa aad loo hadal hayay halka uu ku dambeyn doono walaalkii Maher oo lagu tilmaamo inuu yahay mas'uulka qoyska reer Asad. Haddaba maxaan ka ognahay Mahir al-Assad?
Mahir Hafez al-Assad waxa uu ku dhashay Dimishiq 8-dii December 1967-dii, waxa uu ku soo barbaaray qoyska Asad ee xukumayay Suuriya tobanaan sano.
Beddelkii adeerkiis Rifaat al-Assad
Tan iyo caruurnimadiisii, Mahir waxa lagu yaqaanay shakhsiyad xoog badan oo dabeecad adag, laakiin muuqaalkiisa guud ma noqon mid la dareemo ilaa dabayaaqadii 1990-meeyadii.
Sida ay wararku sheegayaan, wuxuu ku noolaa meel u dhow madaxtooyada Dimishiq, waa "Fardoole aad u jecel fardaha" wuxuuna beer fardaha ku leeyahay deegaanka Yafour oo u dhow Dimishiq.
Sannadkii 1999-kii, Maher al-Assad waxa uu sameeyay ciwaanno ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu toogtay seedigiis, Assef Shawkat, ka dib khilaaf soo kala dhex galay, isaga oo dhaawacay Shawkat, waxaana loo gudbiyay cusbitaal milateri oo ku yaalla Faransiiska si loogu daweeyo.
Iyadoo ay taasi jirto, Mahir waxa uu sii xoojiyay mowqifkiisa gudaha taliska Suuriya.
Bishii Juun 2000, Mahir waxaa loo doortay Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaaga Carabta ee xisbul Bacath, tallaabadaas oo muujinaysa doorkiisa sii kordhayay ee taliska.
Kadib geeridii walaalkii Basil Al-Asad ee shilka baabuur bishii Janaayo 1994-tii, waxaa jiray rajo ah in Mahir laga yaabo in uu xukunka kala wareego aabihiis Hafez al-Assad, laakiin dabeecadda "qallafsan" ee Maher ayaa taas ka hor istaagtay, waxaana taas beddelkeeda loo doortay Bashaar.
Wargayska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in dad badan oo Suuriyaan ahi ay Mahir u arkaan in uu yahay Rifaat cusub oo uu la dhashay Madaxweynihii hore ee Hafez al-Assad. Wargeysku waxa uu sheegay in xiriirka Mahir al-Assad iyo Bashaar Al-Assad uu "ku salaysan yahay habka wax ku oolka ah" ee ay dejiyeen Hafed iyo Rifaat al-Assad.
"Kawaanlihii Daraa"
Iyada oo mudaaharaadyada Suuriya ee looga soo horjeedo nidaamka reer Assad ay qarxeen 2011, Mahir al-Assad ayaa door muhiim ah ka qaatay xakamaynta mudaaharaadyada.
Isaga oo ahaa taliyaha qaybta 4-aad ee gaashaaman iyo ciidanka ilaalada Jamhuuriga, waxa uu gacan weyn ku lahaa maaraynta hawlgallada ciidamada.
Sababtaas awgeed, warbaahintu waxay ku tilmaantay inuu yahay "Kawaanlihii Daraa" ka dib markii uu ku lug lahaa xakamaynta mudaaharaadyadii magaalada ka dhacay bishii Abriil 2011.
Ilaalada Jamhuuriga, oo uu hoggaamiyo Mahir al-Assad, ayaa ahaa qaybta kaliya ee ciidamada Suuriya loo ogolaaday in la geeyo Dimishiq.
Bishii Abriil isla sannadkaas, madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa soo saaray amar madaxweyne oo lagu xayirayo hantida Mahir al-Assad ee Maraykanka "doorka uu ku leeyahay caburinta mudaaharaadayaasha."
Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku daray liiska saraakiisha Suuriya ee cunaqabataynta saaran, iyaga oo ku sifeeyay inuu yahay "horjoogaha ugu weyn ee rabshadaha ka dhanka ah dibad-baxayaasha."
Sannadkii 2012, hay'adda ka faalloota xasaradaha caalamka ayaa daabacday warbixin ay qaar ka mid ah taageerayaasha nidaamka Suuriya ku tilmaameen Mahir al-Assad inuu yahay "qofka xooggan ee nidaamka".
Mishiinka tahriibinta iyo ka ganacsiga daroogada
Isla sanadkaas waxaa soo baxay warar sheegaya in Mahir Al-Asad uu ku dhintay ama lagu dhaawacay qarax lagu dilay Assef Shawkat iyo madax kale, balse wararkaas waa la beeniyay.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Channel 2 ee Israa'iil inuu bixiyay amar ah in lagu qaado weerarrada kiimikada ee deegaanka Ghouta ee baadiyaha Dimishiq, kaas oo la sheegay in lagu dilay ilaa 1,200 oo qof bishii Agoosto 2013.
Markii uu sii waday taliskii Ilaalada Jamhuuriga, Mahir al-Assad waxa uu noqday qofka ugu saamaynta badan millatariga Suuriya, isaga oo leh qayb gaashaaman, Ilaalada Jamhuuriga ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa ugu daacadsan taliska.
Bishii Maarso 2023, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn dheeri ah ku soo rogay Mahir al-Assad iyo saaxiibadiis, oo ay weheliyaan kuwa ka ganacsada daroogada, eedeymaha ay ku lug leeyihiin warshadaha daroogada Suuriya iyo tahriibinta daroogada Captagon.
Qasnadda Maraykanka ayaa ku eedaysay Mahir al-Assad iyo Qaybta Afraad inay maal-geliyaan "qorshooyin dakhli-abuur oo sharci-darro ah, oo u dhexeeya sigaarka iyo talefannada gacanta si loo fududeeyo soo-saarka iyo tahriibinta Captagon."
Bishii Abriil 2023, Midowga Yurub wuxuu cunaqabatayn ku soo rogay shakhsiyaadka iyo shirkadaha lala xiriirinayo Mahir al-Assad iyo qaybtiisa afaraad ee gaashaaman "kufsiga, dembiyada dagaalka, jirdilka, iyo fududaynta ka ganacsiga daroogada ee Suuriya."
Nidaamka Assad waxaa loo aqoonsaday inuu yahay "shaqsigii ugu muhiimsanaa ee fududeeyey tahriibinta Captagon ee dekedaha Yurub." | 4a24bd22-a24e-4665-b952-589e81733e4f | 823 |
Trump oo 100% canshuuraya filimada aan Mareykanka aheyn, sidee bay u saamaynaysaa aflaamta Soomaalida
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in aflaanta lagu sameeyo dibadda uu saarayo canshuur boqolkiiba boqol ah.
Tani waxay kor u qaadeysaa tallaabooyinka canshuuraha uu ku saarayo waxyaabaha dibadda Mareykanka ugu yimaada. Wuxuu sheegay in uu ku amrayo wasaarada ganacsiga in ay bilowdo nidaam canshuuro maadaama ay si degdeg ah u sii dhimanayaan filimada Mareykanka.
Trump ayaa sabab uga dhigay canshuurtiisa "dadaallo isku xiran" oo ay wadaan dalalka kale kuwaas oo ay ku soo jiidanayaan filim-sameeyayaasha taaasna wuxuu ku tilmaamay in ay "khatar ku tahay ammaanka qaranka".
Mid ka mid ah ururrada filimada ayaa ka digay suuragalnimada in hadalada Trump ay dhaawac u geystaan ganacsigaas oo filim-sameeyayaasha ay sannado ka raadinayeen Canada iyo UK qiimo jaban.
"Waxaan dooneynaa filimada lagu sameeyo Mareykanka" ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay madaxweyne Trump bartiisa hulsho.
Xoghayaha ganacsiga, Howard Lutnick, oo ka jawaabayay arrintaas ayaa sheegay in ay shaqada wadaan.
Faahfaahinta tallaabooyinka ma cada. Hadalka Trump ma cadeyn hadii canshuuraha la saarayo shirkadaha Mareykanka ee dibadda wax ku sameeya. Filimo badan oo shirkadahaas leeyihiin ayaa meelo ka baxsan Mareykanka lagu sameeyay.
Waxaan sidoo kale cadeyn in la canshuurayo kuwa filimadooda internetka laga daawadao sida Netflix.
Aasaasaha shirkadaha leh shaleemooyinka Yurub ee Vue ayaa su'aal ka keenay sida Trump ku qeexi doono filimada Mareykanka.
Isagoo la hadlayay BBC-da radio 4 barnaamijkiisa Today, ayuu sheegay, "ma waxaa la canshuurayaa halka ay lacagta ka timid, mise qoraalka, ama waxaa la canshuurayaa halkii lagu jilay?"
Dhinaca kale, ururka Bectu ee matala warbaahinta UK ayaa ka digay in canshuurahaas ay dharbaaxo ku noqonayaan ganacsigaas maadama ay hadda ka soo kabanayaan aafadii Corona.
Mareykanka weli waa dalka ugu weyn ee lagu sameeyo filimada si kasta oo ay caqabado u jiraan sida ay sheegayaan ProdPro oo sameysa cilmibaarsita filimada.
Wadamada kale ayaa suuragal ah in ay kaga jawaaban canshuuro ay saaraan filimada Mareykanka taas oo keeneysay in ay adkaato in faa'ido la sameeyo.
"Waxay keeneysaa xaalad in canshuuraha Mareykanka geystaan dhibaato ka badan wanaagooda".
Kaddib hadalada Trump, wasiirka arrimaha gudaha Australia, Tony Burke, ayaa sheegay in aysan cidi shaki kaga jirin in aan garab istaageyno xuquuqda shirkadaha filimada Australia.
Raysalwasaaraha New Zealnd, Christopher Luxon, waxa uu sheegay in dowladiisa ay sugeyso faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan canshuurta la soo jeediyay.
Sidee u saameynayaan canshuuraha Trump filimada Soomaalida?
Axmed Faarax waa filim sameeye filimadiisa lagu soo bandhigay shaleemooyin caalamka ku yaal. Axmed waxa uu noo sheegay in shirkado kale oo ka duwan kuwa sameeya ay suuqa geeyaan filimada.
"Inta badan filimada shirkado kale ayaa suuqa geeya sida filimkeyga Ayaanle shirkad Jarmal ah ayaa qeybisay".
Tani waxay muujineysaa in canshuuraha Trump ay saameynayaan shirkado ka baxsan kuwa filimada sameeya oo ah kuwa suuq geynta ku shaqeysta.
Shirkadaha ma geeyaan filimada suuqada Mareyknanka oo kaliya ee waxay geeyaan kuwa kale oo badan hadii la saaro canshuur boqolkiiba boqol ah way ka wareegayaan.
Axmed Faaraxa waxa uu sheegay in Mareykanka uu yahay dalka filimo badan adduunka geeya oo iyaguna ay saameyn doonto.
"Mareykanka wixiisa unbuu isticmaalaa, waxay iyaga soo saaraan ayaa adduunka intiisa kale ku faafa, iyaga ayuuna dhibka ku dhacaya"
Axmed waxa uu kaloo sheegay in uusan la socon sida ay u saameyneyso qeybaha internetka filimada lagu daawado balse haddii canshuur la saaro suuqa Mareykanka ayaa soo xirmaya, waxaase suuragal ah ayuu leeyahay Axmed in ay faa'iido kale yeelan karto.
"Laga yaabaa in aysan dhibaato nagu aheyn oo faa'ido kale leedahay oo ah in dadka ay filimo kale oo waddamo kale ka yimid u wareegaan, ayna yaraadaan filimada ka imaanaya Mareykanka".
Suuqyada kale ee Yurub iyo qaaradaha kale ayaa ah kuwa waaweyn oo filimada la geeyo.
Ka hor inta aan la caleemo saarin madaxweyne Trump waxa uu magacaabay saddex jilaa oo kala ah Jon Voight, Mel Gibson iyo Sylvester Stallone in ay noqdaan safiiro gaar ah oo kor u qaada fursadaha ganacsi ee Hollywood oo ku tilmaamay "meel weyn balse dhibaato ka jirto".
Xiligaas Trump wuxuu sheegay, "waxay ii noqonayaan ergo gaar ah oo ujeedkoodu yahay in ay dib u soo celiyaan ganacsigii Hollywood oo in badan lumiyay afartii sano ee la soo dhaafay.
Ilaa iyo markii uu ku soo laabtay aqalka cad bishii Janaayo, waxa uu madaxweyne Trump ku soo rogay canshuuro adduunka oo dhan.
Wuxuu ku doodayaa in canshuuraha ay yihiin kuwa la saarayo alaabaha ka yimaada dalalka kale, si kor loogu qaado warshada Mareykanka loona ilaaliyo shaqooyinka.
Balse taasi waxay qalolaase geliysay beecmushtarkii adduunka iyadoo qiimaha allaabaha adduunka la filayo in ay kor u kacaan.
Xitaa hadalkan ka hor, shirkadaha filimada Mareykanka waxaa sameeyay dhibaatada ka timaadaya siyaasadaha ganacsi ee Trump.
Bishii Arpil, shiinuhu waxay sheegeen in ay yareynayaan qoondada filimada Mareykanka ee loo ogol yahay dalkooda.
"Tallaabooyinka qaldan ee dowldada Mareykanka sida xun ugu adeegsaneyso canshuuraha la saarayo Shiinaha waxay sii yareyn doonaan dhageystayaasha gudaha ee jecel filimada Mareykanka" ayey shegeen maamulka filimadaha Shiinaha oo intaas ku daray
"Waxaan raaceynaa qeynuunada filimada, in la ixtiraamo daawadayaasha waxay doonaan iyo in la yareeyo tirada filimada Mareykanka ee dalka soo galaya" | 3b4a1cf5-77b7-4f15-9bdb-4165e12065ab | 835 |
Shidaalka Soomaaliya ku jira oo ay ka hadashay wasaaradda Batroolka Soomaaliya
Waxaa baraha bulshada ee Soomaalida ku baahay muuqaal la isku barbar dhigayo keydadka Shidaalka ee dalalka Caalamka, kaas oo Soomaaliya ka dhigaya lambarka lixaad ee dalalka ugu keydka shidaal badan caalamka, balse qiyaastaas ayaan ahayn mid sax ah.
Muuqaalka oo uu soo bandhigay kanaalka YouTube ee Gravity, ayaa is barbar dhigayaa dalalka uu dhulkooda iyo baddooda ku jiro keyd shidaal taas oo Soomaaliya kaga sara mariyeen dalka saliidda qaniga ku ah ee Isutagga Imaaraatka Carabta iyaga oo isticmaalaya xog aan sax ahayn.
Wuxuu sheegayaa muuqaalku in Soomaaliya ay ku jirto boqol iyo kow iyo toban bilyan oo fuusto oo saliidda cadhiin ah.
Qiyaastaan aan la hubin ayaa hadii lacag ahaan lagu dhufto qiimaha fuustada saliidda cadhiin ah ee maanta; waxay noqonaysaa in ka badan siddeed Triliyan oo dólar, taas oo haddii ay run tahay Soomaaliya ka dhigi leheed mid ka mid ah dalalka ugu qanisan caalamka.
Maxaan ka ognahay qiyaasta shidaal ee Soomaaliya ku jirta?
Runnimada xogta ku xusan muuqaalka ayaan wax ka waydiinay wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.
Agaasimaha wasaaradda, Maxamed Xaashi Carabeey ayaa BBC da u sheegay in aysan beenin karin isla markaanay aysan rumayn karin xogta, maadaama aysan Soomaaliya ogayn qiyaasta dhabta ah ee shidaalka ku jira Soomaaliya. Wuxuu sheegay in qiyaasta lagu xusay muuqaalkaas mid ka badan ay ku jiri karto gudaha Soomaaliya.
“Ma xaqiijin karno mana garanayno halka ay xogtan ka keeneen, laakiin aad iyo aad ayuu suurta gal u yahay in intaas iyo ka badanba ay ku jirto Soomaaliya,” ayuu BBC da u sheegay agaasime Maxamed.
Wuxuu ku sababeeyay hadalkiisaan in Soomaaliya aysan wali ogaan cadadka shidaalka ku jira dhulka iyo badda Soomaaliya isla markaana xogta rasmiga ah ee hadda la hayo ay ku kooban tahay oo kaliya waxa laga helay xirmooyin ka mid ah kuwa badda.
Sannadkii 2020 kii, shirkadda sahaminta ee Norway, TGS, ayaa ku qiyaastay in qayb kamid ah badda Soomaaliyta uu ku jiro kayd saliid oo ku dhow 30 bilyan oo barmiil, oo leh kayd dheeraad ah oo badda ah, in kasta oo qiyaasaha dhulku ay aad u yar yihiin.
Si kastaba ha ahaatee su’aal kama taagno in Soomaaliya ay ku fadhido kayd shidaal oo weyn, bad iyo berriba, balse weli lama hayo qiyaas rasmi ah oo lagu tiirsanaan karo taas oo sida muuqaalka oo kale sheegi karta tiro fuustooyin ah oo guud ahaan ku jirta dhulka iyo badda Soomaaliya.
Sahminta shidaal ee Soomaaliya
Soomaaliya waxaa lagu sameeyay baaritaanno shidaal oo badan kuwaas oo sida uu noosheegay Agaasimaha Guud ee wasaaradda bartroolka iyo macdanta ee Soomaaliya, Agaasime Maxamed xaashi, soo bilowday sannadkii 1957 – saddex sano ka hor xornimadii Soomaaliya.
Ceelkii ugu horeeyay ayaa xilligaas “laga qoday woqooyiga Soomaaliya” tan iyo markaas waxaa la baaray 68 ceel, “afar iyo labaatan ka mid ah waxay tusaysay in uu shidaal ku jiro” ayuu yiri Agaasime Maxamed.
Qaar ka mid ah ceelashii lagu bilaabay qoditaanka, ayuu dagaalkii sokeeye iyo dhicitaankii dawladdi dhexe ku yimaadeen sidaasna ay hakad ku galeen, sida uu BBC da u sheegay agaasimuhu.
Markii ay Soomaaliya ka baxday dawlad ku meel gaar ah sannadkii 2013, wasaaradda batroolka ee Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkad la yiraahdo Som Oil and Gas. Shirkaddan waxay sahamin ku samaynaysay laga bilaabo Kismaayo illaa Hobyo oo dhanka badda ah sida uu noo sheegay Agaasimaha wasaaradda.
Shirkaddaasi waxay sahamisay saddex aag oo kala duwan, “Waxayna sameeyeen baaritaan illaa 20 kun oo kilo mitir ah. Sanadihii 2015-2016 waxaa baaritaan kale sameeyay shirkad kale oo Spectrum la yiraahdo taas oo sida uu agaasimuhu sheegay iyaduna baartay 21 kun oo kilo mitir.
Haddaba labadaas baaritaan markii la sameeyay “waxaa la ogaaday keydka saliidda ee Soomaaliya ku jira ee badda inta laga baaray ah in uu yahay mid aad u badan oo fursad badan ay jirto, maalinkiina lagasoo saari karo in ka badan hal milyan oo fuusto” ayuu yiri Agaasime Maxamed Xaashi Carrabey.
Shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka oo ay ka mid yihiin Chevron, Eni, ExxonMobil iyo Shell ayaa sahamin ka bilaabay Soomaaliya 1950-meeyadii, balse waxaa la hakiyay markii uu dalka ka qarxay dagaal sokeeye 1991-kii. | d76927b3-416d-4aa0-a331-5f71a5a525c6 | 677 |
Faah-faahinta shilkii diyaaradeed ee ku geeriyooday Madaxweynihii Iran
Qaar ka mid ah warbaahinta Iiran ayaa tabinaysay in madaxweyne Ibraahim Raisi uu geeriyooday isaga iyo dadkii kale ee la saarnaa diyaarada balse ma jiro xaqiijin rasmi ah.
dadka dhintay waxaa sidoo kale ku jira wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaasi Hossein Amir-Abdollahian.
Warbaahinta Iiraan ee tabiyey warkan waxaa ka mid ah wakaaladaha wararka Mehr iyo Tasnim.
Si kastaba ha ahaatee ma jiro xaqiijin rasmi ah oo arrintan ku saabsan.
Madaxweyne Raisi ayaa saarnaa diyaaradda helicopter-ka ah oo nooceedu ahaa Bell 212, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee dalkaasi. Waxaa weheliyey madaxweynaha wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Xusseen Amira Amirabdollahian.
Sida ay sheegtay warbaahinta gudaha, Madaxweyne Raisi ayaa ku sii jeeday magaalada Tabriz ee ku taal waqooyi-galbeed ee Iran, ka dib markii uu ka soo laabtay xadka Asarbayjaan, halkaasoo uu furay biyo-xireennada Qis- Qalasi iyo Khodaafarin.
Warbaahinta dowladda ayaa warisay in agagagaas ay ka jirtay ceeryaamo xooggan iyo hawada oo aad u xumayd sida ka muuqatay muuqaalo uu baahiyey telefishinka dowladda Iiran.
Kooxaha samatabixiyaasha Iiraan ayaa si deg deg ah u gaaray deeganadaas walow cimiladu ay ahayd mid aad u xun sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Iiran,
Pir Hossein Kolivand oo ah madaxa Bisha Cas ee dalka Iran ayaa sheegay in la helay halkii ay ku burburtay diyaaradii Helicopter-ka ee uu la socday Madaxweynaha Iran Dejar.
Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale baahisay sawirro aan caddayn oo ku saabsan goobta la sheegay in shilku ka dhacay.
Howlagalka baadigoobka waxaa sidoo kale qayb ka ah ciidamada Kacaanka Iiran kuwaas oo sida uu sheegay Kolivand, aan wali wali halkaasi soo gaarin.
Wuxuu sheegay in masaafada ay ciidamada Helal u jiraan goobta ay tahay 2 KM, daqiiqado kadibna ay ku gaari doonaan goobta.
Warbixino toos ah iyo sawirro laga soo qaaday bariga Asarbayjaan ayaa muujinaya qorrax ka soo baxa aagga loo maleynayo in helicopter-ka Ebrahim Raisi iyo saaxiibadii ay shil galeen.
Waraysigii ugu dambeeyay ee uu siiyay kanaalka Khabar, saxafiga ka tirsan telefishinka qaranka Iran ayaa sheegay in "wali aysan jirin wax war ah oo ku saabsan imaatinka ciidamada samatabbixinta ee goobaha la cayimay."
Subaxnimadii hore ee maanta ayaa idaacadda iyo Telefishinka qaranka Iran laga sii daayay warbixin laga soo xigtay gobolka Varzghan, halkaasi oo ciidamada samatabixinta ay isku dayayaan inay helaan helikobtar ay la socdeen Ebrahim Raisi iyo asxaabtiisa, waxaana wariyaha warbaahintan uu yiri. aagga laga shakisan yahay in diyaaradda helicopter-ka ay shil ku gashay" Waxay noqonaysaa mid xaddidan."
Iyadoo uu socdo baadigoobka lagu raadinayo madaxweyne Raisi, ayaa dadka reer Iran waxay isugu soo baxeen wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Tehran.
Sawirro laga soo qaaday fagaaraha Vali-Asr ee bartamaha magaalada ayaa muujinaya dad badan oo salaad u taagan oo u ducaynaya madaxda wali la la’ayahay.
Dalalka ilaa hadda ku biiray baadigoobka Raisi
Wakaaladda wararka ee IRNA ayaa ku warantay in “Akinci Drone-ka oo laga leeyahay dalka Turkiga ay soo gashay hawada dalkaasi si ay gacan uga geysato baadigoobka iyo samata bixinta diyaaradii Helicopter-ka ee siday Madaxweynaha”.
IRNA ayaa sidoo kale daabacday khariidad muujinaya in diyaaradan oo ka timid meel u dhow magaalada Van ee dalka Turkiga ay gashay dhulka Iran una sii socotay magaalada Tabriz.
Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sidoo kale qortay in "Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Akinji ee dalka Turkiga ay ku rakiban yihiin qalab habeenkii wax lagu arko."
Turkiga ayaa horay u shaaciyay in uu kooxda badbaadinta buuraha u diray Iran, waxaana madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdadan.
Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inuu dalkaas u dirayo diyaarado iyo koox samatabixiyaal oo gurmadka ka qayb qaata.
Igor Levitin, oo ah kaaliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka, ayaa sheegay isniinta manata in uu la hadlay Mohammad Mokhbar, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Iran, una sheegay in Madaxweyne Vladamir Putin uu bixiyey amar ah in dalkiisu u diri doono laba diyaaradood oo casri ah iyo helikobtero gaar ah iyo 50 samatabbixiyeyaal buuraleyda Tabriz saacad gudaheed.
Sidoo kale Madaxa maamulka xasaradaha ee Midowga Yurub Janets Lenarchic ayaa ku dhawaaqday inay hawl galiyeen nidaamka dabagalka dayax gacmeedka ee Copernicus kadib codsi ka yimid Iran.
Qoraal la soo dhigay boga X ee hore loo oron jiray Twiter ayaa lagu yiri "Sida ku cad codsiga Iran ee caawimada, jawaab celin degdeg ah waxaan kicin doonaa nidaamka raadinta Copernicus."
Waa kuma Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi?
Ibrahim Raisi, waxaa uu dhashay bartamihii bishii December sanadkii 1960-kii, waa 63 sano jir.
Sanadkii 2021-kii ayaa loo doortay madaxweynaha Iiran isku daygiisii labaad.
Waxaa loo arkaa wadaad mayal adag, waxaana loo arkaa inuu yahay nin bedeli kara maalin maalmaha ka mid ah Ayatollah Khamenei, hogaamiyaha ugu sareeya dalka tan iyo 1989kii.
Sannadka 2019-ka, Hoggaamiyaha Sare waxa uu u magacaabay jagada ugu awoodda badan ee madaxa garsoorka, xilkaas oo uu hayey ilaa bilowgii sanadkii 2021-kii.
Ibrahim Raisi, ayaa sidoo kale loo doortay guddoomiye ku xigeenka golaha khubarada, oo ah 88 xubnood oo ka tirsan guddiga culimada ee u xilsaaran doorashada hoggaamiyaha sare ee soo socda.
Sida ku cad natiijada rasmiga ah ee doorashada Iran, wuxuu noqday Madaxweynihii 8-aad ee dalka.
Intii uu xukunka dalka Iiran hayey waxaa uu madaxdii ka horeysay kala mid ahaa sida adag ay isku diidan yihiin siyaasadda Maraykanka iyo Xulufadiisa | 98a98112-a754-4841-b313-e2b9cb39e02e | 857 |
BBC News,
Somali
U gudub qaybta macluumaadka
Qaybaha
War
Siyaasad
Soomaali
Raadiye
Muuqaal
Haween
Ciyaaro
Saynis iyo Caafimaad
Fan iyo Dhaqan
War
Siyaasad
Soomaali
Raadiye
Muuqaal
Haween
Ciyaaro
Saynis iyo Caafimaad
Fan iyo Dhaqan
Dhallinyaro loo haysto burcad-badeed oo dayacan
Qalabkan kuma ciyaari kartid maqalka iyo muuqaalka
Qoraalka Codka,
Dhallinyaro loo haysto burcad-badeed oo la sheegay in ay dayacan yihiin
25 Sebtembar 2016 | 7c5653e7-e387-40cd-8e4c-eb02bc7d1e42 | 63 |
Trump oo shaaciyay waxa uu ka yeeli doono dadka sharci darada ku soo gala Mareykanka haddii uu guuleysto
Donald Trump ayaa ka hadlay soo galootiga sharci darrada ah iyo isku dayga dil ee isaga ka dhanka ah mar uu wada hadal shucuur ka muuqatay uu kula yeeshay Barta X Elon Musk.
Mr Trump ayaa mar kale sheegay in uu qaadi doono masaafurkii ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka haddii uu madaxweyne noqdo bisha November.
Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Trump ayaa u sheegay Musk in markii uu madaxweynaha ahaa uu dhisay boqolaal mayl oo darbi ah si uu u ilaaliyo xudduudda koonfureed.
Trump ayaa u muuqday inuu u weecday arrinta socdaalka, mid ka mid ah arrimihiisii ololaha ee ugu muhiimsanaa ee ka caawiyay in uu ku guuleysto doorashadii 2016-kii.
Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa ku andacoonaya isaga oo aan soo bandhigin cadaymo muujinaya in soogalootiga ay ku imaanayaan "si waali ah" ayna ka kala imaanayaan dhammaan caalamka dafihiisa.
"Waxaa jira malaayiin qof oo imanaya bil gudaheed, waxay iska dhigaysaa sidii inay wax samaynayso," ayuu yiri, isaga oo ka hadlaya Kamala Harris. Waxa uu ku andacoonayaa in ay jiraan 20 milyan oo muhaajiriin sharci-darro ah oo ku sugan Mareykanka.
Waxaa uu Trump sheegay in dadka si sharci darada ah ku soo galaya Mareykanka ay qarakood yihiin dad dambiilayal ah sida uu hadalka ud higay.
Suurtagal maaha in si sax ah loo ogaado tirada soogalootiga sharci darrada uga soo galay Maraykanka xadka koonfureed intii lagu jiray wakhtigii Madaxweyne Biden ee xafiiska, laakiin xogta rasmiga ah ayaa muujinaysa tiro ka yar intii uu Trump sheegay.
Waxaa jiray 10.5 milyan oo muhaajiriin sharci darro ah oo ay la kulmeen saraakiisha fulinta ee Maraykanka, iyada oo in ka badan 8 milyan oo ka mid ah ay ka gudbeen xadka koonfureed.
Waxaa xusid mudan in ay dhici karto in lala kulmo isla qof isku dayaya in uu ka gudbo xadka dhowr jeer.
Tani waa koror weyn oo guud ahaan afartii sano ee Donald Trump, sidoo kale waa tiradii ugu sareysay ee laga diiwaan geliyo maamul kasta oo Mareykan ah.
Tan iyo markii Biden uu soo saaray xeerar horraantii bishii June ee xaddidayay xuquuqda dadka ka soo gudbaya xuduudda si ay magangelyo u codsadaan, tirada dadka lagu soo qabtay iyaga oo si sharci darro ah uga soo gudbaya xadka koonfureed aad ayay hoos ugu dhacday.
Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka ayaa ku dhawaad 57,000 oo soo galooti ah ka qabtay xadka bishii july – taasi oo ahaa tiradii ugu hooseeyay ee la diiwaan geliyo tan iyo Sebtembar 2020.
Tirada ayaa aad hoos ugu dhacday bishii December, markaasoo ku dhawaad 250,000 oo muhaajiriin ah lagu qabtay iyaga oo ka gudbaya xadka.
Trump ayaa hadalka ka sheegay Wareysiga oo laga sii daayay barta X, waxaana marti galiyay milkiilaha X Elon Musk.
Wareysiga ayaa 40 daqiiqo dib u dhac ku yimi ka dib markii kumanaan ah dadka isticmaala ay sheegeen inay u suurgali waysay inay soo galaan.
Musk wuxuu arrimaha ku eedeeyay weerar "weyn" oo dhanka internetka ah oo lagu soo qaaday barta X.
Maalqabeenka ugu taajirsan adduunka ayaa taageeray Trump inuu noqdo madaxweyne wuxuuna ka qeyb qaatay dadaallo dhaqaale loogu uruurinayey xisbiga Jamhuuriga.
Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Kamala Harris, oo Trump kula loolamaysa Aqalka Cad, ay mowjad xamaasad leh ka waday warbaahinta Mareykanka.
Tan iyo markii Joe Biden uu ka degay xilka musharraxa Dimuqraadiga, Harris waxay qabatay isu soo baxyo waaweyn oo xiriir ah oo waxaana barbar taagnaa Tim Walz oo ay us oo xulatay xigeen in uu u noqdo.
Iyadoo wax ka yar saddex bilood ay ka harsan tahay doorashada 5 November, labada musharax ayaa waxay isku dayayaan inay qeexaan ololahooda doorashada. | 5e4d861b-79dc-4019-96f0-7fec1fb47ae8 | 602 |
Maskaxdii ugu da'da weynayd abid oo la helay
“Maskaxdii ugu da’da weynid abid ee noolaha laf dhabarta leh oo bed qabta” ayaa laga helay hadhaadiga kaluun da’diisa lagu qiyaasay 319 milyan oo sano.
Hadhaadigan ayaa laga helay meel dhuxusha laga qodo oo ku taal gobolka Lancashire ee dalka Britain ka hor wax qarni ka badan, waxaanu intaas ku kaydsanaa keydka madxafka ee magaalada Manchester.
Cilmi-baaris ay sameeyeen kooxo ka socda jaamacadaha Birmingham iyo Michigan ayaa ogaaday in madaxa kaluunkan ay ku jiraan maskax iyo neerfayaasha 'cranial' loo yaqaan.
Sam Giles oo ku takhasusay cilmiga noolayaasha ayaa sheegay in "helitaankan lama filaanka ah" uu kusoo kordhiyay "faham la yaab leh" qaabka ay maskaxdu u samaysanto.
Qalfoofka kalluunka hadda dabar go’ay ayaa markii hore laga soo saaray lakabka dhagaxa saabuunta ee saqafka sare ee halka macdanta laga qodo ee Lancashire, waxaana markii ugu horreysay si cilmiyeysan loo sharraxay 1925-kii.
In kasta oo madaxa oo keliya la soo helay, haddana saynisyahanno ka socda Jaamacadda Birmingham (UoB) iyo Jaamacadda Michigan (UoM) waxay rumaysan yihiin in dhererka kaluunkani noqon lahaa 15 ilaa 20 sentimitar oo ay u badan tahay inuu ahaa mid ka mid ah noolaha hilibka oo kali ah cuna.
Wakiil ka socda jaamacadda Birmingham ayaa sheegay in unugyada jilicsan sida maskaxda oo kale ay si dhakhso ah u qudhmaan oo ay "naadir tahay inay noqdaan hadhaadi badbaada", balse markii kalluunkani dhintay, "malaha si dhakhso ah ayuu ugu aasmay xumbo ay ogsijiintu ku yartahay" sida bay'adahan oo kale "oo gaabis ka dhiga burburka iyo inay wax yeelloobaan qaybaha jidhka ee jilicsan" .
Waxay sheegeen in qalfoofka madaxan uu yahay nooca kaliya ee la yaqaan illaa hadda ee noociisa ah, sidaa darteed kaliya farsamooyin aan burburinayn ayaa la isticmaalay intii ay daraasaddu socotay.
Waxa ay intaa ku dareen in kooxda cilmi-baadhistu aanay maskax raadinaynin markii hore ee ay baadhayeen lafmadaxeedka kaluunka, balse ay mar dambe heleen wax gaar ah oo leh calaamado laga helo maskaxda laf dhabarta, sida lafta laba geesoodka ah iyo duleel u eg kan gudaha lafta dhabarka.
