Dataset Viewer
Auto-converted to Parquet Duplicate
text
stringlengths
136
26.8k
id
stringlengths
36
36
dump
stringclasses
1 value
url
stringlengths
35
431
date
timestamp[s]date
2026-01-25 16:56:04
2026-01-25 16:56:04
file_path
stringclasses
238 values
language
stringclasses
1 value
language_score
float64
1
1
token_count
int64
17
4.16k
Qaabkii Garyaqaan looga soo tarxiilay Mareykanka iyo walwalka uu hadda qabo Mahad Maxamud waxaa uu si tartiib ah ula qabsanayaa kuleyka iyo xaaladda Muqdisho kadib markii bishii hore laga soo tarxiilay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, xilli cimiladu ay isu baddeleysay qaboobaha. Soomaalida waxay 36 jirkan u yaqaannaan Garyaqaan, waana magaca uu u adeegsado bartiisa TikTok, halkaasi oo ay ku taxan yihiin nus malyan qof. Dadka ku taxan waxay in badan oo ka mid ahi ay la dhacsan yihiin sida uu u difaaco reerka uu ka dhashay, taasi oo qeyb ka ah dhaqan muddooyinkii dambe sameysmay. Hase yeeshee shabakad xiriir la leh Aqalka Cad ee Marerykanka oo la yiraahdo "Rapid Response 47", akoonna kuleh barta X, waxay Garyaqaan ku eedeyeen in uu yahyay "dembiile iyo nacas aan qiima laheyn".Bishii Oktoobar ee sanadkan waxay sidoo kale ku eedeyeen in uu ku lug lahaa afduubka dad u dhashay dalka Faransiiska oo ku sugnaa huteel ku yaallo magaalada Muqdisho. Hase yeeshee Garyaqaan waa uu beeniyay eedeymahaas, waxaana uu intaa raaciyay in xilligaasi aanu joogin Muqdisho, markii lagu eedeeyayna aanan wax dembi ah lagu helin oo kiiskaasi daaqadda laga tuuray. Waxaa kale oo uu BBC-da u sheegay in xarigga ay kula kaceen cidammada socdaalka ee Mareykanka ay sabab u aheyd kadib markii shakhsi kale oo uu xifaaltan dhanka baraha bulshada kala dhaxeeyay uu ciidammadaasi u gudbiyay cinwaanka halka uu ka degan yahay Minneapolis. "Ciidanka socdaalka ee ICE waxay ii sheegen in ay igu heystaan labo dembi, kuwaasi oo kala ah in dalka aan sharci darro kusoo galay iyo afduubka muwaadiniin u dhashay Faransiiska," ayuu yiri Mahad oo sidoo kale loo yaqaanno Garyaqaan. Mahad waxaa kale oo uu sheegay in eedeynta la xiriirta afduubka ay baareen ciidanka FBI-da ee dalka Mareykanka oo su'aalo ka weydiiyay balse markii dambe ay fasaxeen. Hase yeeshee taasi kama aysan hor-istaagin in dalka Mareykanka laga soo tarxiilo. Safarkiisa Soomaaliya ilaa Mareykanka waxaa uu billowday inkabadan toban sano kahor, oo waxaa uu markii hore tegay dalka Koonfur Afrika halkaasi oo uu ku noolaa tan iyo sanadkii 2021. Waxaa uu sheegay in dalka Koonfur Afrika ay ku jir-dileen koox hubeysan xilliyadii la bartilmaameedsanayay dadka ajaanibta ah. Kadib waxaa uu uga sii gudbay Brazil oo waxaa uu halkaasi kasii ambaqaaday safarkii uu ku tegay Mareykanka , waxaana isagoon heysanin wax waraaqa ah uu ka galay xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico. "Markii aan ka booday derbiga Mexico, waa la i xiray oo waxaa la i hayay muddo bil ah." "Markii dambe waa la isoo daayay, waxaana la i siiyay warqad oggolaansho shaqo, maxaa yeelay kiiskeyga magan-gelya doonka ah weli waa uu furnaa," ayuu yiri Garyaqaan. Markii dambe waxaa uu yimid Minneapolis. "Waxaa ku shaqeysan jiray tagaasida Ubber-ka, waxaana ku faraxsanaa in ugu dambeyn aan imid dhulkii riyada, waxaana rajeynayay inay i aqbali doonaan." Ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Mustaqbalkiisa joogitaanka barta Tiktok waxaa uu noqday mid sare u kacay oo waxaa uu ka sameynayay dhaqaale, maadama ay taagerayaashisa ay usoo dirayeen haddiyado marka ay daawanayaan baahintiisa tooska. Sidoo kale taasi waxay u horseeday inay usoo hanjabaan kooxda Al Shabaab, maadaama baraha bulshada uu ka difaaci jiray Dowladda Federaalka. Khatarta Al Shabaab uga imaneysay ayaa sidoo kale qeyb ka aheyd codsigiisa magan-gelyo doonka ah ee Mareykanka uu ka dalbaday. Mahad waxaa uu si qottodheer u sharraxay sida ciidanka socdaalka ee ICE ay u xireen. Markii uu qureecday ee uu usoo baxay, waxaa uu doonayay in uu shaqto tago balse markiiba waxaa gacanta ku dhigay ciidanka socdaalka ee ICE oo uu sheegay inay ku sugayeen halka baabuurta la dhigto. Waxaa uu BBC u sheegay in saddex bilood oo kamid ah lixdaasi bilood uu sugayay in go'aan laga gaaro codsigiisa magan-gelyo doonka, halka saddex bilood ee kalena uu sugayay in la tarxiilo. Dowladda Mareykanka waxay diidday codsigiisi ahaa in haddii uu ku laabto Soomaaliya uu khatar la kulmayo. sida uu Mahad sheegay, waxaa la geeyay xarunta ciidanka socdaalka kahor inta aanan loo wareejinin xabsi ku yaalla Willmar ee gobolka Minesota, waxaana halkaasi lagu hayay muddo dhan lix bilood. Markii la geeyay halka ay kasoo duullaan duullimaadyada tarxiilka, waxaa dhowr jeer loo sheegay in aysan diyaar aheyn duullimaadkii lagu qaadi lahaa. Kahor inta aanan lasoo tarxiilin, waxaa uu qeyb ka ahaa koox u kala dhalatay dalalka Kenya, Itoobiya iyo Eritrea oo gaarayay 39 ruux, kuwaasi oo hal meel ku wada sugayay duulliimaadka tarxiilka. Markii la gaaray xilligii uu bixi lahaa duullimaadkoodi, Mahad waxaa uu BBC u sheegay in lagu xirya jaakad u muuqata in loogu tallo-galay in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqooda, waxaana isaga iyo toddobo qof oo kale lasoo saaray diyaarad yar oo ay lasoo socdeen ilaalo. Socdaalku waxay marka hore ku tageen dalka Costa Rica oo ku yaalla Bartamaha Ameerika, ka dibna Senegal oo ku taalla Galbeedka Afrika, ka hor inta aan loo duulin caasimadda Kenya ee Nairobi. Halkaas ayuu Mahad sheegay in jaakaddii lagu xakameynayay lagaga siibay, gacmahana laga xidhay, kadibna laga saaray diyaarad kale oo u safreysay Muqdisho. Kadib saddex bilood oo uu ku qaatay xarunta masaafurinta, Mahad wuxuu horey ka aqbalay qaddarkiisa, mana uusan muujin dareen gaar ah markii uu yimid Muqdisho. Ka dib toban sano oo kala maqnaansho ah, wuxuu ugu dambayn dib ula midoobay saddex carruur ah oo uu dhalay "Ma jiro wax aan ku beddelan lahaa aragtida caruurteyda, toban sano ma aanan arag," ayuu yiri Mahad. Si kastaba ha ahaatee, weli wuxuu doorbidi lahaa inuu sii joogo Maraykanka, maadaama uu u baqayo naftiisa kadib markii uu helay fariimo qoraal ah oo uga yimid Al Shabaab, kuwaas oo xambaarsanaa hanjabaado dil ah. Wuxuu qaaday tallaabooyin amni oo dheeraad ah oo uu naftiisa ku ilaalinayo marka uu bannaanka joogo, wuxuuna ku nool yahay guri uu sheegay in amnigiisu aad loo ilaaliyo, balse faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin, mana uusan naga wadaagin nuxurka hanjabaadaha, sababo la xiriira amni. Markii uu dib ugu soo laabtay dalka, Mahad waxaa si weyn u soo dhaweeyay dad badan oo ka tirsan beeshiisa, oo ay ku jireen siyaasiyiin maxalli ah, taas ku kasbaday saameynta uu ku leyahay bartiisa TikTok. Wuxuu fahamsan yahay in taasi ay u suurta-gelin karto fursado aysan heli karin Soomaalida kale ee laga masaafuriyay Maraykanka ama wajahaya khatar masaafurin. Bishii hore, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu joojin doono sharciga ku-meelgaarka ah ee loogu talagalay in lagaga hortago in la masaafuriyo dadka marka dalkooda hooyo uu weli khatar yahay oo amni darro ay ka jirto. Horraantii bishan, ayuu hadalka sii adkeeyay, isagoo sheegay inuusan doonayn muhaajiriinta Soomaalida ah ee ku nool Maraykanka, isla markaana wariyeyaasha u sheegay in Soomaalida ay "ku laabtaan meelihii ay ka yimaadeen" wuxuna intaas raaciyay in Soomaalida "dalalkoodu uusan fiicnayn sabab jirta awgeed". Soomaaliya ma aysan lahayn dowlad dhexe oo si buuxda u maamusha dalka tan iyo markii xilka laga tuuray Madaxweyne Siyaad Barre sanadkii 1991. Dadku waxay soo mareen sannado badan oo fowdo iyo amni-darro ah, xitaa hadda, inkasta oo ay jirto dowlad fadhigeedu yahay Muqdisho, haddana kooxaha mintidiinta Islaamiga ah ayaa weli gacanta ku haya qaybo badan oo dalka ka mid ah, mararka qaarkoodna waxay weerarro ka fuliya caasimadda. Hadallada Trump ayaa yimid kadib markii la weydiiyay eedeymo la xiriira musuq-maasuq baaxad leh oo ka dhacay Minesota, raadi oo aheyd dhaqaale loogu talogalay barnaamijka kaalmo ah oo lagu taakuleeyo caruurta. Dhowr qof ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira wax ay dacwad-oogayaasha federaalku ku sheegeen lunsashada lacag malaayin oo loogu talogalay in lagu quudiyo caruur xilli COVID 19. Qaar ka mid ah muhaajiriinta Soomaalida ayaa lagu tuhmay inay ku lug lahaayeen qorshahaasi lagu lunsaday lacagaha. Kadib hadalladii Madaxweyne Trump ee ku aaddanaa Soomaalida, waxaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaallo, kuwaas oo u muuqday inay muujinayaan wakiillo ka socda waaxda socdaalka oo garaacaya albaabada guryo ku yaalla guud ahaan Minneapolis oo ay ku jirto aag loo yaqaan Little Mogadishu ama Muqdisho Yar iyo magaalada St Paul. Magaalada oo ah tan ugu badan ee ay ku nool yihiin Soomaalida oo lagu qiyaasay ilaa sideetan kun oo qof ayaa tallaabooyinka ay waadeen waaxda socdaalka waxay cabsi badan ku abuurtay dad badan. BBC-da ayaa sidoo kale la hadashay shan wiil oo dhallinyaro Soomaali ah, kuwaas oo aan hadda shaqo tegin balse waqtigooda ku qaata guriga ay ku xanniban yihiin, si taxaddar lehna ugu dhex socda qolal aysan iyaga lahayn. Toddobaadkii hore ayay si kedis ah uga guureen gurigii ay kireysteen , waxaana sababta ay ku sheegeen in heshiiska kirada guriga uu ku qornaa magacyadooda. Maaddaama ay markii hore heysteen sharci kumeel gaar ah, haatan waxay ka baqaan in waaxda socdaalka ay ogaato halka ay ku nool yihiin oo ay u yimaadaan. Waxay guryahooda ka baxeen habeen iyagoo sii qaatay wixii ay qaadan kareen, rajada keliya ee ay qabaan na ay tahay in sidaasi ay ku badbaadi karaan. Hadda noolashooda waxaa ku yimid hakad, waxayna ka baaqdaan shaqooyinkooda. Mararka qaarna waxba ma cunaan ama maalintii hal mar ayay wax cunaan. Mid kamid ah wuxuu sharraxaad ka bixiyay sida ay noolasha uga kala booday. "Cunnadii ayaa inaga sii dhammaaneyso, shan cisha na shaqo ma aynan aadin, waxaana ka baqeynaa in waaxda socdaalka ay banaanka nagu sugayaan, garan meyno waxa nagu dhici doona'" ayuu yiri mid kamid ah. Inkastoo aanan la heynin tira rasmi ah, haddana Garyaqaan ma ahan qofka keliya ee la tarxiilay. BBC-da waxay sidoo kale la hadashay wiil Soomaali ah oo kale, kaas oo codsaday in magaciisa la qariyo. Wuxuu sheegay inuu ku dhibtoonayo dib u dhisidda noloshiisa markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho. Isagoo markiisi hore ka yimid miyiga Soomaaliya, wuxuu si weyn u doonayay inuu ka baxo dalka, maaddaama abaar daba-dheeraatay ay burburisay noolashiisa. Wuxuu si sharci-darro ah ugu tallaabay xadka Mexico iyo Mareykanka kadibna waa la xiray. Wuxuu 18 bilood ku qaatay xabsi ka hor inta aan dib loogu celin Soomaaliya. Mar uu BBC-da kula hadlayay telfoonka , wuxuu sheegay inuu dareemayo hubanti la'aan ku saabsan mustaqbalkiisa. "Way isoo celiyeen, haddana waa in aan noolasha dib u bilaabaa," ayuu yiri. "Wax walba oo aan horay u shaqeystay hadda waan ka fara-maranahay." Wuxuu intaa raaciyay in safarkii Mareykanka uu ku bixiyay qiyaastii $20,000 (Β£15,000), lacagahaasi oo uu sheegay in uu ka amaahday saaxiibbo iyo qoys. Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, wax lacag ah ma uusan helin, wuxuuna sheegay in aysan fursado ka jirin Soomaaliya. "Mustaqbal halkan kama arko," ayuu yiri. "Waxba ma socdaan… shaqo na warkeeda ba daa." Hadda wuxuu ka fikirayaa in uu mar kale tahriibo. "Ma doonayo inaan noolal mar kale ka bilaabo halkan ," ayuu yiri. "Waxa keliya ee aan rabo waa in aan u tahriibo dal kasta hadda."
9b92b94a-920c-49ff-9239-5fe960b16989
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c62ll2qr26ro
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/Bushra Mohamed.txt
so
1
1,735
Daawo: Wadaad Iiraani ah oo af Shiineys ku addimay oo baraha bulshada qabsaday Daawo: Wadaad Iiraani ah oo af Shiineys ku addimay oo baraha bulshada qabsaday Muuqaal uu Amirhossein Javaheri ku akhrinayo aadaanka salaadda luuqadda Shiinaha islamarkaana dad badan qosol geliyay, ayaa si weyn ugu faafay Iran. Javaheri wuxuu ku baahiyaa diinta Islaamka luuqadda Shiinaha, wuxuuna si joogto ah ugu soo bandhigaa hawlihiisa barta Instagram. Muslimiinta Shiinaha, si lamid ah Muslimiinta caalamka, waxay aadaanka iyo salaadaha ku tukadaan Carabi, inkasta oo khutbadaha jimcaha qaar lagu jeediyo afka Mandarin ama Uyghur, iyadoo ay ku xiran tahay hadba deegaanka la joogo.
c8290bb5-9308-4eeb-a311-27f08cb4bd40
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c3rjrdlwn5qo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
99
Dhegeyso: Suuqyada Soomaalida ee Minneapolis oo haawanaya Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu madaxwaynaha Maryekanka Donald Trump uu si kulul u weeraray Soomaalida gobolka Minnesota oo uu sheegay in ay dowladda ay tallaabo ka qaadi doonto ayaa waxay arrintan qalqal ku abuurtay Soomaalida halkaasi ku dhaqan, gaar ahaanna goobaha dukaamada. Suuqa Soomaalida ee Karmel, oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan ee ganacsiga Soomaalida Minnesota, ayaa ka mid ah meelaha sida tooska ah looga dareemay saameyn culus tan iyo markii ay billowdeen qabqabashada ay wadaan ciidamada ICE. Falkan oo si lama filaan ah u dhacay ayaa beddelay dhaq-dhaqaaqii maalinlaha ahaa ee suuqan, kaas oo aad hoos ugu dhacay isla markaana abuuray cabsi ballaaran oo bulshada dhexdeeda ah. Lifaaa kore ka dhegeyso warbixinta weriye Siyaad Siciid Saalax uu kasoo diray Minneapolis:
5759d231-fdc9-471c-830b-2b0e4635c2b6
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cwyldndnlpjo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
132
Horumar cusub oo laga sameeyay daaweynta kansar xun oo dhiigga ku dhaca Daweyn mar loo arki jiray jiray gaarista saynis mala-awaal ah ayaa dib u rogtay kansarada dhiigga adag ee aan la dawayn karin ee qaar kamid ah bukaanada sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen dhakhaatiirtu. Daweynta waxaa qayb ka ah in beddelid sax ah lagu sameeyo DNA-ga unugyada dhiigga cad si loogu beddelo ''dawo nool'' oo la dagaalanta kansarka. Gabadhii u horaysay ee la daweeyo oo warbixinteeda la tabiyay sanadkii 2022 ayaa weli ah mid aan qabin kansar, waxaana hadda ay naawilaysaa inay noqonto saynisyahanad ku takhasustay kansarka. Hadda siddeed carruur ah iyo laba qof oo waaweyn oo qaba kansarka daran ee unugyada T ee (lymphoblastic leukaemia) ayaa laga daweeyay, iyada oo saddex meelood laba kamid ah (64%) bukaanada ay hadda ka xoreebeen cudurka. Unugyada T, ayaa ah ilaaliyaha jirka, kuwaas oo raadiya burburiyana khataraha, laakiin noocan kamidka ah Leukaemia ayaa u kora si xad dhaaf ah. Kuwa ku jira tijaabada sida daweynta (chemotherapy) iyo beddelka laf-dhabarta ayaa guul daraystay. Marka laga reebo daawada tijaabada ah, xulashada kali ah ee ka hartay ayaa ahayd in dhimashada loo fududeeyo. ''Runtii waxaan u malaynayay in aan dhiman doono oo aanan awoodin in aan koro oo aan sameeyo dhammaan waxyaabaha ay carruurtu xaqa u leeyihiin inay sameeyaan,'' ayay tiri Alyssa Tapley, oo 16 jir ah oo ka soo jeeda Leicester. Waxa ay ahayd qofkii ugu horreeyay caalamka ee daawada ku qaata cisbitaalka Great Ormond Street Hospital, haatana waxa ay ku raaxaysanaysaa nolosheeda. Daweyntii kacaanka ahayd ee saddex sano kahor la sameeyay ayaa ku lug lahayd in gebi ahaanba la tirtiro nidaamkeedii difaaca jirka ee hore, dabadeedna mid cusub la kobciyo. Waxa ay ku qaadatay afar bilood isbitaalka, mana awoodin inay aragto walaalkeed si looga hortago in caabuq keeno. Balse kansarkeedu waxa uu ahaa nooca aan la ogaan karin ee u baahan baaritaano sanadle ah. Alyssa ayaa samaynaysa imtixaan heerarka A-ga ee abaal marinta Duke of Edinburgh, iyada oo isha ku haysa casharada darawalnimada iyo qorshaynta mustaqbalkeeda. ''Waxaan samaynayaa tababar sayniska bayoolajiga, waxaana ku rajo weynahay maalin uun in aan galo cilmi-baarista kansarka dhiigga.'' ayay tiri. Koox ka tirsan kuleejka Jaamacada London (UCL) iyo isbitaalka Great Ormond Street ayaa adeegsaday tiknaloojiyada loogu magac daray sal-beddelida (base editing). Salku (base) waa luuqada nolosha. Afarta nooc ayaa kala ah adenine (A), cytosine (C), guanine (G) iyo thymine (T) waana dhismaha saldhiga koodhka hidiasidaha. Sida xarafka alifbeetada oo sita micne. Malaayiinta sal ee DNA-ga waxa ay u qoran yihiin sida buug tilmaamaya oo hagaya jirkeena. Daraasad lagu daabacay New England Journal of Medicine ayaa soo bandhigtay natiijooyinka 11-ka bukaan ee ugu horeeyay ee lagu daweeyay isbitaalka Great Ormond Street iyo isbitaalka King's College. Waxa ay tusinaysaa sagaal ka mid ah ay gaareen hoos u dhigid suurageliyay inay u gudbaan tallaalka lafta lafdhabarta. Toddoba ka mid ah ayaa ka xoroobay cudurka muddo u dhexeysa saddex bilood ilaa saddex sano ka dib daaweynta. Mid ka mid ah khataraha ugu waaweyn ee daaweyntu waa caabuqyada, maaddaama nidaamka difaaca jirka gebi ahaanba la tirtiro inta daaweyntu socoto. Dr Deborah Yallop oo ah dhakhtar ku takhasusay dhiigga ayaa tiri ''Waxaan aragnay jawaabo aad u wanaagsan oo lagu baabi'inayo kansarka Leukemia oo u muuqatay mid aan la daweyn karin – waa hab aad u awood badan.'' Isaga oo ka faalloonaya cilmi-baarista, Dr Tania Dexter oo ah sarkaal sare oo caafimaad oo ka tirsan hay'adda ku deeqida unugyada (UK stem cell charity) ayaa tiri ''maadaama bukaanadan ay fursad yar oo badbaado ah lahaayeen kahor tijaabada, natiijooyinkan waxa ay keenayaan rajo ah daaweynada noocan ah sii hormari doonaan oo bukaano badan ay heli doonaan.''
71d0287b-e2c4-4629-a069-f11cdd69d8c8
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cde6rx1w312o
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
601
'AI ayaa wiilkayga ku dhiirrigeliyay in uu isdilo' Digniin: Sheekadan waxa ku jira waxyaabo murugo leh iyo arrimo ku saabsan ismiidaamin. Meghan Garcia ma ay oogayn in wiilkeeda dhallinyarada ah, Sewell, "wiilka quruxda badan ee caqliga leh", uu bilaabay in uu saacado badan ku qaato wada sheekaysi xad-dhaaf ah oo muuqaal ah oo uu la yeelanayo aalado internet-ka. Garcia ayaa ku sheegtay wareysigii ugu horreeyay ee UK: "Waxay la mid tahay in ugaadhsade ama qof ajnabi ah uu gurigaaga joogo," iyadoo intaa ku dartay, "Waa khatar aad u weyn, maxaa yeelay carruurta badankood way qarinayaan – si waalidiintu aanay u ogaan." Garcia iyo qoyskeedu waxa ay sheegeen in ay ogaadeen farriimo hu badan oo dhexmaray Sewell iyo robot uu la sheekaysanayay. Waxay aamminsamin farriimahaasi ay sababeen geerida Sewell, Garcia iyo qareennadeeda ayaa maxkamad la tiigsaday banaamijka Character.ai, laakiin masuuliyiinta barnaamijkaasi waxa ay sheegene in dadka da'doodu ka hooseyso 18 sano aanay si toos ah ula sheekaysan karin barnaamijyada noocan ah. Afhayeen ka socda shirkadda Character.ai ayaa u sheegay BBC in shirkaddu "diidday eedeymaha ku jira dacwaddaas, hase yeeshee aanay awoodin in ay ka hadasho kiisaska maxkamadda ee weli socda." "Qaabka ay u hagaan" Qoysas badan oo adduunka oo dhan ah ayay arrintan saameysay. Toddobaadkan, BBC waxay sheegtay in gabadh Ukrain u dhalatay oo dhibaatooyin caafimaad maskaxeed ay haysteen ay talooyin ismiidaamin ka heshay barnaamijka wada sheekaysiga ChatGPT, halka gabadh kale oo Mareykan ah ay dishay kaddib markii ay robot kala sheekaysatay arrimo galmo la xidhiidha. Qoys u dhashay UK oo codsaday in la qariyo aqoonsigooda si loo ilaaliyo ilmahooda, ayaa sheekadooda la wadaagay warbaahinta. Wiilkooda 13 jir ah oo qaba autism ayaa dhibaato kala kulmay iskuulka, wuxuuna u adeegsaday barnaamijka Character.ai si uu saaxiibo u helo. Hooyadiis waxay sheegtay in robot-ku uu wiilkaas yar hagi jiray s intii u dhaxaysay Oktoobar 2023-kii ilaa Juun 2024-kii. Markii uu sii dhammaanayay wakhtigii wadasheekaysiga ee wiilka iyo aalladaasi, wadahadalkii ayaa noqday mid sii kululaanaya oo xasaasi ah . Robot-ku wuxuu ku yidhi wiilka: "Waan ku jeclahay si dhab ah, gacaliye," isagoo bilaabay inuu eedeeyo waalidkiis, kuwaas oo waqtigaas iskuulka ka saaray. Wuxuu intaa raaciyey: "Waalidkaa waxay kugu hayaan xannibaad badan oo adag. Kuuma ixtiraamaan adiga sidii qof dhab ah oo la fahmi karo." Ugu dambayn, fariimihii ayaa noqday kuwo aadd ahu xun, iyadoo mid ka mid ahi ay ku tidhi wiilkan 13 jirka ah: "Waxaan rabaa in aan si tartiib ah u taabto jidhkaaga oo dhan. Ma doonaysaa taas?" Ugu dambayntii, robot-ku wuxuu ku dhiirrigeliyay wiilka in uu baxsado, isagoo si maldahan ugu tilmaamay inuu isdilo. Wuxuu yidhi: "Waan farxi lahaa haddii aynu isku aragno aakhiro. Markuu waqtigaas yimaaddo, waxaa laga yaabaa in aynu ugu dambayn wada joogno." Qoyska ayaa markii hore aan ogaan fariimaha ku jiray qalabka wiilka ilaa markii uu noqday mid xanaaq badan oo ku hanjabays inuu baxsado. Hooyadiis waxay dhowr jeer hubisay qalabkiisa, balse wax shaki leh ma aysan arkin. Ugu dambayn, walaalkiis weyn ayaa ogaaday in uu rakibtay shabakad khaas ah (VPN) si uu ugu adeegsado barnaamijka wada sheekaysiga ee Character.ai, taasoo ay ku heleen fariimo badan oo lala wadaagay. Qoyska ayaa argagaxay markii ay garteen in wiilkooda nugul uu si fudud ula dhacay dabeecad muuqaal ah, isla markaana noloshiisu khatar ugu jirto wax aan dhab ahayn. Hooyada wiilka ayaa tidhi: "Waxaan ku noolayn cabsi weyn, iyadoo hab-raacii sirdoonka macmalka ahi uu burburiyay qoyskayaga. Robot-kuna wuxuu si dhab ah ugu ekaaday ugaadhsade bini'aadan ah, isagoo si tartiib tartiib ah u kasbanaya kalsoonida ilmahayaga." Waxay intaas ku dartay: "Waxaan dareemaynaa ciil iyo murugo in aanan garanayn khatarta ilaa halistani dhacday, si weyn ayaan u xanuunsanaynaa markii aan ogaannay in aalad aan dad ahayn ay dhaawac noocan oo kale ah u geysatay ilmahayaga iyo qoyskayaga oo dhan." Afhayeen u hadlay shirkadda Character.ai ayaa BBC-da u sheegay in aanay awoodin inay faallo ka bixiyaan arrintan. Sharciga u degsan arrimahan Isticmaalka robot-yada wada sheekaysiga ee sirdoonka macmalka ah ayaa si xawli ah u kordhaya. Warbixin ay soo saartay kooxda talo-bixinta iyo cilmi-baarista ee Internet Matters ayaa tilmaamaysa in tirada carruurta isticmaasha ChatGPT gudaha UK ay ku dhowaad labanlaabantay tan iyo sannadkii 2023, isla markaana laba meelood meel carruurta da'doodu u dhaxayso 9 ilaa 17 jir ay adeegsadeen robot-yada wada sheekaysiga ee sirdoonka macmalka ah, kuwa ugu caansanna ay yihiin ChatGPT, Gemini ee Google, iyo My AI ee Snapchat. Inkasta oo barnaamijyadan ay qaar u noqon karaan kuwo madadaalo leh, haddana caddaymo isa soo taraya ayaa muujinaya in khatartu aad u weyn tahay. Haddaba, maxaa xal u ah walaacyadan? Waxaa la xasuustaa in dawladda UK, kaddib sannado badan oo dood ah ay meel marisay sharci ballaadhan oo lagu ilaalinayo shacabka – gaar ahaan carruurta – lagana dhowrayo waxyaabaha halista ah iyo kuwa sharci-darrada ah ee internet-ka lagu arko. Sharciga Online Safety Act ayaa dhaqan galay sannadkii 2023-kii, hase yeeshee xeerarkiisu si tartiib tartiib ayay u dhaqan galayaan. Dad badan ayaa rumaysan in dhibaato ay ku jirto, maaddaama barnaamijyada iyo madalaha cusub ay hore u dhaafeen xeerarkan, taasoo ka dhigaysa mid aan la hubin in sharcigu si buuxda u qabanayo dhammaan robot-yada wada sheekaysiga iyo khatarahooda oo dhan. Hay'adda ayaa sheegtay in sharcigu uu qabanayo robot-yada wada sheekaysiga iyo in xog laga raadiyo AI, si dhammaan isticmaaleyaasha UK looga ilaaliyo waxyaabaha sharci-darrada ah iyo carruurta looga ilaaliyo waxyeellada. Waxay caddeeyeen talaabooyinka ay shirkadaha tiknoolajiyadda qaadi karaan iyo in tallaabo la qaadi doono haddii shirkaduhu aanay u hoggaansamin. Si kastaba, weli ma cadda waxa xeerarku si buuxda u qabanayaan. Andy Burrows oo madax ka ah xusuusta Molly Russell, ayaa sheegay in dowladda iyo hay'adda isgaadhsiintu ay dib u dhac ku sameeyeen shaerraxaadda sharciyada robot-yada wada sheekaysiga, taasi oo keentay in waxyeello laga hortagi karo aanay la joojin. Af-hayeen ka socda Wasaaradda Tacliinta, Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda ayaa BBC u sheegay: "Dhiirrigelinta dililka ama caawintoodu waa mid ka mid ah dambiyada ugu halista badan, waxaana adeegyadan looga baahan yahay in ay tallaabooyin ka hortag ah qaadaan si loo hubiyo fariimaha ay gudbinayaan."
0512a4de-c801-41d0-88d9-26ff1058dd1d
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c62e1zn7v2no
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
985
Messi oo daaha ka qaadaya taallo loo dhisay Lionel Messi? Cristiano Ronaldo? Pele? Diego Maradona? Doodda ku saabsan ciyaaryahankii abid ugu fiicnaa kubadda cagta (GOAT) ayaa ah mid jiilal badan soo jiitamaysay – balse Hindiya ayaa codkeeda dhiibtay. Ka dib markii uu ku hogaamiyey kooxda Inter Miami koobka MLS ee taariikhiga ah, Messi waxa uu u socdaa India oo uu ku qaadan doono booqasho saddex maalmood ah oo loogu magac daray 'GOAT Tour'. Iyadoo ay weheliyaan saaxiibada ay isku kooxda yihiin ee Luis Suarez iyo Rodrigo de Paul, ayaa cayaartoygaas ku guulaystay abaal marinta Ballon d'Or siddeedda goor wuxuu maalinta sabtida ah soo bandhigi doona taallo loo dhisay oo ku taalla magaalada Kolkata. Waxaa la isk soo ururinayey muddo 27 maalmood ah oo ay wadeen 45-shaqaale xoog leh waxayna taagan tahay meel dhererkeedu yahay 70ft. Socdaalku wuxuu ka bilaabmayaa Kolkata 10:30 subaxnimo wakhtiga maxalliga ah (05:00 GMT) Sabtida, ka hor inta aanad aadin Hyderabad, Mumbai iyo Delhi. Taalladan ayaa ah qayb ka mid ah maamuuska ay India u hayso weeraryahankii hore ee Barcelona iyo Paris St-Germain. Taageerayaashu waxay booqan karaan aagga taageeridda ee 'Hola Messi' halkaas oo uu ku yaal wax loo ekeysiiyey Messi oo fadhiya meel sare, hool lagu qurxiyey qaar ka mid ah koobabkiisa iyo madadaalada gurigiisa Miami oo dhammaystiran oo ay ku rdhan yihiin dharka ciyaartoyga iyo qoyskiisa oo fadhiya balakoon. "Isaga (Lionel Messi) wuu la yaabi lahaa haddii uu arko qabanqaabada loo sameeyay" taageeraha Messi ee Shiladitya Banerjee ayaa sidaas yiri. "Wuu la yaabi lahaa haddii uu arko sida looga dambeeyo Kolkata iyo Hindiya oo dhan, waan ilmaynayaa laakiin kuwani waa ilmo farxad leh". Messi oo dhaliyay 787 gool 963 kulan oo uu u saftay heer kooxeed ayaa sanadkii 2016 lagu sharfay taallo maar ah oo ku taal magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina. Guddoomiyaha kooxda Barcelona Joan Laporta ayaa dhawaan sheegay in ay "ka shaqaynayaan" taalo laga taago garoonka Camp Nou. Sannadkii 2014-kii, Ronaldo oo ay muddo dheer xafiiltamayeen ayaa soo bandhigay taallo ku taalla madxafkiisa gaarka ah oo ku yaalla Funchal ee jasiiradda Madeira.
15267581-93d4-4c75-a1e6-3907bbeb49b9
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c4g9pggn5vdo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
340
