audio
stringlengths 90
93
| transcript
stringlengths 37
96
|
|---|---|
ka taagan yahay oo si ba an u gurxamaya ayaa si
|
|
mintidnimo ah bawdada bidix cantuugo ka buuxsaday oo dhawr tallaabo
|
|
ku maguujiyay si culus ayuu xirsi mar kale dhulka ugu
|
|
dhacay markiibana wuxuu ogaaday in uu bawdo ka dhaawacan yahay
|
|
warankiina gacantiisa ka maqan yahay sidaas darteed inta uu degdeg
|
|
isu qaaday ayuu jeexii debedda uga booday wuxuu filayay faroole
|
|
in uu ka daba iman doono ableydii ayuuna la baxay
|
|
gacanta midigna ku sii diyaarsaday laakiin faroole in uu gurxamo
|
|
oo jeexa gilgilo mooyee debedda u ma soo bixin ilbidhiqsiyadii
|
|
ugu horreeyay xirsi si aad ah ayuu u digtoonaa qorshahana
|
|
ugumay jirin wax aan ahayn marka uu faroole soo baxo
|
|
in uu kurtun uu gacanta bidix ku diyaarsaday afka uu
|
|
soo ka la waaxi doono u geliyo dabadeed inta uu
|
|
karaankiisu yahay toorrayda u darandoorriyo maanta wada noolaan maysaan ee
|
|
midkiin baa dhimanaya ayuu ku talogalay laakiin in uu kaa
|
|
soo daba bixi waayay waa arrin farxad leh nasasho yariba
|
|
waa dan faroole gurxankii iyo cartankii uu jeexa ka waday
|
|
qunyar qunyar ayuu u dhimay daqiiqadba ta ka dambaysa ayayna
|
|
xaaladdu sii qabowday intaana xirsi kurtunkii iyo toorraydii ayuu labada
|
|
gacmood ku ka la haystay diyaarna u ahaa weerar lamafilaan
|
|
ugu yimaadda wuu hubay waranku in uu si qurux badan
|
|
faroole caloosha uga arooray laakiin u ma ega cadow ay
|
|
intaasi dhulka dhigi karto isaga qudhiisu in uu bawdada ka
|
|
dhaawacan yahay ma mooga dhiig qabow ayaana ka da aya laakiin
|
|
xanuun la sheegi karo ma qabo si uu wax u
|
|
qabana ka ma fekerin waxaa muhiim u ahayd uun in
|
|
uu sii dagaallami karo taana wuu hubay wuxuu sidaas ahaado
|
|
oo dagaal heegan u ahaadaba xirsi mar keliya ayuu dareemay
|
|
degganaan iyo aamus gaadhsiisan in uu neefsashada sankiisa maqlo jeexiina
|
|
waxaad mooddaa meel aan waxba ka dhicin ama wax nooli
|
|
ku jirin faroole miyuu dhintay mise qudhiisu difaac ayuu dhufayska
|
|
ugu jiraa mise iimaanka laga qaad dhabarjebin iyo gaade ayuu
|
|
ku soo maqan yahay xirsi cabbaar ayuu wax uu sameeyo
|
|
iyo geeri iyo nolol wax uu faroole kaga talo galo
|
|
garan la aa dabadeed qori ayuu dhankii uu ku malaynayay ku
|
|
tuuray markii uu falcelin ka waayayna dhawr qori oo kale
|
|
ka daba geeyay aamuskii se waxba iska ma ay beddelin
|
|
fulaynimo ayaa ku haysa ee faroole oo nooli tuuryo u
|
|
ma uu dulqaateen ee meesha ka war doon ayuu isku
|
|
canaantay isaga oo kurtunkii iyo toorraydii labada gacmood ku sita
|
|
sidii horena suulasha ugu soconaya ayuu jeexii ku noqday intii
|
|
aanu wax kale arag ayuu warankii ka dhacay helay
|
|
markii uu qaatayna socod ku sii dhiirraday meel uu faroole
|
|
ku galgashay oo doogga dhulka ku nabay dhiigna ku masaxay
|
|
ayuu arkay haddana meel aan ka fogayn ayuu ka arkay
|
|
midab casuus ah oo dhulka daadsan waa faroole oo warankii
|
|
weli caloosha ka qotomo cabbaar ayuu eegay ilaa uu dhaqdhaqaaq
|
|
ka waayay ma uu aamminin ee isaga oo waranka riddo
|
|
u haysta ayuu si digtoon ugu dhowaaday laakiin faroole isma
|
|
dhaqaajin wuxuu ahaa mayd markaa ka dib xirsi wuxuu dareemay
|
|