Dr Giles ayaa sheegay in "helitaanka lama filaanka ah ee maskaxda laf dhabarta oo saddex geesoodka ah oo bad qabta ay ina siinayso aragti yaab leh oo ku saabsan cilmiga qaab dhismeedka neerfaha ee kalluunka nooca baalasha leh".
"Waxay inna tuseysaa hab-nololeedka maskaxda oo ka qoto dheer marka loo eego sida ay u sameysanyihiin maskaxda noocyada noolaha oo aan hadda naqaan, taas oo noo oggolaanaysa inaan si wanaagsan u qeexno sida iyo goorta ay lafaha kaluunka manta jira kobceen," ayuu raacisay.
Cilmi-baaraha jaamacadda Michigan Rodrigo Figueroa ayaa yiri "hadhadiga marka korka laga eego aan xiiso saas ah lahayn iyo kuwa yar yar aanay kaliya ina tusayn tusaalaha ugu da'da weyn ee maskaxda laf dhabarta, balse sidoo kale waxay muujinaysaa in wax badan oo aan u haysannay qaabka maskaxdu u kobocday ee noocyada noolayaasha ay u baahan doonaan dib-ugashaqayn ". | 2b7f3392-b33c-4b20-83ec-1b906825b662 | 474 |
BBC Somali WhatsApp Channel oo hawada soo galay: Sidee loo helaa wararkii ugu dambeeyay si dhib yar
Hadda waxaad heli kartaa wararka ugu waawayn dunida, falanqaymo iyo muuqaalo xiiso leh oo ay soo diyaarisay BBC Somali adiga oo adeegsanay taleefankaaga.
Suxufiyiinteenu waxay kuu soo xulayaan sheekooyinka ugu micnaha-san ee ka jira dunida iyo deegaankaagaba oo qoraal iyo muuqaalba ah iyaga oo u soo gudbinaya dadka ku xiran kanaalka WhatsApp.
Waxaa la bilaabay sanadkii 2023, in iyada oo la adeegsanayo kanaal WhatsApp ay dhagaystayaashu heli karaan macluumaad ay soo gudbiyaan dadka iyo shirkadaha ay xiiseeyaan intaba.
Dhammaan kanaalada WhatsApp ee BBC da dadka ku xiran oo la isku daray waxay gaarayaan 15 million oo ka soo kala jeeda 200 oo waddan.
Halkaan ka dheeho sida aad ku heli karto warbixinada BBC ee ugu wanaagsan ee ku saabsan Soomaaliya adiga oo adeegsanaya WhatsAppp:
- Halkaan ku dhufo si aad u rukumato kanaalkeena WhatsApp adiga oo adeegsanaya taleefankaaga ama xitaa computer uga jira.
- Sidoo kale waxaad raadin kartaa BBC Somali qaybta baadigoobka xogaha ee aaladda WhatsApp.
Hadii aad isticmaalayso iPhone qaybta ugu hooseysa ee bidix xigta ayaad ka heli kartaa "Updates" meel ay ku qoran tahay, hadii aad Android isticmaaleyso qaybta sare ee shaashadda ayaad ka heli kartaa.
Halkaas ayay dhammaan fariimaheenu ka soo muuqan doonaan - iyaga oo ka gooni ah halka ay fariimuhu kuugu soo dhacaan.
Riix ganbaleelka saaran meesha ugu sarraysa ee kanaalka codkana u fur si aadan u seegin xogaha aan soo gudbineyno. Markaad doonto ayaad ka hari kartaa ama codka iska xiri kartaa kanaalkeena.
Warbixinadeena waad ka falcelin kartaa adiga oo adeegsanaya emojis, iyo adiga oo sidoo kale kuwa aad ka heshay la sii wadaagi kara dadka kuugu jira WhatsApp ka iyo xitaa guruubyada aad ka tirsan tahay.
Meta, oo ah shirkadda iska leh WhatsApp, Facebook iyo Instagram waxay sheegeen in cidina aysan arki doonin dadka kuugu jira WhastApp, xogo kale, sawirro, magac ama lambarkaaga.
Wax badan ka ogoow xogtaada qarsoon ee kanaalka WhatsApp ee BBC iyo ogeysiiska bulshada ee xogta gaarka ah. Riix halkan. | 533d9434-1f3e-4698-ab6e-9d485338eea2 | 338 |
Jaceylka beenta ah iyo waxa ku kallifa kuwa jila
Qaar badan oo inaga mid ah waxaan maqalnay odhaahda ah, ku arkay oo ku caashaqay, iyo filimaan badan oo lagu matalayo ‘jacayl qoto dheer’ oo lamaane dhex marka isla marka ay is arkaanba.
Sida ay aamin sanyihiin xeel dheerayaasha cilmu nafsigu, waxay sheekooyinka noocan ah ku tilmaameen khayaano shucuureed iyo ‘bam jacayl’.
Maxay tahay jacaylka la isku qarxiyo?
Badanaa waa in lamaane uu midi kan kale si xad ka bax ah ugu dhaga nuglaado dareen jacaylna ugu muujiyo, tan oo badanaa dhacda xilliyada ugu horeeya ee xiriirka.
Haddaba dhaqankan kalgacaylka loo ekeysiiyay ayaa ka mid noqon kara olole weyn oo la damacsan yahay in qofka jacaylka lagu hafinayo, lagu xadgudbo maskax ahaan iyo qalbi ahaan.
Alehandra oo ah naqshadeeye kana soo jeedda dalka Columbia ayaa laanta afka Mundo ee BBC-da ku tiri: “Hadda ayumbaan kasoo baxay xiriir aanan waxba ka dheefin, waxaanan si dhaqso ah u galay mid kale.”
“Wax walba ayuu igu casuumay, makhaayadbuu mar walba igeyn jiray, Malinka oo dhan ayaa wada sheekaysan jirnay, wuxuu ii raaci jiray jiimka ina sugi jiray saacado si uu guriga iigu celiyo. Wuxuu sidoo kale I geeyay milan, aad ayey iiga tan badatay.” Ayey triri.
Odhaahyada ay ka midka yihiin ‘Mar walba waan kaa fikiraa, 'waxa aan rabaa in aan kaa farxiyo', ama 'waxaan rabaa in aan kula joogo mar walba' waa wax fiican, laakiin sidoo kale mararka qaarkood waxay noqon karaan digniino muujinaya in laga gudbay qadka xiriirka caafimaadka qaba.
Run ahaantii, farqiga u dhexeeya “bamka jacaylka” iyo jacaylka caafimaadka qaba wuxuu noqon karaa wax lagu wareero. Balse waa caadi in la dareemo rajo la'aan jacayl marxaladaha hore ee xiriirka, sababtoo ah hormoonnada iyo neerfaha dareenka qaada ayaa ku jira meeshii ugu sarreysay xilligaas.
Khubaradu waxa ay isku raaceen in aanay wax dhibaato ah ku jirin in jacayl adag oo qoto dheer la isu muujiyo.
Waxaa cad in maskxadeenu si cajiib ah ugu laylyan tahay soo celcelinta xaaladaha inoo horseeda inaan dareenoo farxad, sida, hadiyadaha, kalgacalka iyo erayada wanaagsan. Tan waxaa loo yaqaan, nidaamka abaalmarinta.
Tusaale, nidaamkani waa isla kan inagu xira waalidkeen iyo dadka innna xanaaneeyay xilliga caruurnimada, wuxuuna aasaas u yahay kobocenna shakhsiyadeed.
Haddaba xaaladda ‘hafinta jacaylku’ waxay ka faaiideysnaysaa, shaqadan iyada ah ee maskaxdeenu qabato. Ugu horeyn, qofka hela dabeecad jacayl oo xad dhaaf ah wuxuu baranayaa in uu mar walba lamaanihiisa ka fisho dabeecaddan “abaalmarinta” wuxuuna si wanaagsan uga falcelinayaa marka uu helo xannaanada noocan ah. Intaas ka dib wuxuu qofku maskaxdiisa ku sawiranayaa in lamaanihiisu yahay kii ugu fiicnaa ee uu u baahnaa.
Alehandra waxay leedahay, markiiba waxaan u qaaday dareen adag lamaanahayga waxaana bilaabay in aan u nuglaado.
Aad ayaan ugu riyaaqay. Xitaa wuxuu iisoo jeediyey in aan waxbarasho isla aadno Ingiriiska. “waxan oo dhan waxay dhacayaan laba bilood gudahood markii uu xiriirku bilowday.” Ayey leedahay Alehandara.
Balse haddana hal mar ayuu qofka samaynaya ‘bamka jacaylka’ wuxuu la laabanayaa dhamaan wixii uu lamaanuhu uga bartay.
Intaas ka dib qofka jacaylka lagu hafiyey wuxuu bilaabayaa in uu ka tanaasulo waxayaabo badan si uu u helo abaal marintii uu u bartay. Waxaa suurta gal ah in uu dib dhigo ama joojiyo ballan uu la lahaa qoyskiisa ama saaxiibadiis isaga oo rajo ka qaba in haddii uu waqti badan ku bixiyo lamaanihiisa, uu soo celin doono xannaanadii.
Amaba xaaladaha qaar waxaa laga yaabaa in aad ogalaato talaabo gogoleed oo aadan si kale ku ogalaateen, si aad mar kale u dareento in lagu jecel yahay. Ugu dambeynta waxaad la yaabaysaa sababta uusan jacaylkaagu kuugu muujinayn galacal badan sidii horeyba uu deeqsiga ugu ahaa.
Alehandra waxay leedahay: “ wuxuu bilaabay in uu is baddelo, sidii hore uma muuqanayo, waxaanan bilaabay in aan dareemo xasilooni darro, cabsi iyo wareer/yaab. Waxaan bilaabay in aan anigu iska shakiyo oo aan u maleeyo in aan anigu buunbuuninayo xaaladda. Waxaan ahayn dad mar waliba sheekaysta, hal mar ayumbaana la waayey meel uu ka baxay.
“Mar dambe oo aan kulanay, wuuba is badalay wuxuuna bilaabay in uu aniga iga cawdo sida aanan u liqin kiniinka ka hor tagga uurka. Aad ayey taasi ii xanuujisay waayo waxaan doonayey in aan ilmo isu dhalno.” Ayey tiri.
Intaas ka dib xiriirku wuxuu noqonayaa ila meerayso iyo in uu kusoo laalaabto hal meel isla markaana uusan soo af jarmin. Mar waliba oo qofka xad gudubka waday uu dareemo in uu awoodda luminayo wuxuu dib u bilaabaa wanaaggi looga bartay oo matalaad ah si uu mar kale u hanto xakamaynta lamaanaha.
Nafsiga qofka samaynaya hafinta jacayllka
Cadow uun iskama aha qofka sidan samaynaya, ee sida ay u badanyihiin dadka maskax ahaan ama jidh ahaan ku xad gudba kuwa kale, Waxaa jirta cillad shakhsiyadeed oo haysata.
Si guud, inta badan falalka hafinta jacaylku waa istiraatijiyad uu qofku u isticmaalo si aan ku tala gal ahayn, waana falcenlinta cagliga qofka qaba dhibaatada loo yaqaan ‘narcissism’ iyo isku kalsoonaan la’aanta. Tani waa natiijada daraasad ay samaysay barfasoore Clare Strutzenberg oo dhigta jaamacadda Pennsylvania.
Waxay sharraxaysaa in goorta uu qofkani soo bandhigayo danaynta iyo xannaanada xad dhaafka ah uu rajaynayo “xaqiijin ah in la jecel yahay uu qurxbadan yahay loona baahan yahay”.
”Dhanka kale dadka aan nasiib u helin in ay samaystaan xiriir caafimaad qaba ayaa u dhow in ay ku dhacaan kuwa adeegsada hafinta jacaylka,” ayey tiri Clare oo ah dhaqtar cilmu nafsi oo ku takhasusutay xiriirka jacaylka.
Khayaaliga ah in aad loo jecel yahay ayaa dareensiinaya xiriir adag waxayna u nuglanayaan in la khiyaameeyo si fudud.
Sideed ku ogaan karta in sidan lagugu samaynayo?
Ma jirto si la isla wada ogyahay oo lagu garan karo in hafin jacayl lagugu wado iyo in kale. Isla dabeecadahan iyo dhaqanka ayaa noqon kara mid wanaagsan marka la sameeyo xiriir caafimaad qabo oo aan ujeeddo kale laga lahayn, halka ay dhibaato iyo dhaawac ku noqon karaan mid kale. Isku soo duuduub oo, waxay ku xiran tahay sida aad daacad u tahay iyo sababta aad u adeegsanayso talaabooyinkan ‘abaal marinta‘. Waxaanaba suurta gal ah in la garto u jeedada qofka kale.
Haseyeesee haddii aad dareento in xannaada iyo daryeelka lamaanahaagu xoogaa xadka ka baxsan yihiin oo aad ka shakidu in aysan daacad ah ahayn; waxaad ku ogaan kartaa in jacayl lagugu hafinayo iyo in kale, toddobadan siyaabood.
- koolkoolin oo xadka ka baxsan. sida in la yiraahdo 'waan ku jeclahay' toddobaadka ugu horreeya ee is barashada, halka dadka caadiga aysan xitaa haysan kalsoonida lagama maarmaanka ah, waxay calaamad u tahay khatar.
- Qofka oo kuu sheegaya inuu rabo in uu waqtigiisa oo dhan kugu bixiyo, taas oo u muuqata in aad laguuu jiecel yahay, laakiin waxay noqon kartaa tallaabada ugu horreysa ee kaa fogeyn doonta asxaabtaada iyo qoyskaaga. Go'doominta waa xeelad aad wax ku ool ugu ah kuwa xad gudba si ay awood iyo maamul kuugu helaan.
- Ammaan xad dhaaf ah isaga oo ku sheegaya inaad tahay qofka ugu quruxda badan ee uu abid la kuolmay ama inaad tahay wax kasta oo ay waligood ku riyoonayeen, waxaa laga yaabaa inaysan jacayl ahayn sida ay u muuqato. Ka fiirso bogaadin la buunbuuniyay oo u eg inaysan kuu gaar ahayn adiga.
- Bixinta hadiyado badan, waxay noqon kartaa nooc ka mid ah dabin, gaar ahaan haddii ay ku dareensiiyaan in aad si uu u magdhawdo abaalka.
- Qof xadgudubka soo wada ayaa si xad dhaaf ah u wada xidhiidhka, tusaale ahaan, wuxuu kula hadlaya maalinta oo dhan isaga oo kuu sheekaynaya ama kusooo wacayaw. Waa u caado in ay kuu sheegaan in aysan dan kale oo adiga aan ahayn aysan ka dhicin ama ugu yaraan ay sidaas ku dareensiiyaan, dadka noocan ahi.
- Masayrka iyo aamin baxa daacadnimadaada waxay sidoo kale noqon kartaa siyaabo uu qofka jacayllka kugu hafinayaa doonayo in uu kuugu muujiyo 'jacaylkiisa adag' oo uu ku dareensiiyo in aad tahay qof xun oo aan fahmin sida loo jecel yahay.
- Haddii uu lamaanahaagu bilaabo in uu iska baddalo ‘qofka aduunka kuu jeclaa‘ kadibna uu bilaabo in uu kuula dhaqmo si qallafsanaan ah ama aadan uga baran oo xun, waxay u dhowdahay in uu helay qof kale.
Dabcan, Huntington waxay xoogga saaraysaa inaan iska ilaalino shakiga badan. | e79e31e2-cca9-4aec-937b-42a3a08c8987 | 1,339 |
TikTok oo qaadday tillaabo farxad galineysa dadka isticmaala
Shirkadda TikTok ayaa qaaday tillaabooyin amni si ay meesha uga saarto cabsida laga qabo in lagu qasbo in ay la wadaagto xogta isticmaalayaasha Shiinaha. Tillaabooyinkan ayaa noqon doono kuwo amniga bartaan wax looga qaban doono si madax-bannaan.
La socodka xogta TikTok waxay ka dhigi doontaa mid adag si loo aqoonsado isticmaalayaasha gaarka ah. App-ka ayaa sheegaya in "tillaabooyinkan amaanka" ku saabsan ay ku dari doonto habab dheeraad ah oo lagu xakameynayo helitaanka macluumaadka isticmaalayaasha Yurub iyo u wareejinta xogta meel ka baxsan Yurub.
Shaqaalaha u shaqeeya Guddiga Midowga Yurub ayaa lagu amray inay taleefannadooda iyo qalabka hay’addaas ka saaraan barnaamijka TikTok.
kalsooni
Iyadoo shirkaddu ka duuleyso sidii kalsooni loogu qabi lahaa xaqiijinta iyo kaydinta xogta isticmaalayaasha gudaha Yurub, ayaa TikTok waxay daaha ka qaadday qorshayaal lagu dhisayo laba xarumood oo uu ku baxayo dhaqaale gaaraya €1.2 bilyan sannadkii, mid ka mid ah xaruumahaas waxaa laga dhisayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland, iyadoo xaruunta kalana looga dhawaaqay dalka Norway.
Labada xarumood ayaa ku shaqayn doona tamar la cusboonaysiin karo.Shirkadda ayaa tan iyo sannadkii hore ka shaqaynaysay mashruuca "Clover".
"Waa horumarin arintaan sababtoo ah waxaan rabnaa inaan kasbano kalsoonida," ayuu yiri Theo Bertram, madaxweyne ku xigeenka TikTok ee dhanka xiriirka dowladda iyo siyaasadda guud ee Yurub.
Qorshe kaa la mid ah oo loogu magac daray "Project Texas" ayaa hadda laga wadaa Maraykanka. In ka badan 100 milyan oo Maraykan ah ayaa isticmaala Ap-ka Tiktok, laakiin dowladaha Mareykanka iyo Canada ayaa xayiraad ku soo rogay isticmaalka shirkaddan.
TikTok waxay sheegtay in mamnuucidani ay tahay "mid marin habaabin ah oo aan waxba ku soo kordhineynin sare u qaadista amniga". Shiinaha ayaa aad uga soo horjeeda tallaabadan.
Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha oo lagu magacaabo Mao Ning ayaa tiri, "Sidee dowlad weyn oo kaalinta koowaad kaga jirta adduunka sida Mareykanka aysan ugu kalsoonaan karin oo ay uga baqaan app-ka ay jecel yihiin dhallinyaradu?"
Maalin ka hor ku dhawaaqistii qorshahaan wax looga qabanayo xogta isticmaalaha TikTok madaxweynaha Mareykanka Joe Biden waxa uu soo jeediyay in la taageero sharci awood u siinaya inMareykanka laga mamnuuco shirkadaha tignoolajiyada ee ay ajaanibku leeyihiin.
Madaxa TikTok Xu Zixiu ayaa lagu wadaa in uu horyimaado Congress-ka dabayaaqada bishan. TikTok ayaa u sheegtay BBC-da in ay walwal ay ka qabto xiisadaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha.
Falanqeeyaasha ayaa sheegaya TikTok ay u dagaallameyso in ay caddeyso inaysan khatar ku ahayn amniga internedka.
Maamulayaasheeda ayaa si isdaba joog ah u sheegay in shirakaddu aaney marnaba khatar ku ahayn amniga isla markaana ay sugayaan xogta dadka isticmaala.
TikTok waxaa si rasmi ah loo furay sanadkii 2018-ka, kaddib markii shirkaddu ku milantay shirkad kale oo Shiinaha laga leeyahay oo lagu magacaabo, Musical.ly, oo ah barnaamij dadka u oggolaanaya inay heesaha qaab jilitaan ah u qaadaan. | 2871c961-83e5-49b6-8dcd-7ad2624f0ad6 | 462 |
Muhiim maaha inaad maalin walba qubeysato-sababta ogow
Inaan maalin walba qubeysanno ma muhiim baa? Khubarrada qaar ayaa aaminsan in qubeyska maalinlaha ah lagu saleeyay 'qandaraas bulsho' marka loo eego baahida dhabta ah.
Sanado yar kahor, waxaan joojiyay inaan qubeysto. Guri ka shaqeynta uu coronavirus sababay, inaan la degay lammaane aan inta badan qubeysan oo nadiif ah iyo caajiska da’da dhexe ayaa igu kallifay inaan iska daayo caadadii ku dhowaad 30 sano: Muddo dheer aniga oo aan jimicsi sameyn, haatan keliya saddex jeer baan qubeystaa toddobaadkii. Qaar ka mid ah saaxiibbadeyda ayaaba intaa in ka yar qubeysta – qaar yar ayaa toddobaadkii mar qubeysta xilliyada qaboobaha, mararka qaar sababo la xiriira dhibaatooyinka maqaarka amaba naceybka timo qoyan – balse qaar kale ayaan awoodin inay i fahmaan. "Si hagaagsan uma soo kici karo aniga oo aan subixii qubeysan," ayay dhahaan. "Maalin walba waa inay ku bilaabataa qubeys iyo koob shaah ah." "Ma dhici karto sabab aan sariirteyda ugu hurdo [aniga oo aan qubeysan] kadib marka aan ka imaado London." "Saddex jeer toddobaadkii? Uff."
Dadka aan inta badan qubeysan aalaaba waa laga shakiyaa. Taas keliya maaha dadka jecel dabiiciga, kuwa teendhada ku hoyda balse waxaa ku jira TikTokleyda iyo xitaa dadka caanka ah. Bishii lasoo dhaafay, war-tebiyaha Britain u dhashay Jonathan Ross ayaa dunida qabsaday kadib markii uu sheegay in mararka qaar oo wax ka yar hal jeer xitaa qubeysto toddobaadkii, sanadkii 2023, sidoo kale jilaa America Ferrera ayaa wareysi ay bixisay ka yaabiyay taageerayaasheeda kadib markii ay sheegtay in mararka qaar aysanba qubeysan. Dadka qaar ayaa iyaguna keliya dhaqa qeybo ka mid ah jirkooda.
Balse iyadoo dhaqidda gacmaha oo la joogteeyo ay muhiim u tahay joojinta faafitaanka jeermiska, sida ay dhaqaatiir badan qabaan ma jiro faa’iido caafimaad oo laga dhaxlo qubeyska joogtada ah. Xaqiiqdii, kuumaba wanaagsana mararka qaar maaddaama taas ay qallajineyso maqaarkaaga ayna wiiqeyso difaaca jirkaaga. Weli, daraasadaha ayaa sheegaya in in ka badan kala bar dadka Ameerikaanka ah iyo UK ay maalin walba qubeystaan. Ma xilligii dib u eegis lagu sameyn lahaa baa la joogaa?
In la helo qof doonaya inuu ka sheekeeyo dhaqankiisa qubeys la’aanta ma aha wax fudud. Sanadkii 2015, khabiirka kimistariga David Whitlock ayaa caalamka qabsaday kadib markii uu sheegay inuusan qubeysan muddo 12 sano ah. Taas beddelkeed, wuxuu isku buufin jiray bakteeriyo fiican. Sanadkii ka dambeeyay, khabiirka fiisigiska James Hamblin ayaa sidoo kale wax ka qoray sida uu u joojiyay qubeyskiisa. Sanadkii 2020, makrii buuggiisa Clean uu soo baxay, wuxuu BBC u sheegay: "Waxaan leeyahay ur, xaaskeyga dhib kuma qabto, dadka kalena waxay dhahaan ma xuma."Markii aan farriin u qornay si uu nooga sheekeeyo dhaqankiisa qubeyska saddex jeer toddobaadkii, wuxuu sheegay inuu mashquul yahay, balse wuxuu yiri: "U sheeg qof walba oo kugu jeesjeesa inay ka war la’yihiin sida uu maqaarku u shaqeeyo, kadibna ka soco."
Ugu dambeyn, waxaanu helnay khabiirka deegaanka Donnachadh McCarthy. "Keli kuma ihi inaan la qubeysan maalin walba," ayuu yiri. "Waxa aan keli ku ahay ayaa ah inaan geesi ku ahay inaan rabo inaan ka hadlo."
Siddeed sano kahor, McCarthy ayaa arrintan maqaal uga qoray wargeyska Guardian. Wuxuu sheegay inuu isku tilmaamo inuusan inta badan qubeysan ay ahayd wax cabsi leh, sababtoo ah wuu ogaa inuu la kulmo doono aflagaaddo badan. Balse markii maqaalka la daabacay, dadka ayaa dhegta ugu sheegay inay iyaguna sidiisa oo kale sameeyeen.
Kahor inta uusan dhaawac soo gaarin, McCarthy wuxuu ahaa qof qoob ka cayaarka sameeya maalin walbana qubeysta. Kaddib markii uu labo toddobaad la qaatay bulshada la yiraahdo Yanomami ee keymaha Amazon ku nool, ayuu go’aansaday inuu arrintan u sameeyo deegaanka dartiis, isagoo masharaafta roobka iyo dab-dhaliye qorraxda ku shaqeeya soo dhigtay gurigiisa London ku yaalla, isagoo sidoo kalena koontarooli jiray isticmaalkiisa biyaha.
Sanadihii ku xigay, wuxuu bilaabay inuu yareeyo qubeyska. Maalmahan, bishiiba mar ayuu qubeystaa. Wuxuu isticmaalaa keliya hal koob oo biyo ah iyo maro uu qyebo ka mid ah jirkiisa ku dhaqo. Cidna kuma tiraahdo waad soo ureysaa. | b04814c4-3419-47a4-917a-b962ea6d2671 | 644 |
Ma run baa in Hargeysa laga joojiyey Bandhig faneedyada
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa ka noqday go'aan uu isla maanta soo saaray oo uu ku sheegay inuu gebi ahaanba joojiyey bandhig faneedyada iyo cawaysyada xilliyada habeenkii lagu qabto Magaalada Hargeysa.
Axmed Maxamed Cadaad, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ayaa BBC-da u xaqiijiyey in ay ka noqdeen go'aanka ay soo saareen ee ahaa in aan Hargeysa lagu qaban karin Bandhig faneed.
Go'aankan oo hadal hayn badan ka dhaliyey bulshada dhexdeeda ayaa waxa uu soo baxay saaka subaxii hore.
Maxaa beddelay go'aanka Guddoomiyaha?
Warqad shalay ka so baxay xafiiska Axmed Maxamed Cadaad, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ayaa lagu mamnuucay bandhig faneedyada Hargeysa lagu qabto.
Warqadaas ayaa lagu farayay hoteelada Hargeysa in la joojiyo bandhig faneedyada lagu qabto halkaasi.
"Waxa la farayaa labada taliye qaybeed in laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 19/10/2025, dhammaan huteellada Hargeysa laga joojiyo cawaysyada iyo bandhig-faneedyada, maadaama oo ay liddi ku tahay diinteena Islaamka iyo dhaqanka suubban," ayaa lagu yiri amarka kasoo baxay Guddoomiye Cadaad.
Axmed Maxamed Cadaad, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo BBC la hadlay ayaa qiray in go'aankaas hore uu isagu soo saaray balse uu imika ka laabtay.
Bayaankii hore ee bandhig faneedyada aan ku joojiyay waa ka noqday ayuu yiri Mr Axmed Cadaad.
Waxaa uu sheegay in go'aankii hore uu ahaa mid uu ku ilaalinayo anshaxa iyo diinta islaamka, balse si kale loo fasirtay.
"Markii hore anigaa soo saaray go'aankaas oo waxaan ku saleynayay anigoo eegaya ka barasaab ahaan in aan ilaaliyo anshaxa iyo asluub wanaagsan iyo dhaqan wanaaga" ayuu yiri barasaabka.
Balse waxaa uu sheegay in qabashada Bandhigga ay ku xireen shuruudo ay ka mid tahay in aan ilaa saqda dhexe lagu gaarin.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ayaa dhanka kale sheegay in laga tashan doono qaabka ay noqonayaan bandhig faneedyada mustaqbalka lagu qaban doono magaalada Hargeysa.
"Bandhig faneedyadan dambe iyagana go'aan ayaa laga soo saari doonaa dowladda ayaa ka tashan doonta sida loo qabanayo, habka loo qabanayo, ogolaanshiyahooda dwoladda ayaa talo qaran ka gaaraysa" ayuu yiri Mr Axmed.
Muranka ku xeeran bandhigga fannaanada Haboon Nuura
Fanaanadda lagu magacaabo Haboon Nuura ayaa waxaa bandhig faneedyadeeda muddooyiinkii u dambeeyay hareeyay muran xooggan.
Bandhig ay ku qaban lahayd magaalada Muqdsho ayaa la baajiyay ka dib is-qabqabsi dheer.
Fanaanada ayaa imika ku sugan magaalada Hargeysa halkaasi oo lagu wado in bandhig faneed ay qabto maalmaha soo socda .
Axmed Maxamed Cadaad, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay in maadaama go'aanka loo qaatay in looga hortagayay fanaanad bandhig faneed ku qaban rabtay Hargeysa uu hadda fanaanadaasi uu u fasax qabsashada bandhigeeda.
"Go'aanka cusub waxaa uu yahay in anigoo eegaya inantaa laga soo celiyay xamar ee loo diiday inay halkaas wax ka sameysato darteed waa koow, iyo iyada oo loo qaatay inaan gobol gaar ah u jeedo ayaa waxaan qaatay go'aan ah inaan inantii u fasaxo inay bandhigeedii qabsato" ayuu intaa ku daray Mr Axmed.
Markii uu soo baxay go'aankii hore ee gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ayaa waxaa ka dhashay fal-celino badan oo ay dadka qaarkooda kaga soo hor jeesteen.
Magaalada Hargeysa ayaa hormuud u ah magaalooyinka caanka ku ah fanka, halkaasoo suugaan iyo maanso kala duwan oo heesaha iyo riwaayaduhu ugu badan yihiin ay ka soo baxeen 70kii sano ee u dambeeyey. Sidoo kale waxaa muddooyinkii ugu dambeeyey lagu qabanayey bandhig faneedyo kala duwan.
Waxaa magaalada ku sugan fanaanin badan oo isugu jira kuwa dambe iyo fanaaniintii hore, isla markaana waxaa magaalada jooga abwaanno caan ka ah gayiga Soomaalida. | c0a1aa02-ed94-430a-8c2b-3afc58bd108e | 565 |
Booliiska Canada oo qabtay nin caddaan ah oo gurigooda ku weeraray qoys Soomaali ah
Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Edmonton ayaa isugu yimid kulan deg deg ah kadib weerar nin caddaan ah uu ku qaaday rasaasna huwiyay qoys Soomaali ah oo daris la ahaa.
Ninka ayaa la sheegay inuu deris la ahaa qoyska uuna ka dhaxeeyay derbiga guriga, rasaas ayuu dhowr jeer derbiga kasoo dusiyay taasoo cabsi ku abuurtay hooyada iyo carruurteeda.
Haweeneyda Soomaalida ah oo sababo ammaan dartood aan dooneyn in magaceeda la shaaciyo ayaa sheegtay inay cunno u diyaarineysay ilmaheeda markii ay maqashay dhawaqa rasaasta dhowr jeer.
Kulanka bulshada Soomaalida ee Edmonton kadib ayaa weriye Durraan Xasan Yare wuxuu arrinta ka waraystay Ahmed-yaasiin Jaamac Cabdulqadir oo ka mid ahaa qaban-qaabiyeyaashii kulanka sidoo kalana ehel la ah qoyska dhibaatada loo gaystay | ee028aa2-14d1-498b-91b0-d7956e1fe14e | 134 |
Sida hooyadan loo soo gaarsiiyay warka wiilasheedii tahriibka 15-ka sano kaga maqnaa iyada oo u fadhiday tacsida halkii wiil ee u haray
Waxay ahayd dhacdo farxad iyo naxdinba wadata, markii hooyo Faadumo Maxamuud Axmed laga tusay mobile, muuqaalka wiilasheeda oo ay la’ayd muddo ku siman shan iyo toban sano.
2009-kii ayay labadeeda wiil oo lagu kala magacaabo Cabdi Muxiyadiin Axmed iyo Saleemaan Muxiyadiin Axmed, da’ahaana isku xiga (mid waxa uu jiray 15 sano, midka kalena 16) ka tageen magaalada Nairobi oo qoysku wada joogeen, iyagoo ka soo qaxay Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarweyne, xiligaas oo dagaalo ba’ani socdeen.
Socdaalkooda liibiya waxa uu ku saabsanaa in ay ka sii tahriibaan si ay nolol cusub uga bilaabaan qaarada Yurub, una caawiyaan qoyska intiisa kale ee ku nool Afrika.
Rajadaas iyo yoolkaasi ma sii socon, waxaana hooyo Faadumo war iyo wacaal ugu dambeysay wiilsheeda habeen inta ay la soo hadleen u sheegeen in ay doon ka raacayaan xeebaha Liibiya.
‘’Xamar miyaad soo aaday hooyo, doonta caawa ayaan koreynaa, macsalaama,’’ waa erayadii ugu dambeeyay ee shan iyo toban sano kahor ay ka maqasho wiilasheeda, oo habeen kaas safar u ahaa Yurub balse aanay u suurtagalin, taa badalkeedana u gacan galay kooxaha loo yaqaano magafayaasha oo ay u afduubnaayeen muddadaa dheer.
Faadumo waxay sheegtay in muddadaa dhawr iyo tobanka sano ah aanay war iyo wacaal toona ka helin wiilashadeeda.
‘’Maya maya hooyo macaan, ha sheegin waan ka quustay, Ilaahay subxaana qaadirka ayaan talo saartay, waxan dhihi jiray xitaa haddii uu hal kuu nool yahay, Ilaahay ha ii sahlo’’ sidaas waxa BBC-da u sheegtay hooyo Faadumo.
Sidee ku soo gaaray warka wiilasheeda la la’aa 15-ka sano hooyo Faadumo?
Faadumo Maxamuud Axmed muddo 15 sano ahba war kama hayn labadeeda wiil, waxayse haysatay wiil sedexaad oo la yiraahdo Maxamed Muxiyadiin Axmed, nasiib darase waxa uu ka dhintay Jimcihii ka horreeyay, Jimcaha ay aragtay muuqaal internet-ka la soo dhigay kaas oo ay ka dhex muuqdeen dhalinyaro Soomaali ah oo laga soo furtay magafayaasha Liibiya, kana aqoonsatay labadeeda wiil.
‘’Jimcihii dambe walaahi bilaahi waan farxay markaan warkooda maqlay, habeen kii xitaa dadka dariska ah ayaa i kiciyay, waan kici waayay, Jimcihii ka horreeyay ayaa tacsi ii tiilay, waan iska oynayay, Jimcihii ku xigayna waan farxayay, subaxdii ayaa la ii soo sheegay caruurteyda, hooyo farxad farxad’’ erayadaas ayay u sheegtay Faadumo weriyihii wareysiga ka qaaday.