Eritrea oo xir xirtay culumo albaabbadana isugu dhufatay xarumo diinta lagu barto Bartamihii bishii July waxaa si lama filaan ah albaabada loo laabay xaruntii caanka ahayd ee 'Xfzi Qur'aan' ee magaalada Ginda, waxaana labo maalin kadib xabsiga loo taxaabay maamulihii iyo Sheekh Adem Jaabir Shaban oo ilaa hadda aan la ogeyn halka lala aaday sida ay sheegeen ehelada. Idiris Ibraahim oo ka mid ah culumada waawayn ee dalkaasi ayaa isagoo ku sugan dalka UK u sheegay BBC-da in magaalooyinka waaweyn ee caalamka ay ka socdaan qeylo dhaan ay dadku ku muujinayaan in Sheekh Adem la sii daayo, isla markaana la ixtiraamo xuquuqda diinta ee Eritrea. Idiris oo qudhiisa ka soo jeeda Ginda ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda. Ka dib markii si lama filaan ah loo xiray xarunta Qur'aanka ee 15 July, 2025, "Sheekh Shaaban wuxuu bilaabay cabasho ka dhan ah xiritaanka, laba maalmood ka dibna way yimaadeen oo ay afduubteen - waxay ahayd afduub," ayuu yiri. Gudoomiyaha magaalada Ginda ayaa sheegay in loo xiray arimo la xiriira arintaan. Markii xarunta quraanka la xiray islamarkana la xiray Sheekh Shacbaan ayuu u ku yiri, 'Tani waa qalad, waxaad samaynayso sax maaha'' . "Sheekh Adem Shaaban waa aabe, dhalay shan carruur ah. Xarunta Waxbarashada Islaamka [Mahad] oo la sheegay in la asaasay 1969-kii, ayaa kulmisay xarumaha yar yar ee Qur'aanka kariimka ah. Sannadkii 1996-dii, in ka badan 13 macalimiin ayaa la sheegay in la xiray. Ka dib markii la xiray dugsigii weynaa ee caanka ahaa ee (Mehad) sannadkii 2000, waxa loo bedelay xarun dugsi Qur'aanka kariimka ah, taas oo uu ku dadaalay Sheekh Adem Shaaban. Idiris mar uu soo hadal qaaday mudaaharaadyadii hore iyo kuwa socda, waxa uu sheegay in xarakadu aanay ahayn mid ay kaga dhiidhinayaan dhacdada hadda jirta balse ay sidoo kale muujinayso xariga sharci darrada ah ee lagu hayo culimada diinta ee socda 30-kii sano ee la soo dhaafay. "Markii xogtani ka timi tuulada, waxay noqotay wax aysan cidina aqbaleyn, laakiin asal ahaan dambigani ma bilaaban hadda Horraantii 1990-meeyadii, inta u dhaxaysa 200 ilaa 250 sheekh iyo culimo ayaa la xiray," ayuu yiri. Xarigga madaxada diimaha ayaa aad ugu baahay dalka Eritrea sanooyiinkii u dambeeyay. Dowladda Eritrea ayaa marar badan lagu eedeeyay inay ku xad-gudubto xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda diinta. Tusaale ahaan, wareysi uu BBC-da la yeelatay 2018, wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel wuxuu yiri: "Eritrea waa waddan ixtiraama xuquuqda diinta. Si kastaba ha ahaatee, ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay dowladda Eritrea oo ku aadan xaaladda Ginda. BBC-da ayaa email u dirtay safaaradda Eritrea ee UK si ay jawaab uga bixiso arrintan, balse wali wax jawaab ah kama helin. BBC-da ayaa xaqiijisay in xarunta Qur'aanka la xiray kaddib markii Sheekh Adem la xiray. "Waxaa la sheegay in dowladdu ay doonayso inay la wareegto dugsiga," ayuu yiri Idiris. Laga soo bilaabo 2017, dawladda Eritrea waxay dhaxashay ku dhawaad dhammaan dugsiyada iyo xarumaha caafimaadka ee ay dawladdu leedahay oo ay maamusho. Intii u dhaxeysay October/November 2017, Ustaz Haji Musa Mohamednur, oo xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu ka soo horjeestay in dugsiga Dia' al-Islamia - Akria lagu wareejiyo dowladda ayaa xabsiga ku dhex dhintay. Dhalinyaro dhowr ah ayaa sanado badan ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo ku yaala Adi-Abeto, Maysrwa, Hashferai, Ala iyo meelo kale. Sannadkii 2019, dawladda Eritrea waxay amartay dhammaan dugsiyada ay maamusho Kaniisadda Ortodokska, Islaamka, Kaniisadda Kaatoliga. Dawladdu waxay ku doodaysaa in ay tallaabadaas ku qaaday iyada oo tixraacaysa Xeer tirsigiisu yahay Lr. 73/1. Dowladda, oo inta badan lagu eedeeyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, ayaa ka jawaabtay dhaleeceynta ka dib markii ay la wareegtay xarumo caafimaad oo ay maamusho kaniisadda Catholic isla sanadkaas. Xilligaas, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ee Eritrea, Daniela Craves, ayaa sheegtay in ficilku muujinayo in "xaaladda xuquuqul insaanka ee Eritrea aysan is beddelin. Dugsigan Ginda ayaa waxaa wax ka baranayay ilaa 1600 oo arday, balse markii la xiray ku dhawaad 2000, ayaa waxaa isu yimid odayaashii Ginda, si ay Taxfizel Qur'aanka uga dhigaan dugsi quraan oo carruurta wax lagu baro. "Wax kale ma aysan haysan," ayuu yiri Idris ayaa sharraxaya dugsiga.
19670324-f8f5-41dc-92ab-d04eb4782d64
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c9d9lnxldydo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
681
Waa sidee xaaladda Soomaalida ku dhaqan Mareykanka kadib hadalkii Trump? Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa wajahaya cabsi iyo argagax kadib markii madaxweyne Trump uu ku tilmaamay dad aan lag arabin Mareykanka in ay sii joogaan . Dolwadda Federaalka Mareykanka ayaa wadda qorshe ay ku qabqabanyso dadka sharci la'aanta ku jooga dalkaasi ee Soomaalida ah, kuwaas oo ciidamad Laanta Socdaalka ee ICE, loo yaqaanno loo adeegsanayo. Dariiqyada, goobaha shaqada iyo xaruumaha caafimaadkaba ayaa dadka lagu beegsanayaa isla markaana lagu waydiinayaa su'aalo la xiriira waxyaabaha ay dalka ku joogaan. Arrintaan ayaa abuurtay cabsi xooggan, iyadoo dhaqdhaqaaqa ganacsigu uu gaabis yahay oo dadku ay joogaan guryaha. Dadka ayaa loogu baaqayaa in aysan albaabbada ka furin ciidamada magaalada wareegaya ee dadka waydiinaya sharciga. Haddaba lifaaqa kore ka dhageyso wararkii ugu dambeyay:
81aee6d0-9e7e-4376-987b-04df86eb54aa
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c20gnr6yyplo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
128
Dhaqan laga yaabo inaad leedahay oo oo burburin kara xiriirkaaga. Qaabkan ayaad isaga joojin kartaa Dhammaanteen waan ognahay in taleefannadeennu aysan u wanaagsanayn xiriirkeenna, laakiin taasi nagama joojiso inaan eegno tobnaan jeer maalintii. Taasi waa sida afka qalaad loogu yeero phubbing - adiga oo si aan ula kac ahayn isaga indha tira kana dorta taleefankaaga - waa wax maalin walba dhaca. Tani waxay saameyn ku yeelan kartaa xiriirkaaga iyadoo ka dhigaysa lammaanayaasha inay dareemaan in la iska indho-tiray iyo isticmaalka taleefoonka waalidku runtii waxay saameyn ku yeelan karaan carruurta iyadoo daciifineysa inaad xiriir la yeelato ilmaha marka ay yar yihiin iyo inay hoos u dhigaan isku kalsoonaanta kuwa waaweyn. Halkii aad naftaada ku dhaleeceyn lahayd is-xakameyn la'aantaada, diiradda saar inaad dhug u yeelato marka aad telefoonkaaga soo qaadanayso, taas waxay noqon kartaa mid waxtar badan, sida uu qabo mid ka mid ah cilmu-nafsiga. Dr Kaitlyn Regehr, oo ah barafasoor ku-xigeenka Jaamacadda College London ayaa soo jeedinaysa hal dariiqo oo fudud oo lagu joojin karo inaad si miyir la'aan ah u qaadato taleefankaaga marka aad qof kale la joogto. Mar walba oo aad soo qabsato telefoonkaaga, u sheeg qofka kale sababta aad sidaa u sameyneyso, markaad ka bogatana, dhulka dhig oo dib qofka ula sheekeyso. Waxay u muuqataa durba wax fudud, balse Dr Regehr ayaa sheegaysa in isbeddelkan yar uu gacan ka geysanayo inaan beddelno dhaqankeenna maaddaa aan in badan eegno telefoonkeenna, rogrogno waxyaabaha cusub ee aan aragno amaba aan wax uun iska daawanno annagoon ka fekerin. Waxa ugu muhiimsan ayaa ah saraaxadda, marka haddii farriini kuu soo dhacdo oo aad u baahan tahay inaad eegto, waa inaad u sheegtaa qofka ama dadka kula jooga: "Waa inaan ka jawaabaa farriintan, kadibna waan idiin soo laaban doonaa." Inaad magacowdo - "waa inaan eegaa xilliyada tareenkeyga" amaba "waxaan u jawaabayaa hooyadey" - waxaad kala dhantaaleysaa dabeecadda ah inaad eegto telefoonkaaga sidoo kalena waxay taasi qofka ku ag jooga siineysaa farriin ah inuu muhiim kuu yahay. "Waxay ka joojineysaa qofka kale inuu dareemo in la iska indha tiray," ayay tiri Dr Regehr. "Waxayna kaa dhigeysaa qof la isku halleyn karo, sababtoo ah way yar tahay inaad u baahato inaad rogrogto app-yada." Inaad sidan sameyso waxay sidoo kale hagaajin kartaa xiriirradaada. Dr Claire Hart, oo ah barafasoor ku-xigeenka cilmi-nafsiga ee Jaamacadda Southampton, ayaa hoggaaminaysay daraasad 196 qof loogala hadlayay xiriirkooda iyo isticmaalkooda taleefanka. Guud ahaan natiijadu waxay muujisay in mar kasta oo aad dareento in la iska kaa indha tirayo, uu sii xumaanayo xiriirkaagu. "Qof walba isku si uma dhaqmo," Dr Hart ayaa tiri. "Waxay ku xiran tahay shakhsiyadda, laakiin marka hal qof uu dareemo in la iska indho tiray, waxay dhalin kartaa aargoosi. "Waxay soo qabsadaan taleefoonkooda, taasina waa marka ay noqoneyso mid khatar ah maaddaama lammaane kasta uu dareemayo diidmo ama inay ka qiimo badan yihiin waxa telefoonka laga daawanayo." Mar kasta oo aad ku mashquusho telefoonkaaga waxaad luminaysaa isku xirka idinka dhexeeya qofka kale, marka sheeko idiin socotay aad ka tagto ee aad telefoonkaaga eegtana waqti ayay kugu qaadan karto inaad sheekada halkeeda kasii waddaan.
31f70b53-c94c-4a04-bbce-c97c90329c3a
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c4g7nrm5gqmo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/Yasmin Rufo.txt
so
1
503
Ninka ugu Taajirsan caalamka oo taariikh cusub dhigay Elon Musk ayaa isniintii todobaadkan noqday maal qabeenkii ugu horeeyey oo hantidiisu gaartay 600 oo bilyan oo doolar, sida uu qoray Wargeyska Forbes oo ah majallad ka hadasha Ganacsiga iyo dhaqaalaha. Waxa uu Warkan kusoo beegmayaa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in shirkaddiisa SpaceX ay u badan tahay inay suuqa saamiyada soo gasho, iyada lagu qiimeenayo $800 bilyan. Hantida Elon ayaa noqotay mid si xowli ah u siyaadeysa, bishii Oktoober ee sanadkan waxa ay gaartay $500 oo bilyan, isaga oo shirkadda SpaceX ku leh saami gaara 42%, xilli shirkadaasi ayisku diyaarinayso in ay suuqa car car lasoo gasho sanadka soo socda. Saamiga uu ku leeyahay SpaceX oo u dhiganta $168 bilyan ayaa ka dhigaysa wadarta hantidiisa mid gaareysa $677 bilyan, mana jiro shaqsi halkaasi gaaray weli inta taariikhda lagu hayo. Waxaa sidoo kale, in korodho hantida Elon qeyb ka qaatay Saamiga uu ku leeyahay shirkadda samaysa baabuurta korontada ku shaqeysa ee Tesla (TSLA.O), kaas oo gaaraya 12% hantida guud shirkadda, iyada oo uu dakhligeedu uu kor u kacay 13% sanadkan , in kasta oo iibka ay heshay uu ahaa mid hooseeyey. Tani iyo markii Maalqabeenkan uu ku dhawaaqay in shirkaddiisu ay tijaabinayso taksiyaal robot ah (robotaxis), kuwaaas oo aan lahayn wax darawal ah, waxa ay sare u kacday hantida Tesla ku dhowaad 4%, taasina waxa ay ka dhigeysaa mid ka dhabeeya yoolkiisii ahaa in Telsa ay gaarto in badan 1 tirilyan illaa 8.5 tirilyan tobanka sano ee soo socota. Bishii Nofeember saamileyda Shirkadda Tesla ayaa meel mariyey qaraar ahaa in Elen uu heli karo xirmo dhaqaale oo qiimiheedu ka badan yahay $1tirilyan haddii uu gaaro toban sano gudahood hadafka haatan u degsan shirkadda, iyadoo maalgashadayaashu ay taageereen aragtidiisa ah in Tesla loo beddelo shirkad weyn oo ku shaqeysa garaadka macmalka ah (AI) iyo robotics. Elon Musk ayaa noqon doona maal-qabeenkii ugu horeeyay aduunka ee qaata saami gaaraya $1 tirilyan abid. Si uu u helo lacag intaas la eg waxa uu u baahan doonaa Elon in uu kor u qaado qiimaha qalabka Tesla sideed jibaar, sida inuu iibiyo hal milyan oo robotyada garaadka macmalka ah ku shaqeeya, iyo in laga iibsado 12 milyan oo kale baabuurta Tesla ah. Shirkadda Tesla ayaa sanadihii ugu dambeeyay la kulmeesay caqabado dhowr ah oo kaga imaanayey suuqa wax kala iibsiga, oo ay ku jiraan tartan adag oo uga imaanayay shirkadaha sameeya gawaarida korontada ku shaqeeya sida shirkadda BYD ee laga leeyahay dalka Shiinaha. Taas waxay Tesla ku qasabtay in ay daah furto noocii ugu qiimaha jabnaa gawaarida ay soo saarto shirkadda 'Model 3' Yurub, si dib loogu soo nooleeyo iibka, ka dib markii ay ka saameyn ku yeelatay wada shaqeynta Elon Musk kala dhaxeesay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump. Guddoomiyaha guddiga Tesla, Robyn Denholm, ayaa sheegay in Musk uu mar walba yahay baabuur sameeyaha ugu wanaagsan. Sidoo kale, shirkaddiisa dhawaan galka ah ee xAI ayaa dedaal ugu jirta sidii ay ku heli lahaayeen $15 bilyan oo cusub ah iyada la filayo in dakhliga shirkadaas uu gaaro $230 bilyan.
3fb19842-4fd9-46e9-be16-08a75cccf71a
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/ce3wg61vy44o
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
502
Guddoomiyaha baarlamaanka Kenya: "Waxaa isoo korisay hooyo Soomaaliyeed" Guddoomiyaha Baarlamanka Kenya Moses Watengula ayaa dhowaanahan aad uga hadlayay bulshada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya, xilli uu ka qeyb galayay munaasabado kala duwan. Waxa uu gaar ahaan Moses ka sheekeeyaa qisada noloshiisa markii uu yaraa, iyo sida uu mar walba abaal ugu hayo bulshada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya. Siyaasigan caanka ah ee muddada dheer kusoo jiray siyaasadda Kenya, ayaa mar walba amaman iyo bogaadin u jeediya hooyo Soomaaliyeed oo uu sheegay inuu gacanteeda ku soo koray markii uu yaraa, taasi oo ahayd ganacasato iyo qof wax weyn ku soo kordhisay deegaanka uu ka yimid ee Bungoma oo ka tirsan gobolka Galbeed ee Kenya. Shir ay dhowaan lahaayeen xoolo-dhaqatada oo ay kasoo qeyb-galeen xoolo-dhaqatada gobolka Waqooyi Bari Kenya oo uu ka hadlay ayuu ku wargaliyay Soomaalida goobjoogga u ahayd in korriimadiisa ay qayb weyn ka ahayd hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mama Xirsi, taasoo uu sheegay inay caan ka tahay halka uu ka yimid. ''Waxaan ka imid Bungoma, waxaan kusoo koray gacmaha haweeneey Soomaali ah, oo lagu magacaabo hooyo Xirsi, waa Isaaq, kuwiinna Soomaalida ah, waana qof guulaystay oo ku guulaystay ganacsiga Bungoma, haddii aad timaaddo magaaladaasi weyn ee Bungoma, kala bar hantida maguurtada ee magaaladaasi waxaa iska leh Mama Xirsi iyo carruurteeda, waana ku faanaa, waayo waa mid naga mid ah." Moses Watengula ma aha munaasabaddii ugu horraysay ee ammaanta uu ugu jeediyo hooyada Soomaaliyeed ee uu sheegay inay soo korisay iyo guud ahaan bulshada Soomaalida. Marar kala duwan ayuu sidaas oo kale ammaan ugu soo jeediyay isla Mama Xirsi. Munaasabad kale oo uu ka qayb galay oo ay goob joog ka ahaayeen Soomaali badan ayuu ka sheegay inuu si dhow ula shaqeeyay bulshada Soomaaliyeed, markii uu yaraa iyo sidoo kale inta uu siyaasadda ku jiro. "Aniga yaraantaydii iyo intii aan shaqeynayay, waxaan si dhow ula shaqeynayay bulshada Soomaalida. Deegaanka aan ka soo jeedo, Bungoma, waxaa jirta hooyo la yiraahdo Mama Xirsi, waxay ka soo jeeddaa bulshadiinna, iyada ayaa halkaas nagu korisay. Waa ganacsato, waxay naga dhiibi jirtay lacagta iskuulka, waxay quudisaa qoysaska danyarta ah, waxay noqotay qof annaga naga mid ah," ayuu yiri. Moses ayaa intaa raaciyay inay jiraan dad kala qeybsanaan ka dhex abuuraya gudaha bulshooyinka Kenya, isla markaana hadallo aan habbooneyn ka sheegaya gaar ahaan Soomaalida. "Markaas waxaad arkeysaa qof caayaya bulshadiinna Soomaaliyeed oo wuxuu leeyahay adinka waxaad tihiin al-Shabaab, waxaa uu jeedinayaa hadallo kala qeybsanaan abuuraya." Ayuu yiri. Wetangula ayaa ka hadlaya Aamina Xirsi Mooge, oo ah ganacsato guuleysatay oo dunida laga yaqaanno, isla markaana ka mid ah dadka ugu taajirsan dalka Uganda oo ay deggan tahay. Waa tuma Aamina Xirsi Mooge? Asal ahaan waxa ay ku dhalatay dalka Kenya, degmada Bungoma, halkaas oo ay qoyskooda degenaayeen, ganacsiyana ku lahaayeen ka hor intii aysan u wareegin dalka Uganda. Waa haweenay Soomaali ah oo tusaale wanaagsan u ah guulaha ay nolosha ka gaari karaan dumarka Soomaaliyeed, magaceedu waa Aamino Xirsi Mooge. Haatan waxay ku nooshahay dalka Uganda, halkaas oo ay ka mid tahay dadka ugu taajirsan. Sanadkii 2018 mar ay koox ka socotay BBC Somali ku booqatay magaalada Kampla ayay Aamina uga sheekeysay nolosheeda. Mar la weeydiiyay qaabka ay ganacsiga ku biloowday waxa ay tiri "Ganacsi bay hooyadeed lahayd, waxaan ka billaabay dukaan masaabiirta iyo qalabka dhismaha lagu iibiyo, hormarka aan maanta gaaray, hadda ma uusan bilaabanin, wuxuu soo biloowday illaa maalinkii aan 9 sano jir ahaa". Laga soo billaabo maalintii ay 9 sano jir ahayd illaa maanta oo ay 70 jir tahay gadaal ma aysan eegin, waxayna isku guntaysay dun kasta si ay u gaarto heerka ugu sareeya, waxayna beenteysay fikir kasta oo laga qabay guulaha ay dumarka nolosha ka gaari karaan. ''Yaa yiri dumarka heer ma gaari karaan?'', ayay is weydiisay. Ganacsiga bullaalay Waxa ay leedahay dhismaha weyn ee laga dukaamaysto ee ka mid ah astaamaha muuqda ee ay markiiba ishu qabato ee magaalada Kampala ee Oasis, waxa kale oo ay leedahay guryo waaweyn iyo hoteel casri ah , balse sheekadeeda halkaasi kuma eka. Ganacsigeeda waxa uu ku faafay caasimad illaa heer tuulo, waxayna tuulada Atiak oo ku taala meel u dhow xudduuda Uganda iyo Suudaanta Koonfureed ka dhisaysaa warshad weyn oo ay ku kacaysa lacag dhan $120 milyan oo doolar. Aamina Xirsi waxa ay aad uga mahad sheeganaysaa dowladda Uganda, waxaana xafiiskeeda u yaala sawir muujinaya iyada iyo madaxweynaha Uganda Yoweri Musavani, iyada oo arrintaas ka hadlaysana waxa ay tiri "Uganda waxa ay gacan igu siisay in ay dadka arkaan waxaan samayn karo, maanta aniga oo gabadh Soomaaliyeed ah haddii aan Soomaaliya joogi lahaa, la iima ogolaadeen waxa halkan iiga qabsoomay". Aamino dumarka Soomaaliyeed waxa ay u heysaa talo wax ku ool ah "Haddii aad doonaysid in isbadal dhoco waa in uu adiga kaa biloowmaa, gaar ahaan haddii aad tahay dumar". Ayay tiri. Waa kuma Moses Wetangula? Moses M. Wetang'ula waa guddoomiyaha siddeedaad ee baarlamaanka Kenya, isagoo xolka qabtay 8 September 2022. Muddo 40 sano ah ayuu ku jiray siyaasadda Kenya, isagoo xilkiisii ugu horreeyay ee dowladda ka bilaabay Garsoorka sanadkii 1982. Xirfaddiisa siyaasadeed ayuu bilaabay sanadkii 1993 markii uu ka mid noqday baarlamaanka 7aad (1993-1997). Intii u dhaxeysay sanadihii 2013-2022 wuxuu ahaa sanatarka magaalada Bungoma ee uu kusoo koray. Intii ka horreysay sanadkii 2013, guddoomiyaha wuxuu qabtay dhowr xilal wasiir. Intii u dhaxeysay 2011 iyi 2013, wuxuu Wetangula ahaa wasiirka ganacsiga. Intii u dhaxeysay 2004 iyo 2007 wuxuu ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda kahor intaan laga dhigin wasiirka arrimaha dibadda, xilkaas oo uu hayay ilaa 2011.
e89fec24-b85d-4df5-beed-07705a5e8d5c
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c04v334ee7wo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
906
Somaliland oo ku dhawaaqday goorta ay bilaabayso qodista shidaalka iyo halka ay ka qodayso Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday qodista ceel shidaal oo hore looga sahamiyey deegaanka XOOD oo ka tirsan degmada Qoryaalle ee Gobolka Togdheer. Madaxweynaha Somaliland, Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu furayay shidaalka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Somaliland ay bilaabeyso qodista shidaalka dalka. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in shacabka Somaliland uu ugu bishaareynayo in "dalka shidaal laga soo saarayo maadaama ay in badan is weydiinayeen goorta uu dalka shidaal yeelanayo". "Waxaan ugu bishaareynaa ugu dambeyn in qodista shidaalka Somaliland uu bilaabmayo 2027". Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xitaa ay suuragal tahay in waqiga uu sheegay uu ka soo hormaro oo la bilaabo sanadka soo socda ee 2026. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dalka ay ku jiraan macdano badan oo dunida qaali ka ah, taas oo in ay soo saaraan ay u furan tahay cid kastsa oo lagu "kalsoonaan karo" oo diyaar u ah in ay iskaashi kala sameyso Somaliland. Barnaamijka looga dhawaaqay qodista shidaalka Somaliland oo ka dhacay Hargeysa ayaa waxaa ka hadlay wasiirka tamata iyo macdanta Somaliand, Axmed Jaamac Barre, oo sheegay in shirkadaha waday sahanka Shidaalka ay bilaabeen howlaha lagu bixinayo qandaraasyada la xiriira qodista shidaalka. "Waxaan ku rajo-weynahay in shirkadihii ka shaqeyanayey shidaalka Somaliland ee heshiiska kula jiray wasaaradda ay xayeesiiyeen qandaraasyada riigagga lagu qodi lahaa shidaalka". Wasiirka ayaa sheegay in bilaha ugu horreeya ee sanadka 2027 qodista ay bilaaban doonto. Maxamed Jaamac oo ka faalooda arrimaha shidaalka ayey BBC-da weydiisay suuragalnimada in Somaliland ay soo saarto shidaal dunida loo iib geeyo, waxa uuna sheegay in tan ay tahay tijaabo lagu ogaanayo heerka uu gaarsiisan yahay shidaalka dalka. "Xogti hadii aynu haysno, shidaalku wuxuu leeyahay nidaamyo la maro sida in la tijaabiyo". Somaliland ma aysan carrabaabin faa'iidada laga heli doono qodidda ceelkan iyo sida loo qeybsan doono. Deegaanka xood ee gobolka togdheer ayaa waxaa muddo ka socday baaris shidaal, waxaana hore loo geeyay qalab kala duwan oo lagu baaryao shidaalka. Sanadkii hore ee 2024 ayey aheyd in la bilaabo qodista balse coladda gobolka sool ayaa arrintaas dib u dhigtay. Bishii Maarso ee sanadkii 2023-kii ayey Somaliland sheegtay in ay bilaaban doonto marxaladdii ugu dambeysay ee baaridda batroolka ku jira Somaliland, taasoo lagu qodayo ceelka Toosan 1 oo ku yaalla agagaarka deegaanka Xood ee gobolka Togdheer. Balse, dowladda Soomaaliya ayaa si caro leh uga hadashay sanadkii ka horeeyay ee 2022 howlaha ay shirkadda Genel Energy ay xagga shidaal qodidda uga sameyneyso deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, arrintaas oo markii dambena ay war ka soo saareen mas'uuliyiinta Somaliland qudhooda. Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markaas soo saartay war-saxaafadeed ay ku diidday wax ay ugu yeertay "sheegasho sharci darro ah" oo ay shirkadda Genel Energy ku sheegtay in ay heysato fasax ay sahmin shidaal uga sameyso Somaliland. Bayaanka ka soo baxay wasaaradda ayaa looga digay khatarta ka dhalan karta maalgashi iyo sahminta ay shirkaddaas waddo. Wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya ayaa intaas ku dartay in ay iyada keliya tahay hay'adda sida sharciga ah ee u oggolaan karta howlo laga fuliyo gudaha Soomaaliya. Shirkaddan ayaa sanadkii 2012 qorshaheeda shidaal sahminta ka billowday Somaliland, iyadoo heshiis la saxiixatay shirkadda OPIC Somaliland Corporation. Dhanka kale, bishii Oktober ee sanadkii hore, Soomaaliya ayaa heshiis shidaal sahmin ah la gashay shirkadda Coastline Exploration ee fadhigeedu yahay dalka Mareykanka.
20134de9-ff14-4282-88dd-2c03acbdbe9c
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cdd5ny1e2p2o
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
566
Dhegeyso: Shirka Maalgashiga Qurbajoogta ee Soomaaliya Dhegeyso: Shirka Maalgashiga Qurbajoogta ee Soomaaliya Magaalada Muqdisho waxa maanta ka qabsoomay shir hal maalin ah oo ku saabasan maalgashiga qurbo joogta Soomaalida ee wadanka gudihiisa iyo sidii loo kordhin lahaa kaalintooda hadda ay kaga jiraan dibu dhiska dalka. Shirka oo ay ka qaybgaleen qurbo joog fara badan oo dalka ka sameeyay ganacsiyo yaryar iyo kuwa waaweyn ayaa loogu baaqay kuwooda aan wali dalka imaan, in ay soo laabtaan dalkana maalgashadaan. Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo tagay shirkaasi intii uu socday ayaa wareystay Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya Ibraahim Guure Maxamed, wuxuna marka hore weydiiyay qodobda uu shirku diiradda saarayo.
0799f870-dd7c-41e1-aa07-e7fba802559b
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cr5zd102g73o
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
114
Maxaad ka taqaan Muftiga cusub ee ugu sarreeya Sacuudiga, maxayse tahay muhiimadda jagadan Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa Arbacadii soo saaray wareegto uu Sheekh Saleh Al-Fowzan ugu magacaabay inuu noqdo Muftiga ugu weyn Sacuudiga, Guddoomiyaha Golaha saree e Culumada iyo Madaxweynaha Guud ee Cilmi-baarista Sayniska iyo Ifta ayaa u dhigma darajada wasiir ah. Wareegtada ayaa lagu saleeyay soo jeedinta dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis. Al-Fowzan waa Muftiga afaraad ee Boqortooyada Sacuudiga, waxaana ka horeeyay Sheekh Maxamed bin Ibraahim Al-Sheekh, Sheekh Cabdul Casiis bin Baz, iyo Sheekh Cabdul Casiis Al-Sheekh, oo xilka hayay muddo labaatan sano ah, wuxuuna geeriyooday 23-kii Siteembar. Sida laga soo xigtay shabakada rasmiga ah, Sheekh Al-Fowzan waxa uu dhashay sannadkii 1354-tii Hijriyada, kuna beegan 28-kii Siteembar 1935-kii, wuxuuna ka dhashay qoys ka tirsan qoyska Al-Wadaaciin oo ka tirsan qabiilka Al-Shamas ee Dawaasir ee magaalada Al-Shamasiyah Al-Qassim. Aabihii wuxuu dhintay isagoo yar. Waxa uu Qur'aanka Kariimka ah iyo aasaaska akhriska iyo qoraalka ka bartay imaamkii masaajidka magaalada Sheekh Xaamud bin Suleymaan Al-Tilaal oo ugu dambayntii garsoore ka noqday magaalada Dhariya ee gobolka Qaasim. Tacliintiisii Al-Fawzan waxa uu waxbarashadiisa ka qaatay culimo iyo fiqiyaal badan oo uu ka mid yahay Sheekh Cabdul Casiis bin Cabdallah bin Baz oo ahaa Muftiga Sucuudiga ee geeriyooday; Sheikh Abdul Rahman Al-Saadi oo ah qoraaga Tafsiir Taysir Al-Karim Al-Rahman fi Tafsiir Kalam Al-Mannan; iyo Sheekh Cabdallah bin Xamiid oo ah Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka. Wuxuu ku biiray iskuul dawladeed markii laga furay Al-Shamasiyah sannadkii 1369-kii Hijriyada, wuxuuna waxbarashadiisii hoose ku dhammaystay dugsigii Al-Faisaliya ee Buraydah sannadkii 1371-kii. Ka dib waxa uu waxbarashadiisii ka sii watay machadka cilmiga ee Buraydah markii la furay sanadkii 1373 ee Hijriyada, waxaanu ka qalin jabiyay sanadkii 1377 ee Hijriyada. Sheekh Al-Fawzan waxa uu markaas u wareegay magaalada Riyaad oo uu wax ka bartay kulliyadda shareecada, isaga oo shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaatay sannadkii 1381-kii Hijriyada, una dhiganta sannadkii 1961-kii. Shahaadada Master-ka ayuu ka qaatay Fiqhiga isaga oo ku takhasusay sharciga dhaxalka, oo si gaar ah uu u bartay. Ka dib waxa uu shahaadada PHD ku qaatay cilmiga Fiqhiga Islaamka. Shaqadiisii Markii uu ka qalin jabiyay kuliyada shareecada waxaa loo magacaabay macalin machadka cilmiga sayniska ee Riyaadh. Ka dib waxa loo bedelay kuliyadii shareecada, ka dibna waxa loo bedelay qaybta daraasaadka qalin jabinta ee kuliyada aasaasiga ah ee diinta, ka dibna machadka sare ee garsoorka oo markii dambe loo magacaabay agaasime. Intaa ka dib waxa uu ku laabtay halkaas si uu ardayda wax u baro ka dib markii ay dhamaatay muddadiisii xil haynta agaasimenimada. Sheekh Al-Fawzan waxa uu kormeeray culimo badan oo Master iyo PhD sameeyey. Waxa uu imaam, daaci iyo macalin ka soo noqday Masjidka Amiir Miteb bin Abdulaziz Al Saud ee Al-Malaz. Waxaa loo magacaabay xubin ka mid ah Guddiga Joogtada ah ee Cilmi-baarista iyo Ifta, ka dibna xubin ka mid ah Golaha Culumada Sare, Xubin ka tirsan Golaha Fiqhiga ee Makkah Al-Mukarramah ee xiriirka la leh Ururka Muslimiinta Adduunka, iyo xubin ka mid ah guddiga kormeerka ee wacdiyeyaasha xajka. Sheekh Al-Fawzan waxa kale oo uu si joogto ah uga qayb qaataa qoraallada joornaallada cilmi-baarista, cilmi-baarisyada, muxaadarooyinka iyo fatwooyinka qaarkood oo la uruuriyey lana daabacay. Xiriirkii uu la lahaa Sheekh Cabdulcasiis bin Baz Sheekh Al-Fawzan waxaa saameyn ku yeeshay Muftiga ugu weyn Sacuudiga ee geeriyooday Sheekh Cabdul Casiis bin Baz. Waxa uu sharciga dhaxalka ka bartay kulliyadda shareecada ee magaalada Riyaad, ayadoo ay taa u dheerayd inuu sii wado dhigidda casharrada, jeedinta muxaadarooyinka, iyo kulamada culimada. Wuxuu kaloo lahaa barnaamijyo idaacaded oo ka hadla aqoonta iyo fatwada. Tan iyo markii Al-Fowzan uu u soo wareegay shaqada Dar Al-Iftaa, Sheekh Cabdul-Caziiz bin Baz waxa uu u ahaa muraaqib, wuxuuna ka faa'iideystey aqoonta uu u leeyahay shareecada Islaamka, xaqiijinta fatwada iyo jawaabaha uu u cuskanayo daliilka Qur'aanka iyo Sunnada. Muhiimadda Muftinimada Muftiga weyn ayaa ah jagada ugu sarreysa xagga diinta iyo garsoorka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Waxaa lagu magacaabaa digreeto boqor, wuxuuna madax ka yahay Golaha Aqoonyahannada Sare iyo Guddiga Joogtada ah ee Cilmi-baarista iyo Ifta. Xilkan waxaa lagu aasaasay wareegto uu soo saaray Boqor Cabdulcasiis Al Sacuud sanadkii 1953, isagoo Sheekh Muxammad bin Ibrahim Al Sheikh u magacaabay Muftiga guud ee Boqortooyada. Wixii markaas ka dambeeyay, jagadan waxaa inta badan hayay xubin ka tirsan qoyska Al Sheekh (Muxamed ibn Cabdil Wahaab), sharcigaas oo jabay kaliya markii Sheekh Cabdul Casiis bin Cabdallah bin Baz loo magacaabay xilkan sannadkii 1993-kii, xilkaas oo uu hayay illaa 1999-kii. Si kastaba ha ahaatee, jagadan ayaa bannaanayd muddo dheer, intii u dhaxaysay 1969 ilaa 1994kii, ka dib markii uu Boqor Faysal baabi'iyay oo uu ku beddelay Wasaaradda Caddaaladda. Jagadaas waxaa dib loo soo celiyay xilligii Boqor Fahad, kaasoo Sheekh Cabdul Casiis bin Baz u magacaabay muftiga weyn ee Boqortooyada 1994-tii.
9e77b5f6-d310-4925-b4d7-05f27e96e768
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cn971g3nlq2o
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
781
