text
stringlengths
136
26.8k
id
stringlengths
36
36
token_count
int64
17
4.16k
Warancadde iyo weedho uu ka yiri libaaxiisa hadalhaynta ka dhaliyay baraha bulshada Sawiarada madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo dusha ka saaran libaaxyo rabaayad ah oo lagu dhaqo magaalada Hargeysa ayaa aad ugu baahay barahabulshada dhowrkii maalin ee la soo dhaafay. Dadka baraha bulshada isticmaala ayaana falcel...
9dac25b9-9a21-4926-b48c-62b88b1469b3
674
Kumuu ahaa ninkii shalay geeriyooday ee sida weyn uu uga cabsan jiray Madaxweynaha Ruushku? Ciidanka ilaalada xabsiyada Ruushka ayaa ku dhawaaqay dhimashada hoggaamiyihii mucaaradka ugu muhiimsanaa Ruushka tobankii sano ee la soo dhaafay, Alexei Navalny oo 47 jir ahaa. Navalny, oo ay dad badani u arkayeen inuu yahay ni...
74eee81d-eb2d-4924-82e2-6df6813f3357
1,514
Afar sababood oo ku dareensiiya inaad macmacaan u baahan tahay iyo sida aad uga hortagi karto Dhammaanteen waxaan rabnaa in aan si caafimaadleh wax u cuno, gaar ahaan markaan ka fekero yoolasheenna caafimaad ee sanadaha cusub. Laakiin qorshayaashaas waxaa fashiliya marwalba damaceenna xoogan ee aan ku doonayno wax maca...
093502b8-cf4e-4c29-ac74-cac032cf8204
991
Itoobiya oo Maraykanka kala hadashay walaaca ay ka qabto ciidamada beddelaya howlgalka ATMIS Xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wali taagan iyadoo wadahadallada loo ballansan yahay wareeggii 3aad in dhawaan la isugu yimaado dalka Turkiga. Khilaafka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yimid ka dib m...
b4417842-0bed-419f-89af-f5b800611fe2
832
Sida ninkan Soomaaliga ah loogu magacaabay qunsuliyaddii ugu horreysay ee dal reer yurub ah ka furto Muqdisho Safaaradda Boqortooyada Netherlands ay ku leedahay magaalada Nairobi ayaa u magacawday Maxamed Bashiir oo ku magac dheer ‘Midnimo’ inuu noqdo Qunsul sharafeedka u fadhiya Muqdisho. Midnimo, waxa uu noqon doonaa...
0172a20a-4029-43b2-80ce-8e6f6ec71826
608
Sidee baa ilmo yar calooshiisa looga soo saaray mataan uur-jiif ah oo ku dhex beermay Dhakhaatiir Hindi ah ayaa si guul leh u kala saaray "mataano is-dulsaar ah" – oo ahaa laba uurjiif oo ku dhex koraayey caloosha cunug 20 maalmood jir ah. Xaaladdan aad bay u naadir u tahay, waxaana caalamka laga diiwaangeliyey wax ka ...
ebcbb43f-5f5e-4b09-8059-66df6a83c6eb
554
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo u codeynaya qaraarka howlgalka badalaya kan ATMIS ee Soomaaliya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa manata isugu imaanaya sidii ay ugu codeyn lahaayeen qaraarka ku aadan Hawlgalka kan ATMIS ee Soomaliya waqtigiisu dhamaanayo. Sida uu sheegay goluhu, Soomaaliya iyo Itoobiya ...
78638dad-f3d7-43a4-ae11-28474766ab24
545
Boqoradda Xisaabta ee doonaysa inay gabdhaha Afrika tusaale u noqoto Waxaa dalka Ghana looga yaqaannaa Boqoradda Xisaabta, Dr Angela Tabiri waa Afrikaankii ugu horreeyay ee ku guulaysta tartanka Xisaabta Internetka - waa guul u soo hoyatay qof aan markii hore qorsheynin inuu barto xisaabta. 35-jirtan reer Ghana "waxa a...
0eb6d0eb-4dc1-449e-9956-5fb9320a36e1
1,012
Dalka xukunnada dilka ah ee ugu badan ku fuliya haweenka Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Iiraan ay aad u fuliso xukunnada dilka ah. Toddobaadkii ugu dambeeyay ee bishii Luulyo oo keliya, 32 qof ayaa hore loo dilay, waxana ka mid ah saddex haween ah oo loo heysto inay dileen nimankoodii. "Xukun xabsi k...
ab8a727e-10bb-4f9e-8384-22a3414891a4
934
"Aamus, doofaar yahay" Trump oo ku xanaaqay gabar weriye ah oo su'aal weydiisay Madaxweyne Trump ayaa ku xanaaqay gabar weriye ah oo su'aal ka weydiisay arrinta feylasha Jeffrey Epstein. Weriyeyaasha ayaa ku sugnaa diyaaradda Air Force One ee madaxweynaha Mareykanka. Sidan ayay u dhaceen su'aalaha weriyaha iyo jawaabah...
47ea7473-32d2-462c-a7cf-8fab65b260f6
939
Maxay dunida uga dhigan tahay dhicitaanka Asad? Suuriya oo dhacda bartamaha Bariga Dhexe, ayaa ka xorowday sanado badan oo uu majaraha xukunka u hayay Asad, waxa ayna tani ka dhignaan doontaa isu dheellitirka awoodda gobolka iyo dunida. Dalal ay ka mid yihiin Ruushka, Turkiga, Iiraan, Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa qayb...
aa94f2ce-94b0-4a9b-8afb-4a1cbc0af41a
1,321
'Hooyadeey waxaa loo sheegay inaan ku dhiman doono laba toddobaad gudahood' Waxay ahayd habeen caadi ah oo la mid ah habeenada kale, iyadoo sariirta ku jirta gabadh shan jir ah oo aan naafo ahayn ayaa sariirta ku jirtay waanay hurdeysay, si lama filaan ah ayay u soo kacday si ay musqusha u gasho. Waxa la yaab lehayd, Z...
e8871cbd-e80d-4ca2-8c94-347dd4a29740
791
Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal xalay dhexmaray Pakistan iyo Afqaanistaan Xukuumadda Taalibaan ayaa xaqiijisay in ay weerar ku qaadeen ciidamada Pakistan oo ku sugnaa goobo badan oo buuraley ah oo ku yaala xadka waqooyi. Khasaaraha weli ma cadda waxa ay Taalibaan ugu yeereen "hawlgallo aargoosi ah", ka dib markii ay s...