Faadumo waxay sheegtay in shan iyo tobankaa sano ay ku tirisay wiilasheeda geeri, kana quusatay.
Jimcihii dhawaa ayaa dadka dariska ay ku yihiin degmada Xamarweyne u keeneen muuqaalka dadka laga sii daayay magafayaasha Liibiya, sidaas ayayna ku aqoonsatay.
Dhacdooyinka kale ee naxdinta leh ee ku xeeran sheekada qoyskan, waxa kaloo kamid ah in muddadii la la’aa wiilasha lagu qafaashay Liibiya, uu dhintay aabahood Muxiyadiin Axmed, taas oo xaaladda ku sii adkeysay hooyo Faadumo.
Faadumo, marka laga soo tago muuqaalka internet-ka la soo dhigay, illaa hadda wiilasheeda xog lagama siin halka ay joogaan iyo goorta wadankooda la keenayo, waxayse ka filaysaa dawladda Soomaaliya in wiilasheeda loo soo celiyo.
Tobannaan muhaajiriin oo u afduubnaa magafayaasha Liibiya oo bishan la sii daayay
Ugu yaraan 107 muhaajiriin ah oo isugu jira dumar, rag iyo caruur ayaa laga sii daayay afduub loogu haystay Koonfur Bari Liibiya, sida uu sheegay afhayeenka xoogagga amaanka horaantii bishan.
Waliid Al-ra’uufi oo ah afhayeenka waaxda dambi baarista ee magaalada Banqaasi ayaa sheegay in afduub ahaan loo haystay dadkan oo ku socday qaaradda Yurub.
Muhaajiriintan ayaa ka kala yimid dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, waxayse u badnaayeen Soomaali, sida uu sheegay Waliid al-ra’uufi.
‘’Waxan u daadanay bartamaha guri ku yaala Kufra, waxana halkaas ugu tagnay muhaajiriin si sharci darro ku yimid oo isugu jira haween, caruur iyo dad da’ ah, waxana ka muuqday jirkooda jir dil xun iyo xabado’’ ayuu yiri Waliid.
Lama oga in wiilasha Faadumo ay ku jiraan kuwa laga soo furtay Kufra iyo in kale, waxayse kaliya ayagtay muuqaal ay wiilasheeda ka dhex aqoonsatay oo la leeyahay, waxa laga soo badbaadiyay magafayaasha Liibiya.
Liibiya ayaa marin u ah muhaajiriinta ka baxsanaya amni xumida iyo saboolnimada ee u nolol doonanaya qaarada Yurub, iyagoo adeegsanaya marinada khatarta ah ee saxaraha iyo badda Mediterranen-ka.
Liibiya hadda waxay hoy u tahay 704,369 muhaajiriin ah, kuwaas oo u kala dhashay 43 wadan, sida ay muujinayso xog ay ururin ay sameeyeen boqol qof oo ka socday dawladda hoose, kuna soo baxday tirkoobyada Qarmada Midoobay.
Bishii Maarso ee sanad kan, hay’adda caalamiga ah ee socdaalka (IOM) ayaa sheeegtay in 65 maydad muhaajiriin ah laga helay xabaal wadareed ku taala Koonfur Galbeed ee wadanka Liibiya. | 2328de08-6ba5-426b-9449-321cbc484778 | 744 |
Maxay yihiin daawooyinka "daroogo ahaanta loo isticmaalo" ee lagu baaqay in Soomaaliya laga mamnuuco?
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Xasan Cali Shuute, ayaa maalmo ka hor maxkamadda ka sheegay dhibaato ay Soomaaliya ku hayaan labo ka mid ah kaniini daroogo ahaan loo isticmaalo.
Shuute ayaa amray in kaniinadaasi dalka laga joojiyo oo la mamnuuco.
"Maxkamadu waxay amraysaa xafiiska xeer-ilaalinta oo kaashanaya hay'adaha amniga booliiska iyo nabad sugidda in ay tilaab ka qaadaan xiraanna goobaha ganacsi iyo dukaamada gaarka loo leeyahay oo looga ganacsanayo kaniinyada loo isticmaalo sakhada oo ay ka mid yihiin Tramadol iyo kaniiniga loo bixiyay Bilibili," ayuu yiri guddoomiyaha.
Waxaa uu sidoo kale amray guddoomiyaha maxkamadda ciidamada in farmashiyeyaasha aan u haysan fasaxa inay gadaan kiniiniyadaas in laga joojiyo.
"Sidoo kale farmashiyaasha yaryar oo ay awoddooda gaarsiisneyn inay iibiyaan kaniinadaas iyagana in laga joojiyo inay iibiyaan".
Amarka ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale waxaa lagu amray in ay soo xiraan dadka ka ganacsada kaniinyada oo caddaalada ay hor-geeyaan.
"Dadka ku howlan shaqadaasi ganacsiga ka raadinayaa dawooyiinkaasi sakhada loo isticmaalo la xiro lana horgeeyo garsoorka awoodda u leh" ayuu intaa ku daray guddoomiye Shuute.
Maxay yihiin kaniinadan Tramadol iyo bili-bili?
Labadan kaniiniba waa xanuun baabi'iyeyaal aad u xoog badan.
Balse waxaa muddooyinkii u dambeeyay soo baxayay in meelo ka mid ah Soomaaliya loo isticmaalo qaab darooga ama maandooriye ahaan ah.
Tramadol waxaa loo isticmaalaa xanuunnada dhexdhexaadka ah oo uu ku jiro xanuunka qalliinka ka dib.
Dr Cabdullahi Saciid Xaashi oo ka howlgala isbitaalka Somali-Türkiye Recep Tayyip Erdoğan Research and Training Hospital ayaa sheegaya in kaniinka Tramadol uu yahay mid ka mid kaniinada xanuun baabi'iyeyaasha ah.
Waxaa uu intaa ku daray in kaniinigan uu yahay mid la siiyo dadka ay hayaan xanuunnada saaidka ah.
"Taramadolka kaniin loo isticmaalo xanuun baabi'iyaha waxaa la siiyaa dadka uu xanuunkoodu aadka u daran yahay marka xanuunka lagu cabbiro oo kale 1 ilaa 10 oo kale oo ah dadka xanuunkoodu uu toban gaarayo oo kale," ayuu yiri Dr Cabdullaahi.
Dr Cabdullaahi ayaa intaa ku daray in kaniiniga Tromadol sidoo kale loo qoro dadka qalliinka lagu sameeyo.
"Waxaa kale oo la siiyaa dadka qalliinka ka soo baxay oo lafaha laga kabo oo kale ama xanuunka saaidka ah qaba,".
Dhaqtarka ayaa farta ku fiiqay in kaniinkan Taramadol loogu talagalay oo kali ah isbitaallada oo aan la iska qaadan karin iyada oo uusan dhakhtar kuu qorin.
"Badanaa waxaa lagu isticmaalaa isbitaallada oo kale waana daawooyinka dhkhatrka uu qoro oo qof inta uu imaado aan la siin karin".
Daawada kale ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ay amartay in la joojiyo ayaa lagu magacaabaa Pregabalin, balse dadka isticmaala ay imika u yaqaanaa Bili-bili.
Daawadan ayaa sida ay dhakhaatiirta sheegeen waxaa loo isticmaalaa xanuunada sida neerfoyinka waana daawo xanuun baab'iya ah oo aad u awood badan.
Dr Cabdullaahi oo aan wax ka waydiinnay ayaa sheegay in Pregabalin uu yahay mid loo isticmaalo inta badan marka qof dhaawac uu ka soo gaaro neerfooyinka.
"Waxaa loo isticmaalaa xanuunnada ka yimaada marka neerfaha uu dhaawac soo gaaro, waxaa kale oo isticmaalaa xanuunnada neerfaha ka yimaadda sida dhabarka oo kale iyo xanuunada murqaha," ayuu intaa ku daray.
Goormaay daroogo noqdaan kaniiniyadan?
Dadka qaar ayaa kaniinadan u isticmaala qaab aaan loogu talagalin iyaga oo ka raadinayo waxyaabo kala duwan.
Dr Cabdullaahi ayaa carrabka ku adkeeyay in markasta oo wixii loogu talagalay wax ana ahayn loo isticmaalo ay daroogo noqon karaan.
"Marka u jeeddo aan intaas ahayn loo isticmaalo waxay noqonayaan mid si khaldan loo isticmaalay markii intii loogu talagalay laga badiyo waxay isu badalayaan daroogo," ayu yiri.
Dr Cabdullaahi ayaa xusay in dadka kaniiniyadan isticmaala ay laba qeybood yihiin, kuwa inta dhakhtar u qoray sidaa kula qabsaday iyo kuwa iskood u isticmaala.
Waxaa uu xusay in haddii kaniinadan la joojiyo ay jiraan kaniinno kale oo la siin karo dadka xanuunka uu hayo islmarkaana ay ku xiran tahay hadba waxa uu qofka kula taliyo dhakhtarka
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin xaddiga isticmaalka kaniiniyadan ee daroogo ahaanta loo isticmaalayo, waxaase jira in marar badan ay booliisku soo qabteen dhalinyaro daawooyin isugu jira kaniini iyo sharoobbo u isticmaala daroogo ahaan. | 5c4aa966-32e3-436d-ae4c-75130dfe9a86 | 683 |
Iiraan oo qaadday tallaabo laga baqayay oo ku saabsan nukliyeerka
Sawirrada dayax-gacmeedka lagu qaaadya 29-kii June ayaa muujinaya qalab iyo mishiino culus oo la geeyay islamarkana ka shaqeeynaya xarunta Niyukleerka Fordow ee uu dhawaan u Mareykanka beegsaday.
Sawiradu waxay muujinayaan cagaf-cagafyo iyo wiish dul saaran waddo dhawaan la dhisay oo soo gasha goobta, kuna dhow halka lagu bartilmaameedsaday bambooyinka awoodda badan ee US GBU-57.
Cagaf-cagaf iyo gaari xamuul ah ayaa sidoo kale lagu arki karaa dhanka buurta hoosteeda.
Mashiinada wax lagu dhisayo ayaa lagu arkayaa albaabka laga galo goobtaasi iyo dhismo burburay oo ku yaala dhanka bari ee dhismahaasi oo waxyeelo kasoo gaartay duqeynta diyaaradaha Israel maalin kadib weeraradii Mareykanka.
Sida laga soo xigtay David Albright, oo ah khabiir hubka nukliyeerka ah oo falanqeeyay sawirada isla goobta 28-kii June, hawlaha dhismaha waxaa ka mid ah buuxinta godadka iyo qiimeynta farsama ahaan khasaaraha soo gaaray.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerarrada kadib sheegay in gabi ahaanba la burburiyay xarumihii ugu muhiimsanaa ee lagu kobcin lahaa Yuraaniyaamta Iran.
Laakiin sida uu sheegay Rafael Grossi, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah, Iran waxa ay dib u bilaabi kartaa kobcinta uranium-ka dhawr bilood gudahood.
Mr Grossi wuxuu ku sheegay wareysi uu siiyay CBS Jimcihii, qayb ka mid ah oo la sii daayay Sabtidii, in "qaar ka mid ah" xarumaha nukliyeerka ee Iran "ay wali jiraan" iyo in Iiraaniyiintu ay dib boorka uga jafi karaan "dhowr bilood gudahood ama xitaa ka yar."
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in burburka soo gaaray goobaha Nukliyeerka uu yahay mid halis ah,laakin faah faahintu ma cadda,halka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxda sare ee maamulka ay ku adkeysanayaan in barnaamijka Nukliyeerka Iran uu "toban sano" dib uga dhacay waqtigii loogu talagalay.
Su'aasha kale ee muhiimka ah ayaa ah heerka qiyaasta 408 kiiloogaraam ee kaydka Yuraaniyaamka aadka loo tayeeyey ee dawladda Maraykanku sheegtay inay ku duugan tahay gudaha xarunta Fordow, laakiin Iran, warqad ay u qortay IAEA maalintii ugu horreysay ee Israa'iil weerartay Iran, waxay ku sheegtay inay qaadday tallaabooyin "gaar ah" oo lagu ilaalinayo walxahan.
"Ma garanayno halka laga yaabo in qalabkani ku yaal," Mr. Grossi ayaa u sheegay CBS. "Qaar ka mid ah waxaa laga yaabaa in lagu burburiyay weerarka, laakiin qaar ayaa laga yaabaa in loo raray meel kale. Markaa ugu dambeyntii, taasi waa in la caddeeyaa."
Shuruudaha dowladda Iran ee ah in ay hakiyaan wadashaqeynta hay'adda ayaa hadda ah sharci, Tehran ayaa diiday codsigii Mr. Grossi ee ahaa in uu booqdo goobaha ay dhibaatadu saameysey, gaar ahaan Fordow.
"Waxaan u baahanahay inaan awoodno inaan fahanno waxa jira, meesha ay joogaan iyo waxa dhacay," ayuu yiri Mr. Grossi.
Balse Donald Trump ayaa sheegay in la burburiyay xarumaha Nukliyeerka ee Iran, isla markaana dhaqaajinta walxahan ay tahay hawl aad u adag, Iranna aysan helayn waqti ku filan.
Maxaan ka ognahay xarunta Ford?
Xarunta Fordow ee tayaynta uranium-ka waxa ay ku taallaa meel 96 kilomitir koonfurta ka xigta Tehran, dhul buuraley ah oo u dhow magaalada Qom.
Fordow waxa laga dhisay godad qoto dheer buuraha fogfog ee aan la geli karin ee waqooyiga Iran.
Xarunta Fordow ayaa markii hore ahayd dhowr god oo dhulka hoostiisa ah oo ay isticmaali jireen ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah, balse ka dib markii ay kashifeen hay'adaha sirdoonka reer galbeedka, Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay jiritaanka xaruntan tayeynta sanadkii 2009-kii.
Fordow waxaa loogu talagalay in lagu hayo ku dhawaad 3,000 oo ah maadada sentrifuges oo inta badan u adkaysata weerarada hawada.
Saxiixa heshiiskii ay Iran la gashay quwadaha waawayn ee JCPOA, Iran waxay ogolaatay inay Fordow u beddesho xarun cilmi baaris oo ay joojiso hawlaha kobcinta uraniumka muddo 15 sano ah.
Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii uu Maraykanku ka baxay heshiiska, Iran waxay dib u bilawday hawlihii tayeynta Yuraaniyaamka ee xarunta, iyada oo kordhinaysa 20 boqolkiiba 2021.
Bishii Novembar 2022, Iran waxay kordhisay heerka tayeynta uranium-ka ee xarunta Fordow 60% waxayna ku dhawaaqday inay rabto inay si weyn u kordhiso awoodeeda kobcinta.
Xarunta Fordow waxaa sidoo kale loo yaqaan "Shahiid Alimohammadi ." Masoud Alimohammadi, oo ah borofisar cilmiga fiisigiska ka dhiga jaamacadda Tehran iyo, sida laga soo xigtay saraakiisha Iran iyo warbaahinta, mid ka mid ah "sayniska nukliyeerka" oo lagu dilay Janaayo 2009 waqooyiga Tehran. | 4e092c2c-f6f2-4392-8434-fce69608c0a9 | 700 |
Warrarkii ugu danbeyey ee Xaaladda Ingiriiska oo dibadbaxayaal caraysan weerareen masaajido iyo huteelo dad soogalooti ah deggan yihiin
Tirada dadka loo xiray rabshadaha ka dhanka ah socdaalka ee ka socda guud ahaan England iyo Waqooyiga Ireland ayaa gaartay ugu yaraan laba boqol iyo konton. Rabshadaha ayaa ka dhashay dil toddobaad ka hor loo geystay saddex gabdhood oo dhallinyaro ah.
Xog si khaldan loogu baahiyey internetka ayaa dhalisay rabshadaha ka dib markii dilkaas loo tiriyey inay gaysteen dad soogalooti ah taas oo sii hurisay carada sii fiday.
Laba huteel oo ay degenaayeen magangalyo-doon oo ku yaalla magaalooyinka Rotherham iyo Tamworth ayaa dad badani oo ka mid ahaa kuwa dibadbaa dhigayey ay weerareen.
Shaqaalihii huteelka iyo dadka deggan, oo qaarkood magan-gelyo-doon ah, ayaa “argaxay”, laakiin wax dhaawac ah lama soo sheegin, sida ay booliisku sheegeen.
Mid ka mida huteelada oo ku yaalla Tamworth, Staffordshire, boolisku waxay sheegeen inay la tacaaleen “ Falalka tuuganimada ah, balse hal askari ayaa boolisku sheegeen inuu dhaawac soo gaaray ka dib markii dadka dibadbaxayey ay ku tuureen waxlo kala duwan iyagoo jajabiyey daaqadaha
Raiisel wasaaraha, UK, Keir Starmer, ayaa dhaleeceeyay khalkhalka ka dhashay dibadbaxyada isagoo sheegay inay ka danbeeyaan koox tuugo ah oo midigta fog ah, wuxuuna sheegay in kuwa ku lugta leh ay wajihi doonaan sharci adag..
Dowladiisa ayaa kulan deg deg ah yeelan doonta maanta oo isniin ah kaas oo looga hadlayo xaaladda taagan
Ra'iisul wasaaraha ayaa wacad ku maray inuu sameyn doono "wax kasta oo ay ku qaadaneyso in kooxahan sharciga la horkeeno" mar uu khudbad u jeedinayay shacabka.
"Dadka ku nool dalkan waxay xaq u leeyihiin inay nabad qabaan, haddana waxaan aragnay bulshooyinka muslimiinta ah oo la bartilmaameedsaday iyo weerarrada masaajidda," ayuu yiri ra'iisul wasaaruhu.
Wuxuu intaa raaciyey in “bulshooyinka kale ee laga tira badan yahay ee la takooray, salaanta Naasiga ee dariiqyada lala istagay, weerarida booliska, rabshadaha ay dhinac socdaan hadalada cunsiyada leh, markaa maya, kama fogaan doono inaan ugu yeero waxa ay tahay: tuuganimada midigta fog."
Aqalka number 10 ee looga arrimyo UK, ayaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo shirka Cobra, kaas oo ah mid si gaara looga hadlayo xaaladda ka taagan dalkaasi. Shirkaas waxaa isugu yimaada wasiirada dowladda ,booliska, nabag-sugida iyo madax kale ee ku taxaluqda arrintan.
Kulanka Isniinta ee guddiga gurmadka ayaa looga gol leeyahay in dowladda ay ka siiyaan warbixin ku saabsan shaqaaqooyinkii dhacay dhammaadka todobaadka iyo jawaabta maalmaha soo socda. Waxay ka koobnaan doontaa wasiirro iyo wakiillo boolis ah.
Booliiska ayaa ka jawaabay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Tamworth, Middlesbrough, Bolton, Hull iyo Weymouth, iyo qaybo kale oo UK ah.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska arrimaha gudaha ee UK ,ayaa lagu sheegay in masaajidada si weyn loo ilaalinayo taas oo qayb ka ah qorshaha cusub , waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in ciidamada deg deg loo diri doono si ay dib ugu soo celiyaan sidii logu cibaadaysan laha goobaha cibaadada sida ugu dhow uguna dhaqsaha badan.
Sida ay sheegeen booliska South Yorkshire, magaalada Rotherham, ugu yaraan toban bilays ah ayaa ku dhaawacmay mid ka mid ah ayaa miyir beelay ka dib markii mudaaharaadayaal ka soo horjeeda socdaalka ay ku tuureen alwaax.
Xoghayaha arrimaha gudaha Yvette Cooper, ayaa ugu yeertay muuqaallada "mid laga naxo" waxayna sheegtay in booliisku ay taageero ka helaan dowladda si ay u qaadaan "tallaabada ugu adag".
Booliska Manchester, qaybta 60AA, ayaa soo saaray amar dadka magaalada looga dalbanayo inay “ wajiga ka qaadaan gafuur xirka si loo aqoonsado”
Rabshadaha ayaa daba socday dhacdooyin la mid ah oo rabshado ka dhacay Southport, Belfast, Hartlepool, Hull, Liverpool, Stoke-on-Trent, Nottingham, Sunderland iyo meelo kale horaantii isbuucaan. | 7510adf9-b4b8-4555-bf0b-44ce90cc4324 | 593 |
Dhegeyso: Maxaa sababay inay sare u kacdo tirada ardayda iska diwaangelineysa iskuullada Soomaaliya?
Tirada ardayda iska diiwaan gelinaysa iskuullada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay sare u kaceyso iyadoo qoysaska barakacayaasha ah ay heleen waxbarasho.
Arrintan ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dadaallo ay sameysay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa hay'adaha caalamiga ah ee garab siiya Soomaaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii ay dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay qorshaynayso qoridda macallimiin dhan ilaa 6000 oo ka howl galaya gobollada dalka.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuura Mustaf Guudow, ayaa weriyaha BBC Axmed Badar uga warrantay arrintaas. | 9b299692-a859-46c6-b52c-e8dc7cd093c5 | 98 |
Muxuu yahay masjidkan qaddiimiga ah ee Muslimiinta Shiinaha ay ka dhiidhinayaan in la dumiyo?
Dibadbaxayaal badan iyo booliiska Shiinaha ayuu isku dhac ku dhex maray magaalada ay Muslimiintu ku badan yihiin ee ku taalla gobolka Yunnan, iyagoo ka gadoodsan Masjid la burburinayo.
Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dad badan oo isugu soo baxay Masjidka qarnigii 13aad la dhisay ee Nagyong oo ku yaalla magaalada Nago.
Isku dhacyadan ayaa u dhaxeeyay booliiska iyo dadka deegaanka, kuwaasoo ay ku hareereysnaayeen boqollaal ciidan hubeysan.
Yunnan waa gobol ay deggan yihiin bulsho kala dhaqan ah wuxuuna ku yaalla koofurta Shiinaha, waxaana ku nool tiro Muslimiin ah.
Shiinaha malaha diin u gaar ah dowladduna waxay sheegtaa inay oggoshahay xorriyadda diinta, balse dadka indha indheeya arrimaha dalkaas ayaa sheegaya in ugaarsiga diimeed ee ciidanka uu kordhayay sanadihii la soo dhaafay isla markaana xukuumadda Beijing ay isku dayeyso inay awood ku muquuniso dadkaas.
Masjidka Nagyong ee Nago ku yaalla waxaa halkaasi looga arkaa mid qaddiimi ah. Minaaradaha masjidka ayaana mar dhowr la sameeyay kaddib ballaarin masjidka lagu sameeyay.
Si kastaba, sanadkii 202 xukun maxkamadeed ayaa dib u ballaarinta masjidkaas ku tilmaamay sharci darro iyadoo la amray in la burburiyo minaaradda.
Tallaabooyinkan lagu fulinayo amarkan ayaa u muuqda kuwo sababay dibadbaxyadan.
Muuqaallo laga soo qaaday bannaan baxyadii Sabtidii, oo BBC-du ay xaqiijisay, ayaa muujinaya booliiska oo xannibaya gelitaanka masjidka iyo koox rag ah oo dhagaxana ku tuuraya booliiska iskuna dayaya inay xoog gudaha u galaan.
Muuqaallo kale ayaa muujinaya booliiska oo dib uga guranaya masjidka, kaddib markii ay dadkii bannaan baxayay u suurto gashay inay xoog ku galaan masjidka.
Booliiska ayaa soo saaray war ay dadka uga codsanayaan inay isku soo dhiibaan booliiska wixii loo gaaro 6-da June, iyadoo dhowr qof ilaa iyo haatan la soo xiray.
Sida ku cad warka booliiska, 'kuwa is soo dhiiba ciqaabta waa loo yareyn doonaa.'
Dibadbaxyadan ayaa dhif ka ah Shiinaha, balse qaar badan ayaa dhacay tan iyo dillaacitaankii coronavirus, markaas oo bandowyo adag la soo rogay kuwaasoo caro geliyay dadka.
Dadkan ka dibadbaxaya burburinta masjidka ayaa waxay ka tirsan yihiin qowmiyadda 'Hui'. Ilaa 700,000 oo Muslimiinta Hui ayaa ku nool gobolka Yunnan, halka ay 10 milyan oo Muslimiin ah guud ahaan ku nool yihiin Shiinaha.
Shiinaha waxaa lagu eedeeyaa ku xad gudubka xuquuqda bani’aadamka oo ka dhan ah Muslimiinta Wiigar, balse Beijing ayaa beenisa eedeymahan. | 9eac9685-753d-49fd-9d9e-91928960f124 | 387 |
Xilidhibaan u ol’oleeya aqoonsiga Somaliland oo ay Jabuuti ka musaafurisay dalkeeda
Xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee Ingiriiska ayaa sheegay in laga celiyay safar uu ku tagay dalka Jabuuti sababo la xiriira xiriirka dhow ee dalka ku yaalla bariga Afrika uu la leeyahay Shiinaha.
Tim Loughton, oo ah xildhibaanka laga soo doorto East Worthing iyo Shoreham, ayaa sheegay in la xiray in ka badan 7 saacadood, lagana mamnuucay inuu galo Djibouti horaantii bishan.
Mr Loughton, oo Shiinuhu cunaqabatayn saaray 2021, ayaa dhacdada ku tilmaamay mid "kalinimo iyo cabsi badan".
Xafiiska arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
“Waxaan ka mid ahaa wafdi ka yimid Somaliland oo dooneyay in ay hesho aqonsi caalami ah, waxay Somalia ka go’aday 1991dii, aniga waxaan soo marayay Jabuuti laakii inta kale saaxibadey Adis-ababa ayey mareen. Waxaan kulan la lahaa safiirka si aan xog uga siiyo Somaliland. Waxaan wadanka joogi lahaa ku dhawaad 36 saacadood.”
“Waan imid. Diyaaradda ayaan ka dagay si aan fiiso u helo kaddibna aan ula kulmo qofkii ii qaadi lahaa hotelka. Markaas ayey dhibaatadu bilaabatay. Markii ay sawireen basaboorkeyga waxay I weydiiyeen waxaan qabto. Waxaan u sheegay in aan xildhibaan ahay markaas ayey xaaladda xumaatay. Kaddib meel gees ah ayey iga fariisiyeen hoolka laga soo dego. Qof kasta oo diyaardda saarnaa wuu baxay. Halkaas ayaan saacad fadhiyay.”
Waxa uu sheegay in aysan cidna u sheegin waxa dhibaatadu tahay.
“Kaddib qof ayaa ilaalinayay oo qol i geeyay. Qolkaas ayaa laygu xiray. Dhowr saacadood ayaan ku jiray. Markii ay ii yimaadeen ayey ii sharaxeen in aan la ii goleyn in aan dalka galo, waxaana laysaaray diyaarad ii qaadi doonto dalkeyga. Intaas ayey aheyd, wax sharaxaad ah layma siin. 7 saac ayaan halkaas joogay intaan laysoo masaafurin oo laysoo saarin diyaarad dooaxa kaddibna UK ayaan imid. Waxaan imid 24 saac ka hor xiligii aan filaayay in aan imaado. Ilaa hadda ma ogi sababta rasmiga,” ayuu yiri xildhibaan Tim Loughton.
"Jabuuti si wax ku ool ah ayey u tahay waddan Shiinaha ka tirsan - waxa Shiinuhu rabo, sababtoo ah Jabuuti in xildhibaan dhib badan oo Shiinuhu cunaqabatayn ku soo rogay uu albaabkooda yimaado waxay ahayd wax aanay doonayn inay ka kaftamaan."
"Tani waxay ahayd tusaale kale oo ku saabsan sida teendhooyinka Dawladda Shuuciga ah ee Shiinaha ay ugu fidayaan meelaha fog, iyo saamaynta xun ee ay ku leeyihiin qaybaha xasaasiga ah ee Afrika ayaa ah mid walaac gaar ah leh," ayuu si gaar ah ugu sheegay BBC online.
Sannadkii 2021-kii, Shiinaha ayaa cunaqabatayn ku soo rogay shan xildhibaan oo uu ku jiro Mr Loughton, kaddib markii ay dalka ka faafiyeen waxa ay ugu yeereen "been iyo war-xumo".
Waxay ku timid aargoosi tallaabooyin ay dawladda UK ka qaadatay xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah kooxda laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Uighur.
Mr Loughton waa la-guddoomiyaha kooxda dhammaan baarlamaanka ee Tibet, taas oo muujisay rikoorka Shiinaha ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha.
2019, wuxuu soo bandhigay Sharciga Helitaanka Isdhaafsiga ee Aqalka Baarlamaanka kaas oo u baahan in dawladda UK ay qaado tillaabooyin ka dhan ah saraakiisha Shiinaha oo u diidaya inay galaan Tibet.
Sidoo kale waa xubin hormuud u ah Isbaheysiga Inter-Parliamentary Alliance on China, koox caalami ah oo ka shaqeeya dib u habeynta sida wadamada dimuqraadiga ah ay ula xiriiraan Shiinaha.
Wasiirkii hore iyo xubin ka tirsan guddiga doorashada ee arrimaha gudaha ayaa sheegay in uusan u tartami doonin doorashada soo socota oo uu baarlamaanka ku jiray in ka badan 27 sano. | 6b85f744-52cb-4c4e-8bbc-e040acda9bad | 575 |
Maxay Soomaaliya u mamnuucday baasaboorka Taiwan, maxayse Somaliland ka tiri
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday in dalka lagu soo galo baasaboorka Taiwan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Jaziiradaasi, oo ku eedeysay Shiinaha inay talaabadaasi ku cadaadisay dowlada Soomaaliya.
Shiinaha ayaa aaminsan Taiwan inay tahay dhul ay leeyihiin.
Somaliland oo gooni isu taaggeeda ku dhawaaqday sanadkii 1991 ayay wada yeesheen dhowaan xiriir iskaashi oo gaarsiisan heer diblomaasiyadeed Taiwan, taasi oo aysan soo dhoweyn dowlada Shiinuhu.
Waxa ay xafiisyo wakiillo ah ka samaysteen labada dhinac midba midka kale caasimadiisa sanadkii 2020, taas oo ka caraysiisay dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha.
War qoraal ah oo ay soo saartay gelinkii dambe ee Talaadada, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa lagu sheegay in Hay'adda Duulista Hawada Soomaaliya ay todobaadkii hore soo saartay ogeysiis ah in laga bilaabo Arbacada aan la aqbali doonin in lagu soo galo Soomaaliya baasaboorka Taiwan.
"Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay muujisay cabasho xooggan oo ay kaga soo horjeedo tallaabada dowladda Soomaaliya ee uu Shiinuhu ku xakameenayo xorriyadda iyo ammaanka safarrada muwaadiniinteena, waxayna ka dalbanaysaa dowladda Soomaaliya inay si deg deg ah uga noqoto go'aankaas," ayaa lagu yiri qoraalka.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegay in go'aankan uu yahay mid sharci ah oo ay Soomaaliya u qaaday si ay u ilaaliso xuquuqdeeda iyo danaheeda, sida ay qortay Reuters.
Guo Jiakun ayaa sheegay Soomaaliya in ay u hogaansan tahay mabda'a hal dalweynaha Shiinaha ah.
Safiirka Somaliland ee Taiwan Maxamed Jaamac Galaal ayaa sheegay in ay xiriir qoto dheer la leeyihiin Taiwan, ayna Somaliland xiriir la yeelanayso cidda ay doonto.
''Horta xiriirka Somaliland la leedahay Taiwan, waa xiriir qotodheer, nin xamar jooga oo maamulka xamar ka jira ee howshiisiiba ku fashilmay ka tirsan, wax alaale iyo wax uu mowqifka iyo siyaasada jamhuuriyada Somaliland ka beddelayo ma jirto. Somaliland waa dal gob ah oo madax banaan, cidda aan doono ayaan xiriir la yeelanaynaa, Taiwan-a xiriirkaas ayaan la leenahay, waanuna la lahaan doonaa iyaga iyo Maraykan iyo cid alaale iyo ciddii danteenu ku jirto, marka wax alaale wax ay ka beddelayaan ma jirto'' ayuu yiri Maxamed Jaamac Galaal.
Dhanka Soomaaliya, waxa uu xoghayaha joogtada ee Wasaarada Arimaha dibadda Xamse Aadan Xaadow wareysi uu siiyay BBC kaga hadlay go'aanka dalku galka loogu diiday Baasaboorka Taiwan.
''Go'aankaasi waxa uu la xiriiraa annaga dowlada - Soomaaliya - iyo Taiwan wax xiriir ah oo diblomaasiyadeed oo naga dhaxeeya ma jiro, marka waxa isku safri kara waa waddamada is-aqoonsan oo xiriirku uu ka dhaxeeyo, marka go'aanadeena taas ayay la xiriirtaa'' ayuu yiri Xamse.
Xamse Xaadow ayaa isaga oo ka jawaabaya waxa hadda ku soo beegay mamnuucidan, iyada oo horay ay u imaan jireen dadka baasaboorka Taiwan haysta ayaa yiri ''Maalinba wax uun baa lagu baraarugaa, talaaba uun baa la qaadaa wax gaar ah ma jiraan, hadaad ogaatid dalkaaga meel uu duleel ka leeyahay waa la daboolaa''
Go'aankan ayaa dowladu la wadaagtay laamaha socdaalka dalka iyo diyaaradaha, mana aysan jirin wax xiriir ah oo ay kala sameeyeen Taiwan, sida uu xoghayuhu sheegay.
Waxa kale oo dowlada Soomaaliya ay ka jawaabtay in caddaadis uga yimid Shiinaha dartiis ay arrintan u sameeyeen.
''Anaga waxaan nahay dowlad madaxbanaan, cid na cadaadisa ma leh, dowladaha madaxabanaan sida ay u dhaqmaan ayaan u dhaqanaa oo danaheena anagaa naqaana, waana ka shaqeynaa'' ayuu yiri.
Go'aanka dowlada ayuu Xamse sheegay inuu saameynayo meel kasta oo dalka ka mid ah.
''Somaliland Soomaaliya ayay ka mid tahay marka waxa aan u hadlaynaa waa ka DFS ahaan, marka go'aan kasta oo la qaato dalka oo dhan ayuu saameynayaa'' ayuu yiri Xamse Xaadow. | 83e5e7d8-fa79-4986-aec3-814bea2c73de | 583 |
Maxaa Kuuriyada Koonfureed looga hadal hayaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed?
Kuuriyada Koonfureed ayaa u ogolaanaysa dhakhaatiirta ajnabiga ah in ay ka shaqeeyaan isbitaaladeeda kaddib marka lagu sameeyo baaris qoto dheer, sida maanta oo Jimce ah uu sheegay Ra’isul Wasaaraha wadankaasi, tan ayaa dabo joogta bilo ay shaqo joojin ku jireen dhakhaatiirta da’da yar, isla markaana aanay muuqan calaamado muujinaya in xal laga gaaro.