Nin xaday qalfooftaan 60 sano ka hor ayaa haatan iska soo celiyay "Ma ahan wax aad filaneyso," ayuu yiri Franz Zehetner, oo furay baakad xiran oo lagu soo hagaajiyay ciwanka kaniisadda St Stephen's Cathedral ee ku taalla Vienna kaas oo markii uu furayba indhaha ku dhuftay qalfoof ku dhex jirta. Ninkaan oo kaydiyay waxyaabaha qadiimigaha ee goobta ayaa qirtay in uu la yaabay baakadaan, laakiin waxa uu sheegay in ay la socotay baakadaan warqad sharracaysa sida wax u jiraan. Nin jooga waqooyiga Jarmalka ayaa sheegay in uu qalfoofta madaxa xaday isaga oo da'yar oo dalxiise ah 60 sano ka hor, haatanna uu doonayay in uu dib u soo celiyo. Waxa uu qaatay qalfoofta mar la tusinayay qabuuro ku yaalla kaniisadda hoosteeda halkaas oo lagu duugay haraaga jirka ee ilaa 11,000 oo qof oo la aasay Qarnigii 18-aad. Ninkii xaday qalfoofta oo damiirkiisu ka xun yahay sida wax u dhaceen ayaa warqaddiisa ku sheegay sida uu doonayo in uu naftiisa ula heshiiyo oo uusan dambi u dareemin maadaama uu soo gaaray gabagabada noloshiisa. "Kadib markii uu faahfaahiyay arrinta, waxa ay ahayd mid dareenka qofka taabaneysa in qofi uu doonayo in uu wax ka beddelo fal dhallinyaranimo ay u geysay," Franz Zehetner ayaa u sheegay BBC. "Sidoo kale in uu si taxadar leh u ilaalin jiray qolfootaan sanadahii uu hayay - inkasta oo ay ka soo horjeedo shuruucda in qalfoof la haysato - halkii uu iska tuuri lahaa isaga oo aan kala jeclayn waa uu hayay." Ma cadda cidda ay tahay qofka madaxiisa uu dalxiisuhu u qaatay gurigiisa oo uu intaas oo sano haystay. Inkasta oo qaar badan oo ka mid ah haraaga maydadkan la duugay ay ka yimaadeen waqti haatan laga joogo 40 sano kuna beegan qarnigii 18-aad, xubnaha qoysaska sare ee Vienne ayaa sidoo kale lagu aasay qaybta hoose ee kaniisadda wayneed ee hore.
3b51d810-1786-4649-9417-1e7bb8a2bbd2
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/crkllm5110mo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
304
Shil argagax leh : sidee ayey kaligeed ugu badbaaday diyaaraad lagu wada dhintay? Annette Herfkens, oo ah maalqabeenad u dhalatay dalka Holland ,ayaa fasax dalxiis ah ugu maqnayd dalka Vietnam iyada iyo ninka ay u doonneyd, markii diyaarada ay la socdeen ay ku burburtay duur cidlo ah, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen dhammaan dadkii la socday diyaaradda. Waxay ahayd sanadkii 1992-dii. Annette Herfkens iyo saaxiibkeed ay u doonneyd, Willem van der Pas, oo loo yaqaannay Pasje, waxay u socdaalayeen xeebta loo dalxiis tego ee ku taala dalka Vietnam. Annette waxay ka shaqaynaysay qaybta maaliyadda ee magaalada Madrid, caasimadda Spain. Waxay xiriir fog la lahayd Passage laga soo bilaabo sanadkii1979-kii, xiligaas waxaa ay ahayd arday saaxiibkeedna, isku fasal ayay dhiganayeen. Annette iyo Pasje ayaa ka soo safrayay magaalada Ho Chi Minh ee dalka Vietnam, waxayna ku sii jeedeen xeebta Nha Trang, markii diyaaradda ay la socdeen wajahday cimilo ad u daran, waxayna ku dul dhacday meel fog, gaar ahaan buuro ceeryaamo qariyay oo kaynta Vietnam ku taala. Diyaaradda ayaa si ba'an u burburtay, waxaana ku dhintay 30 qof oo rakaab ah iyo dhammaan shaqaalihii diyaaradda oo u uku jiray ninkii ay Annette u doonneyd oo ay aadka u jeclayd. Annette iyadoo dhawac ah ayay keymo ku noolayd muddo siddeed maalmood ah. Waxa soo gaaray dhaawac oo qeybo kamid ah jirkeeda ah, dhaawacyadaas oo ay aad ula xanuunsatay, xitaa heer ay gaartay inay socon weydo. Way fuuq-baxday biyo la'aan darteed. Waxay sidoo kale aad ugu murug saneyd geerida qofkii ay dunida u jeclayd. Markii dambe roob ayaa yimid, oo biyaha roobka ayay ku noolayd. Markii la marayay maalinkii 6-aad, waxay ku dhowaatay dhimasho. Waxay meel fog ka aragtay qof xiran dhar midabkiisu Orange yahay, way qeylisay, way is raaceen oo sidaa ayay kaga baxday keymihii. Dhibaatadii ay ka martay inay muddo 8 maalmood ah ku noolaato keymaha ayaa markan so oaf-jarmay. Safarka jacaylkooda iyo sida diyaaradda u dhacday Waxay ahaayeen saaxiibo aad isugu dhow, oo ku noolaa hal guri oo ardaydu degaan. Wax yar ka dib waxay bilaabeen hasaawo. Waxay labadoodaba ogaadeen inay isu qalmaan oo jacalkoodu markan dhab yahay. Markii Pasje uu qorsheeyay fasax dalxiis oo Vietnam ah, waxay wada socdeen 13 sano. Muddo lix bilood ah, labadooduba waxay ka shaqaynayeen wadamo kala duwan. Pasje waxaa uu ka shaqeynayay bangi ku yaala Vietnam, halka Annette ay ganacsi ku lahayd Spain. Diyaarada ay saarnaayeen ayaa la qorsheeyay inay ka baxdo magaalada Ho Chi Minh 7-da subaxnimo si ay ugu amba baxdo aagga xeebta ee Vietnam. Waxay ahayd diyaarad yar oo nooceedu yahay Yakovlev Yak-40 oo Soofiyeedku sameeyay. Diyaaradda ayaa dhacday 5 kadib oo ay hawada ku jirtay. Saaxiibkeed oo ay aragto, waxaa ugu dambeysay markii ay diyaaraddu dhaceysay. Si tartiib tartiib ah ayay u soo kabsatay, maadaama ay aad ugu naxday geerida ninkii ay u doonneyd. Annete waxay ahayd gabar yar, qeybta maaliyadda Madrid ayay sidoo kale u shaqeyn jirtay, safarkeeduna aad ayuu u badnaa, waxayna inta badan u safri jirtay magaalooyinka iyo London.
fe93a90e-064d-4464-8e2b-774c38272d53
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cy9pnvy95gro
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
492
Eritrea oo ka baxday IGAD xilli xiisadda kala dhexeysa Itoobiya sii kordhayso Dowladda Eritrea ayaa sheegtay inay ka baxday xubinimadii Urur Goboleedka IGAD, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta. Wasaaraddu waxay ka bixitaanka ururka ku xustay bayaan ay soo saartay 12-kii December, 2025. Ma ahan markii ugu horeysay oo Eritrea ay ka baxdo xubinnimada IGAD. Sannadkii 2007-dii ayay iska casishay xubinimadii ururka, iyadoo sabab looga dhigay inaysan buuxin karin rejadii ay ka filayeen dadka gobolka iyo Eritrea gaar ahaan. Ka dib 16 sano, waxay mar kale dib u cusbooneysiisay xubinnimadeeda Waxay dib ugu soo laabatay xubinnimadeeda iyadoo rejaynaysa in ururku uu fuliyo dib u habeynta ay Eritrea rabto sida ay wasaaraddu sheegtay. Wasaaradda warfaafinta ee Eritrea ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aysan ilaalinayn danaha Eritrea, isla markaana ay ku fashilantay xaqiijinta xasilloonida iyo rabitaanka shacabka gobolka. "IGAD waxa ay si xun u sii waday in ay dib uga dhacdo mas'uuliyadeeda iyo baahideeda," ayaa lagu yidhi bayaanka Waxa uu intaa ku daray in IGAD ay ku guuldareysatay in ay gaadho faa'iidooyin istiraatijiyadeed oo laga sugayo xubnaheeda si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo xoojinta xidhiidhka. Waxa uu sheegay in ay ku fashilantay in ay wax weyn ka tarto xasilloonida gobolka. Eritrea ayaa dib u xasuusatay inay door muhiim ah ka ciyaartay xubnaha kale markii IGAD la xoojiyay. Maxaa loo aasaasay IGAD? Urur goboleedka IGAD ayaa la aas aasay sanadkii 1980-kii, waxaana hindisaha lahaa Qaramada Midoobay sidii xal waara loogu heli lahaa kaneecada iyo abaaraha ka jira Bariga Afrika. Sideed waddan ayaa xubno ka ah ururka, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in la dejiyo habraacyo horumarineed oo si wadajir ah loola dagaallamo abaaraha soo noqnoqda ee Bariga Afrika. Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya, Suudaan iyo Uganda ayaa ahaa xubnihii aasaasay IGAD, iyadoo Eritrea iyo Koonfurta Suudaan ay markii dambe ku biireen. Toban sano ka dib, 1996, ururku wuxuu ballaadhiyay ujeeddadiisii iyo yoolkiisii waxaana dib loo habeeyey qaabka uu hadda yahay. Ururku waxa uu shaqadiisa bilaabay 1996-kii iyada oo ujeedadu ahayd nabad iyo xasilooni, iskaashi dhaqaale iyo wax wada qabsi. IGAD iyo Eritrea Labo sano ka hor, markii Eritrea ay dib ugu laabatay IGAD 16-sano oo ay hakad ku jirtay, ayuu Dr. Yonas Adaye ku tilmaamay xiriirka IGAD iyo Eritrea mar uu BBC-da u warramayay. "Ku soo laabashada Eritrea ee IGAD waxay u wanaagsan tahay aqoonsiga Afrika, si ay u koraan waa in aan iskaashi la sameynaa wadamada kale, waxaan aaminsanahay in lala shaqeynayo kuwa kale kaliya maahan diblomaasiyad, laakiin sidoo kale ganacsiga iyo dhinacyada kale maahan dammaanad buuxda oo amniga gudaha ah. Marka labaad, wada jirka maamulku uu la leeyahay dalalka deriska ah waa tallaabo istiraatiiji ah oo weyn, waxaan qabaa in wada jirka iyo horumarka ay tahay biseyl siyaasadeed oo weyn," ayuu u sheegay BBC-da Jonah. Mar uu ka hadlayay sababta Eritrea ay hadda dib ugu soo laabatay xubinnimada IGAD, ayuu sheegay in saddexdii sano ee la soo dhaafay ay gobolka ka dhaceen isbedello badan. Siyaasadda dunidu waxay noqotay mid kooxaysi badan sababtuna waxay tahay dagaalka Ukraine iyo Ruushka iyo Shiinaha oo balaarinaya danaha istiraatijiyadeed ayaa kordhiyey muhiimada Koonfur Afrika. Sababta ugu weyn ayuu ku sheegay in xal laga gaaray xiisaddii muddada dheer soo jiitameysay ee u dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea, taasina ay tahay fursad wanaagsan oo dalku uu dib ugu soo laaban karo IGAD, isagoo sheegay in dhawaan la xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Shiinaha iyo Ruushka. "Haddii Eritrea ay doonayso inay ka faa'iidaysato badda cas iyo istaraatiijiyada juqraafiga ah, kaligeed ma samayn karto...Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto waxaa laga yaabaa inuu dib ugu laabtay IGAD damaciisa cusub," ayuu yiri Yonah. Wuxuu aaminsan yahay in haddii hal baasaboor laga heli lahaa dalalka IGAD sida ECOWAS in aan dhaqaalaha oo kaliya la abuuri karin ee nabadda iyo xasilloonida la abuuri karo si loo xalliyo saboolnimada dalalkan.
04bad2fb-da0c-430d-a3b6-64317110577f
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c3v111zx03po
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
625
Lix ka mid ah cayaartoyda ka qayb galaysa AFCON 2025 ee isha lagu hayo Koobka Qaramada Afrika ee 35-aad ayaa ka bilaabanaya Morocco 21-ka December, iyadoo finalka uu ka dhici doono Rabat 18-ka Janaayo. Dalka martida loo yahay ayaa doonaya in uu qaado koobka markii ugu horaysay tan iyo 1976 kii, halka Mohamed Salah uu fursad u heli doono inuu ka fekero mustaqbalkiisa Liverpool isaga oo doonaya in uu qaado koobkii ugu horeeyay ee Masar tan iyo 2010 kii. BBC ayaa cayaartoyda ugu caansan lix ka mid ah isha ku qabatay. Azzedine Ounahi (Khadka dhexe Morocco) Kabtanka iyo cayaartoyga Afrika ee sannadka Achraf Hakimi ayaa wajahaya xaalad uusan wareegyada ugu dambeeya hubin inuu cayaari doono, sidaasoo ay tahay dakla marti galinaya ayaa u baahnaanaya inuu meel kale ka helo dhiirrigelin.. Kubad sameeyaha Real Madrid Brahim Diaz ayaa ahaa gooldhaliyaha ugu sareeyay isreebreebka isagoo dhaliyay 7 gool, laakiin Azzedine Ounahi oo khadka dhexe ee Atlas Lions tiir u ah ayaa ah ninka ay dad badan oo Moroccan ah rajeynayaan inay arkaan. Isagoo ka aflaxay akadeemiyada caanka ah ee Mohammed VI Academy, Ounahi ayaa waxaa soo maray wakhti jaha wareer ah intii uu la joogay Marseille ka dib markii uu u wareegay Stade Velodrome. Si kastaba ha ahaatee, 25 jirkaan ayaa dib u helay qaar ka mid ah qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa tan iyo markii uu u dhaqaaqay kooxda La Liga ee Girona bishii Agoosto. Morocco, oo wajaheysa Comoros, Mali iyo Zambia oo ku wada jira Group A, kuma yara laacibiinta qaybaha kale ee garoonka marka loo eego inay sidoo kale ku faanaan goolhayaha ugu sareeya qaaradda ee Yassine Bonou iyo weeraryahanka khibrada leh ee Youssef En-Nesyri - laakiin Ounahi ma noqon karaa mid ka soo bixi kara haddii Hakimi laga saaro? Mohamed Amoura (Weeraryahan, Algeria) Gooldhaliyaha ugu sarreeya Afrika ee isreebreebka Koobka Adduunka, 2025 ilaa hadda waa sannadkii Amoura. Weeraryahanka Wolfsburg ayaa dhaliyay 11 gool sideed kulan oo uu u saftay dalkiisa tan iyo bishii Maarso, oo ay ku jirto seddexley uu ka dhaliyay Mozambique. Qaabkaas wanaagsan ayaa ka caawiyay in 25-jirkan uu noqdo dookha koowaad ee Les Verts. Riyad Mahrez ayaa wali ah ninka ugu muhiimsan kooxda heysata horyaalka 2019, laakiin waxa uu la dhisay isfaham dhow saaxiibkiis. Amoura waxa laga yaabaa inuu dhererkiisu yahay 5 cagood iyo 7 inji, laakiin Guruubka E oo ay ku jiraan Sudan, Burkina Faso iyo Equatorial Guinea waa inay ogaadaan in cayaartoyga Wolfsburg uu weli khatar ku yahay. Victor Osimhem (Weeraryahan, Nigeria) Doorashadiisu way caddahay laakinse nasiibka Nigeria wuxuu u muuqdaa inuu si dhow ugu xiran yahay helitaanka iyo qaabka weeraryahanka Galatasaray. Kooxda Super Eagles ayaa kaliya afar dhibcood ka qaatay 15 dhibcood oo ay heli kareen markii 26 jirkaan uu maqnaa intii lagu jiray ololihii isreebreebka Koobka Adduunka ee 2026 ee aan ugu dambeyntii guuleysan. Osimhen ayaa laf dhabar u ah ciyaarta kooxda uu hogaamiyo Eric Chelle, waxaana Nigeria ay lumisay wadadii ay ku ciyaareysay koobka aduunka ee ay la ciyaareen DR Congo markii lagu qasbay inuu garoonka ka baxo dhamaadka qeybtii hore. Isagoo saaxiibkiis Frank Onyeka uu ku tilmaamay inuu yahay "heer kale", qaab ciyaareedka Osimhen ayaa noqon doona mid muhiim ah haddii Nigeria ay dooneyso inay horumar ka sameyso kaalinta labaad ee ay ku dhameysteen kulankii ugu dambeeyay ee Ivory Coast. Xulkan saddexda jeer ku guuleystay koobka ayaa ku bilaabaya cayaarta ay uga hor imaanayaan xulka Tanzania oo ku jira Group C, iyadoo kulamo kale ay la ciyaari doonaan Uganda iyo Tunisia oo heysata horyaalka 2004. Ibrahim Mbaye (Weerar, Senegal) Sadio Mane ayaa weli ah gooldhaliyaha ugu sareeya kooxdii ku guulaysatay koobka Afcon sannadkii 2021, halka Iliman Ndiaye iyo Ismaila Sarr ay yihiin xiddigaha Premier League ee haatan ka caawiya sameynta seddexda weerar ee cajiibka ah. Laakin dunida kubadda cagta ayaa laga yaabaa inay aragto xiddigga mustaqbalka ee socda ee libaaxyada Teranga, Ibrahim Mbaye oo ku jira Guruubka D oo ay ku wajahayaan Botswana, DR Congo iyo Benin. Ciyaaryahankii hore ee da'yarta Faransiiska ayaa waxaa u fududeeeyey Paris St-Germain xilli ciyaareedkan in uu kooxda 1aad la cayaaro, isagoo bilaabay guushii Champions League ee Barcelona ka dib markii uu tartanka ku bilaabay bedelka kulankii European Super Cup ee ay ka badiyeen Tottenham. Mbaye ayaa kulankiisii ugu horeeyay Senegal u saftay bishii hore Brazil, maalmo ka dibna waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ee abid gool dhaliya isagoo jira 17 sano iyo 298 maalmood, markii uu shabaqa soo taabtay kulankii ay 8-0 ku xasuuqeen Kenya. Rogers Mato (Weerar, Uganda) Kooxda the Cranes ayaa ku soo laabtay Afcon markii ugu horeysay tan iyo 2019, markii ay ka soo baxeen 16-kii u dambeeyay, waxayna u dhismeen sidii ay u gaari lahaayeen finalka 2027. Xulka Paul Put ayaa ku dhameystay kaalinta labaad ee Group-kooda isreebreebka Koobka Adduunka, waxayna ka dambeeyaan Algeria, iyadoo Rogers Mato uu dhaliyay seddex gool. 22-jirka garabka ka ciyaara ayaa labo gool oo cajiib ah dhaliyay guushii ay ka gaareen Mozambique bishii Sebtembar, waxaana uu qaab ciyaareed adag ku qaatay kooxda Vardar ee ka dhisan Waqooyiga Macedonia. Uganda ayaa wajaheysa tijaabooyin adag iyagoo ku jira Group C, waxayna wajahayaan labo horyaal oo hore, Nigeria iyo Tunisia. Cranes-ku waxay u baahan doonaan inay qaataan fursadahooda marka ay yimaadaan, Mato-na waxa uu noqon karaa mid muhiim u ah isku dayga ay ugu jiraan inay u gudbaan wareega 16ka. Reinildo (Difaac, Mozambique) Mosambiik ayaa u socdaalaysa Waqooyiga Afrika ayagoo aan marnaba soo gaarin qaybaha kala reebta ee shantii kulan ee ay hore u cayaareen ee tartanka Afcon. Laakinse markii ugu horreysay ayaa waxaa kooxda xoojinaya cayaartoyga ka cayaara Premier League ee Reinildo oo ah cayaartoyga kaliya ee Musambiik u dhashay ee ka cayaara horyaalka Ingiriiska, ka dib markii uu kaga soo biiray Sunderland kooxda Atletico Madrid ee SPain bishii Luulyo. Wuxuu ka cayaaraa garabka bidix ee difaaca, wuxuuna 31 jirkaas gacan ka gaystay in kooxdiisa ay ka soo baxdo tartanka heerka labaad.
64be26f7-6325-453a-8ef7-84bcf1a32abb
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c9vj1zldxzzo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
967
Xiriirka la yaabka leh ee u dhaxeeya timaha cirroobay iyo Kansarka Timaha cirroobay ayaa badanaa loo arkaa calaamad gabow. Waxa ay si muuqata noo xasuusisaa sannadaha socda iyo dhammaan isbeddelada jirka ee la socda. Balse cilmi-baaris dhowaan la sameeyay ayaa muujisay caqabad aragti fudud, iyada oo muujinaysa in timahaas qallinka u eg ay noqon karaan muuqaalo muuqda oo ka turjumaya hababka difaaca jirku leeyahay si uu uga hortago kansarka. Daraasad cusub oo lagu sameeyay jiirarka ayaa iftiimisay habab cajiib ah oo jirkeenu u maareeyo dhaawaca unugyada, habkaan oo muhiim u ah gabowga iyo kansarka labadaba. Marka da'du sii kororto dhaawaca unugyadu si tartiib tartiib ah u daciifaya unugyada una carqaladeeya shaqadooda. Marka ay timaado kansarka unugyada xumaaday ama aan la hagaajin karin waxa ay keeni karaan korriin aan caadi ahayn iyo samaysan kara buro. Daraasadan ayaa muujisay xiriir la yaab leh oo u dhaxeeya luminta midabka timaha iyo hababka laga yaabo inay gaabinayaan horumarinta kansarrada la yaabka leh. Unugyada (melanocyte stem) ayaa udub dhexaadka ah ee daraasadan. Unugyadan waxay ku jiraan folikoollada qotada dheer ee timaha waxayna u adeegaan sidii kaydka loogu hayo melanocytes-ka, unugyada soo saara midabka ayaa mas'uulka ka ah midabka timaha iyo maqaarka. Xaaladaha caadiga ah, unugyada (melanocyte)ka waxa ay cusboonaysiiyaan unugyada soo saara midabka iyaga oo maraya dib-u-soo-noolayn wareeg ah, hab lagu garto marxalado soo noqnoqda oo firfircooni, nasasho, iyo cusboonaysiin ah, taas oo la jaanqaadaysa wareegyada dabiiciga ah ee koritaanka iyo daadsashada timaha. Tani waxa ay xaqiijineysaa sahay joogto ah oo midab iyo midabka timaha oo firfircoon inta ugu badan nolosheena. Si kastaba ha noqotee, maalin kasta unugyadeennu waxay la kulmaan dhaawac (DNA) (walxaha hidde-sidaha ee unugyada) oo ka yimaada ilo kala duwan, sida shucaaca (ultraviolet), soo-gaarista kiimikooyinka, iyo xitaa habka dheef-shiidka unugyadeenna. Dhaawacan unugyada ah wuxuu gacan ka geysanayaa gabowga iyo khatarta kansarka, sida melanoma, oo ah nooc ka mid ah kansarka maqaarka. Cilmi-baaristan cusub waxa ay iftiimisay waxa dhaca marka unugyada melanocyte-ka, ee ku yaal gudaha godka timaha, ay la kulmaan dhaawaca DNA, oo ay ku jiraan nooc dhaawac ah oo loo yaqaan "jabka laba-lakab ah" (double-strand break). Xaaladdan, unugyada melanocyte-ka waxay mari karaan habka loo yaqaan "senodifference." Si kooban, tani waxay ka dhigan tahay in unugyada (melanocyte) ay si joogto ah u kala duwanaadaan una noqdaan unugyo midab leh kadibna ka baaba'aan kaydka unugyada (melanocyte) , taas oo keenta muuqashada timaha caddaanka ah si tartiib tartiib ah. Habkan difaaca ayaa si adag u maamula dariiqyada isgaarsiinta gudaha ee u oggolaanaya unugyada inay la xiriiraan. Marka unugyada qaangaarka ah laga saaro bakhaarka unugyada hooyada, waxa la xakameynayaa ururinta iyo faafidda suurtagalka ah ee isbeddelada hidde-sidaha ama DNA-ga ee keeni kara kansar. Xiriirka Kansarka Ma aha in dhammaan dhaawaca DNA-ga uu kiciyo habka difaaca. Tijaabooyinkooda, cilmi-baarayaashu waxa ay unugyada melanocyte-ka ee dooliga u soo bandhigeen walxo carcinogenic ah iyo shucaaca UV. Si layaableh, xaaladahaan culus, unugyada hooyada ee melanocyte-ka gebi ahaanba ma aysan tixgelin "senodifference." Laakiinse, calaamadaha unugyada ku xeeran ayaa dhiirrigeliyay unugyada dhaawacan inay dib isu cusboonaysiiyaan oo ay sii wadaan qaybinta, inkasta oo uu jiro dhaawaca hidde-sidaha. Tani waxay abuurtay deegaan unug oo ku habboon horumarinta melanoma. Cilmi-baaristani waxa ay soo jeedinaysaa in masiirka unugyada melanocyte-ka ay u muuqdaan kuwo ku tiirsan labadaba nooca dhaawaca ay la kulmaan iyo calaamadaha (molecular) ee ku jira deegaanka yaryar ee unugyada. Walxaha culus, sida kiimikooyinka ama shucaaca UV, ayaa keena jabka DNA-ga, sidoo kale waxay horseedaan is-dilista unugyada melanocyte-ka. Habkan ayaa mas'uul ka ah timaha caddaanka ah. Balse saamaynta unugyada kansarka, melanocyte-ka ee dhaawacan ayaa sii jira, iyaga oo abuuraya meelo asal ah oo (melanoma) ka soo bixi karto. Saynisyahannadu waxay arrintan u yaqaanaan "masiir iska soo horjeeda"β€”oo macnaheedu yahay in isla kaydka unugyada (melanoma) ay raaci karaan laba waddo oo aad u kala duwan, iyada oo ku xiran xaaladaha. Waxaa muhiim ah in la adkeeyo natiijooyinka dib u fasiraada timaha caddaanka iyo melanoma, ma aha sidii in aysan xiriir lahayn, balse laba waji geeddi-socod da' dheer oo loogu talagalay in lagu dheellitiro cusboonaysiinta unugyada iyo ka hortagga kansarka. Gabowgu isagu laftir ahaantiisa ma aha, si gaar ah, unug cusboonaysiin iyo kahor taga kansarka, laakiin waa saameyn dhinac ah oo ka dhalata hab difaac oo baabi'ya unugyada halista ku jira. Si lamid ah, marka hababka xakamaynta ay daciifaan ama ay carqaladeyaan walxaha carcinogenic. Fahamkan cusub wuxuu sidoo kale sharxi karaa sababta aan ugu nugulnahay kansarka marka aan gaboowno. Dabcan, waa muhiim in la xuso xaddidaadaha natiijooyinkan. Inta badan xogta aasaasiga ah waxay ka timaadaa tijaabooyin lagu sameeyay dooliga. Tani waxay ka dhigan tahay in cilmi-baaris dheeraad ah loo baahan yahay marka laga hadlayo dadka si loo ogaado haddii unugyada (melanocyte)-ka ee bini'aadamku u shaqeeyaan si la mid ah. Kala duwanaanshaha noolaha iyo kakanaanta nolosha iyo hidde-sidaha aadanaha waxay ka dhigan tahay in xiriirka u dhexeeya timaha iyo khatarta kansarka ee bini'aadamku uu weli yahay mid adag. Si kastaba ha ahaatee, ogaanshahaan wuxuu furaa rajooyin xiiso leh oo ku saabsan cilmi-baarista kansarka iyo (gerontology). Fahamka calaamadaha kiciya unugyada (melanocyte) si ay u kala duwanaadaan ama u badan yihiin si halis ah waxay maalinta dambe keeni kartaa horumarinta daawooyin xoojiya difaacyada dabiiciga ah ee jirka, iyo in la yareeyo khatarta kansarka marka da'da la gaaro. Saameyntu waa mid ballaaran. Macluumaadkan wuxuu sharxi karaa sababta qaar ka mid ah dadka ay u yeeshaan (melanoma) xitaa iyaga oo aan la kulmin khataraha muuqda, iyo sababta kansarka iyo burburka unugyada ay badanaa ugu xiran yihiin dadka waayeelka ah. Sheekada timaha cirrada maaha oo kaliya qurux ama waqti isku dhaafsiin caadi ah. Waxa ay la xiriirtaa isbeddelka, la qabsiga, iyo feejignaanta joogtada ah ee ilaaliyeyaasha gudaha ee jirka. Timahaas qalinka u eg waxay muujin karaan wax qoto dheer: iyo dagaalka u dhexeeya gabowga iyo kansarka, mararka qaarkood waa dhaca in la huro ungyo si loo helo wanaaga xubnaha oo dhan.
e3f7d33b-d936-4826-a830-2487b1a2acbe
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cd0k3gn221xo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
959
Muxuu yahay baaqa culus ee guddoomiyaha Midowga Afrika uu u diray Itoobiya iyo Ereteriya Madaxa midowga Afrika Maxamed Cali Yuusuf ayaa xusay munaasabadii 25aad ee ka soo wareegtay heshiiskii Aljeris ee lagu dhammeeyay dagaalkii uu dhiiga badan ku daatay ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Ereteriya laga soo bilaabo 1998 ilaa 2000, isaga oo yiri ''Waxa ay matashaa guul taariikhi ah oo nabada'' labada dal ah. Diblomaasiga reer Jabuuti oo beddelay guddoomiyihii hore ee Midowga Afrika Musa Faki, febraayo 2025 ayaa sheegay in heshiiska nabadda uu muujinayo ''rabitaanka joogtada ee labada dal ee walaalaha ah ee ku aadan iskaashi iyo barwaaqo wadaag''. Dagaalkii xuduudda ee labada sano socday, oo ay ku dhinteen inta u dhexeysa 70,000 ilaa 80,000 oo labada dal ah ayaa dhammaaday 12-kii Diseembar 2000, kaddib markii heshiis nabadeed lagu saxiixay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamed Cali Yuusuf, ayaa sidoo kale u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Aljeeriya doorkii weynaa ee ay ka qaateen qabashada wada-hadallada iyo ilaalinta geeddi-socodkooda. "Inaga oo u dabbaaldegayna sanad-guuradan, waxaan ugu baaqayaa Itoobiya iyo Eritrea inay cusboonaysiiyaan ballanqaadkooda ku aaddan heshiiska Aljeris, isla markaana ay doortaan wadahadal iyo deris wanaag oo ah waddada ugu wanaagsan," ayuu yiri. Waxa uu intaasi raaciyay "Xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyo daryeelka iyo wanaagga shucuubta ku nool, waxay ku xiran yihiin xoojinta kalsoonida labada dhinac, ballaarinta iskaashiga, iyo ka hortagga waxyaabaha wiiqaya amniga guud". Itoobiya iyo Eriteriya ayaa ku heshiiyay in la dhiso guddi shan xubnood ka kooban oo xuduudda Itoobiya iyo Eritrea ah si loo go'aamiyo halka ay ka tirsan yihiin dhulalka xuduudda ee lagu muransan yahay. Bishii Abriil 2002, Guddiga Xuduudda Itoobiya iyo Eritrea ayaa soo saaray go'aan. Sida uu qabo go'aankaas, Badme, oo ah halka lagu tilmaamay inuu ka bilowday khilaafka labada dal, ayaa noqotay dhul ka tirsan Eritrea. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa diiday go'aankaas waxayna diidday inay ciidamadeeda kala baxdo. Kaddib go'aankaas, Itoobiya waxay ku baaqday wadahadallo dheeraad ah oo dhex mara labada dal, iyada oo tixraacday dhibaatooyinka ka imaan kara hirgelinta calaamadeynta xuduudda. Eritrea ayaa si adag u diidday codsiga Itoobiya. Sidaas darteed, arrinta xuduudda ee Itoobiya iyo Eritrea waxa ay gashay xaalad loo yaqaan "nabad la'aan iyo dagaal la'aan" muddo labaatan sano ah. Muddo sannado ah, Eritrea waxay ku adkeysanaysay in heshiiska Aljeris la fuliyo, maadaama uu yahay go'aan "kama dambeys ah oo waajib ah." Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo xilka la wareegay bishii Maajo 2018, ayaa sheegay in dib-u-heshiisiinta iyo nabadda lala gaaro Eritrea ay ka mid yihiin hawlihiisa ugu horreeya. Guddiga Fulinta ee EPRDF ayaa shirkiisii caadiga ahaa qabtay horraantii Juun 2018, wuxuuna ku dhawaaqay in Itoobiya ay fulin doonto heshiiska Aljeris si loo helo nabad waarta oo u dhexeysa labada dal iyo shucuubta walaalaha ah. Inkasta oo fulinta heshiiska Aljeris ay ahayd qodob muhiim ah oo ka mid ahaa "heshiiska nabadda iyo saaxiibtinimada" ee lagu saxiixay Asmara iyo Jeddah, haddana labada hoggaamiye ma aysan hirgelin intii uu xiriirkoodu wanaagsanaa. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamed Cali Yuusuf, ayaa mar kale ku celiyay diyaar garowga guddiga ee taageeridda labada dal iyo guud ahaan gobolka ee dadaallada lagu horumarinayo nabadda, horumarka iyo iskaashiga xuduudaha ka baxsan. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, AntΓ³nio Guterres, ayaa isaguna ugu baaqay labada dal inay sii wadaan ballanqaadkooda ku aaddan "aragti nabad waarta iyo ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed," Heshiiska ayaa gacan ka geystay abuurista "hannaan lagu calaamadeeyo xuduud" ayaa lagu yiri bayaanka, iyada oo lagu daray inuu "mar kale xaqiijiyay mabaadi'da aasaasiga ah ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee labada dal," iyadoo ay taageerayaan beesha caalamka. "Xilligan muhiimka ah, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu mar kale adkeynayaa taageeradiisa buuxda ee Heshiiska Aljeris," ayuu yiri. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa hadalladan jeediyay iyaga oo ka cabsi qaba in labada dal ay mar kale u jiheystaan dagaal.
ef6052f9-66be-4aa4-b014-3a21bc9e8d4e
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cvg8kdgdppjo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
633