923cadc4-b50b-4fec-bf02-da019ab39de9
531
Waddanka argagixisada kula dagaallama geela Gobolka Saaxil ee Afrika ayaa ah goob ay ku badan yihiin dagaallada kooxaha jihaad doonka ah, iyadoo sannadkii hore gudaha waddanka Mali oo kaliya lagu dilay in ka badan 2,000 oo qof oo rayid ah. Balse halista kama imaanayso oo kaliya kooxaha kacdoonka wada ee jihaad-doonka a...
641bba7f-1f17-4c6f-ade3-98d8d13305ae
672
Soo dhoweyntii Wabar Cabdille ee Nairobi Wabarka beesha Dagoodiye ayaa lagu soo dhoweeyay nairobi, wuxuuna la kulmay inta badan siyaasiyiinta Soomaalida. Wabarka beesha Dagoodiye ayaa lagu soo dhoweeyay nairobi, wuxuuna la kulmay inta badan siyaasiyiinta Soomaalida.
5f1d4b4d-1f40-49b0-bbc4-b17e9925f78a
36
Maxay dawladdu ka damacsan tahay dhulka qabuuraha ee ay amartay in meydadka laga saaro? Dowladda Soomaaliya ayaa muddo 10 maalmood ah u qabatay in dadka ay eheladooda ku aasan yihiin Qabuuraha Iskool buluusiya in ay Meydadkooda la baxaan si ay dowladda u isticmaasho dhulkaas oo ay hadda u baahatay. Mas’uuliyiin ay ka m...
2382e168-b4a0-452c-b408-c33005abfc7a
835
Waxaa lagu eedeeyay sixir, waxaase loo dilay dhul dartii Qaybta baarista ee BBC Afrika ayaa daaha ka rogtay dhacdooyin naxdin leh oo dad da’ ah lagu eedeeyay sixir, markii dambese loo dilay dhul dartii, xeebta Kilifi ee dalka Kenya. BBC ayaa ogaatay sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilalkaas. Tambala Jefwa oo ah afar i...
9a6ebbb8-024f-47c8-a70f-3aa012e4f627
940
Maxay doorashada Taiwan uga dhigan tahay caalamka? Dhammaan indhuhu waxay hayaan Taiwan iyadoo jasiiraddan iskeed isku maamusha ayna ku nool yihiin 23 milyan oo qof ay maanta u dareereen codbixin. Ilaa 19.5 milyan oo reer Taiwan ah ayaa codkooda u dhiibanaya si ay u doortaan madaxweyne cusub iyo baarlamaan. Saddex nin ...
13eb66df-3ce0-4746-9eef-5dffd4160734
845
Xog ku saabsan dagaalka Laascaanood iyo walaaca laga qabo Saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareeyay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood, iyagoo walaac ka muujiyay wararka sheegaya in dhinacyadu ay isu hub aruursanayaan. Bayaan ay xalay soo saareen ayey ku sheegeen in ay "aad uga ...
ebbe9dd5-fb6e-4561-b777-bcefc2cedcc9
638
Lix waxyaabood oo wax u dhimi kara caafimaadka kaadi-haystaada iyo sida loo beddeli karo Kaadi-haysta way fududahay in la la baaro ilaa ay keento dhibaatooyin. Xubintan yar, ee qaabka buufinta oo kale ah, kuna taal marinka hoose ee kaadi mareenka, waxay si aamusnaan ah u kaydisaa oo sii daysaa kaadida, taas oo ka caawi...
a8363e8e-f830-481b-9781-8293c2312fc7
892
Dal ay haweenkiisa lacag bixiyaan marka ay furriin doonayaan “Waxaan nalagu guursadaa caruurnimo, ka dibna dhammaan go’aanada gabdhaha waxaa qaata laba qoys, haddii ay gabadhu rabto inay ka baxdo xiriirka ama guurka, waxaa la rabaa lacag si xiriirka loo soo afjaro, seedigeyga ayaa dalbaday 18 lakh oo ah lacagta hindiya...
83e89b3d-0040-4655-a201-048296e46038
1,168
Maxey Soomaalidii hore ku garan jireen marka uu dhacayo dayax madoobaad? Meelo badan oo dunida waxaa xalay dadka daawanayeen cirka iyagoo eegaya markii dayaxu madoobaday, taas oo ah dhacdo cajiib ah oo dhacda markaas oo dayaxu yeesho midab casaan madow ah. Cirbixiyeennaddu waxay sheegaan in dayax madoobaadku inta badan...
284a4a90-b2b7-45ee-8820-58c3ae9c7a39
721
Sababta guurka qaraabada looga mabnuucayo dalalkan ay Soomaalida ku badan tahay Qaar ka mid ah dalalka dunida ayaa waxaa ka bilaabatay suurtogalnimada in la mamnuuco guurka dhex mara dadka dhalasho ahaan ah qaraabo aad isugu dhow ah sida dadka ilmo adeerka iyo kuwa ilmo habreedka ah. Magaalada Gothenburg ee Sweden koox...
e10afc57-b8ea-4125-b8ae-d7ddbf6a8a92
655
Puntland oo rag kasoo jeeda Marooko dil toogasho ah ku xukuntay Maxkamad ciidan oo ku taal magaalada Boosaaso ayaa xukunno kala duwan ku ridday rag isugu jira Soomaali iyo ajaaniib lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Daacishta Soomaaliya. Raggan oo toddobo ka mid ah ay ajaanib yihiin ayaa lagasoo qabtay deegaanka Calb...