Kumannaan ayaa shaqada joojiyay 20 Febraayo si ay uga ashtakoodaan qorshayaasha dawladda ee ay ku tababarayso dhakhaatiir badan, taasoo oo sababtay buuq ka abuurmay isbitaalada.
Dawladda oo horeyba u bixisay dhimista, si loo soo gabagabeeyo shaqo joojinta ayaa sheegtay in todobaadkan dhakhaatiirta ajnabiga ah ee haysta laysimada loo ogolaan doono in ay wadanka ka shaqeeyaan, si loo yareeyo culeyska ka jira adeega caafimaadka.
Sidee ku timid hadalheynta dhakhaatiirta Soomaalida?
Markii talaabadan lagu dhawaaqay, madaxa ururka dhakhaatiirta Kuuriyada Koonfureed lim Hyun-taek ayaa la wadaagay dadka qoraal uu la socdo sawir muujinaya dhakhaatiir cusub oo Soomaali ah oo dhawaan qalin jabiyay, isgoo faaladan ku dul qoray ‘’Filo Dhawaan.’’
Qoraalkan, oo markii dambe laga saaray barraha bulshada ayaa dhaliyay dheleeceyn balaaran oo dhinaca internet-ka, waxana uu ku tilmaamay mid aan habooneyn iyo in uu ‘’si cad u muujinayo isir sooc,’’ xoghayaha guud ee ururka u dooda caafimaadka xorta ah ee dalka Kuuriyada Koonfureed Kim Jae heon ayaa sidaa u sheegay wakaaladda warrarka AFP.
Qoraalkan ‘’wuxuu abuurayaa islaam naceyb iyo muuqaal ka dhan ah dalalka soo koroya,’’ ayuu yiri.
Ra’isul Wasaare Han Duck-soo ayaa isna maanta oo Jimce ah yiri dawladdu way hubineysaa ‘’hannaanka looga hortagayo dhakhaatiirta aan xirfadlayaasha ahayn ee wata 9ogolaanshaha wadamada shisheeye) si ay u daweeyaan dadkeena.’’
Muddaba dawladda ayaa la daaladhaceysay loolan kaga imaanayay dhakhaatiirta da’da yar oo diiday in ay isbitaaladooda dib ugu laabtaan, inkastoo wasaaradda caafimaadku u bandhigtay bishii la soo dhaafay in ay dib uga laabatay tababarrada caafimaad ee dib u qaabeynta ee 2025.
Dhakhaatiirta qorshahan loo soo bandhigay ayaa ka biyo diiday, iyagoo dalbaday badalka qorshahaas in la abuuro dhakhaatiir badan – taa soo dawladdu leedahay waxa uu lagama maarmaan u yahay yaraanta iyo ilaalinta dadka sii gaboobaya – gabi ahaanba.
Dagaalka qorshaha caafimaad ee dawladda ayaa hadda horyaalla maxkamadda sare ee Seoul, wasaaradda caafimaadka ayaa dooneysa dhaqangalka qorshahan, halka dhakhaatiirta iyo ardeyda caafimaadka barata ay doonayaan in ay cadeetyaan in aan loo baahneyn qorshahan.
Maxkamad maamul ayaa horeyba u ansixisay qorshaha dawladda, waxana la filayaa maxkamadda sare ee Seol in go’aankeeda ay soo bandhigto todobaadka soo socda, sida laga soo xigtay wakaalada warrarka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap.
Tirada dhakhaatiirta Kuuriyada Koonfureed
Kuuriyada Koonfureed waxa ay leedahay nidaam caafimaad guud oo ay maalgaliso hay’adda caymiska qaranka, inkastoo inta badan dhakhaatiirtu si gaara u shaqeystaan, iyagoo ka hawlgala isbitaalo gaar loo leeyahay.
1000 qofba wadanka Kuuriyada Koonfureed waxa ku soo hagaagaya 2.6 dakhtar, waana mid kamid ah meelaha ugu yar dalalka hormaray, sida ay muujinayso xogta ururka wadamada iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarka (OECD). Austria oo kaalinta koowaad kaga jiraya ayaa 1000 qof waxa ku soo aadaya 5.5 dhakhtar.
Dawladda ayaa qorsheyneysa in ay ku kordhiso ardeyda galeysa iskuulada caafimaad illaa 2000 laga bilaabo 2025, halka ay hadda ka yihiin 3000 si loo buuxiyo dhakhaatiir yarida dhici doonta 2035.
Qaar kamid ah xirfadlayaasha caafimaadka ayaa sheegaya in qorshaha dawladda uu wax yar uun ka qaban doono xaaladda mustaqbalka dhaw. Waxay kaloo qaadan kartaa 10 sano in si buuxdo loo tababaro dhakhaatiirta.
Tan iyo markii ay bilaabatay shaqo joojinta dhakhaatiirta Febraayo 20 qiyaastii 70% ama 9000 oo dhakhtar ayaa shaqooyinkoodii ka tagay, sida ay sheegeyso wasaaradda caafimaadka.
Laakiin in kastoo kaliya murankan saameeyay 7% dhakhaatiirta ogolaanshaha shaqo haysta ee gaaraya 135,000, sida ay muujinayso xogta wasaaradda, haddana dadka la tababarray waxay kor u kacday qiyaastii 40% shaqaalaha isbitaalada waaweyn.
Dhakhaatiirta takhasusiga ah ee Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu tiriyaa kuwa kamid ah kuwa ugu mushaarka sareeya dalalka horumaray, waxana dakhligooda sanadlaha ah uu gaarayay 2020-kii $192,749 sida ay muujisay xogta OECD. | 0e211a9d-b5aa-46db-a3dd-090f32e2371b | 643 |
UK: Qaxootiga oo muddo dheer sugaya kahor inta aan degganaansho rasmi ah la siin
Dadka magangelyo laga siiyo Boqortooyada Midowday (UK) waa inay sugaan 20 sano ka hor intaysan codsan inay si rasmi ah u degaan dalkaas, iyadoo qorshuhu yahay inay sidaa ku dhawaaqdo Xoghayaha Arrimaha Gudaha Shabana Mahmood Isniinta.
Isbeddelkan ugu weyn ee siyaasadda magangalyada ayaa yimid iyadoo dowladdu ay doonayso inay yareyso dadka kusoo gala dalkaas doonyaha yar yar iyo kuwa sheeganaya magangalyada.
Sida qorshuhu yahay, dadka la siiyo magangelyada waxaa loo oggolaan doonaa oo kaliya inay dalka si ku meel gaar ah joogaan, iyadoo si joogto ah dib loogu eegayo sharcigooda qaxootinnimo iyo kuwa dalalkooda loo arko inay ammaan yihiin in loo sheego inay ku laabtaan.
Hadda qofku wuxuu qaxooti ahaadaa shan sano, ka dib dadku waxay codsan karaan fasax aan xad lahayn oo ay ku joogaan UK.
Hadda xoghayaha arrimaha gudaha waxa ay dooneysaa inay ka jarto muddada billowga ah ee shanta sano ah oo laga dhigo laba sano iyo bar, markaas ka dib waxa si joogto ah dib loogu eegi doonaa aqoonsiga qaxootiga.
Laakiin waxa ay qorshaynaysaa in ay si weyn u kordhiso waqtiga ay ku qaadanayso in la helo deggenaansho rasmi ah taasoo noqoneysa min shan sano ilaa 20.
Shabana ayaa u sheegtay Sunday Times in dib u habaynta loo qorsheeyay in si dhab ah loogu sheego dadka: dalkan ha u iman tahriib sharci-darro ah, ha fuulina doon.
Waxay tiri iyadoo hadalkeeda sii wadata: "Tahriibka sharci darrada ah ayaa dalkeennii kala qoqobaya", waxayna intaas ku dartay in ay tahay shaqada dowladda "in aan dalkeenna mideyno".
"Haddii aynaan arrintan xallin, waxay ila tahay in waddankeennu aad u kala qaybsanaan doono," ayay u sheegtay wargeyska.
Siyaasaddan waxa laga soo minguuriyay Danmark, halkaas oo dawladda uu hoggaamiyo xisbiga Socialdemokraterna ee bidixda dhexe, ay hoggaan ka ahayd mid ka mid ah hababka magangelyo ee ugu adag Yurub.
Danmark, qaxootiga waxaa la siiyaa sharci deggenaansho ku meel gaar ah, sida caadiga ah labo sano, oo dhaqangal ah waa inay dib u codsadaan magangalyo marka uu ka dhaco.
Waxaa hubaal ah in habkan cusub ee Shabana uu wajihi doono diidmo kaga imanaysa qaar ka mid ah xildhibaannada xisbiga shaqaalaha.
Afhayeenka arrimaha gudaha ee xisbiga Libaraalka Dimuqraadiga Max Wilkinson ayaa sheegay in ay "sax tahay in dowladdu ay eegto habab cusub oo lagu hagaajinayo nidaamka magangelyo doonka ee uu abuuray xisbiga Konserfatifka".
Waxa uu intaa ku daray in Laboor-ku "ayna ahayn in ay laftoodu ku kaftamaan in tillaabooyinkani ay beddel u yihiin sheegashada degdegga ah si aan meesha uga saarno kuwa aan xaqa u lahayn inay halkan joogaan".
Enver Solomon, oo ah madaxa fulinta ee Golaha Qaxootiga, ayaa ku tilmaamay qorshayaasha dawladda kuwo "aad u adag oo aan loo baahnayn", wuxuuna yiri "ma joojin doonaan dadka la silciyey, la jirdilay ama arkay xubno qoyskooda ah oo lagu dilay dagaallo naxariis darro ah". | 9173a2bf-ae03-4827-b6aa-833095287b68 | 471 |
Dr Zakir Naik, daaciga lagu casuumay Qadar ee Muranka badan dhaliyay
Koobka Adduunka ee FIFA ayaa bilaabmay. Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn adduunka. Uma uusan bilaaban kaliya ciyaartoyda, taageerayaasha kubadda cagta, laakiin sidoo kale wuxuu u bilowday shirkado badan, ganacsato waaweyn, iyo siyaasiyiin.
Gaar ahaan Koobka Adduunka ee Qatar wuxuu noqday xarunta siyaasadda. Laga soo bilaabo muranka laaluushka ee martigelinta ilaa mamnuucida khamriga.
Sidan oo kale, waxaa Qatar ku soo fool leh khilaaf cusub oo la xiriirta Dr. Zakir Naik.
Waxaa la hadal hayaa in daaciga Muslimka ah ee Zakir Naik ay ku casuuntay dowladda Qatar si uu u faafiyo caqiidada Islaamka inta lagu guda jiro Koobka Adduunka ee FIFA . Markii la yiri Qadar buu aadayaa, hadal hayn ayuu meelo badan ka dhaliyay.
Dalka Qadar ayaa soo dhawayay, halka qaar kalena ay aad uga caroodeen. Baraha bulshada ayaa casumaaddiisa waxay ka dhalisay dood badan.
Daacigan ayaa laga mamnuucay dalka Bangladesh, halka Hindiyana ay horay ugu dartay liiska dadka ay baadigoobeysa.
Hindiya
Dawladda Hindiya ayaa baadigoobaysa daaci Naik tan iyo 2016kii, isaga oo loo haysto eedaymo la xiriira khudbado nacayb ah iyo lacago si sharci darro ah la isu dabomariyay. Isaga oo maqan ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira lacago si sharci darro ah la isu dabomariyay.
Ka hor inta aan daaci Naik laga mamnuucin in uu khudbado ka jeediyo dalka Malaysia oo dhan, toddobo gobol oo dalka ka mid aha ayaa xayiraad sii saaray.
Daacigan ayaa Malaysia ku noolaa saddexdii sano ee la soo dhaafay. Hindiya ayaa dhawr jeer dalbatay in loo soo gacangaliyo, balse Malaysia ayaa difaacday degenaanshaha uu dalkooda ka haysto, waxayna sheegtay in uusan maxkamadayn caddaalad ah ka helayn Hindiya.
Erayada afkiisa laga hayo
Siddeeddii bishii Agoosto ayuu Zakir Naik khudbad ka jeediyay gobolka Kelantan ee dalka Malaysia, arrintaas ayaana dareen qawmiyadeed ka dhalisay dalkaas.
Naik ayaa yiri Dadka reer Malaysia ee aaminsan diinta Hindu-ga waxay ra'iisulwasaaraha dalkooda Mahathir Moxamad uga daacadnimo badan yihiin ra'iisulwasaaraha Hindiya Narendra Modi. Qiyaas ahaan dadka reer Malaysia ee aaminsan diinta Hindu-ga ayaa bulshada ka ah 6%.
Bulshada asal ahaan Shiinaha ka soo jeedda ee dalka Malayshia u dhalatay ayaa iyagana 20% ah wuxuuna ku tilmaamay in ay "marti" ku yihiin dalka.
Ka dib markii xayiraadda lagu soo rogay, Naik ayaa soo saaray war qoraal ah oo uu raaligalin uga bixinayo hadalkiisii hore wuxuuna sheegay in si kale loo macneeyay.
"Sida aad la socotaan maalmihii u dambeeyay waxaa la igu eedeeay in aan cunsurinimo ka abuuray dalka, dadka i dhaliishanna waxay isticmaalayeen erayo si gaar ah loo soo xushay oo macnihii ay xambaarsanaayeen laga weeciyay, isla markaasna waxyaabo aan jirin lagu sii daray. Maanta ayaan booliiska u caddeeyay meesha aan arrintaas ka taaganahay,"
"Waxaa i murugo galiyay in arrintan oo dhan ay sababtay in dadka aan Muslimiinta ahayn ay u qaataan in aan cunsuri ahay … cunsurimimadu waa camal shaydaan, aad ayaana uga soo horjeedaa sida Quraankaba ku qoran, waxayna arrintaasi liddi ku tahay wax kaste oon u taaganahay ka daaci Muslim ah ahaan," ayuu intaas ku sii daray.
Haddaba Waa kuma Zakir Naik?
Qaabka adadag ee Zakir uu u adeegsado diinta ayuu wakhti dheer muran ka taagnaa.
Dad badaan oo al-Qaacida taacabsan oo la xiray ayaa saraakiisha u sheegay in uu saamayn badan ku lahaa.
In uu dalka Britain galo ayaa laga mamnuucay sannadkii 2010, waxayna ku sababeeyeen "dabcigiisa aan la aqbali karin" iyo khudbadahiisa, sida ay wakhtigaas sheegtay wasiiraddii arrimaha gudaha oo markii dambena noqotay Ra'iisulwasaare, Theresa May.
Si kastaba ha ahaatee waxay indhaha caalamku qabteen bishii Luulyo ee sannadkii 2016 ka dib weerarkii darnaa ee lagu qaaday makhaayadda Holey Artisan ee magaalada Dhaka.
Warbaahinta Bangladesh ayaa sheegtay in mid ka mid ah ragga weerarkaas gaystay uu ka shidaal qaatay khudbadihiisii. Qaybihii dambe ee isla bishaasna Bangladesh waxay mamnuucday Peace TV.
Bishii Nofeembar ee sannadkii 2016 hay'adda argagixiso la dagaalanka ayaa cabasho rasmi ah ka gudbisay Zakir, iyada oo ku eedaysay in uu faafinayo nacayb diimeed iyo hawlo aan sharciga waafaqsanayn.
Zakir ayaa Malaysia u wareegay 2017. | f1bf7bb5-7aa6-4aca-8dee-c796479d3237 | 661 |
Magaaladii Soomaaliyeed ee Talyaanigu ka heli jiray dhaqaalaha ugu badan iyo sida ay ku dambeysay
Xaafuun, waa magaaalo jasiirad u eke ah, oo leh ilbaxnimo gaarsiisan qarniyo iyo xadaarad ganacsi oo mar ahayd xudunta isku xirta ganacsiga Afrikada galbeed,Bari, Koofureed iyo dalalka Aasiya ilaa Yurub sida ay tariikhdu xusayso.
Magaaladan waa halka ugu danbaysa jihada bari ee adduunka, iyo halka iftiinka qorraxdu ugu soo hor baxo qaarada Afrika, ma jirto magaaalo ku taalla qaaradda oo dhul iyo bad-ba ka danbayeeya.
Sida ay xusayso taariikhdu magaaladan oo muddo la dagay an si rasmi ah loo ogayn, waxaa soo maamulay boqortooyooyin dunida maamulay sida tii Persia, tii Giriigga, Cismaaniyiintii,mid kasta oo ka mid ahaa waxay magaaladan u yaqaaneen magac gooni ah sida uu BBC-da u sheegay Dr Saadiq Eenow oo ah taariikhyahan.
Taariikhdeeda faca weyn ayaa Xaafuun ka dhigaysa mid ku xiriirsan in xitaa gumaystayaashii reer Yurub ay ku hardamen oo dagaal uu ku dhexmaray.
Laakiin nuxurka sheekadan maha taas, ee waxaan eegaynaa taariikhda Cusbada deegaankan oo ah mid qarni ku dhawaad taallay deegaanka.
Cirifka bari ee magaalada, marka aad masaafo dhanka dhulka ku socoto 28-KM waxaa indhahaagu qabanayaan bannaan siman oo tuurar cad cad leh, haddiise aad dul tagto oo wax yar ka mida aad dhadhimso waa wax aad u dhannaan.
Tani waa cusbo dad samee ah oo ka dhalatay markii biyaha badda loo leexiyey dhul bannaan ka dibna loo adeegsaday waxlo iyo kulaylka qoraxda ayaa biyihii uumi baxaan baaqigii harayna waa cusbo nadiifa.
Halkaas subax kasta waxaa yimaada xoogsato ka gurta cusbada si ay ugu iibgeeyeen deegaanno kale oo noloshooda ugu maareeyan balse iyagu samayskeeda waxba kuma darsan.
Wax soo saarkoodu waa mid le’eg tabartooda maadama aysan haysan qalab caawiya iyo imkaaniyaad u sahla inay cusbo xaddi badan dhoofiyaan.
Balse iyaga awoowayaashood ayaa helay fursad deegaankooda ay kaga dhigeen meesha kowaad ee adduunka ugu horeysa ee cusbo laga dhoofiyo sanadki 1930-kii ilaa 1932-dii, laakiin nasiib darro iyaga laftoodu waxay shaqaale u ahaayeen gumaystihii Talyaaniga oo gumaysanayey deegaanka qarnigii 15-aad.
Warshadii Cusbada ee Xaafuun
“Xaafuun xarunta milixda ugu weyn adduunka” wuxuu ahaa cinwaanka maqaal ku soo baxay wargayska L’Illustrazione Italiana, oo ahaa mid maalinle ahaa oo ka soo bixi jiray magaalada Milan ee Talyaaniga sandkii 1873 ilaa 1962kii.
Maqaalka wargaysa oo la daabacay 20-kii Luulyo sanadkii 1930-kii ayaa ahaa in xarunta cusbada ee “Dante” o “Martello”, ama Xaafuun, ay ahayd meesha ugu weyn ee caalamka cusbo laga soo saaro
Wax yar ka dib dagaalkii koowaad ee aduunka, Talyaanigu waxa ay xaqiiqsadeen in gacanka Xaafuun, oo leh xeeb dheer oo ku taal dhinaca barriga, ay tahay meel ku habboon in laga sameeyo milix badan. "Shaqooyinka cusbada iyo warshadaha laga dhisayey gaar ahaan gacanka Raas Xaafuun (Xaafuun iyo Hurdiyo) oo noqon lahaa shaqada ugu weyn ee cusbada adduunka.
Shirkadda, oo lagu aasaasay Milan 1922, waxaana la qorsheeyey in magaalada qadiimkaa ee Xaafuun oo ay degganaayeen ilaa shank un ruux laga dhiso warshada. Waxaa Talyaanigu ugu yeeri jireen "Dante".
Dhismaha warshada cusbada ee Xaafuun waxa uu bilaabmay 1922kii. waxana la dhameeyey 1929kii.
Maalgalinta mashruucan waxaa iska kaashaday dowladdihii Fashistayaasha ee Talyaniga iyo Japan sida uu BBCda u sheegay Dr. Saadiq Eenow oo ah taariikhyahan.
Warshada cusbada ee Xaafuun, waxay xilligaas ahayd mid leh tijnoolajiyadii ugu saraysay ee warshadi adeegsato. Warashada waxaa sidoo kale ka howlgalayey xilligaas shaqaaihi ugu badnaa ee ka shaqeeya warshada ku taalla bariga Afrika.
Sida uu BBCda u sheegay Dr. Eenow, ilaa shan kun oo shaqaale ayaa subaxkasta u shaqa tagi jirtay warshadaa kuwaas u qaybsan dadka deegaanka iyo kuwa laga keenay wadamada Afrika ee Talyanigu xilligaas gumaysanayey.
Maadama halkan xuddun u noqotay wax soo saar leh ahmiyad weyn, Talyaanigu wuxuu dhisay wado xiriirisa badda iyo xarunta warsahada oo qiyaastii dhowr kilomter u dhaxeeyaan si uu cusbada warshada ugu dhoofiyo caalamka si joogta ah.
Tiirar shub ah ayaa laga qotomiyey gudaha badda ka dibna waxaa lagu xiray xargo bir ah oo waaweyn kuwaas oo ay ku xirmayeen wiishash warshada ka soo qaada cusbada dabadeedna gaarsiinaya Markab taagan gunta badda.
Ilaa shan Markab oo nooca xamuulka qaada xilligoodiina ugu waaweynaa ayaa maalintii cusba ka qaadi jiray Xaafuun sida uu BBCda u sheegay taariikhyahan Dr. Eenow.
Sanadkii 1934kii, warshada cusbada ee Xaafuun, waxay soo saartay in ka badan 200,000 metrik ton oo milix ah, kuwaas oo intooda badan loo dhoofiyay Hindiya, Bariga Fog Aasiya iyo Yurub.
Sida Taarkiihdku xusayso 1942-dii. Dagaalkii labaad ee dunidda,Xaafuun, waxay wajahday loolankii Ingiriiska iyo Talyaaniga, markaas oo Ingriisku weeraray Talyaaniga oo dagaal dhanka cirka iyo badda ayaa ka dhacay magaalada kaas oo aakhirkii suura galiyey in gacanta Ingiriiska ku dhacdo.
Warshadii cusbada ee Xaafuun, ayaa ku burburtay dagaalka, iyadoo si
Sidoo kale Talyaaniga ayaa Xaafuun ka hirgaliyey warshadii biyaha macaan soo saari jirtay, xarun koronto, iskool, cisbitaal iyo kaniisad ay dad shaqaalaha ah ee ajabintaa ku cibaadaysan jireen.
Sida hadda ay tahay wax soo saarka cusbada ee Xaafuun iyo halka ay ku ku danabysay warshadii
Sida uu BBC-da u sheegay Dr. Saadiq Eenow, markii uu dhacay dagaalkii labaad ee dunida ee loolanka xooggani dhexmaray Ingiriiska iyo Talyaaniga, dowladdii Rome, ee Fashistaha ahayd ayaa looga adkaaday inta badan dhulka Soomaalida oo galay gacanta Ingiriiska.
Ingiriiska oo u arkayey Xaafuun, isha dhaqaale ee Talyaaniga ayaa burburiyey warshada dabayqayadii dagaalki labaad ee dunida sida uu BBCa u sheegay Dr, Eenow.
Yuusuf Cabdilaahi Caraale, waa 65 sano jir ku nool Xaafuun, waa macallin iyo darse taariikhda deegaankaas oo ka guntay waayeel xilligaas joogay Xaafuun markii warshada cusbadu ahayd mid shaqaysa.
Wuxuu BBC-da u sheegay in Talyaanigu xilligaas magaalada ka dhisay warshada Cusbada, Iskool, Isbitaal, xarun koronto iyo warshad biyaha macaan soo saarta, kuwaas oo dhammaan ku burburay markii sida uu xusay Ingiriisku weeraray Talyaanigii joogay Xaafuun sanadkii 1942-dii.
Warshadii mar ahayd tan ugu wax soo saarka badan xagga cusbada caalamka hadda waxaa ka muuqda haraadiga dhismayaashii shubka ahaa ee badda iyo barigaba ka taagan laakiin qalabkii ay isticmaalaysay wax la intifaacsado kuma harin.
Sanyare, wuxuu intaa ku daray nasiib darrada jirtaa ay tahay in waxaas oo dhan laga hayo taariikh uun an waliba la qorin.
Hurdiya, halkii xuddunta u ahayd wax soo saarka cusbada waxaa Iyana ku haray buuro yar yar oo cusbaa.
“Cusbada hadda wax sidaas u weyn lagama soo saaro, xooggaa loo raro magaalooyinka iyo qaar la siiyo xoolaha maahee wax soo saar waagaas la mida ma jiro” ayuu yiri Sanyare.
Waxaa intaa dheer in xoogsatadda cusbadu ay mararka qaar la kulmaan khataro naftooda halis galiya sida inay ku soo dunto iyagoo qodaya sida uu BBC-da u sheegay Yuusuf Caraale.
Qiimaha jawaanka ayaana jooga wax ka yar tobbon dollar, heeka ka faa'iidaysiga khayraadkaas ceegagag deeegaanka waa mid hooseeya
Saddexd jiil oo is dhalay oo reer Xaafuuna, midna si dharag leh uma dhadhim natiijada khayraadkaas, mana jirin dowladihii Soomaaliya oo si la mida gumaystihii Talyaaniga ugu faa’iidaystay khayraadkaas. | 334bb5f0-ab8f-4ca0-875f-bab89f5386da | 1,117 |
Maxay tahay "Gacanta Dhimatay" ee uu sarkaalka Ruushka kaga careysiiyay Trump?
"Trump waa inuu xusuustaa sida ay khatar u tahay gacanta dhimashada halyeeyga ah," waa weedh uu madaxweynihii hore ee Ruushka, Dmitry Medvedev, u jeediyay Mareykanka, taasoo caro gelisay Aqalka Cad isla markaana dib u xasuusisay Dagaalkii Qaboobaa.
Hadalka uu jeediyay Medvedev, oo haatan ah guddoomiye ku xigeenka Golaha Amniga Qaranka ee Ruushka, ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu Ruushka u qabtay waqti kama dambeys ah si uu dagaalka Ukraine ku hayo u joojiyo.
Hadallada kicinta ee adag
Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu amar ku bixiyay in la diro labo Markab oo nooca gunisyada qaada Nukliyeer ah, taasoo jawaab u ah "daandaansi" hadal uu jeediyay sarkaal Ruush ah.
Elena Suponina, oo ah la-taliye ka tirsan Xarunta Daraasaadka Caalamiga ee Ruushka, ayaa BBC u sheegtay in hadallada Medvedev ay ahaayeen kuwo "aad u af-adag," iyadoo xustay inuu tilmaamay awoodda Ruushka iyo haynta hubka nukliyeerka.
Inkastoo hadalkii Medvedev ay ahaayeen kuw "ka baxay waddadii saxda ahayd," Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa dejiyay xiisadaha wuxuuna muujiyay in Moscow ay diyaar u tahay wadahadalka Washington iyo inay sii wado wadaxaajoodka Ukraine, sida ay Suponina sheegtay.
Muxuu yahay nidaamka "Gacanta Dhimatay"?
Wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS ayaa ku tilmaamtay gacanta dhintay inay tahay nidaam ka hortagta nukliyeerka kaas oo bixiya weerarro aargoosi oo baaxad leh oo nukliyeer ah haddii ay dhacdo weerar.
Midowgii Soofiyeeti, nidaamka waxaa loogu yeeri jiray " xad-dhaaf," halka wadamada Galbeedka, intii lagu guda jiray Dagaalkii Qaboobaa ee qarniyadii la soo dhaafay, loogu yeeri jiray "gacanta dhimashada."
Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa ku qeexay "Gacan Dhimatay" inay tahay nidaam xakameynaya hubka nukliyeerka oo iswada oo uu sameeyay Midowgii Soofiyeeti intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa si loo xakameeyo hubkeeda nukliyeerka. Sidoo kale waa nidaam talis ah oo sir ah oo Ruush ah oo nukleer ah oo loogu talagalay in lagu rido gantaalada nukliyeerka ee Moscow haddii ay dhacdo in amarkeeda la jebiyo "cadowga." Khabiir milatari oo Maraykan ah ayaa ku tilmaamay "Mashiinka Qiyaamaha".
Warbixinta New York Times
Sanadkii 1993, New York Times waxay daabacday wareysi ay la yeelatay khabiir Mareykan ah oo ku takhasusay arrimaha milatariga Ruushka, Ross Blair, kaas oo uu ku sheegay in Ruushku haysto nidaam kombuyuutar oo awood u leh in uu si toos ah u rido hubkiisa Nukliyeerka ah wakhtiga dagaalka, haddii taliyayaasha milatarigu ay dhinteen ama ay awoodi waayeen inay hagaan dagaalka.
Brown, oo tobanaan wareysiyo ballaaran la yeeshay saraakiisha iyo masuulliyiin ku lugta leh hubka Ruushka iyo qalabka la xiriira, ayaa ku tilmaamay nidaamka "mashiinka qiyaamaha." Wareysigu waxa uu dhaliyay muran ku saabsan sax ahaanshaha nidaamkan.
Hay'adda Sirdoonka Difaaca Mareykanka ayaa warbixin ay soo sartay sanadkii 2017-kii ku sheegtay in talisyada Ruushka iyo nidaamyada xakamaynta loo qorsheeyay xaaladaha ugu xun.
Waxa uu sharaxay in nidaamyadani ay yihiin kuwo loo sameeyay si ay awood ugu yeeshaan faafinta amarrada soo-bandhigidda inta lagu jiro weerarka nukliyeerka iyada oo loo marayo nidaamyo dhowr ah, oo ay ku jiraan nidaamka "Perimeter".
"Moscow waxa ay ilaalisaa nidaamka Wareegtada, oo loogu talagalay in lagu hubiyo in amarka soo saarista aargoosiga la soo saari karo haddii weerar Nukliyeer ah lagu qaado Ruushka," ayaa lagu yiri warbixinta.
Sannadkii 2011-kii, taliyaha ciidamada gantaalaha istiraatijiyadeed ee Ruushka Sergei Karakayev ayaa waraysi siiyay wargeyska maxaliga ah ee Komsomolskaya Pravda.
Sarkaal ka tirsan militariga Ruushka ayaa sheegay in nidaamka "Perimeter" uu ka jiray Midowga Soofiyeeti, isagoo xusay in "nidaamku uu shaqeynayo welina uu nool yahay".
Sharraxaad xiiso leh
Falanqeeyaha militariga Ruushka Sergei Shashkov ayaa BBC u sheegay in nidaamkan uu ogolaanaya in gantaallada Nukliyeerka ballistic-ga Ruushka si toos ah loogu rido bartilmaameedyadooda xitaa haddii la burburiyo dhammaan xarumaha taliska. Laakiin Shashkov ayaa shaki ka muujiyay xisaabaadka maamulka, isagoo yiri, "Ma jiraan wax la isku halayn karo."
Dhankeeda Suponina waxay BBC u sheegtay in magaca iyo sharraxaadda nidaamkaasi ay yihiin "kuwa xiiso weyn leh" isla markaana lagu xuso filimada, suugaanta, iyo qaar ka mid ah khubarada.
Suponina waxay sheegtay in nidaamka "Gacanta Dhimashada" uu yahay nidaam kormeera hubka nukliyeerka si loo xakameeyo hubkaas loona hubiyo inaysan si shil ah ama qalad ah u dhicin.
Sidee u shaqeysaa "Gacanta Dhimatay"?
Warbixin lagu daabacay wargeyska ay maamusho dowladda Ruushka ee Rossiyskaya Gazeta ayaa lagu sheegay in hay'adaha sirdoonka shisheeye ay awoodeen, tobanaan sano, inay aqoonsadaan kaliya mabaadi'da guud ee nidaamka hawlgalka.
Sannadkii 1993-kii, khabiirka Maraykan ah Blair, ayaa sheegay in nidaamka Ruushka loo qorsheeyay in ay ku shaqeeyaan taliyayaasha ciidamada marka ay xaalad adagi jirto, iyo in aragti ahaan uu nidaamku tallaabo qaadi doono oo keliya haddii dareemayaasha ay ogaadaan weerar Nukliyeer ah oo lagu qaaday Moscow.
"Nidaamkani waxa uu ku shaqeeyaa wax yar ama aan lahayn kormeer bini'aadmi ah, waxa uu u diri karaa farriimo qarsoodi ah kumanaan mayl ciidamada milatariga, waxana uu ridi karaa gantaalaha nukliyeerka iyada oo aan la helin caawinaad bini'aadan," ayuu yiri Blair, isaga oo intaa ku daray in nidaamka "uu u nugul yahay khaladaadka."
Mareegta Militariga, oo ka hadasha wararka militariga Mareykanka, ayaa sheegay in nidaamka uu soo ridi karayo gantaal la hagayo oo wata madaxa dagaalka raadiyaha, kaasoo u gudbiya amarada ridista saldhigyada nukliyeerka Ruushka, xitaa marka ay jiraan faragelin raadiyo.
Wakaaladda wararka ee dowladda Ruushka, Sputnik, ayaa werisay in nidaamka la casriyeeyay si uu u ogaado ridida gantaallada ballistic-ga ee lagu soo jeediyo Ruushka iyada oo loo marayo dayax-gacmeed, isla markaana si degdeg ah u gudbiyo amarro hay'adaha kale ee mas'uulka ka ah ka-hortagga weerarrada gantaallada. | 8ab22b63-ed4e-44a2-affb-cb3eeb48c38b | 900 |
Maxay tahay sababta dalkan Yurub ku yalla uu midabkiisa oo dhan isku baddalay
Caasimada dalka Giriiga ee Athens ayaa noqotay midabka jaalle xigfeenka ah ee oranjaha, kadib markii ay qarxeen daruuro boor ah oo ka soo kacayay dhinaca saxaraha.
Xaaladahan cimilada ayaa ka mid ah kuwii ugu xumaa ee ku dhuftay Giriiga tan iyo 2018-kii, sida ay sheegeen saraakiisha.
Daruuro hawo oo kuwan la mid ah ayaa ku dhuftay dalkan Yurub kamid ah bilihii Maarso iyo horraantii Abriil, waxayna sidoo kale qariyeen qaybo ka mid ah Switzerland iyo koonfurta Faransiiska.