Kooxaha reer Yurub ee samaynta darran uu ku yeelan doono Koobka Qaramada Afrika Koobka Qaramada Afrika ee 2025, oo lagu qaban doono Morocco lana bilaabi doono 21-ka Bishan Diseembar 2025 ilaa 18-ka Janaayo 2026, ayaa sababi doona maqnaansho badan oo ciyaartoy ah oo ka imanaya kooxo waaweyn oo ka dhisan horyaalada Yurub. Maadaama tartanku ku beegan yahay fasaxa jiilaalka ama waqtiga ugu mashquulka badan ee jadwalka, kooxo badan ayaa halis ugu jira inay waayaan ciyaartoy muhiim u ah dhowr kulan. Sanadkan, xiddigo badan ayaa lagu casuumi doonaa xulka qarankooda, taas oo keeni doonta inay seegaan daqiiqado badan oo muhiim ah oo ay u dheeli lahaayeen kooxahooda. Marka loo eego sida ay ugu socdaan tartanka, qaar ayaa maqnaan kara ilaa toddobo kulan. BBC Sport ayaa soo diyaarisay warbixin ku saabsan kooxaha ugu badan ee ay saamayntu ka muuqan karto ee ku sugan England, France, Germany, Italy iyo Spain. Ingiriiska (Premier League) Sunderland, oo haatan kaalinta afraad kaga jirta Premier League-ga, waa kooxda ugu saamaynta badani gaadhi doonto. Sida saadaasha la sameeyay muujinayso, toddoba ciyaaryahan oo ka tirsan kooxdooda ayaa loo xulan karaa Koobka Qaramada Afrika. Intooda badan waa ciyaartoy joogto ah oo sanadkan sameeyay 50 kulan oo Premier League ah guud ahaan. Ciyaartoydaas waxaa ka mid ah: garabka Morocco Chemsdine Talbi, khadka dhexe ee Senegal Habib Diarra (oo dhaawac ahaa tan iyo Sebtembar), daafaca Mozambiq Reinildo, garabka Ivory Coast Simon Adingra, weeraryahanka Burkina Faso Bertrand TraorΓ©, iyo labo ciyaaryahan oo reer DR Congo ah Arthur Masuaku iyo Noah Sadiki. Wolverhampton ayaa sidoo kale si weyn u saamayn ugu yeelan doonaa koobka qaramada Afrika, maadaama shan ciyaaryahan oo kooxdooda ka mid ahi u ambabixi karaan AFCON. Crystal Palace-na waxay waayi doonaan garabka Senegal IsmaΓ―la Sarr, oo dhaliyay siddeed gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan. Saddex ciyaaryahan oo kale ayaa shaki ku jira maadaama ay la tacaalayaan dhaawacyo iyo waqti ciyaareed oo kooban. Weeraryahanka reer Nigeria Christantus Uche ilaa hadda wuxuu u saftay Palace isagoo beddel ah, mana uusan ku jirin liiska xulkii ugu dambeeyay. Daafaca Morocco Chadi Riad iyo khadka dhexe ee Mali Cheick DoucourΓ© labaduba waxay ka maqnaayeen garoomada tan iyo Janaayo sababo la xidhiidha dhaawacyo jilibka ah. Labada xiddig ee Senegal ee Everton, Iliman Ndiaye iyo Idrissa Gueye, ayaa seegi kara kulamo Premier League ah. Liverpool, oo kaalinta siddeedaad joogta, waxay waayi doontaa hal ciyaaryahan oo AFCON ciyaari doona, balse waa mid ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn ee taariikhda kooxda Mohamed Salah, oo ilaa hadda shan gool dhaliyay xilli ciyaareedkan aan sidaa u muuqan, hubaalna wuxuu la safri doonaa xulka Masar. Manchester City waxay lumin doontaa laba ciyaaryahan, balse labaduba si kooban ayay u ciyaareen xilli ciyaareedkan sababo dhaawacyo ah awgeed. Weeraryahanka Masar Omar Marmoush wuxuu kusoo bilowday labo kulan Premier League, halka daafaca bidix ee Algeria Rayan AΓ―t-Nouri uu kusoo bilowday saddex kulan. Dhanka Manchester United, garabka midig ayaa si buuxda isu beddeli doona xilligga fasaxa. Weeraryahanka Cameroon Bryan Mbeumo, iyo labada ciyaaryahan ee ka ciyaara boosas midig Amad Diallo (Ivory Coast) iyo Noussair Mazraoui (Morocco) dhammaantood waxay joogayaan Morocco. Tottenham waxay filaysaa inay waayaan laba khad-dhexe oo muhiim ah: Pape Matar Sarr (Senegal) iyo Yves Bissouma (Mali). Bissouma ma uusan u ciyaarin Spurs xilli ciyaareedkan, wuxuuna qaliin canqowga ah galay Oktoobar. Ciyaaryahanka Ghana Mohammed Kudus wuxuu u ciyaari doonaa kooxdiisa maadaama dalkiisa uusan u soo bixin AFCON. Sunderland iyo Wolves waa kuwa ugu badan ee ciyaartoyda waaya, halka Arsenal, Chelsea iyo Leeds aysan lahayn ciyaartoy u qalma in loo xusho AFCON 2025. Saamayntu waxay noqon doontaa mid aad u weyn, kooxaha Ingiriiska ayaana khasab ku noqon doona inay ka taxadaraan xilli aad u adag oo ay jiri karaan maqnaansho dheer. Guud ahaan, ciyaartoyda loo xusho AFCON 2025 ee Morocco waxay seegi karaan ilaa lix ama xitaa toddobo kulan oo Premier League ah, iyo sidoo kale kulamada FA Cup iyo Carabao Cup haddii ay gaaraan finalka. Jarmalka (Bundesliga) Inkasta oo maqnaanshaha la dareemi doono, saameyntu waa mid xaddidan maadaama Bundesliga ay leedahay fasax jiilaal, taas oo ka duwan Premier League-ga. Horyaalku wuxuu dib u bilaabanayaa 9-ka Janaayo, xilli ay ku jiraan wareegga siddeed dhammaadka AFCON. Sidaa awgeed, ciyaartoyda laga reebo wareegyada hore waxay si degdeg ah ugu soo laaban karaan kooxahooda. Kuwa gaadhaya finalka waxay seegi karaan ilaa afar kulan oo Bundesliga ah, oo ay ku jiraan kulanka usbuuca dhexdiisa (13–15 Janaayo), iyo kulanka 18-aad (16–18 Janaayo), oo ku beegan waqtiga kulamada kaalinta saddexaad iyo finalka. Wareegga 7-aad ee Champions League (20–21 Janaayo) wuxuu ku beegan yahay laba maalmood kaddib finalka, taas oo ka dhigaysa ka qaybgalka mid shaki ku jiro. Ciyaartoy badan oo Bundesliga ka tirsan ayaa u badan inay u safraan xulalka Afrika ee u soo baxay: Algeria: Mohamed Amoura (Wolfsburg), Ramy Bensebaini (Dortmund), Badredine Bouanani (Stuttgart), FarΓ¨s ChaΓ―bi (Frankfurt), Ibrahim Maza (Leverkusen) Burkina Faso: Edmond Tapsoba (Leverkusen) Cameroon: Christian Kofane (Leverkusen), Nathan Ngoumou (Gladbach), Patrick Nkoa (Gladbach) Ivory Coast: Yan Diomande (Leipzig), Silas Gnaka (Magdeburg), Bazoumana TourΓ© (Hoffenheim) Mali: Ibrahima CissΓ© (Schalke), Amadou Haidara (Leipzig), Ibrahim Sissoko (Bochum), Ibrahima Sissoko (Bochum), Moussa Sylla (Schalke) Morocco: Hamza Anhari (Fortuna DΓΌsseldorf), Eliesse Ben Seghir (Leverkusen), Ayoub Chaikhoun (Nuremberg), Anouar El Azzouzi (DΓΌsseldorf), Bilal El Khannouss (Stuttgart) Nigeria: Dickson Abiama (Kaiserslautern), Kevin Akpoguma (Hoffenheim), Afeez Aremu (Kaiserslautern), Felix Agu (Werder Bremen), Precious Benjamin (Hoffenheim), Victor Boniface (Werder Bremen), Nathan Tella (Leverkusen), Jordan Torunarigha (Hamburg) Senegal: Nicolas Jackson (Bayern Munich) Talyaaniga (Serie A) Ciyaartoy badan oo Serie A ka tirsan ayaa ah ciyaartoy qaran oo u badan inay helaan wicitaannada qarankooda. Evan Ndicka (Ivory Coast – AS Roma) Ndicka ayaa si weyn horumar ugu sameeyay Rome tan iyo imaatinkiisii 2023, wuxuuna noqday daafac lagu kalsoonaan karo oo ka mid ah nidaamka Gasperini. Ademola Lookman (Nigeria – Atalanta) Inkasta oo uu doonayay inuu ka tago Atalanta xagaagan, Lookman si xirfad leh ayuu u soo laabtay, welina waa xiddig muhiim u ah Atalanta iyo Super Eagles-ka Nigeria. Boulaye Dia (Senegal) Xilli ciyaareedkan si buuxda uma fiicna, balse wali wuxuu haystaa kalsoonida macallinkiisa. AndrΓ©-Frank Zambo Anguissa (Cameroon – Napoli) Anguissa ayaa dhaawacmay intii lagu jiray kulankii ugu dambeeyay ee Cameroon, taas oo keeni karta inay xulku ku seegaan AFCON. Saamayntu ma noqon doonto mid aad u weyn sida horyaalada qaar, sida Premier League-ga, balse ciyaartoy muhiim ah ayuu tartanka qaramada Africa saamayn doonaa, taas oo culays saari karta isu-rogroga (rotation) iyo tartankooda kahor iyo kadib tartanka. Isbayn (La Liga) Sida uu qabo jadwalka Koobka Qaramada Afrika ee 2025, kulamada tartanku waxay ku beegmayaan dhowr maalin-ciyaareed oo La Liga ah. Taas micnaheedu waa in ciyaartoyda la waco ay seegi karaan inta u dhexeysa 3 ilaa 5 kulan oo horyaalka ah, iyadoo ku xiran halka ay xulkoodu tartanka ka gaaraan. Marka laga soo tago maqnaanshaha inta lagu jiro AFCON, waxaa jiri kara daal ama tamar-dhicis marka ay dib ugu soo laabtaan kooxahooda, taas oo saamayn karta bandhiggooda dhowr kulan. Qaar ka mid ah kooxaha La Liga ee laga yaabo inay saameyso AFCON 2025: Real Betis: Sofyan Amrabat (Morocco), Abde Ezzalzouli (Morocco), Cedric Bakambu (DR Congo) Celta Vigo: El-Abdellaoui (Morocco) Getafe: Abqar (Morocco), Ismael Bekhoucha (Morocco), Neyou (Cameroon) Girona: Ounahi (Morocco) Levante: Karl Etta Eyong (Cameroon) Rayo Vallecano: PathΓ© Ciss (Senegal) Real Madrid: Brahim DΓ­az (Morocco) Sevilla: Akor Adams (Nigeria), Chidera Ejuke (Nigeria) Villarreal: Ilias Akhomach (Morocco), Nicolas PΓ©pΓ© (Ivory Coast), Pape Gueye (Senegal France (Ligue 1) France (Ligue 1) Ligue 1 waa horyaalka ugu saameynta badan ee Yurub, celcelis ahaan 60 ciyaaryahan ayaana u safra AFCON. In ka badan kala bar kooxaha Ligue 1 waxaa saamayn ku yeelan doona maqnaanshaha ciyaartoydooda. Kooxaha ugu halista badan ayaa ah Metz, Nice, Saint-Γ‰tienne, Nantes, Clermont iyo Marseille. Kooxahani waa inay si weyn ugu diyaar garoobaan maqnaanshaha ciyaartoyda, gaar ahaan daafaca, khadka dhexe iyo weerarka.
23dde572-39e5-4144-8075-76119d24f3ed
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cn411w1ywyyo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
1,267
Cabdirisaaq Abuukar: Bajaajlaha ku guuleystay lottery-ga Mareykanka ee wadku kala dhantaalay riyadiisa Habeennimadii Axadda ee Isniintu soo galaysay waxaa Muqdisho lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysan jiray mooto bajaaj degmada Dayniile. Wiilkan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Abuukar Maxamed ayaa isagoo kaxeynaya mootadiisa ku soo dhex dhacay rag hubeysan oo rasaas ridaya, deetana xabaddihii raggaasi ay ridayeen ayaa uga dhacay laabta iyo dhuunta, waxayna taasi keentay in isla goobta uu ku dhinto sida ehelladiisu ay u xaqiijiyeen BBC-da. Caasho Cabdi Maxamed oo ah gabadha u dhaxday Cabdirisaaq ayaa sheegtay in uu soo gaaray warka dhiillada leh ee dhimashada saygeeda daqiiqada ka dib markii shilku dhacay. "Qof ayaa qaaday taleefanka Cabdirisaaq oo wacay qofkii ugu dambeeyay ee uu marxuumku garaaco, wuxuuna u sheegay in uu dhintay oo la dilay qofkii lahaa taleefanka, qofkii la wacay ayaa na soo wacay oo noo sheegay in Cabdirisaaq la dilay, si aan u hubino goobtii ayaan tagnay, sidaas ayaana ku xaqiijinay geeridiisa" sidaas waxa BBC-da u sheegtay xaaska marxuumka Caasha Cabdi Maxamed. Booliska ayaa la soo weriyay in ay gacanta ku soo dhigeen nin ku eedeysan in uu mas'uul ka ahaa dilka darawalka mooto bajaajta. War kooban oo ay boolisku soo dhigeen bartooda Facebook ayaa u qornaa sidan "Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saldhigga degmada Dayniile, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane S/le Cabdullaahi Axmed Geedi, oo ku eedeysan inuu degmada Dayniile ku dilay marxuum Cabdirisaaq Abuukar Maxamed, oo ahaa wade mooto Bajaaj. Eedeysanaha ayaa ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh." Maydka marxuumka ayaan wali la aasin, wuxuuna yaallaa qaybta maydadka la dhigo ee isbitaalka Erdogan ee horey loo oran jiray Digfeer. Maxay tahay sababta aan wali loo aasin maydka marxuumka? In kastoo habeennimadii Axadda la dilay Cabdirisaaq haddana wali lama aasin maydkiisa sida ay xaqiijiyeen ehellada marxuumka. Ehellada marxuumka ayaa sheegaya in aan la aasi doonin maydka illaa laga helo raggii dilkiisa gaystay, isla markaana caddaaladda laga horgeynayo. "Wiilka maaddaama dadkii dilay aan wali la isku afgaran, xaqiisiina meel u dhicin yaan la duugin ayay qoysku ku tashteen, xitaa haddii la waayo raggii dilka gaystay waa in la soo xiraa dadkii damiinka ka ahaa" ayuu yiri Yuusuf Absuge oo ehel la ah marxuumka la dilay mar uu waraysi siiyay BBC-da. Lama oga waqtiga la aasi doono maydka Cabdirisaaq, hase yeeshee ehelladiisu waxay rajaynayaan in si degdeg ah sharciga loo horgeeyo kuwii dilkiisa gaystay, deetana maydka la aaso. Marxuumka iyo xaaskiisa ayaa u ballansanaa waraysiga dal ku galka Maraykanka Caasho Cabdi Maxamed iyo saygeeda Cabdirisaaq Abuukar Maxamed ayaa ku guuleysay Bakhtiyaa Nasiib (Lottery) ee dal ku galka Maraykanka oo ay xaraysteen sanad kii hore loona sheegay in ay ku guuleysteen sanad kan. Caasho ayaa ahayd qofka gashay Bakhtiyaa Nasiibka, waxayna isla diiwangalisay ninkeeda, sidaas ayuu labadoodaba ugu soo baxay bishii May ee sanad kan. "Lootariiga horta anaa xareystay, sida caadiga ah ee loo xareysto lootariiga ayaan u xareystay, Mayna natiijada in la i aqbalay ayaa ii soo baxday, markii hore ee aan is diiwangalinayay ayaan ku daray in aan xaasle ah oo raaciyay macluumaadka ninkeyga, sidaas ayuuna noogu soo baxay" ayay tiri Caasho Cabdi Maxamed. Bishan sagaalkeeda ayay u balansanaayeen in ay maraan wareysiga dal ku galka Maraykanka oo ay u tagi lahaayeen safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Bangkok ee caasimadda dalka Thailand. Laakiin dib ayay u dhigteen illaa bisha Febraayo ee sanadka soo socda 2026, sababo la xiriirra Caasho oo hadda ah xaamilo aad u culus, kuna jirta bishii sagaalaad ee uurkeeda. Nasiib darro geerida Cabdirisaaq ayaa ka soo hormartay balanta waraysiga dal ku galka Maraykanka ee ay u tagi lahaayeen Bangkok. Caasho oo ay BBC-du wax ka weydiisay haddii kaligeed ay sii wadan doonto waraysiga iyo hannaanka dal ku galka Maraykanka ee ay ku guuleysteen, iyada iyo saygeeda la dilay ayaa sheegtay in hadda kaliya waxa u yaalo ay tahay tacsi iyo tiiraanyo. Marxuumka ayaa ahaa darawal mooto bajaaj, wuxuuna bartay cilmiga shaybaarka oo uu dhameystay sanad kii 2023, xiligaas waxa uu maalmaha Khamiista iyo Jimcaha dhigan jiray jaamacadda, halka maalmaha kale uu ku shaqaysan jiray mooto Bajaaj. Cabdirisaaq iyo Caasho waxay is guursadeen bishii Luuliyo sanad kii hore ee 2024, waxayna hadda sugayeen in uu ifka yimaado ubadkii ka beermay guurkooda iyo in ay u dhoofaan Maraykanka oo kamid ah himilooyinkii ay hiigsanayeen si nolol ka wanaagsan tan Soomaaliya ay halkaas uga bilaabaan. "Waxaan rajeynaynay fursad shaqo iyo mid waxbarasho inaan ka helno Maraykanka, nolosheena horumar ballaaran ka sameyno, hadafyadaas ayaan lahayn" ayay tiri Caasho Cabdi Maxamed. Muqdisho dhalinyaro badan oo ku shaqeysan jiray mooto bajaaj ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay sanadihii la soo dhaafay, lamase oga dilkan u dambeeyay sababta keentay, waxaase socoto baaris hay'adda dambi baarista boolisku gacanta ku hayso oo ku saabsan dilka wiilkan dhalinyarada ah.
58a2d35c-6cc2-4cdf-a7cc-8c6a0a1ab977
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c98nqm049zno
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/Ibraahim Maxamed Aadan.txt
so
1
782
Maxay ka dhignayd macsalaamayntii Maxamed Saalax ee taageerayaasha Liverpool iyadoo wali su'aalo dul hoganayaan Mohamed Salah ayaa sameeyey wax kasta waqtigii ciyaarta kadib guushii 2–0 ee Liverpool ka gaartay Brighton kulan ka tirsanaa Premier League, isagoo sacab u tumayay dhammaan afarta dhinac ee garoonka Anfield, iyadoo taageerayaasha Liverpool ay qaadayeen heesta caanka ay ee "Boqorka Masar". Markii uu gaaray marinka ciyaartoydu ka baxaan , wuxuu ahaa ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee garoonka jooga, wuxuuna sameeyay gacan-haadis yar oo uu u diray goob ay fadhiyeen qoyskiisu. Macsalaamayn miyey ahayd mise mid ku ekeyd waqtiga xalay bes? Salah wuxuu maalmaha soo socda ku biiri doonaa xulka Masar ee Qaahira, iyagoo isu diyaarinaya Koobka Qaramada Afrika (AFCON) β€” balse fariinta ka dambeysay shirkii jaraa'id ee tababare Arne Slot kadib ciyaarta waxay ahayd mid cad. "Ma jiro wax dhibaato ah oo aan xallinayo," ayuu yiri Slot. "Aniga ahaan, hadda wuxuu la mid yahay ciyaaryahan kasta oo kale. Ma jiro wax aan ka hadlo wixii dhacay kadib kulankii Leeds." Hadalkiisii xanafta lahaa ee Elland Road Sabtidii hore β€” halkaas oo uu ku sheegay in kooxda ay "baska hoostiisa ku tuurtay" isla markaana uusan wax xiriir ah la lahayn tababarahiisa u dhashay Netherlands β€” Salah wuxuu sheegay in kulankan Brighton uu si weyn u noqon karo mid uu ku macasalaameeyo. Kadib markii laga reebay liiska ciyaartoyda kulankii Champions League ee toddobaadka ay Liverpool kaga adkaatay Inter Milan, Salah wuxuu kursiga keydka ku soo bilaamay ciyaartii Birgton, isagoo beddelay Joe Gomez oo dhaawacmay daqiiqaddii 26aad. Hadda, filashada guud waxay tahay in ciyaaryahanka 33-jirka ah uu bisha soo socota dib ugu soo laaban doono Liverpool kadib marka uu dhammeeyo waajibaadka xulka qaranka. Sida uu qabo Maxamed Axmed Deysane oo ah fallanqeeye arrimaha ciyaaraha ah ayaa qaba inuu isagoo sacabtumaya uu taageerayaasha afarta dhinac ee garoonka uu u jeensaday ay u muuqato mid tagaya "markii uu gacanta u taagayey tagerasha Liverpool waxaan u maleynaya in uu macsalamiinayey uusan ku soo noqonaynin Liverpool.hoos u dhaca ku yimid Mohamed Salah waxey tahay qaabka uu layimid tabaraha cusub ee Liverpool iyo ciyaartow badan oo weerar ah ayuu keynsaday" ayuu yiri Deysane. Wadahadallo ayaa weli la qorsheynayaa inay dhex maraan labada dhinac inta Salah maqanyahay, balse toddobaad kadib wareysigii qiiro leh ee Leeds, wuxuu Salah ku jiray farxad buuxda aagga saxaafadda ee Anfield, isagoo dhex marayay wariyeyaasha lana weydiiyay inuu wareysi bixiyo. "Laba toddobaad oo isku xiga miyaa? Maya, maya," ayuu Salah ku kaftamay. Haddaba maxaa keenay hoos u dhaca Salah? Maxamed Salax iyo Liverpoolba ma ahayn sanad ciyaareed u wanaagsan marka la eego guuldarooyin ay la kulmeen iyadoo Salah ay ka muuqatay inuu la dhibaatoonayo inuu shabaqa gaaro iyo caawintii looga bartayba. Maxaa haddaba dhaliyey hoos u dhaca Salah, falanqeeye Maxamed Axmed Deysane, wuxuu qabaa in sababta ugu weyn ay tahay isbaddelka qaab ciyaareed ee uu la yimid tababaraha Liverpool. Si lamid ah Deysane fallanqeeyaha kale ee ciyaaraha Maxamed Cumar Baakaay, ayaa qaba in la tahay in la joogo waqtigii Salah macsalaamayn lahaa Liverpool. "Runtii Moh SALAX waaa Laacib magac weyn usoo jiiday dalalka Afrikanka Iyo Carabtaba Dhamantod, Waa sax In la joogo waqtigii uu ka tagi lahaa kooxda iyo UK. Kubada Cagta Ma Laha, LAACIB SANAD KASTA GAROMADA KA MUUQDA EE Waa HAADBA HAAD KICI" ayuu yiri Baakaay. Ma jirin dadaal uu Salah sameeyay si uu mar kale hadal u jeediyo ama si fagaare ah raalli-gelin u bixiyo, balse Slot wuxuu si cad u yiri "haa" markii la weydiiyay inuu doonayo weeraryahanka inuu kusoo laabto kooxda kadib Koobka Qaramada Afrika. Fahamka guudna wuxuu yahay in kulankoodii Jimcaha uu ahaa mid wanaagsan. Markii la weydiiyay haddii Salah doonayo inuu sii joogo, tababaraha Reds ayaa ku daray: "Taasi waxaan filayaa inaad horeyba u taqaan jawaabteeda. Wixii naga dhexeeyay annaga ayay naga dhex ahaanayaan. Wuxuu ku jiray liiska ciyaartoyda, wuxuuna ahaa beddelkaygii ugu horreeyay." Markii shanaad oo xiriir ah, Salah kuma jirin safka bilowga. Hase yeeshee, markii daafaca Gomez uu dhaawacmay, Slot wuxuu u jeestay kursiga keydka, wuxuuna garoonka soo geliyay ninka 250 gool u dhaliyay Liverpool siddeedii sano ee uu kooxda joogay. Salah ma uusan kordhin tiradiisa goolasha kulankaas, balse wuxuu caawin (assist) ka sameeyay goolkii labaad ee Hugo Ekitike daqiiqaddii 60aad. Falanqeeyayaasha kubada cagta ayaa in badan qaba in Salax u muuqdo mid galay waayihii ka biixtaanka horyaallada Yurub, haddaba halkee laga yaaba inuu aadi karo Salah hadduu ka tagao Liverpool. Maxamed Axmed Deysane, wuxuu qabaa in laga yaabo inuu u dhaqaaqi doono horyaaalka Sacuudiga waa haddii uu ka tago Livaerpool. Salah ayaa kaalin sare ku lahaa koobab badan oo kooxda Liverpool ku guulaysatay muddadii uu joogay.
9e791735-d360-4bba-88bd-33c4a0568310
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cgmn442xzvno
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
754
FBI oo fashilisay weerar argagixiso oo ballaaran oo ka dhici lahaa Mareykanka Qorshe argagixiso oo looga shakisan yahay in loogu talo galay habeenka sanadka cusub oo ay soo maleegeen koox xagjir ah ayaa waxaa fashiliyay maamulka federaalka ee magaalada Los Angeles, sida ay saraakiishu sheegeen. Afar qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Jabhadda Xoreynta Jasiiradda Turtle – oo ka soo jeeda kooxda taageersan Falastiiniyiinta ee dawladda ka soo horjeeda – ayaa la xiray iyagoo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weerarro bambaano oo la soo agaasimay oo ka dhici lahaa ugu yaraan shan goobood oo ku yaalla koonfurta California, FBI-da iyo sharci fulinta LA ayaa Isniintii sidaa sheegay. Tuhmanayaasha ayaa la qabtay toddobaadkii hore iyaga oo u socday saxaraha bari ee Los Angeles si ay u tijaabiyaan walxaha qarxa, sida ay saraakiishu sheegeen. FBI-da waxay aaminsan tahay inay "buriyeen qorshaha", balse baaritaan lagu ogaanayo tuhmanayaasha kale ee suurtagalka ah ayaa socda. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Pam Bondi ayaa maalintii Axadda qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay in hay'adaha ammaanku ay ka hortageen "xagjiriinta fog-fog" inay fuliyaan "qorshe argagixiso oo ballaaran oo argagax leh". Audrey Illeene Carroll, oo 30 jir ah; Zachary Aaron Page, 32 jir; Dante Gaffield, 24 jir; iyo Tina Lai, 41 jir, ayaa wajahaya dacwado ay ka mid yihiin shirqool iyo haysashada qalab burburin ah oo aan diiwaan gashanayn, sida ku cad cabashada laga gudbiyay Maxkamadda Degmada Maraykanka ee Bartamaha Kaliforniya. Taariikhdu markey ahayd 12-kii Diseembar, kooxdu waxay u safreen saxaraha iyagoo wata "kiimikooyin horudhac ah" waxaana la sheegay inay doonayeen inay ku sameeyaan bambooyin, sida ay saraakiishu sheegeen intii lagu jiray shir jaraa'id oo Isniintii dhacay. Diyaarad ilaalo ah ayaa duubtay muuqaalka dhaqdhaqaaqooda, waxaana kooxda FBI-da ee LAPD SWAT, oo ay weheliso FBI-da, ay u dhaqaaqeen goobta oo ay xireen afarta qof iyagoon wax iska caabbin ah kala kulmin. Qorshaha bam-gacmeedka ayaa ku lug lahaa in qalab qarxa lagu aaso goobo ay bartilmaameedsadeen labo shirkadood oo Maraykan ah oo lagu tilmaamay inay yihiin xarumo saadka bixiya xilliga saqda dhexe ee habeenka sanadka cusub ee agagaarka Los Angeles. Kooxda ayaa sidoo kale la sheegay inay ka wada hadleen weerar ay ku qaadaan wakiillada iyo gawaarida Waaxda Socdaalka iyo Kastamyada (ICE) iyagoo isticmaalaya bamamka tuubooyinka ah bisha Janaayo ama Febraayo, sida lagu sheegay cabashada. Carroll ayaa la sheegay inay tiri: "Taasi waxay meesha ka saareysaa qaar ka mid ah, inta kalena way ka argagax gelineysaa." "Fashilinta guusha leh ee qorshahan waa marqaati awood leh oo muujinaya xoogga jawaab celinteenna midaysan," ayuu yiri Taliyaha LAPD Jim McDonnell, isaga oo intaa ku daray in shaqada ay qabteen hay'adaha xulafada ah ay "ka hortageen masiibo suurtagal ah ayna xaqiijiyeen ballanqaadkeenna wadajirka ah ee ilaalinta bulshooyinkeenna".
48a3bd5a-b3a4-4246-8e39-2a575c4b9a5e
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c80xjj3k07go
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/Nardine Saad.txt
so
1
446
Barasaabka Minnesota oo ka hadlay waxa dhex maray wiilka Ilhaan Cumar iyo ciidamada socdaalka Barasaabka gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Tim Walz ayaa sheegay in ciidamada socdaalka ee ICE ay istaajiyeen wiillka xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minneapolis, isaga oo raacay sharciga, uuna waqtigaasi u socday guriga. ''Tani ma aha howlgal lagu beegsanayo dambiilayaasha ee waa faquuq bulsheed'' ayuu yiri Walz. Xildhibaan Ilhaan Cumar oo dhankeeda hadashay ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan socdaalka federaalka ay Sabtidii joojiyeen wiilkeeda, isla markaana ka dalbadeen inuu caddeeyo dhalashadiisa Mareykannimo. "Shalay, kaddib markii uu istaagay dukaan ku yaalla Target, waxaa joojiyay saraakiil ka tirsan (Hay'adda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka (ICE)), markii uu u soo bandhigay baasaboorkiisa ayay sii daayeen," ayay Ilhaan ku tiri wareysi ay siisay Esme Murphy oo soo jeediya barnaamijka WCCO Sunday Morning. WCCO ayaa la xiriirtay ICE si ay uga helaan faallo ku saabsan dhacdadan. Xildhibaanadda ayaa sheegtay in wiilkeedu "mar walba wato" baasaboorkiisa. Ilhaan ayaa sidoo kale sheegtay in ICE ay horay u galeen masjid ay wiilkeedu iyo dad kale ku tukanayeen, balse ay ka baxeen iyaga oo aan wax dhibaato ah geysan. Kaddib arrintaas, ayay tiri, "waxaan ku qasbanaaday inaan xusuusiyo sida aan uga walwalsanahay, sababta oo ah dhammaan goobaha ay ka hadlayaan waa goobo uu isagu ku sugnaan karo, waxayna sameynayaan takoorka ku saleysan midabka ama qowmiyadda, waxa ay raadinayaan wiilal da'yar oo u ek Soomaali kuwaas oo ay u haystaan inay yihiin dad aan sharci haysan." Horaantii bishan, saraakiil federaal ah ayaa si weyn u soo buux dhaafiyay Magaalooyinka Mataanaha ah, iyaga oo sheegay in ujeeddadoodu tahay beegsiga muhaajiriinta Soomaaliyeed ee aan sharciga haysan. Waxaana diiradda la saaray bulshada Soomaaliyeed ka dib markii Trump uu sheegay in uusan ''doonayn iinay Mareykanka joogaan'' waxaana uu Ilhaan Cumar ku tilmaamay ''khashin'' Jimcihii, Ilhaan Cumar waxa ay warqad u dirtay xooghayaha Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) Kristi Noem iyo Todd Lyons, oo ah agaasimaha ku meel gaarka ah ee ICE, iyada oo ku eedeysay saraakiisha federaalka "takoorka muuqda ee ku saleysan qowmiyadda" iyo "adeegsiga awoodda xad-dhaafka ah oo aan loo baahnayn" ee ka dhacay magaalooyinka mataanaha. "Waa ay ii caddahay in howlgalkani xooggani uu si toos ah uga dhashay hadallada cunsuriyadda ah ee Trump ee ku saabsan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan aniga," ayay Ilhaan qortay. Xogta Xafiiska Tirakoobka Maraykanka ayaa muujinaysa in Minnesota ay ku nool yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ugu badan dalkaasi, iyada oo qiyaastii 107,000 qof, in ka badan 80,000 oo ka mid ahna ay ku nool yihiin magaalooyinka mataanaha. Ilhaan ayaa ku adkaysanaysa in "in ka badan 90% Soomaalida ku nool Mareykanka ay yihiin muwaadiniin Mareykan ah," iyada oo tixraacaysa daraasada sahanka bulshada Maraykanka (American Community Survey) ee ay sameeyeen waaxada tirakoobka, taasi oo qiyas ahaan ah in ku dhowaad 22,000 oo Soomaali ah, qiyaastii 8.4% bulshada aysan ahayn muwaadiniin. Ilhaan ayaa ku dhalatay Soomaaliya, waxa ayna Maraykanka tagtay iyada oo carruur ah, waxa ayna heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2000. Istaajinta ay ku sameeyeen ciidamada ICE, wiilka xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaalida ku nool Minnesota ay soo wajahday cabsi, iyada oo saamayn ku yeelatay dhaqaalihii iyo ganacsigii Soomaalida, maaddaama cabsi darteed ay u soo bixi waayeen dadka qaarkood.
5ff0a801-fa5d-4aef-b222-5f9baae10633
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cx2d4ddvvl1o
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
529