595c9ff3-5dce-405c-a43b-73ec90208a3e
594
Shirkad diyaaradeed oo markii labaad qaladay da'da haweeney jirta 101 Haweeney 101 jir ah ayaa lagu qalday inay tahay ilmo yar taasi oo sabab looga dhigay qalad ka yimid nidaamka diiwaangalinta dadka loo ballamiyo raacidda diyaaradda. Dhacdadani ayaa la sheegay in ay ka dhacday nidaamka shirkadda diyaaradaha ee America...
bb58d1db-e4d3-4479-9a3a-28d3e1888d1a
499
Maxay maskaxdeennu u sameysaa xusuuso been abuur ah? Weligaa masoo xusuusatay inaad furahaaga uga soo tagtay meel, adigoo waliba aad u huba oo is leh halkaas baad uga soo tagtay, balse ma yaabtaa markaad ka weyso, qof baa qaatay haddana ma is dhahdaa, inkastoo aysanba Meesha oollin? Makuu caddaataa inay jeebkaagaba ku ...
807c338f-351f-478e-bc8e-852474f56f6d
698
Ruto oo shaaca ka qaaday arrin uu horay u qariyay oo ku saabsan taliyihii uu ku beddelay ninka Soomaaliga ah Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa qirtay in uu shaqada ka eryay Agaasimihii Hore ee Hay’adda Dambi baarista Kenya, arrintaas oo aan horay loo sii ogeyn. Markii uu Ruto magacaabayay agaasimaha cusub waxa uu sh...
4de7bfa6-d5f5-46f4-8d76-70d40ef402a7
598
Sarkaalkii Qaramada Midoobay iyo wixi xanuunjiyay ee ay ku soo aragtay Qasa Gemma Connell oo ka tirsan hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini'aadantinimada ee OCHA ayaa BBC-da waxa ay uga warrantay wixii ay Isniintii shalay kusoo aragtay cisbitaalka Al-Aqsa ee bartamaha Qasa iyadoo tiri waxa uu ahaa "xasuuq dhab a...
4e7d3350-0932-4982-8b9a-729055efc0ae
558
Toban calaamadood oo kansarka ah oo aan si sahal ah loo aqoonsan Dad badan marka ay maqlaan ereyga kansar, waxay la xiriiriyaan cudur halis ah iyo cawaaqib xumo. Laakiin laga soo bilaabo 70-meeyadii, heerka badbaadada ee cudurka ayaa korortay saddex sababood dartood, taasoo ay ugu wacan tahay fahankii laga haystay ee h...
7d5abae2-724d-4b25-959e-059583d040ee
821
Dadka farxadda badan ee cid kasta la qosla oo la sheegay in wax ka si' yihiin Dadka qaba cudurka Williams Syndrome waxay ula dhaqmaan dadka ay isku cusub yihiin sidii saaxiibkoodii ugu dhowaa. Hadda, xaaladdan ayaa bixinaysa tilmaamo ku saabsan taariikhdeenna horumarka bini'aadantinimo – iyo waxa innaga dhiga bani'aada...
c3ea10f7-ab66-4443-8a63-d8094ddedca9
611
Cabdiweli Gaas muxuu eersaday? Madaxeynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas wuxuu hormuud u ahaa xiriirka sii xumaanayay ee maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa uu tartanka ugu adag uu kala kulmay musharaxiin is bahaystay oo sheegay inay is baddal doon yihiin. Cabdiweli iyo Faroole Waxaa la tartama...
8b8b6316-6e4d-44d5-9e5c-719c2454c396
553
Maxaa xigi doona ka dib dagaalka Qasa ee Israa'iil iyo Xamaas Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa wacad ku maray inuu wax ka bedeli doono bariga dhexe xili dagaalka Qasa uu galay wajiga labaad. Laakin iyadoo ciidamada Israa’iil ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan marinka Qasa oo ay soo saareen digni...
3eee821a-e812-4fa1-9a43-2d23d0ed515b
778
"Mukhalaskii ayaa igu yiri gabadhaadii Janaaso ayaa lagu tukaday" Hooyo gabadheedii ka mid noqtay tahriibayaal badda ku geeriyooday shalay Tobaneeyo tahriibayaal Soomaali ah ayaa la sheegay in dooni ay kula degtay jasiiradda Mayotte ee Afrika ku taalla balse uu maamulo Faransiiska. Dadka dhintay sida la sheegay waxaa k...
7d3f25da-eeca-4cbf-9ad1-03f2010f2eb4
155
Soomaaligii uu Talyaanigu ka qafaalay Masar ee diiday in uu saxiixo xeer ku qaban lahaa maanta Waxa uu ahaa fariid noloshiisa oo dhan u taagnaa difaaca iyo danaha Soomaalida. Isaga oo sagaal iyo toban jir ah ayuu Talyaanigu ka qafaalay Masar, waxa uu sabab u ahaa isfahamkii Jabuuti ku dhexmaray Maxamed Siyaad Barre iyo...
8cfd3332-fea9-42ee-a1c0-dd11151bf5e1
971
Khubaro ku takhasusay dhiig-karka oo isugu tagay magaalada San Francisco Cilmi-baarayaal, dhakhaatiir iyo khubaro ku takhasusayy daweynta cudurka dhiig-karka iyo khatarihiisa ayaa waxa ay isugu tageen magaalada San Francisco ee waddanka Mareykanka si ay uga wadahadlaan sida lagu xakameyn karo cudurkaasi. Cudurkan ayaa ...
3d0f6f38-0551-421a-9822-d2efb1066ec8
122
Todobaad ka dib qabsashadii Goojacadde maxaa xiga labada dhinac Khilaafka siyaasadeed ee Sool waa mid mar walba keenaya in lagu dagaallamo gobolka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed isugu magacawday Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa in uu safar ku tago degmada Oog oo ka tirsan gobolka Sool. Booqashada mada...
c9ee95e1-193c-4aab-8d62-9582f41c4cc6
1,076
Waa kuma Imaamkii Masjidka al-Aqsa ee lagu baaqay in la dilo? Kooxda Israa’iiliyiin ah ayaa bartooda Telegramka soo dhigay magaca imaamka Masjidka al-Aqsa, Sheekh Cekrima Sabri iyo tobanaan kale oo Falastiiniyiin ah iyaga oo ku baaqaya in la dilo. Kanaalka Nazi Hunters 2023 wuxuu ku tilmaamay "bartilmaameedyada" inay y...