xanuun lugta dhaawacan ka haya wuxuuna arkay sida ay miciyaha
|
|
faroole ee huurada lihi bawdada uga ruubteen wuu ag fadhiistay
|
|
oo faroole cabbaar aad u daawaday waxaa ka muuqata da
|
|
weyni ciddiyaha iyo miciyuhuna waa wada dildillaac iyo jajab korkiisana
|
|
nabarro badan baa ku gunaadmay meelo badan ayay timuhu ka
|
|
mudhxeen oo dub madow baa soo baxay inta ku hadhayna
|
|
waa hoolif foolxun waxaa ka soo baxaya shuruf isugu jira
|
|
baarqab qooqan iyo biyo ajo ah ay weheliyaan dhiigga iyo
|
|
doogga uu burburiyay xirsi waxaa uu xasuustay galabtii uu faroole
|
|
aabbihii cunay sidii uu u da yaraa wuuna la yaabay
|
|
sidan uu u gaboobay haddii aad nin da dan ah dishid
|
|
ceeb ayay kugu ahaan lahayd ayuu ku fekeray inta uu
|
|
golxobtii la baxay ayuu jeenigii caanka ahaa ee faroole xagasha
|
|
dhudhunka iyo cududda u dhexaysa ka gooyay si uu beesha
|
|
ugu geeyo oo loogu damaashaado isla markii uu jeexa ka
|
|
baxay waxaa geed raqda dusheeda ah isku soo taagay laba
|
|
tuke oo si xun u dhawaaqaya geed kalena waxaa soo
|
|
fuulay gorgor aad u weyn xirsi wuu yar hakaday oo
|
|
eegay ilaa ay faroole ku degeen haad kale oo badan
|
|
ayaa markiiba ku xoontay dabadeed xirsi wuu iska sii jiitamay
|
|
isaga oo jeenigii faroole sita waxaa ka buuxay dareen uu
|
|
farxad iyo murugo u ka la garan waayay lugta uu
|
|
imika ka dhutiyo sidaas ayuu kaga dhaawacmay sababtaas ayaana loogu
|
|
bixiyay micilibaax maalintaas ayuuna dadkiisa ka helay qaddarinta weyn ee
|
|
weli loo hayo waqtigaa uu xirsi dekanada aabbihii dabo joogay
|
|
rooble isagu wax uu ku maqnaa magaalo iyo waxbarasho markii
|
|
uu warka maqlayna isaga oo laba go iyo kabo hadiyad
|
|
ah u sida ayuu walaalkii rooble miyi ku soo booqday
|
|
wuxuu soo arkay madaxii faroole oo geed la saaray weli
|
|
saaran afka uu soo ka la hayo iyo miciyaha cadcad
|
|
ee la moodo in uu weli nool yahay waxay abuurayeen
|
|
baqdin aan ka yarayn tii uu markii uu noolaa abuuri
|
|
jiray sidaas ayuu raage uga dheregsanaa taariikhda ay qoyskooda iyo
|
|
faroole isla soo mareen kaas ayaana ahaa dilka keliya ee
|
|
uu aabbihii u tirinayo oo u la muuqday mid aad
|
|
uga duwan kan gacankudhiiglenimada ah ee negeeye loo tirinayo
|
|
wuxuu jeclaystay in uu xaqiijiyo xanta negeeye ku saabsani in
|
|
ay dhab tahay iyo in kale ku ma uu se
|
|
dhiirran in uu cid wayddiiyo dabadeed maalin iyaga oo labadooda
|
|
ah ayuu raage soo hadalqaaday sheekadii faroole iyo aabbihii negeeye
|
|
ayaana si lamafilaan ah u yidhi waxaan la yaabban ahay
|
|
sida ay taariikhda aabbahaa iyo taydu isugu eg yihiin anigaba
|
|
habeenkii aan dhashay ayuu aabbahay libaax dilay markii aan weynaadayna
|
|
waan ka aarsaday ma libaax aabbahaa dilay ayaad adiguna dishay
|
|
haddaa maxaan ku lee yahay wuxuu ka codsaday in uu
|
|
uga warramo sidii uu libaaxu aabbihii u dilay iyo sidii
|
|
uu uga aarsaday negeeye wuu yar fekeray dabadeed bilaabay qisadii
|
|
goodir oo uu ka beddelay uun waxyaalihii laga ma maarmaanka
|
|
ahaa si ay ugu ekaato sheeko libaax markii uu dhammeeyayna
|
|
raage wuxuu wayddiiyay oo sidee baad ku garatay in uu
|
Subsets and Splits
No community queries yet
The top public SQL queries from the community will appear here once available.