Hay’adda saadaasha hawada ee Giriiga ayaa filaysay in hawada cirku ay si caadi ah kusoo noqon doonto fiidnimadii Arbacada, kadib markii boorka uu ka dhigay mid aan suurtogal ahayn in la arko qaar kamid ah dhismayaasha caanka ah ee ku yaalla Athens isla subaxnimadii. Darruur boor ah ayaa qarisay qaybo badan oo Giriiga ah, ilaa magaalada Tesaloniika ee waqooyiga.
Maamulka Giriiga ayaa kula taliyay muwaadiniinta la ildaran dhibaatooyinka caafimaad ee la xiriira neefsashada in ay xaddidaan waqtiga ay ku qaadanayaan meel ka baxsan guryaha, iyo xijaa maskiga ama xirtaan waji-xirka, ayna ka fogaadaan jimicsiga jirka ilaa ay hawada boorka ahi ka baaba'ayso isla markaana ay hawadii caadiga ahayd kusoo noqoneyso dalka.
Hawada saxaraha ayaa waxa uu daadisaa inta u dhaxaysa 60 ilaa 200 milyan oo tan oo boor ah sanad wailba, inta badan siigadaasi waxa ay markiiba dib ugu soo dhacdaa dhulka, laakiin qaybo yar yar oo ka mid ah ayaa waxa ay aadi karaan ama u safri karaan masaafo aad u dheer, mararka qaarna waxa ay gaartaa qaybo kamid ah Yurubta kale.
Isku darka boorka iyo heerkulka sare ayaa horseeday in jawigu uu noqdo mid ciriiri ah marka si gaar ah la eego koonfurta Giriigga.
Khabiir ku takhasusay saadaasha hawada oo lagu magacaabo Costas Lagovardos ayaa cimilada Giriiga barbar dhigay jawiga Mars.
Mars waa meeraha afraad ee ka yimaada qorraxda. Dusha sare ee Mars waa oranje-cas. Mars waxa ay ka mid tahay shayada ifaya cirka iyo dhulka.
Talaadadii, ilaa 25 kaymo ah ayaa la sheegay in uu dab ka kacay. Mid ka mid ah dabka ayaa ku dhow saldhigga ciidamada badda ee jasiiradda Crete ee dalka Giriigga, halkaas oo heerkulku kor u dhaafay 30 darajo oo Celsius, waxaana la daadgureeyay dadkii ku sugnaa guryaha iyo xarumaha xanaanada, sida ay sheegayaan wararka maxalliga ah.
Daruuraha siigada ah ee ka imaanaya saxaraha maaha wax dhif ah oo ka dhaca Yurub, inkastoo heerka cufnaanta daruurahani ay kala duwan yihiin, laakiin waxay badanaa yimaadaan xilliyada gu'ga iyo dayrta.
Daruurahaan siigada ah ayaa inta badan degay saxaraha Liibiya, iyadoo ay la socoto hawo kulul, oo gaartay Giriiga, halkaasoo heerkulku uu sare u kacay bishii Abriil.
Jawiga gobolka bari ee Mediterranean-ka ayaa lagu arkayaa mowjado boor ah wakhtigan xaadirka ah, laakiin dhamaadka usbuucan, xaaladahani way gudbi doonaan waxaana la rajeynayaa in xaaladdu ay noqon doonto mid cad iyo heerkul ku dhow kuwii caadiga ahaa ee sanadka.
Xaalad tan lamid ah oo mar ka dhacday Hindiya
Caasimadda Hindiya ee Delhi ayaa waxaa ka dhacday xaalad caafimaadka bulshada ah oo degdeg ah - iskuullada ayaa la xiray, dadka ayaa loogu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan, isbitaallada ayaa iyaguna qaabilay kumannaan qof oo dhibaatooyin neefsashada ah qaba.
Sababtuna waxay tahay hawada wasakheysan oo ah tii ugu darneyd dunida.
Balse inkastoo Delhi ay tahay tan ugu daran, haddana maaha tan keliya ee ku taalla waqooyiga Hindiya.
Shan ka mid ah lixda magaalo ee ugu hawada wasakheysan - Gurugram, Ghaziabad, Faridabad, Bhiwadi iyo Noida - ayaa ku yaalla meel 80km u jirta Delhi, oo ay hawadeedu noqotay tan ugu wasakheysan dunida. | f6cba359-b419-4796-8e7c-962879f0cc66 | 591 |
Xaggee laga keenaa kharashka ku baxa dharka ay xirtaan madaxda caalamka iyo xaasaskooda?
Sir Keir Starmer iyo xaaskiisa Victoria ayaa aqbalay deeq dhar ah si "lebiskoodu u qurux badnaado" isla markaana ay ugu matalaan UK, David Lammy ayaa sidaa sheegay.
Mar wax laga weydiiyay deeqda, ayaa xogahayaha arrimaha dibadda wuxuu sheegay in dalalka kale ay leeyihiin dakhli ay canshhuur-bixiyeyaashu maalgeliyaan oo loogu talogalay dharka hoggaamiyeyaasha.
Lammy ayaa ka jawaabayay wararka ah in Sir Keir laga yaabo inuujebiyay shuruucda baarlamaaniga ah isagoo ku guul-darreystay inuu sheego dharka uu xaaskiisa u iibiyay Lord Waheed Alli.
Wuxuu barnaamijka Sunday with Laura Kuenssberg u sheegay: “Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo marwooyinka koowaad waxay leeyihiin qorshe maaliyadeed ballaaran, oo ay bixiyaan canshuur-bixiyeyaasha, marka aad bey ugu qurux badan yihiin inay matalaan dadka Mareykanka."
Xaqiiqdii, marwada koowaad ee Mareykanka xaq uma laha dakhli dharka oo gaar ah - dad badan ayaana walaac ka muujiyay qiimaha ku baxa lebiska Aqalka Cad.
Gunno madaxweynaha loogu talogalay - balse aysan heleyn marwada koowaad
Dalalka qaar, canshuur-bixiyeyaasha ayaa ku tabarruca kharashaadka nolosha ee hoggaamiyeyaashooda - tan ayaa waxaa ka mid noqon kara dharka.
Madaxweyneyaasha Mareykanka ayaa leh qorshe maaliyadeed dhan $50,000 (£38,000), kaasoo loo isticmaali karo soo iibsashada dhar iyo waxyaabo kale, waxaana dheer mushaar dhan $400,000.
Balse xaaska madaxweynaha Mareykanka - taariikhiyan, mar walba marwada koowaad - ma hesho mushaar amaba kharash go'an oo waxyaabaha ay isticmaasho ah, inkastoo ay leeyihiin shaqaale mushaar qaata iyo xafiis.
Tusaalooyinka la taaban karo waxaa ka mid ah jaakadda Melania Trump ee shirkadda Zara ay naqshadeysay waxaana ku qoran “RUNTII WAXBA IGAMA GELIN, ADIGANA?”, mar ay booqasho ku tageysay xarun muhaajiriinta lagu hayo, iyo saakada quruxda badan ee ay sameysay shirkadda Alexander McQueen taasoo ay xiratay Michelle Obama mar ay la kulmeysay madaxweynihii hore ee Shiinaha Hu Jintao.
Qaar ka mid ah marwooyinka koowaad ayaa sheegay in guud ahaan, laga filayay inay iyaga iska bixiyaan kharashka dharkooda.
Laura Bush, xaaska George W Bush, ayaa xusuus-qorkeedii 2010 ku sheegtay inay “la yaabtay tirada dharka heerka sare ah ee layga filayay inaan iibsado … si aan uga soo baxo filashada lebiska ee marwada koowaad”.
“Kadib sanadkeennii koowaad ee Aqalka Cad, xisaabiyaheenna ayaa ku yiri George, ‘Wax badan ayaa ku baxa in la noqdo madaxweyne,’wuxuuna kala jeeday inta badan dharkeyga,” ayay tiri Mrs Bush.
Xoghayaha warbaahinta ee Michelle Obama, Joanna Rosholm, ayaa CNBC u sheegtay sanadkii 2014: “Mrs Obama way iska bixisaa kharashka dharkeeda.”
Marwooyinka koowaad ee Mareykanka ayaa sidoo kale aqbali kara in haddiyad ahaan loogu keeno dharka, aalaaba iyagoo matalaya dowladda.
Naqshadeeyeyaasha qaar ee dharka ayaa soo dhoweeya caannimada ay ka helaan in dharkooda ay xirtaan marwooyinka koowaad.
Iyadoo qiimaha dharka tayadoodu sarreyso uu gaarayo tobnaan kun, deeqaha ayaa ah habka keliya ee ay dadka jooga Aqalka Cad ee aan awoodin ku xiran karaan dharka tayadoodu ay sarreyso.
“Marka laga qeyb galayo munaasabado rasmi ah amaba taariikhi ah, sida booqasho dal, dharka marwada koowaad waxaa laga yaabaa in shirkad ay haddiyad ahaan ugu keeno waxaana loo guddoomaa sida inay ku socoto dowladda Mareykanka,” ayay tiri Mrs Rosholm.
Dalalka kalena?
Xaasaska hoggaamiyeyaasha caalamka ee meelaha kale ayaa guud ahaan u muuqda kuwo ku tiirsan deeqaha dharka ay xirtaan.
Marwada koowaad ee Faransiiska Brigitte Macron ma laha qorshe-maaliyadeed dharka ah oo dowladdu maalgeliso waxaana la rumeysan yahay in la siiyo dhar ay ku deeqaan shirkadaha waaweyn sida Louis Vuitton.
Sida ku xusan buugga 2019 soo baxay ee Madame La Présidente, xafiiskeeda ayaa diwaangeliya dharka loogu deeqay iyo kuwa ay iyadu leedahay.
Balse seygeeda, Madaxweyne Emmanuel Macron, ayaa lagu cambaareeyay kharashka badan ee ka baxa. Sanadkan, wargeys ayaa shaaciyay in xafiiskiisa uu tikidh business class ah u qabtay duullimaad ka baxayay Paris oo u socday Brazil si keliya loogu soo qaado labo ka mid ah suudadkiisa, iyadoo ay ku baxday lacag ku dhow €4,000 (£3,380).
Jarmalka, wasiirrada ayaa lagu cambaareeyay inay €450,000 ku bixiyeen koofeerrada, make up-ka, iyo sawir qaadeyaasha lixdii bilood ee ugu horreysay 2023, inkastoo aysan jirin lacag gaar ah oo ku baxday dharka.
Mar wax laga weydiiyay hadalka Lammy, ayaa afhayeen u hadlay Xafiiska Arrimaha Dibadda wuxuu diiday inuu jawaab ka bixiyo. | 2fea7502-a445-4592-b791-af67021c2c00 | 676 |
Sida xoolo-raacde Soomaali ah ku helay Dacar ku cusub dunida sayniska
Cilmibaareyaal Soomaali ah ayaa helay nooc dacar ku cusub dunida sayniska oo u gaar ah dhulka Soomaalida ee geeska Afrika.
Dacartan oo aan horey bahda sayniska ugu diiwaan gashanayn waxaa helay nin xoolo-dhaqde Soomaali ah, sida ay tilmaameen cilmibaareyaasha, ninkaas oo wargeliyay saynisyahan Axmed Ibraahim Cawaale.
Dhulka Soomaalida oo ay kooban tahay cilmibaarisyada lagu sameeyay dhirta iyo noolaha waxaa horey looga helay dhir iyo noole nooceedu dhif iyo naadir ka yahay dunida
Waxaa ka mid ah shimbirta loo bixiyay Bulo Burti Bushshrike, nooleha Soomaalidu u taqaan Walo-Sandheer, oo dunida kale ee sayniska na looga yaqaan Somali Sengi, subxaanyo nooceeda aan dunida kale lagu arag, iyo xitaa nooc cusub oo ka mid ah Hangarallaha.
Halka laga helay dacarta Soomaalida ee dunida ku cusub
Sida bartamihii bishaan Maarso lagu daabacay joornaalka cilmiga Sayniska ee Cactus World ee lagu soo bandhigo daraasaddaha la xiriira deegaanka iyo dhirta, Dacartan cusub ayaa lagu sheegay inay ka timid dhir qallalan oo qurax ah oo ku badan deegaanka Cadaadley oo 95km dhanka barri kaga beegan Hargeysa, iyo dhabaha sii mara Buurta Gacan Libaax, oo Axmed Cawaale, oo cilmibaare deegaan ah uu ku tilmaamay inay tahay meelaha ugu quruxda badan Somaliland marka loo eego deegaanka iyo noolaha.
Cilmibaarista lagu soo bandhigay dacartan cusub ee laga helay dhulka Soomaalida waxaa sameeyay saddex cilmi-baare, oo labo ka mid ah ay Soomaali yihiin. Waxaa ka mid ah Axmed Ibraahim Cawaale, oo isla deegaankan toban sano kahor ka helay nooc kale oo dacar cas ah oo ku cusub dunida.
Waxa uu baabuur kaxeynayay meel ka baxsan waddada caadiga ah xilli ku jiray mid ka mid ah safarradiisii badnaa markii uu arkay in ka badan 1,000 geed oo dacar 2014kii.
"Waxay ahayd wax aanan waligey arkin noloshayda," ayuu ku yiri wareysi hore oo uu siiyay BBC. Dhirtan waxay ahayd mid ka duwan dacarta kale midab ahaan. Waxay dadka deegaanku u yaqaaneyn dacarta cas, laakiin ma aysan garaneynin waxa ka duway dacarta kale.
Shan sano oo baaris dheer iyo hubin kadib ah oo uu Axmed Cawaale isugu maray xarunta lagu keydiyo dhirta oo dhan ee London ee Royal Botanic Gardens iyo Xarunta boqol iyo labo iyo labaatan jirtka ah ee Barriga Afrika ee lagu ururiyo laguna keydiyo dhirtka Afrika, ayaa sanadkii 2019kii la caddeeyey in tani ay tahay nooc cusub.
“Sannad kasta waxa la helaa wax cusub,” ayuu yiri Cawaale, oo ka tirsan Matxafka Noolaha ee Jaamacadda Hargeysa. Toban sano kadib, waa nooc kale oo dacar oo dunida sayniska ku cusub oo laga helay dhulka Soomaalida oo keliya. Waxay ka dhigeysaa tirada nooca dacarta ah ee u gaarka ah dhulka Soomaalida ilaa afartan jaad, oo aan laga helin meel kale.
“Waxa ay Dacartan uga duwan tahay kuwii horey loo ogaa sida ay ula falgasho ama u dhaqanto xilliga abaarta oo ay soo laabato caleemaha islamarkaas na uu midabkeedu isbedelo, iyo xilliga barwaaqada oo si cajiib ah ay dhulka isugu warto,” ayuu yiri Axmed Cawaale. Waxa uu intaa raaciyay in sidoo kale in dhiicaankeeda ka duwan yahay noocyada kale ee la barbardhigay xilliga barwaaqada iyo abaarta labada ba.
Sidan in xoolo-raacato ah ku helay dacar ku cusub dunida sayniska oo aan horey loo ogeyn
Nin xoolo-raacato ah ayaa bilowgii hore ku arkay dacartan aanu hore u arag meel miyi ah oo reerkiisa dejiyay. Waxay ku beegneyd bartamihii sanadkii 2022kii, marka ninkan xoolo-raacato ah oo wargeliyay Axmed Cawaale oo ku yaqaanay xiisaha iyo xamaasada uu u hayo xogta dhirta iyo deegaanka, iyo dacarta kasoo baxday dhulka daaqsinka xoolahiisa. Halkaas na waxaa ka bilowday sahan baaris iyo daraaseyn hubnaanta in dacarta noocan ah ay dhab ahaantii ka duwan tahay kuwii hore loo yaqaanay.
Waxaa hadda dacartan nooceedu cusub yahay loogu magacdaray Kayse Cali, oo ah xoolo-raacato markii ugu horreysay ku arkay barrin uu dejiyay qoyskiisa. Dacartan waxaa laga helay helay dhulka oomane ah, oo dadka deegaanku u yaqaaniin Geli-darxumo oo lahaa dhir galool u badan, oo ay dhici jirtay in qofka dhex lugaynayaa uu si fudud ugu dhex lumo oo ay dadka deegaa. Waxay soo baxdaa dabayaaqada Sebtembar kadib roobka xilliga Xagaaga iyo kahor inta aan la gaarin xilliga dayrta oo bilowda Oktoobar. Xilliga ugu habboon ee ay soo-saarto abuurka waa inta lagu guda jiro labada toddobaad ee ugu horreeya Noofembar.
Dunida Sayniska waxa ay ugu yeeri doonaan Dacartan Aloe kaysei, si looga mahadceliyo in u-dareen-lahaashiyaha deegaanka iyo indho-indhayntiisa inay keentay in la ogaado noocan cusub ee dacarta. “Magacaabistu waxay qiraysaa ka qayb qaadashada horumarka bulshada deegaanka ee cilmiga,” ayaa lagu yiri cilmibaarista lagu daabacay joornaal cilmiga dhirta iyo deegaanka ee Cactus World.
Faa’iidooyinka ganacsiga ee Dacarta iyo waxa loo adeegsado
Dacartu waa nooc ka mid ah dhirta si weyn loogu isticmaalo daawo ahaan. Waxaa jira ugu yaqaan afar boqol iyo labaatan nooc oo ah dhirta dacarta. Waxaa ka mid ah nooca Dacarta vera, oo ah tan ugu badan ee loo adeegsado daweynta.
Ganacsiga Dacarta waa mid ka mid ah waxyaabaha noocyada suuq ee ugu faa’iidada badan dunida. Dhaqaalaha laga sameeyay suuqa dacarta waxaa sanadkii 2022kii lagu qiimeeyay adduun lacag oo dhan USD 2.46 bilyan oo doolar (Labo bilyan iyo afar boqol iyo lixdan milyan oo doolar).
Waxaa la filayaa in uu balaarto suuqa ganacsiga dacarta, iyadoo laga saadaalinayo in uu gaarayo sanadka 2030 dhaqaale adduun ku dhow shan bilyan oo doolar sanad walba. Waxaa loo adeegsada daweyn iyo waxyaabaha looga hortago cuduro badan, iyada oo ay si xoogan u adeegsadaan warshadaha iyo shirkada ganacsi ee soo saara cuntada, cabitaanka iyo dawooyinka, iyo xitaa warshadaha sameeya waxyaabaha la isku qurxiyo.
Sida lagu faahfaahiyay bogga ka faalooda ganacsiga ee Fortune Business Insights, waxa ugu badan loo adeegsado waa waxyaabaha la isku qurxiyo, sida dawooyinka iyo saliidaha loo adeegsado timaha, daryeelka jirka iyo maqaarka. Waxaa xiga warshadaha soo-saara dawooyinka, iyo kuwa cuntooyinka sameeya oo iyaguna si weyn u adeegsada dacarta. | 40ed1cd7-aea0-4b55-9e5d-609bb35a9a5e | 962 |
Dhegeyso: Amarka soo-galootiga ee uu Trump saxiixay ma saameynayaa 'Soomaalida derbiga ka boodday'?
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amarro madaxwayne oo xiriir ah oo looga gol leeyahay in agu xakameeyo socdaalka iyo soo-galootiga.
Saacado ka hor, kumannaan muhaajiriin ah ayaa la joojiyay ballamihii socdaalka ka dib markii maamulka cusub uu meesha ka saaray CBP One, oo ah app-ka loo isticmaalo in lagu talagalay in ballamaha wareysiya ay ku qabsadaan soo-galootiga goobaha laga soo galo xadka.
Khudbadiisii dhaarta ka dib, Trump wuxuu wacad ku maray in "dhammaan gelitaanka sharci darrada ah la joojin doono" iyo in malaayiin "shisheeye dambiilayaal ah" la tarxiili doono.
Haddaba amarkan sidee ayuu u saameynayaa 'Soomaalida derbiga ka boodday'? Qareen Aamiin Haaruun oo ah sharciyaqaan deggan Mareykanka ayaa BBC uga jawaabay su'aashaas iyo kuwo kaleba. | 55a97a28-14d2-4c8f-b650-3fc8d2a6b734 | 129 |
"Idaacada ayaan ka maqlay in wasiir layga dhigay" - Prof. Maxamed Siciid Gees ay ku geeriyooday Maraykanka
Alle ha u naxariisto Prof. Maxamed Siciid Gees oo 23-kii Agoosto, sabtigii geeriyooday ayaa lagu aasay gobolka Virginia dalka Mareykanka. Prof. Maxamed waxa uu muddo ka shaqeeyay waxbarashada Soomaaliya ka hor inta uusan howlaha nabadeynta iyo siyaasada soo galin.
Bishii Nofember 11-keedi sanadkii 1946-kii ayuu ku dhashay magaalada Ceerigaabo, isagoo labo jir ah ayaa laga soo qaaday Ceerigaabo oo la keenay magaalada Hargeysa halkaas oo aabihii oo ahaa dhakhtar ka shaqeynayay isbitaalka Hargeysa.
Prof. Maxamed Siciid Gees waxa uu ku garaadsaday magaalada Hargeysa halkaas uu ka galay malcaamada Qur'aanka iyo dugsiga hoose. Kaddib wuxuu waxbarashadiisa dugsiga sare ku qaatay dugsigii Sheekh isagoo ka baxay sanadkii 1968-kii.
Waxbarashada jaamacada waxa uu Prof. Maxamed ka galay kulliyadii ugu horeysay Soomaaliya ee waxbarashada Lafoole halkaas uu ka bartay cilmiga Fisikiska. Waxa uu ka qalinjabiyay Lafoole sanadkii 1973-kii.
Kaddib dibadda ayuu waxbarasho u aaday gaar ahaan dalka UK uu ka qaatay darajada labaad ee jamacada cilmiga Fiskiska.
Markii uu soo dhameystay waxbarashadiisa waxa uu ku soo laabtay dalka isagoo macallin ka noqoday kulliyadii waxbarashada Lafoole ee uu hore uga baxay. Lix sano ayuu ka shaqeynayay.
Sidoo kale wuxuu ku biiray wasaarada waxbarashada xarunta manaahijta. Markii uu ku biiray wasaarada waxay aheyd xiligii la qoray Af-soomaaliga oo la turjumayay buugaagta cilmiga. Qeyb ayuu ka ahaa turjumaada buugaagta xisaabta iyo seysniska.
Wariye Axmed Siciid Cige oo ka mid ahaa ardaydii kulliyada Lafoole sidoo kalena Prof. Maxamed yaqaanay ayaa sheegay in xiligii ay joogeen jaamacada uu ahaa nin aad u dabacsan oo dadka soo dhaweeya.
"Markii 1981kii aan anigu ardayga ka noqoday Jamacada Lafoole kulliyada saxaafada ilaa iyo 1983-kii, waan garanayaa, wuu iska lugeyn jiray, wuxuu ahaa nin ardayda la sheekeysta oo wax u qabta".
Axmed Siciid oo BBC-da magaalada Hargeysa muddo dheer uga soo warrami jiray ayaa sheegay in markii uu siyaasada soo galay uu ahaa nin naxariis badan.
Prof. Maxamed siciid Gees waxa uu sidoo kale qoray buugaag uu ku jiro buugga Dharaar Xusoostooda oo uu ka qoray wixii uu soo maray.
Noloshiisa Siyaasada
Prof. Maxamed Siciid Gees waxa uu isaga tagay waxbarashadii uu ku shaqeynayay sanadkii 1982-dii kaddib markii dowladdii militeriga ee Soomaaliya sida uu sheegay ay bilwoday in dadka ay xirto.
Wuxuu aaday miyiga isagoo markaa kaddib bilaabay in uu ka shaqeysto xoolaha gaar ahaan ariga.
Muddo toddobo sano ah ayuu ka shaqeynayay ganacsiga xoolaha. Ariga iyo lo'da ayuu miyiga ka soo iibsan jiray kaddibna waa uu sii dhoofin jiray.
Sanadkii 1990-kii bishii Feberaayo isagoo joogo tuulo lagu magacaabo Biyo-cado oo ku taal gobolka Shabeelaha Dhexe, kana iibsanaya lo' uu doonayay in uu ka beecmushtaro ayuu ka maqlay idaacadii Soomaaliya in loo magacaabay jago wasiir. Waxaa laga dhigay wasiirka Kalluumeysiga ee Soomaaliya.
"Anigu waa fadhiyay, 30 dibi ayaa halkaas iigu xirneyd oo aan ka iibsaday meesha, waxaan rabay in aan Laasqoray ka dhoofiyo, dabadeed idaacadii baa soo gashay, meesha waxaa joogay USC qoladii jabhada, hareeraha ayaan eegay, waxaan is iri cidi kuma garaneyso, dowladaas ayaan ka qeybgalay".
Prof. Maxamed wuxuu sheegay in nolosha dadka Soomaaliyeed uu wax badan ka bartay mudadii uu xoolaha ka shaqeynayay. Wuxuu sheegay in uusan wax badan nolosha dadka Soomaaliyeed ka aqoon qofka ku eg waxbarashada iyo xafiisyada dowladda.
Prof. Maxamed oo shaqadiisa wixii ka horeeyay 1990-kii ay aheyd macallinimo ayaa halkaas ka bilaabay siyaasada.
Kaddib dowladii uu mudda yar wasiirka ka ahaa ayaa dhacday, waxa uu ka qaxay magaalada Muqdisho isagoo sii maray Kenya iyo Itoobiya kaddibna waxa uu sii aaday dalka Yemen.
Dowladii laga dhisay Somaliland ayuu kaddib ka qabatay xilal wasiir. Dowladii madaxweyne Cigaal ayuu sanadihii1997-kii ilaa iyo 1999-kii ka noqday wasiirka qorsheynta. 1999-kii ilaa iyo 2001-dii wuxuu noqday wasiirka maaliyada kaddibna wuxuu noqday wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.
Prof. Maxamed waxa uu qeyb weyn ka qaatay nabadeynta gobolada Somaliland kaddib markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay in ay qabteen 35 shir si ay Somaliland nabad u hesho.
"2014-kii wixii ka dambeeyay wuxuu ahaa oday, buugaag ayuu qoray. Labo buug ayuu ku qoray, Somaliland wixii uu u soo joogay" ayuu yiri Axmed Siciid Cige oo aqoon fiican u lahaa Alle ha u naxariisto Prof. Maxamed Siciid Gees. | 5b7aec65-669d-431b-9b3a-d48ffb34bf36 | 691 |
Kumuu ahaa sarkaalkii sirdoonka ahaa ee noqday madaxweynaha Galmudug
Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa ku geeriyooday habeenimadii salaasada cisbitaal ku yaal magaalada London.
Madaxweyne Caalin wuxuu ka mid ahaa madaxdii mudada dheer ka shaqaynayey sidii Soomaaliya looga saari lahaa hanaankii KMG ahaa kaas oo ay ku xirnayd in madaxda hogaaminaysay dalka waqtigaasi wadar ogol ku gaaraan heshiisyo masiiri ah oo ugu horeeyey dastuurka iyo hanaanka doorashooyinkii xiligaasi oo shirarka lagaga arinsanayey ay ka dhaceen magaalada Garoowe kuwaas oo loo bixiyey shirarkii Garoowe -1 iyo Garoowe-2.
Alah u raxmadee wuxuu mudo dheer ku noq noqday Garoowe oo ka socday shirarkii lagaga arinsanayey heshiisyadii dalka lagu gaarsiinayey dowlad dhamasytiran.
Caalin waxaa lagu xasuustaa inuu door odaynimo iyo tanaasulaad sal u noqday in la gaaro hadafyadaasi ku lahaa shirarkaas isagoo kaalin isku soo dhaweyn ah ka ciyaaray dhowr jeer oo ay Madaxdii dowladii kumeel gaarka iyo saamilaydii kale is qoomeen.
Madaxweyne Caalin ayaa ka mid ahaa saxiixayaashii heshiiskii masiiriga ahaa ee 2012-kii lagu gaaray shirkii Garoowe-2 oo kaas oo dalku kaga baxay hubanti la,aantii mudada dheerayd laguna heshiiyey waqtiga doorashada iyo meelmarinta dastuurka qaybada ee Soomaaliya.
Doorkiisii Aasaaskii Galmudug
Maxamed Axmed Caalin wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii maamul goboleedka Galmudug sanadkii 2006-dii lagu yagleelay koonfurta magaalada Gaalkacyo isagoo ka mid ahaa odayaashii doorka weyn ka qaatay.
Allaha u naxariistee Madaxweyne Caalin wuxuu xukunka qabtay 14 Agoosto 2009-kii isagoo hayey ilaa bilowgii Agoosto 2012-kii.
Wuxuu noqday Madaxweynihii labaad ee Galmudug isagoo kaalin muuqtaa ku lahaa doorkii dibu dhiska maamulkaas iyo in Galmudug hesho aqoonsiga wada shaqayneed ee dowladii kumeel gaarka ahayd.
Alaha u naxariistee Caalin wuxuu sanadkii ugu danbeeyey ahaa bukaan socod hase ahaatee bishii ugu danbaysay ayuu haleelay xanuunka faaligga kaas oo ka dhigay qof sariir saaran.
Bishii October 20-kedii 1951 ayuu ku dhashay magaalada Muqdisho, waxbarashadiisii hoose dhexe wxuu ku qaatay Muqdisho, dugsigii sarana wuxuu kaga baxay magaalada Baydhabo.
Wuxuu ka mid ahaa saarakiishii waxbarashada u aaday dalka Talyaaniga.Ciidamadii xooga ayuu ku biiray isagoo ka gaaray darajada col .
Marxuunka ayaa noqday taliye xigeenka nabad sugida qaranka ee gobolka Mudug ka dibna noqday taliyaha nabad sugida ee gobolkaasi.
Madaxweyne Caalin wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ka qab galay dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Ethopia isagoo ahaa Sarkaalka dhanka nabad sugida u qaabilsanaa dagaladaas.
Taliyaashii ciidamada ee ugu sareeyey gobolada waqooyi ayuu ka mid ahaa alaha u raxmadee Col.Maxamed Axmed Caalim markii danbana wuxuu u noqday u qaabilsanaha qaybta Socdaalka ee safaarada Soomaaliya ee dalka Sacuudiga.
Buburkii dowladii dhaxe ee Soomaaliya Marxuunku waxaa ka mid ahaa dadkii qurbaha aaday isagoo ku noolaa dalka Ingriiska.
Shaqsiyadiisii iyo dad la dhaqankiisii
Dadka la soo shaqeeyey ayaa ku tilmaama Caalin inuu shaqsi dabeecad dad wad leh lahaa oo an jeclayn khilaafka iyo kala taga.
Caydiid Maxamed Colow oo mudo ka badan toban sano la soo shaqeeyey Madaxweyne Maxamed Ahmed Caalin, la taliyena u soo noqday ayaa BBC-da u sheegay inuu ahaa shaqasi dabeecad wanaag iyo dhibrin ku suntanaa.
Wuxuu kaloo intaa ku daray inuu ahaa shaqsi afgaaban oo dadka ixtiraama, aadna u sadaqa badnaa aadna u cibaado badnaa.
Madax kala duwan oo soo maamulay dalka ayaa ka tacsiyey geerida Marxuuunka oo ku sifeeyeyinuu kaalin weyn ku lahaa dib u dhiska dalka iyo xaalada Soomaaliya laga soo saaray marxalado adkaa.
Alaha u naxariistee Madaxweyne Caalin ayaa xilka Galmudug kala wareegay Madaxweyne Maxamed Warsame Cali "Kiimiko" oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Galmudug, kaas oo isna geeriyooday 06-May- 2019. | 16ace567-3d4d-4a05-b5e8-4d96e91d2e5f | 564 |
Dhegeyso: Xaaladda Boorama oo ay maalmahan rabshado ka socdeen
Dhegeyso: Xaaladda Boorama oo ay maalmahan rabshado ka socdeen
Xaaladda magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa degganayd tan iyo shalay gelinkii dambe, kadib mudaaharaadyo rabshado wata oo maalmihii u dambeeyay ka socday halkaas.
Booliiska iyo dad shacab ah oo dibadbax dhiagayay ayaa isku dhacay, waxaan ka dhashay khasaaro aan wali si rasmi ah loo shaacin inta uu gaarsiisan yahay.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda goonni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa ballan qaaday in baaritaan lagu sameyn doono wixii ka dhacay Boorama. | 9f74ac3b-2738-4c39-b0b4-40014c363b39 | 90 |
Faa’idooyinka caafimaad ee laga helo shaaha sanjabiisha leh
Shaaha sanjabiisha leh waxaa lagu diyaariyaa iyadoo lagu kariyaa sinjabiil laa qalajiyey ama mid qoyan, caleenta shaaha iyo biyo kulul, dhowr daqiiqo kadib shaahi waa diyaar, taasoo u oggolaanaysa in saliidda sinjabiilku ay ku dhex karto biyaha ka hor inta aan la cabbin shaaha.
Shaaha sanjabiilka leh wuxuu leeyahay dhadhan diirran, oo xoogaa kuleyl leh, qofka xitaa wuxuu adeegsan karaan sanjabiisha qoyan midda budada ah, waxaa wanaagsan in qofka uu isticmaalo subixii hore.
Taariikhda sanjabiisha
Taariikhda shaaha sanjabiilku waxa uu soo jiray ilaa 5,000 oo sano ka hor ilaa Shiinaha, halkaas oo dhaqan ahaan looga isticmaali jiray dawo ahaan . markii dambana Sanjabiishu waxaa la geeyay qaaradda Yurub oo lagu darsan jiray cuntada.
Faa'idooyinka caafimaad ee laga helo shaaha sanjabiisha leh
Wuxuu yareeya xanuunada ku dhaca dheefshiidka
Shaaha sanjabiilka wuxuu caan ku yahay awoodda uu u leeyahay inuu dejiyo dhibaatooyinka dheefshiidka, iyo gaar ahaan, wuxuu qofka ka caawiyaa yaraynta lallabada.
Mid ka mid ah daraasadaha lagu sameeyay waxtarka shaaha sanjabiisha leh ayaa xitaa soo jeedinaysaa in laga yaabo in uu leehay waxtarka dawooyinka qaar, laakiin qofka xooggaa wuxuu kala kulmi karaa saameyn xun sida in qofka uu dareemo qandho subixii hore.
Wuxuu ka hortagga xasaasiyadda
Sanjabiilku waxaa ku jiraa maaddooyin muhiim ah oo naqafo leh oo loo yaqaanno gingerols, cilmi-baaristana waxay muujisay in maaddooyinkan ay ka hortaggaan in bakteeriyada ay jirka ku faafto.
Wuxuu sidoo kale ka hortaggaa dhibaatooyinka ka dhasha xasaasiyadda, marka uu qofka cabbo shaaha sanjabiisha leh wuxuu qofka ka caawinaya sare u qaadidda caafimaadka jirka.