8aa47106-4ba1-4fd7-ab6b-97f0fbeb53b3
522
Xannaan: Halkay iskala qaadeen gabadhan Soomaaliyeed iyo dhalinyarada Carbeed? Soomaalida adeegsata baraha bulshada ayaa mararka qaar si wada jir ah u wajahda waxyaabaha qaar. Mararka qaarkood waxaa dhacda in ay shakhsiyaad amaba kooxo bulshooyinka kale ah ay isku af dhaafaan dhanka internetka. “Dagaalka” Soomaalida iy...
2499909a-c41a-4c3c-9145-92b401a9ee2e
999
Ogoow saddex sababood oo Puntland u mamnuucday qamaarka 1xBet Maamulka Puntland ayaa deeganadooda ka mamnuucay barta online-ka ee 1xBet ee qamaarka lagu dheelo. Warqad ka soo baxday madaxtooyda Puntland ayaa lagu amray in shirkadaha isgaarsiinta ee deeganadas ka jira inay meesha ka saaraan Isticmaalka bartan. Wasiirka ...
866a1831-b646-4f84-85cb-5b550479f139
794
Muxuu Sacuudigu balaayiin doollar ugu maalgashanayaa kubadda cagta? Naadiga Al Hilal waa kooxda ugu badan ee hanatay koobabka waxayna ku guuleysatay ilaa 66 koob. Waxay sidoo kale ku guuleysteen Horyaalka AFC Champions League ilaa afar jeer, taasoo ka dhigtay naadigan Riyadh ka dhisan kooxda guulaha ugu badan gaartay e...
c5c4f5e0-aca7-4726-b152-b2db3917c6d3
652
Ruushka oo laba u kala jabay iyo afgembi laga cabsi qabo Hogaamiyaha maleeshiyada xoogstada ah ee Ruushka - Wagner ayaa wacad ku maray in uu afgebin doono hogaanka milatariga Ruushka saacado uun ka dib markii Kremlin-ku ku eedeeyaya "jabhadeyn hubeysan". Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay in dagaalameyaashiisa Wagner ay ka...
7fda6dbb-b1ae-4967-88bb-3d078c39b49a
960
Waa Kumaa Cabdi Madoobe, Sargaalka SSC ee Soomaaliland Ku Sheegtay argagixisada? Markii uu bilowday dagaalka Laascaanood bilowgii sanadkaan 2023 ka, magacyo badan ayaa soo shaac baxay, kuwaas oo hadal hayn ka dhaliyay baraha Bulshada Soomaalida. Cabdi Madoobe waa mid kamid ah. War ka soo baxay Somaliland bishii Febraay...
77f4d618-4d02-42db-94fd-1ce9c5a1e182
529
Maxay ahaayeen raggii ku labisnaa macawisaha ee maanta lagu arkay maamuuskii 18-ka May ee lagu qabtay Hargeysa 18-ka Bisha May sanad walba waxaa gudaha magaalooyinka Somaliland iyo dalalka dibada lagu qabtaa xusas ballaaran oo lagu maamuusayo asaaskii Jamhuuriya Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Sodd...
3f9e3eee-b622-4b2c-87b1-520b1d66aee2
728
Sida gabadhan maqalka naafada ka ah ugu guuleysatay tartanka quruxda dal ay Soomaali ku badan yihiin Mia le Roux ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee maqalka naafo ka ah oo loo caleemo saaro Miss South Africa ka dib wareegii kama danbeysta ahaa oo ay ku soo baxday, inkastoo tartanka lagu kala qeybsanaa. Khudbada aq...
bf3989b4-cb1f-4192-905b-bfc31915d995
544
Maxay damacsan yihiin dhinacyada maanta ku dagaallamay Laascaanood? Wararka ka imaanaya magaalada laascaanood ayaa sheegaya in weli halkaa laga maqlayo rasaas xoog leh oo isugu jirta kuwa yaryar iyo kuwa qoryaha lidka diyaaradaha, taasoo bilaabatay saaka 6-dii subaxnimo. Rasaasta ayaa la aaminsan yahay inay u dhaxayso ...
e7dd1b6e-cf60-4ca7-87c1-b8a6c4ac052e
717
Maxaa laga beddelay baasaboorka cusub ee Ingiriiska, maxaase lagu kordhiyey Baasaboor cusub oo la nashqadeeyay ayaa dhawaan isticmaalkiisa laga bilaabi doonaa Ingiriiska, sannado yar uun ka dib markii isbeddel lagu sameeyey. Dadka dhawaan codsaday in loo cusboonaysiiyo baasaboorka ayaa arki doona farqi u dhexeeya labad...
322a700e-bc66-4cd8-97d1-1de483194a6e
476
Daraasad: Sokorowga si fudud ayaa loo daweyn karaa waana laga hortagi karaa Cudurka sokorta ama sokorowga waxaa uu ka mid yahay cudurrada ay Soomaalida inta badan ka cawdaan. Cudurkan oo aan lahayn daawo toos qofka ugu baxinaysa ayaa haddana waxaa jira qaab uu qofka u noolaan karo. Waxaa sidoo kale jira qaab uu qofka u...
673637d9-839b-4590-a6ca-fdc6a4b388f6
1,078
Maxaa ka jira in dayaxa dushiisa kubad lagu ciyaari karo? Saynis yahanada Machadka Injineerinka iyo Tignoolajiyada ayaa saadaaliyay in haddii la sii wado mashruuca Artemis, aan awood u yeelan doonno inaan ku ciyaarno kubadda cagta dayaxa marka la gaadho sannadka 2035. Waxaa lagama maarmaan ah in wax ka bedel lagu samee...
1f406481-3c00-471b-b75a-9df6ba50f93b
380
Kadib aqoonsiga dowladda Falastiin, yaa hoggaamin doona? Dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo dalal kale ayaa shalay Falastiin u aqoonsaday dowlad. Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa si kulul uga jawaabay warka aqoonsiga. Waxa uu sidoo kale meesha ka saaray go'aankaas oo uu ku sheegay in ay abaal marin...
2d83faa3-7613-48e4-8981-70398a263cf3
884
Maxaan ilaa iyo hadda ka ognahay wixii ka dhacay Aadan Yabaal? Dagaal xooggan ayaa laga soo tabiyay aroornimadii hore ee saakay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe Dhexe ee Soomaaliya, dagaalkan ayaana u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo ururka al-Shabaab. Warar ka...