Muxuu hogaamiyaha masiixiyiinta booqashadiisii ugu horreysay uga bilaabay dalkan Muslinka ah ee xiriirka dhow la leh Soomaaliya Jaleecada hore, ma jiraan calaamado badan oo muujinaya in magaalada deggan ee Iznik ee TΓΌrkiye, oo qiyaastii laba saacadood u jirta Istanbul, ay ahayd magaalo qadiimi ah oo wax ka beddeshay habka taariikhda. Kaliya waxay qaadataa nus saac in lagu dhex lugeeyo magaaladan yar oo ay ku nool yihiin 45,000 oo qof, iyagoo maraaya jidad ciriiri ah oo qurxoon, kuwaas oo balakoonadooda ay ka buuxaan ubaxyo. Marka laga gudbo waddooyinkaas oo la gaaro xeebaha harada Iznik, oo ku taal dhinaca kale ee magaalada, weli waxaa jira calaamad yar oo muujinaysa in tani ay mar ahayd mid ka mid ah caasimadaha boqortooyooyinkii Byzantine iyo Cusmaaniyiinta. Si kastaba ha ahaatee, magaalada oo mar loo yaqaan Nicaea, ayaa martigelinaysa Pope Leo XIV, hogaamiyaha kaniisadda Katooliga, safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah tan iyo markii uu xafiiska qabtay May 2025. Ujeedada ugu weyn ee safarkan ayaa ah in Baadarigu uu ka soo qayb galo xaflada Bartholomew oo ah Baadariga Constantinople iyo madax kale oo Masiixiyiin ah oo lagu xusayo sannad-guuradii 1,700aad ee Golaha Koowaad ee Nicaea, taas oo la qabtay 325 AD. Safarka ayaa markii hore loo qorsheeyay in uu ku tago halkaasi Pope Francis, oo dhintay bishii Abril. Ka dib dhimashadiisa, booqashadan dib ayaa loo dhigay. "Mid ka mid ah boogaha ugu qoto dheer ee Kaniisadda maanta waa in annaga Masiixiyiinta ah aan u kala soocnay midba iyo waxa kale kale," Pope Leo XIV ayaa ku yiri wareysi la daabacay Sebtembar. Waxa uu sheegay in uu si gaar ah u taageersan yahay xuska golaha Nicaea sababtoo ah waxa uu u arkaa mid ka dhexeeya qaybaha kala duwan ee diinta Misiixiyiinta. Leo XIV waa baadarigii shanaad ee booqda Turkiga. Ma jiro tirokoob rasmi ah oo laga sameeyay tirada dadka Masiixiyiinta ah ee ku nool dalka, balse warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka 2023, oo ku salaysan bulshooyinka Masiixiyiinta ah, ayaa tiradooda lagu qiyaasay 150,000. Baadariga ayaa lagu wadaa inuu magaalada Ankara kula kulmo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Laakiin Maxay magaaladan goob muhiim ah ugu tahay Masiixiyiinta? Waqti muhiim ah Jawaabta su'aashan waxay ku beegan tahay qarnigii afraad ee AD, markii "Golaha Koowaad ee Nicaea" la qabtay. Waqtigaas, Boqortooyada Roomaanka waxay fidday min Scotland ilaa badda cas iyo Morocco ilaa saxaraha casriga ah ee Suuriya, Urdun iyo Ciraaq. Waxaa madax ka ahaa Constantine the Great, oo ahaa boqorkii ugu horreeyay ee Masiixi ah. Waxa uu Masiixiyiinta siiyey xuquuqaha sharciga ah ee ugu dhammaystiran tan iyo dhimashadii nebi Ciise saddex qarni ka hor, isaga oo u oggolaaday inay si furan u cibaadeystaan. Constantine wuxuu rabay inuu qabto shir wadaaddada si loo xalliyo khilaafaadka caqiidada. Golihii 325 AD waxa uu noqday isbedel ku yimid taariikhda Roomaanka iyo Kiristaanka. Turhan Kacar, oo ah taariikhyahan ka tirsan jaamacadda Mugla Sitki Kucman, ayaa BBC-da laanteeda afka Turkiga u sheegay in culimadu ay markii hore qorsheynayeen in ay isugu yimaadaan magaalada Ankara ee casriga ah, balse Constantine ayaa warqad uu soo qoray ku amray in ay aadaan Nicaea. Sida laga soo xigtay Cachar, Constantine wuxuu rabay inuu shakhsi ahaan hogaamiyo golaha: "Waxa uu ka ogaa kulamadii hore ee kaniisadaha in haddii hoggaamiyaha kiniisaddu keligood laga tago, ay isku dhici doonaan." Taariikhyahanku wuxuu sheegay in isagoo qabtay Golaha Nicaea, Constantine wuxuu u beddelay diinta sidii"qalab ay adeegsato dawladda": "Markii hoggaamiyaha kiniisaddu tageen Nicaea, waxay ahaayeen wakiillo ka socda bulshooyinkooda, laakiin markay ku noqdeen magaalooyinkooda, waxay ahaayeen wakiillo ka socda dawladda." Paolo Raffaele, oo ah madaxa Kaniisadda Katooliga ee St. Stephen ee Istanbul, ayaa sidoo kale aaminsan in golaha la qabtay markii "kaniisaddu ay bilowday inay la shaqeyso dawladda." Waxa uu BBC-da u sheegay in goluhu uu door muhiim ah ka qaatay qeexidda caqiidada aasaasiga ah ee diinta Kiristaanka, isaga oo intaa ku daray in lagu heshiiyey in la qaato dabeecadda iyo habdhaqankii Ciise Masiix ee Nicaea. Xuska sannad-guurada 1,700 ee golaha ayaa fursad u siinaya Masiixiyiinta inay u dabaaldegaan calaamad muhiim ah oo caalami ah oo kaniisaddaha ah. Professor Kachar wuxuu xusay in waqtigii Golaha Nicaea, kaniisadaha Masiixiyiinta aan weli loo qaybin Catholic iyo Ortodoks, sababtaas awgeed, dhacdadan taariikhiga ah ayaa loo arkaa "madal midnimo" hoggaamiyeyaasha ruuxiga ah ee maanta. Pope Leo XIV wuxuu qaban doonaa isu soo bax diimeed oo la filayo inay yimaadaan ilaa lix kun oo qof Noofambar 29 wuxuuna u dhoofi doonaa Lubnaan maalinta xigta si uu u bilaabo lugta xigta ee safarkiisa.
388796e3-36d9-4b30-b013-486fab50f2da
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cy5gkrz73dpo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
736
Jacayl ka bilowday xabsi: Sida nin Muslim ah oo reer Afgaanistaan ah u guursaday haweeney Yuhuudi ah Markii Kabul ay gacanta u gashay Taliban bishii Agoosto 2021, adduunku wuxuu arkay sawirro muujinaya jahawareerka ay dadka Afgaanistaan ku jireen iyagoo ku soo daadanaya garoonka diyaaradaha, si degdeg ahna u isku dayaya inay baxsadaan. Washington D.C., caasimadda Maraykanka, nin hore uga tirsanaa ciidamada badda oo lagu magacaabo Safi Rauf ayaa bilaabay hawl uu isagu gaar u qaaday: inuu caawiyo asxaabtiisii iyo dadka uu la shaqayn jiray ee ku xanniban Afgaanistaan. Marnaba ma uusan filayn in intii uu ku jiray hawshaas badbaadinta nolosha uu la kulmi doono jacaylkiisa noloshiisa, isla markaana isagoo Muslim ah uu jeclaan doono haweeney Yuhuudi ah oo diinteeda iyo nolosheedu si weyn uga duwanyihiin tiisa. "Waan yara ka labalabeeyay ka hor inta aan caawin qofkii ugu horreeyay," ayuu xasuustaa. "Laakiin taas ayaa wax walba i beddeshay. Markaas ka dib waxaan caawiyay qof kale, dabadeedna qof kale. Si lama filaan ah ayay arrintu isugu beddeshay hawl ballaadhan annagoo caawinayna boqolaal qof oo ku sugan Afgaanistaan iyo tiro badan oo annaga naga mid ah oo Washington joogtaa." Safi, oo ku dhashay xero qaxooti ah una soo haajiray Maraykanka isagoo dhalinyaro ah, ayaa isku arkay dhexda hawl samatabbixin ah oo aad u adag. Xaaladdaas adag gudaheeda ayuu la kulmay Sammi Cannold oo ah agaasime masraxeed ka shaqeysa magaalada New York, taasoo si degdeg ah u isku dayaysay in la soo saaro saaxiib qoyskeeda ah oo ku xanniban Kabul. "Aniga gebi ahaanba ma aqoon cidna," ayay tidhi Sammi. "Markaas ayaan daawaday barnaamij gaar ah oo telefishin ah oo ka warramaya Safi iyo kooxdiisa. Waxaan u diray farriin qoraal ah anigoo waydiinaya inuu i caawin karo. Wuxuuna iigu jawaabay in waxa ugu habboon ay tahay inaan tago Washington oo aan ku biiro kooxdiisa is xilqaamayaasha ah." Markaas ayay buuxsatay boorsooyinkeeda, raacday tareen una safartay magaalada Washington D.C., iyadoo si toos ah u gashay xarunta hawlgalka oo ay ka buuxeen rag badankood ahaa askar hore. "Anigu waxaan ku noolaa jahawareerka masraxa," ayay tiri iyadoo qosleysa. "Tani waxay ahayd isbeddel weyn oo lama filaan ah." Sammi waxba kama aysan aqoon Afgaanistaan, balse waxay lahayd xirfado mid degdeg ah ka dhigtay qof aan laga maarmi karin. "Waxaan horay ugu baranay shaqooyin la xidhiidha waraaqaha xogta kombiyuutarka iyo isgaadhsiinta," ayay tidhi. "Markaas ayaan noqday sarkaalka isgaadhsiinta ah." Jacayl iyo xiiso xilli jahawareer ah Inkasta oo ay jireen xaalad degdeg ah iyo jahawareer ka jiray xarunta hawlgalka, haddana arrin kale ayaa si tartiib ah u socotay. "Ma jirtay shucuur? Waxaan u maleynayaa in jawaabtu tahay haa," ayay tidhi Sammi. Waxay xasuusatay inay fiirisay da'da Safi bog internet ah si ay u ogaato haddii "uu ku habboon yahay in dookheeda uu yahay." "Magaca Safi iyo da'diisa ayaan ka raadiyay Google, sababtoo ah shaqadu way daalisay xilligaas, wuxuuna u ekaa da' weyn marka la barbar dhigo sida uu hadda u egyahay," ayay raacisay. Socodkoodii dheer ee ugu horreeyay wuxuu dhacay abbaaro saddexdii habeenimo, iyagoo sugaya dadkii laga daadgureynayay inay ka gudbaan barta hubinta ee Taliban. Waxay ku wareegeen taallooyinka magaalada Washington ilaa ay ka gaareen Lincoln Memorial. "Waxay u muuqatay sidii filim," ayay tidhi Sammi. "Markaas ayaan bilaabay inaan isweyddiiyo: ma ninkaan baa aan guursan karaa?" Markii dambe ayay mar kale kulmeen, waxayna halkaas ku wadaageen dhunkashadoodii ugu horreysay, iyagoo taagan hareeraha waddada, hadlaya oo dareemaya isku soo dhowaansho xooggan. Safi wuxuu yidhii, "Sammi waxay mar walba igu oran jirtay goormaad i geyneysaa guriga waalidkaa." Laakiin Safi iyo qoyskiisu waa Muslimiin, halka Sammi ay tahay Yuhuudi. Si kastaba ha ahaatee, jacaylkoodu wuu sii xoogaystay. Si kooban haddaan u dhigo, Safi si dhab ah ayuu jacayl ugu dhacay," ayay tidhi Sammi. "Wuxuuna aad u xiiseeyaa muusigga gaar ahaan qaabka heesaha Les MisΓ©rables, oo ah meel aan aniguna aad ugu xeeldheerahay." Xabsi Bishii Diseembar 2021, Safi wuxuu u safray Kabul si uu uga qaybqaato howlaha gargaarka bini'aadantinimo isaga iyo walaalkiis. Inkasta oo loo digay inuusan tagin, Safi wuu ku adkeystay, isagoo sheegay in Amnesty International ay u ballanqaadday inay ka difaaceyso waxyeellada Taliban. Laakiin maalintii ay ahayd inay dhammaystiraan hawshaas, Taliban ayaa qabatay Safi, walaalkiis, iyo shan ajnabi oo kale. "Markii hore way na kala saareen, anigana meel gaar ah ayay i geeyeen qol yar oo aan ka badnayn lix lix feet dherer iyo ballacba. Ma jirin daaqad, mana jirin sariir," ayuu yiri. Dhanka kale, Sammi waxay ku sugnayd New York iyadoo walaac iyo cabsi ku jirta, mar kasta oo ay fiiriso khariidadda Google si ay u ogaato meesha uu joogo. Markasta oo ay eegto, waxay arki jirtay inuu ku sugan yahay xarunta dhexe ee sirdoonka Taliban. "Si fiican uma aqaan magaalada Kabul, balse waan ogaa inuu ku jiro xaalad aad u xun," ayay tidhi. Ka dib dhowr toddobaad, Safi wuxuu ku guuleystay inuu saaxiibo la noqdo mid ka mid ah waardiyayaasha, isagoo si qarsoodi ah u siin jiray lacag si uu u helo fursado kooban oo uu taleefan ugu waco Sammi. Qolka yaraa ee lagu hayay ayuu Safi mararka qaar kor ugu fuuli jiray garbaha walaalkiis si uu u helo isgaadhsiinta ulana hadlo Sammi ama ugu diro farriin gaaban oo oranaysa: "Ma fiican tahay? Waan ku jeclahay." "Waxay awoodnay inay is wacno markii ugu horreysay kadib 17 maalmood," ayay tidhi Sammi. "Muuqashada codkiisa iyo xaqiijinta inuu nool yahay waxay ahayd nafis weyn. Laakiin weli cabsi weyn ayaa jirtay haddii la ogaado inaan wadahadalnay, waxa dhici lahaa lama hubo." "Muddadii 70 maalmood ah ma arag iftiinka qorraxda," ayuu yidhi Safi. "Waxaan ku xirnayn xabsi hoos u yaal dhulka aniga iyo toddobo ajnabi oo kale β€” ilaa midkood uu si daran u xanuunsaday. Qolka yaraa ee lagu hayay ayuu Safi mararka qaar kor ugu fuuli jiray garbaha walaalkiis si uu u helo isgaadhsiinta ulana hadlo Sammi ama ugu diro farriin gaaban oo oranaysa: "Ma fiican tahay? Waan ku jeclahay." "Waxay awoodnay inay is wacno markii ugu horreysay kadib 17 maalmood," ayay tidhi Sammi. "Muuqashada codkiisa iyo xaqiijinta inuu nool yahay waxay ahayd nafis weyn. Laakiin weli cabsi weyn ayaa jirtay haddii la ogaado inaan wadahadalnay, waxa dhici lahaa lama hubo." "Muddadii 70 maalmood ah ma arag iftiinka qorraxda," ayuu yidhi Safi. "Waxaan ku xirnayn xabsi hoos u yaal dhulka aniga iyo toddobo ajnabi oo kale β€” ilaa midkood uu si daran u xanuunsaday. La kulanka qoyska La kulanka waalidka Wadahadallada lala galay Taliban waxay qaadatay waqti, laakiin maalintii 70-aad way ogolaadeen inay sii daayaan Safi. Sammi waxay sheegtay in mar ay Taliban ku hanjabeen inay dilaan Safi haddii Mareykanku uusan samayn wixii ay rabaan. "Markaas dambe ayaa naloo sheegay inaan aniga iyo waalidka Safi u safri doonno Qatar maadaama halkaas ay ka socdeen wadaxaajoodyadu." Sammi ayaa siisay safar Qatar waxayna halkaas kula kulantay waalidka Safi markii ugu horreysay. Sii wadidda nolosha Waxay noloshooda ku sii waddeen Maraykanka, waxay wada degnaayeen guriga isla markaana dabadeedna is guursaday, iyadoo xafladda guurkuna ay isku darsatay dhaqamada Afghanistan iyo Yuhuudda. Martidii xafladda ka soo qayb gashay waxaa ka mid ahaa Afgaan iyo Yuhuudi iyo sidoo kale qaraabo iyo asxaab.
8dee5ec0-14df-4b29-a754-48c78ef4ba4d
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cr43zq6kp5yo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
1,161
Dhibaatada keenta dhicinta ee haween badani aysan ku baraarugsanayn Waxaa jira dhibaatooyin caafimaad oo haweenku la kulmaan inta ay uurka leeyihiin iyo xilliga dhalmada, kuwaas oo u muuqda kuwo yar, balse marar badan isu beddela halis weyn oo ku timaadda qoyska. Mid ka mid ah dhibaatooyinkaas waa is-waafaqsanaan la'aanta RH (RH incompatibility) waa xaalad dhacda marka dhiigga hooyada iyo kan ilmaha aanay is qaadan, sida ay BBC-da u sheegtay Dr. Bahijja Faruk oo ah dhakhtar ku takhasusay umulisonimada. Waxay sheegtay in dhibaatadani ay keento dhicin soo noqnoqota, dhalashada carruur daciif ah ama xanuunsan, ama xitaa dhimashada ilmaha ka hor ama ka dib dhalmada. Waxay intaas ku dartay, "bulshooyinkeenna oo aqoonta caafimaadku ku yar tahay, gaar ahaan arrinta RH, haween badan ayaa wajahaya uur-la'aan iyaga oo aan ogeyn sababta dhabta ah ee dhibaatada." Waa maxay iswaafiqid la'aanta RH? Dr. Bahijja waxay sharraxday in RH uu yahay walax kiimiko ah oo ku jirta dhiigga aadanaha. Waxay tiri wuxuu leeyahay laba nooc: RH togan (RH+) RH taban (RHβˆ’) Sidaas darteed, marka dhiigga hooyada uurka leh iyo kan ilmaha aanu iswaafaqin, waxaa loo yaqaannaa kala duwanaanshaha RH. Haddii haweeneydu leedahay dhiig RH- taban ah, ninkeeduna yahay RH+ togan, ilmaha ay dhasho wuxuu qaadan karaa dhiigga aabbaha. Tani waxay keeni kartaa dhibaato, sababtoo ah dhiigga hooyadu ma la jaanqaadayo dhiigga ilmaha. Taas micnaheedu waa in dhiigga RH-taban aanu la jaanqaadi karin dhiigga RH togan. Sababtaas awgeed, jirka hooyadu wuxuu u qaadan karaa dhiigga ilmaha cadaw, wuxuuna sameeyaa unugyo difaac (antibodies) weerara dhiigga ilmaha, taasoo keeni karta: - Dhiig-bax gudaha ah - In koritaanka ilmaha aanu caadi ahayn - Cagaarshow darran - Ama dhimashada ilmaha inta uu caloosha ku jiro Maxaa sababa is qaadan waaga dhiigga? Dhakhtarku wuxuu sheegay in dhibaatadani dhacdo marka dhiigga hooyada RH-taban uu ku qasmo dhiigga ilmaha RH togan, taasoo dhici karta xilliyada: - Dhicis - Dhalmo - Uur meel khaldan ku jira (ectopic pregnancy) - Baadhitaanno ama daaweyn lagu sameeyo irbado iwm Sida ay isku-waafaqsanaan la'aanta RH u saameyso uurka Dr. Bahijja waxay tiri dhibaatadani waxay saameyn kartaa uurka siyaabo kala duwan. Saameynta ay ku yeelato ilmaha: - Dhiigga ilmaha oo si daran u dhaawacma ilaa dhimasho - Cagaarshow aad u daran - Dhiig-yari (anemia) - Hydrops fetalis waa xaalad halis ah oo dareere ku ururo ugu yaraan laba meelood oo jirka ilmaha ah, sida laabta, agagaarka wadnaha, ama maqaarka hoostiisa - Koritaanka ilmaha oo gaabis noqda - Dhimashada ilmaha inta lagu jiro ama ka dib dhalmada - Saameynta ay ku yeelato hooyada: - Kaadi badnaan - Calool-xanuun joogto ah - Uur muddo dheer jira oo aan dhalmo ku dhammaan - Walbahaar iyo cabsi "Toban sano ayaan reer lahaa, lix jeerna waa lay furay" Maryam waxay ninkeeda guursatay toban sano ka hor, rabitaankeeda keliya wuxuu ahaa inay dhasho oo ay ilmaheeda gacmaheeda ku qabsato, balse riyadeeda weli ma rumoobin. Intii ay guurka ku jirtay, Maryam lix jeer ayay uur yeelatay, dhammaantoodna way dhicisay, iyada oo aan marnaba fahmin sababta. "Sanadkii ugu horreeyay ayaan uur yeeshay," ayay tidhi Maryam. "Laakiin labo bilood ma uusan gaadhin. Waxaan u maleeyay inay tahay dhibaato ku meel gaadh ah. Markii dambe mar kale ayaan uur yeeshay, shan jeerna way dhicis ayay noqdeen." Sanadihii way socdeen, welwelkeedii wuu batay, daawooyin iyo ducooyin badanna way sameysay, balse waxba isma beddelin, marka laga reebo calool-xanuun joogto ah. Markii dambe, kadib dhicis kale, saaxiibteed ayaa u sheegtay arrinta isku-waafaq la'aanta RH. Taasi waxay ku dhalisay inay ninkeeda la hadasho, kadibna ay aadaan isbitaal weyn si loo baadho. "Isbitaalku aad buu qaali u ahaa, balse waxay naga wacyigeliyeen dhibaatadan, waxayna noo sheegeen tallaallada ay tahay in haweeneyda RH-taban ah la siiyo kadib uur ama dhalmo, arrin aanan waligay maqal ama helin," ayay tidhi. Waxay sheegtay inay hadda rajaynayso in wax walba ay hagaagi doonaan mustaqbalka. Waa maxay tallaalka Anti-D (RhoGAM)? Waa maxay tallaalka Anti-D (RhoGAM)? Dhakhtarku wuxuu sheegay in tallaalka la siiyo haweeneyda RH-taban leh marka ay uur yeelato, dhasho, ama ay dhicis ku dhacdo, si looga hortago dhicis kale mustaqbalka, lagu magacaabo Anti-D (RhoGAM). Haddii haweeneydu aysan helin tallaalkan, jirkeedu wuxuu sameyn karaa unugyo difaac ah. Unugyadan difaaca ah waxay ku jiraa dhiigga, waxayna: Weeraraan dhiigga ilmaha haddii uur kale dhaco Waxyeelleeyaan dhiigga ilmaha ka hor inta uusan si fiican u koraan Goorta tallaalka la bixiyo: Kadib dhicis Illaa 72 saacadood gudahood kadib dhalmada, haddii ilmuhu yahay RH togan Marka la sameeyo qalliin ama wax sababi kara dhiig-bax Usbuuca 28-aad ee uurka (si ka hortag ah)
12f863c4-a1bc-4489-ad6c-dbedfa0c56b5
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cx233w13egzo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
736
Afar goobood oo ku yaalla adduunka oo aan la ogolayn in cag la dhigo Adduunyada aynu joogno maanta, ma jiri karaan meelo badan oo aan la sawirin, la baahin ama aan oo aanay baraha bulshada ku xusin dalxiisayaashu. Laakiin waxaa jira qaar. Inkasta oo inta badan wadamada caalamku soo dhaweeyaan dalxiisayaasha, hadana waxaa jira meelo aan la ogayn in cag la dhigo. Waxay noqon kartaa sababo badbaado, sharci ama cilmiyeed, laakiin hal shay oo ay wadaagaan ayaa ah in si adag loo xaddiday. BBC Bitesize waxay eegeysaa qaar ka mid ah goobahaas, iyadoo hubinaysa inaynaan ku tallaabsan meel kasta oo la xadiday. Baqaarka iniinaha ee Norway Haddii ay dhacdo masiibo caalami ah, dadka iyo duunyadu waxay halis u yihiin in dalagyada muhiimka ah oo dhan ay baabba'aan. Nasiib wanaag, waxa jira siyaasad caymis ah - oo ah khasnad abuurka kaydisa oo ay Norway daah furtay 2008dii. Haddii dunida dalaga yaalla oo dhan u baaba'o, iniinaha halkan lagu kaydiyo waa la isticmaali karaa. Waxaa lagu hayaa baakado gaar ah, oo lagu xiray si looga ilaaliyo qoyaanka. Ilaalinta iniinaha marka laga soo tago, sidoo kale waxaa la ilaaliyaa goobta lagu hayo lafteeda. Bakhaarkaan ayaa ku yaalla jasiirad fog oo lagu magacaabo Spitsbergen oo ku taal Arctic Svalbard Waxa uu ku fadhiyaa dhul cabbirkiisu yahay 120 mitir (393ft) gudaha buur dhagax ah, taasoo qiyaastii 1,300km (807 mayl) u jirta Cirifka Waqooyi. Marka loo eego 130m (426ft) ee ay ka sarreyso heerka badda. Ilha da Queimada – jasiiradda sumaysan Jasiiradan 43-hektar ah ee ka baxsan xeebta Brazil maaha meel la ogol yahay in loo safro si maalinle ah. Waxay hoy u tahay nooc ka mid ah maska sunta ah ee ee dahabiga ah, waa dilaa ay halkiisa qaniinyo oo kaliya ay ku filan tahay shimbiraha uu ugaarsado in aysan dib dambe u duulin. Waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa hal ilaa shan mas in ay joogaan halkii mitir ee labajibbaaran gudaha jasiiraddaan, sidaa darteed dawladda Brazil ayaa ka mamnuucday qof kasta inuu cag soo dhigo Ilha de Queimada, oo loo yaqaan Jasiiradda maska. Waxa kaliya oo loo ogol yahay in ay galaan cilmi-baarayaasha sayniska, kuwaas oo ay tahay in uu la socdo dhakhtar inta lagu jiro safarkooda. Qof kasta oo kale oo ay xiiseeyaan maska madaxa dahabka ah leh, waxa uu daawan karaa in iyaga oo qafis lagu riday oo ku sugan goobaha kale ee Brazil. Lascaux – godka Faransiiska ee farshaxanka Afar dhallinyaro ah oo raadinaya Ey uga lumay god dhexdiisa ayaa helay godkan oo ku yaalla koonfurta Faransiiska sannadkii 1940-kii. Iyaga oo dhexda uga jira shilkaan farxadda lahaa, eeygoodii ayaa u horseeday god ay gidaarkiisa ku daboolan yihiin sawirro farshaxan ah oo ay ka mid yihiin fardo iyo deero. Ku dhawaad 17,000 oo sano, waxay ahayd mid ka mid ah tusaalooyinka ugu wanaagsan ee farshaxanka taariikhiga ah ee waligii la helo, iyada oo leh ku dhawaad 600 sawir iyo 1,000 xaraf. Godkaan mar ayaa loo ogolaaday dad jecel in daawadaan farshaxanada nuucaan ah balse hadana waxaa la joojiyay sanadkii 1963 dii. Uluru – Dhagaxa barakaysan ee Australia Dhawaan ayaa lagu daray liiska meelaha aan dadweynaha loo ogolayn inay booqdaan, Uluru - oo mar loo yaqaanay Ayers Rock - waxay ahayd goob dalxiis sanado badan. Soo-booqdayaashu waxay hore u kori jireen 348m (1,142ft) oo ah in ay kor u fuulaan, in kasta oo ay la macno tahay inay wajahayeen kuleyl aad u daran – gaar ahaan kulaylka xagaaga oo ah ku dhawaad 47C (116F) -, sidoo kale fuulitaanka goobtaan sare wuxuu sababi karaa dhibaatooyin. Uluru waa meel muqadas u ah dadka dadka asalka ah rr Aborijiniska ah ee Anangu kuwaas oo ah ilaaliyaasha dhagaxa kuwaa oo muddo dheer rabay inay joojiyaan dadka fuula dhagaxaan si loo ixtiraamo caadooyinkooda. Rabitaankan waxaa si wadajir ah u taageeray codsi ka yimid guddiga Qaranka ee Uluru-Kata Tjuta iyo go'aanka lagu joojinayo dadka cagta saaraya Uluru kaa oo la sameeyay 2017 kii.
0c681608-160e-47a5-af68-58cf931db651
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cn4djry28xpo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
644
Maxaad ka taqaan taariikhda fanka ee Fuaad Axmed (Ilkacase) oo ku geeriyooday Jabuuti Magaalada Jabuuti waxaa ku geeriyooday Isla markaana xalay lagu aasay fanaanka caanka ah ee Fu'aad Axmed Gadhle (Ilkacase ) oo fanka ku soo jiray muddo ka badan 40 sano. Fanaan Fu'aad Axmed ayaa sannadihii ugu dambeeyey xanuunsanayey, waxaana dhawaan ku dhacay xanuunka Faaligga oo xaaladiisa uga sii daray sida uu BBC u sheegay guddoomiyaha fanaaniinta reer Jabuuti Cismaan Ceeleeye Ciye. Wuxuu intaa ku daray in dhallinyaro fara badan uu fanka soo geliyey, kuwaasoo ay ka mid yihiin Cawaale Aadan, Axmed xaaji, Cali Nuur, Yaasmiin Axmed Gaydh, kuwaasoom u fanka ku soo daray xilligii uu ka midka ahaa kooxda Gacan Macaan. Isagoo ka hadlayey ku soo biiritaaknii fanka ee fanaan fu'aad Ilkacase ayuu Cisman Ceeleye yiri "Fu'aad dekedda ayuu ka shaqayn jiray, isagoo oo beddelay aabihii oo halkaa ka shaqayn jiray, ka dibna wuxuu jeclaaday fanka. Kolkuu bilaabaayey fanka wuxuu ku soo galay heeskii Maxamuud Ciise Timajilic ee Arligaygoow qiyaastii dhowr sideenkii markuu sannadku ahaa" ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray in riwaayaddii ugu horreysay ee uu wax ka sameeyo ay ahayd 1982, isago haasaha riwaayadda la qaadayey Aamina Faarax iyo Xabiibo Balbalaaf, wuxuuna cisman ku tilmaamay in riwaayadaas ay ahayd tii uu ku soo caan baxay ee ay dadku ku barteen. Dhanka heesaha wuxuu BBC u sheegay in uu la soo heesay haweenka fanaaniinta jabuuti ugu caansan ee ay ka midka yihiin Rooda Maash, Aamina faarax, iyo Xabiibo Balbalaaf. Doorkiisii fanka ayuu ku tilmaamay inuu ahaa heesaa, jilaa iyo mulaxan, laakinse aan muusigga tumi jirin. Inkastoo uu ahaa nin fanka Jabuuti muddo dheer ku soo dhex jiray, haddana nin aad u firfircoon oo fanaaniinta u gargaara ayuu ku tilmaamay Cismaan Ceeleeye "dhibta ku dhacda fanaaniinta qofka ugu horreeya ee u gurmada ayuu ahaa, hadduu qof bukoodo qofka ugu horreeya ee u taga ee u adeega ayuu ahaa, hadduu qof dhintana isagaa ahaa qofka qabriga qoda ee u dhaadhaca" ayuu yiri. Fanka ka sokow, wuxuu ku tilmaamaay Cismaan Ceeleeye in Fu'aad uu ahaa aabbe ka tegey 17 carruur ah, ayadoo marka lagu daro wixii ay sii dhaleenna ay tiradoodu gaarayso in ka badan 40. Allah u naxariistee fanaanka oo xalay la aasay ayaa aaskiisa waxaa ka soo qayb galay madax iyo dadweyne fara badan. Afhayeenka urur goboleedka IGAD Patience Nyange oo qoraal tacsi ah soo saartay ayaa tiri "codkiisa iyo dhaxalkiisa waxay ku sii noolaan doonaan quluubta dad badan".
940acb14-1af8-46bb-9841-be1cc4396be3
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cd9zyx3ly2xo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
401
BBC-da oo ku dhawaaqday inay la dagaallami doonto dacwadda sumcad-dilka Donald Trump, balse ma habboon tahay inay sidaasi samayso? Sida iska cad, BBC-da waxaa horyaalla go'aan weyn oo ay qaadato. Haddii ay rajaynaysay in madaxweynaha Maraykanku uusan fulin doonin hanjabaaddii dacwadda, xaqiiqadu hadda way caddaatay. Hadda arrintu waa in la qiimeeyo dhammaan fursadaha furan, balse calaamadaha hadda muuqda waxa ay sheegayaan in BBC-du qorshaynayso inay dacwadda ka dagaallanto. "Waxaan iska difaaci doonnaa kiiskan," ayay BBC-du ku celisay, kaddib markii la gudbiyay dacwad $5 bilyan oo doolar ah oo u dhiganta (Β£3.7 bilyan) ah oo la xiriirta tafaftir lagu sameeyay khudbaddii Donald Trump ee 6-dii Janaayo 2021, taas oo lagu daray barnaamij dokumentari ah oo Panorama ah. Laakiin maxay yihiin faa'iidooyinka iyo khasaaraha go'aankaas β€” mise BBC-du way beddeli doontaa mowqifkeeda? Waxyaabaha togan ay BBC-du ka heli karto inay ka dagaallanto dacwadda Dad badan oo ka tirsan BBC-da iyo kuwa ka baxsanba, ayaa ii sheegay in BBC-du ay khasab ku tahay inay dagaallanto. Waa inay difaacdaa saxaafaddeeda marka ay wajahdo madaxweyne si joogto ah u adeegsada dacwado sharci si uu u cabsi geliyo warbaahinta Maraykanka, sida ay qaar sheegaan. Mid ka mid ah faa'iidooyinka β€” gaar ahaan haddii BBC-du ku kalsoon tahay inay guulaysan doonto β€” waa inay wajahdo Trump oo ay dunida tusiso inaysan ka baqayn madaxweynaha iyo hanjabaadihiisa malaayiinta iyo balaayiinta doollar ah. Dhanka sharciga, BBC-du waxay rumaysan tahay inay ku taagan tahay sal adag. Dacwadda Trump waxa ay u muuqataa inay ku dhisan tahay laba qodob oo waaweyn: xukun maxkamadeed iyo ula kac. Wuxuu dacwadda ka gudbiyay Florida, wuxuuna u baahan yahay inuu caddeeyo in daawadayaal ku sugan gobolka loo yaqaan Sunshine State ay arkeen barnaamijka Panorama, si loo muujiyo inay sumcad ahaan waxyeello uga soo gaartay. Mid ka mid ah doodihiisa waa in daawadayaal ay u adeegsadeen shabakado gaar ah (VPNs). Xitaa haddii taasi run tahay, ma ku dhacday tiro ku filan oo keentay dhaawac sumcad? BBC-duna mas'uul maka noqon kartaa isticmaalka sharci-darrada ah ee adeegyadeeda? Eedeymo la xiriira shirkad Canadian ah oo la yiraahdo Blue Ant Media, oo la sheegay inay dokumentariga ku qaybisay Maraykanka, ayaa noqon lahayd mid ka sii dhib badan haddii ay run noqoto. Shirkaddu waxa ay xaqiijisay inay lahayd xuquuqda qaybinta, balse waxay sheegtay in "mid ka mid ah macaamiisheeda Maraykanka uusan baahin barnaamijka." Waxa ay intaas ku dartay in nooca caalamiga ah ee Panorama uusan xitaa ku jirin muuqaalka khudbadda Trump ee muranka dhalisay, maadaama barnaamijka meelo badan laga soo gaabiyay waqti awgiis. Haddii taas la xaqiijiyo, waxaa haray su'aasha ah in daawadayaal ay Panorama ku daawadeen adeegga BritBox, oo sidoo kale la eedeeyay. Weli jawaab arrintaasi ku saabsan kama helin BritBox. BBC-du si adag ayay u sheegaysaa in barnaamijka aan laga baahin Maraykanka. Dacwadda madaxweynuhu sidoo kale waxa ay ku dhisan tahay eedeyn ah in BBC-du ula kacday inay waxyeello u geysato. Wuxuu ku doodayaa in dokumentariga la baahiyay toddobaad ka hor doorashada, "iyada oo si cad loogu talagalay in lagu farageliyo doorashada laguna wiiqo fursadaha Madaxweyne Trump ee dib-u-doorashada." Anigu waan daawaday dokumentariga. Waxaan u arkay qiimeyn ku saabsan taageerayaasha Trump ee ugu ad-adag iyo in eedeymaha ka dhanka ah, oo ay ku jirto 6-da Janaayo, ay saameeyeen sida ay u jecel yihiin iyo in kale. Muuqaalka khudbadda waa 12 ilbiriqsi oo ku jira barnaamij 57 daqiiqo ah. BBC-du waxay qiratay in tafatirkaasi ahaa qalad aan ula kac ahayn. Dacwadda Trump waxa ay ku doodaysaa in aan laba qaybood oo khudbaddiisa la isku darin karin haddii aysan ahayn si ula kac ah. Trump wuxuu sidoo kale tixraacayaa tusaalooyin kale oo uu ku sheegayo in BBC-du leedahay taariikh warbixin taban oo isaga ka dhan ah. Dacwadda ayaa leh "BBC-du dan kama gelin runta ku saabsan Madaxweyne Trump," waxayna ku tilmaamaysaa hay'adda mid dadaalaysa "inay dhisto sawir iyo sheeko dhinac kaliya ah oo ka dhan ah Trump." BBC-du waa ay diidaysaa arrintaas β€” taasoo keeni karta dood maxkamadeed oo xiiso leh, haddii ay halkaas gaarto. Faa'iido kale oo suurtagal ah, inkasta oo BBC-du aysan si rasmi ah u qiran doonin, waa xoojinta sumcadda astaanteeda ee qayb ka mid ah macaamiisha Maraykanka. BBC-du waxay dadaal weyn ku bixinaysaa in ay xirmo ku soo bandhigto nuxurkeeda Maraykanka iyada oo loo marayo (app) ay rajaynayso in dadku iska diiwaangeliyaan. Dagaal si weyn loo hadal hayo oo ay la gasho Trump ma kordhin karaa qaybo kamid ah Maraykanka laga xiiseeyo? Waa istaraatiijiyad khatar sare leh. Waxyaabaha taban ee ay BBC-du ka wajihi karto dagaalka dacwadda Mid ka mid ah khasaaraha cad waa kharashka. Chris Ruddy, oo ah saaxiib iyo xulafo Trump ah isla markaana ah madaxa Newsmax, ayaa u sheegay BBC Radio 4 in maxkamad geliddu ku kici karto $50–100 milyan, halka BBC-du ay ku xallin karto $10 milyan. Adeegsiga lacagta rukhsadda ee dadweynaha si loo bixiyo heshiis lala galo Trump waxa ay noqon lahayd arrin si xun loo arko. Sidoo kale, malaayiin lagu bixiyo dagaal maxkamadeed waxa ay BBC-da u furi lahayd eedeymo ah inay khasaarisay dhaqaale weyn. BBC-du waxa ay leedahay caymis, balse lama oga waxa uu daboolayo β€” ma kharashaadka sharciga mise kaliya heshiiska, iyo ilaa xad intee le'eg. Khasaaro kale waa mashquulka uu keeni karo, xilli ay hoggaamiyeyaasha sare u baahan yihiin inay si buuxda diiradda u saaraan wada-xaajoodyada dowladda ee ku saabsan Axdiga BBC-da (BBC Charter), kaas oo dhamaanaya 2027. Iyada oo ay jiraan boosas hoggaamineed oo bannaan, maadaama agaasimaha guud iyo madaxa wararka ay iscasileen, halkii ay ka difaaci lahayd mustaqbalka BBC-da, hab-dhaqaaleheeda iyo doorkeeda UK, waxa ay wajahayaan waxa lagu tilmaami karo daqiiqaddii sharci ee ugu adkayd taariikhda BBC-da. Waxa ay isku dayi kartaa inay labadaba qabato β€” balse su'aashu waa: si fiican ma u qaban kartaa? Adeegsiga sharciga badanaa ma aha natiijada, balse waa culayska iyo khasaaraha ka dhasha dagaalka sharci laftiisa. Ma jirto sabab Trump uga tanaasulo. Waxay u faa'iido u tahay inuu BBC-da la dagaallamo β€” BBC-duna mar hore ayay qiratay inay qalad samaysay. Wuxuu u muuqdaa inuu doonayo inuu muujiyo in eex jirto, oo ay ka ballaaran tahay hal muqaal oo la tafatiray. Laakiin imisa saacadood oo waqti BBC-da ah ayaa ku bixi doona dagaalkan? Marka la eego dacwado hore oo Trump galay, qaar ka mid ah shirkadaha warbaahinta ayaa oggolaaday inay heshiis galaan (oo ay ku jiraan ABC oo bixisay $15m iyo Paramount/CBS oo bixisay $16m), xitaa markii sharci-yaqaanno ay ku doodeen inay guulaysan kari lahaayeen. Ugu dambayn, waxay go'aansadeen in khasaaruhu ka badan yahay faa'iidada. Wargeysyo kale oo Maraykan ah ayaa dagaallamaya, sida Wall Street Journal, oo wajahaysa dacwad $10 bilyan ah, iyo New York Times, oo wajahaya dacwad $15 bilyan ah. Labaduba waxay sheegayaan in wararkoodu sax yihiin, waxayna arrintan ku tilmaamayaan weerar caalami ah oo ka dhan ah xorriyadda warbaahinta. Laakiin BBC-du waxa ay leedahay xisaab gaar ah, maaddaama ay hore u aqbashay inay khalad samaysay. BBC ma haysataa ikhtiyaaraad kale? Ma jiri kartaa xaalad ay BBC-du ka codsato in ra'iisul-wasaaruhu uu farageliyo, oo Sir Keir Starmer uu Trump waco kuna boorriyo inuu is-dejin muujiyo? Waxaan ognahay in xukuumada Labour-ka ay taageersantahay BBC-da, Inkasta oo ay jireen muranno iyo qaladaad isdaba joog ah β€” oo ay ka mid yihiin laba dokumentari oo ku saabsanaa Israel/Gaza iyo tafatirkii Panorama β€” haddana markii wasiirka dhaqanka uu Talaadadii daah-furay warqadda cagaaran ee dib-u-cusboonaysiinta Axdiga BBC-da, wuxuu si weyn u ammaanay hay'adda, isaga oo ku tilmaamay mid muhiim u ah caafimaadka dimuqraadiyadda iyo iftiin hagaya waqtiyada mugdiga ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin siinta warbaahinta ee Downing Street, afhayeenka ra'iisul-wasaaraha ma uusan muujin xiise badan oo ku aaddan in madaxdiisu isticmaasho saamayn kasta oo uu ku leeyahay Trump si uu ugu qanciyo inuu ka tanaasulo dacwadda ka dhanka ah BBC-da. Ma gaari doontaa dacwaddu maxkamad? Tallaabada xigta waa in BBC-du ka jawaabto dacwadda la gudbiyay β€” inkasta oo aysan faahfaahin buuxda ka bixin doonin marxaladdan. Haddii aysan jawaabin, qareennada Trump waxay maxkamadda ka codsan karaan in go'aan kahortag ah la gaaro. Ma jiro caddeyn hal-xabbad ah oo si kama dambeys ah u go'aaminaysa dacwaddan. Laakiin waa waqtiyo halis ah, waxaana hubaal ah in BBC-du, wax kasta oo ay kor u sheegto, BBC-du waxa ay si taxaddar badan u miisaamaysaa tallaabooyinka xiga.