Wuxuu yareeyaa halista dhiig-karka
Daraasad la sameeyay sanadkii 2017-kii ayaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta isticmaala sanjabiisha ay ku yartahay halista ah in uu ku dhaco xanuunka dhiig-karka.
Inkasta oo aysan daraasadda si gaar ah u eegin shaaha sanjabiisha leh, haddana waxa laga yaabaa inay ku caawiso cabidda shaaha sanjibiisha leh waa haddii aad qabto dhiig-kar.
Waxaa laga yaabaa in uu hoos u dhigo miisaanka jirka
Daraasado dhowr ah ayaa lagu sameeyay faa'iidooyinka uu sinjabiilku u leeyahay miisaan dhimista iyo ka hortagga cayilka.
Dib-u-eegis ayaa sidoo kale lagu sameeyay cilmi-baaristan , waxaana lagu ogaaday in sanjabiilka si toos ah uga hortaggi karo cayilka iyada oo loo marayo dhowr habab oo kala duwan, oo ay ku jiraan xakamaynta rabitaanka cuntooyinka iyo kororka thermogenesis ee ( kulaylka jirka).
Wuxuu daweeya madax xanuunka
Cilmi baarisyo badan ayaa lagu sameeyay sanjabiisha iyo sida ay u yareyso astaamaha xanuunada, oo ay ku jiraan faa'iidooyinka ay u leedahay dadka qaba madax-xanuunka daran.
Cabitaanka shaaha sanjabiilka leh, wuxuu markaa kaa caawin karaa ka hortagga iyo in qofka uu u qaboojiyo madax xanuunka.
Qof kasta ma adeegsan karaa sanjabiisha?
Shaaha sanjabiisha wuxuu leeyahay dhadhan gaar ah, waxaana laga yaabaa, in dadka qaar aysan cabbi karin koob idil oo shaahan ah.
Dadka qaar ayaa laga yaabaa in waxyeelleyn ay kala kulmaan marka ay cabbaan shaaha sanjabiisha, sida laabjeexa, iyo saameynta uu ku yeelan karo cadaadiska dhiigga awgeed, waa in qofka si dhexdhexaad ah uu u isticmaalo gaar ahaan dadka dhiig-karka ee qaata dawooyinka. | d9634c57-cea0-4c9c-9dec-260115de84fe | 501 |
Waa maxay faa’iidada mirahan kusii yaraanaya suuqyada Muqdisho?
Mirahan oo afka Ingiriisiga lagu dhoho graviola, amaba soursop, ayaa leh dhadhan macaan iyo waliba faa’iidooyin caafimaad.
Canuunigu waa geed mirood waxtar badan, wuxuuna ka mid yahay dhirta weligood cagaaran, waxaana ku jira fitamiinno badan.
Guud ahaan wuxuu leeyahay faa’iidooyin marka la eego caleemihiisa, mirihiisa iyo xididkiisaba. Wuxuu faa’iido weyn u leeyahay dadka doonaya cunnooyinka sunta ka hortaga, iyadoo mirahan ay sidoo kale la dagaallamaan caabuqa.
Canuunigu waxaa ka buuxa nafaqooyin waxaana ku jira xaddi fiican oo maaddada fiber-ka ah iyo vitamin C ah.
Warbixintan waxaan ku eegeynaa geedkan waxa uu yahay iyo faa’iidooyinka aan lasoo koobi karin ee uu u leeyahay bani’aadamka.
Waa maxay canuuniga, xaggee ayuuse kasoo galay Soomaaliya?
Canuuniga, waa nooc ka mid ah geedaha sida gaarka loogu yaqaanno gobollada Ameerika.
Waa miro cagaaran oo qodxo leh, dhexdiisuna waxaa ku jira miro iyo wax suuf jilicsanaoo kale ah oo caddaan xigeen ah, wuxuuna leeyahay dhadhan aad u adag oo la mid ah kuwa cananaaska.
Inta badan canuuniga keligiis ayaa la cunaa, inkastoo dadka qaar ay cabitaan ka dhigtaan. Dhadhankiisa ayaa lagu tilmaamay inuu u dhaxeeyo cambe iyo cananaas.
Wuxuu gaar u yahay dhulka ay cimiladiisu kulushahay sida Soomaaliya.
Ilyaas Maxamed Shuuke oo khabiir ku ah geed-miroodka ayaa BBC-da u sheegay in geedkan uu Soomaaliya soo gaaray qiyaastii 50 sano kahor.
“Wuxuu ka mid yahay geedaha aysan asal ahaan Soomaaliya u lahayn, ee nooga yimid dalalka kale, sida kuwa Laatiin Ameerika” ayuu yiri.
Wuxuu geedka canuunigu ka tirsan yahay bahda Annonaceae, wuxuuna kor u baxaan ilaa 8 inji, culeyska mirtiisuna mararka qaar way weynnaan kartaa, oo waxay gaari kartaa halkii mir ilaa saddex kiilo, sida uu sheegay Ilyaas.
Canuuniga ayaa aad uga baxa labada Shabeelle ee Soomaaliya, gaar ahaanna Shabeellaha Hoose.
Muxuu uga sii dabar go’ayaa Soomaaliya?
Canuuniga ayaa la sheegay in sanadihii ugu dambeeyay uu kusii yaraanayay suuqyada magaalada Muqdisho oo gobollada uu kasoo galo. Inta yar ee taalla ayaa qiimahooda laga dareemayaa inuu ka sarreeyo sidii hore.
Ilyaas ayaa sheegay in sababo dhowr ah ay keeni karto inuu kasoo dabar go’o Soomaaliya. Tan koowaad ayuu sheegay inay sabab u tahay in burburkii kadib ay yaraadeen amaba meesha ka baxeen abuurka ay gacanta ku heyn jirtay dowladdii hore.
“Waxaa jiray tababarro iyo dalagyo ay dowladdii hore ku kabi jirtay beeralleyda, balse taas meesha way ka baxday. Miraha kale ayuuna la qabaa yaraanshaha ku dhacay,” ayuu yiri.
Sababta labaad ee muhiimka ah ayuu Ilyaas ku sheegay isbeddelka cimilada. “Isbeddelka cimilada wuxuu keenay in dhulku ku dhaco uumi-biyood, taasoo keentay in dhulku ay cusbo ku badato,” ayuu yiri.
Canuuniga ayuu Ilyaas sheegay inuusan ku bixi karin amaba xamili karin cusbada badan.
Waxaa kale oo jirta oo sababaha uu geedkan Soomaaliya uga sii dabar go’ayo ka mid ah, cayayaan kusoo batay beeraha kuwaasoo geedkan cunaya inta uusan miro dhalin.
Faa'iidooyinka canuuniga
Wuxuu ka hortagi karaa sunta
In badan oo faa’iidooyinkiisa ka mid ah waxaa loo aaneeyaa xaddiga sare ee maaddooyinka ka hortaga sunta.
Waxyaabaha ka hortaga sunta waa maaddooyin gacan ka geysta inay dheellitiraan waxyaabaha dhibaatada leh ee jirkeenna ku jiri kara, isla markaana dhaawac gaarsiin kara unugyada.
Baaritaannada qaar ayaa muujinaya in maaddooyinka sunta ka hortaga ay door muhiim ah ka ciyaari karaan yareynta khatarta cudurro dhowr ah, oo ay ku jiraan xanuunnada wadnaha, kansarka iyo macaanka.
Daraasad ayaa muujineysa in maaddooyinka sunta ka hortaga ee ku jira canuuniga ay waxtar weyn u leeyihiin sun saarista jirka.
Daraasad kale ayaa muujineysa in canuuniga ay ku jiraan maaddooyinka luteolin, quercetin iyo tangeretin oo sunta ka hortaga.
Waxaase loo baahan yahay baaritaan dheeraad ah oo lagu go’aansan karo sida maddooyinka sunta ka hortaga ee canuuniga ku jira ay faa’iido ugu leeyihiin bani’aadamka.
Waxaa laga yaabaa inuu gacan ka geysto dilidda unugyada kansarka
Inkastoo ay haatan yar yihiin daraasadaha lagu sameeyay canuuniga, haddana waxaa lasoo weriyay inuu wax ka tari karo cirribtirka unugyada kansarka.
Daraasad lagu sameeyay kansarka naasaha iyo siduu wax uga taro ayaa la sheegay in lagu tijaabiyay canuuniga, taasoo lagu ogaaday inuu yareeyay burada uuna baabi’iyay unugyada kasarka, isagoo sare u qaaday hannaanka difaaca jirka.
Balse waxaa mudan in maanka lagu hayo, in daraasadahan ay adeegsadeen xaddi aad u badan oo canuuniga ah, taasoo dadka qaar dhibaato u keeni karta.
Wuxuu la dagaallami karaa bakteeriyada
Marka laga soo tago maaddooyinka sunta ka hortaga ee ku jira canuuniga, daraasadaha qaar ayaa muujinaya in canuunigu ay sidoo kale ku jiri karaan maaddooyin bakteeriyada ka hortaga.
Daraasad hore loo sameeyay, ayaa muujinaya in walxo laga miiray canuuniga oo xaddigoodu kala duwan yahay loo adeegsaday noocyo kala duwan oo bakteeriyo ah oo la ogaa inay sababaan cudurrada afka.
Canuuniga ayaa awood u yeeshay inuu dili karo dhowr nooc oo bakteeriyo ah, oo ay ku jiraan kuwa sababa cirrid-xanuunka iyo daxaleysiga ilkaha.
Sidoo kale wuxuu wax ka tari karaa bakteeriyada caloosha gasha ee qaarkeed sababta shuban-biyoodka.
Inkastoo xaddi badan oo canuuni ah la isticmaalay, in ka badan intii aad caadiyan cuni lahayd, haddana waxaa loo baahan yahay daraasado dheeraad ah in laga sameeyo arrintan.
Wuxuu yareeyaa hurka
Daraasado lagu sameeyay xayawaanka ayaa lagu ogaaday in canuunigu uu awood u leeyahay yareynta hurka jirka.
Hurku waa jawaab-celin caadi ah oo uu jirku ka bixiyo dhaawaca soo gaara, balse caddeymo ayaa muujinaya in hurka saa’idka ah amaba ragaadka ah uu cudurro sababi karo.
Daraasad lagu sameeyay jiirka ayaa muujineysa inuu yareeyay bararka uuna dhimay hurka.
Wuxuu dheellitiraa heerarka sokorta
Canuuniga ayaa la ogaaday inuu gacan ka geysan karo dheellitirka heerarka sokorta dhiigga, sida lagu ogaaday tijaabo lagu sameeyay xayawaanka.
Jiir ay heysay sokor oo lagu duray miidda canuuniga muddo labo toddobaad ah, ayaa lagu ogaaday in canuunigu uu aad hoos ugu dhigay sokortooda, marka loo eego jiirka aan la siin. | 9e762530-2527-44f7-a3fe-cff9978321f8 | 942 |
Maxay tahay dhibaatada ku saabsan doollarka ee caalamka ka taagan balse aan Soomaaliya ka jirin?
Doollarka Mareykanka ayaa yeeshay awooddiisii ugu weyneyd muddo labaatan sano ah gudaheed, marka lala barbar-dhigo lacagaha kale ee waaweyn.
Taasi micnaheedu waa in hadda uu doollarku qaali yahay marka la iibsanayo, arrintanina waxa ay saameyneysaa ganacsiyada iyo qoysaska caalamka oo dhan.
Xaggee ayay gaartay awoodda doollarka?
Qiimaha doollarka oo si joogto ah tartan kula jira ilaa lix lacag oo kale, oo ay ku jiraan euro-ga Midowga Yurub, giniga Istarliinka iyo yen-ka Japan, ayaa sanadkan 2022 sare-u-kacay 15%.
Lacagaha kale ee horay uga sarreeyay, sida giniga ayaa hoos u soo dhacay, halka uu doollarku kor u sii fananayo qiimaha sarrifka.
Sidaas awgeed, waa markii ugu horreysay muddo 20 sano ah oo doollarka uu gaaro heerkaas sarreeya.
Doollarka iyo Soomaaliya
Isbeddelka doollarka lagama dareemin Soomaaliya, maaddaama lacagta ugu weyn ee uu waddanku ku tiirsan yahay ama isticmaalo ay tahay doollarka (oo telefoonnada la isugu diro), sida ay soo tebiyeen weriyeyaasha ku sugan Muqdisho.
Sidoo kale sarrifka doollarka iyo shilin Soomaaliga ayaa meeshiisii hore taagan. Halka doollar wuxuu sarrif ahaan u dhigmaa 24,000 oo shilin Soomaali ah. Qiimahaas waxba iskama beddelin dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Lacagta keliya ee Soomaaliya laga istimcaalo waa kunka shilin. Waa lacag duugowday oo dhowaanahan aan si sharci ah loo cusbooneysiin.
Waxaa lagu soo warramay in meelo gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ah aan gebi ahaanba laga isticmaalin shilin Soomaaliga.
Doollarka Soomaaliya lagu isticmaalo wuxuu u badan yahay lacagta ay dadka dibadda jira u soo diraan eheladooda.
Saameynta sare-u-kaca maciishadda ayaa jirtay tan iyo markii uu dillaacay cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo dagaalka Ukraine oo waxyeello u geystay hab-sami-u-socodka sicirka caalamka.
Xawaaladaha lacagaha lagu diro ayaa kaalin aad u weyn ku leh dhaqaalaha soo galaya Soomaaliya.
Warbixintii ugu dambeysay ee uu arrintan kasoo saaray Bankiga Adduunka, oo soo baxday 2017-kii ayaa lagu sheegay in lacagaha lagu soo diro xawaaladaha ay yihiin 20% ka mid ah dhaqaalaha guud ee sanad kasta u soo xarooda Soomaaliya.
Warbixinta ayaa xilligaas qiyaastay in Soomaalida qurbajoogta ah ay dalka u soo diraan lacag dhan celcelis ahaan 1.3 bilyan oo doollar sanadkiiba.
Sidoo kalena xawaaladuhu waxa ay gacan weyn ka geystaan in keydka doollarka Soomaaliya uusan hoos u dhicin.
Warbixinta Bankiga Adduunka ayaa dhanka kale lagu xusay in lacagaha dibadda laga soo diro ay ka xasilan yihiin dhaqaalaha kale ee ku yimaada maalgelinta dibadda.
Sare-u-kaca doollarka sicir-barar maku sababayaa Soomaaliya?
Meelo badan oo dalalka caalamka ah ayuu saameeyay sare-u-kaca doollarka oo hoos u riday lacagihii kale ee waddamadaas laga isticmaalayay.
Dalalkaas, oo ay ku jiraan Kenya iyo Turkiga, waxaa isugu darsamay qiime-dhaca lacagta iyo sicir-bararka adeegyada kale, oo ay ku jiraan raashinka iyo shidaalka.
Haddaba maxaa sabab u ah in Soomaaliya uusan dhibkaas ka jirin?
Dr. Maxamed Ibraahim Nuur, oo ah Cilmi-baare sare oo la shaqeeya Jaamacadda SIMAD, ayaa BBC-da u sheegay in saameynta isbeddelka doollarka aysan si toos ah u taabaneyn Soomaaliya.
“Maaddaama doollarka uu yahay lacagta ugu muhiimsan ee Soomaaliya laga isticmaalo, keydkana ay taallo, dhammaan bankiyadeenna ama akoonnada noo furan ay doollar yihiin, annagu ma qabayno welwelka ay qabaan dadyowga kale ee adduunka.
“Balse, haddii uu imaado isbaddal dhanka badeecooyinka ah, sida hadda [tan uu sababay] dhacday dagaalka Ukraine oo ah inay qaaliyoobeen qamadiga, galleyda iyo saliidda, kuwaas dadka ayaan ula mid nahay, wax annaga goonni noo ah ma aha,” ayuu yiri.
Hase yeeshee sare-u-kaca doollarka waxa uu dhanka kale si xoog leh u saameynayaa Soomaalida qurbaha jirta ee lacagaha soo dira.
“Dadka Soomaaliyeed ee [dibadda deggan] ee lacagta noo soo diraya, kuwaasoo lacagaha ay mushaaraadkooda ku helaan aysan ahayn doollar, oo ay yihiin pound, ama euro ama wax kale, si ay lacagtaas u soo diraan way saameyneysaa, [saa’id] ayayna u saameyneysaa.
“Tusaale ahaan, qoflka UK jooga, oo raba inuu $500 soo diro, sanadkii hore wuxuu soo diri jiray £333 (pound), [taasoo marka uu bankiga geeyo u noqoneysay 500 oo doollar. Laakiin hadda waa inuu bankiga geeyo £463 si uu u soo diro $500. Taas waxay ka dhigan tahay inuu bixiyo lacag ka badan ku dhawaad 40% tii uu horay u bixin jiray.”
‘Saameynta oo weji kale leh ayaa ku noqon karta Soomaaliya’
Dr. Maxamed wuxuu xusay in arrintan ay saameynteeda oo weji kale leh dib ugu laaban karto Soomaalida joogta dalkii hooyo, gaar ahaan marka lacagta laga soo dirayo dalalka aan doollarka laga isticmaalin, sida UK.
“Haddii qofkii soo dirayay uu awoodi waayo inuu ku daro lacagta uu doollarka ku beddelayo, waxay noqoneysaa in uu ka jaro lacagtii uu diri jiray, oo uu dhaho ‘waxaan idiin soo dirayaa waxa ay u dhiganto lacagtii hore’, waxayna noqoneysaa inuu u sarrifo £333-dii,” ayuu yiri.
“Lacagtaas isdhintay waxay ka go’an tahay [qoyskii loo dirayay], dabcan dakhligii guud ee dalka u soo xaroonayayna way ka maqnaaneysaa, taasna saameyn ayay keeneysaa,” ayuu sii raaciyay.
Lacagta giniga ah oo loo yaqaanno “Pound” oo laga isticmaalo UK ayaa hoos u dhicii ugu weynaa la kulantay dhawaan, kaddib markii ay dowladda Ingiriiska shaacisay in ay sameyn doonto canshuur-dhimis aad u weyn.
Doollarka ayaa lagu qiimeeyaa inta badan badeecooyinka caalamka, sida shidaalka, sidaas awgeedna sare-u-kaca lacagta Mareykanka ayaa cirka ku shareertay qiimaha shidaalka ee dalal badan.
Tusaale ahaan, Kenya, oo lacagteeda shilinka ah uu aad uga xoog batay doollarka, ayuu qiimaha shidaalka ku kordhay 40% tan iyo billowgii sanadkan 2022. | 3caff6d9-1570-4556-834b-ac9a8b9e03a6 | 878 |
Wax ka ogow saddexda siyaabood ee Israa’iil uga jawaabi karto weerkii Iiraan
Majaladda Foreign Policy ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa soo bandhigtay saddex fursadood oo ay Israa’iil kaga jawaabi karto weerarkii dhawaan ay Iiraan ku qaadday boqolaal diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha la hago, gaar ahaan ka dib markii golaha dawladda dagaalka Israa’iil ku dhawaaqday in aanay jirin wax kale oo ay kaga jawaabto weerarradaas.
Jack Deitch, oo ah weriyaha Pentagon-ka ee arrimaha amniga qaranka ee majaladda Foreign Policy, ayaa sheegay in wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Yoav Gallant uu u xaqiijiyey wasiirka gaashaandhigga Maraykanka Lloyd Austin in Israa’iil ay ka jawaabi doonto weerarka inkasta oo madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo saraakiishiisa sare ay ka dalbadeen Netanyahu inuu si taxaddar leh uga jawaabo.
Washington kama qayb qaadan doonto mana taageeri doonto weerar kasta oo Israa’iil l toos ah ku qaado Iran.
Deitch, wuxuu sheegay in Israa’iil ay tahay inay doorato inta u dhaxaysay weerar cirka oo toos ugu qaado dhulka Iiraan, laga yaabee inay bartilmaameedsato barnaamijka Nukliyeerka ama bartilmaameedyo kale oo muhima.
Sidaas oo kale inay qaado hab kale oo ku haboon dhimista halista dagaal oo gobolka ah.
Talaabada kale waa inay qaado Israa’iil weerar dhanka internetka oo ka dhana Tehran ama weerar lala eegto hogaamiyaasha Iiran meel ka baxsan Iiraan. Tan kale ee la filan karo inay Israa’iil qaado waa inay weerarto kooxaha ay Iiran taageerto ee gobolka.
Qoraaga Maraykanku wuxuu si faahfaahsan u aqoonsaday saddex doorasho oo suurtagal ah oo noqon karta jawaabta Israa’iil.
Haddii Iran ay go'aansato inay sameysato hub nukliyeer ah, waxaa laga yaabaa inay awood u yeelato inay soo saarto hub sida ugu dhaqsaha badan dhowr bilood gudahood, saraakiisha sare ee Mareykanka ayaa tilmaamay sidan sanadkii hore.
Tani waxay ka dhigeysaa xarumaha Nukliyeerka Iran inay yihiin bartilmaameed soo jiidasho leh oo reer Israel ah, laakiin kororka ayaa noqon doona mid muhiim ah.
Khubarada ayaa ka digaya in tani ay sidoo kale u jiidi karto " saaxiibada Iiraan" sida Xisbullah ee Lubnaan, inay si toos ah iskaga hor imaadaan Israa’iil.
Qoraaga Maraykanka ah ayaa sharxay in Israa'iil ay weerari karto bartilmaameedyo gudaha Iran ah oo aan si toos ah ula xiriirin barnaamijka Nukliyeerka. Tusaale ahaan, waxay bartilmaameedsan kartaa taliye ciidan oo muhiim ah sida Sarreeye Guuto Amir Ali Hajizadeh, oo ah taliyaha ciidamada cirka ee IRGC, kaasoo soo maleegay weerarka gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Israa’iil waxay kaloo baacsan kartaa goobaha militariga ama bakhaarrada hubka ee gudaha dalka, ama xitaa xarunta dhexe ee Ilaalada Kacaanka Iran, sidoo kale waxaa laga yaabaa inay bilowdo olole dil ah oo sii kordhaya oo ka dhan ah hoggaamiyeyaasha Ilaalada Kacaanka Iran ee ku sugan meel ka baxsan Iran, sida Ciraaq iyo Suuriya.
Ma rabno dagaallo kale
Falanqeeyaha siyaasadeed ee Israa’iil iyo qoraa Dalia Sheindlin ayaa ka digay in Netanyahu uu wajahayo su'aalo adag oo ku saabsan Iran, "sababtoo ah Israa'iil uma baahna dagaallo badan oo aan dhammaad lahayn."
Waxay ku sheegtay maqaal lagu daabacay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, inkasta oo Israa’iiliyiintu ay dareemayaan nafis kadib markii ay ku guulaysteen inay ka hortagaan weeraradii Iran, inkasta oo ay tahay markii ugu horreysay oo ay si toos ah u weeraraan Tehraan, haddana xukuumadda Netanyahu waxay doonaysaa jawaab milateri.
Iyadoo taasi jirto, haddana gudaha cadhadu waxay ku badan tahay Daanta Galbeed, shaqo la'aan baahsan tan iyo markii Israa'iil ay joojisay oggolaanshaha shaqo ee dad badan, isgoysyada xaddidan, iyo rabshadaha dadka deggan oo sii kordhaya
Dhanka Qasa , Netanyahu iyo isbahaysigiisa waxay si adag u diideen qorshe kasta oo xabad joojin ah, iyagoo halis sii galin kara lahaystayaasha reer Israa’iil ee gacanta ugu jira Xamaas sida ay qoraagu sheegtay
Hubka qarsoon ee Xamaas
Falanqaynta xaaladda ka dib weerarkii Iiraan ee Israa'iil, Times of Israel ayaa daabacday warbixin ciwaankeedu yahay "hubka sirta ah ee Xamaas oo aan cidina ka hadlin iyo nacasnimada reer galbeedka."
Qoraaga Jassy Papp, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Amniga Qaranka ee Tel Aviv, ayaa ka hadlay saameynta baraha bulshada ay ku leeyihiin maskaxda iyo faafitaanka waxa uu ku tilmaamay nacasnimada, taas oo ay ka faa'iideysteen kooxo kala duwan, oo ay ku jiraan "Xamas, kooxda a Falastiiniyiinta ee go'aansaday inay burburiyaan. Israa'iil." | c7a857b6-2fcd-453e-8d76-ef933f0e4598 | 688 |
Aabbeyaasha gabdhahooda caawiya xilliga dhiigga caadada
Markii Helen oo hadda16 jir ah ay heshay dhiigga caadada markii ugu horreysay, wuxuu ahaa aabbaheed qofkii ka caawiyay inay maareyso maaddaama uu yahay waalidkii markaas guriga joogay.
In gabdhaha da'da yar lagala sheekeysto dhiigga caadada waxay noqon kartaa wax laga xumaado, xitaa haddii aadan laftaadu la kulmin, laakiin Helen waxay sheegtay in aabbaheed uu had iyo jeer si furan uga hadli jiray waxa laga filayo taas oo markii ugu horreysay aad u fududaysay inay la tacaasho xaaladdaas ku cusub.
Aabbayaashu "kuuma sheegi karaan sida ay dhab ahaantii u muuqan karto xaaladdan ama sida ay u saameyn karto noloshaada mararka qaarkood, laakiin weli waxay ku siin karaan talo oo ay kaala hadlaan," ayay tiri.
Haddana ka hadalka dhiigga caadada ayay dad badan weli u tahay wax laga yaqyaqsoodo iyo xitaa maanta la joogo, badanaa waxaa loo daayaa hooyooyinka inay wax ka qabtaan umuurahaas.
Helen aabbaheed John Adams waa mid ka mid ah tirada sii kordheysa ee aabbayaasha kuwaas oo u halgamaya ka hortagga dhaleeceynta aan salka lahayn ee arrimaha ku gedaaman dhiigga caadada.
John wuxuu ahaa waalid guriga jooga markii labadiisa gabdhood - oo hadda jira 16 iyo 12 - ay ka yaraayeen intaas, wuxuuna sheegay in waaliddiinta qaar oo uu la hadlay ay aad u dhibsadeen inay carruurtooda kala hadlaan dhiigga caadada.
"Waxay sugayeen inay wax ku bartaan dugsiga, laakiin ma rumaysni inay tahay shaqada macallinka in laga hadlo arrintan."
John wuxuu kala hadlay labada gabdhood waxa ay la kulmi karaan, heerka xanuunka ay dareemi karaan iyo fursadaha kala duwan ee alaabta nadaafadda.
John, oo hadda ka shaqeeya waxbarashada, ayaa qirtay inuusan ahayn khabiir, laakiin wuxuu kala hadlay xaaskiisa iyo hooyadii isagoo adeegsanaya buugaag iyo agab online ah si uu u hago.
'Kama dhuuman kartid'
Isaga ahaan, dhiigga caadada waa arrin caafimaad, maaha ceeb iyo iyada oo fikradda aabbayaasha ka hadlaya caadada weli lagu kala qeybsan yahay, John wuxuu leeyahay waa muhiim inaad "joogto oo aad u dhowaan karto carruurtaada".
Sida aabbe carmal ah, Roy ma lahayn doorasho. Waxa uu korinayey gabadhiisa kaligiis ka dib markii xaaskiisa ay u dhimatay kansarka.
Waxa uu bilaabay in uu kala sheekeysto xilliyada ay sagaal jirsatay, isaga oo la wadaagay buugaag ku saabsan waxa laga filayo.
"Markii hore midabka wejigeeda ayaa beddelmay, laakiin si furan ayaan uga hadalnay."
Ka dib, wuxuu tusay gabadhiisa suuf oo wuxuu tusay sida ay ugu dhejin lahayd surwaalkeeda hoose wuxuuna u soo jeediyay inay tijaabiso.
"Arrimuhu waa cabsi marka aanad garanayn waxa socda.
"Waxaan gabadheyda u diyaarinayaa nolol, waxaana qayb ka ah caadada, galmada, saaxiibbada, xiriirka, dhammaan waa adag tahay laakiin ma qarin kartid."
Dumar badan, xusuusta dhiigga caadadooda ugu horreeya aad ayay u yar tahay in lagala hadlay si furan.
Hannah Routledge, oo u shaqeysa kooxda aan faa'iido doonka ahayn Hey Girls (Haye Gabdho), oo ka shaqeysa arrimaha xilliga dhiigga caadada, xusuus fiican kama heysato teeda.
"Waxay igu bilaabatay anoo da'yar, waxaan ahaa kaliya 10 jir," ayay tiri. "Waxaan aaday iskuul aan lahayn wax alaabta nadaafadda, xitaa aan lahayn meel aad ku ridi karto suufta."
Hey Girls waxay bilaabeen ololahooda Pads for Dads 2019 (suuf la siiyo aabbeyaasha 2019), iyagoo siinaya hagitaan bilaash ah iyo agab si ay uga caawiyaan aabbayaasha inay gabdhahooda arrimahaas kala hadlaan.
"Waxaa loo qorsheeyay in lagu jebiyo takoorka xilliga caadada ee aabbayaasha iyo waaliddiinta guud ahaan," ayay sharraxday. "Ha sugin wadahadal weyn, waxay ku saabsan tahay qaar badan oo yaryar, inaad hubiso inaad alaabta xilliga caadada dhigtay guriga iyo kaliya inaad caawiye noqoto."
Hannah waxay sheegtay inay sidoo kale lama huraan u tahay waaliddiintu inay wiilashooda kala hadlaan caadada si ay uga warqabaan.
Dr Nighat Arif, oo ku takhasustay caafimaadka dumarka, ayaa billowday inay la hadasho wiilkeeda oo lix jir ah, markii uu musqusha ka helay mid ka mid ah suufkeeda.
"Waxaan iri 'Tani waa waxa ay hooyada isticmaasho sababtoo ah way dhiig baxaysaa'". Markii hore, tani waxay ku abuurtay welwel, laakiin waxay u sheegtay inay caadi tahay oo ay ku dhacdo dhammaan haweenka bil kasta.
Hannah waxay sheegtay in dabeecadaha ay si degdeg ah isu beddelayaan oo ay xitaa dareentay isbeddel ku yimid aabbaheed oo mar ka fogaan lahaa ka wada sheekeysiga xilliga caadada laakiin hadda "haddii ay awoowyaashiisu u baahdaan wax ama ay rabaan inay wadahadalkaas la yeeshaan, waxaan u maleynayaa inuu aad u furfurnaan lahaa".
Yareynta takoorka ka jira goobaha shaqada
La-taliyaha dhakhtarka haweenka ee Dr Christine Ekechi, oo ka shaqeysa waaxda caafimaadka UK ee NHS, ayaa sheegtay in inta badan ay jirto munaafaqnimo marka ay timaaddo in waaliddiintu kala hadlaan caruurtooda xilliga qaan-gaarnimada.
"Waxaa jira hooyooyin aad u badan oo leh wiilal, mana u sheegno inaysan wiilashooda kala hadli karin qaan-gaarnimada iyo qaan-gaarka iyo wax ku saabsan galmada.
"Haddaba waa maxay sababta aan weli u haysanno tan haddii ay tahay dhinaca kale?"
Kor u kaca furfurnaanta guriga ayaa sidoo kale leh saameyn ballaaran, Dr Ekechi wuxuu aaminsan yahay in aabbayaasha arrintan ku baraarugsan ay sidoo kale noqdaan saaxiibbo wanaagsan iyo hoggaamiyeyaal.
Tani waxay kaa caawin kartaa yaraynta takoorka ku aaddan dhiigga caadada ee goobta shaqada iyo hagaajinta sinnaanta ee goobaha shaqada.
Si kastaba ha ahaatee, "waa hab caiib ah oo lagu wanaajin karo xiriirka ka dhexeeya aabbaha iyo gabadha," ayay tiri. | db57548a-52c3-4f21-8194-7843bf7f8f01 | 859 |
Madaxweyne ku xigeenka Jubaland: Waxaan ka walaacsanahay maamul dowladda federaalku ka dhisayso Garbahaarey
Maamulka Jubaland ayaa ku eedeyay dowladda federaalka Soomaaliya in magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, ay ka waddo abaaul ay maamul ugu sameynayso deegaannada Jubaland maadama dowladdu aaney aqoonsaneyn maamulka hadda jira sida marar badan ay sheegeen madaxda sare ee dowladda federaalka.
Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden ayaa sheegay in Garbahaarey ay joogaan howl-wadeenno ay dowladdu soo dirtay isla markaana magaalada ku dhejinayaan boorar ka turjumaya maamulka la doonayo in halkaa laga yagleelo
Dowladda federaalka Soomaaliya oo aan la xiriirnay si aan wax uga waydiino arrintaan, weli wax jawaab ah kamaana helin. | e3d08103-1727-45a2-ad02-d4a0b0218ac4 | 106 |
Shan arrimood oo ku saabsan isticmaalka khudradda Beytaraafka
Beytaraafka waa khudrad muhiim ah oo ka qeyb qaadata xoojinta caafimaadka qofka isla markaana horseeda in qofka isticmaala aanu daalin marka uu sameynayo jimicsiga.
Sidoo kale Beytaraafka wuxuu hoos u dhigaa cadaadiska dhiigga iyo ilaalinta caafimaadka maskaxda.
Waxaana beytaraafka la adeegsan jiray tan iyo xilliggii Giriiggii hore, Sidaa darteed waxaa la ogaaday waxtarka uu u leeyahay aadanaha.
Waxaa soo ifbaxaya caddeymaha ku saabsan faa'idooyinka aan caadiga aheyn ee beytaraafka iyo sababta aan ugu darsanno cuntadeena.
Waxyaabaha qarsoon ee ku jira beytaraafka
Midabka dabiiciga ah ee madow ee beytaraafka, waxaa loo yaqaan betalains, wuxuuna leeyahay awood xoog leh.
Dhowr sano ka hor, cilmi-baaris uu Talyaaniga ku sameeyay beytaraafka ayaa muujisay in uu dili karo kansarka ku dhaca unugyada mindhicirka.
Awoodda uu leeyahay beytaraafka waxaa kamid ah inuu ku badan yahay maadada Nitrate.
Ma wanaagsano isticmaalka badan ee maadada Nitrate tusaale ahaan haddii maadada Nitrate lagu daro hilibka la warshadeeyey si uusan u hallaabin, wuxuu Nitrate kordhin karaa halista kansarka kaadi heyska.
Si kastaba ha ahaatee, marka aan isticmaalno Nitrate-ka dabiiciga ah ee laga helo beytaraafka, wax cajiib ah ayaa dhacaya.
Bakteeriyada ku nool afkeena waxay caawisaa nitrate-ku inuu isu beddelo maado la yiraahdo ()dibna wuxuu uu isu beddelaa nitric oxide, waa maaddo awood leh oo saamayn badan ku leh nolosheena.