150224e9-5a41-4a5f-8ecf-f1b4eea3601a
502
Walaaca amni ee ka jira Ceelwaaq iyo sababta aanay wali uga bixin ciidamada ATMIS oo qorshuhu ahaa in ay ka guuraan Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxa jooga Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, saraakiil ciidan iyo xildhibaanno ka tirsan barlamaanka federaalka. Masuuliyiintan ayaa u tagay degmada sid...
8034c430-a159-405c-8626-ded3a977a594
985
Bakteeriyada afka laga helo ma bidhaamin kartaa mustqabalka xanuunnada dhimirka Cilmi-baarayaasha ayaa sheegay in bakteeriyada qaar ee laga helo afka dadka laga yaabo in ay la xiriirto isbeddelka shaqada maskaxda marka ay da'doodu sii weynaanayso. Cilmi baaris ay samaysay jaamacadda Exeter ee dalka Ingiriiska ayaa lagu...
5ba51440-ed7b-4ada-b77b-1de6adbe6388
436
Maxaad ka ogtahay YouTuber kaan reer Ingiriis ee doonaya inuu Soomaaliya usoo guuro? Sam of Somalia ama 'Saamkii Soomaaliya' waa magaca uu ku isticmaalo baraha bulshada, magiciisa saxda ah waa Sam Martin Burr waxa uu kasoo jeedaa cornwall oo ka tirsan dalka Ingiriiska, waa aabe dhalay labo carruur ah, waxa uu diinta Is...
1380b03b-7134-4903-aa7f-2c69d06013a9
728
Ciqaabta guurka Hindiya, dookheeda ayaa loo daldalay ( Digniin: sheekadaan waxaa ku jira waxyaabo ay dhibsan karaan dadka nugul) Booliska degmada Thanjavur ee dalka Hindiya ayaa gacanta ku dhigay waalidiintii dilay gabadhooda, ka dibna dab qabadsiiyay, ka dib markii ay guursatay wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda qoys ...
f74027e1-f054-4d3b-bb13-aef3530fca14
656
Sidee wadaadkaan Soomaaliga ah uu 7 jeer quraanka oo dhan gacantiisa ugu qoray? Sheekh Maxamed Cabdullahi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa todobo jeer gacantiisa ku qoray 114 ka suuradood ee quraanka. Soddon iyo afar sano oo noloshiisa ah ayuu sheegay inay ka qaadatay qorista quraan...
09552a68-7fa1-44d2-b0ff-69adb9d66f95
656
Maxay dad badan shukaansiga u soo afjaraan kadib kulanka koobaad? Kulanka koobaad waxaa loo arki karaa wakhti aad inta dib u fariisato ka ku raaxeysato barashada qofka cusub ee aad kulanteen, adigoo laga yaabo inaad ku jirto jawi deganasho ah. Si kastaba ha ahaatee, qaar badan ayuu kulanka koobaad u yahay gaadiid ay ku...
2ce6029e-d5a5-4aa2-b315-b46beb68367c
556
Xaguu ka yimid dhagaxa qaaliga ee Soomaaliya laga helay? Dhagaxaan qaaliga ah ayaa waxaa laga helay deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan. Dhowaan ayay Jaamacad Canada ku taalla soo saartay natiijada baaritaan ay ku sameeysay dhagaxaan. Haddaba halkee ayuu markii hore ka yimid dhagaxa ay ku jirto macdanta? Barafasoor ...
3e49b439-3d6f-44f4-a194-7bdafb08f802
417
Maxay tahay Muhiimadda Sharciga Baarlamanku ansixiyay u leeyahay Barakacayaasha Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa ku ansixiyay kalfadhigoodii Maanta Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha oo guddiga xuquuqul insaanka uu ku soo daray doodii iyo aragtidii xildhibaanada ee akhrinta labaad, iyada oo ugu horayn xildhiba...
59d5a6fb-2fcd-45e8-899b-59c25a7f0ff8
522
Wasiir xil ka haya dal ku yaalla Yurub oo dacwad ooge dalbaday in lagu xukumo lix sano oo xarig ah maxayse tahay sababtu? Xafiiska dacwad oogaha Talyaaniga ayaa waydiistay Garsooraha Maxkamadda in lagu xukumo lix sano oo xarig ah kiis lagu soo oogay ra’iisul wasaare ku xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini oo diiday inuu ...
dd171df5-3eef-482c-bacf-caff2a2402a6
647
Xaggee ayay Xuutiyiintu ka helaan hubka ay ku weeraraan Badda Cas? Dalka Yemen waa mid ka mida dalalka ugu saboolsan caalamka kaas oo wali la daalaa dhacaya dagaallo sokeeye ilaa sanadkii 2014-kii, ka dib markii kooxaha Shiicadu ay la wareegeen maamulka magaalada caasimadda ah ee Sanca. Howlgal xagga cirka ah oo qaadee...
94caac31-e3d8-4e9f-aa58-dd62853f40e1
1,027
Shan siyaabood oo looga fogaado in aad noqoto saaxiib sun ah iyo sababta ay muhiim u tahay in loo dabaaldego guulaha dadka kale Aadanuhu inta badan ma awooddaan inay gartaan khaladaadkooda. Waxaa laga yaabaa inaan ka cabanno qof kale isla weynidiisa, jaahilnimadiisa, ama nacasnimadiisa, iyadoo aan xitaa tixgelineynin c...
fcbe87d6-ff06-4696-9d8f-da92996b2a33
968
Qiimaha dahabka oo cirka isku shareeray, imisaa lagu kala iibsanayaa? Qiimaha dahabka ayaa gaaray rikoorkii ugu sarreeyay oo ka badan $4,000 (£2,985) halkii wiqiyadood (28 garaam) iyadoo maalgashadayaasha ay raadinayaan meelo ammaan ah oo ay lacagtooda ku shubtaan sababo la xiriira walaaca laga qabo hubanti la'aanta dh...
f73a5584-34a6-40f9-b4ad-b5248449f80c
589
Xildhibaannada UK ee taageersan Somaliland ee dib loo soo doortay iyo kuwa aan dib loo soo dooran Dhawaan UK waxaa ka dhacday doorashada guud ee dalkaas, taasoo lagu soo doortay xubnaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha oo xisbigiisu uu tartanka ku guulaystay. Xisbiga shaqaalaha ayaa 14 sano ka dib mar kale xukunka k...