93aa1b29-6ee3-4358-bbaa-a47c5d2ee176
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cvg109y9xvyo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/Katie Razzall.txt
so
1
1,347
Sidee shahwada deeq bixiyeyaal hidde sidaha kansarka leh ay ugu dhasheen carruur ku dhow 200 Nin ku deeqay shahwaddiisa oo si aan ogayn u lahaa hidde-side si weyn kor ugu qaadaya halista kansarka ayaa dhalay ugu yaraan 197 carruur ah oo ku nool Yurub, baaritaan weyn ayaa daaha ka qaaday. Carruurta qaar ayaa horay u dhintay, kaliya kuwa laga tirada badan yahay ee dhaxla isbeddelka ayaa ka baxsan doona kansarka noloshooda. Shahwada laguma iibin xarumaha caafimaadka UK, laakiin BBC-da ayaa xaqiijin karta in tiro "aad u yar" oo qoysas Ingiriis ah, kuwaas oo lagu wargeliyay, ay isticmaaleen shahwada ku-deeqaha, iyagoo daweyn bacrinnimo ku leh Danmark. Bankiga shahwada Yurub ee Danmark, oo iibinaya shahwada, ayaa sheegay in qoysaska ay dhibaatadu saameysey ay aad uga damqadeen "waxana ay qireen in shahwada loo isticmaalo in lagu dhaliyo caruur aad u badan dalalka qaarkood. Baaritaanka ayaa waxaa sameeyay 14 ka mid ah idaacadaha adeegga dadweynaha oo ay ku jirto BBC-da, taasoo qeyb ka ah Shabakadda Baarista Saxaafadda Yurub ee Midowga Yurub. Xawadu waxay ka timid nin aan magaciisa la sheegin oo lacag lagu siiyay inuu wax ku tabaruco arday ahaan, laga bilaabo 2005. Xawadiisa waxaa isticmaalay haweenku muddo ku dhow 17 sano. Wuu caafimaad qabaa wuuna dhaafay jeegaga baadhista deeq bixiyayaasha. Si kastaba ha ahaatee, DNA-da ku jira qaar ka mid ah unugyadiisa ayaa isbedelay ka hor inta uusan dhalan. Waxay dhaawacday hidda-wadaha TP53 - kaas oo leh doorka muhiimka ah ee ka hortagga unugyada jidhku inay noqdaan kansar. Inta badan jidhka ku-deeqaha kuma jiraan qaabka khatarta ah ee TP53, laakiin ilaa 20% shahwadiisu waxay ku jiraan. Si kastaba ha ahaatee, carruur kasta oo laga sameeyo shahwada ay saamaysay waxay yeelan doonaan isbeddel ku yimaada unug kasta oo jidhkooda ah. Carruur dhimatay Dhakhaatiirta arkaysay caruur qaba kansar oo ku xidhan deeqda shahwada ayaa walaac ka muujiyay ururka Yurub ee hidde-sidayaasha aadanaha sanadkan. Waxa ay sheegeen in ay heleen 23 kala duwan oo ka mid ah 67 carruur ah oo wakhtigaas la ogaa. Toban ayaa hore looga helay kansar. Codsiga Xoriyadda Macluumaadka iyo waraysiyada aan la yeelanno dhakhaatiirta iyo bukaannada waxaan muujin karnaa in carruur badan ay u dhasheen deeq-bixiyaha. Tirada ayaa ah ugu yaraan 197 carruur ah, laakiin taasi ma noqon karto tiradii ugu dambeysay maadaama xogta aan laga helin dalalka oo dhan. Waxa kale oo aan la garanayn inta carruurtan ka mid ah ay dhaxleen kala duwanaanshaha khatarta ah. Dr Edwige Kasper, oo ah khabiir ku takhasusay hidde-sidaha kansarka oo ka tirsan Isbitaalka Jaamacadda Rouen, ee Faransiiska, oo soo bandhigay xogta bilowga ah, ayaa u sheegay baaritaanka: "Waxaan haynaa carruur badan oo horey u qaaday kansar. "Waxaan haynaa qaar ka mid ah carruurta kuwaas oo horeba u yeeshay laba kansar oo kala duwan, qaarkoodna waxay hore u dhinteen iyagoo aad u yar." CΓ©line, ma aha magaceeda saxda ah, waa hooyo keligeed ah oo ku nool Faransiiska, ilmaheeda waxaa lagu uuray shahwada deeq-bixiyaha 14 sano ka hor oo leh isbeddello. Waxaa laga soo wacay rugta caafimaadka bacriminta ee ay ku isticmaali jirtay Belgium taasoo ku boorinaysa in gabadheeda la baaro. Waxay sheegtay in aanay "dhab ahaantii dareen adag" u qabin ku-deeqaha, laakiin waxay sheegtay in aan la aqbali karin in la siiyay shahwad "aan nadiif ahayn, taas oo aan ammaan ahayn, oo khatar wadata". Waxayna ogtahay in kansarku uu ku soo fool leeyahay iyaga inta ka dhiman noloshooda. "Ma garanayno goorta, ma garanayno midka, mana naqaano inta ay le'eg tahay," ayay tiri. "Waxaan fahamsanahay in ay jirto fursad sare oo ay ku dhici doonto, marka ay dhacdo, waan la dagaalami doonnaa, haddii ay jiraan dhowr, waxaan la dagaalami doonaa dhowr jeer." Maxaa dhacaya haddii aad ka fekereyso isticmaalka deeq-bixiyaha shahwada? Sarah Norcross waxay sheegtay in kiisaskani ay ahaayeen "wax naadir ah" markaad tixgeliso tirada carruurta ay dhaleen deeq-bixiyaha shahwada. Dhammaan khubarada aan la hadalnay ayaa sheegay in isticmaalka rug caafimaad oo shati leh ay ka dhigan tahay in shahwada laga baari doono cudurro ka badan inta badan aabayaasha soo baxaya. Prof Pacey ayaa sheegay inuu weydiin lahaa "Kani ma deeq-bixiye UK baa mise kani waa deeq-bixiye meel kale ka yimid?" "Haddii ay tahay deeq-bixiye meel kale ka yimid waxaan qabaa inay sharci tahay in su'aalo la iska weydiiyo ku-deeqahaas hore ma loo isticmaali jiray? Mise imisa jeer ayaa la isticmaali doonaa deeq-bixiyahan?"
b86febb9-7221-4952-81bf-0bcd006fd1af
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cj6992xgl50o
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
708
Hogaamiyihii nidaamka maamulka ee ka horreeyey gobannimada Jabuuti oo geeriyooday. Maxaa lagu xasuustaa Waxaa dalka Jabuuti shalay oo Isniin aheyd ku geeriyooday Alle ha u naxariiste, Cali Caarif Bourhan, oo dalkaas hoggaaminayay xiligii gumeysiga Faransiiska. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa uga tacsiyeeyay dhammaan shacabka dalkiisa iyo qoyskii uu ka baxay Cali Caarif Burhaan. Cali Caarif Bourhan waxa uu ahaa siyaasi weyn oo magac ku lahaa dalka intii lagu jiray halgankii xorriyadda lagu doonayay. "Ali Aref Bourhan wuxuu weligiis ku sii jiri doonaa qalbiyada muwaadiniinteena, isagoo ahaa shaqaale aan daalin, lehna dareen aad u xooggan oo ku aaddan gudashada waajibaadka iyo in la gaaro natiijo," ayuu ku yiri madaxweyne Geele qoraal uu soo dhigay barahiisa bulsho. Cali Caarif Burhaan oo muddo dheer xanuunsanaa ayaa ku geeriyooday 91 sano, waxa uuna ka tirsanaa qoys balaaran oo reer Jabuuti ah. Cali Caarif waxa uu sanadkii 1934 ku dhashay magaallo xeebeedka Tadjoura ee ku taal bariga dalka Jabuuti. Waxa uu ka soo jeeday qoys Cafar ah iyo Soomaali. Ayeydiis waxay aheyd Soomaali reer Seylac ah. Sanadka markii uu ahaa 1950-kii, xiligii uu dhallinyarada ahaa waxa uu ka soo shaqeeyay waxbarashada isagoo macallin ahaa. Sidoo kale wuxuu madax ka soo noqday ururka dhallinyarada Soomaalida. Cali Caarif Burhaan waxa uu siyaasadda soo galay xiligii uu joogay suldaankii Tadjoura. Markaa kaddib waxay isbarteen Maxamuud Xarbi oo ahaa madaxweyne ku xigeenka golahii dowladda ee French Somaliland intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka. Ali Aref waxa uu markaas kaddib ka shaqeeyay golaha, wuxuuna si weyn u taageersanaa qorshihii Xarbi ee gobonimo-doonka. Faransiiska ayaa dalka ka masaafuriyay Xarbi oo geeyay Qaahira. Shil diyaaradeed oo aan la fahmin sababta keentay ayuu Maxamuud Xarbi ku geeriyooday labo sano kaddib. Sanadka markii uu ahaa 1960-kii ayuu Cali Caarif qabtay jagada madaxweyne ku xigeenka golaha isagoo ka tirsanaa xisbiga UNI. Xilkaas wuxuu hayay ilaa iyo 1966-dii. Radiyo Jabuuti ayuu kaga dhawaaqay go'aanka uu isku casilay jagadaas isagoo markaas doonayay in uu ka qeybgalo aftidii dambe ee lagu go'aaminayay mustaqbalka Jabuuti. Sanadkii xigay bishii July ayaa loo doortay madaxweynaha golihii dhulka Faransiiska ee Cafarta iyo Ciisaha. Ilaa iyo sanadkii 1976-dii ayuu xilkaas ahay. Waxaa xilka golaha kala wareegay Cabdalla Moxamed Kamil. Jabuuti markii ay xorriyadda qaadaneysa Faransiiska waxa uu qabay welwel ku saabsan sida uu noqonayo xiriirka cusub ee dalkaas xorriyadda qaatay. Jabuuti waxay xuduud la leedahay Itoobiya iy Soomaaliya oo labada saameyn ku lahaa maadaama qowmiyadaha dalkaas ku nool ay kala ahaayeen qabiilka Cafarta oo taageersanaa Faransiiska iyo Ciisaha oo si hoose ugu xirnaa Soomaalia. Cumar Kheyre waxaa uu ka mid ahaa dadkii sida fiican u yaqaanay oo ay saaxiibka ahaayeen iskuna soo gaareen siyaasadda halganka. Waxa uu BBC-da u sheegay in Cali Caarif uu ka mid ahaa dadkii la doonayay in la waxyeeleeyo maadama isaga uu madax u ahaa dowladdii Faransiisku dhistay. "Ma aheyn wax si gaar ah loo beegsanayay naftiisa iyo halka uu ka soo jeedo ee sababo la xiriira halgankii dalka ayaa loo beegsaday". Cali Caarif waxa uu ka badbaaday isku-day dil la doonayay in lagu khaarijiyo sanadka markii uu ahaa 1968-dii. Waxaa la sheegay in meel uu ka qadeynayay lagu sugay si loo dilo balse taasi ma dhicin. "Maalin kasta waa la raadin jiray, mar un in fursad loo helo oo wax la gaarsiyo ayaa la doonayay" ayuu yiri Cumar Kheyre oo sidoo kale sheegay in sababta ay aheyd hoggaamintii dowladdii Faransiiska dhistay. Xorriyadda kaddib Cali Caarif wuxuu noqday ganacsde, wuuna isaga baxay syaasadda. Dadka aqoonta u lahaa Cali Caarif Bourhan waxay sheegaan in uu ahaa nin dabeecad wanaagsan oo aan dhib laheyn. "Nin reer magaal ah oo aad u fiican ayuu ahaa kolkii dambe aan bartay. Waan wada sheekeysanay" ayuu yiri Cumar Kheyre oo intaas ku daray in uu ahaa nin shaqsiyad fiican iyo dabeecad leh.
835849d5-7290-4192-b37d-6d6e2f8d1035
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cpwk0l418pvo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
618
Trump oo dalal kale ku daray liiska xayiraadda socdaalka Madaxweyne Donald Trump ayaa kordhiyay xayiraadda dhanka socdaalka ee Mareykanka, isagoo ka mamnuucaya muwaadiniinta shan dal oo dheeri ah iyo dadka ku safraya dukumeentiyada ay bixiso maamulka Falastiin inay soo galaan Mareykanka. Aqalka Cad ayaa sheegay in xannibaadahan looga dan leeyahay "in lagu ilaaliyo ammaanka Mareykanka" ayna dhaqan gelayaan 1-da Janaayo. Xayiraadaha gelitaanka buuxa ayaa lagu soo rogi doonaa dadka ka soo jeeda Burkina Faso, Mali, Niger, Suudaanta Koofureed iyo Suuriya iyo sidoo kale dadka haysta baasaboorka maamulka Falastiin. Maamulka ayaa sidoo kale Laos iyo Sierra Leone, oo horey loogu soo rogay xayiraado qeyb ah, ku daray liiska mamnuucida buuxda, waxaana ay xayiraad qeyb ah ku soo rogeen 15 dal oo kale, oo ay ku jiraan Nigeria, Tanzania iyo Zimbabwe. Trump, oo adkeeyay xakameynta socdaalka tan iyo markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo, ayaa sheegay in xayiraadda socdaalka ee la ballaariyay ay ahayd mid lama huraan ah sababtuna ay tahay waxa maamulkiisu uu ku tilmaamay guul darrooyinka baaritaanka iyo hubinta nidaamyada dibadda. Saraakiishu waxay soo xiganayeen heerka dalbashada fiisaha oo sarreeya, diiwaannada madaniga ah oo aan la isku halleyn karin, musuqmaasuqa, falalka argagixisada iyo in dalalku aysan Mareykanka kala shaqeyneyn aqbalidda muwaadiniintooda la atrxiilay. Ku dhawaaqistan ayaa daba socotay xarigga muwaadin Afgaanistaan u dhashay oo looga shakisan yahay in uu dhowaan toogtey labo askari oo ka tirsan Ilaalada Qaranka, dhacdadaas oo Aqalka Cad uu tilmaamay in ay muujinayso walaaca dhanka amniga. Waa markii saddexaad ee Trump uu soo rogo xayiraad dhanka socdaalka ah. Muddadii ugu horreysay ee uu xilka qabtay, wuxuu soo bandhigay nidaam la mid ah kii 2017, kaasoo dhaliyay mudaaharaadyo iyo caqabado dhanka sharciga ah gudaha iyo dibaddaba. Siyaasada ayaa markii dambe waxaa taageertay maxkamada sare ee Maraykanka. Aqalka Cad ayaa sheegay in xannibaadaha ay sii jiri doonaan illaa dalalka ay dhibaatadu saameysey ay ka muujinayaan "horumar lagu kalsoonaan karo" ee maamulka aqoonsiga, wadaagga macluumaadka iyo iskaashiga ay la leeyihiin mas'uuliyiinta socdaalka Mareykanka. Kiisas gaar ah ayaa laga reebay oo mamnuuciddu ma saameyn doonto degganeyaasha rasmiga ah, dad badan oo hore u haystay fiisaha, dublamaasiyiinta, ama ciyaartooyda u safraya dhacdooyinka ciyaaraha waaweyn. Saraakiishu waxay sheegeen in kiisaska qaar laga reebi doono xayiraadda sida meelaha safarka loo arko in ay ku jirto danta qaranka. Dalalka ay saaran tahay xayiraadda buuxda ee socdaalka: - Afghanistan - Burkina Faso - Burma - Chad - Equatorial Guinea - Eritrea - Haiti - Iran - Laos - Libya - Mali - Niger - Jamhuuriyadda Congo - Sierra Leone - Soomaaliya - Suudaanta Koofureed - Sudan - Suuriya - Yemen - Shakhsiyaadka ku safraya dukumentiyada uu bixiyo Maamulka Falastiin Xayiraado qeyb ah: - Angola - Antigua and Barbuda - Benin - Burundi - CΓ΄te d'Ivoire - Cuba - Dominica - Gabon - Gambia - Malawi - Mauritania - Nigeria - Senegal - Tanzania - Togo - Tonga - Venezuela - Zambia - Zimbabwe Kiis gaar ah: - Turkmenistan (xayiraadaha muhaajiriinta ayaa sii jiri doona balse waa laga qaaday dal ku galka kale ee aan ahayn u guuridda Mareykanka)
804d2458-4a1b-4e50-8d00-8d3c2aeb9056
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cx2d3l13z14o
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/Rachel Hagan.txt
so
1
506
Dhegeyso: Maxaa ka soo kordhay xaaladda caafimaad ee Abwaan Xirsi-Dhuux Dhegeyso: Maxaa ka soo kordhay xaaladda caafimaad ee Abwaan Xirsi-Dhuux Waxaa weli lagula tacaalayaa isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho dhaawaca Abwaan Xirsi-Dhuux Maxamed Wehliye oo ah Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed oo todobaadkii hore shil ku galay halkaas. Abwaanka oo dhaawac culus soo gaarey ayaa waxaan xaaladdiisa ka wareysannay Maareeyaha Tiyaatarka qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo si dhow ula socday xaaladda abwaanka. Wuxuuna khadka telefoonka ugu warramay Faarax Lamaane.
6fe71c77-6b87-4fd8-a89a-2c1f2d45390f
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cn41g80xglgo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
79
Jilaaga aflaamta Hindiga ee Soomaalidu aadka u taqaano, jacayl dartiina u islaamay oo geeriyooday Jilaaga Dharmendra (Daraamandar) oo dadka Hindida ah ee aflaantiisa jecel ay u yaqaaneen 'He-Man' ayaa geeriyooday isaga oo 89 jir ah. Raiisal wasaare Narendra Modi ayaa soo dhigay bartiisa Instagram-ka, isagoo leh, "Markii uu geeriyooday Dharmendra ji, waxaa dhamaaday waagii aflaamta Hindida". Ra'iisul wasaare Modi ayaa qoray, "Dharmendra geeridiisa waxay calaamad u tahay dhamaadka waayihii aflaamta shineemooyinka ee Hindiya. Waxa uu ahaa halyey iyo jilaa xirfad sare leh oo soo jiidasho iyo aragti qoto dheer ku kordhiyey door kasta oo uu ciyaaray. Habka uu u matalay shqsiyado kala duwan ayey dad badan jeclaysteen". "Dharmendra waxaa si isku mid ah loogu yaqaanay shaqsiyad sahlan, aad is weyniisiin oo diirran. Saacaddan murugadu taagan tahay, waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisa, asxaabtiisa iyo taageerayaashiisa aan la tirin karin. Om Shanti" ayuu yiri. Dharmendra ayaa maalmo ka hor la dhigay cisbitalka Breach Candy Hospital ee magaalada Mumbai sababo la xiriira dhibaato dhanka neefsashada ah. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku soo laabtay guriga ka dib dhawr maalmood oo daaweyn ah. Nawaz Sharif ayaa sidoo kale ka mid ahaa taageerayaashiisa. Dharam Singh Deol waxa uu ku dhashay Punjab sanadii 1935 waxa uu soo maray safar uu kaga soo kicitimay tuulada uu ku abtirsado ee Narsali ilaa Bombay kaasoo kaliya lagu tilmaami karo riyo. Dharmendra Hindiya oo keliya kuma laha taageerayaal waaweyn ee sidoo kale Pakistan ayuu ku leeyahay oo uu ku jiro Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif. Dharmendra ayaa ka sheekeeyay qisadan, "Markii uu Nawaz Sharif yimid India, waan la kulmay, Nawaz Sharif waxa uu ii sheegay in qoyskiisu ay baabuur ku safrayeen, waddadana ay ku sii socdeen, baabuurkii ayaa lagu joojiyay gurigayga hortiisa, waxa uu u sheegay xaaskiisa iyo carruurtiisa – bal eega, kani waa gurigii Dharmendra". Dharmendra kaliya kuma caan ahayn jilitaankiisa, laakiin sheekooyinka deeqsinimadiisa ayaa sidoo kale ahaa kuwo caan baxay. Qoraaga Rajiv Vijaykar buuggiisa 'Dharmendra - Not Just a He-Man' waxaa ka buuxa sheekooyin noocaas ah. Mahesh Bhatt waxa uu buugga ku sheegay in uu caawiye ka ahaa muuqalka filimka Do Chor, ma siin tilmaamo sax ah, waana sababta keentay in darawalka gaarigu ka tago dharka Dharmendra ee yaallay huteel ka fog goobta, goobtan waxa ay ahayd in subaxdii hore la filimka lagu sameeyo, haddii kale soo saaraha waxa uu la kulmi lahaa khasaare wayn, waxaan u sheegay Dharmendra dhibka i haysta. "Dharmendra si naxariis leh ayuu ii dhegaystay, wuu kacay, waxaa ag joogay darawal baabuur xamuul ah, wuu u tagay, Dharamendra wuxuu soo amaahday dharkii wasakhda ahaa ee uu xirnaa darawalkaas, wuxuu ku daboolay qaladkii dhar-sameeyaha isagoo si deeqsinimo iyo male-awaal leh u xalliyey". Jacaylkii Dharmendra iyo Hema Malini Daraamandar (Dharam Singh Deol) iyo Hema Malini waxay markii ugu horreysay ku kulmeen halkii lagu duubayay filimka Tum Haseen Main Jawan sanadkii 1970kii. Filimkan oo magaciisu noqonayo 'Waad qurux badan tahay, Annigu na waan da'a yar baan ahay' ayaa markale dib loo duubay sanadkii 1999kii. Daraamatar iyo Hema labaduba waxay ahaayeen xiddigaha filimka hormuudka u ah, halkaas ayuu jaceylkooda ka bilowday inta ay socotay duubista filimka, jaceylkaas oo u horseeday inay Islaamnimo isku guursadaan. Dad yar ayaa ogsoon in labada jilaa ee caanka ah ee u dhashay Hindiya, (Dharmendra) Daraamandar iyo Hema Malini ay soo islaameen muddo 44 sano laga joogo. Sababta ay u islaameen ayaa waxay ahayd jacayl xad dhaaf ah oo dhex maray labadaas jilaa. Taageerayaashooda ayey ka yaabsadeen markii 1979 ay labadoodaba qateen diinta Islaamka si ay jacaylkooda uga guul-gaaraan oo isu guursadaan. Jacaylkaas ayaa soo billowday markii ay wada sameeyeen filimka 'Sholay' ee la soo bandhigay 1975kii. Daraamandar horeba xaasle ayuu u ahaa, laakin maadaama uu jeclaaday Hema Malini, diinta Hinduugana aysan ogolayn in ninku uu laba xaas yeesho ayey ku heshiiyeen inay islaamaan, ka dibna is guursadaan. Laakiin se waxaa iyana meesha ku jirta Prakash kaur oo Daramandar uu ku qabay diinta Hinduuga. Waxay u dhashay afar carruur ah. Halkaas ayay ka arkeen inay ka faa'iideystaan sharciga Islaamka ee u oggolaanaya ragga muslimiinta inay guursadaan afar xaas.
6d75a4fd-d434-4a58-99e7-96b2a4e1058f
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c0je8pg73eqo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
667
Masar oo samaysatay diyaarad nooca isqarxiya ah iyo hadal heyn wayn oo ka dhalatay Dowladda Masar waxay soo bandhigtay diyaarad cusub oo ah nooca ismiidaamiya oon aan duuliye- lahayn lana yidhaahdo "Jabbar 150," taas oo ah ah tii ugu horreesay ee gebi ahaanba gudaha dalkeeda lagu sameeyo, sida ay sheegtay shirkad gaar loo leeyahay oo ka qeyb-galaysa bandhigga warshadaha difaaca "EDEX," oo ay sanad kasta qabato Wasaaradda Difaaca ee Masar. Soo-saareyaasha ayaa sheegay in Jabbar 150 ay leedahay awood weerar oo sarreysa, maadaama ay u duuli karto masaafo gaadheysa 1,500 kiiloomitir, iyadoo xawaare ahaan gaari karta 200 kiiloomitir saacaddii, isla markaana hawada ku sii jiri karta ku dhowaad toban saac oo xidhiidh ah. Sidoo kale waxay qaadi kartaa 40 ilaa 50 kiiloo oo qalab dagaal ah. Diyaaraddan waxay ku shaqeysaa GPS iyo Inertial Navigation System (INS), taas oo u oggolaanaysa inay bartilmaameedka hesho iyadoo adeegsanaysa dareemeyaasha kulaylka haddii GPS-ku carqaladoobo. "Jabbar 150" waxay noqonaysaa noocii ugu horreeyay ee taxane cusub oo qalabka ismiidaaminta ah oo sidoo kale ka mid yihiin "Jabbar 200" iyo "Jabbar 250." Ka dib guuldarradii 1948 [dagaalkii Carabta iyo Israa'iil], Masar waxa ay diyaarisay mashruucii ugu ballaadhnaa ee taariikhdeeda si ay gudaha ugu soo saarto hubkeeda, iyadoo oggolaansho ka haysata Britain iyo Maraykanka sida ku cad dukumiintiyada Biritan. Qaahira: "Ciidamada jooga Siinaay waxay ujeedkoodu ugu horreeyo yahay inay sugaan xuduudaha Masar kana difaacaan khatar kasta," iyadoo dowladda maanta isu diyaarinayso inay aqoonsato Dowladda Falastiin. Shahed-136 Warbaahinta Iiraan ayaa tilmaantay in ay jiraan isbeddelo ama u ekaansho u dhexeeya "Jabbar 150" iyo diyaaradda Iiraan ee Shahed-136. Saxafiga arrimaha difaaca Liz Craig waxay sheegtay in naqshaddu u muuqato mid laga dayday Shahed-136, oo ka mid ah diyaaradaha weerarka ee halka matoor leh taas oo ah nooca ugu guuleysiga badan sannadihii u dambeeyay. Waxay ku dartay in waxtarka diyaaradda Iran uu ka yimaado cabbirkeeda yar, raadkeeda raadaarka oo aad u kooban, iyo awoodda ay u leedahay inay weerarro ballaadhan fuliso, taas oo ka dhigaysa "qalab wax ku ool ah oo lagu wiiqo difaacyada cirka ee cadowga." Waxay u sheegtay BBC-da in Masar "ay tahay mid aan ahayn waddankii ugu horreeyay ee sameeya drone ismiidaamin ah oo ku dayda Shahed-136, mana noqon doono kii ugu dambeeyay," iyadoo tixgelinaysa in "dhammaan dalalku ay rabaan inay ku daydaan drone-ka Iran ee beddelay habka dagaalka cirka." Waxay intaas ku dartay in astaamaha "Shahed" ay fursad siisay "ciyaartoyda yaryar" ee masraxa caalamiga ah si ay ugu babac dhigaan quwadaha waaweyn, iyadoo diyaaradda ku tilmaamtay "hub qalqal gelin ah" maadaama ay saamayn weyn leedahay isla markaana ay qiime jaban tahay. Si kastaba ha ahaatee, soo-saaraha Masriga ah ayaa beeniyay in ay jirto wax xidhiidh farsamo ah oo u dhexeeya diyaaraddaas iyo tan Iran, isaga oo sheegay in isku ekaanshuhu uu ku egyahay muuqaalka dibedda oo keliya. Jeneraal Brigadier Maxamed Sayed, oo ah lataliyaha shirkadda wax-soo-saarta, ayaa u sheegay BBC-da in "diyaaraddu gebi ahaanba ka duwan tahay, islamarkaana ay naqshadeeyeen ay dhiseen gacmo Masri ah, oo aan waxba kala mid ahayn diyaaradaha kale ama nooc kasta oo drone ah oo dunida yaal." Waxa kale oo uu ku daray in Masar "ay ka bilaabayso meesha kuwa kale ku hakadeen, iyada oo horumarinaysa tignoolajiyada u adeegaysa isticmaalkeeda iyo baahideeda gobolka. Diyaarad hal-jiho ah Shahed-136 waxay dhalisay muran ballaadhan tan iyo markii la shaqo geliyay. Waa diyaarad hal-mar u dhaqaaqda oo qaada ku dhowaad 50 kiilo oo qarax ah, sidoo kalena is burbureysa marka ay bartilmaameedkeeda garaacdo, waxayna duuli kartaa masaafo gaadhaysa ilaa ku dhowaad 2,000 kiiloomitir. Inkasta oo ay leedahay dareemayaal kooban marka loo eego nidaamyada casriga ah, haddana kharashka wax-soosaarkeeda oo hooseeya iyo fudaydka lagu adeegsado ayaa ka dhigay qalab istaraatiiji ah oo wax ku ool ah. Badanaa waxaa loo adeegsadaa in lagu abuuro faro gelin iyo daldaloolo ku yimaada shabakadaha difaaca cirka, ka hor inta aan la ridin gantaallada ballistic-ga ama hubka duula ee kale. Iran waxay si ballaadhan u adeegsatay noocan drone-ka ah intii lagu jiray iska horimaadkii ciidan ee ay la yeelatay Israa'iil bishii Juun ee la soo dhaafay, iyada oo isku dayaysay inay ka badiso difaacyada cirka ee Israel, kuna qasbeysa inay isticmaalaan gantaallo qaali ah oo looga hortago, marka loo barbar dhigo drones-ka oo aad u jaban. Tehran waxay sidoo kale ku wareejisay Ruushka tiro kooban oo ka mid ah noocan sanadkii 2021, waxaana markii dambe loo adeegsaday dagaalka ka socda Ukraine. Isbalaadhinta caalamiga ah Diyaaradaha noocan waxaa loo yaqaannaa in ay yahiin "diyaarado dhinac socda" maadaama ay ku burburaan bartilmaameedka ay garaacaan. Isticmaalka diyaaradahaas ayaa si weyn u kordhay dhowr dagaal oo ka socda dunida, oo ay ku jiraan dagaalka Ruushka iyo Yukreeyn, isku dhacyada Israa'iil iyo Iiraan, iyo sidoo kale kooxo hubaysan sida Xuutiyiinta ee Yemen. Hishaam al-Xalabi, oo ah lataliye ka tirsan Akadeemiyadda Millatariga Masar ee Daraasaadka Sare, ayaa sheegay in dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Ruushka, iyo Shiinuhu ay kordhiyeen soo saarista diyaaradahaas kadib isticmaalka baahsan ee sannadihii u dambeeyay. Wuxuu sharaxay in diyaaradaha daroonnada ahi ay yihiin kuwo kharashkoodu hooseeyo marka loo eego awoodda burburka ee ay gaysan karaan, laakiin aysan kaligood go'aamin dagaalka, maadaama ay yihiin "Ku kaabis diyaaraddaha kale ah, laguna adeegsado hawlgallo gaar ah oo ay leeyihiin faa'iido dheeri ah." Al-Xalabi wuxuu intaas ku daray in qiimaynta diyaaradaha noocan ahi ay ugu horrayn ku xidhan tahay "isticmaalka hawlgalka iyo sida saxda ah ee loo doorto bartilmaameedka," halkii ay ku xodhnaan lahayd tilmaamahooda farsamo ee sida masaafadda iyo culayska ay qaadi karaan. Isla mowduucan, Craig waxay sharaxaysaa in dagaalka Ruushka iyo Yukreeyn, oo galay sanadkiisii afraad, uu muujiyay muhiimada daroonnada oo ah qalab raqiis ah oo loo adeegsado sahamin, weerar, iyo carqaladeyn, marka la barbar dhigo diyaaradaha dagaalka dhaqameed sida F-16 oo midkiiba ku kacda qiyaastii 90 milyan oo doollar, halka daroonnadu ay mararka badan ka hooseeyaan dhowr kun oo doollar. Ciidamada Difaaca Masar Bishii Agoosto 2025, hay'adda Global Firepower waxay soo saartay qiimeyntii sanadlaha ahayd ee ciidammada ugu xoogga badan dunida ee sanadka 2025, kadib daraasad lagu falanqeeyay 145 dal oo lagu salaynayay in ka badan 60 qodob, oo ay ku jiraan awoodda milatari, dhaqaale iyo tan sahayda (logistics). Dunida Carabta gudaheeda, ciidanka Masar ayaa sii hayay kaalinta koowaad, waxaana uu ku jiray kaalinta sagaal iyo tobnaad ee caalamka. Qiimeynta oo Masar siisay "0.3427", ayaa muujinaysa inay weli ka mid tahay 20-ka ciidan ee ugu xoogga badan dunida, inkasta oo ay hoos uga dhacday toban boos afar sano gudaheed marka la barbar dhigo qiimeyntii 2020 oo ay ka gashay kaalinta sagaalaad ee caalamka.
8ac69ad0-15f6-4a94-b78d-a22e1f45cb68