Waxyaabaha kale ay sameyso Nitric oxide waxaa kamid ah inay sare u qaado qulqulka dhiigga ee gudaha jirka.
"Nitric oxide, waxay horseedaa in xididdada dhiigga ay ballaartaan, waxayna ka qeyb qaadataa sare u kaca qulqulka dhiigga si hawada ay u gaarto unugyadayada" ayuu yiri Andy Jones, oo ah borofisar ka tirsan jaamacadda Exeter ee UK kaas muddo ka badan 10 sano cilmi baaris ku sameynayay beytaraafka.
Cadaadiska dhiigga ayuu hoos u dhigaa
Daraasad ayaa muujineysaa in isticmaalka beytaraafka maalin kasta uu hoos u dhigi karo cadaadiska dhiigga qiyaastii 5 millimitir celcelis ahaan.
Haddii la badsado isticmaalka beytaraafka kaas oo hoos u dhigi karo cadaadiska dhiigga, markaa waa mid ku filan yareynta khatarta istaroogga iyo wadna xanuunka 10%.
"Haddii beytaraafka uu isbeddel noocan oo kale ah uu ku yeesho dadka la xanuusan dhiig karka, dhacdooyinka , sida wadne xanuunka iyo istaroogga, ayaa si weyn hoos loogu dhigi lahaa," ayuu yiri Jones.
Cilmi baaris ayaa sidoo kale muujisay in beytaraafka uu saameyn ku yeelan karo cadaadiska dhiigga dhowr saacadood ka dib marka la cuno.
Runtii, maadada nitric oxide waxay sababtaa balaarinta xididdada dhiigga, taas oo sahlaysa wareegga dhiigga ee jirka banii'aadanka.
Caafimaadka maskaxda
Isticmaalka beytaraafka wuxuu sidoo kale kordhin karaa qulqulka dhiigga meelaha muhiimka ah ee maskaxda.
Cabitaanka laga sameeyo beytaraafka ayaa la ogaaday in uu kor u qaado garaadka iyo fikirka.
Waxa kale oo ay u muuqataa in uu ka qeyb qaadanayo ilaalinta caafimaadka maskaxda dadka da'da ah.
Daraasad la sameeyay ayaa muujisay in isku darka isticmaalka beytaraafka iyo jimicsiga jirka ay kordhin karaan isku xirnaanta meelaha maskaxda ee xakameynaya dhaqdhaqaaqa qofka.
Cilmi-baaristu waxay sheegeysaa in cabitaanka laga sameeyo beytaraafka u sare u qaadi karo qulqulka dhiigga ee kiliyaha, taas oo hagaajinaysa waxqabadka maskaxda.
Caafimaadka afka
Daraasad ayaa sidoo kale lagu ogaaday in cabidda beytaraafka uu ka qeyb qaadan karo sare u qaadida caafimaadka afka gaar ahaan in uu meesha ka saaro bakteeriyda lala xiriira cudurrada afka.
Dadka jimicsiga sameeyo ayuu u fiican yahay
Daraasadihii ugu dambeeyay waxay sidoo kale muujinayaan in isticmaalka beytaraafka uu dad badan ka caawiyay in si dhakhso ah ay u ordaan xilliga ay sameynayaan jimicsiga ama ay ka qeybgalayaan tartamada.
Maadada Nitric oxide ee ku jirta beytaraafkxay sare u qaaddaa socodka dhiiga ee sambabada iyo murqaheena.
Daraasad la sameeyay sanadkii 2009 ayaa lagu ogaaday in qofka isticmaalo beytaraafka uusan daalin marka uu sameynayo jimicsiga marka loo barbardhigo dadka kale ee aan isticmaalin ee jimicsiga sameynayo. | 78e9281a-5fea-46c7-9354-6cc1bc5ce48a | 616 |
Muxuu salka ku hayaa khilaafka cusub ee u dhaxeeya Wasaaradda iyo Xiriirrada Ciyaaraha ee Soomaaliya
Khilaaf cusub ayaa ka dhex bilowday Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawladda Federaalka iyo xiriirrada ciyaaraha ee Soomaaliya ka dib markii wasaaraddu soo saartay wargalin ay ku sheegayso in xiriirrada kala duwan ee ciyaaruhu la socod siiyaan wasaaradda diyaar garowga xulalka, sagaashan maalmood kahor ka qaybgalka tartamada kala duwan ee caalamka.
Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha looga baahan yahay in ay hannaan daah furan u maraan qaadashada macalimiinta, ciyaartoyda iyo maamulka xullalka qaranka, iyadoo wasaaraddu ku yeelanayso kaalin kor joogteyn.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in go’aannada ay kor dhigeen xiriirrada ciyaaraha ay uga gol leeyihiin sidii loo ilaalin lahaa Tayada ciyaartoyda iyo macalimiinta ee matalaya xulalka kala duwan ee ciyaaraha.
‘’Waxaa masuuliyad naga saaran tahay cidda calanka iyo magaca Soomaaliya matalaysa inaan ka warhayno oo aan ogaano, ma tahay ciddii ku haboonayd, cid u qalanta ma tahay, waxyaalahaas oo dhan ayaan ka eegeynaa,’’ ayuu yiri Wasiir Maxamed Barre.
Talooyinka iyo amarrada noocan ah dhawr jeer oo hore ayay wasaaraddu u jeedisay xiriirrada ciyaaraha, laakiin waxba kama hirgalin sabab la xiriirta, iyagoo u arka in shaqadoodu ka madax bannaan tahay dawladda.
‘’Dhawr mar ayaan kala hadalnay waxaan ku niri war qaramada marka ay baxayaan, qaranka qof maleh, xiriir maleh, shakhsi maleh, wasaarad maleh, qaran waaye ummadda soomaaliyeed ayuu ka dhaxeeyaa, hanala soo wargeliyo xilli hore, marka waxaa caado u noqotay, marka qaranku leeyahay ciyaar soddon maalmood kahor, in xiriir walba isagoo ordaya in uu wasaaradda yimaado oo uu yiraahdo baasaboor ha naloo sameeyo, hawshaas ayaa nagu soo laalaabatay, waa ka dignay, waa ka dignay, dhagaha ayay ka fureysteen.’’
Wasiirka waxa kale oo uu tusaale u soo qaatay guuldarooyinkii ugu dambeeyay ee xulka kubada cagta Soomaaliya ka soo gaaray is reebreebka koobka aduunka, waxaana uu aad u dhaliilay macallinka ajnabiga ah ee tababarayay xulka iyo qaabkii lagu soo xuleyba.
‘’Macalinka Marookaanka ee hadda laylinayay xulkeena, waligii xul ma soo maamulin, xitaa koox weyn oo wadankiisa ah ma soo hoggaamin, qiyaas marka xulkeenu maaha iskool wiido ama meel lagu barbarto, annagu waxaan doonaynaa macalimiin Soomaaliyeed baan helaynaa oo aqoon leh, mar way dhammaatay waqtigii xulka qaranka dad gaar ah ay siday doonaan ugu takri fali jireen,’’ ayuu yiri wasiir Maxamed Barre.
Xiriirradu ma u madax bannaan yihiin xulista iyo u dirista ciyaartoyda tartamada caalamiga ah
Sida caadiga ah xiriirrada ayaa u xil saaran xulista iyo u dirista ciyaartoyda u baxaysa tartamada caalamiga ah, haseyeshee waxa dood ka taagan tahay maadaama xiriirradu jireen kahor dawladda, hadda muxuu yahay kaalinka dawladda ee hawshaas.
Wasiirka Ciyaaraha ayaa sheegaya in qalad badan laga fahmay madaxbannaanida xiriirrada, wuxuuse hoosta ka xariiqay maadaama qaranka magaciisa ay wataan ay tahay in lagu korjoogteeyo shaqadooda lagulana xisaabtamo.
‘’Horta waxaan rabaa in aan fahamsiiyo bulshada Soomaaliyeed madaxbannaanida ayaa qalad laga fahmay, waxay u madaxbannaan yihiin shaqadooda maalinlaha ah laakin markay timaado labo shayba, mid wa tan shuruucda ay ku dhaqmayaan kahor inta aanay ansixin in wasaaradda la soo socodsiiyaan, tan labaadna waa qaramada waxay leeyihiin isku duba ridkooda iyo farsamada laakin marka ay qaran noqoto waa in nalaga talo galiyaa.’’
Khubarada ciyaaraha ayaa rumeysan in xiriirradu u madaxbanaan yihiin xulista ciyaartoyda iyo macalimiinta ee tartamada caalamiga ah iyo kuwa goboleedba, laakin halka sartu ka quruntay ay tahay, iyadoo kaalintii dhaqaale ku gabista dawladda ee ciyaaraha aanu jirin, sidaas daraadeedna aan go’aan ku yeelan karin hawsha marka laga reebo fududeyn.
Xuseen Hadaafow oo ka faalooda arimaha ciyaaraha, muddo dheerna ku soo jiray ayaa BBC-da u sheegay in halka la isku mari la’yahay ay tahay in xiriirradu aaminsan yihiin in hawshooda u madaxbannaan yihiin oo sidaas ay qabaan shuruucda hay’addaha caalamiga ah ee ay ka tirsan yihiin iyo wasaaradda oo u aragta in hawl ay wax ku lahayd lagala dul boodayo.
“’Dawladdii hore sidii ay u burburtayba waxa meesha ka baxay kabkii dhaqaale ee dawladdu ku taageeri jirtay ciyaaraha, qoondo ay ku taageeri jirtay kooxaha gudaha iyo xulalka dibadda u baxaya, marka kaalintii dawaladdu waa maqan tahay,’’ ayuu yiri Hadaafow.
Inta ay meesha ka maqan tahay miisaaniyad dawladdu ku kabi karto ciyaaraha, iyana waxaa ku adkaan doonta in ay go’aan ku yeelato xulalka iyo ciyaartoyda u baxaysa ciyaaraha caalamiga ah sida uu rumeysan yahay Xuseen Hadaafow oo arimaha ciyaaraha ee Soomaaliya ka faalooda.
Doodda xiriirrada ciyaaraha
Dhawr jeer oo hore ayay xiriirradu ku celceliyeen in aanay waxba u diidaneyn wasaaradda, balse ay iyagu u madax bannaan yihiin xulista ciyaartoyda iyo xulalka u baxaya ciyaaraha caalamiga ah iyo kuwa gobolleedba.
Xiriir ay BBC-du la sameysay madax ka tirsan xiriiradaas way ka gaabsadeen in ay ka hadlaan arintan u dambeysay iyo eedaha uga yimid wasiirka ciyaaraha.
Sarkaal ka tirsan xiriirka kubadda cagta oo diiday in magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa BBC-da u sheegay in xiriir ahaan ay u madaxbannaan yihiin hawlahooda, balse ay markasta wargaliyaan wasaaradda.
Guuldarooyinkii u dambeeyay ee xulka kubadda cagta iyo fadeexaddii ka dhalatay gabadh sanad kii hore loo xulay ciyaaraha oraddada ayaa buuq badan ka dhex abuurtay bulshada ciyaaraha xiiseysa ee gudaha iyo dibadda. | 0d0e7297-78e2-4a7c-b6b0-cdb8d98a05da | 843 |
Faahfaahin kasoo baxaysa askar Soomaali ah oo ku dhaawacmay dagaal ku dhex maray Turkiga
Askar tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay ayaa dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24 askari sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.
Xafiiska duqa magaalada Isparta ee galbeedka Turkiga oo arrintu ka dhacday ayaa sheegay shalay in dagaalka ciidamada dhexdooda ah uu ka dhacay xerada Gen. Ihsan Alper halkaas oo ah meel askarta ay ku qaataan tababar.
Sida wararku sheegayaan dhammaan 24-kii askari ee dhaawacmay waxaa la geeyay isbitaalka magaalada marka laga reebo hal askari. Xaaladdooda ayaa la sheegay in ay caadi tahay, sida ay qorayaan warbaahinta dalkaas.
Xafiiska duqa magaalada wuxuu kaloo sheegay in walaac dhanka ammaanka ah uu ka jiray xerada iyadoo hadda ay wadaan maamulka ku shaqada leh baarisyo maamulka iyo sharciga ah.
Duqa magaalada Isparta Cabdullaah Erin ayaa dhaawacyada ku booqday isbitaalka Jaamacada Suleyman Demirel, wuxuuna u sheegay in askarta Soomaaliyeed ay ahaayeen kuw tababar u joogay xerada.
Markii ciidamada ay dhexdooda dagaallameen ayaa si degdeg ah loo kala dhexgalay. Qaar ka mid ah ciidamada Turkiga ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud soo gaareen oo u baahan daaweyn.
Duqa magaalada Cabdullaahi Erin wuxuu kaloo sheegay in ciidamo degdeg loo geeyay goobta isagoo sidoo kale sheegay in labo ka mid ah askarta Soomaaliyeed uu xaalkoodu daran yahay.
"Ciidankeenna ayaa degdeg u kala dhexagalay dagaalka xaaladana caadi ku soo celiyay," ayuu yiri duqa magaalada oo intaas ku daray "ciidamada Soomaalida iyo kuweena waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud".
Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya
Ankara ayaa ka mid ah dowladaha sida wayn uga shaqeeya dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Sidoo kale waxay ku taageeraan qalabka ciidamada oo dhammaystiran.
Turkiga wuxuu sidoo kale Soomaaliya la leeyahay xiriir dhinaca ganacsiga ah. Markabka shidaalka baara oo Turkiga laga leeyahay ayaa bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ku soo xirtay dekedda Muqdisho, si uu u fuliyo hawlgal lagu sahminayo saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya.
Madaxweynaaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii 2022-kii ku booqday xerada militeriga Isparta ee ciidamada Soomaaliyeed lagu tababaro.
Magaalada Isparta waxay ka mid tahay meelaha lagu tababaro ciidamada Soomaaliya. Waa meesha la geeyo ciidamada loogu talogalay la dagaallanka kooxaha argagixsada. Bishii Maarso ee sanadkii 2021-kii waxaa xeradaas ka qalinjebiyay ciidamo kumaandoos ah.
Marka ay tababarkooda soo dhammaystaan ciidamada waxay ku biiraan garabka kumaandooska ee ciidanka caanka ah ee loo yaqaanno Gorgor oo Turkiga uu ku tababaro gudaha Soomaaliya iyo waliba waddanka Turkiga.
Bishii August ee sanadkii 2020-kii ayuu safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mehmet Yılmaz, sheegay in waddankiisa uu diyaar u yahay inuu tababaro saddex meelood hal meel oo ka mid ah ciidamada militeriga Soomaaliya.
Ciidamada kale ee sida aadka ah loo yaqaanno ee kasoo baxa dugsiyada tababarka ee Turkiga waxaa ka mid ah guutada sida gaarka ah ee Haramcad.
Turkiga oo ah dal xubin ah NATO ayaa xiriir dhow la leh Soomaaliya, waxa uuna saldhigga ugu weyn ee tabobarka ciidamada ku leeyahay Muqdisho, kaas oo lagu magacaabo TurkSom, hase yeeshee ciidamada gaar ah ayaa intooda badan lagu tabobaraa gudaha Turkiga.
Ciidanka Turkiga waxay ku jiraan kaalinta sagaalaad qiimeyn lagu sameeyay awoodaha milateri dalalka gaaraya 137 wadan, waxaana sandkiiba la sheegay in ciidanka Turkiga ay ku baxdo lacag dhan 8 bilyan oo doolar.
Dowladda Turkiga ayaa sanadihii dambe xoogga saartay maalgelinta ciidanka, kadib afgembigii dhicisoobay ee sanadkii 2016-ka, waxaana xukuumadda Ankara ay xiriir milateri la yeelatay dalal ay kamid yihiin Ruushka, Qatar iyo Soomaaliya oo ay ku leedahay saldhigga ugu weyn ee ku yaala meel ka baxsan Turkiga. | d5be1089-ad4f-4389-a6ee-1dca6f42ee0f | 584 |
Hadday iskaashadaan Robot iyo garaadka macmalka, ma qaban karaan shaqada bani'aadamka
Gacmaheena ayaa sameeya kumanaan shaqooyin adag ah maalin kasta, maka caawin karaa garaadka macmalka Robot-yada inay la tartamaan shaqooyinka aan caadiga ahayn ee bini'aadamka qabtaan?
Gacmaha bini'aadamka waa mid ka mid ah hormarsanaanta aan macquulka ahayn iyo habdhisnaanta qaybaha jirka bini'aadamku isula-falgalaan.
Waxa ay leeyihiin 30 muruq ka badan, 27 kala goys oo garab socda isku xirayaasha iyo seedo. Waxaa jira in ka badan 17,000 oo unugyada taabashada iyo neerfayaasha ku dhamaanaya calaacasha oo kaliya.
Sifooyinkan ayaa u ogolaanaya gacmaheena inay qabtaan shaqooyin aad u adag oo quruxsan, iyada oo loo marayo dhaqdhaqaaqyo balaaran oo kala duwan.
Laakiin arimahaasi mid kamid ah uma sheegi kartid Sarah de Lagarde. Bishii Agoosto 2022, waxa ay saarnayd meel buur ah. Waxa ay kortay buurta Kalimanjaro iyada oo la socota saygeeda, ladnaanna meesha ugu sareysa ka joogta. Laakiin bil ka dib, waxa ay aragtay iyada oo jiifta sariirta isbitaalka ayna soo gaareen dhaawacyo murugo leh.
Iyada oo ka soo laabatay shaqada, kuna socota guriga ayey De Lagarde ku simbiririxatay, kuna dhacday inta u dhaxaysa marinka tareenka iyo meesha dadku istaagaan marka ay raacayaan ee saldhiga High Barnet ee London, waxaa jabiyay laba tareen mid soo galayay iyo mid kasii baxayay saldhiga tareenka. Waxaa ay ku weysay gacanteeda midig inta ka hooseysa garabka iyo qayb kamid ah lugteeda midig.
Wakhti dheer oo soo kabasha ah kadib, waxaa uu adeegga caafimaadka qaranka Ingiriiska u soo bandhigay gacan sameys ah oo siisay wax yar marka loo eego dhaqdhaqaaqa caadiga ee gacanta. Waxaana badalka u muuqatay mid gacanta sameyskeeda xoogga saartay, laakiin aan shaqo badan qaban.
"Gacan dhab ah runtii uma muuqan, waxa ay ula muuqatay caruurtayda wax gurracan" ayay tiri Sarah.
Sagaal bilood oo ay ku dhibanayd inay qabato shaqada maalinlaha ayaa ugu dambayn loo soo bandhigay sheey isbeddel leh – Aalad gacan ah oo ku shaqeynaysa battari adeegsanaysana garaadka macmalka ee AI (artificial intelligence), waxaa ay odorosaysaa dhaqdhaqaaqa ay doonayso iyada oo bixinaysa ishaarooyin koronto yar ah oo ay kasoo qaadayso murqaheeda.
"Wakhti kasta oo aan sameeyo dhaqdhaqaaq waa ay baranaysaa" ayay tiri Lagarde". Mashiinka waxa uu baranayaa si uu aqoonsado hababka iyo filashooyinka curiyaha AI, halkaasi oo ay ka bilaabayso sadaalinta wax uu noqonayo dhaqdhaqaaqeyga xiga.
Horumarrada AI ayaa keenaya jiilasha mashiinada ay ku sii dhowaanayaan inay waafaqaan farsamo-badnida bini'aadamka.
Koobnaanta AI iyo Soo bixistii Robot-yada
''Waxaan dhowaan dhalay ilmahaygii iigu horeeyay. Daqiiqado markii ay dunida ku soo biirtay, gabadheyda gacanteeda yar ayay si jilicsan ugu duubtay farta hore ee gacanta igu lamaan. Ma awooddo in indhaheeda ay diirada ku saarto wax ka badan dhowr inji oo horteeda ah, gacanteeda iyo dhaqdhaqaaqa ay sameyn karto ayaa xadidan'' ayay tiri Sarah oo ka hadlaysa horumarrada jireed ee bini'aadamku sameeyo, yaraan ilaa weynaanta.
Waxaa ay intaasi ku dartay '' Bisha soo socota aragga gabadheyda ayaa horumar ku filan sameynaya si ay u siiso fahan qotodheer, iyada oo qaybta maskaxda ee maamusha dhaqdhaqaaqa ay sii hormarayso, waxaana ay siinaysaa kantarool dheeraad ah oo addimaheeda ay ku sameyso. Waxa ay ku qaadanaysaa gabadheyda sanado dhowr ah oo go'aan qaadasho iyada oo sameynaysa dadaal, iskudayo, khaladaad iyo ciyaar si ay u gaarto heerka farsamo-badnaata gacanta ee ay dadka waaweyni haystaan''.
Si lamid ah ilmaha oo baranaya sida loo isticmaalo gacmahooda, robot-yada farsameysan ee adeegsada AI waxa ay raacaan khariidad taas lamid ah. Robot-yada noocaas oo kala ah waa inay kula noolaadaan deegaan bini'aadamka oo ay bartaan sida loo fuliyo howlaha jireed ee ku salaysan khibrad hore.
''Dhaqan ahaa AI waxaa ay wax ka qabataa macluumaadka, halka Embodied AI ay garato, fahamto caalamka muuqda'' sida uu sheegay Eric Jing Du, oo ah borofesar Injeernimada madaniga ee Jaamacada Florida.
''Nidaamyada dareenka bini'aadamku waxa ay ogaan karaan isbeddellada dhaca daqiiqadaha, waxayna si degdeg ah ula qabsan karaan isbeddelada shaqooyinka iyo deegaanka''.
Robot-yada ayaa iyagana dhankooda muddo dheer lagu riyoonayay sidii ay u lahaan lahaayeen xariifnimada bini'aadamka.
Rustam Stolkin oo barafasor Robot-yada ka ah Jaamacada Birmingham ayaa hogaaminaya mashruuc lagu hormarinayo Robot-yada AI maamusho oo ah kuwo aad u farsamo badan oo awood u leh inay wax ka qabtaan qashinka Nukliyeerka ee qaybta tamarta.
Tusaale ahaan, shaqadani sida caadiga ah waxaa loo adeegsadaa robot-yada meelaha fog laga hago, Stolkin waxa uu hadda horumarinayaa robot-yada aragtidu hagayso ee aadi kara meelaha khatarta badan ee ay adag tahay in bini'aadamku ku dhiiradaan.
Xubnaha la farsameeyay ee bixinaya saadaasha
Dabcan fulinta ugu dambeysa ee Robot-da leh farsamada ayaa ah mid ku jirta xubnaha la farsameeyay oo badalaysa gacan bini'aadam oo shil ama cudur lagu waayay, tusaale ahaan gacanta lagu rakibay Sarah de Lagarde ayaa muujinaysa tusmada waxa la filan karo mustaqbalka.
Habka jawaab celinta dareemaha la sanceeyay ayaa weli ah kuwo aan sal lahayn, waxaana mar walba De Lagarde ay ku tiirsan tahay aragga marka ay sheey soo qabanayso, waxaana marmar dhacda inay illowdo inay wax hayso waana ay sii daysaa wixii ay xajinaysay, taasi oo keenta inay dhulka kaga dhacdo.
Marka loo barbar dhigo gacmaha bini'aadamka waxa ay isticmaalaan shabakadaha dareemayaasha taabashada ee faraha iyo calaacalaha si ay u dareemaan meesha wax ka jiraan iyo xadididda adkaanta aynu doonayno in aan ku xijino ama ku soo qaadno iyo dareenka haddii is-xoqiddu isbadasho.
De Lagarde oo wax laga weydiiyay halkii ay jeclaan lahayd inay ka aragto Tiknaloojiyada mustaqbalka ayaa sheegtay inay sawiranayso kordhinta robot-ka ee jirka intiisa kale oo aysan ku xaddidnaan farqiga addimada ama naafanimada, laakiinse ay noqoto mid ka caawin karta dadka waaweyn inay noqdaan kuwa firfircoon xilliga dambe ee da'dooda. | d90fe9c6-d3f6-4b7d-a156-a0bbb0820ece | 907 |
Gabar iyo hooyadeed oo Soomaali ah oo ku qarqoomay webi Faransiiska ku yaalla
Maalinnimadii isniintii gabadh yar oo afar jirah iyo hooyadeed oo Soomaali ah ayaa la soo weriyey in ay ku naf waayeen webi ku yaalla waqooyiga Faransiiska.
Goobta ay ku qarqoomeen gabadha iyo hooyadeed ayaa lagu magacaabaa Nemours, ee Seine-et-Marne.
Meydadkooda ayaa laga helay Loing, webiga ka gudba magaaladaas, sida uu sheegay wargeyska Faranasiiska ah France Bleu Paris.
Sida ay wax u dhaceen?
Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inuu markii hore ilmuhu uu ku dhacay wabiga ka dib markii ay ka fogaatay halkii ay hooyadeed ka arki lahayd.
Taas oo markii danbe ay hooyadeed isku dayday in ay ka wardoonto inantedii, kaddibna ay ku war heshay inanteedii oo biyaha ku dhacday, kaddib markii ay is tidhi soo badbaadina ay iyana halkii ku qarqoontay.
Dhacdadaas oo keentay in aanay hooyadii iyo inantiiba aanay noolaan.
Shilkan naxdinta leh ayaa warbaahinta guduhu werisay in markii uu dhacay aanay cid badbaadisa ama arkaysay aanay goobta ka ag dhawayn.
Qayladii danbe ee hooyada ayaana dadkii u horreeyey ku war heleen , taas oo markii danbena ay booliiska ogaysiiyeen oo maydkii goobtii ka soo saaray.
Hooyadan Soomaaliyeed ayaa la sheegay in bilo ka hor uun ay halkan soo degtay, sida laga soo xigtay warbixinada ay warbaahinta siisay duqa magaalada, Valérie Lacroute.
Dalka Faransiiska ayaa ay ku nool yihiin Soomaali tiro ah, kuwaas oo qaarkood ay ka soo guureen Yurubta gale, halka qaarna si tahriib ah ku galeen dalkaas.
Bulshada guud ee dalka faransiiska waxay gaareysaa ku dhowaad 67 milyan. Muslimiinta dalkaas ku nool ayaana lagu qiyaasay illaa 6 milyan oo u dhiganta 9% boqolkiiba oo ka mid ah shacabka guud ee dalkaas, sida lagu ogaaday cilmi baaris la sameeyay sannadkii 2017-kii.
Diinta islaamka waa midda labaad ee ugu wayn ee ku xigta Masiixiyadda, sida lagu xusay warbixinno horey loo soo saaray.
Bulshada Muslimiinta ee ku nool faransiiska waa kuwa ugu badan galbeedka qaaradda Yurub.
Dadkaas badankoodu, ilaa boqolkiiba 70% waxay asal ahaan ka soo jeedaan Galbeedka Afrika, gaar ahaan dalalkii uu Faransiiska gumeystay ee Aljeeriya, Moroko iyo Tunisiya. Sidoo kale waxaa dhowaanahan ku sii badanayay Muslimiinta ka soo jeeda Bariga Dhexe | 4c1dc74d-3e2f-4d4f-b40f-1d82a75cb11c | 357 |
Sida ninkan 50 jirka ah iyo 42 lamaaneyaal loogu sameeyey guur wadareed ka dhacay Gaarisa
Magaalada Gaarisa waxaa ka dhacday munaasabad guur wadareed loogu sameeyey in ka badan afartan lamaaneyaal oo ah dad danyar ah, oo doobab iyo gabdho isugu jiray, kuwaas oo laga soo xulay qaybaha kala duwan ee Ismaamulka Gaarisa.
Sida ay BBC-da u sheegtay Xaawo Cabdi Sahal (Xaawo deggan) oo ah Madaxa xafiiska ismaamulka degmada Gaarisa u qaabilsan arrimaha jinsiga, dhaqanka, isboortiga, dhallinyarada iyo arrimaha bulshada, talaabadan ayey u qaadeen sidii loo caawin lahaa dadka duruufuhu u suuragalin waayeen inay guursadaan sababo dhanka kharashka ah.
Dadka la isku daray ee guurkoodu sida wadajirka ah ugu dhacay Gaarisa, waxay isugu jireen dad da’doodu u dhaxayso labaatan sano jir ilaa 50 jir muddo doonayey inay guursadaan balse uu u hirgali waayey.
"Howshan waxaa dhiraan dhirinta iyo qabsoomideeda lahaa Ismaamulka Gaarisa, kuwaas oo bixiyey kharashka doonista, kan guriga iyo ilaa shaqo galinta lamaanaha" sida ay BBC u sheegay Xaawo Cabdi.
Xaawo, ma sheegin qiimaha rasmiga ee ku baxay aqal galka lamaanayaasha basle waxay xustay in wax kasta oo alaabta guriga ee arooska oo ka kooban jiif, fadhi iyo agab kalaba loo dhamaystiran qoysaska la isku daray.
Mar BBC-du waydiisay Xaawo, in dadkan iyagu hore ay u lahaayeen xiriir iyo haasawe wadaag, ama inay iyagu ay isku raadiyeen ayey tiri “Dadkan iyaga ayaa is calmaday oo muddo dheer soo sheekaysanayey kuwa dhowr sano ayey soo wada socdeen kuwa ugu yar ayaa ilaa sidded bilood ayey soo wada haasaawayeen, marka annagu kaliya waxaan ka caawinayney guurka, maadaama ay danyar ahaayeen”.
Guur wadareedkan ayaa dadka uu dhex maray laga kala keenay tobanka degmo ee Ismaamulka Gaarisa, basle waxaa jiray shuruudo ku xirnaa dadka la isku darayey.
“Maamulada heer degmo ee Ismaamulka Gaarisa ayaa soo xulay dadkan una soo gudbiyey xafiiska Ismaamulka Gaarisa, Barasaabka ayaa hore u soo bandhigay qorshahan, dadkii u baahnaana markii ay maqleen iyaga ayaa banaanka is keenay” ayey BBC u sheegay Xaawo Cabdi Sahal oo ka tirsan masuuliyiinta Ismaamulka Gaarisa.
Waxay intaas ku dartay in qodobada shuruudaha lagu xiray dadka loo sameeyey guur wadareedka ay ka mid ahaayeen “ in qofku dhallinyaro ahaado, iyo in qofku uusan waligiis guursan oo ay jiraan duruufo u diiday”.
Xaawo Cabdi Sahal, waxaa kale oo BBC-da u sheegtay in gabdhaha waligoodu uu joogay goobta guur wadadreedku ka dhacayey ayna raali ka ahaayeen oo iyagu ay bixiyeen gabdhaha.
Arinta xusida muddan ayey Xaawo ku sheegtay inay tahay in dhamaan afartan iyo saddexda lamaaneyaal oo guur wadareedkoodu dhacay loo sameeyey shaqo abuurid si noloshooda curdanka ay u maareeyaan.
Dareenka Bashiir Deeqow
Dadka guur wadareedka loo sameeyey ka faa’iidaystay waxaa ka mid ahaa Bashiir deeqow Ciilmooge oo da’diisu tahay 50 jir ka yimid deeganka Ijaara, wuxuuna BBC-da u sheegay inuu ku faraxsan yahay in loo fudeeyey guurka oo itaal dhaqaale uu u waayey.
“Aad ayaan u faraxsanahay, waana aqalgalayaa, waxaan u mahadcelinayaa Ismaamulka Gaarisa siday noo caawiyeen, dareenkaygana waa mid farxad leh, ilaah ayaan u mahadnaqayaa markasta” ayuu intaas raaciyey Caruus Bashiir.
Isagoo dareenkiisa cabirayey ayuu sheegay “waxaan la aqal galayaa gabar aniga iga yar soo haasaawayney muddo, in lay soo galbiyana waxay ii tahay maalin aan sugayey”.
Intii Bashiir Deeqow nala hadlayey waxaa dhiniciisa ka baxaysay mashxarad ay samaynayeen haween ehelkiisa ah oo ku faraxsanaa aqal galkiisa.
Dabayaaqadii sannadkii hore ayaa dhalinyaro gaareysa illaa 50 ruux oo isugu jira wiilal iyo gabdho ah mar kaliya waxaa loogu sameeyay ‘’guur Wadareed’’ magaalada Mandhera ee gobolka waqooyi bari Kenya.
Guurkan ayaa ujeedadiisu aheyd in lagu kaalmeeyo dhalinyarada iyo dadka kale ee doonayay in ay qoys dhistaan balse u waayay awoodii dhaqaale sida uu sheegay xildhibaan Xuseen Waytaan oo laga soo doorto bariga magaalada Mandheera.
Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay tahay mid billow ah isla markaana uu ku fulinayo ballan qaad uu sameyay markii uu musharaxa ahaa ee kursiga uu doonayay.
“Arrinta waxaan ballan qaaday markii aan ku jiray ololaha doorashada waxaan u go’aansaday ka dib markii aan arkay dad badan oo niyad jabsan oo aan awoodin in ay guursadaan, hadii qofku uu guursan waayo waxaa suurtagal ah in uu sameeyo waxyaabo badan oo aan munaasab ahyen sida fal danbiyeed iyo anshax xumo kale” ayuu yiri xildhibaan Xuseen Waytaan oo BBC-da u warramay. | 3ee3fd82-2f76-48aa-9954-657ed693c029 | 695 |
Xisbullah oo sheegtay inay beegsatay saldhigyo dhowr ah oo ay leeyihiin Israa’iil
Xisbullah ayaa ku dhawaaqday in ay bartilmaameedsatay "Saldhigga cirka ee Palmachim" oo ka kooban xarun cilmi baaris militari iyo raadaar loogu talagalay nidaamka Hatez, kaas oo ku yaalla koonfurta Tel Aviv," waxa ayna sheegeen inay ku weerareen "raxan diyaaradaha aan duuliyaha."
War qoraal ah oo oo ay soo saareen ayay ku sheegeen inay bartilmaameedsadeen "saldhigga warshadaha milatariga ee Zovulon ee waqooyiga magaalada Haifa kaas oo leh xarumo muhiim ah oo u gaarka ah gantaalada ,"
Sidoo kale waxa ay sheegeen in subaxnimadii maanta ay bartilmaameedsadeen saldhigga Glilot ee qaybta sirdoonka milatariga ee 8200 duleedka Tel Aviv.
Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay ka hortageen weerarro lagu soo qaaday deegaannada Israa’iil, sidoo kalena ay weerarro ku qaadeen xarumo Xisbullah.
Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay qabteen saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo dul heehaabayay badda cas, kuwaas oo isku dayay in ay ku soo dhawaadaan Israa’iil.