e65b5aec-288c-448b-9690-07af6a37eb7f
589
Su'aalihii ugu badnaa ee Google la weeydiiyay 2021-kii Shirkadda Google ayaa shaaca ka qaaday liiska qaar kamid ah su'aalihii ay dadka weeydiyeen boggeeda Internet-ka, arrimahan oo muujinaya sida ay xaaladdu aheyd sanadkii tagey ee 2021-ka. Shirkadda weyn ee bixisa adeegyada teknoolajiyadaa ayaa ah goobta ugu caansan e...
ce7eb992-48d9-49f2-b898-fc3625d85e83
394
Shan dal oo dumarka ay ku helaan amniga ugu fiican Inkastoo ay sii kordheyso tirada dadka kalinimada ku safra, dumarku weli waxa ay la kulmaan caqabado marka aysan cidna wehlin. Balse waxaa jira dalal ku fiican sigidda amniga haweenka, kuwaasoo ay waqtiga ugu fiican ku qaataan gabadhaha safarka ku taga. Ka dib markii m...
0b481df3-df2d-49ae-bdb7-8a5ef708e2f0
532
Sabata dumarka Kuuriyada Koofureed aysan u rabin inay carruur dhalaan Waa galabnimo Talaado ah oo roob da’ayo, Yejin aqalkeeda ayey qada ugu karinaysaa saaxiibadeed, halkaas oo ay kaligeed ku nooshahay duleedka magaalada caasimadda Koofur Kuuriya ee Seoul, iyadoo faraxsan. Intay wax cunayeen, mid iyaga ka mid ah ayaa t...
81f3fafe-eb39-4ef1-a3fa-994b3f8bf4e3
1,011
Cimilada kulul oo la ogaaday in ay saameyso caafimaadka canugga ku jira caloosha hooyada Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in haweenka uurka leh ee ka shaqeeya dhulka aadka u kulul ay dhibaato soo gaarto ilmaha ay caloosha ku sidaan. Dhibaatooyinka ka dhalan kara cimilada kulul waxaa kamid ah: sare u kac k...
9e42865c-73ed-433d-a86b-816fd6ddf072
491
Waa kumaa hoggaamiyaha Al-Shabaab ka tirsan ee lagu "dhaawacay" duqeyntii Jilib? Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay weerar dhanka cirka ah oo ay sheegtay in laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubada Hoose. Wasiir ku xigeenka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa s...
67933f56-05c7-4269-a472-695fc70f7c1a
785
Trump: 'Waxaan u socdaa Masar si aan heshiiska xabad joojinta u saxiixo' Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadda ka hadlaya shirka golaha wasiirada ee Aqalka Cad. Waxa uu sheegay in bariga dhexe uu xalay ka dhacay horumar la taaban karo. "Waxaan soo afjarnay dagaalkii Gaza, runtiina saldhig aad u weyn ayay abuu...
036d8a9f-0fe0-42b9-b698-ded05b874576
372
Erdogan oo sheegay in guusha Falastiiniyiintu ku jirto midnimadooda ka dib kulan uu la qaatay hoggaamiyaha Xamaas Booqashada hadda ee Turkiga uu ku gaaray madaxa siyaasadda ururka Xamas Ismaaciil Haniya ma ahayn bilow wada tashi ah oo u dhexeeya Turkiga iyo Xamaas, iyadoo ay wararku sheegayaan in kulamo hore oo Doxa ku...
739ff359-3493-4f88-b8ff-35c6b1d6bd2a
710
Waa kuma Dudaaye qareenka ku caan baxay kiisaskii musuqa ee maxkmadda Banaadir? Maanta waxaa soo gabangaboobay kiisaskii loo haystay qaar kamid ah shaqaalaha dawladda Soomaaliya, oo hanti dhawrka Qarnku ku eedeeyay inay lunsadeen hanti ay leedahay dawladda Soomaaliya. kiisaskaan ayaa intii ay socdeen waxaa si toos ah l...
bb482607-f925-4db9-a721-c296f4a213f4
650
Hogaamiyeyaashii laga dilay Xamaas tan iyo 1987 Yaxya Sinwar waxaa loo magacaabay inuu Xamaas hogaamiyo ka dib markii Ismaaciil Haniyeh lagu dilay Caasimadda Iiraan ee Tehraan ayaa isna lagu dilay Qasa. Ciidanka Israa’iil waxay rumaysan yihiin in Sinwar oo 61 jir ahaa uu ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii 7 Oktoobar...
34e3e2ac-6ea0-49c3-b35f-074512fcb4c2
801
Milateriga Shiinaha oo doonaya inuu “hareereeyo” Taiwan Milaterga Shiinaha ayaa billaabay dhoolatus uu ku muujinayo inuu dhinac kasta ka hareereyn karo Taiwan, kaasoo socon doona saddex maalmood. Xukuumadda Beijing oo u aragta Taiwan gobol ka goostay Shiinaha, ayaa ku tilmaantay dhoolatuska mid “digniin adag” u ah maam...
5b85bac0-05d5-4a23-871f-0b3e71fd116c
482
Maxaa sababa cagaarshowga? see loo aqoonsadaa? maxaana lagu daweeyaa? Indhaha oo jaale ah iyo kaadida oo jaale noqota ayaa ka mid ah calaamadaha caadiga ah ee cagaarshowga. Haddii indhuhu nooc daallan noqdaan oo ay caddaan yihiin unugyada dhiigga oo yar awgood, waxaa loo yaqaan 'patches white' . Cagaarshowga waa cudur ...
c120e1e4-dd07-47ed-9599-7f8760888d21
907
Qaabkii Garyaqaan looga soo tarxiilay Mareykanka iyo walwalka uu hadda qabo Mahad Maxamud waxaa uu si tartiib ah ula qabsanayaa kuleyka iyo xaaladda Muqdisho kadib markii bishii hore laga soo tarxiilay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, xilli cimiladu ay isu baddeleysay qaboobaha. Soomaalida waxay 36 jirkan u y...