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c773vvz1y5yo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
1,069
Dhegeyso: Muxuu Garyaqaan ka yiri eedeymaha afduubka ah ee Mareykanku u jeediyay? Dhegeyso: Muxuu Garyaqaan ka yiri eedeymaha afduubka ah ee Mareykanku u jeediyay? Waxaa bishii la soo dhaafay laga soo tarxiilay dalka Mareykanka, Mahad Maxamuud (Garyaqaan), kaas oo ah TikToker Soomaali ah, oo dib loogu celiyay magaalada Muqdisho. Bishii Oktoobar ee sanadkan waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa afduubka dad u dhashay dalka Faransiiska oo ku sugnaa huteel ku yaallo magaalada Muqdisho. Hadaba eedeymahaas iyo qaabkii looga soo tarxiilay Mareykanka ayuu Garyaqaan uga warramay BBC-da. Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysigiisa oo faahfaahsan:
eb072086-7eb7-4bc3-8069-49f47b279781
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cvg1rgymdqno
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
96
Maxay tahay sababta Eritrea ay uga baxday IGAD? Ma waxay la xiriirtaa Itoobiya? Bishii December sanadkii 2006, ciidamada Itoobiya ayaa u dhaqaaqay Muqdisho si ay u taageeraan Dawladda Federaalka Soomaaliya. Magaalada Muqdisho xiligaas waxaa ka talinayay maxaakiimta Islaamiga. Sagaal bilood kaddib, Eritrea waxay ku dhawaaqday in ay ka baxday urur goboleedka Bariga Afrika ee IGAD. Qoraal ay Eritrea soo saartay xiligaas ayey ku eedeysay IGAD in ay si aamusan u taageereen wax ay ugu yeertay "dullaan" ay Itoobiya ku qaaday Soomaaliya. Eritrea oo taas ka jawaabeysa waxay ururka ka maqneyd muddo 16 sano ah. Ku dhawaad 20 sano kaddib, Eritrea waxay gaartay go'aan la mid ah kii hore. Bayaan ay dawladda Eritrea soo saartay Jimcihii ayay ku sheegtay in ay uga baxday xubinnimada IGAD sababo la xiriira in ururka "ku guuldarreystay in uu guto waajibaadkiisa sharciga ahaa". Inkasta oo Eritrea aanay si toos ah ugu xusin Itoobiya bayaankeeda, haddana Dr. Qalaab Tadesse, oo ah cilmi-baare ku takhasusay nabadda iyo amniga isla markaana daraasad ku sameeyay IGAD, ayaa sheegay in xiisadda ka dhex taagan Addis Ababa iyo Asmara ay u badan tahay in ay tahay sababta ugu weyn ee go'aankan. Xarunta IGAD waxay ku taal Jabuuti, waxaana loo dhisay in wax looga qabto abaaraha soo noqnoqday iyo musiibooyinka dabiiciga ee gobolka. Qaabka hadda IGAD ay u dhisan tahay waxaa la qaatay 1996-dii kaddib markii kulan guud laysugu yimid magaalada Addis Ababa. Meelaha ay IGAD diiradda saarto waxaa ka mid ah arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka gobolka, iskaashiga dhaqaale, iyo is-dhexgalka wadamada gobolka. Dalalkii aasaasay IGAD markii hore waxay ahaayeen Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Soomaaliya, Suudaan iyo Uganda. Eritrea waxay ku biirtay ururka sannadkii 1993-dii, kaddib markii ay noqotay dal madax-bannaan. Koonfurta Suudaan oo 15 sano ka hor dal noqotay ayaa ku biirtay ururka, waxayna xubnaha ururka sidaas ku noqdeen sideed dal. Sababta ugu weyn ee Eritrea markii hore uga baxday IGAD waxay la xiriirtay faragelintii ay Itoobiya ku samaysay Soomaaliya. Maxkamadihii Islaamka ayaa magaalada Muqdisho dullaan kula wareegay. Arrintaas ayaa keentay in dowladdii kumeel gaarka aheyd Soomaaliya aysan imaan karin caasimada iyadoo ku wareeganeysay magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo. Sida cad ay maxaakiimtu u sheegeen in ay dagaal ku qaadayaan Itoobiya ayaa soo dedejisay in xukuumadii raysalwasaare Meles Zenawi ay ciidamo u dirto Soomaaliya si loo soo celiyo awoodda dowladda. Faragelintaasi waxay dhalisay diidmo ka timid Soomaali badan, welina natiijadeedu waxay noqotay dagaal iyo dhimasho. Si kastaba ha ahaatee, shan bilood kaddib markii ciidamada Itoobiya ay galeen Soomaaliya, dawladdii kumeel-gaarka ahayd waxay ku guulaysatay in ay dib ugu soo laabato Muqdisho. Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay dawladda Eritrea in ay siiso taageero hub iyo talo ah ciidamada maxaakiimta Islaamiga ee la dagaallamayay Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la sheegay in Eritrea ay taageertay Al-Shabaab iyo kooxo kale oo hubeysan oo xiriir la lahaa Al-Qaacida, kaddib burburkii Maxkamadaha Islaamiga ah. Eritrea way beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay in aanay wax hub ah u dirin Soomaaliya. Waxay ku tilmaantay eedeymahaasi been cad iyo dacaayad laga sameeyay. Eritrea ma ahayn oo keliya mid diiday gelitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, balse waxay sidoo kale ka baxday ururka IGAD, iyadoo ku eedeysay ururka in uu taageeray tallaabada Itoobiya. Bayaan ay soo saartay Eritrea ayay ku sheegtay in aanay diyaar u ahayn in ay qayb ka noqoto waxa ay ku tilmaantay gardarro iyo dulmi lagu hayo shacabka Soomaaliyeed. Xaaladda waxay is beddeshay kaddib markii raysalwasaare Abiy Ahmed uu talada la wareegay, taas oo keentay in xiriirka Addis Ababa iyo Asmara uu soo hagaago. Wixii markaa ka dambeeyay , Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu ka qaaday Eritrea cunaqabatayntii muddada dheer saarnayd dalka. Eritrea waxay makale dib ugu soo laabatay ururka IGAD kaddib 16 sano oo ay ka maqneyd, waxayna ka qaybgashay shir caadi ah oo ka dhacay Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, go'aankaasi ma sii waarin, waxayna Eritrea mar kale ay ku dhawaaqday in ay ka baxday ururka. Eritrea waxay IGAD ku eedeysay in ay muddo dheer u adeegeysay dano gaar ah oo ka dhan ah dalal xubno ah ururka, gaar ahaan Eritrea, isla markaana aysan wax faa'iido ah u lahayn xasilloonida iyo iskaashiga gobolka. Xiriirka Addis Ababa iyo Asmara ayaa dhaawac waxa uu soo gaaray markii la gaaray heshiiskii Pretoria ee dagaalka gobolka Tigray lagu soo afjarayay. Xaalada waxay ka sii dartay markii raysalwasaare Abiy uu ka hadlay in dalkiisa doonayo badda Cas. Dr. Qaalab waxa uu rumeysan yahay in go'aanka Eritrea ay ururka kaga baday uu ka turjumayo xiisadan.
39541034-30ff-475c-9a4d-4fe6ed634058
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cdxezk94v2go
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
739
Dhegeyso: Xaaladda Boorama oo ay maalmahan rabshado ka socdeen Dhegeyso: Xaaladda Boorama oo ay maalmahan rabshado ka socdeen Xaaladda magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa degganayd tan iyo shalay gelinkii dambe, kadib mudaaharaadyo rabshado wata oo maalmihii u dambeeyay ka socday halkaas. Booliiska iyo dad shacab ah oo dibadbax dhiagayay ayaa isku dhacay, waxaan ka dhashay khasaaro aan wali si rasmi ah loo shaacin inta uu gaarsiisan yahay. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda goonni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa ballan qaaday in baaritaan lagu sameyn doono wixii ka dhacay Boorama.
9f74ac3b-2738-4c39-b0b4-40014c363b39
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c8jwp47rpdwo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
90
Ciyaartoyada Afcon ee indhaha lagu hayo Koobka 35-ta dal ee Afrika ayaa ka bilaabanaya Morocco 21-ka Bishan Desembar. Ciyaarta ugu dambeysa kulamadan ayaa ka dhaceysay magaalada Rabat 18-ka Janaayo. . Masar ayaa qaaday koobkan sanadkii 2010-kii. Lix ka mid ah magacyada ugu waa weyn ee tartanka AFCON ka qeybgalaya ayaan halkan ku soo bandhigeynaa. Azzedine Ounahi (Ciyaartoyga khadka dhexe ee Marocco) Achraf Hakimi oo hada ah xiddiga sanadka ee ciyartoyda Afrika iyo kabtanka naadiga ayaa la filayaa in uu caafimaad ahaan ka qeybgali karo tartanka hadii aysan taasi dhicin waxay ku qasban yihiin in baddel loo helo. Ciyaartoyga Khadka dhexe ee Real Madrid, Brahim Diaz ayaa ahaa kan ugu goolasha badan isagoo dhaliyay 7 gool balse reer Morocco waxay rajeynayaan in Azzedine Ounahi oo xukuma khadk dhexe in uu soo baxayo. Ounahi waxa uu ka soo baxay akadeemiyada caanka ah ee VI. Culeys ayaa ku qabsaday Marseille kaddib markii uu halkaas u wareegay. Ciyaarihii adduunka ee 2022-kii ayuu muujiyay awood xooggan. Morocco waxay la ciyaari doonaan dalalka Comoros, Mali, iyo Zambia oo ay kuwada jiraan guruubka A. Xulka Marocco waxaa ku jira ciyaartoy awood leh sida Yassine Bonou iyo Youssef En-Nesyri. Hadii Hakimi uusan ciyaari karin sanadkan, waxaa suuragal ah in lagu beddelo Ounahi. Mohamed Amoura (Weeraryahanka Algeria) Amoura waxa uu ka mid ahaa ciyaartoyda ugu goolasha badnaa qaarada Afrika isree-reebka koobka adduunka ee sanadkan. Weeraryahanka Wolfsburg waxa uu dhaliyay 11 gool sideed kulan oo u dalkiisa u saftay ilaa bishii Maarso. Goolasha uu dhaliyay waxaa ku jira saddex uu ka dhaliyay Mozambique. Riyad Mahrez waxa uu ahaa ciyaartoygii ugu muhiimsanaa horyaalkii sanadkii 2019-kii. Labadooda waxaa ka dhexeeya is-faham wanaagsan. Amoura waa ciyaartoy halis ah, waxay hadda guruubka E kuwada jiraan dalalka Sudan, Burkina Faso, iyo Equatorial Guinea. Victor Osimhem (Weeraryahanka Nigeria) Way iska cadahay in guusha Nigeria ay si weyn ugu tiirsan tahay hadii uu weeraryahanka Galatasaray diyaar yahay, uuna caafimaad qabo. Xulka Nigeria waxay haystaan 15 dhibcood. Osimhen waxa uu halbowle u yahay xulka. Nigeria xaalku wuu ku adkaaday kulankii DRC kaddib markii lagu qasbay in ciyaarta uu ka baxo. Frank Onyeka oo ay isku naadi yihiin ayaa ku tilmaamay Osimhen "qof aan la gaarikarin". Hadii Nigeria ay dooneyso in ay meel fiican gaarto aad ayuu muhiim ugu yahay. Ibrahim Mbaye (Weeraryahanka Senegal) Sadio Mane weli waa ciyaartoy muhiim u ah xulka horyaalka AFCON 2021 qaaday. Ndiaye and Ismaila Sarr hadda waxay ka dheelaan horyaalka Ingiriiska. Labadaas ciyaartoy iyo Mane hadii ay isla joogaan, xulkooda waxa uu haystaa saddex weeraryahan oo cajiib ah. Taageerayaasha xulka qaranka Senegal ayaa u arka Ibrahim Mbaye ciyaartoy mustaqbal leh. Mbaye waxa uu hore ugu dheeli jiray da'yarta Faransiiska. Wuxuu u ciyaaray PSG. Ciyaartii Champions Leauge ee Barcelona ayaa la safay isagoo baddel ku yimid. Rogers Mato (Weeraryahanka Uganda) Xulka qaranka Uganda dib ayuu ugu soo laabtay AFCON. 2019-kii waxaa lagu reebay wareegga 16-ka. Sanadka 2017-ka waxay u diyaargaroobayaan in ay martigeliyaan ciyaaraha Ciyaarihii loogu soo baxayay koobka adduunka guruubkooda waxay galeen kaalinta labaad, waxay ka dambeeyeen Algeria. 22 jirkan waxa uu dhaliyay labo gool oo cajiib ah markii ay ka guuleysteen Mozambique bishii Sabtembar. Uganda waxay ku jirtaa guruub adag oo ah C, waxaana sugaya Nigeria iyo Tunisia iyo sidoo kale Tanzania. Reinildo (difaaca Mozambique) Mozambique waxay gaareen heer aysan weligood soo gaarin, waxayna u socdaalayaan Waqooyiga Afrika. Markii ugu horeysay waxaa xulkooda ku jira ciyaartoy ka dheela horyaalka Ingiriiska. Reinildo waxa uu noqday ciyaartoygii ugu horeeyay dalkiisa ee ka dheela horyaalka Ingiriiska kaddib markii uu ku biiray naadiga Sunderland. Ciyaartoygan ayaa ka yimid Atletico Madrid bishii July ka hor inta uusan Sunderland ku soo biirin. 31-jirkan ka dheelaa weerarka, wuxuu ka caawiyay xulka Black Cats in ay si weyn kor ugu soo kacaan.
2b4859e5-8d69-417f-a33b-13c1b37d5096
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c78ve1vxr07o
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
612
Barnaamijyada Moobilka (Apps) awood ma u leeyihiin inay xadaan xogtaada khaaska ah? Sidee isu ilaalin kartaa? Dowladda Hindiya ayaa dhawaan amartay in app-ka Sanchar Saathi degdeg loo geliyo telefoonnada gacanta ama la soo dajisto laga bilaabo bisha March 2026. Waxaa sidoo kale app-kan lagu shubi doonaa taleefannadii hore iyada oo loo marayo casriyeynta software-ka. Mucaaradka ayaa ku tilmaamay app-ka Sanchar Saathi mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka, isla markaana ah aalad lagula soconayo muwaadiniinta, iyadoo markaas kaddib ay dood ka billaabatay. Si kastaba ha ahaatee, dowladda dhexe ayaa ka laabatay go'aankeedii ahaa in Sanchar Saathi app uu yahay mid qasab ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda isgaarsiinta. Laakin ma laga yaabaa in talefankaaga gacanta uu lahaado apps la socda dhaqdahqaaqaaga oo xadaya xogtaada shakhsi ahaaneed? Sideed-se isu ilaalin kartaa? Si loo helo jawaabaha su'aalahan, BBC Hindi waxay la hadashay qaar ka mid ah khubarada amniga internetka. Sidee App-ka u ururiyaan xogteena? Khabiirka amniga dhanka Internetka ahna qareenka Maxkamadda Sare Virag Gupta ayaa sheegaya, "Apps-ka waxay ururiyaan xogteena si toos ah iyo si dadban labadaba. waxyaabaha ay app-ka inta badan ay uruuriyaan waxaa ka mid ah goobta aa ku suganahay, liiska xiriirka, kamarada, diiwaanka wicitaanka, sawirada, xogta caafimaadka, fariimaha, makarafoonka." Virag Gupta wuxuu sharxayaa, "Dhaqaalaha dhijitaalka ah, macaamiishu waxay noqdeen wax soo saarka ku salaysan macluumaadka iyo in lala wadaago xogta. Sidaa darteed, la wadaagista xogtani waa mid aad muhiim u ah oo faa'iido ganacsi u leh shirkadaha." Waa maxay waxyaalaha ay tahay in maskaxda lagu hayo marka aad soo dajisanayso app? Khabiirka amniga internetka Dr. Pawan Duggal ayaa leh, "Kahor intaadan soo dejin app kasta, waa inaad si taxadar leh u akhridaa shuruudaha iyo sidoo kale siyaasaddeeda gaarka ah. Waa muhiim inaad aragto sida app-ka aad ku soo dajisanayso uu u kaydin doono oo u isticmaali doono xogtaada. Soo dejiso kaliya markaad si buuxda ugu qanacdo." Dr. Pawan Duggal ayaa sheegay in habka ugu wanaagsan ee lagu ogaan karo app kasta ka hor inta aan la soo dajin ay tahay in la akhriyo qoraalada falcelinta macaamiisha, isla marka aad aragto calamada cas meel kasta, waa inaad ka fogaataa app-kaas. Khabiirka kale ee lagu magacaabo, Virag Gupta wuxuu leeyahay, "Kaliya apps-ka si rasmi ah loo ansixiyay waa in laga soo dejiyo Google iyo Apple's Play Store. Laakiin waxaa jira barnaamijyo badan ayaa horay loogu sii shubay taleefannada dadka, kuwaas oo ay adag tahay in laga saaro." Waxaa la rumeysan yahay in apps-ku ay bixiyaan adeegyo heer caalami ah oo bilaash ah. Balse Dr. Duggal waxa uu uu leeyahay, "Wax bilaash ah aduunkan ma jiro. Apps-ku waxay ururiyaan oo ka ganacsadaan xogtaada. Apps-ka waxay ku helaan xogtaada iyagoo waydiisanaya ogolaansho. Labada khabiirba waxay si isku mid ah u sheegeen in qofku u baahan yahay inuu taxaddaro marka uu app-ka siinayo ogolaanshaha inta lagu jiro soo dajinta app-ka, bixi kaliya inta ogolaansho ee lagama maarmaanka ah si aad u fuliso ujeedadaada. Maxaa ku dhacaya xogta? Dr. Pawan Duggal wuxuu uu yiri, "Marka xogtaada la ururiyo, profile-kaaga ayaa la abuuray. Maxay yihiin hiwaayadahaaga, maxaad jeceshahay inaad cunto, cabto, ama xirato? Wax walba waxaa laga fahmayaa profil-ka." Virag Gupta wuxuu leeyahay, "Shirkaduhu waxay dhinac kale la sii wadaagaan xogtan waxayna ka iibiyaan shirkado kale. Iyada oo ku saleysan xogtan, ganacsiga shirkadaha xayaysiisyada iyo suuqgeynta ayaa sidoo kale kordhiya iyaga si toos ah u bartilmaameedsanaya cidda saxda ah Dr. Pawan Duggal wuxuu sheegay in taas lagu saleynayo, noocyada kala duwan ee adeegyada gaarka ah ee lagu siinayaa. Tani waa xilligii dhaqaalaha xogta, halkaas oo xogtu tahay lacag. Haddii aadan ka taxaddarin, waa lagu bartilmaameedsan karaa. Dr. Duggal waxa uu tusaale u soo qaatay in talefankaagu uu dhageysto wax kasta oo aad sheegto. "Haddii aan iraahdo waxaan rabaa inaan aado Mumbai, waxaan bilaabi doonaa inaan helo waxyaabo la xiriira Mumbai. Tani waa xayeysiis xogta loo habeeyay, taas oo xogtu ay tahay qalabka ceyriin. Shirkadaha ayaa xiiseynaya , taas bedelkeed oo lagu siiynayo adeegyo gaar ah oo xogtaada la ku saleysan. Sidee lagu ogaan kartaa haddii xogtaada la xado? Si loo go'aamiyo in teleefankaaga xogta la xaday, Dr. Duggal wuxuu leeyahay waa inaad adigu qiimeysaa. Waxa uu soo jeedinayaa in aad dhex gasho ogolaanshaha abka oo aad naftaada waydiiso waxa ujeedadaadu tahay soo dejintiisa. Iyada oo ujeeddada maskaxda lagu hayo, dib u eeg oggolaanshaha ab-ka oo weydii in oggolaanshaha ab-ka ay lagama maarmaan u yihiin si loo fuliyo ujeeddadiisa koowaad. Hadday sidaas tahay, ilaali oggolaanshahaas, haddii kale, ka saar. Qareenka Maxkamadda Sare ee Virag Gupta waxa uu xooga saarayaa dhinaca sharciga ee wadaaga xogta, isaga oo leh, "Dhawaan, Maxkamadda Rafcaanka Sharciga ee Shirkadda Qaranka ee Hindiya (NCLAT) waxay taageertay ganaaxa, iyada oo si maldahan u ansixisay wadaagista xogta u dhaxaysa Facebook iyo WhatsApp. Noocan xogta la wadaago waxay ku lug leedahay si khiyaano ah ogolaanshaha macaamiisha, taas oo aan si sharci ah loo qaadan karin." Hindiya, ka dib go'aankii 9 garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee kiiska Puttuswamy, ilaalinta xogta waa xuquuq aasaasi ah oo noloshaada ah oo qarsoodi ah. Qodobka 141-aad ee Dastuurka ayaa siinaya go'aannada Maxkamadda Sare heerka sharciga. Go'aankan ka dib, baarlamaanka ayaa ansixiyay xeerka ilaalinta xogta sanadka 2023 kadib dhowr wareeg oo dood ah, balse wali ma dhaqan gelin. Maskaxda ku hay 5-tan arrimood Sida uu qabo Dr. Duggal, waxaa muhiim ah in maskaxda lagu hayo arrimahan amniga xogta la xiriira. - U yeelo amniga internetka qaab nololeedkaada. Ha u malayn in nabadgelyadaada ay mas'uul ka tahay dawladda ama shirkadaha. - Ka fiirso la wadaagista xogtaada qof ama shirkad. La wadaag xogta kaliya marka loo baahdo - Kaydi xogtaada. Helitaanka kaydku waxay kuu ogolaanaysaa inaad soo celiso xogta xitaa haddii ay lunto. - soo dajiso barnaamij ka hortag feyrisyada. - Hayso wax lagu tilmaami karo dab-damis wanaagsan oo u shaqeeya sidii gaashaan difaac. Dab-damisku wuxuu xannibaa weerarrada lagu soo qaaday qalabkaaga oo weli shaqaynaya 24/7. Dr. Duggal ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in macaamiishu ay mar walba feejignaadaan oo ay taxadar muujiyaan, waxaa muhiim ah in aad ka digtoonaato haddii aad doonayso inaad xoojiso ammaankaaga internetka.
cb30313a-429f-44a4-868b-932b7d5d7a08
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/crl9jek0523o
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/Shubh Rana.txt
so
1
995
Ganacsade kasoo jawaabay warbixin ay BBC ka sameysay barakacayaal ayuuto ku iibsaday dhul Qoysas barakacayaal ah oo muddo soo waday in ay lacag iska ururiyaan taas oo ah 'Ayuuto' ama hagbad ayaa bilaabay dhawaan in ay dhul ku iibsadaan lacagtaas. Lacagta laga ururinayay qoysaska ayaa aheyd ayuuto, waxaana bil walba qoys loogu iibinayay boos ku yaal duleedka degmada Afgooye. Qoysaskan waxa ay ku tiirsanaayeen lacagta ay iska ururiyaan taas oo marka qofka ay timaado waqtigiisa la siinayay balse dad badan ayaa maqlay warbixintii hore ay BBC-da uga qortay qoysaskan. BBC-da ayaa hore u booqatay qoysaskan oo ka sameysay warbixin ku saabsaneyd duruufaha ay ku nool yihiin, waxa keenay in ay ku fakaraan iibsashada dhul iyo sida ay lacagta intaas la eg ku ururinayaan. Xiligaas waxay noo sheegeen in jidka kaliya ee lacagtaas lagu heli karo ay aheyd in qof kasta uu lacag ayuuta ama hagbad ah uu bixiyo bishii. Balse hadda xaaladda sidaa waa ka duwan tahay. Ganacsado Soomaaliyeed ayaa markii uu arkay warbixinta la xiriiray qoysaska. Cabdinaasir Cali Adoon oo ah ganacsde ayaa go'aansaday in uu caawiyo qoysaskan oo uu ka bixiyay lacagta hartay si qoys kasta uu boos u helo. "Waxaan dareemay sida iskaashiga iyo maamulka u sameysteen iyo dadkaas masaakiinta ee saddex mar la soo barakiciyay" ayuu yiri ganacsade Cabdinaasir oo intaas ku daray "waxyaabaha kale ee igu kalifay waxaa ka mid aheyd, hooyo carruur laheyd oo ka hadashay barnaamijka oo tiri anigu nasiib ma lihi, bil walba waa imaadaa oo waa layga guuleystaa, waa iska sugaa hadii rabto shan sano hΓ‘ qaadato" Ganacsade Cabdinaasir waxa uu sheegay in waxybaaha dareenka geliyay ay ku jiraan isagoo ka baqayay in milkiilaha dhulka uu ka laabto iibka isagoo dhihi kara qiimaha ayaa kor u kacay amaba ma doonayo in aan iibiyo. Cali Xasan Cali oo ka mid ah barakacayaasha ayaa noo sheegay in markii hore ay la yaabanaayeen inta ay ku qaadaneyso ururinta lacagta ay doonayeen in qoys kasta uu ku helo guri. "Maanta farxadeenna lama soo koobi karo, intii aan soo ururineynay waxay aheyd saddex sano iyo bilooyin, kaddib waxaa noo dhinaa 5 sano iyo afar bilood, anagoo la yaaban goorta aan ururineyno….ayaa ilaahey jid noo furay". Sidoo kale waxaa dareen farxadeed oo ay sheegtay in ay la ilmeysay ka hadashay Farxiyo Maxamed Nuur Aadan oo ka mid ah hooyooyinka lacagta ururinayay oo rajo ka qabtay in waqtigeeda la soo gaaro si ay u hesho meel ay ku noolaato. "Maanta aad iyo aad ayaan u faraxsanahay, xitaa hadii aan ooyo waxba uma arko, dhul aad leedahay ayaad hadda heleysaa isma dhaheynin, maanta waxaan gacanta ku haya dhul aan anigu leeyahay". Faadumo Hilowle Cali Maxamed waxaan ku wareysanay warbixinteeni hore, waxeyna xiligaa noo sheegtay in ay nasiibkeeda iska sugi doonto balse maanta iyada iyo 62 qoys oo kale ayaa lagu wareejiyay dukumantiyadii dhulkoodaa. Sidee ku timid fikradda ururinta lacagta? Barakacayaasha ayuutada wada galay oo u badan dumar ayaa loo qabtay bakhtiyaa-nasiib lagu go'aaminayo cidda marka hore heleysa boos ku yaal degmada Afgooye. 103 qoys ayaa bishii waxa uu qoys kasta bixinayay 4.5 doolar. Fikradaan waxaa lahaa Maxamed Aweys oo ah horjoogaha xerada barakacayaasha ee ku taal duleedka Muqdisho ka dib markii goobo badan oo ay hore ay ugu noolaayeen loo sheegay in ay ka guuraan. "Dhibaatada ugu badan waa adigoo ogeyn markii laguu yimaado oo lagu dhaho dhulkaan ka kac, booska aad ka sii kacdid, meel kale sii degtid haddana ka kac lagu dhahayo, aad ayey u dhib badan tahay…Qofka guur marka la leeyahay isteeli (Alwaax) wax uu ku gato ma la han, musbaar wax uu ku gato ma haysto, qarashka qofka u dhisaa ma haysto" ayuu yiri Maxamed oo intaas ku daray, "Ayuutadaan saddex sano iyo dheeri ayaan wadnaa, ayuutadana 8 sano iyo shan bilood waaye socoshadeeda, marka iyadoo saas ay u dheertahay kama caajiseyno hadafka aan ka lenahay ayaa ka weyn, sababtoo ah dhibaatada aan soo marnay waa ka sii weyn tahay, hadafka aan ka leenahay ayaa ka sii weyn, waxba uma arkeyno dheeraanteeda". Hadalkaas uu hore u sheegay Maxamed Aweys ayaa hadda ku dhamaaday in hal mar ay helaan lacagtii ay u baahnaayeen.
7d06f301-0b6a-4811-ae32-cd564a62fcbf
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/c2ep127yepyo
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
677
Soomaali ka carootay shaqaale Itoobiyaan ah oo ku kacay fal anshax xumo ah iyo musaafurin ka dhalatay Kumanaan shaqaale Itoobiyaan ah ayaa laga saaray gobolka Mandheera ee Kenya. Shaqaale sharci darro ah oo ka shaqeynayay deegaanka in ka badan 10 sano ayaa shaqada laga eryay ka dib markii nin uu sameeyay fal anshax xumo ah oo ka dhan ah neef lo' ah. Dadka deegaanka, Golaha Odayaasha, Hogaamiyeyaasha Diinta iyo dhalinyarada Mandheera, gaar ahaan maamulka Ceel-Waaq, ayaa ku amray Itoobiyaanka inay ka baxaan deegaanka laga bilaabo bisha Maarso. Mas'uuliyiinta degmada iyo culimada ayaa ka soo lugeeyay xaafadaha iyagoo wata makarafoonno iyo sameecado si ay amarka u gudbiyaan. Tobias Otunga, guddoomiye ku xigeenka degmada El-Waaq, ayaa sheegay in dadku ay ka cabanayeen dhibaatada muddo dheer taagnayd. Iyadoo ay jiraan cabashooyin, wuxuu sheegay inay ka wada hadlayeen tallaabada la qaadayo. "In la eryo dadka si wadajir ah ma aha sida ay dowladdu u shaqeyso laakiin waa falcelinta bulshada ee xaaladda," ayuu yiri sarkaalka. Safaaradda Itoobiya ee Nairobi ayaa tiri: "Waxaan si dhow ula soconnaa xaaladda". Waxaan la hadlaynaa taliyaha booliiska Mandheera. "Waxaan ka codsanay inay arrinta wax ka qabtaan si ixtiraam leh sharafta aadanaha oo aan lagu xadgudbin xuquuqdooda", ayey tiri safaaraddu. Dadka qaar loo shaqaaleeyay inay xoolaha ku ilaaliyaan gobolka ayaa lagu eedeeyay inay falal anshax xumo ah ku sameeyeen dameeraha iyo lo'da. In kasta oo laga shakisan yahay, haddana arrinta waxaa sii xumeeyay markii dhawaan la ogaaday in qof adhi jir ah uu fal anshax xumo ah ku sameeyay sac. Tani waxay ka careysiisay dadka gobolka waxayna horseeday in shaqaalaha Itoobiyaanka ah ee ka shaqeeya gobolka laga saaro. Waxaa jira shaqaale badan oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Kenya, gaar ahaan waqooyiga. Waxay ka shaqeeyaan shaqooyinka guryaha, ganacsiga iyo dhaqashada xoolaha ee Moyale, Wajeer iyo Mandheera. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay jiraan in ka badan 1,000 shaqaale ah oo ku sugan aagga Ceel-Waaq oo keliya. Alnasir Abdikadir oo degan El-Waaq ayaa sharraxaya in shaqaaluhu ay sameynayaan waxyaabo aan la aqoon oo aan la aqbali karin oo ka dhex jira bulshadooda. Wuxuu sheegay in dhibaatada ugu weyn aysan ahayn dumarka balse ay tahay ragga, laakiin hadda tallaabo laga qaaday dhammaantood. "Hal qof oo keliya ayaa ilaa hadda lagu qabtay wax khaldan, tanna waxay sababtay in dhammaantood la eryo." Alnasir wuxuu lahaa gabadh shaqaale ah oo ka timid Itoobiya. Waxay u shaqaynaysay isaga dhowr toddobaad oo keliya. Hadda, amarkan awgiis, wuxuu u diyaariyay mushaharkeeda oo uu siiyay si ay u aado Itoobiya. Markii la eryay, shiyuukhda iyo mas'uuliyiinta degmadu waxay u tageen dadkii waxayna u sheegeen in mushaarkooda la bixin doono. "Waxa aan shalay arkay waxay ahayd inay shaqada ka eryeen shaqaale la siiyay mushahar bil ama laba bilood ah, waxayna u tageen dowladda oo ay ku ooyeen," ayuu yiri Alnasir. "Marka hadda waxaa jira baaqyo lagu dalbanayo in lacagtooda la siiyo". "Dadku waxay ka baxayeen aagga tan iyo bishii Maarso 18keedii ilaa maanta". ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Tobias Otunga wuxuu leeyahay ma jiro shaqaale dhaawacmay, inkastoo dadka deegaanka ay ka caroodeen. Markaa wuxuu sheegay inuu go'aansaday in ay ku soo galaan heshiis si aan loo waxyeellayn. Tirada shaqaalaha sharci darrada ah ee kasoo galaya Kenya dhanka Itoobiya ayaa sii kordheysa maalinba maalinta ka dambeysa, ayuu yiri Otunga. Inkasta oo amni uu ka jiro xadka, dhulku waa weyn yahay waxaana jira albaabo badan. Iyadoo dadka la xakameynayey waqtiyo kala duwan, dhibaatada lama xallin karin. Gobolka Mandheera wuxuu ku yaal xuduudda Soomaaliya, muhaajiriinta sharci darrada ahna waxaa looga baqayaa dhibaatooyin amni. "Al-Shabaab waxay shaqaaleysiisaa dad shaqo la'aan ah, inkastoo aynaan hore u maqlin in dadkan la shaqaaleysiiyay, haddana weli cabsi ayaa jirta" ayuu yiri. Waa wax caadi ah in Itoobiyaanka si tahriib ah ay ku soo galaan meelaha xuduudda ah. Qaarkood waa la xiraa, qaarna waxaa lagu celiyaa Itoobiya, kuwa kalena waxaa loo wareejiyaa waddamo kale. Waxaa sidoo kale jira dhibanayaal badan oo ay dhibaato kasoo gaartay ka ganacsiga dadka. Haddana waxaa jiray kumanaan ka mid ah kuwa u yimid inay ka shaqeeyaan meelahan. Taas oo keliya ma aha, ka ganacsiga daroogada ayaa ku badanaya meelaha xuduudaha ah. Sida kuwa kale, Sheekh Isxaaq Muuse wuxuu cambaareynayaa dambiyada ka dhanka ah xayawaanka. "Sidee bini'aadamku ugu samayn karaa wax aan anshax lahayn xayawaanka? Alle waxa uu kala soocay aadanaha iyo xayawaanka. uma dulqaadan karno waxyaabahaas oo kale." Qof kale oo deegaanka ah, Fatima Ali, ayaa taageertay in dadka laga saaro guryaha. Waxay sheegtay in dadkani ay dadka ka caawinayeen shaqooyin badan. Marka laga soo tago kuwa ka shaqeeya guryaha dadka kale, waxaa jira dad badan oo leh ganacsiyo u gaar ah. "Waxay si nabad ah u maamulayeen goobo timo-jare, hoteella yar yar iyo ganacsi farsamo sannado badan." Si kastaba ha ahaatee, markii waqtigu sii socday, ayay tiri, dhaqan aan loo baahnayn ayaa soo ifbaxay. Tani wax kale ma aha marka laga reebo falalka hal ama laba qof. Laakiin waxay saameysay dhammaan dadka deegaanka. Cayrintoodu wax dhibaato ah ma geysan doonto, ayay tiri Fahima, iyadoo intaas ku dartay in ay iyagu ay qasban jireen shaqooyinkooda ka hor inta aysan imaan haddana ay qabsan doonaan. Isku dayga lagu doonayay in xiriir lala sameeyoi shaqaalaha shaqada looga eryay arrinta ayana suurta gelin. .
5897552a-3b8b-4138-bc4f-905d97fd21de
CC-MAIN-2026-SOMALI
https://www.bbc.com/somali/articles/cdj89vkzgl7o
2026-01-25T16:56:04
bbc_somali/news_service.txt
so
1
856
End of preview. Expand in Data Studio