Koox Iska caabin Islaami ah oo ka dhisan Ciraaq ayaa ku dhawaaqday beegsiga "afar bartilmaameed oo muhiim ah" kuna yaalla Eilat, iyada oo howlgalladaas loo adeegsaday tiro diyaarado ah."
19 qof ayaa ku dhaawacmay Tira
Waaberigii maanta, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in ugu yaraan 19 qof ay ku dhaawacmeen habeenimadii Jimcaha, ee Sabtida soo galeysay, magaalada Tira ee bartamaha Israa’iil, ka dib markii uu gantaal ku soo dhacay dhismo.
Sida lagu sheegay warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil oo lagu daabacay barta “X”, sidoo kalena ay la socdeen sawirrada dhismaha la beegsaday, waxay tidhi, “Tani waa natiijada weerar toos ah oo gantaal ay Xisbullah ku ridday magaalada Al-Tira ee Israa'iil, taas oo keentay in 19 qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen."
Booliska Israa’iil ayaa sheegay in ay jiraan tiro dhaawacyo ah oo ka dhashay bartilmaameedka, kuwaas oo afar ka mid ah ay "dhaawac dhexdhexaad ah ay soo gaareen inta kalena ay dhaawacyo fudud qabaan."
Ciidanka Israa’iil ayaa barta Telegram ku sheegay in ay ogaadeen halka laga soo tuuray gantaalada laga soo tuuray Lubnaan kuna sii jeeday bartamaha Israa’iil, iyaga oo ku macneeyay in ay qabteen tiro ka mid ah.
Khamiistii, gantaal ka yimid Lubnaan ayaa dilay toddobo qof, oo ay ku jiraan afar ku sugnayd Thais kuwaas oo ka shaqeynayay waaxda beeraha ee magaalada Metula, ee waqooyiga Israel, sida ay ku dhawaaqeen maamulka Israel.
Ugu yaraan 52 qof ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday Lubnaan
Dhanka Lubnaan, ugu yaraan 52 qof ayaa lagu dilay Jimcihii, mana jirin wax digniin ah oo laga soo saaray kahor weerarka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.
Wakaalada wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duleedka koonfureed ee Beirut lagu bartilmaameedsaday ugu yaraan toban weerar oo ay Israa'iil qaaday subaxnimadii jimcaha, ka dib digniino ku saabsan in laga guuro dhismayaasha aagga.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Mikati ayaa laga soo xigtay isagoo leh, “Israa’iil ayaa mar kale balaarisay baaxadda gardarada ay ku hayaan gobollada Lubnaan, waxa ay mar kale beegsadeen duleedka koonfureed ee Beirut weeraro burbur ah,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Mikati ee Lubnaan.
Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay weerarro ku qaadeen bartilmaameedyada Xisbullah ee gobollada Beirut iyo Nabatieh ee koonfurta iyo magaalada xeebta ah ee Tire. | f6604958-981e-4fbf-82c8-723446ae311b | 536 |
'Nukliyeerka Itoobiya keliya kuma saabsana tamarta' Heshiis dhex maray Itoobiya iyo Ruushka
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka qeybgalay shir ku saabsan tamarta Nukliyeerka oo ka dhacay dalka Ruushka, halkaas oo uu kaga dhawaaqay in Itoobiya ay dhiseyso barnaamij tamar nukliyeer ah oo lagu kalsoonaan karo laguna daydo.
Xafiiskiisa ayaa sheegay in Itoobiya ay ka qeyb qaadaneyso barnaamijka Ruushku bilaabay ee ku wajahan horumarinta tamarta nukliyeerka.
Intii uu socday shirka "World Atomic Week" oo muddo saddex maalmood ah ka dhacay magaalada Moscow, Abiy wuxuu sheegay in Itoobiya ay sannado badan diiradda saartay tamarta nadiifta ah, islamarkaana tignoolajiyadda nukliyeerka oo aan hawada wasakhaynin ay muhiim u tahay himilooyinka Itoobiya ee tamarta nadiifta ah.
Wuxuu tusaale u soo qaatay biyo-xidheenka weyn ee "Grand Ethiopian Renaissance Dam" oo dhawaan la furay, isagoo sheegay in uu yahay calaamad cad oo muujineysa sida ay Itoobiya uga go'an tahay inay ka faa'iideysato ilo tamar nadiif ah.
"Wax ka badan toban sano ayay Itoobiya si joogto ah uga shaqeynaysay horumarinta tamarta nadiifta ah. Biyo-xidheenka weyn ee Afrika ugu weyn waa tusaale cad oo muujinaya go'aankeena," ayuu yidhi. Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya aysan dooneyn in tamarta hadda ay haysato ku ekaato, balse ay rabto in ay kor u qaaddo awoodda tamarta iyo tayeynta nolosha shacabka, taasoo tignoolajiyadda nukliyeerka ka dhigayso arrin muhiim ah oo mustaqbalka Itoobiya ah.
Abiy wuxuu sidoo kale sheegay in Itoobiya iyo Ruushka ay sii xoojin doonaan iskaashiga ay ku leeyihiin arrimahaas. Safaaradda Ruushka ee Itoobiya ayaa sheegtay in labada dal ay ku heshiiyeen arrimo gaar ah oo la xiriira horumarinta tamarta nukliyeerka.
Waxay isku afgarteen in ay ka wada shaqeeyaan lix qodob oo muhiim ah:
- Dhisidda kaabayaal tamarta nukliyeerka ee Itoobiya
- Tababarka khubarada ku takhasusay cilmiga nukliyeerka
- Adkeynta maamulka iyo xeerarka tamarta nukliyeerka
- Dhisidda xarun cilmibaaris iyo tignoolajiyadda nukliyeerka
- Iskaashi ku saabsan wareejinta tignoolajiyadda iyo tababarka badbaadada
Xoojinta xiriirka Itoobiya iyo Ruushka ee dhinaca tamarta nukliyeerka
Safaaraddu waxay intaas ku dartay in Abiy uu sheegay in Itoobiya diyaar u tahay in ay xoojiso xiriirka kala dhaxeeya Ruushka iyadoo la tixgelinayo is-ixtiraam, aqoon iyo iskaashi.
Tignoolajiyada nukliyeerka waxay muhiim weyn u tahay Itoobiya sababtoo ah waa il tamar lagu kalsoonaan karo oo wasakhowgeedu yar yahay.
"Tignoolajiyadda nukliyeerka waxay keentaa tamar aan wasakh badan samayn, waxay xoojisaa sugnaanta cunnada, waxay ka taageertaa dhaqaatiirta, waxayna caawisaa saynisyahannada dalkeena inay hal-abuur sameeyaan," ayuu yidhi Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed. "Nukliyeerka Itoobiya kaliya kuma saabsan tamarta," ayuu intaas ku daray, "waxa uu ku saabsan yahay dadkeena."
Waxaa la xusuustaa in laba toddobaad ka hor, xilligii la furayay biyo-xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam, Abiy uu sheegay in taageerada Ruushka ay ku dhisi doonaan barnaamijka horumarinta nukliyeerka.
Wuxuu horey u caddeeyay in Itoobiya ay barnaamijkan u adeegsanayso ujeeddooyin nabadeed oo keliya.
Intii uu socday shirweynaha "World Atomic Week" ee ka socda magaalada Moscow, Abiy wuxuu mar kale xaqiijiyay in Itoobiya ay bilaabayso barnaamij nukliyeer ah oo nabadeed.
Wuxuu sheegay sidoo kale in Itoobiya ay barnaamijkan ku dhaqangelin doonto si masuuliyad leh.
"Barnaamijkan [nukliyeerka] waxaan u wajahnaa anagoo leh masuuliyad, qorshe taxaddar leh, heerar badbaado oo sare, iyo awood gudaha oo xooggan," ayuu yidhi.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in tignoolajiyadda nukliyeerka ay Itoobiya uga dhigan tahay tallaabo istiraatiiji ah, gaar ahaan dhanka sirdoonka macmalka ah (AI), warshadaha, iyo hal-abuurka.
Abiy wuxuu intaas ku daray in Itoobiya, oo ah dal ay ku nool yihiin in ka badan 130 milyan oo qof, aysan sii wadan karin ku tiirsanaanta ilo tamareed kale oo keliya, ayna diyaar u tahay inay la shaqeyso Ruushka si loo dhiso barnaamijkeeda nukliyeerka. | ba74a3da-b843-4f82-bb61-e5cfb5eaa2f1 | 589 |
Waa kuma Cammaar al-Xakiim ninka uu ra'iisul wasaare Xamse kula kulmay dalka Ciraaq?
Ra’iisul wassaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa waxa uu la kulmay Cammaar Al-Xakiim oo ah wadaad sare oo caan ka ah dalka Ciraaq, sida lagu daabacay barta Facebook ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Warka ayaa waxa lagu sheegay in Cammar iyo ra’iisul wasaare Xamse ka wada hadleen arimo la xiriira xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya wadamada iyo dadyowga Ciraar iyo Soomaaliya.
Waxa kale oo la sheegay in ka wada hadleen sidii iskaashi u dhexmari lahaa Ciraaq iyo Soomaaliya – iskaashigaas ayaa lagu sheegay in uu yahay mid heer car beed ah.
Safarkaan oo ah mid rasmi sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa waxa uu kulamo kula qaadanayay madaxda dalka Ciraaq.
Hadaba, waa kuma Cammaar Al-Xakiim?
Xilligaan la joogo Cammar Al-Xakiim waa madaxa Dhadhaqaaqa Al-Xikma ee dalka Ciraaq kaas oo ah ibahaysi siyaasadeed oo dalkaas ka curtay sanadkii 2018 kii.
Balse horay waxa uu u soo noqday madaxa kooxo badan oo shiico ah oo aad u saameyn badnaa, waxaana ugu waynaa Golaha Islaamiga ah ee Sare ee Ciraaq, golahaas oo isna ahaa mid siyaasi ah ayaa tartan horay ugu galay hugaanka baarlamaanka ee dalkaas. Golaha ayaa horay magaciisu u ahaan jiray Golaha Saree e Kacaanka Islaamiga ah, waxaana ay magacooda badaleen sanadkii 2006 dii.
Sidoo golahaas ayaa waxaa hoos imaan jiray maleeshiyadii aadka u xooganeed ee shiicada ee la oran jiray Guutada Badar.
Kooxdaas ayaa markii hore waxay ahayd isbahaysi xoogan oo ka dhashay kooxo kala duwan oo sjiico ah oo midoobay, waxaana sanadkii 2005 tii ay ku guuleysteen kuraastii ugu badneed ee baarlamaanka dalkaas. Waxaana la sheegaa in sababta ugu wayni ahayd in sunniyiintu ay nidaamkii siyaasadeed ee Ciraaq ee xilligaas.
Xilligaas waxaa kooxdaan aasaasay oo madax ka ahaa aabihii oo ahaa nin saamayn badan lahaa qudhiisu.
Noloshii Al-Xakiim
Cammaar al-Xakiim waxaa lagu dhalay Najaf oo ku taalla koonfurta Baqdaad, sanadu markii ay ahayd 1970 nadii, xilligaas oo ay jirtay dawladdii Ciraaq ee uu hugaamin jiray Axmed Xassan al-Bakir oo xilligaas bilowday in ay qaboojiso kala tag siyaasadeed oo ku socday wadaada SHiicada, kuwaas oo si furan uga soo horjeestay sharcigii carabnimada.
Xilli waxaa jirtay qaar ka mid ahaa qaraabadiisa oo wadaado ahaa loo toogtay in khiyaano ku sameeyeen Baqdaad, isaga iyo aabihiis ayaa la sheegay in ay u carareen dalka Iran.
Wuxuu sii watay waxbarashadiisa Islaamiga ah, isaga oo raacayay dhaqanka qoyska reer Xikam ee uu ka soo jeedo, kaas oo ah mid ay iska dhaxlaan ubadka reer Xikam.
Aabihiis oo lagu magacaabo Abdulaziz Al-Xakiim, oo ahaa ninkii aasaasay ururada siyaasadeed ee uu haatan hugaamiyo Cammaar, soona ahaa hugaamiyhooda ruuxiga ah tan iyo 1982 dii ayaa ahaa nin aad looga qadariyo gudaha Ciraaq magacweyna ku lahaa.
Balse waxaa la sheegaa in uu xanuunka kansarka u geeriyooday sanadkii 2009 kii bishii Septemper.
Sanadii 1982 dii, aabaha dhalay Cammaar iyo adeerkiis -Maxamed Baqir al-Xakiim – ayaa waxay bilaabeen in ay abaabulaan mucaarad shiico ah oo ka soo horjeesta dawladdii Sadaam Xueyn, waxayna si bayaan ah ula safteen dawladda Iran oo dagaal sideed sano socday uu kala dhaxeeyay Ciraaq. Kooxdii loo aqoon jiray Guutada Badar ayaana bilaabay in ay garab u fidiyaan xooggagii iran eek u sugnaa furimaha dagaalka, sidoo kale waxay qaadi jireen waraysida laga qaado maxaabiista dagaal ee laga qabto Ciraaq.
Sanadkii 1991 dii, kadib markii ay Ciraaq iska cabin xoogan kala kulantay Kuwait markii dambana ay isaga soo baxday, Golihii Kacaanka Islaamiga ahaa waxa uu abaabulay kooxo hubaysan oo lagu aruuriyay koonfurta Ciraaq.
Qoyska reer Xakiim ayaanan ku soo laaban dalka Ciraaq ilaa laga soo gaaray sanadkii 2003 dii, markaas oo ahayd xilligii ciidamada dawladda maraykanku ay gudaha u galeen dalka CIraaq, Saadaamna uu u cararay dhanka wuqooyiga Tikrit.
Isla xilligaasba, Abdulaziz al Xakiim waxa waxaa loo magacaabay in uu madaxa golihii dawladda kumeel gaar ahayd ee Ciraaq. | 07116024-f59e-4b2b-a655-bcdeb037337b | 634 |
Daraasad: "Lama hubo in caano-booraha la siiyo carruurta ay faa'iido leeyihiin"
Daraasad cilmiyeed la sameeyay sanadkan horraantiisa ayaa lagu ogaaday in aysan jirin caddayn ku filan oo lagu taageerayo sheegashooyinka shirkadaha qaarkood ee ku saabsan faa'iidooyinka caafimaad ee laga helo caanaha carruurta yaryar.
Sheegashooyinkan aan ilaa iyo hadda loo hayn cadeeyn cilmi oo sax ah, waxaana ka mid ah in la yiraahdo caanaha dhallaanku waxay kor u qaadi karaan horumarka maskaxda, indhaha, habdhiska dareenka, iyo hagaajinta shaqada habka difaaca jirka.
Saynis-yahanno ka socda Imperial College oo ku yaalla magaalada London ayaa sheegay in sharciyada suuqgeyntu ay tahay in la adkeeyo si looga hortago in shirkadaha ay kor u qaadaan sheegashooyinkan aan caddeymaha loo heyn.
Cilmi-baaristan oo ay sameeyeen saynisyahanno, laguna daabacay wargeyska caafimaadka ee Ingiriiska, ayaa qiimeeyay 757 badeecooyin ah oo laga kala keenay 15 waddan.
Cilmi-baarayaasha oo ay ka mid yihiin Dr Yanzhong iyo Lucia Petro waxay falanqeeyeen wax soo saarka dalalka Australia, Canada, Jarmalka, Hindiya Talyaaniga, Japan, Nigeria, Norway, Pakistan, Ruushka, Suucudi Carabiya, Koonfur Afrika, Spain, Ingiriiska, iyo Mareykanka oo ah isku darka waddamo dakhligoodu sarreeyo, kuwa dhaxe iyo hooseeyo.
Cilmi-baarista ayaa lagu yiri "Sheekooyinka kala duwan ee ku saabsan faa'iidooyinka caafimaadka iyo nafaqo ee laga helo caanaha dhallaanka ma ahan mid ku salaysan tixraacyo cilmiyeed."
Sidoo kale waxay intaa ku dareen “xataa haddii la helo in qaar badan oo ka mid ah sheegashooyinkan ay yihiin kuwo daciif ah oo eex ku salaysan”
Guddiga cilmi-baarista waxay ogaadeen in celcelis ahaan wax soo saarka caanaha dhallaanku uu kor u qaaday hal shay, halka sheegashooyinka shirkadaha 56 boqolkiiba ay yihiin wax aan jirin sida cilmi-baarista lagu caddeeyay.
Sidoo kale daraasaddan dhowaan lagu daabacday Joornaalka Caafimaadka ee Ingiriiska oo shirkaduhu ay caddeyn ahaan u soo bandhigeen ayaa la ogaaday in qiyaastii 90% tijaabooyinka ay maal-geliyeen shirkadaha caannaha.
Waxaa jira walaac laga qabo in buunbuuninta sheegashada ku saabsan faa'iidooyinka caafimaad iyo nafaqo ee caanaha dhallaanku ay hooyooyinka ku dhiirrigelin karaan in ay joojiyaan naas nuujinta hooyada taas oo ah mid faa'iidooyo badan oo caafimaad u leh caruurta.
Sida ay sheegtay ha’yadda UNICEF, dalka Ingiriiska ayaa mid ah kuwa heerarka ugu hooseeya kaga jira naasnuujinta adduunka oo dhan.
Xogta, oo lagu daabacay Lancet, ayaa muujineysa in hal ka mid ah 200 oo haween ah oo u dhigta 0.5% ay wali sameyneyso heer kasta oo naasnuujin ah.
Tan waa mid aad hooseeysa marka la barbar dhigo Jarmalka, 23% Brazil 56% iyo 99% Senegal.
Cilmi-baareyaashu waxay sheegeen in ay tahay "fikrad khaldan oo baahsan" in naasnuujintu ay faa'iido u leedahay oo keliya dalalka saboolka ah.
Naasnuujintu aad ayey ugu badan tahay waddamada soo koraya, laakiin marka la fiiriyo Ingiriiska ayaa xitaa aad uga hooseeya waddamada la midka ah ee Yurub.
Haweenka Boqortooyada Ingiriiska waxa lagula talinayaa in ay si gaar ah u quudiyaan ilmahooda caanaha naaska lixda bilood ee ugu horreeysa.
Prof Cesar Victora, oo ah qoraaga warbixinta oo ka tirsan Jaamacadda Federaalka ee Pelotas ee Brazil, ayaa yiri: "Waxaa jirta fikrad khaldan oo baahsan oo ah in faa'iidooyinka naas-nuujinta ay la xiriiraan oo keliya dalalka saboolka ah.
Warbixinta Lancet ayaa sheegtay in naasnuujinta dalalka horumaray ay hoos u dhigtay halista dhimashada degdega ah ee dhallaanka. | 221e19d3-62c0-41bf-be89-eb6ebc603883 | 521 |
Maxay tahay caafimaad darrada soo wajahdo ragga marka ay xaasaskooda dhalaan?
Dad badan ayaa qaba in niyad-jabka ama isku buuqa dhalmada ka dib uu yahay xaalad saameeya haweenka oo keliya. Balse dhab ahaantii, waxay sidoo kale saamaysaa ragga oo cilmi-baarisyada qaarkood waxay ku qiyaasaan inay ku dhacdo 10% aabayaasha.
Waxaa jira sababo badan oo keena niyad-jabka dhalmada ka dib ee ragga taas lid ku ah in isbadalka hormoonnada keliya ay sababaan. Xataa dumarka, hormoonnada ayaa door yar ka ciyaara niyad-jabka dhalmada kadib.
Caadi ahaan waxaa sabab u ah arrimo dhowr ah, oo ka mid yihiin hurdada la’aanta ka dib dhalashada ilmaha, caawin la'aanta, ama dhibaatooyinka dhaqaale.
Waxayna arrintan dhici ku dhici kartaa qofka da' kasta oo uu dhalo. Calaamadaha niyad-jabka dhalmada ka dib waxay la mid yihiin kuwa niyad-jabka caadiga ah.
Waxay noqon karaan calaamadaha in qofka uu dareemo dhiirigelin la'aan, hurdo la'aan, iyo inuu dareemo qiimo la'aan, feejignaan la'aan, isbeddelka rabitaanka cuntada ama miisaanka oo is dhimo ama kordho, daal iyo sidoo kale inuu ku fekaro inuu isdilo.
Farqiga ugu weyn ee u dhexeeya niyad-jabka caadiga ah iyo kan qoflka ku dhaca ka dib dhalmada ayaa ah in kan caadiga uu qofka ku dhici karo xilli kasta halka kan kalana uu dhaco ka dib marka ilmuhu dhasho. Waa wax iska caadi ah inaan xoogaa la tacaalno caafimaadka dhimirka ka dib markuu ilmuhu dhasho.
Waxaa xusid mudan in isku buuqa dhalmada ka dib uu dhici karo wakhti kasta ka dib marka ilmuhu yimaado sanadka ugu horreeya ama labada sano ee dhalmada ka dib, ee ma aha oo kaliya bilaha ugu horreeya.
Sidaa darteed, haddii aad ka shakisan tahay inaad la halgamayso niyad-jabka dhalmada ka dib, waa muhiim inaad taageero u raadsato, maaha oo keliya caafimaadkaaga, laakiin waxay sidoo kale saamayn kartaa xiriirka ilmahaaga.
Waxaad u baahantahay inaad taageero ka raadsato sida saaxibadaa, ehelkaaga ama dhakhtarkaga.
Isbadallada kuugu iman kara waxaa ka mid ah xanaaq farabadan. Ragga la tacaalaya caafimaadkooda dhanka maskaxda aad ayay u caroodaan.
Si aad xanaaqaas wax uga qabato, isdeji oo Samir badan muuji. Isku day in aad fasaxdo; Tani waxay kaa caawin kartaa inaad dareentid raaxo badan inaad ka hadasho waxa aad dareemeyso.
Sidoo kale iska hubi halka aad kaga hadleyso dhibaatooyinka ku haysta iyo dadka aad la wadaageyso. Tusaale ahaan, dadka qaar ayaa laga yaabaa inay u fududaato inayka hadlaan baraha bulshada ama guruubyada la isugu yimaada ee aaladaha internet-ka taas oo laga yaabo inay kaaga sii darto oo aad dhibaato hor leh kala kulanto.
Taas waxaa kaaga fudud kaagana fiican inaad raadsato app caafimaadka dhimirka la xiriira. Dadka qaar ayaa waxaa u fudud inay tan u isticmaalaan inay su'aalo weydiiyaan, xal u helaan, ugana hadlaan sida ay dareemayaan. Waxa jira abab qaarkood oo haysta agabyo kaa caawin kara inaad la qabsato waalidnimada. Niyad-jabka dhalmada ka dib ee waalidku waa dhab, waana arrin muhiim ah. Nasiib wanaag, marka la barbar dhigo dhowr sano ka hor, waxaa jira wacyigelin iyo caawinaad ka badan sidii hore. | 0dfbd181-9078-425e-9ed7-20dd101c8a30 | 488 |
Deni ma wuxuu ka soo dabcayaa sidii hore oo doonayaa wadahadal?
Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Dani oo ka hadlayay munaasabadda xidhitaanka shirka jiheynta xukuumadda Puntland ayaa sheegay "in cidna aanay uga carareynin Soomaalinamada".
Hadalkan ayaa imanaya muddo dhinacyadu isku diiddanayaan sida wax u socdaan, weedhaha hawada la isu marinayeyna ay ahaayeen kuwo sidan ka duwan.
Waxaana u danbeeyey go’aankii Puntland ay ku dhawaaqday bishii March oo ay ku sheegeen in ay gaadheen go’aan siyaasi ah, kaas oo golahooda wasiirrada ay kalsoonidii kala laabteen haya’addaha dowladda federalka ee Soomaaliya, xilligaas oo baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya meel mariyeen wax ka baddelka dastuurka.
Hadalka Deni ee maanta ayaa se u muuqday in markan uu qorshahoodu yahay wadahadal.
“Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Allaha idmo. Garab istaaga dadkeenna Soomaaliyeedna hore ayeeynu usii wadaynaa“ ayuu yiri Deni.
Madaxweynaha Puntland waxa kale oo ka hadlay sida dawladdiisu diyaar ugu tahay in la wadahadlo, isla markaana ay garnaqasanayaan.
"La isma muquunin karo, la' ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi" ayuu yiri Madaxweynuhu.
Saciid Dani ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada kale in sharciga la dhawro, isagoo ku baaqay in la wadahadlo.
Muxuu ka dhigan yahay hadalkani?
Falanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya qaar ayaa ku doodaya in arrintani hadda u muuqato mid wax soo dhawaynaysa oo dhinacyadu ay ku kulmi karaan.
“Xaaladdii taagnayd marka loo eego waa war soodhaweyn ku wanaagsan. In waddada ah in la wada hadlo, in la isu yimaaddo, albaabkeeu in uu marnaba xidhmo kuma wanaagsana dawlanimada“ ayuu qabaa Axmed Shire Axmed oo ah Agaasimaha Machadka Cilmibaadhista ee Hangool ahna bare iyo cilmibaadhe ka tirsan jaamacadda PSU.
Axmed ayaana ku doodaya in markii hore labada dhinac u muuqdeen kuwo isku diiddanaa dano shakhsi ah, haddana ay u muuqdaan kuwo ka tanaasulay arrintaan.
“Midna ma sheegin, waxa ay iksu diideen ee ay ku kala kaceen, markaa waxa muuqataa in marxalad gaar ah oo labadooda u dhaxaysa ay ku kala duwanaayeen, hadda tii shkahiga ahayd in lagu soo daalay baad mooddaa. Kolkaa dawladnimadaa waa lagu kala aragti duwanaan karaa waa na la isfahmi karaa. Taasaana hadda muuqataa“ ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Shire.
Puntland oo lagu naaneyso "Hooyada Federaalka" ayaa waxaa jiray arrimo dhowr ah oo ay hore isugu khilaafeen dowladda federaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin arimaha wax ka beddelka dastuurka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo weliba dhincyo kale oo siyaasiya oo labada madaxweyne ay u ekaayeen in yihiin kuwo ku kala aragti duwan, taas oo ay ka mid tahay in madaxweyne Deni dhawr jeer ku eedeeyey Xasan Shiikh “takrifal“awoodeed‘ iyo in macnaha laga qaadayo xafiiska ra’iisal wasaaraha.
Khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa soo bilowday muddo xilleedkii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo ku magacdheeraa Faroole, ee soo hugaamiyay Puntland, kaas oo salka ku yahay intiisa badan qaar ka mid ah qodobada hadda dhinacyadu ay ku kal aragti duwan yihiin.
Wadashaqaynta ayaase heerkii ugu hooseyey gaartay muddadii lixda sano ahayd ee ugu danbaysay taas oo ka soo bilaamaysa muddo xilleedkii Madaxweyne Farmaajo.
Madaxda hadda ee Puntland marka laga reebo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ma jirin madaxweyne marka uu dhamaaday muddo xileedkiisa markale soo laabtay.
Madaxweyne Saciid Cabdullahai Deni wuxuu soo afjaray diwaankii halka mudda xileed ay joogi jireen madaxdii isaga ka horeysay, isaga oo bishii January mar kale dib loo doortay. | ac4cb9cc-d931-4d5a-bfea-fb9d0bf92d38 | 546 |
Maxaa ka jira in dowladda Qatar ay hadiyad u siinayso Trump diyaarad casri ah?
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisu uu jeclaan lahaa in Qatar ay ka aqbasho hadiyad diyaaradeed oo dhan $400 milyan, isagoo ku tilmaamay inay tahay arrin aad u wanaagsan ayna nacasnimo tahay in la diido.
Tallaabadan suurtagalka ah ayaa lagu tilmaamay inay tahay "gabi ahaanba sharci-darro ah" qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee ay iska soo horjeedaan - taasoo Aqalka Cad ay beeniyeen islmarkana ay cambaareeyeen taageerayaasha Trump.
Qatar qudheeda ayaa horay u sheegtay in wararka la xiriira diyaaradda ay yihiin kuwo aan sax ahayn, isla markaana ay socdaan wada xaajoodyo.
Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli Trump uu booqasho ku tagay dalal dhowr ah oo ku yaalla bariga dhexe oo ay ku jirto Qatar.
Maxaan ka ognahay diyaaradda?
Axaddii, warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in maamulka Trump uu isku diyaarinayo inuu aqbalo diyaarad weyn oo Boeing ah oo qaali ah, oo loo yaqaan Boeing Jumbo Jet, oo ka timid qoyska boqortooyada Qatar. Diyaaradan ayaa dib u habeyn lagu sameyn doonaa waxaana si ku meel gaar ah loo isticmaali doonaa sida Air Force One, magacaasi oo ah midka loo yaqaano diyaaradda uu imika istcmaalo madaxweynayaasha Mareykanka.
Markii dambe, Trump cinwaanka uu ku leeyahya barta Truth Social: soo dhigay qoraal u dhignaa: Wasaaradda Difaaca waxay heleysaa hadiyad bilaash ah oo ah 747 si ay si ku meel gaar ah u bedesho diyaaradda Air Force One oo 40-sano jirsatay taasi oo ah heshiis dadweyne oo hufan."
Mar ay saxafiyiintu waydiiyeen Trump waxa uu yiri "Waa deeqsinimo cajiib ah oo ka timid Qatar, aad ayaan uga mahadcelinayaa, waligay ma diidi doono dalab noocaas ah".
Bishii Febraayo ee la soo dhaafay, Trump wuxuu sheegay "in uusan ku faraxsanayn Boeing" dib u dhigista labada diyaaradood ee cusub ee Air Force One, kuwaas oo uu filayay inay si toos ah uga helaan shirkadda. Waxa uu intaa ku daray in Aqalka Cad laga yaabo inuu "iibsado diyaarad ama uu helo diyaarad,.".
Diyaaradda Qatar ayaa laga so qadaay sawir iyada oo taalla xeebta Palm Beach, Florida, oo ah goob loo dalxiis tago bishii Febraayo, halkaasoo Trump uu kormeeray. Diyaaradda ayaa hadda leh saddex qol oo jiif ah, qol gaar ah, iyo xafiis, sida ku cad dukumeenti kooban oo gaar ah oo la shaaciyay 2015 ah.
Sarkaal dowladda Qatar ka tirsan ayaa CNN u sheegay in diyaaradan ay ugu deeqday Wasaaradda Difaaca Qatar Pentagon-ka, waxna laga beddeli doono si ay u waafaqdo heerka badbaadada iyo amniga ee Air Force One.
Khubarada ayaa sheegaya in tani ay u badan tahay inay qaadan doonto sanado, taasoo la micno ah in diyaarada aysan diyaar u ahayn in la adeegsado ilaa inta uu ka dhamaanayo xilliga Trump.
Trump wuxuu sheegay in diyaaradda si toos ah loogu wareejin doono madxafkiisa madaxtooyada ka dib marka uu xafiiska ka tago, iyo in "aanu isticmaali doonin" ka dib marka mudda xileedkiisa dhameysto.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa dhaleeceyn uga timid xisbiga Dimuqraadiga, iyo sidoo kale qaar ka mid ah taageerayaasha Trump , oo ay ku jirto dhaqdhaqaaqa garabka midig ee Laura Loomer, oo tiri, "Tani waxay ku noqon doontaa ceeb maamulka, haddii ay run tahay."
Hadiyadu ma sharci baa?
Dhawr ka mid ah Dimuqraadiyiinta sare ayaa ku andacoodey in aqbalitaanka hadiyaddu ay tahay "sharci darro ah."
Senetarka Dimuqraadiga Adam Schiff wuxuu soo xigtay qodob ku jira dastuurka Mareykanka kaasoo dhigaya in mas'uul la doortay uusan aqbali karin "hadyad kasta... noocuu doono ha ahaadee islamarkana uusna ka aqbali karin hoggaamiye ajnabi ah isagoon ansixin Congress-ka ka helin.
Qodobkan "waxaa loogu talagalay in laga hortago laaluushka si uusan saameyn ugu yeelin dowladda," ayuu yiri Frank Cogliano, borofisar taariikhda Mareykanka ka dhiga Jaamacadda Edinburgh.
Waxaa jiray sharciyo kale oo dhowr ah oo ay ansixiyeen Congress-ka oo ku saabsan aqbalaadda hadiyadaha ajnabiga, sida qodobka Hibada iyo Sharafta Shisheeye ee 1966, kaas oo u baahan ansixinta kongareeska si loo aqbalo hadiyado shisheeye oo ka badan qiimo gaar ah.
Hadda, saraakiisha Maraykanku waxay aqbali karaan hadyado qiimahoodu ka yar yahay $480.
Inkasta oo Trump uu tilmaamay in diyaaraddu ay ugu dambeyntii aadi doonto keydka"Mdxafkiisa", khubaradu waxay soo jeediyeen inuu dhab ahaantii ula jeedo matxafka aasaaskiisa.
Madaxwaynayaashii hore waxay sida caadiga ah haystaan maktabad ay ku jirto kaydkooda, iyo madxaf — oo inta badan lagu maalgeliyo deeqaha gaarka ah - oo ay ka buuxaan waxyaabo xusuus ah oo u furan dadweynaha.
Khubarada oo ay BBC-da la hadashay laanta Xaqiiqda Raadinta ayaa carabka ku adkeeyay in suurtagalnimada in diyaaradda la siiyo maamulka -halkii si toos ah loo siin lahaa madaxweynaha - ka hor inta aan loo wareejin madxafkiisa aysan ka fogaan karin ku xadgudubka Dastuurka.
Jordan Leibowitz oo ka tirsan xarunta Citizens for Responsibility and Ethics ee Washington ayaa sheegay in isticmaalka kasta oo diyaaradda uu isticmaalo Trump ka dib markii uu xafiiska ka tagay ay ka gudbi doonto calaamadda: "Reagan's Air Force One waxay ku dhammaatay maktabadda madaxtooyada, laakiin halkan farqi baa jira. Diyaaraddu waa hawlgabtay, Reagan mar dambe kuma duulin, oo hadda waxay ku fadhidaa gudaha maktabadda sida qayb madxaf ah."
Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarisay qoraal ay ku sharraxayso sababta ay u aaminsan tahay in aqbalida diyaaradda ay tahay mid la ogol yahay, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin.
Markii xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Carolyn Leavitt wax laga waydiiyay sharcinimada heshiiska, waxay tiri, "Faahfaahinta sharciga ah ayaa wali laga shaqaynayaa, laakiin dabcan, deeq kasta oo la siiyo dawladdan waxaa had iyo jeer loo sameeyaa si buuxda oo waafaqsan sharciga." | d30b1f43-c4ad-4fff-887b-42e1b67fa9f3 | 911 |
Subsets and Splits
No community queries yet
The top public SQL queries from the community will appear here once available.