9b92b94a-920c-49ff-9239-5fe960b16989
1,735
Taageerayaal u dhashay Canada oo ku buuqay xilli ay socotay heesta calanka Maraykanka Saacado ka dib markii Madaxweyne Donald Trump, uu shaaciyey inuu canshuuro ku soo rogayo dalka Canada, taageerayaasha kooxda xeegada ee caasimadda Ottawa ayaa ku qayliyey kooxda Star-Spangled Banner, intii ay socotay ciyaar ka tirsan ...
78793f00-ffc1-4552-b2b3-c989a79b9c03
515
BBC News, Somali U gudub qaybta macluumaadka Qaybaha War Siyaasad Soomaali Raadiye Muuqaal Haween Ciyaaro Saynis iyo Caafimaad Fan iyo Dhaqan War Siyaasad Soomaali Raadiye Muuqaal Haween Ciyaaro Saynis iyo Caafimaad Fan iyo Dhaqan Daawo sida app kaan uu dad miyiga ku nool uga caawiyo barashada aqriska iyo qoraalka Qala...
e1f13897-a9c8-4315-8e65-b98801e69090
329
Filimka Shah Rukh Ee ‘Jawan’ Miyuu Jabin Doonaa Rikoorka Filimka ‘Pathan’? Filimka xiddiga caanka ah Bollywood ee Shah Rukh Khan ee 'Jawan' ayaa lagu wadaa in la daawada shaashadaha caalamka 7-da bisha Siteembar, waxaana xilli hore tikit-yada filimkan ay taageereyaasha Khan bilaabeen inay goostaan dhammaan hoolka bandh...
be1ce449-78c2-42a3-90c0-a925649b49ab
597
Wicitaankii Putin iyo Trump oo lama filaan ku noqday Zelensky kahor kulankiisa Aqalka Cad Labada Madaxweyne ee Maraykanka iyo Ruushka, Donald Trump iyo Vladamir Putin ayaa wadahadal ay khadka taleefonka ku yeesheen ay ku heshiiyeen inay si fool ka fool ah u kulmaan si ay uga wada hadlaan dagaalka Ukraine, waxaana wadah...
9d640842-6905-451d-979b-3e6303b97b38
638
Maxaad ka taqaannaa dalalka dadkooda ku baryaya 'ilmo badan dhala' si lacag loo siiyo? Madaxweynaha Ruushka ayaa toddobaadkan soo saaray amar lagu xoojinayo abaalmarinta loogu magac daray "Hooyooyinka Halyeeyada ah", barnaamijkaas oo ay hirgelisay dowladdii Midowgii Soofiyeeti sannadkii 1944-tii. Abaalmarintan ayaa loo...
5707789f-1499-4cdd-9f9f-929146008151
405
Maxay tahay sababta aysan qeylada iyo wax burburintu u qaboojin xanaaqa? Waad xanaaqeysaa, dhiiggaagu wuu karayaa, jirkaaga oo dhan ayaa ciriiri galaya waxaadna dooneysaa inaad wax walba oo agagaarkaaga ah burburiso, adiga oo isla markaana ku qeylinaya erayo xun oo lagu soo baray inaadan dhihin. Waana marka aadan awood...
8521c476-7ce3-4ecb-a421-1fe49fb209db
713
Wax ka ogow Cali Tabliiq iyo Xildhibaanadii kale ee Puntland ee ku geeriyooday shilalka gaari Allaha u raxmadee xildhibaan Cali Axmed Maxamuud ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Qardho iyo Garooowe habeenimadii Axada sida uu BBCda u xaqiijiyey Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada P...
66874c12-39aa-4d9c-88bb-6cdfe7d1cfa6
596
Maxay haweenkan Iiraan u diidan yihiin Xijaabka? Haweenka ku dhaqan dalka Iran ayaa mudaaharaad ka dhigayay sharciga adag ee xijaabka iyagoo meel fagaare ah iskaga siibay xijaabka ama qamaarada sida la dheehan karay muuqaallo ay soo dhigeen baraha bulshada. "Maya waan diidnay xijaabka qasabka ah! Maanta markii aan shaq...
7e3478f0-72bf-4bc0-b671-947aaa97f329
626
Nin ku labistay xijaab iyo indha shareer si uu ugu guuleysto ciyaar adag Waxay ahayd talaabo dhiiranaan leh ka dib markii uu 25-jirka Kenyanka ah isu ekeysiiyey haweeney si uu uga qayb galo tartanka gabdhaha ee ciyaarta shaxda nooca loo yaqaan “chess-ka” ee dalkiisa. Isagoo madaxa ilaa lugaha daboolan indho-shareerna x...
232b9894-25a0-4b87-acc5-62b21b6a1219
569
Maxay Canada iyo Denmark ka dheheen damaca Trump ee ah inay ku biiraan Mareykanka? Raysal Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ka jawaabay hadalka Donald Trump ee ah inuu u adeegsan doono "awood dhaqaale" si Canada uu ugu soo daro Mareykanka isagoo sheegay inaysan fursad yar uga bannaaneyn in labada dal ay isku biiraan...
76527baa-bbb9-46ff-b4d5-9ea7ca9a43f7
472
Waa tuma gabadha TikTokleeyda ah ee hilibka doofaarka bisinka u qabatay, maxaase ku dhacay? Maxkamad ku taalla dalka Indonesia ayaa labo sano oo xarig ah ku xukuntay haweeney soo bandhigtay muuqaalka TikTok oo ay ku akhrineysay kelmad Islaami ka hor inta aysan cunin hilibka doofaarka. Muuqaalkan haweenaydan ayaa sidoo ...
0225c140-7f9f-4327-8199-4d8fe793ea24
514
Taliban oo haweenka Afghanistan u diiday in ay bartaan umulisonimada Haweenka dalka Afghanistan ee qaadanaya tababarrada la xiriira umulinta iyo kalkaalisonnimada ayaa BBC-da u sheegay in lagu amray in aysan ku soo laaban fasalladooda. Arrinta ayaa soo afjareysa jidkii ugu dambeeyay ee ay ku heli lahaayeen tacliin sare...
a86c03af-342f-452e-80d0-96fae113cd0b
688
Dhegeyso: Maxaa hortaagan in Baanan caalami ah laga furo Somaliland Dhegeyso: Maxaa hortaagan in Baanan caalami ah laga furo Somaliland Bangiyada ka jira Somaliland ayaa waxa ay wajahaan caqabado kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo dhinaca shuruucda ah. Guddoomiyaha Ururka ay ku bahoobeen bangiyo shan ah oo Somaliland ...
f15371e4-b4b4-42fd-843d-3efadf96d4af
102
Sidee farac ka tirsan al-Qaacida uga mid noqday ururrada argagixiso ee ugu halista badan Afrika Walwalka ku saabsan xasilooni-darrida sii kordheysa ee gobolka Saaxiil ee Galbeedka Afrika ayaa sii xoogeysanaysa, iyadoo rabshado baahsan ay wadaan kooxaha xagjirka ah oo ku fidaya dalalka Burkina Faso, Maali, iyo Niger. Ko...