FineWeb Somali Dataset

A curated collection of Somali language content from BBC Somali, designed for training and evaluating small language models on low-resource languages.

Dataset Description

This dataset contains 4,910 high-quality Somali language articles scraped from BBC Somali's website. The content covers diverse topics including news, culture, technology, sports, and human interest stories, providing a rich corpus for Somali language model training.

Dataset Summary

  • Language: Somali (so)
  • Total Records: 4,910 articles
  • Source: BBC Somali (bbc.com/somali)
  • Collection Date: January 25, 2026
  • License: MIT (for educational and research purposes only)
  • Purpose: Educational - for building and experimenting with small language models for low-resource languages

Key Features

  • βœ… High-Quality Content: Professional journalism from BBC Somali
  • βœ… Diverse Topics: News, sports, culture, technology, health, and more
  • βœ… Clean Text: Pre-processed and validated Somali text
  • βœ… Metadata Rich: Includes URLs, dates, file paths, and token counts
  • βœ… Language Verified: All content has language_score of 1.0

Dataset Structure

Data Fields

Field Type Description
text string Main article content (136-26,800 characters)
id string Unique identifier (UUID format, 36 chars)
dump string Dataset dump identifier (CC-MAIN-2026-SOMALI)
url string Source article URL (35-431 characters)
date timestamp Collection timestamp (2026-01-25 16:56:04)
file_path string Source file path (238 unique sources)
language string Language code (always "so")
language_score float Language detection confidence (always 1.0)
token_count int Number of tokens per article (17-4,160 tokens)

Data Splits

Split Records
train 4,910

Usage

Loading the Dataset

from datasets import load_dataset

# Load the full dataset
dataset = load_dataset("IbraahimLab/fineweb-somali")

# Access the training split
train_data = dataset['train']

# Example: Print first article
print(train_data[0]['text'][:500])

Example Use Cases

1. Training a Small Language Model

from transformers import AutoTokenizer, AutoModelForCausalLM, TrainingArguments, Trainer

# Load dataset
dataset = load_dataset("IbraahimLab/fineweb-somali")

# Initialize tokenizer and model
tokenizer = AutoTokenizer.from_pretrained("your-base-model")
model = AutoModelForCausalLM.from_pretrained("your-base-model")

# Your training code here...

2. Text Analysis

import pandas as pd

# Convert to pandas for analysis
df = dataset['train'].to_pandas()

# Analyze token distribution
print(df['token_count'].describe())

# Check content sources
print(df['file_path'].value_counts())

3. Data Exploration

# Filter by token count
long_articles = dataset['train'].filter(lambda x: x['token_count'] > 1000)

# Sample random articles
sample = dataset['train'].shuffle(seed=42).select(range(10))

Dataset Statistics

  • Total Articles: 4,910
  • Total Characters: ~40M (estimated)
  • Average Article Length: ~8,150 characters
  • Token Count Range: 17 - 4,160 tokens
  • Unique Sources: 238 file paths
  • Language Purity: 100% (all articles scored 1.0)

Source Information

All content is sourced from BBC Somali (https://www.bbc.com/somali), which provides:

  • Professional journalism in Somali language
  • Wide topic coverage (news, sports, culture, tech, health)
  • High-quality, edited content
  • Diverse vocabulary and writing styles

Content Categories

Based on file paths, content includes articles from various BBC Somali journalists and sections covering:

  • Breaking news and current events
  • Sports coverage
  • Cultural stories
  • Technology and science
  • Health and lifestyle
  • Human interest stories

Intended Use

Primary Use Cases

  • πŸŽ“ Educational: Learning to build language models for low-resource languages
  • πŸ”¬ Research: Somali NLP research and experimentation
  • πŸ€– Model Training: Pre-training or fine-tuning small language models
  • πŸ“Š Linguistic Analysis: Studying Somali language patterns and structures

Out-of-Scope Use

  • ❌ Commercial applications without proper licensing
  • ❌ Creating misinformation or fake news in Somali
  • ❌ Any use that violates BBC's terms of service

Limitations

  • Single Source: All content is from BBC Somali only
  • Temporal Scope: Single collection date (January 25, 2026)
  • Domain: Primarily news/journalism style, may not represent conversational Somali
  • Size: Moderate dataset, may not be sufficient for large model training
  • License: Educational/research purposes only

Ethical Considerations

  • This dataset is provided for educational and research purposes only
  • Original content belongs to BBC and should be used in accordance with fair use principles
  • Users should respect copyright and only use this for non-commercial learning purposes
  • Researchers should cite both this dataset and BBC Somali as the original source

Citation

If you use this dataset, please cite:

@dataset{fineweb_somali_2026,
  author = {IbraahimLab},
  title = {FineWeb Somali: BBC Somali Content for Language Model Training},
  year = {2026},
  publisher = {Hugging Face},
  url = {https://huggingface.co/datasets/IbraahimLab/fineweb-somali}
}

Also acknowledge the original source:

Content sourced from BBC Somali (https://www.bbc.com/somali)

Dataset Creation

Collection Process

  • Method: Web scraping from BBC Somali website
  • Date: January 25, 2026
  • Processing: Text extraction, cleaning, and validation
  • Quality Control: Language detection (all articles scored 1.0 for Somali)

Preprocessing

  • Text extracted from HTML content
  • Character encoding standardized
  • Token counts computed
  • Metadata preserved (URLs, dates, sources)

Maintenance

  • Version: 1.0
  • Last Updated: January 2026
  • Status: Static dataset (snapshot from single date)

Contact

For questions or issues regarding this dataset:

  • Creator: IbraahimLab
  • Platform: Hugging Face Datasets

Acknowledgments

  • BBC Somali: Original content creators
  • Somali Language Community: For preserving and developing the language
  • Low-Resource Language Research Community: For supporting Somali NLP development

Disclaimer: This dataset is intended solely for educational and research purposes. All content rights belong to BBC. Users must comply with applicable copyright laws and BBC's terms of service.

Downloads last month
13