3ff2a263-2e10-4d05-a2bc-af04a183e73c
1,205
Charlie Kirk: Saaxiibkii Trump ee la dilay maxuu ka dhahay Soomaalida iyo Ilhaan Cumar Charlie Kirk, wuxuu ahaa 31 jir, ahna aasaasaha urur siyaasadeed la dhaho Barta Isbeddelka Mareykanka oo ah urur aan faa'iido doon ahayn oo faafiyaya afkaar dhaqameedka iyo waxbarashada kolejyada Maraykanka. Wuxuuna saaxiib dhow la a...
fee1f273-7190-422e-94b3-1c1719f67c5a
819
Sida 24-sano kadib xukunka 'looga tuuray' Bashaar Al-Asad iyo waxa ay jabhaddu ka yiraahdeen la wareegidda caasimadda Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa Axaddii sheegay inay soo afjareen xukunka Bashaar Al-Asad ee 24-sanno ka talinayay, taasoo markii ugu horreysay manata ay ka shaaciyeen telefishinka dowladda dalkaas ...
29823411-4129-423c-95ba-97ccc5d424a8
680
Hodan Saalax "Waxaan saygaygii, gabadhaydii iyo lugahaygiiba ku waayay habeen uu Muqdisho ka jiray dabaaldeg laba sano ka hor" Soomaaliya, tiro malaha dadka u waxyeelloobay hubka sida sharci darrada ah loo rido iyada oo mararka qaar ay guryaha ugu tagaan qoysas aan waxba ka ogeyn waxa socda ama sababta loosoo riday. Ho...
a32e82df-dd12-4ac1-8100-8f2a9a1e287d
614
Maxaa xalay ka dhacay furimaha dagaalka ee shabeelada dhexe? Howlgallo ay ka mid ahaayeen duqaymo dhanka cirka ah oo lala beegsaday xubno ka tirsan ururka al Shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Sumadaale sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka warfaafinta dolwadda federaalka ee Soomaaliya cabdiraxma...
70ee3b8b-bae7-4364-bb7f-ccaaae23fbd8
527
Maxaad ka taqaan sida Soomaalidu u isticmaasho sumadda xoolaha Soomaalidu waxay qarniyaal isticmaalaysay, welina isticmaashaa sumadda xoolaha maadaama ay yihiin badankood dad xoolo dhaqato ah. Sumaddaas ma aha mid u gaar ah Geela oo kaliya, laakin waxaa sidoo kale la suntaa Lo’da, ariga, idaha iyo meelaha qaar, dameera...
5ee740e6-5955-437f-b1f9-d4340b155016
594
Maxay duqaymaha cirka u dhimi karaan Daacish kana caawin karaan ciidamada Puntland ee la dagaallamaya? Iyadoo buuralleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ay ka socdaan howlagallada ciidamada Puntland kula dagaallamayaan kooxda Daacish ayaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ay duqaymo dhanka cirka ka fuliyeen aagag ku y...
2a61f69f-f59b-42db-875c-0d4e407d336e
715
Maxkamad Kenya ku taalla oo malaayiin lacag ah ku xukuntay dowladda Soomaaliya Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay lacag malaayiin ah oo maxkamad ku taal Kenya ay ku xukuntay dowladda Soomaaliya. Xukunka ayaa waxaa ridday maxkamad ku taalla magaalada Nairobi oo qaadda dacwadaha mur...
6a45f6a3-df88-4681-a190-7ec0415114a9
514
Israa'iil ayaa noqotay khatarta ugu weyn ee dhanka ammaanka ee dalalka Khaliijka iyadoo beddeshay Iiraan - The Guardian Warbixin lagu qoray wargeyska The Guardian ayaa looga hadlay duqeyntii Israa'iil ay ka geysatay caasimadda Qadar ee Dooxa. Qormada oo ay samaysay Sanam Vakil oo ah agaasimaha barnaamijyada ee Bariga D...
c1403b22-dccc-463e-9d22-eadc85eb9396
831
Waa tuma Maya Jaamac, gabadha Soomaaliyeed ee marti gelisa barnaamijka Love Island? Maya Xuseen Jaamac, sidded iyo labaatan jirkan milyaneerka ah isla markaana caanka ah waxay kusoo kortay nolol ka duwan midda hadda, taas oo lagu tilmaamay nolol adag maadaama sida ay sheegtay uu aabeheed marar badan xabsi galay yaraant...
afaa6ab1-3ace-4e96-8bfe-d2b1e3754034
675
Jubaland maxay ka tiri hadalkii uu ra’iisulwasaare Xamse ku dhaliilay madaxdeeda? Maamulka Jubaland ayaa ka falceliyay hadalka Ra’iisulwasaaraha Soomalaaliya Xamse Cabdi Barre oo markii ugu horreysay meel fagaare ah uga hadlay khilaafka dowladda dhexe iyo Jubaland. Khudbad uu jeediyay ra’iisulwasaaruhu ayuu ku eedeeyay...
c67e2c13-9804-4d5b-8ef0-19ae2ffb7624
604
"Aabbahay ayaa aniga oo yar ii sheegay inaan ku biiri doono kooxda Arsenal" Bukayo Saka waxa uu ku biiray akadeemiga Arsenal isaga oo toddoba jir ah. Hadda waa 24 jir, waa shaqsi muhiim u ah Arsenal. Wuxuu uuu u saftay 277 kulan wuxuuna dhaliyay 76 gool. Waxaa aad u jecel taageerayaasha Arsenal isagoo ah nin dhalinyaro...
fa066b14-25f0-41ba-9759-3667a08fe930
653